site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxaan I guursady nin Jini ah

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Dec. 16, 2000): Waxaan I guursady nin Jini ah
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nimco

Tuesday, December 05, 2000 - 08:28 am
Nimco Xaaji Axmed
Wednesday, November 29, 2000 - 04:17 pm
--------------------------------------------------------------------------------
Waxa laga yaabaa in farriintaydan dad badani kaftan u qaataan, darkalena inaan waalanahay i moodaan, darkalena iguba dheeldheelaan....

Minfadlakum kaftan iyo ciyaar way ka kulushahaye hana u qaadannina inaan wakhtigiina ku ciyaarayo..

Waxaan ahay gabadh Soomaaliyeed oo cimrigeedu jiro 38 sano. Waxaan ku dhashay degmada Laascaanood ee gobolka Sool. Dugsiga hoose waxaan ka galay magaalada Laascaanood, dugsiyada dhexe iyo sare-na waxaan ku qaatay magaalada Burco.

Aabbahay wuxuu dhintay anigoo saddex habeen jiray. Waxa qaniinay halaq. Waxa isoo korsatay hooyaday aniga iyo afar hablood oo aannu walaalo nahay.

Waxaan kale oo la-dhashay laba wiil oo mataano ah. Labadii wiilba markay jireen saddex habeen ayaa halaq qaniinay oo ay geeriyoodeen.

Waxa reerkayaga halaq qaniinyadii ku baxay siddeed ruux. Aabbahay, mataanihii aannu walaalaha ahayn, ayeeyday hooyo, habaryartay, wiil aannu ilma-adeer ahayn, eeddaday iyo nin lay siiyay oo habeenkii ardaa-dhigga uu halaqu qaniinay.

Dabcan qaabka aan sheekada idiinku sheegayo ayaa waxay isku soo dhowaynaysaa taariikhda dhacdooyinka oo dhan ee xaqiiq ahaan way kala durugsanaayeen, waxaase mucjiso reebtay inta ruux ee reerkayaga ahaa ama meel uun kasoo gelayay sida ninkaas isoo doonay ee dhammaantood halaqu wada cunay...

Waxa dhacday marar badan in xubno reerkayaga ka mid ahi baadidooneen faaliso iyo ruux aleel roga. Marar badan ayaa marba sharraxaad gooniya reerka loo keenay.

Waxa jirtay in muddo dheer reerkayagu maalinkasta oo Arbaca ah lix laxaad oo wada dharan qali-jiray oo inta uurku-jirta laga saaro inta kale geed Dhuyac ah la-saarijiray......Waxa sidaas loo yeelijirayna waxay ahayd nin Faalka aad u yaqaannay oo meesha la-yidhaahdo Shaxda degganaa ayaa arrinta Halaqa ee ku gedaamantay reerkayaga wax laga su'aalay, wuxuuna ku jawaabay in reerka aan kasoo jeedo oo berigii Soomaalidu qabiilka aad ugu diririjirtay kibir lagu sheegijiray ay qarni hore dhibaato gaadhsiiyeen reer culimo badani ku jirtay.

Wuxuu ninkaasi yidhi halaqyadu waa culimadii reerka oo bahal hoose iska soo dhigtay, sidaas awgeed si loo afwaajiyo waa inaad quudisaan oo idahaas wada dharan hilibkooda geedkaas u dulsaartaan..............

Inkasta oo aan aad u rumaysanjiray sharraxkasta oo tabaalada nagu habsatay layga siiyo haddana markii aan weynaaday ee intaan Laascaanood ka tegay u guuray magaalada Burco, asxaab cusubna yeeshay, ayaa sheekada iyo qaabka laysugu soo tebiyay oo dhan shaki iga galay....

Waxaan is dareensiiyay in dhammaan inta jeer ee halaqu wax naga dilay ay ahaayeen amar ilaah iyo nasiib is-galay..................

Maaddaama aanan ku noqon Laascaanood muddo door ah, sheekadii oo dhammi maskaxdaydii way ka guurtay.

1981kii oo aan markaas fasalka afraad ka ahay dugsiga sare ee Shiikh Bashiir ee magaalada Burco ayaa aniga iyo saddex hablood oo aannu saaxiib ahayn gallay filim lagu dhigayay sinimihii Ina-Qulumbe.

Markii filimku dhammaaday ayaa aniga oo gurigaygu ugu durugsanaa(Waxaannu ku jiray sekedda ka dambaysay bangiga dhexe ee Burco) hablihii kale isoo dhoweeyeen. Markay guriga kadinkiisii i joojiyeen ayaannu halkii cabbaar taagnayn. Hablo iyo caadadood waad ila garanaysaane in saacad ku dhow ayaannu halkii sheeko kasii wadannay.

Markaannu sheeko kala laasanweynay ayaannu is-macasalaamaynay oo aan anigu gurigayagii duluq idhi. Waxaan ku gataatidhacay sariirtaydii.

Waxa nagu dhowaa masaajid had iyo jeer eedaankiisu i toosiyo. Subaxaas eedaankii wadaadku iima bixin. Waxaan baraarugay lixdii subaxnimo. Intaan degdeg u gashaday balcaddii oo inyar oo canjeelo ah isdhaafiyay ayaan kadinka boobay.

Waxaan gashanaa kabo qaraafiic ah oo cidhib taagan. Markaan dixda badhtankeedii marayay ayaa wax qodax aan u maleeyay cidhibta daf iga tidhi. Xanuunkii ayaan ku foororsaday oo is idhi qodaxda iska goo, mise waxaan arkay dhiig badan oo igasoo burqanaya. Intaan fadhiistay ayaan meeshii wax iga mudeen cabbaar dhiiggii ka masmasaxay. Waxaan ku arki-waayay qodax. Iyadoo dhiigii yaraaday laakiin weli soconayo ayaan iska sii lugeeyay.

Markaan marayay cisbitaalka guud ee Burco kadinkiisa ayaan ku tashaday inaan ku baydho qaybta gargaarka degdegga ah ee cisbitaalka. Waxaan ugu tegay laba hablood oo kalkaalisooyin ah iyo oday Ingiriiskii kaga tegay oo dhakhtar ah.

Markay hablihii iyo odaygii meeshii isbiirte iyo cudbi marmariyeen ayay ku arkeen god daloola oo aad mooddo in la-qoday. Waxay i weydiiyeen waxa i muday, markaasaan ugu jawaabay waxaan moodayay in qodaxi i mudday.

Iyagoo aad ula yaabban waxa daloolka noocan ah jidhka ku sameeyay ayay dhakhaatiir kale oo cisbitaalka guud joogay u yeedheen. Waxay isku raaceen in habeenkii dhakhtarka lay dhigo, aniguna waxaan idhi waxba ma-qabo ee isii daaya waxaan qabanayaa dugsigaygiiye....

Waxay dhakhaatiirtii yidhaahdeen kusii deynmayno. Waxan markii dambe ku fekeray malaha wax aanay kuu sheegayn bay kugu arkeen.

Habeenkii waxaan u hoyday dhakhtarkii. Waxa lay jiifiyay waadh dhinaca waqooyi-galbeed xiga, sariirtayduna waxay ku dhegsanayd daaqad.

Fiidkii hore mar aan la-sheekaysanayay dumar waadhka jiifay ayay dhawr jeer igula kaftameen; waxaad xigtaa dhinacii Alla-Ka-jeed. Alla-Ka-jeed waa dhisme gooni u taagan oo meydka la-dhigo.

Sidaannu isaga kaftamaynay ayaannu dhammaantayo kataatidhacnay. Goortaan cabbaar hurday ayaa meeshii wax iga mudeen aad ii kaartay. Taahaygii ayaa dumar kale oo meesha jiifay ku tooseen. Waxay u yidheen hablo kalkaalisooyin ah oo debedda iskaga sheekaysanaya. Markay ii yimaaddeen ayay igu yidhaahdeen Aspiriinkaa liq oo seexo. Nabarkii wuu iga go'iwaayay.

Sidii xanuunkii ii hayay ayaan gam'ay. Anigoo riyo xun ku dhexjira ayaa marqudha laydhkii waadhka la-shiday, intaan iftiinkii ku toosay ayaan waxaan indhaha ku dhuftay nin dheer oo ilaa 6ft 5" ah oo madow dhalaalaya midabkiisu yahay oo dhankayga kusoo socda. Intaan is haghagaajiyay ayaan soo yara-fadhiistay....

Intuu isasoo kay agtaagay ayuu intuu ilka-caddeeyay igu yidhi; "Xanuunkii makaa go'ay?", waxaan ugu jawaabay imika haa..........

Ma-fadhiistaa sariirtaada dacalkeeda ayuu iigu xigsiiyay?, sabab aan ugu ogolaaday garanmaayo ee waxaan ismaqlay anigoo idhi haa walaal fadhiiso.

Wuxuu ku fadhiistay sariirta dacalkeedii oo dhinaca addinkayga bidix ku beegan. Intuu gacantiisii bidix dulsaaray gacantaydii midig ayuu igu yidhi; waad ladnaanaysaa ha-werwerin...
Waxaan ugu jawaabay Insha-allaah..... Markaasuu qoslay, qosol ilka-caddayn ah......

Waxaan is idhi magaciisa weydii markaasuu intaanan hadlin intuu sarakacay jeebkiisa kasoo saaray kartuush yar oo af aanan markaas garanaynini ku qoranyahay, wuxuu igu yidhi marka dambe ee xanuun ku qabto kiniinkaas xabbad liq, markaasuu dhaqaaqay........

Ninkii dib dambe uma arag. Daawadii uu i siiyayna aad baan ugu ladnaaday. Runtii dhakhaatiirtii oo dhammi way la-yaabeen oo waxay yidhaahdeen hore umaannu arag.....

Sannadkii 1983kii ayaan magaalada Madaras ee waddanka Hindiya waxbarasho dhakhtarnimo u tegay. Waxaan galay mac-had ku yaalla oo luqadaha lagu barto anigoo ku talojiray inaan marka hore af-Ingiriisiga barto......

Fajac iyo amankaag, waxaan kula kulmay ninkii cisbitaalka Burco daawada iigu keenay oo macalin ka ah kulliyadda. Waxaan ugu soo galay fasal aan xiisad ku-lahaa. Anigoo wadnuhu aad ii garaacayo, oo runtii aan kala-garanayn farxad iyo naxdin midka i haya, ayuu igu yidhi; iska warran? markaasaan ugu jawaabay nabad?

Hadal iyo murti wuxuu noqday macalinkaygii. Waxaa na-dhexmartay isbarasho dheer. Wuxuu diiday inaan ogaado qabiilka uu Soomaali ka yahay. Waxaan jeclaystay inaan ogaado ciddiisa. Inkasta oo lahjaddiisu isugu jirtay Togdheer-Sool-Mudug haddana waxaan doorbiday inaan barasho guud awgeed ogaado cidda uu yahay, reerkooda, walaalihiis. Wuu iiga dhaartay. Waxaan u qaatay dadka Soomaalidu yasto, runtiina wuxuu ahaa qof aad u macaan. Waxaan is idhi mar haddii uu ku adkaystay inaanu kuu sheegin raaskiisa waxa dhicikarta inuu isleeyahay way ama ku yasi ama ku diidi................

Waxaan ku qaatay sidiisii u ahaa. Waxaannu ku go'aansannay inaannu is guursanno. Bishii Julaay 21keedi 1984kii ayaannu ku aqal-gallay magaalada Madaras ee dalka Hindiya...Arooskayagu wuxuu ahaa mid gaar ah oo dad yar aannu kusoo casuunnay...

Wuxuu soo casuumay laba ruux oo aanan hore u arag. Wiil gaaban oo tuur leh iyo gabadh aad u dheer oo qurux illaahay u dhammeeyay, dibinta sarena faruur yar ku leh.......

Markii xafladdii dhammaatay ee aannu isku soo hadhnay ayaan weydiiyay cidda labadii ruux ahaayeen, markaasuu mawduucii beddelay, aniguna waxaan u qaatay uun dad ay isku cid yihiin, runtii waxaan jeclaystay inuu ii sheego haddana wanaagga aan ku bartay awgii ayaanan ugu sii dirqiyin inuu jawaab iga siiyo dadkaas.....

Lix toddobaad markaannu guri lahayn ayaan subax keliya madax wareer iyo yalaalugo lasoo toosay. Waxaan qabtay dhakhtar nagu dhowaa, waxa laygu yidhi waxaad leedahay uur. Habeenkaas iyo siddeed habeen oo kusii xigay muu soo hoyan. Meel uu ku maqnaa maan ogayn. Subaxii dambe anigoo ka werwersan ayuu albaabka dalaq iiga soo yidhi, markaan u hinqaday inaan weydiiyo meesha uu ka dhacay ayuu wuxuu iisoo saaray diric aan lahaa oo aan inaabtiday oo Burco joogtay uga imi!!!!!!!!!

Intaan aad u naxay ayaan ku idhi xaggaad ka keentay? Wuxuu iigu jawaabay xaggaad ku ogayd? Waxan is idhi wuu kugu dheeldheelayaa....malaha waa diric kii u eg oo uu soo iibiyay!!!!

Anigoo aan u jawaabin ayaan diricii ka qaaday oo aad u eegay, mise xitaa goodiga hoose meel uu diricu ka-yara-furtayna waa sidii.....

Wuxuu igu yidhi sow uur ma-lihid? markaasaan ku idhi haa. Waxba dhalimaysid buu iigu jawaabay...oo kadinka ka baxay...........

Sagaal bilood oo aan uur-lahaa meel uu joogo maan arag. Maalintii dambe ayaa fooshii i qabatay. Reer Soodaan ah oo aannu jaar ahayn ayaa dhakhtarka iila cararay. Waxaan foolanayay 21 saacadood. Waxa isugu kay yimi dhakhaatiirtii cisbitaalka oo dhan.......

Siddeeddii subaxnimo ayaa dhiig soconaya mooyee waxkale layga waayay. Muddo toddobaad ku siman ayaan cisbitaalkii ku jiray. Waxa lay tallaabiyay dhakhtar haweenka takhasus ku ah oo ku yaalla magaalada New Delhi....

Ilaa iyo maanta cilmiga sayniska iyo dhakhaatiirtu midnaba sharrax kama bixin wixii aan sagaalka bilood uurka ku siday ee markii dambena la-waayay............

Ninkii aan jeclaaday, ee seygayga noqdayna weli meel dambe oo uu joogo war iyo wacaal midnaba kama hayo...............

Markaan dad badan qisadan uga warramay waxa laygu samriyay inaan JIN GUURSADAY.............

..................................................

Waad ku mahadsantihiin samirka aad ku akhrisateen qisadaydan la-yaabka badan....

Nimco Xaaji Axmed, Wembley, London UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sulayman

Tuesday, December 05, 2000 - 08:34 am
Wednesday, November 29, 2000 - 06:25 pm
--------------------------------------------------------------------------------
Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
Walaal nimco waan akhriyey qisadaadii mucjisada ahayd runtiina aad bay iiga fajicisay waxaase ah wax alaah loogu mahad noqo inaga oo islaama haysanana wax aynu isku qancino iyo wax aynu isku difaacno.
waxaan filayaa qisada aad ka warantay waa dhacdo waana wax ay qoyska aad ka dhalatay ay la qabaan qoysas soomaaliyeed oo badani inkasta oo qaabka aad dhacdada uwerisay iyo sida aad isugu xirtay oo aad uqaabaysani ay dad badan argagax ku ridayso
waxaan filayaa qoyska xaaladiisa iyo taadaba in wax iska bedeleen maxaa yeelay waqtiga aad ka waramayso oo aad ufog iyo waxyaalo badan oo is bedelay.

Nimco walaal qisada waad soo bandhigtay waanuna akhrinay waxaan filayaa hada caafimaadkaaga iyo ka qoyskuba waa iska caadi waa walaalkaa suleymaan oo ku leh waxaan kuu rajaynayaa khayr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 05, 2000 - 08:35 am
A. 222
Wednesday, November 29, 2000 - 07:43 pm
--------------------------------------------------------------------------------
Asalaamu Caleykum

Walaaley waxaad ka sheekeysey sheeko dhici karta, balse sidii aad u sheygteyba dad badan u qaadan karaan in aad tahay ruux sheekooyinka qora ama saxufi ah. Haddii nin qoro waan ka shakin lahaa, laakiin sheekadaan oo kale gabdhuhu kuma dhiiradaan.

Wax kasta adduunka waa dhici karaan, mujisooyinkuna wey jiraan. Meesha aad u sababtey sheekadana waa wax dhici kara, dhibabka arrimahaas ka yimaada wey fara badan yihiin weyna kala duwan yihiin, cid kasta si bey u asiibtaa. Waxaase loo yeela sababo kala duwan, oo loo badiyo dhinaca sixirka iyo ilaacada.

Mar haddii sheekada qoyskiina ey ku soo lifaaqneyd cabsi fara badan, qof kasta oo qoyska ahi wuxuu dhaxli karaa cabsi fara badan iyo walwal joogto ah oo ku abuurma qalbigiisa iyo wax qabadkiisaba. Marka haddii xataa wax ka jiraan waxaa ka badan intay kugu kordhineyso cabsidaadu.
Ka soo qaad: in aadan horey u arag ninka, uurna u yeelatid, waxna la waayo markii aad isbitaalka tagtey. Waxey noqon laheyd arrin yara iska layaab ah, oo sidaas kuuma mashquuliseen. Waxaas hadda arrinta kordhiyey cabsida aad horey u qabtey.

Ugu danbeyn, 1) arrinta waxba ha ka fakarin, oo is ilowsii intii aad kari karto.
2) Quraanka xoogga saar inta ka hartey noloshaada.
3) Waxaad aqrisataa qisaska ama sheekooyinka ka hadlaya imtixaanaddii la soo marsiiyey asxaabihii, dhimashada iyo abaal marinta ka danbeysa geerida.
4) Adaa tabartaada yaqaane, waxaad isku deydaa in aad waxuun u qabatid dad tabar yar oo ka mid ah Qolooyinkii la yiri, Qabiilkaaga baa dhibka u geystey waagii hore. Tusaale: waxaad qodi kartaa ceel ama barkad, kadibna aad ku wareejin kartaa dhowr cid oo qolooyinkaas ah, waqti aad loo dhiban yahay, taas oo ku reebi karta farxad weyn oo filanwaa ah.
Tan Allana wuu kuugu raxariisanayaa, naftaaduna wey ku daawoobeysaa oo waxaa kaa kala yaraaneysa cabsidii aad ka baqeysey in ciddii wali idin soo eegayaan.
5) Wax kasta oo kugu dhaca, waligaa u sabab inay kuu qornaayeen oo ku timid Qadar Alle. Kuna faraxsanow, oo xasuuso tii la soo marsiiyey Nebi Ayuub naxariis iyo nabad galyo Eebbe korsiisa ha ahaatee!
6) Iska jooji in aad ka sheekeysid, ilaa in aad dadka dhibaatooyinka sheeganaya aad ku samirsiineysid mooyee.
7) Ka dheerow daawashada iyo aqrinta waxyaalaha ku xasuusin karaa sheekooyinkan oo kale ee cabsida ama shakiga abuura.

Illaahey Ha Naga Xafido sharta teeda muuqata iyo tan qarsoonba, Hanna Naga Dheereeyo kuwa isku howla sameynteeda!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DuH

Tuesday, December 05, 2000 - 08:57 am
MaadQaashiid.....Hoo Mindhiii ! DuH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina-Waraabe

Tuesday, December 05, 2000 - 10:58 am
Nimco Makhnuud makhnuud dhalay noo daa magaalada IIdoor yahow naagta iska dhigayaa Xaaraan yahow

Su'aashu waxa ay tahay Makhnuudkasta oo iidoor ah maxuu ula yimaadaa laas-canood meesha ma hooyadood baa lagu wasay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hibo

Tuesday, December 05, 2000 - 11:24 am
NImco: sheekadaada cajiibka ah class bey iga dahisay.....walaahi walaashiis.. sheeko la mid ak weligey ma maqlin. Waa iikow...halaq oo reer dhameeyey. Hada waxaaba i heysa nin kii madow ee dhalaalaayaba inaan ka cararo... walee ma kugu qaldamo.. acuudke.. bisimilaahi... walahi waa yaab...Ilaahey ha ku fududeeyo, mashaqaaba ku qasataye.....Acuudibilaahi minal jini wal sheydaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, December 05, 2000 - 09:26 pm
,,,Nimco Xaaji Axmad,,,Nimcaay Sheekada waan wada akhriyay,,,,Sheeko aad u wanaagsan haddana qoriinka waa wax hibo loo helaa,,,Haybad iyo hanaan wanaagsan oo si hufan loo habeeyay,, sidii inaan gabay aan akhrinhayaa jirku ii dubaaxdaa..


,,,Nimcaay sheekadu waa mid murugo iyo uur ku taala leh,,,Halaqyo,,,Eeboow ina badbaadi,, ka yaraha quraan akhrisano,,Cowdu Bilaah,,Shar gudban Sheydaan Xijaaban,,....


Sheekadu se waxeey i soo Xasuusisay wiil reer Sanaag ahaa se aanan hadda magaciisu aanan sixi karaheyn Ina Cartan buu ahaa oo Cabdalcasiis iyo cabdi hebel se waxaan xasuustaa naaneystiisa oo Dhagaweyne ahayd se waagaanu Xertii timma weynta Xertii Maxamad Rabiic aanu wada ahayn buu wax badan akhriyoo Kutubadii waaweeynaa ee wada baal gaduudka ahaa dabeedna Cilmul arqaam,,Cilmul Falag wal sixru,,Cilmul falaloow wal itqiyaam,, Cilmul Jinni wal buruud,,Kuhaan wal quzacbalaat,,Xisaabta iyo arqaamta,,Il Xalamantiish wal culuumul israa'iiliyaat....Burjiga Cazraafiil iyo Xuruuftii aba Gado,,...


,,,,,Ilaahay Subxaanuhu wa tacaallaa Daa waliba dawuu u sameeyay iyo Culumaa'ul diin Dabiibi taqaan,,,Sheekhan sheekhul baxreyni waa Dhagaweyne ahi dawo laga waayi maayo oo intuu Dabiibay ciidaa iyo caradaa ka badan,,Kuwa Jin Guursady iyo reer halaqya cuneen baad ka hadashay Nimcaay,,,...


,,,,,Sheekhul Baxreyne wal ardeyni kuwa afarta qoob habeenkii ku guduu dabiibay,,Oo habeenna Sheikhu ku tukadaa kacbadii wacneyd habeenna Baqdaad habeenka xigana Greater Kailash 2,,, habeenna Nizaamudiin ka addimma,,,Khorta la gu sheelna ma oran karee,,,,Jalalitha iyo tamil nadu laguu guuriyay ma oran ,,,,ee Naciimaay Sheekhaa baan odhan lahaa kutubadiisa ha kuu furo ee Adigana inala soo xiriiri waxaad kala kulanto sheekha,,,,


Nabaadiino
Kulligiin
Wabilaah Towfiiq
NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirabi

Tuesday, December 05, 2000 - 09:37 pm
nimco : abaayo macaaneey waa iga yaabisay ,
waligay ma maqal qisadaan mid la mid ah .xataa film kuma fiirsan.
haddii ay runtahay qisadaan sis waxaa iga talo ah quraan akhriso maalin kasta .markalena ha ka sheekeen meeshana ka tir tir sheekada.
jini ma dhinto , xaguu aaday jinigaagii acuudu bilaahi .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHUKUMBO

Tuesday, December 05, 2000 - 10:51 pm
ACUUDU BILAAHI MINA SHEYDAANI RAJIIM, MAANTOO DHAN WAXAAN AQRINAAYEY JINI LEE MIYAA, WARAA FIIRI ANI XITAA HADA KA HOR GABAR JINI AA LA SAAXIBAY MAALIN AA MASAWIR LA GALAY MASAWIRKII ANI LEE KA SOO BAXAY MARKAA WEYDIIYEY MAXAA JIRAN WAXAY IDHAHDAY SAWIR AA TAHAY.

TOO KALENA WAXAY KU DHACADAY WADAAYGEY NEEFOW KANIINI CUSMAAN JINI AA WAXAY QASHIN QUBKA UGA DHIGDAY HOTEL JUBA, MACALINKA ASOO BABAAY BAQ BAQ AH BARKIN KA DHIGTAY AA SUBIXII ARICARBEEDKA KA KACSADEEN.

TANAA KA SII DARAN: JIIJO ARBACA BUUKO WAA KASEESIIN AAN U MALEENAA JIIJO JIIB, IYADANA MUSQUSHA IYADOO KU JIRTO EY CUNUG JINI OO HABARTIIS CANJEELO DUBEESO EEBA KU ISTAAGEE EDEBDARADEEDA, CANJEELO KULEEL AA LAGU DHARBAAXAY. TII KU DHACDAY ILAA HADA BAAQULI EY KU XAARTAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Tuesday, December 05, 2000 - 11:39 pm
dhakumbo lol
qosolkaa iga dhameeysay saaxiib laakin waxaa ilowday sheekadii naagtii qoobdameerka laheed oo taksiilaha soo raacday.......
ar maxaad sheeko khuraafaat soo dhageysatay ciyaal darbi waaxid......

nimco
abaayo halaq maxaa waaye?? mas miyaa mise waxkale.walaahi ma aqaano waa iga dhab.
halaqaan aabihiis cunaha dadkaaga dhameeyay wax idinka qabto maa la waayey.
abaayo aniga waxa la dhaho "jin" waxaan ka aaminsanahay inuu yahay wax aan lahayn jir"body"laakin ninka aad guursatay wuxuu ahaa nin leh body illeen waaba ku uureeyaye,abaayo amaa ninkaaga uu ahaa nin caadi ah oo aad adiga ka sastay maadaama uu aad u madoobaa hadana uu dhalaalayey???because qof madow iyo dhalaal isku darsaday waa qof aan caadi aheyn ama naadir ah"unique".mise abaayo amey waxaagoo dhanba riyo iska ahaayeen illeen adigoo riyoonaaya waa tuu kuusoo galay ninkii madoobaa,amey sheekada hindiya riya keliya eheyd??????
iga raali ahow abaayo its very hard to believe this story..it could be the case you are acting an untrue story you have heard in the past as if its true..but why u have chosen yourself tobe the actor????.otherwise its very good story.it can be a succesful movie...honestly.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Wednesday, December 06, 2000 - 07:47 am
to nicmo.
Waxaad alle ku mahadisaa in uu kaa badbaadiyey jinkaas in uu kaa fidneeyo adduun iyo aakhiro. walaal culumada islaamku aad ayey uga hadleen, kutub badanna way ka qoreen. Guurka jinka iyo insigu wuu dhacaa. Culumada islaamku waxay ku tilmaameen in uu yahay mid aan fiicnayn(makruuh). Jinku waa noocyo kala duwan, sida nebigu axaadiis badan noogu sheegay. Sida Quraan kariimka ku cad jinku wuu jiraa oo cid beenin kartaa ma jirto. Nebigeenii Suubanaa Jin iyo Insi baa loo soo diray in uu diinta gaadhsiiyo. Waxaa la gudboon qofkasta oo muslim ah inuu ogaado in jinku dadka galo oo dhibaato badan u geysto, loona baahan yahay in la iskaga ilaalin karo in qofku xumaaanta oo dhan la iska ilaaliyo, in salaadda la tukado, quraanka oo la akhristo, iyo in la akhristo adkaartii nebigu (CSW), uu akhrisan jiray subax walba iyo galab walba(adkaaru saax wal masaa'). adkaartaas waxaa kaa ilaalinaysaa jinka.
Jinku gaalo, muslim iyo kuwa aan diin haysan buu leeyahay. Qaar dadka ayey la noolyihiin, qaar buuraha ayey ku noolyihiin, qaar saxaraha ayey ku noolyihiin, kuwa kalana badaha ayey degan yihiin.
Hase yeeshee, hore uma maqal kutubna kama akhrisan jin qof isku ekaysiiya. shaydhaanka ayaa dadka isu ekaysiiya oo isku metala. waqtiigii nebiga ilaa iyo hadda way dhacdaa in qofku arko shaydaan qof iska soo dhigay. Haddii aad rabto in arintan aad wax ka ogaato, waxaa haboon in aad weydiiso culumada islaamka ku xeeldheeraatay. Waddanka aad joogto culumo waaweyn ayaa joogta, markaa isku day in aad la xiriirto oo aad arintaada wax ka weydiiso.
Waxaad no sheegtay ninka habeenkii dhaqtarka kuugu yimi aad ugu tagtay isagoo jaamacad hindiya wax ka dhigaya. ninku ma wuxuu ahaa nin ardaydu aragto oo wax u dhiga? markii aaad ismehersanayseen ma dad muslim ah baa isku kiin meheriyey? Dadkii arooskaaga ka qayb galay ma arkayeen labada qof ee uu ka casuumay in ay yimaadaan arooskaaga?
Marar badan waxaa dhacday in aan dad badan oo jin galay aan quraan ku akhrinay oo ka saarnay. waxaase noogu yaab badnayd in aan gabar soo muslimad ah ah quraan ku ahrinay, markaan quraankii muddo afartan daqiiqo ku wadnay bay ku hadleen codkoodii(marka hore qofka codkiisa ayey leyihiin oo way is qariyaan). waxay noqdeen laba muslim ah iyo mid aan diin haysan. markii muddo todobo casho ah quraankii ku wadnay ayey labadii muslimka ahyd ka baxeen. waxay naga balan qaadeen in ay salaada tukanayaan. Kii aan diinta haysan baan muddo dheer quraankii ku wadnay ayuu noo sheegay in ay naagtu uur u leedahay oo markay ilmihiisa u dhaso uu dhashiisa qaadanayo. Haweentii waxay noo sheegtay in ay ku riyooto nikan ku jira.

midda kale reerkiina ay halaqyadu cuneen waa amar Alle, oo wax curaafi kuu sheegay lama rumaysto. Diintu ma banaynayso in loo tago faaliye, kaahin, saaxir, iyo curaaf. Nebigu(CSW) wuxuu noo sheegay in qofkii rumeeya waxa ay sheegeen ay kufriyeen diinta. Xadiiskale wuxuu nebigu(CSW) yiri, "Qofkii u taga kaahin oo wax weydiiya afartan casho la aqbalimaaayo soon, iyo salaad toona".

Marka hore jinka in wax laga qooto, ba haboona, waayo qofka wax ka qaata wuxuu u helaa fursad uu kaga awood roonaado. Habeenkii hadaad shaydaanka iska naari lahyd wuu qarsoomi lahaa, mana awoodeen in uu ku soo ag fariisto. Jinku awood dheeraad wuxuu u leeyahay in meel kasta oo fog uu si fudud u tago.

Walaalayaal ku dadaala in aad diinta ku toosnaataan meelkasta oo aad joogtaan salaaddana ilaaaliya. bishan Ramadaana ha laga faa'iideysto iyadoo cibaado dheeraad ah lala imaanayo iyo weliba tawbad dhab ah. Habeen walba naarta waxaa laga xoreeyaa kumanaan qof. waxaa kala oo ku jira tobanka habeen ee u dhambeeya habeen muhiim ah(laylatul qadar). Qofka habeenkaas Alle la kulmiyo wuxuu helayaa ajar ka badan intii ku kasban lahaa sideetan iyo afar sano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Wednesday, December 06, 2000 - 03:28 pm
Qiiro, qalalaas, qub-qac, qoor-qamiran, qaab-qalooco,qumayo=qudbo,qoosaar-qaal,qamac-qurun,
qoorsiin-qaran,qashin-qub,qoore-qalan,qamuunyo-qabeed,qurbac-qulal,qaar-qodan,qudho-qoowsi,qaaroor-qaliin.

walaalo iyo walaal cidi aad tahayba, intaan iyo in la mid ah ayaad inoo sheegtay, waana wax la akhrin karo, macnana sameeynayo,waana hibo eebbe ee ilaah ha kuu kordhiyo.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, December 06, 2000 - 03:30 pm
,,,,,Dhakuumbe haye an ii adi leey meey wax nagu dhacaan Sacfaraan yoo...Bacdigeed babaay baqbaq eh aa madaxeey dhigee labuknanac waaxid..


,,,Cusmaan Cabdi Ciise aaba isoo xasuusisi us tii carabka u qanjaloocisaba Qooba ha lahaate ma ku yaalaa lee maas dhahooyaa!!!!!!Cajiib Sheekhunaa Dhakumbe!!!!!!!Qosol aan is celcelihooyaa afurka aas ku soo dhaafin ahaan!!!!!dhakumbe ad ewidkaaba masawir ma ku khawaninee shirmee ahaan aas masawirna ku khabti bacdigeedna iid aas khawanwaayi,,,,Cajiiib,,,Iiga daranka Qoob dameertii Garaalka Secondo Lido ma ku fiirisi ii faruureey oo jidka lee joogto jalaata jumbo ii intii ka dhaxleeso Bar Selisbury, ay warrameesana aad u mudeesid sii sanka ka hadaleeso ahaan bacdigeed baabuurkaa Cento Venti Quatradii ma ka roorti ad oo xitaa Cuudi Bileeska hataa ka sahwiyi!!!!!!1 ,,,Lol@dhakumbe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lugooyo

Wednesday, December 06, 2000 - 04:18 pm
To: Dhamaantiin

Yaa u waqti la waxaan aad meesha ku heysaan, waxaay dadka ku qaadaneysaa sadax maalmood in ey ku aqriyaan :(

To: Hibo :) :) :) waan u maleynahay in aad ka daaheysid xiisadaadii :) :)

Lugooyo :(

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED

Wednesday, December 06, 2000 - 04:51 pm
NIMCO AN WAAN KA HELAY SHEEKADAADALAAKIIN ABAAYO HADALKAAGA WAAS IGU ADKAAY.XITAA HALAQ IN AAD KA WADO MAS MA FAHMEYNIN WAXAA II FASIREY SAAXIIBKEY REER GALKACYOOD AH.WAXAAD TIRI WAXAA LEY SEEXSHAY WAADH.TAASNA IN LEYFASIRO WAAN RAAD SHEY WAANA HELAY MACNAHEEDA.IYO KADINKA,GATAATI-DHACAY SARIIRTII.WAXAAS OO DHAN WAA IDHIBEEN.CALAAKULI XAAL.ILAAHEY MARDAMBE KUMA TUSIYO KAAS.ABAAYO NINKA SIDA DADKA OO KALE MAAS SEX GIISA YAHAY MISE WAA KA FIICAN YAHAY.JINIGA IYO DADKA KEE SARIIRTA KU FIICAN LACALA HADIIN GABAR JINI AH HELO INAAN OGAADO. QOONSADE SXB AAD AAN UGA FAA'IIDEYSTAY SHEEKADAADA JISAKALAHU KHEYR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHEEKH

Wednesday, December 06, 2000 - 04:58 pm
JINIGAN WUXUU KU FIICNAAN LAHAA GABDHO BADAN OO HALKAAN WAX KU SOO QORA SIDA,HIBO,HANI,T-GIRL,SPARKEL DUH WALAASHIIS,GETTO-GIRL IYO KUWO BADAN OO KALE MARKAA WAXAY DHALI LAHAAYEEN MUKULAALO MAD MADOOW OO TIRO BADAN.QOONSADE KUWAN HADDII JIN GUURSADO QURAAN HAKU AQRININ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hibo

Thursday, December 07, 2000 - 01:54 am
well i would jus liked to say
THAT WAS REALLY INTERESTING,but it would of been better if it was in english, as a lot of people can't read somali.
Even though i was born here I still managed to read it but i don't know what pocessed me to read this one because usually I don't read somali writing as it takes me ages.(it must of been the way u wrote it)

walaalo waxaa kugu dhacay waa yaab, ilaahay waxaan kaaga rajaynayaa caafimaad qab, laakinse sheekadaada waxaan filayaa inaana waligay ilaaween.

peace to u all.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHUKUMBO

Thursday, December 07, 2000 - 02:22 am
Hibo yur makaseee, ani afsoomali sida loo aqriyo ma aqaan, isku xishoo heykaleey yaheey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Thursday, December 07, 2000 - 02:32 am
waxaa lagu maah-maahaa cimrigaada dheeraada geel dhalayaana waa ku tusaa..subaxdaana waxaan maqli gebertoo dheheyso jiniyaa i guursadi Acuudi Billaahi Minisheydaani Rajiim..guriga foox iyo luubaan ha lagu shidaaba saakay warkaan ma u begine.

ani sheekadaan ma fahmin waa iga weyntahaa Abaa Sheekh Muriidi inaan geeyaa waaye waxaas dhahaa aan arkee. Ani waa cabsohooyaa cawadaan maxaa yeeli Nimco waxay degantahay Wembley aniina waa ku xigaa, waxaan deganahay Wellisdon amaas ii soo gudbaa baraka beelaha.

Ani waxaan mudaa in sheekadaan qof kale magaca looga haleehooya maxaan jiraa qof walba magac bugaas wataa abaay Nimcna waa abtirsatay weli wexey sheegtey xaafadeeda iyo mininkeeda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Thursday, December 07, 2000 - 03:24 am
AHMED1 SXB I THINK IT WAS A DREAM WHAT NIMCO SAW.OR SHE HAS A BUUFIS MAYBE A NEREV BREAK DOWN. AMA WAA MASEYRTAY.JINI AA? JIRKEY XARAAR.TAN FARUURNEYD EE AROOSKA JOOGTEY HADEY SINGLE TAHAY AHMED1 AAN KU DARNO.LOL KAN TUURTA LEHNA HIBO HALA SIIYO.WOOOOOOOOOOOOOOOOW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hibo

Thursday, December 07, 2000 - 03:25 am
Lugoogo: loooooool... Way i sixirtey nooh.....sheekada I mean..

Dhukumbo: waraa meesha laba Hibo aa wareegeyso..sxb... tan oo H saas ah wadato ani waaye... laakiinse atariishada ingriisiga wadatey gadaal soomaali ka soo galisay ani ma aha sxb.. "h" ay wadataa.. kala saar dadka.. Soomaaliga wa ku faanaa.. xageyga.. ha iskey soo jeedin sxb.. weli waa fiyownahaye...lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Thursday, December 07, 2000 - 05:21 am
Ali adi waa igu keen-keenti bee, jini oo faruuran inteen geehaa habeenkii baahal ha kugu noqoto waaye day iyaa taas ma ka bixi kari ani. Lama goodley dhaantaan aan u umudaa laakiin.

Neef..ay isku fiicanyihiin usi ha loo sheego mida oo faruuran ma ka deyrihaayo.

Hibo waa nasiibsati hadii igaarkaas dheer hesho bee, dhiig amey dhashaa laakiin sidii Nimco camaleeti, fool ha ku qawato bacdyn hiig lee hakaa socdo yaab lee waaye Illaah hana mootiyaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Thursday, December 07, 2000 - 09:50 am
Lugooyo

Sidaa miyaa Somaligaagu u xun yahay? Saacad xataa ma qaadato waxa meeshaan ku qoran in lagu akhriyo. Siddii Mareykanka madoow qaarkiis ha igu noqon saaxiib!

Kumi, London(UK)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHUKUMBO

Thursday, December 07, 2000 - 04:35 pm
Hibo Ha ween raali ahoow macda, ha yariiseey aa iga yaabisey, afsoomali ey xuux nooga dhigtay, iyadoo kale asxaan ma noo yaalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

187

Thursday, December 07, 2000 - 05:45 pm
this is some amazing sh!t, but the guy i think was somekindda of angel....lol,,,,but u should write a book about the story in that way it's better to put all the details and also make money,,,, oh bythe way, when u met the guy again in india, was he teaching in HINDI or another language. anyways i think this well written story, and i think hollywood would buy the story to make movie out of it. u made me kindda bleive in devils now,,,lol


great story,,,,
***** 5stars

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alipapa

Thursday, December 07, 2000 - 08:45 pm
waaaaah waaaaaah waad ba iga darayd shoow!

waaba aniga rumeystay sheekadaas ciyaalka lagu seexiyo!!.

Saaxiib nimco, waa iska war heynaynaa.

Alipapa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 07, 2000 - 08:48 pm
Nimco!

i think this good fiction book. hey as 187 said you can make $$$ if you get good director.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabaryaaban

Thursday, December 07, 2000 - 11:50 pm
asalamu alekum

walaal Nimco sheekadada ilaa iyo maalinti aad qortay aan aqrinaayey runti waa wax indhaha iga soo bixiya banaanka.. abaayo iga raali ahoow hadii aan dhaho wax ana rumeysan la ahay waye.. runti si fiican aad u qortay u know waxaad isoo xasuusisay sheekooyinka somalia...aad iyo aadna weey u qurux badantahay...laakin aniga hada ka hor sheeko taas la mid eh aan maqlay.... laakin sidi horey loo shegayba wax aadan indhahaga ku arag ma rumeysan kartid...

To Ahmed1...
dey widaay ana ahortaa sheekhyaalka oo dhan soo mari xitaa aw Abba waa u tegi alaabtaan jadiid waaye aas dhehey...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMINA

Wednesday, December 13, 2000 - 03:39 am
NIMCO. ADAABA NASIIB LEH HADUU JINI KU GUURSADEY.ANIGA NIN I GUURSADAAN WAAYEY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hibo

Wednesday, December 13, 2000 - 07:18 am
Ahmed1 loooooooooooooooooooool...... na moooti.. dheh.. najeynaa.... magan Alla.. waaye..

Dhukumbo... haa saas i dhehbo... makaroofi ahaan aabo bacaw igu noqotee... laakiinse hada we r cool...lol...

Gabaryaaban: looooool... abaa alaabtaan jadiid waaye yaah.....lol.. aaminhee.. ilaa la beeneeyo.. walaashey waa ku kari waaye aqri.. mininkaad rabtaa inaad iga bixiso yaah.. ay tiri.. anaabo isku naxaybee.. !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Goobdoon.

Wednesday, December 13, 2000 - 10:11 pm
Assalaamu caleykum.

Nimco.

Walaal waan kaa rumeystey sheekadaad qortey. Waa sheeko cajiib ah runtii. Qofkii diinta wax ka garanayana waa fahmi karaa iney run noqon karto. In badan ayaa laga digey jinka iyo in la iska ilaaliyo.

Arrin yar, waxaad tiri gabagabadii hadalkaaga : "Ninkii aan jeclaaday, ee seygayga noqdayna weli meel dambe oo uu joogo war iyo wacaal midnaba kama
hayo............... "

Miyaad ka xuntahay libdhidda uu libdhey ninka?. Si kastaba jinni buu shabbahaa ninku waxaana kugu habboon inaad ilaahey ka magan gasho araggiisa dambe. Waa qiso la yaableh.

e-mailkaagana ii dhaaf haddaad awooddo waxaan rabaa inaan kula hadlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

INTISAAR

Thursday, December 14, 2000 - 01:22 am
asalamu celeykum

walaallayaal gabadha hadi ey idiin daan sheegataay lama caayo ama lama aflagadeeyo
amiin ama ha'aminiin, wax ficaan oo an faca ayadana u sheega eysaan eheen waxa ila haboon afkiina inaad ka gabsataan..
waan ogahaay ineey igu/idiinku adaag tahaay sida aad u amiintaan sheekadaan oo ilahaay naáma tuso oo waa wax laga acudubileysto...

sida uu QOONSADE koor ku yiri jiin wuu jira oo ilaahy waa subxana waa tacala ayaa ku sheegaay kutubkiisa...´lakiin sida aan ugu baad badi karno ayaa ah quraanka iyo qofki shantisa salaad guuta

NIMCO: WALAAL WAXAAN KUGULA TALIIN LAHA INEEY DHACAAN MUCJISADAAN IYO WAX KA WAWEENBA LAKIIN SIDA AAN UGA BAAD BADIKARNO AYAA AH ILAAH XASUUSTISA ..MARKA WALAAL ILAHAAY XASUUSO JIIN IYO INSIBA ABUURAY.
INU MARLABAAD ILAHAAY KU TUSIIN AYAAN SALAADKASTA AAN TUKADO ILAHAAY KAGA BARYAYA.

RAMADAAN WANAGSANA GIDIGIINBA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hurdaaye

Thursday, December 14, 2000 - 01:31 am
waqti dhumis badanaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
anigana jini cilmi leh waaye ee gabartii rabta nin jini ha jawado,,,,,,,,,,,,,,,,,,aaah,,,,,,,,,,,,ha iga cabsinin,,,,,,,,,,,,,,,,,,,aaah,,,,,,,,,,ha baqin,,,,,,,,!!!!!!!!!!!!!!!!!!! welcome all,,,,,,,,,,,,,,,!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Thursday, December 14, 2000 - 09:08 am
hilerious!!!!!!!!!
Hurdaaye lamo saac hurdadood dhan aa ku dhaafi haye macalinka?

Afka gacanta saar markii hamansanaysid, bakteeriyo maka baxno saacadaane.

Amino looooooool, Hurdaaye uu kudhaafin, guriga lee kuu dhex hurdaa, nooh.

Nimco Abaayo Ilaahay ku xamdi noq, hal su'aalna aan ku waydiiyo.
galaaska arday kale makula dhigan jirte, haday kula dhigan jireen, banaanka ma ku arki jirtay ayaguse Macalinka ma arki kareen, ileen waxaa ladhahay jinka, jirkaya xaraar, dadka dhan ma wada arkaane?
Abaayo soo jawaab saad sheekada u soo ban dhigtay mardanbe war lagaama heline.

Hanii macaato kuligiin.
Ramadaan mubaarak yaah.

Muna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amina

Thursday, December 14, 2000 - 10:52 am
waxaad ii sheegtaa bal ninka jinka ahi siduu wax u wasaa ma ka wasmo fiican yahay ka insaanka ilee adaaba jin ku wasaye anaga jin ba waanu waynay na wasa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Thursday, December 14, 2000 - 11:10 am
Amina subxaanalah abaayo Ramadaan waaye caawana quraan sii aqriso yaan carabkaaga laguu saarnaane.

Acuudu bilahi mina sheydaani rajiim

Muna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amina

Thursday, December 14, 2000 - 11:13 am
abaayo muna
ani runtaan kuu sheegaayaaye waligay xataa riyo ma iga imaan markaas gabartaan oo tiri nin jin ah ban
la seexady aan islahaa ka faa ideeso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Thursday, December 14, 2000 - 11:25 am
Amina,
Hee insi raadso nooh!

My goodness, heart attack aa igu dili rabtaa miyaa adi.

Muna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aamina

Thursday, December 14, 2000 - 11:28 am
muna abaayo gabadh doob nimo ku waynaataan ahay markaa waxaan filayaa in uu insigu aanu saarka iga soo rideen oo aan u baahnay ka jinka waayo mid 20 sano aan la taaban baa i haya

kaftan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Thursday, December 14, 2000 - 11:54 am
Amino saar eh?
Saa u hadleysid jinigaaba bustihiisa garabka u saaroosa, Hay soo marin. kii oo kuu soo gaban lahaa xitaa doobnimadada inay dishuuba ka baqaaye.lol

Saar ku lahaa, boorame iyo Duulalna may ku saarnaadaan.
Adi waa dardarantahaybee.
Shiir kawaran, waxaa ladhahay doobabka wax ka shiir iyo shuruf badan maleh aa la dhahay...LooooooL

Gabadhii oo sheekadaan bilowday way ka siibatay yaah. Waa yahay dheh.

Muna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMINA

Thursday, December 14, 2000 - 12:17 pm
ABAAYO DON'T WORRY ANIGA WIILSHA LEE KA HELAAYE ADI SAFE AAD KA TAHAY DHINACAYGA NOOH. LAAKIIN MID AAN MUUDSADAAN RABAA NOOD OO AAN DHEECAANKA KA SIIBTO.

XAGA SHIIRKA AAD BAAN U UDGOONAHAY OO WAXAAN IS LA DHACAA UUNSI IYOCADAR AAD U UDGOON MARKAA KAASI WAA IGA DIBADA EE KACSI UUN BAA NAFTA II KEENAY EEE MAXAAN KAAS KA YEELAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Thursday, December 14, 2000 - 11:02 pm
amina iyo muna
qosolkaa iga dhameeseen..laba kala daranaa tihiin ha isoo marina.
waraa aamina soonka waa jabiyaa dhibka ku haysta aanba maqli jiree..adiga soonkii xitaa wax makaa tari la'yahay abaayo?? iyadoo bil soon ayaaba saas laguu hayaa hadii soon laga baxo ka waran..dadkaaba cunee aan u maleynaaa....lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samiir

Friday, December 15, 2000 - 07:13 am
To: Nimco,
Run ahaantii sheeko aan hore loo maqal ayaad soo bandhigtay taas oo aanan anigu run iyo been toona u qaadan. Marka ugu horaysa way jiraan waxa jinka layidhaahdaa waana mid diintu inoo sheegtay oo aan wada aaminsannahay, hase ahaatee arrinta anigu aan liqi la'ahay ama maskaxdayda geli la'i waxay tahay guurka iyo galmada idin dhexmartay adiga iyo ninkaas taas oo aan keenin wax ubad ah iyo sida aad sagaalka bilood uurka ulahayd ee markii foosha la gaadhay dhiig mooyee wax kale lagaa waayay.
Jinka marka laga hadlayo anigu waan maqlay inay insi iska soo dhigaan mar-mar oo dadka soo dhex galaan lana arko. Waxaan maqlay rag insi ah ayaa guursaday jin laakiin ma maqlin dumar rag jin ahi guursadeen. sida la ogsoonyahay lama wada arko jinka mana maqal ubadka ay kala dhalaal labada qof in la arko.
Haddii aan soo qaato tusaalayaal: waxaa BBC-da laga sii daayay qiso taada oo kale ah oo laygu yidhi in badan ayay idaacadda xidhiidh ahaan uga soconaysay inkastoo aanan anigu maqal waxaanay ahayd dabayaaqadii siddeedanaadkii illaa horraantii shagaashanaadkii.
Waxaa kaloo lay sheegay in uu jiray nin kaas oo markii uu geeriyoonayay iskugu yeedhay carruurtiisii oo ku yidhi waxaad walaalo tihiin carruur jin ah markaa dhaxalka wax kasiiya!.
Taas haddii aan intaas ku dhaafo si kasta oo ay tahayba anigu waxaan ka helay sida xirfadda iyo hannaanka wacan ee aad u soo bandhigtay qisadan layaabka leh. Waxaan hubaa inaad leedahay qoritaan xirfad qurxoon iyo soo bandhig iskaadhsiineed.
Nabaadgelyo,
Samiir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Friday, December 15, 2000 - 07:30 am
Salaaaaaam,

Soon ku lahaa, Abaa aamino run sheeg meeqa bari aa soontay soonki dhan?

Waraa jamaal afurka waxa guriga yaal dhan ay cuntaa hadayba soonto markaa wax ka jabaayo, maleh.LoL
Teeda kale soonka saar muu jabshaa ayada saar baaba haye.lol:-)
Amina aniga makuu soo socon ee ninka jiniga ah baaban u naxsanahay nooh.
Kuli danbi ka istaaqfurulah.

Muna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAX

Friday, December 15, 2000 - 07:34 am
Marka labaad aa soo laabatid...please...sheekada yaree...dadka ani camal ah...boobsii aan rabnaa....waqtiga aduunka ma heesano....besides it was damn boring...Essay which makes non sense to me.....besides sheedaanka yaawaya.....waaba arki waayey.

the only part aa fahmay........was wax laqaniinaayo.

peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAX

Friday, December 15, 2000 - 07:46 am
ANI AA SOO LAABTAY

Toogadaan waa aqriyey...it was a weird one.
Ya should write a book about it. Maybe he was "afku dable"..if ya know who he is.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aspro

Saturday, December 16, 2000 - 12:54 am
to;nimco; waaaw,waa sheeko cajiib ah laakiin ma run baa mise? marka hore i don't beleive iney run tahey sababtoo ah jinigu waa khalqi ilaahey uumey oojira laakiin wali lama arag xaqiiqo cad oo sheegeysa xiriir dhax marey jini iyo insiga oon ka aheyn inaan marar badan la arko qof layiraahdo jiniyo ayaa ka dhax hadley ama jiniyo ayuu qabaa iyo waxyaalo badan oo noocaas ah marka i think iney iska sheeko xariir tahey jini ayaa mar dhaqtar ahaa marna jaamacad dhigaayay marna ku guursadey laakiin nimco waxaan kaaga marqaati ahey inaad wax qori taqaan dadkana aad soo jiidankarto dareenkooda marka kaliya waxaan ku dhihi karaa good lucky, dadaalkaaga wax qorista meeshaada kasii wad,
by aspro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

simaan

Monday, December 18, 2000 - 12:49 am
horta waanka shakiiye awaay nagti qortaay waxaan??? naa nimco jawaab maxaa lagaga wayeey?? ama jinki ayaad ku labataay??

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.