site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DOWLADDA TALYAANIGA OO JOOJISAY BASABOORKEENI

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): DOWLADDA TALYAANIGA OO JOOJISAY BASABOORKEENI
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR.ITALY (Public user)

Unrecorded Date
Waxaan joognaa heer xitaa TALYANIGA uu joojiyay basaboorkeeni sidaas awgeed hadda waxaan nahay geeri go'aan oo ma heysano wax aan ku tagno carrigii haddi aan rabno.
Waxaan sameeynay muddaaharad oo isugu soo baxnay dhamaan soomalida ku nool ITALIA oo aan ku tagnay magaalada ROMA oo ah casimadda aayna fadhiso dowladda si aan uugu sheegano dhibatada aay noo geeysten,markii aan meeshi isugu nimid ayaa waxaa noo soo baxay qaar madaxda parlamanka isku sheegayay oo waxeeyd naga codsadeen inaan soo dirsano 10 qof oo ka turjuma dhibaatadeena si wax looga qabto.
Inaan umad xalaal ah aheyn awgeed waxaan isku qabsanay 10kii qofood oo meesha geli laheyd oo waxeey nagu qaadatay sacado inaan ku heshiino arrintaas ugu dambeynti waan helnay 10kii qofood.
Markeey galeen gudaha 10 kii aan dirsanay oo aheyd inaay ka turjumaan arrinteeni waxeey la soo shir tageen haddi aan idiin sheego waad yaabeysin.
1.waxaan doonaynaa KAWAAN aan xoolaha ku qalano
2.in dugsiyada talyaaniga lagu dhigo af soomali
3.in nala siiyo qubuuro aan isku duugno
Waxaan jeclaan lahaa inaan intaas ku ekeeyo haddi kale waxaad moodeysan ciyaar ama been laakin waa wax dhacay oo run ah inkasto maskaxda aay diideyso aniga goob joog ayaan aha oo haddi la ii sheego ma rumeeysten.
Waxaa intaas kuu sii dheer inaay xitaa tobankoodi aay ku heshiin waayen meesha dhexdeeda(parlamento)oo marki dambe la yiri noo soo laabta idinka oo og waxaad rabtaan kuna soo heshiiya italiya oo idil guddi ka dooda arrintiina oo SOMALIYA xaq ayeey nagu leedahay waa inaan wax u qabano oo aan basaboor iyo wax alle waxaad rabtaan ayaan idinsiineyna.
TALYANIGA WAA BAASTER(BASTARDO)OO WUXUU OG YAHAY IN MARNA SOOMALI AAY KU SOO HESHINEYN GUDDI DHAMAANTOD KA DHEXEEYA.
CODSI DADKIINA QURBAHA KALE JOOGA SIDEE KU XALLISEEN ARRIMAHAAN OO KALE???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey (Public user)

Unrecorded Date
Mr Italy saaxiib salaan diiran iga hoo horta.
Mida labaad:Talyaanigu haddii sida runta ah loo eego xaq buu u leeyahay inuu joojiyo baasaboorkeena, maadaama aayan wax dowlad sheegta ka jirin Soomaaliya. marka ay Dowladii baasaboorka aasaasatay dhacdo wax alaale iyo wixii dukumenti ahaa oo ay laheed Dowladu way la wada dhacaan. Oo habeen keliya ayay waxay wada noqdaan wax aanan meelna ka socon karin. Waa Sharci Aduun weynaha ka wada dhaxeeya, oo la isku wada raacay.
Haddii ay Talaaynigu na sugeen in mudo ah ( Ka badan sagaal sano ) wayba noo soo dulqaateen baan filayaa. Haddii in wax la caayo la rabana, anaga ayaa cayda mudan Talyaaniguna, wuu yaqaan Soomaalida in ayan meel ku wada heshiineyn, oo haddii aad in isku wada qolo ah xukun dhex dhigto, waxaa loo sii kala jajabaa jilib-jilib iyo waxaynan garaneyn.
Aan labo maahmaahood ku soo xasuusiyo.
A ) Geed baa nin gooyay, Geedkii baa shalaayay, Geedkii wuxuu yidhi:
Gudinyahay ima aadan jarteen haddaanan gabalkey kugu jirin. " Gudintu afka waa ka Bir dabadana ka Qori " Birta haddadan qori gelin waxba kuuma jarteen.
B ) Lafo geri iyagaa la isku jabshaa. " Haddii aad dooneyso inaad col ka adkaato, waa inaad colkaa ka dhex heshaa dad aad dib ugu sii hagaajiso ama waa inaad colkaa dhexdiisa isku diri kartaa. ( Siyaad bare ayaa isticmaali jiray tabtaa ).
Saaxiib Mr.Italy Im sorry but thats the way we are. It hurts, but it's the hurting truth.
We're worst than the Italians.
Salaama.
Faalka Xaaji.
Afeef: Wixii qalad ah halay saamaxo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalid (Public user)

Unrecorded Date
Mr. Italy

Baasaboor joojinta ay ku dhawaaqdey dowladda Talyaanigga ma'ahan waxaan layaabayo oo dowladda Maraykankuba muddo haatan laga joogo afar sano bey isla ficilkaa ku dhaqaaqdey. Haatanna ruuxii u soo dhoofaya waddankani Mareykanka ee baasaboor Soomaali sita, waxaa fiiso lugu siiyaa xaashi oo ay qunsuliyadda Mareykanka diyaariso oo sida qof tuug ah oo kale laguuma ogolo xitaa inaad bakhshadda furto.

Intaas oo qura baan halkan ka dhiibanayaa.

Nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sharaf (Public user)

Unrecorded Date
Waa salaamantihiin!
Arrinta joojinta baasaboorka aan 3 siyood u kala qaado.
1- Waa farxad u soo hoyatay geyigeenna. Waayo, dad badan oo balaayo salka uga jirto ayaa waddankooda iska joogi doona haddii meel kasta nagala soo diido.

2- Waa calaamad ku tusineysa in xitaa magacaagu sii dhammaan doono. Waa digniin, kuu sheegeysa inaan Talyani walaalkaa aheen. Waxaad ogaataa in Talyaani meeshuu kula rabay aad joogto maanta.

3- waa gar in la joojiyo. Waayo, looma sameeyo si sharciya ee dad tuuga ah ayaa iskood u soo saara. Waana sharci-darro adduunka oo dhan. Waana sumcad xumada noo taal adduunka oo dhan. Waxaana u caddibmi doona dad masaakiin ah tuugadaas owgood.

Isku soo dar oo, Cidna dambi uma heysto ilaa aan anigu iska qaado dhulka.
Xiise dambe!
Sharaf

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR.ITALIA (Public user)

Unrecorded Date
WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAATIN
Walaalyaal midda aan la yaabanaa ma aha in TALYAANIGA joojiyay basaboorkeeni ee waxay tahay sidee u heli waynay soomalideena ku nool talyaaniga xal aan ooga hortagno talyaaniga si oo noo siiyo TRAVEL DOCUMENT sida dadka ku nool dhamaan qurbaha.Marka xiga haddu yiri dad ii soo dira sideen u waysanahay ama sideen uugu heshiin waynay dadki aan dirsan laheen.
MIN FADLAN SIDEEN KU HELNAA XAL ?
NALA SOO TALIYA HADDI AAD TIHIIN SOMAALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonx (Public user)

Unrecorded Date
Brother Mr-Italia:

Talyaanigu aduunka way ka danbeeyaan hadday aqoonsadaan baasaboor aan dowladi soo saarin.

Tan kale, waxaan idinkula talin lahaa dhamaantiin inaad ku fakartaan sidaad baasaboorka Soomaaliya dowlad ugu samen lahaydeen ee aydnan ku fakarin sidii aad waddamo kale ugu noolaan lahaydeen.

Talo waxaa iga ah inaad ku ku soo biirto ururka NSYL kadibna aad u sheegto dhamaan dadka ku dhibaataysan waddanka talyaaniga in dhibku eheen dowlada talyaaniga ee uu yahay tuugada Soomaaliya ku dagaalamaya oo dadkii ka dhigay qaar ay hub isugu dhiibaan isuna colaadiyaan iyo qaar waddanka kasoo cararay si'ay uga nabad galaan.

Waligeen dhib kama baxayno intaan ku hoos noolnahay sharciyo ay dad kale degsedeen. Sidaa daraadeed just say NO to warlords - Ku soo darmo akhyaarta adoo kale ah oo raba inay Soomaaliya ka dhigaan meel lagu noolaan karo.

Anonx

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Homeless (Public user)

Unrecorded Date
Mr. Italy, maxaad talyaniga uu dheheesa bastardi. Dhib aadan adiga isku keenin muu ku keeney?? Somalida weligeed waxay jeceshahay inay dad kale eedayso. Ninyahow gaal dil, gartiisana sii. Soomali waxaa ku sugantahay maanta iga isbadey, xal na ma rabaan saa nin kasto waa xaasid dan gaar ah wato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR.ITALIA (Public user)

Unrecorded Date
To.Anon iyo Homeless
walayaal waan idin salaamay marka hore marka xigana problemka ma aha talyaaniga ee waa annaga oo somaali ah oo ku nool waddankaan waxaan ku heshiin la nahay dadki aan u dirsan laheen si aay waxaan xaqa uugu leenahay talyaaniga nagu soo dhicin lahaayen.
Idinka waxaad heysataan basaboor Canadian ah markaas ayaa qosol qosol ayeey idinka caddaahay oo dhibaato uma aragtaan basaboor soomali oo la tir tiray ma is waydiisen maxaa u dan somalidi beec mustarka aheyd(COMMERCIANTE)IYO INTA BUGTAY OO DAAWO U SOO RAADSAN JIRTAY QURBAHA.
Perfavore non essere un EGOISTE pensa anche per gli altri disgraziati che sono in giro per il mondo che non hanno avuto la vostra fortuna se coś si puo chiamare fortuna la vostra.
NOI PER IL MOMENTO SIAMO FIERI DI ESSERE SOMALI NONOSTANE TUTTO.
CIAO E BUONA FORTUNA A TUTTI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Homeless (Public user)

Unrecorded Date
Signore Italia, salan marka hore. Aniga kolley Canada ma degani. Ilaah ha ku sahlo ammurahaaga, lakiin wax qaxootiga na ga dhigay waa Somali ee ma aha gaalo. Waa is haysto oo aan rabin inay heshiiyaan na waa Soomali.
Ciao e buona fortune a te.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey (Public user)

Unrecorded Date
Dear Mr. Italy, Haddii aad heli karto Dad soomaaliyeed oo ku matala, kaana dhiciya gaaladan Talyaaniga, Waxaad heli lahayd Dad soomaali ah oo wadankaaga/keena matala kana dhiciya gaalada aduunka kale oo dhan ku nool Itoobiyana allaha ka dhigee.
Waxaan uga danleeyahay Tusaalahan aan ku siiyay: Haddii aad heli karto Dad ku matala kuuna soo dhiciya xaqaagii, Saacad la joogo Soomaaliya Madaxweyne ayay lahaan lahayd.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR. ITALIA (Public user)

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM IQYAARTA
WAXAAD AAD UUGU MASHQUULSAN TIHIIN QORAALO KUWAAN LA MID AH:
1.GAROOB IYO GABDH KEE GUURSAN LAHEYD ???
2. SEEGADA DEMBI MIYAA ???
3.GARKA LA XIIRO DEMBI MIYAA ???
4.ORAL SEX MA DEMBIYA ???
5.YAA ILBAXSAN NIN XAMAR KA YIMID IYO NIN KALE ??
WAXYAALO AAD RAQIIS U AH .
WAXAAN IDIN SU'AALAY MA GARAADKIINA AYAA SIDAA AH
MISE MAADAMA WAX AAD QABATAAN AYNA JIRIN SHEEKADI NACFIGA LAHEEYD WAY IDINKA DHAMAATAY??
HADDI AYNU NAHAY REER ITALIA AAD BAAN IDINKA QALBI JABNAY WAANA MAHADSAN TIHIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dex (Public user)

Unrecorded Date
Mr.Italia
waad salaamantahay marka hore, marka labaad aan adiga su'aal ku waydiiyee. goorma ayuu baasaboor micne sameeyaa sow maha marka ay jirto dawlad, qarannimo iyo dadkii sitic maalilahaa baasaboorka aad sheegaysid.

dawlada talyaanigu xaqbay uleedahay inay diido oo taa hadii aad ku doodo maanta waxaad noqonaysaa hal bacaad lagu lisay. ta kale ee aad leedahay soomaalidii baa heshiin wayday oo ogaan la iman wayday iskuna haysta inay iska soo saraan 20 qof oo matala wax udan ahna layimaada. saxiib lagaama caawinkaro waayo waata inawada gaysay qurbaha.

miyaadse anag nawaydiisay meelkastaba aan joognee inaan haysano 20qof oo isku rayi ah oo is fahansan hal dan uwada socda than heshiiya?

anaguba mahayno dadkaad raadinayso, hadii aan naqaano meeshay joogaana waan raadin lahay ee ani waxaan ku dhihi lahaa hais daalin wixii aad adi shasi anhaan kartit samee inta kalena alleh u wakiilo.

hadii aad rabtid hadalna waxaan umalaynayaa cofee shop itali way leedadhay ee aad kolay war waa haynaa meelkast oon joogno.

nabadgalyo igana raali ahow hadaan wax qalada iri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey (Public user)

Unrecorded Date
Salaama calaykum.
Walaal Dhex, Sidii ugu wanaagsaneyd ee wax la isaga dhaadhacsiin jiray baad u hadashay. Ma BB baad ahaan jirtay yaabay aniguye?
Walaal inkastoo laga naxo, laakiin waa ta Runta keliya ahe na wada haysata, Soomaali weyn meel kasta oo ay joogaanba u siman yihiin.
Walaal Itali haddii aanu heli karno cid na matasha ( Sida ey noo sheegtay Walaasheen Dhex ) Oo danaha Soomaalida u siman yihiin u soo hor marisa, toodana dib u dhigta, Roob baa beri hore inoo di'i lahaa.
Ee marka aad kuwaa hesho nala soo socodsii.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gastro (Public user)

Unrecorded Date
Saaxiib Mr. Italy, aad baan ugu faraxsanahay in dawlada talyaanigu ay joojiso is mooditaankii aan ismoodeynay dad dawlad leh. Taasi waxaa laga yaabaa inay Somalida cadaadis ku saarto si ay uga bixi lahaayeen dulinimada ay iyagu is badeen.

Midda khilaafka ee aad ku xustay maqaalkaaga, saaxiib waa mid la xiriirta hiddaha soomalida ama aan iraahdee 'gene' sababtaan taas u leeyahayna waan shirarkaan arkay oo kor u dhaafay boqolaal, badankood layskuma af garan. Sababtuna tahay maalayacni. Waxaan aaminsanahay haddii dhowr qof oo soomliya laysugu yeero oo la yiraahdo iridkaas ayaa janada laga galaaye galla, wey isku khilaafi lahaayeen.Gababagabadii waxaan ku oran lahaa Mr. Italiyoow welli silic ma waajibin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Adduunka waxaan ugu necbahay Talyaani, Ingiriis, Amxaaro,Hindi iyo soomaalida wax magaratada ah ee weli kii rogay daba socota.
Meel uu xalay maray oon midh kaga dhicin meehannaabaay.
Israaiil iyo iilka kii dhigay u ergootay.
Jawaan xalay gudey oo walwaal maroo wardheer tegay kiish u tolotoy.
Goormaa Ingiriis iyo talyaani aan ka quusannay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Somaliland weydii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR. ITALIA

Unrecorded Date
WAR NIMANYAHOW HADDAAD QAADATEEN PASSAPOURT CANADA AMA USA I.W.M.HA IS MOODINA INAAD TIHIN CANADESE HADDI KALE WAXAAD NOQONEEYSAAN BAQALKI FARADAHA LA DAAQAY MARKAASNA IS MOODAY FARAS MARKA XIGA WAXAA JIRA WELI DAD SOOMALI AH OO AAN BASABOR QAADAN OO WELI ISTICMAALA KII SOMALIGA AHAA OO LOO YAQAANAY MODOOBE DHEERE.
ADDUNKA WAXAA UUGU LIITA NINKII SHALAY BAAHNA OO MARKUU DHERGO ILLOOBA INAAY BAAHI JIRI JIRTAY....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baabuuji

Unrecorded Date
saxiibayaalow talyaani sidaydaba waa lai'ga shidaa sababtoo ah waxa wadankeena dhibaateeyey waa gaabow talyaani oo na baray corruption,kick back,mislead and merciless colonization. marka waxaad iska iloowdaan talyaani qurun ah baa baasaboorkeenii diiday iyo maraykan baa joojiyey sababtoo ah waxaa heerkaas nagaarsiiyey oo iyaga magan nooga dhigay waa in aan magansano odayaashii afarta jeeb ee waa weyn lahaa ama jaajuus ha ahaadeen ama Drs ha ahaadeene iyo askar bunduq larido aan ka badin.marka cosa iyo perche iyo expresso dantayada ma ahee aanu danteena fiirino hiwiye,daar'ood isxaaq,raxanweyn,dir,gibilcad,jareer are bullshit
being somali are our own interest!

I hope one day we'll be one.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR :ITALIA

Unrecorded Date
SAAXIIB MR ITALIA IG GUDOON SALAAN DIIRAN.
WAXAAD LEEDAHAY TAYAANIGII BAASABOORKA SOOMALIA WAA JOOJIYEY.
WAXAAN UMALEYNAYAA WAA ARIN AAD LOOGU FARXO MAXAA YEELEY BAASABOORKII SOMALIA CID WALBA AYAA ISKA WADATA CID KASTA MAANTA SOMALI AYEY ISKA SHEEGANEYSAA, ANOGOO AWALBA SHARAFTII SOMALIDA HOREY UGU CAYAARNEY AYAA WAXA ALAALE WIXII QURUN AHBA BAASABOORKAANII SOOQA KA GATEY OO SOMALI ISKU MAGACAABEY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 06:06 am
mr, joni cancaro
raali ahaaw basaboorka waa laguu soo celinaayaa
talyaaniga anigaa kaala hadlaayo furgoonahaaga
iska wado iska shaqeyso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zaawi

Tuesday, November 07, 2000 - 03:29 pm
Mr Italia, whoever you are.

Your problem underlines one thing. It is time to take responsibility. If there is one thing that we learned in the past ten years,The Decade of Hell" from 300,000 starved to death people to a wide spread sense of hopelessness both in and outside of Somalia, It is that every thing we stand for is basically flawed and mercy we showed that to every corner on the earth. We have been exposed, BIG TIME soomaaliyey. The world saw what good muslims we are. Africa knows we have no respect for them. The list goes on and on. Should we, those of us who understand that confidence of somali people are in pieces right now and is not gona get better unless we take things to our own hands, take responsibility and be leaders and educators in the fight to restore the somali name and confidence. To do so we must sincerely declare the following:
1. I,Somali citizen in the twenty first century, would declare my absolute loyalty to those who sincerely care the welfare of every somali boy and girl regardless of region, group feelings, and clan membership.
2. I will discontinue my loyalty to a particular group even if it means losing my life just because we share share clan membership.
3. I will fight for the rest of my life to uproot the bad guys, both Warlords and incompitant backward clan politicians and foster, help honest and highly qualified people to office.
4. I will work with every Somali youngester no matter where he lives, Burco, Xamar, Baydhabo Galkacyo, Baladwayn, xudur in defeating our common enemy both inside Warlords, Clan leader-politician, and The West who is eager to keep us in a dependency position by helping these two groups to have monopoly on power.
5.I will extend my hand to every reasoning Somali mind in order to rise above clan loyalty and defeat the forces of jahanama Hell.

I have yet to see any young somali groups who are united for these five points. clearly every thing starts somewhere,If we do now we will lead. I am not waiting any one to jump on the wagon. I'll do my part rather than just talk and leave no legacy. If you think my ideas are legitimate and you are in postion to help others please don't hesitate to express your opinion, After-all I want to see people who care and are willing to sacrifice everything so that they make difference in the life of their brothers. Zaawi.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.