site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOOMAALIDA XALKEEDA IYO SAXAAFADDA

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): SOOMAALIDA XALKEEDA IYO SAXAAFADDA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

By.Shamsa Ahmed. (Public user)

Unrecorded Date
Saxaafadda Soomaalida dagaalkii sokeeye ka dib waxaa soo if baxay dalka gudihiisa wargeyska reer hebel iyo reer hebel imisa wargeys ayey leeyihiin iwm. Dunidaan aynu ku noolnahay wargeysyadu codad kala duwan ayey ku soo baxaan sida: cod dowladeed,cod xisbi, cod degmo,cod magaalo,cod gobol,cod diineed, cod dhexe, codad madax-banaan,cilmi iwm. Dhaqdhaqaaq fikradeed halka uu ka bilaaban karo isla markaasna shacbiga mugdiga looga saari karo waxaan ra'yi ahaan u arkaa saxaafadda si loo kordhiyo wacyiga shacbiga.
Isbedelka ugu horeeya oo lagu sixi karo qaladka jira waxaan u arkaa in saxaafaddu saxanto. waa jiraan soomaali badan oo dadaaleysa oo horumarka jecel hase yeeshee waxaa naga maqan daraasad cilmi ah in la sameeyo, fikradana lagala soo dhex baxo isla sidaas oo kale daraasadda ra'yigu waa cilmi la barto (CILMI KORORSI)oo loo adeegsado saxaafadda. Waxaa kale oo jira horumar naga maqan ee dhinaca nolosha ah oo ku xiran horumar dhaqaale. caqligu dhaqaale wuu abuuri karaa hase yeeshee dhaqaaluhu caqli ma abuuri karo, taasoo macnaha aan uga dan leeyahay tahay haddii aan caqliga la adeegsan dhaqaale la abuuray ayaa burburaya taasoo aan marqaati ka wada nahay burburka soo gaaray bulshada soomaaliyeed. waxaan ugu dambeyntii idin leeyahay (CAARAD QORI XAL MA AHA EE CAQLIGA AYAA KA DOOR ROON.)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalid (Public user)

Unrecorded Date
I have only two words for you Shamsa "Well said."

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.