hargeysaawi | Friday, November 24, 2000 - 08:14 am maansadan waxaa la tiriyey sanadku marku ahaa 1982 waxaana tiriyey abwaanka caanka ah ee hadraawi sababta keentey maansadan waxay aheyd afganbi ka dhicisoobay wadankii la odhanjirey somaaliya,1982 markaa iyadoo gabeyganu inoo cadeynayo xaqiiqadii hore uga dhacday wadanka ayaa maantana gabeygan loo adeegsankarayaa xaqiiqda ka taagan wadanka. Heeliyo waa geed midhihiisana waxaa jecel daanyeerka, markaa heeliyo waxay u taagantahay shacabka somaaliyeed Haaruna waa daanyeer u taagan ninkii isaga haa (afweyne)laakiin iminka Haaruun waxaa loo sticmaali karaa (cigaal-ama-abdi-qasim) wuxuu,,yidhi. Higle weeye dulin bad waagoo hogal kaliileed hogaraha cadceedu ka hadhgaley qadhaabkii Haylaa kayara dhacay hurdada wuu iskaga jirey Hillaac wax i tus beytidhi hileyguna indhaha qabey Intu soo hambaabirey haabhaabtey mardii ku ye Heeliyoy toos. Iga-eeg kor iyo hoos miyaan hoorif(dhagor)mooyee halturxaana leeyahay. Intey yar eegtay isagii hallacsiga sarbeebtaa iyadoon u hagar bixin wax ka sheega Haarun ku te ha ka yaabin(waayo waa waqtigii aan runta loosheegi jirin).Huuhaada digasho habsabaalo weeyaan wana la is wada ogyahay,iyadoon ku hawshan wax ka sheega Haarun waxay hoos u siitidhi Nin gumaysi habey oo isticmaar habeeyey oo la halmaaley baadtahay.Markey heedhi waalaha hirwo kuu tutumayaan nin hinid dhinowsan baadtahay. Halgan iyo wadanimo inaad heerto mooyee waligaa dab uma hurin.Marka aad nin hanada iyo horusocod murmaysaan halaq labo afle aadtahay.Marka ay hufnaantiyo qof hagaagsan joogtee hebel kale la magac dhigo nin hinaasiyaadtahay.Garta hoga tuskeedana hiinraac guracan oon waxba hubinin baadtahay.Midka hoos ka tuurka ah nin ragaa hilmaamee naxli huursan baadtahay.Habashada aqoontiyo hindhisaha garaadkana hugo qaawan baadtahay.Hantida iyo dhaqaalaha gacmo hoorsedaadtahay.Hooda iyo deeqdana hor allaad ka joogtaa.Dadnimadana hogeeda dibadaad ka huridaa. Hayel waad ka madhantahay heemaalna kaa dhimay. Abaartii hawaariyo hargo cune marbaadtahay. Marna haariyaadtahay,higil nuxur la baadtahay. hiyir qodax leh baadtahay,hawo beena baadtahay. Hadal kama dhergaadtahay,nin amaanta heesaha u hamuumayaadtahay,Hibo iyo nin madaxtinimo u haliilayadtahay,Nin wax aan la helikarin u haraadan baadtahay,Nin wax aanu hidinkarin isku hawlayaadtahay.Howkar iyo dhib baadtahay,habaas iyo ufo aadtahay,humaad iyo riyo yaadtahay,habeen yuurura aadtahay,mugdi hoganayaadtahay,hanfar iyo cidlaadtahay,nitaasoo halbaasoo is hareer socdaad tahay,habaar biirey baadtahay.Hoonbaro liibaaxleey hoosaaso badanleey,waligaa humbaalee,huga dhagarta laga toley kolba midab ku hooshaar.Dadka hawdka wada yaal isma-hurada kala gee,haan haan u kala sooc,hilqabaha isugu dhiib,maadhiin holcaayiyo hanti qaranku leeyahay,hayi rarato guurtoo waxba haleyn ku dabar goo.Haweenka iyo maantada ku baabi-i,Ma colaad hagoogliyo hiirtaanyo reebey howraartu kaatahay,halse waxaad ogaataa,hiyigaaga galisaa,ha-deer waa la joogaa,ha-dhow waa la nool yahay,hordhicii qudhqudhisee adigey hadhuubkii huubadiisu kuu taal,waanad heensan doontaa. Maanleeye habacsane yaa horseede kaa dhigey hayb baabad-sidataaye,maadigaa hogaanshe ah,gobonimo hawadinkara,hasha sahan u noqon kara,qaranimo hintiqinkara,isku duubni hanadankara, taariikh la hadhi kara,hal-abuurka sharafka leh murtidooda heli kara.Maxaad boog horeetiyo haydaa daweysaa,dadkii sowtan haadkiyo haan-raawi boobeen Miyaan anigu heegooy soo haabo ku idhi,baaruuda huguntee anbatee haloowdey,habadihii sokeeyaha ku hawaawi dushee hadhka yeelatay,yaad hungo madhan inaadtahay ka hadoodileysaa.Hanta iyo digtaadii dhulka hogag la yaable iyo harooy ka jeexday. Han-fariirka meydkaa heyn waayey luxudka. (nabi)Haabiil gilgilashada hanqalkuu la boodoo, hanbadii aboorkiyo harag iyo lafkaliya yaa hanbaabirey dareenkoo,hurdadii ka toosoo, hiyigeyga waxaa galey gaariyow hiryeyda iyo hayaayda iyo qaylada dhul fog baan u heystee ma hareeraheygaa. |