site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DHALANYARTA SOMAALIYEED HA SAMEYSATO SIYAASIYIIN KA QEYBQAADATO DOWLADA MUSTAQBALKA!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Dec. 16, 2000): DHALANYARTA SOMAALIYEED HA SAMEYSATO SIYAASIYIIN KA QEYBQAADATO DOWLADA MUSTAQBALKA!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cade

Saturday, November 18, 2000 - 01:13 am
Anigoo ah wiil dhalinyar oo rabo in adiga oo ah dhalinyar soomaaliyeed aad ka qeybqaadatid siyaasada wadankeena mustaqbalka.
Saaxibow miyeeysan ahey sidaas madaama aan nahay dhalin yar waxaa aan u baahanahay qorsho siyaasadeed marka aan leeyahayna siyaasad kama aan wado kali xaga dooladnimada ee waa meel kasta oo aad is leedahay wadanka ayaan wax ugu faa ideynaa, aniga waxa ay ila tahay adiga se ma ogi ra´yigaaga aniga waxa ay ila tahay in aan ka kacno jiifka oo aan sameysano ururo gaar ah oo dhalinyata ey maamuleyso oo ka tirsan dowlada kumeelgaarka soomaaliyeed adi ahaantaa maxey kula tahay arintaa saaxib iyo mudane iyo marwo.
Waxa ay u baahantahay arintaan aan halkaan ku soo jeediyay dad wax bartay oo ku dheereeyo arimahaan oo kale oona xiriir sameysan karo.
Aqristaha sharafta lahow igu soo kordhi ra`yigaaga waxaan rajeynayaa in aan ku guuleysano arimahaan .
Asalaamu caleyku waraxmatulaahi!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zaawi

Sunday, November 19, 2000 - 11:48 am
Cade

saaxiibow, soomaalida saad sheegtay way hurudaa. Soomaalidu waxay tiraahdaa nin iyo hadal kii isu eg. Ilaah haduu rabo in dad lagumeysado dadkeeduu siiyaa. Waa runtaa waan ubaahanahay dhalinyaro siyaasada gasha oo ka madaxbanaan qabiil. Laakiin ma ujeedaa xitaa wax ka hadlaya. Mararka qaarkood shaki baa iga gala in soomaalida ay leedahay karti ay wadan ku dhisto. Hadana mararka qaarkood waxaad isleedahay markey wax bartaan xag diineed iyo xag kalaba way kaci doonaan oo wax bay dhisi karaan.
Mid aan kuu sheego anagaba Soomaali baan nahay maxaan sameenaynaa. Shaqsi shaqsi hadii aan isku soo saarno bari bulshadaa huruda ayaan wax uqabanharnaa. adiga dhankaada maxaad ku tala jirtaa. Ugu danbeys ogow wax ladhaho soomaali in aysan jiri kari karin diinta islaamka la'aanteed waayo qabiil kama gudbi kartid ilaa aad diinta ku dhaqanto. Ma aamin sani in diinta maanta lagu bilaabo soomaaliya. waayo culumo diinta fahansan xataa ma joogaan soomaaliya ku dhaqankeeda iska daayee. Waa anaga dadka laga rabo inay uhowl galaan inaan dhisno dalkaa oo tusno reer Galbeedka in ninka madow uu ismaamuli karo uuna wax iska dhicin karo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.