site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Soomaaliyeey sidee waaye?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Oct. 29, 2000): Soomaaliyeey sidee waaye?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali waaye

Friday, October 27, 2000 - 12:47 pm
soomaaliyey sidee waaye?

suxul duub iyo seexasho waaye
sareeyow silac waaye
salaantiinu sarif waaye
socodkiin sibiq waaye
sariirtiinu sabiix waaye

soomaaliyey sidee waaye?

suulka meeshaad saartay
saxiix ahoo saacad laga joogo
saddex wallee sidaa uga mar waaye

sodohdaa suuqa gee waaye
saliid kulul simaha u geli waaye
soddon shilin siiso waaye

soomaaliyey sidee waaye?

salaadda socoldaal waaye
safar aan degayn sahay u qaado waaye
seedigaa sariirta u dhaaf waaye
saaxiibka son u qoosh waaye
samo diid sina hayeelin waaye

soomaaliyeey sidee waaye?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Saturday, October 28, 2000 - 07:11 am
Lol Waaye.
.
Waa kaa gedistay waaye
.
Meesha kunturaad aa ku heesataa waaye.
.
Hebel gacan aas taagi waaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Beendiid

Saturday, October 28, 2000 - 04:44 pm
Sidaa ayaa nahay maxaan sameynaa hee

Yar iyo weyn naga baxsan waa yee

Meelwalba aan cagta dhigno waan qaseena lee

Hadii runta naloo sheegana waan caytameena lee

Dunida naga qaylisay xagee u kacnaa hee

@@Aree badbadkaa dilkee mariheeeeeeeeee##

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 28, 2000 - 08:01 pm
ABWAANADA LooooL, somali waaye, hebel, Beendiid
check this out.
uun as mid rat hagsi
hadii loo bilaabo bakhti
minee ka racaan naagti
meeheyga lama taagna qaati
noo wada beesha shacti
gabaybana tiri sidii aati aati

LOOOOL LIIIIIIL

keep it coming///

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, October 29, 2000 - 06:35 pm
.


,,,See Ahaantiin
,,,Salaantiina aawi
,,,Sakaraad ii Sakareed
,,,Silic ii sino adduun
,,,Shukuloow ii Sodohdaa
,,,Saliid iyo Subag ka keen
,,,Sisinta i sii aaah
,,,Sinta i saar ahaa


Hebel wadaaygiis an ii adi shirmee ahaan gabay ay noo soo arkeen!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali waaye

Monday, October 30, 2000 - 05:44 am
habynkii soo jeed waaye
jaalahaa jaad la ruug waaye
jeega sii jeedi waaye
maalintii jiif lee waaye

jajab lacageed jeebka day waaye
jaahaad joogto garan waa waaye
jamaaday ila joog juuq ha oran waaye
janadii aakhiro jeek cayr siiso waaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Monday, October 30, 2000 - 06:40 pm
Neefka Xaaji ninkaan iila fiiribo meel fog aas kasoo waramooyaa aan u qabaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Tuesday, October 31, 2000 - 03:01 am
Saddex soomaali ku aqoon waaye:
sakareet,sanifaad iyo sal la'aan.

Saddex soomaali ku diid waaye:
sodohda ay sariirta saaraan,
silac iyo saxariir ku saarasho,
salaad,soon,iyo sako oo sideetan jir lagu saarsado.

saddex soomaali soor ooga dhig:
siimarooy iyo soomaroow ha u socdeen,
qum qum ,qaxwo,iyo qaad qaamanka ku qooqan,
sabiil aan sahay leheen iyo soo jeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali waaye

Tuesday, October 31, 2000 - 07:48 am
soomaali badideed booli waaye
baroori diiq waaye
boog ku danqata waaye
bog xanuun waaye
beer barar waaye
bisinka looma khaban waaye
baho iyo habar balaayo waaye
baahi iyo badar la'aan waaye
boob iyo booto lee waaye
barbaar iyo boqor la'aan waaye
barako luntay iyo booli waaye
bakhtiga baan ka dhigo lee waaye

Bisinka
Bisinka
Bisinka
Barwaaqo aduun
barbarkay jirtiyo
beri amaan
beesha soomaaliyeed
bulshadoo dhan
Boqorku ha idin barakeeyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waa kaa

Tuesday, October 31, 2000 - 08:17 am
shib dheh ha sheegin
shaqal raadis waaye
shido jacayl waaye
sheeko badi waaye
sheekha diid waaye
shaydaanka amaan waaye
shilin ha dhigan waaye
shaatiga bedelo waaye
shabtana gura waaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afarleey

Tuesday, October 31, 2000 - 10:05 am
abkeeyoow
abootooy
odaygii soomaaloow
aabihii ubadkaanoow
amuu dooli diloow ahaa
amase aboor ka weyn ahaa
amuusanba aadami ahayn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali waaye

Tuesday, October 31, 2000 - 11:12 am
xamardaye xay tahay
xal xisaabtan
xildhibaan
iyo xamardaye waaye

xusuuso neefow
xaalad adag waaye
xuseenkii yaraayi xaax
xidid gooyn waaye

xalay habaynkii
xiiso kulul waaye
xaali in xodxotiyo
xamaasaad waaye

ina xasanka xaar xaartay
ayaar ka xambaarso waaye
xamar cadde xulbad siiso waaye
xaasidkaa xabad taabsii waaye
xabaalahana xambaaro waaye

cigaal xuurtoo
shaatiguna xanaaq
cabdullahina xumbuu siidaaye
gabyowna xaraaroow
xilmaqaade morganna
xildhibaan diid waaye

aniga xamardayow
xudun xanuun waaye

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.