site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DASTUURKA QARANKA SOOMAALIYEED

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): DASTUURKA QARANKA SOOMAALIYEED
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Haddii ay kuu suurto geli lahayd in aad ka qayb gasho hawl lagu diyaarinayo ama lagu dejinayo "Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed" ama aad taladaada la qaadan lahaa.

Waa maxay qodobka ama qodobada ugu muhiimsan oo aad ku adkaysan lahayd in lagu daro "Dastuurka"?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonX (Public user)

Unrecorded Date
Walaalkiin: Thanx bro.

1- In magaalo walbo xukuumadeeda hoosaad sida booliska, canshuuraha magaalada, nadaafada iyo wixii lamida ay 100% xor u tahay. - In maamulka magaalada ay dadka magaaladu soo doortaan.

2- In gobol walba uu masuul ka noqon karo waxyaabaha u goonida ah sida cankhuurta gobolka, isbitaalada, waxbarashada, iwm. - In maamulka gobolku ay dadka gobolku soo doontaan.

3- In dowladda sare ay maamusho waxyaabaha Somalia iyo adduunka kale ka dhexeeya sida lacagta, bangiga dhexe, difaaca, iyo inay dhedhexaadiso gobolada sida inay gobolada dhaqaalaha badan intay lacag ka qaado ku kabto kuwa danta yar. - In maamulka waddanku ay dadka waddanku soo doontaan.

4- Dowladdaha gobolada in lasiiyo xoog aad u weyn si aan marnaba la isugu dagaalin xukuumad waddan. Qofkii xoog leh xoogiisa gobolkiisa hakula ekaado dowlada sarana ha ahaato mid gobol walba uu dad u soo dirsado. Life is easy unless u make it otherwise:-)

6- In dowladda ugu horeysa oo dastuurka dejisa ay gobolada iyo magaalooyinka u dejiso "standards" isla markaana gobolka ama magaaladu dastuurkooda degsan karaan "as long" ayan kii dowladda sare dejisay ayan ku xadgudbeyn. Tusaale ahaan haddii ay ka baayacmushtarka qaadku dowlada sare mamnuucdo - Goboladu waa inay sharcigaa dhowraan.

7- In wasiir walba oo dowladda sare wasaarad madax ka noqonayo uusan ciidamada waddanka kasoo shaqeyn muddo 10 sano ah.

8- In wasaarada gaashaan dhigga ay hoos imaato dad aan askar aheyn.

Anon, the X.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Anon, the X.
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaaga Ha Ahaato.
Guulayso Anon, the X. Aad baan kuugu raacsanahay
qodobadaa. Waa bilow barakaysan Ilaahay Amarkii.

Maxaad ku dari lahayd ama ka saxi lahayd walaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yuusuf (Public user)

Unrecorded Date
To Walaalkiin (decent bro)
Maadaama qof walba uu fikradiisa dhiibanyo waxaan ku darsan lahaa qodobkan.
Daacadnimo(Loyalty) ama (Honesty)
Waa in lagu daraa qodobkan Dastuurka Qaranka
Qof kasta oo jaggo ka qaban doona dowlada ama fadhiya xafiis matala danaha guud ee umada waa inuu ku sifoobaa ama laga helaa astaan " daacadnimo" oo uu ku maamulo jaggada uu wadanka ka hayo.
Waxaan ogaadey inay dayaceen dhamaan dowladihii soo maray wadanka arinkaa aan kor ku xusay. Mudo Sodon sano laga joogo ilaa waqtigan xaadirka ayaa arintaa la dayacayey sidaa darteed waxaan codsanayaa in tixgelin gaar ah la siiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban (Public user)

Unrecorded Date
Salaan dhamaan,
Aniga waxaan ku darsan lahaa qodobkaan:

1. In la xaq dhowro xuquuqda bi'na aadamka
2. In uu qof kasta xaq uu leyaha garsoorid ku saleeysan sharci.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
TO:soomaali oo dhan

Asalaamu calaykum
Salaan ka dib

dastuur haddii loo sameeynayo Qaranka soomaaliyeed
waxaa waajib ah in dastuurka laga dhigto kii rabbi
noo soo dajiyey 1400-qarni ka hor waana kitaabka
quraanka, qofkii arintaas diidana waa shaydaanu
insi,marka ama diida ama yeela, haddii kitaabka
quraanka laysku maamulo, waxaa la helayaa liibaan
adduunyo iyo mid aakhiro, marka haday jiraan
sharciyo qoran wixii islaamka aan ka hor imaanayn
waa la soo dhawaynayaa, wixii kalena badda ayaa
lagu shubayaa,hadaba dadka qaba in kitaabka
quraanka aan laysku maamuli karin waxaanu leenahay
diinta barta. dimoqoradiyad iyo shuuciyada waa
diin la,aan ayadana aan iska ilaalino.

sidaa iyo nabdgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mUJAAHID

Unrecorded Date
Waad Mahadsantihiin Dhamaantiin.
Intaa kaBACDI WAXAAN KUDARI LAHAA IN ARRIMAHA DASTUURKA IYO XUKUNKABA LOO DAAYO DADKII SOO HALGAMAY EE TUURAY KALIGITALIYIHII DHIIGYACABKA AHAA.IYAGANA HALOOGA DHIGO ABAAL MARIN .WAAYO WAXAAN SUGAYNEY TOBAN SANO IN DAWLAD LADHISO MANA HAYNO MARKA BAL IYAGA HALUGU FIIRIYO HADII MARKII HORE LOO DYNLAHAA WAXAAN QABAA IN INTA NAGA BADEY AANAY NAGA BILAHAYN.
BY. MUJAAHID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hibo

Unrecorded Date
To Walaalkiin:

-- Nagadaa taliyaaniga, dastuurka (soo eray taliyaani ah ma aha?). Dadku da' walba ayeey leeyihiim meelo walbana weey ku koren, marka fadlan noo jilci af-soomaaliga aad qoreeysid si aan oga soo qaybgalno barnamijka.

By the way, I have enjoyed reading your ariticles and I think, you have a great talent for writing narratives which could have been seen and appreciated, if woulf have been back at home.

I think, dastuur means sharci ama constitution, marka intan ayaan ana ku dari lahaa:

1. Gudniinka Dumarka in laga dhigo danbi oo waliidkii iyo gudihii lagu qabto arintaas la xukumo, ilmahaasna xuquuqdoodana laga wareejiyo!

2. In Musuqmaasuqa Danbi laga dhigo, lana audit-gareeyo all the public funds.

3. In dowlada lagu base-gareey Central Government.

4. In layareeyo Imports of food si dadku dhulkooda wax ogala soo baxaan.

5. In dadka beeraha loo maalgaliyo ama loo subsidize-gareeyo.

6. In dhulka badiyaha ah oo dhan laga dhiso ceelal, skool, hospital, loona arko basic necessity or right for the welfare of those in need.


Well, I can go on forever,

I hope things work out for Somalia, so the senseless death and terrorism can end.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baabuuji

Unrecorded Date
Dastuurka wadanka waa in uu ku base garaysnaado
Islaam guud ahaan.
1-qaranimada soomaaliya waa in ay ahaato muqadis hadii aysan aheen waa in lagu soo celiyaa hab status quo ah(north&south problem)

2-waa in uu madaxweynahu da'diisu aysan ka yaraan 35 kana weynaan 55 waa ugu yaraan leeyahay aqoon jaamacadeed 114ta quraanka uu yaqaanaa sababtoo ah cabsida eebe ayaa ka ag dhow,waa in uu san wax lug ah ku lahayn dowladihii 160-91 iyo jabhad intaba,waa in uu leeyahay raganimo uu kula macaamilikaro wax kasta oo lasoo wajaha wadanka
awooda madaxweynaha waa laba loo kala qaybiyo ayna hoos imaadaan golaha qabiilada iyadoo la ilaalinayo cilad ku talaxtag guud iyo gaar ahaaneedba, wixii sharci cusub waa inay iyagu ansaxintooda leeyihiin,

3-waa in prime ministerku uu buuxiyaa shuruudaha kor kuxusan,lasocon walba ee wasaaradeed #1 is function of the prime minister iyo shaqaynta guud ee hay ad walba oo dadka u adeegaysa

4-waa in maxkamda sare ee wadanka ay xubno ka noqdaan 6da qabiil ugu waaweyn ee kala ah(••••••,••••••• isxaaq,raxanweyn,jareer iyo gibilcad) waa in ay xubnahani ay expert ku yihiin diinta islaamka iyo sharciyadeeda guud ahaan.

5-waa in gabol walba uu leeyahay maamul dhexdiisa like governor and mayor for each city.

6-waa in gabol walba iyo magaalo kasta uu leeyahay police u gaar ah oo ilaaliya nabada gobolkasta qofka madaxda ka noqonaya waa in uu ahaadaa qof gobolka u dhashay not qabiil ahaan u dhashay.
7-waa in ciidamada qalabka sida ay yihiin kuwo isku dhafan askari walbana uu ugu yaraan haysto shahaado dugsi sare in ay guud ahaan caafimaad qabaan diciplinkoodana la adkeeyo.

8-doorashadu waa in ay waajib ku tahay qofwalba oo caqli leh not crazy guy da'diisuna ay tahay 15 and above

9-waa in madaxweynuhu dadku doortaan isaguna uu primeministerka uu doortaa si uu dowlad u soo dhiso.

10-waa in magacaabida taliyaasha ay soo magacaabaan gaha guurtidu baarlamaankuna la xisaabtamo,ansixiyo,approvegareeyo magacaabida golaha wasiirada.

11-waa in lagu xisaabtamo tiada dadka ku nool gobolkasta lagana soo sharaxo tirada ay dad walba u dhigmaan

12-golaha guurtida waa in qofwalba oo uu qabiil soo sharaxanyo uu buuxiyaa shuruudaha hoos ku qoran
A-waa in uu aqoon u leeyahay gebi ahaanba beelaha soomaaliyeed
B-waa in uu diinta si aad ah u yaqaan but not afmiinshaar
C-waa in ay da'diisu kayaraan 37 kana weynaan 55 maalinta la dooranayo kadib

13-waa in kuraasata baarlamaanku aysan ka badan 210 kursi

14-waa in dowlada dhexe ay aqlabiyad ka haysataa gabolada wadanka oo dhan inta aysan canshuuraha aysan maal gelin.

wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Unrecorded Date
To: baabuuji

Aad baan uga helay qodobadaadan Dastuurka Qaranka soomaaliyeed, waxaan u baahnaa faahfaahin qodobka 10aad, iyo golaha wasiirada, xaggee ayuu ka xulanaayaa wasiiradiisa Ra'iisalwasaaruhu golaha xildhibaanada la soo doortay mise isaga ayaa cidduu rabo ka xulanaaya bulshaweynta aqoonyahannada ah.

Mahadsanidiin
axmed xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim iyo Ciid Wanaagsan

baabuuji Ishaad ka ridday siduu Cawke dhihi jiray.
Waxaa Haboonaan lahayd in aan sii lafo gurno qodobada aad soo qortay si bulshada SomaliNet u ansixiyaan.

Waxaase hubaal ah in aad Somalia Virtual Government ku dhisan tahay nidaamka aad kor ku soo qortay. Bal soo booqo Xafiiskaaga Dawladda Dahsoon ee Soomaaliya:

www.network54.com/forums/32067

baabuuji maxaad ka qabtaa in la soo hor dhigo qodobada Dastuurka aad soo bandhigtay Baarlamaanka Dawladda Dahsoon ee Soomaaliya si looga doodo?

Bulsho weynta SomaliNet maxay idinla tahay in aan faaqidno oo aan falan qayno rayiga baabuuji?

Siday noqotaba waxaan dhamaantiin la idinka sugayaa sidii aad u gudan lahaydeen xilka qaranka iyo in aad soo booqataan Xafiiskiina Dawladda Dahsoon ee Soomaaliya:

www.network54.com/forums/32067

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deUNTOUCHABLES

Unrecorded Date
Baabuujii bhai ,,lixda qabiil aad tirisay Baabuujii yoow armaad kuwayaga uun aad ka tagtay, ma garan haddaad ka waddo labada cassaanka ah inaan qabiilkeyga ku jiro se waxeey igu yidhaaheen labadaa laba kaloo majordomes ka ah marka haddaanad aniga iyo kuwa kaloo farabadan aad bihaar ina geyneysaan BAABUUJIIyoow garanmaayo laakiinse waxaan jeclaan lahaa saad golayaasha aad u kala faaqiday oo kale inaad u kala qeexdid qabiilada oo dee aad wax inoo ogolaataan oo calal agal aad xataa aad ina magacawdaan,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim iyo Ciid Mubaarak

deUNTOUCHABLES saxiibow adiga warkaa waa loo baahnaa. Mininka Somalia Virtual Government haddii aad timaado aa ku arkee sida wax u jiraan.

Soo Dhowoow deUNTOUCHABLES

www.network54.com/forums/32067

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
SALAAN IYO BOGAADIN ,,,walaalkiin,,waa walaalo is waayay ee haddana aanan beryo is arage,, walalkiin beryahan kadaato warkaaga lama maqal ee ma waxaad inooga caragedisatay qolkaa aad meesha ku magacawday oo aanba garan waayay meel uu ku yaal,, WALAALKIIN ma is tiri sheekooyinkii aad u soo qori jirtay bahweynta soomaali net isku baheysatay aad baa loo tabay inkastoo inbadani ay wax badani ay ku mucaaradeen haddana afa waxaa laga qaadi waayay in aad loo tabay sheekooyinkaagii iyo tacbiirkaaga qaaska ahaa ee aad had iyo gooraale ku muujin jirtay hadba wadciga soomaali weyn meesha uu marahayo,,ABTI ASHAHAADO ,,MUJAAHID ,,XISHOO YAHUUDIYAD BAAN AHAY,,,CABAAS IYO SAFIINADIISII,,HELLO ,,,QANSAX IYO QURAC,,DHEELALAW,,HANFADE,,,,IYO kuwa kaloo farabadan ee aanan halakan ku soo koobikarahayn aad baa loogu bogay ee haddaad waqti heleyso aanu kula qeybsano ee inoogu deeq your short stories, beyjkan kalee aad kobtan kadaato ku soo qortayna waan isku dayay oo aan tagi kariwaayay se dib baan u tijaabinahayaa,,,intaaa iyoooo nabaad gelyo iyo nooli kulante ,,,,warkaa ha la hello heee walaalkiis ,,,,iyaaaaaaaaaaaaaaah ,,, ayaantaan warna waa iska jiraa hee ramadaanka walaalkiin aroos gaagaabeey aas galli QUDBA SIRA ahaaneey (KAFTANKANA inoo furran)


NEEFOOWKANIINI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim iyo Ciid Mubarak

NeefoowKaniini walaalkii jira. Ma dheereen ee dhul baa noo dhaxeeya! Abkeeyoo "QUDBO SIRAAD" aaaa! Shib dheh yaan lagu maqlin! Adigaa NeefoowKaniini kistan yar maad rabtaa inaad ii qoonsato? Haddii oo Qalanjadaydu ku maqasho aadaale aadkiis!

NeefoowKaniini maxaa adiga ku helay oo aad furaha xafiiskaaga ula wareegi wayday?

Maxaa?

Dawladda Dahsoon ee Soomaaliya soo hoggaankeeda iyo xilkeeda adigu ma qaadin?

Kaalay sugnee Qaran iyo Qawmiyad Soomaaliyeed!

www.network54.com/forums/32067

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baabuuji

Unrecorded Date
ahmed,
walaal galaha wasaarada waxaa mgacaawaya primeministerka waxaana ansixinaya golaha guurtida baarlamaankuna waa uu la xisaabtamayaa sida taliyayaasha ciidamada qalabka sida oo ay ka mid tahay in uu san wax lug ah uu san ku lahayn dowladihii hore waa in uu ahayn war crime accuser e.t.c hadaankuu sheego shuurdaha wasiir kasta laga rabo waa in uu ugu yaraan shahaado jaamacadeed uu haysto not karaani iyo bootaale waa in qabiil kasta uu xubin kanoqdo golaha wasiirada I am not talking about sub clan but main clan.

to walaalkiin,

walaal waa run in ay tahay wax magic oo kale ah lakiin waxaan hubaa hadii maanta lai'oranlahaa soomaaliya xukun waxay ila tahay in aan sidii cabdi bile uga ordilahaa madaxtinimada aad sheegayso.Ma wax sahlan baad u malayneesaa misa awood baad qalad ka fahan santahay,madaxtinimo madooteen haday isoo doonatana kama yeeleen waqtigan xaadirka ah

Untacheable
Walaal qabiilada lagaduudiyey waa hiwiye iyo daar'ood oo kamid ah somali's main tribes. marka walaal waan garankaraa ula jeedadaada oo ah in aad qof aad isku beel tihiin uu dowlada ka mid noqdo lakiin dastuurku waxa uu ku xisaabtami doonaa codsiga beel walba sababtoo ah president,primeminiter,minister,governor,mayor and directors waa employees not macho type boss go'aanka kama danbayka waxaa gaaraya waa golaha guurtida oo uu qabiilkaaga iyo beeshaydaba ay ka mid yihiin si ay san cadaalad daro udhicin xaqaagana lagu duud siin

TO: kuligiin
walaalayaal waxaan jeclaan lahaa in wax laga gorfeeyo sidii wada xaajood loogu samayn lahaa walaalaheena waqooyi oo cilado fara badan ay ka dhex abuuran yihiin labada gobol midna waa in aad maanka ku haysaan oo ah erayo soomaaliyeed ama gabay ha ahaadeen ama hees ha ahaatee oo ah(midigtuba miciin maleh haday bidixdu maqan tahay waa laba mataanoo hawsha maamulaaya)

salaamu calaykum yaa ikhwaanu muslimiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Waar xukinkii hore wuxuu idiinka xumaaday Ilaahay ayaad ka dheeraateen, haddana sidii miyaad ku socotaan?!
Waar xukunka Ilaahay ayaa iska leh oo dejiyaye halloo daayo.
.INNIL XUKMU ILLAA LLILLAAH.


Aayad qur'aan ah weeye oo macnaheedu yahay Ilaahay ayaa xukunka leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baabuuji

Unrecorded Date
enought intelligent,
Walaal umada inteeda badan xukunka alle ayay doonayaan laakiin umada soomaaliyeed qaarkood ayaa waxaa diinta islaamka laga tusay qalad ama violance oo markii nin wadaad ah uu yiraahdo aanu xukunka islaamka aanu isku maamulo waxay dadka qaarkood lasoo boodayaan waa "wadaadku waa xukun raadis diin ku gabanaya oo waxuu doonayaa in uu umada gacmaha iyo qoorta ka guro ayadoo la tix raacayo dacaayada yuhuud iyo cayayaankeeda iyo cadowga islaamka example ethiopia waxay si aad ah u ugaaranaysaa ururka al itaxaad iyo dhibaatada ay warlordsku ku hayaan maxkamadaha islaamiga ee southka ka jira oo run ahaantii ay umadu ku nasteen adeegyadoodana la mahdiyey. walaal anigu wadaad ma ahi lakiin waxaan mudnaanta koowaad siinayaa waa danta umada soomaaliyeed taas oo ah ISLAM lakiinse arimihii aan kor ku xusay ayaa hortaagan in soomaaliya ay dowlad islaam ah ka dhalato ilaa 1961-2000ka marka adiguna waxaad leedahay islaam ha la isku xukumo malaha arimaha soomaaliya mar hore baa kuugu danbaysay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Unrecorded Date
Walaalayaal;
Assalaamu caleykum.

Salaan Kadib rayigeyga waxaan ku soo koobayaa intaan:

1. dastuurka qodobkiisa koowaad waa inuu xusaa in sharciga iyo xukunku ku saleysanaan doonaan Kitaabka Alaah iyo Sunnada Nabigiisa Muxamed (SCW). Ma aqbali karno mana aha in aan aqbalno sharciyada talyaaniga iyo Ingiisku dajiyeen ayadoo Kitaabkii ilaahey na horyaalo.
2. Awoodda ugu sareysa dalka waa in Maxkamadda sare yeelataa. hadii madexweynuhu iyo dowladdiisu ku xadgudbaan umadda sidii horey u dhacday yaa looga dacwoonayaa?
3. Madaxweynuhu ama prime ministerku waa in uu awood u leeyahay cidda uu dowladiisa wasiiro uga dhigayo balse waa in ay jiraan qodobo qoran oo uu ku xulanayo ma aha in uu iska magacaabayo cid aan u qalmin.
4. Madaxweynaha iyo Primeministerka kee awooda sare leh waa arin go aan laga gaari karo, waxaanse u janjeeraa in la siiyo Prime ministerka waayo inta badan madaxweynayaashu waxay noqdaan dictators ma garanayo sababta.
5. Barlamaanka waxaa lagu soo galayaa regional basis. Gobol walba asaga ayaa iska soo dooranaya cidda u mataleysa dowladda sare. Habka gobolku usoo dooranayo waa in lagu saleeyo dhaqanka, guurtada iyo kaladuwanaanshaha cidda degen gobolkaas.
6. Nin askari ah xukunka kama qeyb qaadan karo ilaa uu ka ruqseysto ciidanka.
7. madaxweynaha iyo ciidanka waa in ay jiraan dastuur oran oo ay kuwada shaqeynayaan ee ma aha in uu u adeegsan karo dagaal walba sida dagaal sokeeye.
8. Gobol walba dowladiisa hoose, boliiskiisa, dhaqaalishiisa waxbarashadiisa iyo barlamaankiisa hoose waa in uu yeeshaa.
9. Dowladda sare iyo tan goboleedkuba waa in ay jirto muddo ugu badnaan ay xukunka heynkaraan. haddii ay ku xadgudubtana maxkamadda sare ayaa amar ku siineysa in ay doorasho madax banaan soo qabanqaabiyaan, haddii taas lawaayana waxaa lagu wareejinayaa awoodda golaha baarlmaanka sare ama hoose si cid ku haboon oo ku meelgaar ah u doortaan.
10. Wax alla wixii shareecada islaamka ka horyimaada ee kasoo fula madaxweynaha, golayaasha barlamaanka iyo cid shaqsi ahba waxaa si toos ah loo hordhigi karaa maxkamadda sare oo ku dhisan shareecada Islaamka, waayo qofwalba masuul ayuu ka yahay in uu ilaaliyo Diinteena wanaagsan.
11. Musuqmaasuq iyo eex waa in laga dhigo dambi ciqaab mudan qofkii lagu helana laga mamnuuco xukun wuxuu rabo ha ahaadee muddo 5 sano ah.

Wasalaamu Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sirqo

Unrecorded Date
Walaalayaal;
Assalaamu caleykum.

Salaan Kadib rayigeyga waxaan ku soo koobayaa intaan:
1. In Dastuurku noqdo mid Islamiyan ah.
2. In gobol kasataa ka madax banaan yahay gobolada kale, oo u leyahay Af-hayeen ay soo doorteen dadka gobolkaas degani.
3. In musuqmaasiqa laga daayo doorashada Af-hayeenka.
4. In saxaafada xoriyad lasiiyo.
5. In aanu Dalku lahaan Madaxweyne, laakiin PM.
6. In PMkaas la eryi karo hadaan lagu kalsoonayn (by Vote)
7. In dadka wax shaqaysiiya laga ilaaliyo, "YAAN AQAAN" oo shaqadan ii qaban kara, Laakiin lagu bararujiyo "MUXUU YAQAAN" oo shaqadan ku soo dari karaa.

8. In laga qaado QAADKA IYO SIGAARKA cashuur culus.
9. In aan dadka lakala soocin (e.g. he is midgaan or he is reer hebel)

Intaas ayaan ku soo kordhinlahaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.