site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

To my dear mam!!!!!!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Dec. 16, 2000): To my dear mam!!!!!!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mamyboy

Monday, December 04, 2000 - 10:33 am
Hooyo
Hooyooy la'aantaa Adduunyadu hubaashii
habeen kama baxdeenoo iftiin lama haleenoo
dadku uma hayaameen dayax heego joogoo
sida haad mafuuleen xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen hubka laguma tuureen
cirka hirar ka muuqdoo ruux aad hagayso
usha mid aad u haysaa Hilin toosan weligii
ka habaabi maayo hooyooy addoomuhu
halkay maanta joogaan adigow horseedoo
intaad hanad xambaartee haaneedka siisee
horaadada jaqsiisee habtay baan xisaab iyo tiro lagu heleynoo
Marka aad nin hiillo laga baqo hashiisiyo
halyey diran dhashaabaa hooyo lagu xasuustaa
marka aad nin hoo-loo, gurigiisa habaqluhu
isku soo halleeyoo, hayntiisa quudhoo
hor Illaahay geystiyo lama hure dhashaabaa hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin himilada hilin toosan mariyoo
hir markii la gaaraba ku labaad hilaadshoo
haga maatadisoo la higsado dhashaa baa
hooyo lagu xasuustaa Marka aad nin hoogiyo
ka hor tago dagaalkoo garta hubin yaqaannoo
xaqa hoos u eegoo halistiyo colaadaha
dabka hura bakhtiiyoo ku hagoogata dhiigoo
dadka kale hagaajoo kala haga dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa
Markaad hoobal caaniyo hindisa farshaxanoo
hab-dhaca iyo luuqdiyo hawraarta maansada
heensayn yaqaaniyoo Rabbi hibo u siiyoo
labadaba hannaanshiyo hal abuur dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa
Dumar iyo haween baa nolol lagu haweystaa
kuwa lagu hammiyayee sida hawd caleen weyn
rag u wada hammuume ishu halacsanaysaa
hablahaaga weeyee marka guur la haybshee gabadh heego dheeroo
hoobaan la moodoo karti iyo hub qaadloo
quruxdana ka hodaniyo hufan laga aroostaa hooyo lagu xasuustaa
Hooyooy la'aantaa higgaad lama barteenoo
hooyooy lan'aantaa hadal lama kareenoo
ruuxaad habinoo kolba aanad hees iyo
hoobay ku sabinoo hawshaada waayaa
hanaqaadi maayee hoygii kalgacalkee naxariistu hadataay
Hooyo dushaadaa nabad lagu hubaayoo
hooyooy dhabtaadaa hurdo lagu gam'aayoo
hooyooy taftaadaa dugsi laga helaayoo
waxaa lagu hal maalaa hooyo ababintaadee
hayin lagu badhaadhaay hogol lagu qaboobaay
gogol lama huraaneey dugsigii hufnaantaay hidda lagu arooraay
Intaad hooyo nooshahay hambalyiyo salaan baan hanti kaaga dhigayaa
hamrashiyo xaq-dhawr baan dusha kaa huwinayaa
hooyo dhimashadaaduna hoogeyga weeyoo
Weligay hoggaagaan ka dul heesayaayoo
hiyiga laabtaan kugu haynayaayoo
hengel baan u xidhayaa inta haadka duushiyo idil habar dugaaggee
IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.