site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Somaliland army

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Dec. 16, 2000): Somaliland army
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

liban

Monday, October 30, 2000 - 01:33 am
Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa lagu tuulay xadadka dalku la wadaago Somaliya iyo Jibuuti. Warar naga soo gaadhaya magaalooyinka xadka ah ee Hingalool iyo Bariisle ayaa sheegaya in kumanyaal ciidamada Somaliland ah la keenay magaalooyinka xadka. Wararkan oo ah qaar isasoo taraya waxay sheegayaan in dawladu ay go'aansatay in loo diyaargaroobo difaaca dalka hadiiba ay weeraro kaga yimaadaan dalalka dibada. Ciidamo gaadhay 8000 (Siddeed kun) ayaa haatan jooga xadka soomaaliya, halka xadka Jibuuti la geeyey 3000 (Saddex kun) oo kale. Magaalooyinke Bariisle, Lawyacado iyo Saylac ee ku yaala xadka Jibuuti waxa hore u joogay ciidamo dhan 2000 (Laba kun) oo askari oo ah kuwa loo yaqaano kamaandoos. Ciidamada bariga waxa abaanduule u ah Jan. Maxamed Dhamac oo ah mujaahid in badan ku jiray halgankii dalka lagu xoreeyey. Jan. Dhamac waxa uu wax ku bartay dalka Ruushka halkaas oo loo tababaray gaar ahaan ridida madaafiicda waaweyn. Jan. Dhamac wuxu ku biiray SNM sanadkii 1983kii markaas oo uu sarkaal sare ka ahaa gaaskii 1aad ee ciidamadii Soomaaliya ee deganaa magaalada Xaliimaale ilaa Garayocawl. Xaga Galbeedka waxa abaanduule ka ah Kor. Maxamud Aden oo isna ah sarkaal sare oo wax ku bartay dalalka Ruushka iyo Filibiin islamarkaana loo tababaray dagaalgelinta Ciidama lugta.

Ciidamada dalka Jibuuti ayaa tiradoodu dhantahay 3500 oo nin. Jibuuti waxa sidoo gale degan ciidan Faransiisku leeyahay oo dhan 3000 oo askari. Faransiisku hore waxa uu u sheegay in aanu Jibuuti difaaci doonin hadii Ismaaciil Cumar Geele uu isagu weerar bilaabo.

Dhanka Soomaaliya waxa la ogyahay in Cabdiqaasim ku hanjabay islamarkaana qorshaynayo sidii uu u weerari lahaa Somaliland. Cabdiqaasim malaha ciidamo dhisan, xitaa ilaaladiisu waa mooryaan madaxbanaan (Freelance gunmen) oo qaata 500 oo dollar maalintii kastaba. Iyadoo aanay muuqan muruq uu ku muquuniyo Somaliland ayuu hadana dhawrjeer ku celceliyey inuu Somaliland weerari doono.

Ciidamada Qaranka Somaliland waxay dhan yihiin 18 000 oo ciidamada qalabka sida ah, 4670 askari oo ah kuwa loo yaqaano Kamaandoos iyo 5000 oo ah kuwa Poliska. Wasiirka Difaaca Somaliland Mudane Cumar Maxamed Nimcaale ayaa noo sheegay in ay dawladu ku talo jirto in la libinlaabo ciidamada Qaranka Somaliland. Mr. Nimcaale waxa sidoo kale uu noo sheegay inay jiraan 14000 oo ciidamo kayda oo ay dawladu siiso raashin, markii loo baahdana diyaar u ah difaaca dalka. Mar la waydiiyey baahida loo qabo kordhinta ciidamada dalka maadaama aanay jirin wax muuqda oo cabsi gelin kara, wuxu ku jawaabay wasiirku in gobolku guud ahaanba yahay mid dhib badan, waxaana lagaaga weecan karaa uun muruqaaga. Wasiirku wux sheegay in qorshaha fog ee Somaliland yahay in la dhiso ciidan nidaam leh oo gaadhay 100 000 oo askari. Mr. Nimcaale waxa uu yidhi "waxad aragtaan in ay maanta dhiigeena u haliilayaan kuwaan iskaashan lahayn een isku danta noqon lahayn (isaga oo u jeeda Xamar iyo Jibuuti) maxaad markaas u malaynaysaan shisheeyehana".

Sidoo kale mujaahidiinta SNM, ayaa muujiyey inay heegan u yihiin difaaca dalka iyagoo laabi doona khilaafka u dhexeeya dawlada iyo SNM. Gudoomiyaha SNM Md. Xasan Ciise Jaamac ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in Somaliland oo 10 sano jirtay, maanta ay u hanjabaan kuwii laga xoreeyey dalkan mudo 10 sano ah ka hor. Cabdiqaasim ayaa ka mid ahaa dawladii Faqashta ee laga xoreeyey dalka. Gudoomiye Xasan Ciise wuxu sheegay in diyaar loo yahay difaaca dalka uuna ku kalsoon yahay guulo ay mujaahidiintu soo hoyn doonan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alasow

Monday, October 30, 2000 - 04:21 am
waa ogsoonahay ma sooqoreysaan fikradeyda taasina waa u magac xumo somali net, hadaba waxaan waydiinaya ninka u hadlaya waqooyiga somaliya, waxaan waydiinaya dadka ku nool ma dhan yihiin 3000 qof marka lagu daro caruurta iyo haweenka.
hadaba beenta dhaaf ,somalida been way ka daashay
abdiqaasina maidin soo socdo arimihiisana waa wadahadal not qori, sideen ka yeelna boorame, iyolaascanood, saylac,buuhodle,markiisiyaadbarre
hargeysa duqaynayay cigaal rugta ganacsi ee somaliya ayuu ku hawlanaa oo siyaad wax la cunayay .lacagtoo maalintaas sameyay ayuu idinku xukumaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhahar

Tuesday, October 31, 2000 - 09:12 am
Please speak ENGLISH or shut the •••• out?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haudow

Tuesday, November 21, 2000 - 04:49 am
I do not know why none somalilander do not believe our extant and that we have everything government have, howver I am very sorry you need visa to get in to somaliland if you want to see in your own eyes.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alasow

Monday, December 04, 2000 - 01:50 am
somaliland they have 4 men one is in mogadishu and he is eating qaad, one he is mad and shooting somaliland, oneis guy heis in england , one is mahamed ibraahim egal and is cheeting his people, where is somaliland army.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

liban

Monday, December 04, 2000 - 10:31 am
War buuqa joojiya. I'll speak English. I mean the Somaliland gov't sent the army to the borders but then the entire army was gay and it was a known fact. They started on a rampage of sucking Jabuuti soldiers' dicks and said they can't wait for Cabdiqassim's army, cause its known the Mooryaan have huge dicks. Quit trippin people. Somaliland Fag Army Forever!!!

liban

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.