love | Monday, November 06, 2000 - 01:30 pm Hooyo Hooyooy la'aantaa Adduunyadu hubaashii habeen kama baxdeenoo iftiin lama haleenoo dadku uma hayaameen dayax heego joogoo sida haad mafuuleen xiddig hawd ka lulatoo hawo laguma gaadheen hubka laguma tuureen cirka hirar ka muuqdoo ruux aad hagayso usha mid aad u haysaa Hilin toosan weligii ka habaabi maayo hooyooy addoomuhu halkay maanta joogaan adigow horseedoo intaad hanad xambaartee haaneedka siisee horaadada jaqsiisee habtay baan xisaab iyo tiro lagu heleynoo Marka aad nin hiillo laga baqo hashiisiyo halyey diran dhashaabaa hooyo lagu xasuustaa marka aad nin hoo-loo, gurigiisa habaqluhu isku soo halleeyoo, hayntiisa quudhoo hor Illaahay geystiyo lama hure dhashaabaa hooyo lagu xasuustaa Marka aad nin himilada hilin toosan mariyoo hir markii la gaaraba ku labaad hilaadshoo haga maatadisoo la higsado dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa Marka aad nin hoogiyo ka hor tago dagaalkoo garta hubin yaqaannoo xaqa hoos u eegoo halistiyo colaadaha dabka hura bakhtiiyoo ku hagoogata dhiigoo dadka kale hagaajoo kala haga dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa Markaad hoobal caaniyo hindisa farshaxanoo hab-dhaca iyo luuqdiyo hawraarta maansada heensayn yaqaaniyoo Rabbi hibo u siiyoo labadaba hannaanshiyo hal abuur dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa Dumar iyo haween baa nolol lagu haweystaa kuwa lagu hammiyayee sida hawd caleen weyn rag u wada hammuume ishu halacsanaysaa hablahaaga weeyee marka guur la haybshee gabadh heego dheeroo hoobaan la moodoo karti iyo hub qaadloo quruxdana ka hodaniyo hufan laga aroostaa hooyo lagu xasuustaa Hooyooy la'aantaa higgaad lama barteenoo hooyooy lan'aantaa hadal lama kareenoo ruuxaad habinoo kolba aanad hees iyo hoobay ku sabinoo hawshaada waayaa hanaqaadi maayee hoygii kalgacalkee naxariistu hadataay Hooyo dushaadaa nabad lagu hubaayoo hooyooy dhabtaadaa hurdo lagu gam'aayoo hooyooy taftaadaa dugsi laga helaayoo waxaa lagu hal maalaa hooyo ababintaadee hayin lagu badhaadhaay hogol lagu qaboobaay gogol lama huraaneey dugsigii hufnaantaay hidda lagu arooraay Intaad hooyo nooshahay hambalyiyo salaan baan hanti kaaga dhigayaa hamrashiyo xaq-dhawr baan dusha kaa huwinayaa hooyo dhimashadaaduna hoogeyga weeyoo Weligay hoggaagaan ka dul heesayaayoo hiyiga laabtaan kugu haynayaayoo hengel baan u xidhayaa inta haadka duushiyo idil habar dugaaggee IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON |
SALSA | Tuesday, November 07, 2000 - 05:14 am MUMMY'S BOY, LOL. |
DA REAL PLAYA | Tuesday, November 07, 2000 - 11:05 am YO IF U REALLY LOVE YOURE MOM SO MUCH TELL HER,WHY U TELLIN US WE DON'T REALLY WANNA KNOW. PLUS NOT ALL OF US CAN READ SOMALI. PEACE OUT.......(WILL BE BACK SOON) |
DA REAL PLAYA | Tuesday, November 07, 2000 - 11:06 am FOR MORE DISSIN |
Hibo | Tuesday, November 07, 2000 - 11:20 am LOve: walaahi waa runtaa/...bro/sis.... hooyo la aan ilaahey nama dhigo... hooyo is the heart of life.. without her....life would mean nothing... hooyo waa lama huraan... Way to go bro/sis.....Mother's love....pure....plenty... n powerful....the three Ps. |
DA REAL PLAYA | Tuesday, November 07, 2000 - 11:25 am YO MATE U GOT A THING 4 MOTHERS OR SOMETHING |
ReaLdeaL | Tuesday, November 07, 2000 - 03:43 pm 2pac's (dear MaMa) Dear MaMa, aint no way I can pay you back but the plan is to show you that I understand ! You know I appreciate it ! When I was young me and my Mum had beef, Seveenteen, I got kicked out to the street, Back then I thought I'll Never see ya face ! Aint No Woman alive that can take ma Mama's place Shed tears with my little sister ! over the years we were poor than the other kids ! Even though we had different dads, same drama if something went wrong we would blame Mama ! I reminisce all the strees I caused I understand for a woman it aint easy tryin to raise a Man, you were always committed ! A poor single Mother on welfare,, tell me how you did it ! There is No way I could pay you back !!!! But the plan is to show you that I understand ! When I was low you were there for Me ! Never left cause you care for Me ! You come home late from work You still get time to fix us a hot plate ! There was no limit to the things you did ! i appreciate how you raised Me ! Dear Mama there is No way I could pay you back ! But the plan is to show you that I understand !! You know I appreciate it !!!!!!!!!!!!!!!!!!! |