site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MUSTAQBALKA S/GALBEED MUXUU KU DAMBAYN DOONA

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Dec. 16, 2000): MUSTAQBALKA S/GALBEED MUXUU KU DAMBAYN DOONA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/rahman

Thursday, November 02, 2000 - 05:32 am
waan idin salaamay dhamaantiin. su'aashan cidna khaas kuma aha. ee waa su'aal guud oo ay ka jawaabi karaan cid kasta oo ku abtirsata magaca Soomaali.
waxaa laga yaabaa in ay kala duwanaadaan figradaha ku wajahan S/GALBEED iyo mustaqbalkeeda,
sidaa daraadeed waxaan codsanayaa in aanay taasi abuurin khliaaf laakiin laysku tix geliyo qof walba iyo figraddiisa.

let the debate begin............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shantoo midowday

Thursday, November 02, 2000 - 09:46 am
Somaliland
Puntiland
Jubaland
Hiranland
Riverland
Southland
Banadirland
Hartiland
Hawiyeland
Isaaqland
Somali Galbeed
Ogadenia
Zone 5

Haboob-land-ambad

Soomaali midowday ayuun buu ku dambayn mustaqbalka agoon-land-rajay ah.

Soomaaliyeey toosa
Toosa oo isku tiirsada
Hadba kiina Taag daran
Taageera weligiin

Xidig yahay cad
Waad na Caymisayee
Allow ha ku celin caawooy dhaha ee

Xuduudka gadaaman
Ee gaalku samaystay
Inaynu gudbayno
Waan garanaayay

Ama aynu mid noqon oo Soomaali ahaano
ama cakuye ciil badanaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Madoobe

Thursday, November 02, 2000 - 10:01 am
Si qawaaniinta iyo dastuurka Ethiopia,ururada calamiga iyo UNTba waafaqsan oo aan dagaal hubaysan lahayn si nabada ah la raaco.
1)ururo sdaa waafaqsan dalka Ethiopia gudihiisa ha laga sameeyo.Kuawa jirana ha la kocbiyo.
2)Dadka dhulkaasi degan maxay rabaan???
Waxaad moodaa dadku taasi iskuma raacsana.
Qaarna lama socdaan aduunyada isbadalka ka socda.100 sano mawqifkii aan taagnayn iyo dariiqii aan wax ku rabnay iyo kan maanta in wax lagu doono waa in ay kala gadisnaadaan.
Waxii shalay aan rabay maanta waxaa laga yaabaa in aay wax iska badaleen.
Taasi waxaan uga dan leeyahay ma gu'taan mise sinaan iyo caddaala ??Midkee mudan horaanta?
Maamul noocee ah ayaan rabnaa???Ma calan kali ah/Mise xornimo dhaqaale iyo ijtimaac?
Waxaan qabaa wayaalo badan oo u baahan in dadku inta badan ay ka midoobaan ayaa mudan in laga wada hadlo.Arrimo badan oo waxaa jira laga gabado marka gooba laysku arko.
Waxa Somali ka dhacayna waxa uu noo xaqiijinayaa hadaan daku u bislayn danta guud in gu'taan iyo xornimo gooni ah aanay dadka qaarkood faa'iido u lahayn.
Goonida iyo 'xornimadu' waxaa dan ay u tahay kuwa raba in ay barito dheefta guud gaar ahaan u xalaalaystaan.Waa kuwa raba in maamulka Ethiopia mid kasii xun oo ka liita ,kana cadaadis badan raba in uu ku badalo.
Dadkaasi wali uma bisla in ay gooni u goostaan.Dawlaad addunka ogal in laga hoos baxana ma jirto,si nabad ah.Hala sugu markay diyaar xaaladdu noqoto.Caadifadda iyo xaqiiqadu aad ayay u kala fog yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 22, 2000 - 04:00 pm
<src img="http://somalinet.com/happy.gif">

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAYNI

Tuesday, November 28, 2000 - 11:22 pm
mustaqbalka OGADENIA wuxuu ku dhismi karaa iyada oo ay qabiil walba oo meeshaa dega ay iska daayaan inay qayb libaax leh ka qaataan xukunka waddanka iyo iyada oo ay masuuliinta iyo hawlwadeenadu aysan u dhaqmin sidi iyaga oo masuul ka ah danmaha qabiilkooda oo qudha ta kale ee ugu muhimsana waxay tahay in tixgelin la siiyo figradaha dadka wata shareecada islaamiga waayo taas ayaa wannag ku jiraa
w/salam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.