site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Is-Xisaabi--Inta aan Lagu Xisaabin!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Dec. 16, 2000): Is-Xisaabi--Inta aan Lagu Xisaabin!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Macruuf-Waryaa-Malaaq

Thursday, November 09, 2000 - 01:46 pm
Salama...

__________________________________________________

Is-Xisaabi Inta Aan Lagu Xisaabin.
__________________________________________________

"Shanta Salaadood si fiican ma u tukataa?"

"Ma soontaa bisha barakaysan ee Ramadhaan?"

"Mala baxdaa sadaqo, sekadase ma bixisaa?"

"Ma xajiday haddaad xoolo leedahay?"

"Farriinta Alle ma akhrisaa - Al Quraan?"

"Mase fahamtay faham Saxiixa?"

"Ma raacday Rasuulkeenii {calayhi salaam}?"

"BIDCADA ma iska ilaalisaa maalin kasta?"

"Alle xagiisa dadka ma ugu yeertaa?"

"Maku dadaashaa kheyrka?"

"Maka carartaa sharka?

"Mawaanisaa dadka samaya waxyaabaha xun?"

"Maka reebtaa dadka falalka foosha xun?"

"Mabadisaa xasuusta maalinta aakhiro?"

"Ma u diyaar garoowday la kulanka Alle?"

"Ma damcaysaa Janatu Al-Fardawsa Al-Aclaa?"

"Maka baqaysaa gelista naarta Jaxiima?"

"Maku dadaashaa digriga iyo xuska Alle?"

"Maku salidaa Nebiga {calayhi salaam}?

"Quudkaaga xaaraanta maka ilaalisaa?"

"Gurigaaga dhar islaam ma yahay?"

"Deriskaaga xuquuqdooda ma ilaalisaa?"

"Masaakiinta ma siisaa, quudisaana cunto?"

"Maka fekertaa nolosha Ehel & Ubadkaba?"

"Maka mid tahay xisbiga Alle?"

"Ma iska ilaalisaa xisbiga shaydaanka?"

"Maka war haysaa Muslimiinta xaalkooda?"

"Ma u ducaysaa walaalahaaga kaa maqan?"

"Maku bixisaa dhaqaalahaaga dacwada?"

"Maka toobad keentaa dunuubtaada?"

"Maka ilaalisaa carrabkaaga hilibka dadka {Xanta}?"

"Shaqadaada ama kasabkaagu xalaal mayahay?"

"Aduunyadaada ma u qaadatay aakhiradaada?"

"Caafimaadkaagana ma u qaadatay jiradaada?"
__________________________________________________
Qore: Miskiin, Alle u baahan!

Qofkii akhriya siina fidiya waxaan ugu ducayn Janada Alle.


Amiin!! Ani, Teeda Waa Guday!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 14, 2000 - 10:51 pm
AAkhiro iyo aduunba Alle hakaa abaal mariyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miskiin-Macruuf-Waryaa{R}

Friday, December 15, 2000 - 10:09 am
Salama...

Amiin!!

Adigana sidaas oo kale.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.