site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Soomaaliya oo qashin-qub noqotay

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Soomaaliya oo qashin-qub noqotay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhimbil

Unrecorded Date
Wax nin xil moodaa nin xarrago moodaa!!!!!!

Ma ogaydeen soomaaliyeey in waddankeennu uu noqday qashin-qub caalami ah!!!!!?
Haa miyaad tiraahdeen?, Haddaba aan idiin sheego wararkii ku soo baxay jaraa’idyo waddanka Talyaaniga, halkaas oon ku noolahay.

Famiglia cristiana n.47/1998. pp84-92

Jaraa’idkani wuxuu yiri

Muqdisho, Novembre
Duuliyihii wuu caddaaday: « Wallay ka tahay. Xataa haddaad boqolkun oo doollar i siisaan ». warka naga soo gaaray London waa tafa tirraa «waxaad isku daydaan inaad tagtaan toban km woqooyiga Hobyo iyo shan bariga xeebya. halkaas waxaa ku yaal kayd qashin oo aad halis u ah, una badan inuu radioactive yahay». Markaan weydiisannay inuu dul maro meeshaa duuliyahayagii, oon ilaa markaa heshiis ku ahayn inuu ina geeyo woqooyiga Soomaaliya, waaba argagaxay: «war waa idin soo ridahayaan. Waxaa meeshaas ku yaal barkad shub 30m² ah ooy alaab culusi ku jirto. Waxaan ogahay in gudeheeda lagu ilaaliyo dhuumo dhalo dhererkeed le’eg».
Kaydkaa woqooyiga Hobyo waxaa laga yaabaa inuu ka mid yahay kuwii mashruuca “Isola del sale”, mashruucasoo loo dejiyey (qalabeeyey, difaaco) in la helo meel lagu kaydiyo qashinka nuclearka. «laga bilaabo bartamihii sannaddadii siddeetameeyadii, Maraykanka iyo faransiisku waxay ka baaraan dageen samaynkaridda mashruuca waxayna ugu danbayntii siiyeen O.K», waxaa inagu walgaliyey kuwo Roma jooga oo codsatay inay qarsoodi ahaadaan.
Aldo Anghese, nin waxbadan laga sheegay marar badanna la xiray, maxkamadna la soo hortaagay dhawr jeer, horayna ula sheqeeyey ciidanka sirta ee talyaaniga, wuxuu intaa ku sii daray faahfaahin gaara: « Mashruuca waxaa loo bixiyey “Isola del sale” (jasiiraddii cosbada) waayo caadiyan sidaasaa loogu yeeraa jasiiradda Xaafuun, gobolka Bari, lagana helo cusbo badan. haddaba geeska woqooyi-galbeed ee jasiiraddaa aan la dagganayn, badda uunna laga aadi karo ayaa loo doortay kayka weyn ee mashruuca qashin qubka. waxaa jira qoraal hordhig ah oo arrintaas ku saabsan, kaasoo dhiirro galinaya dhismaha “saldhigyada lidka diyaaradaha”, maaddaama si cad loo yiri; dhibka kaliyihi waa arag-karidda dhanka cirka. Ilaa maanta dhammaan xeebta dhexe iyo woqooyi ee soomaaliya, waxaa ku yaal shan saldhig oo noocaas ah».

Haddaan halkaas uha haro jaraa’idkan iyo kuwo kale oo badanba, waxaan intaas raaciyey; maalmo aan dheerayn saxaafiyiin badan oo ka kala socda hay’ado kala duwan ayaa isu qaybshay dhawr kooood kalana tegey woqooyiga iyo koonfuta waddanka, ayaguna waxay soo sheegaan waannu arkin.
Bal haddaba soomaaliyeey ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa??!!!. Maxaa ku khasbay rag waaweyn madaxna sheeganaya, ummad oo dhanna u laayay kursi aan jirin, inay qashin soo gurtaan, haddayse dani ku qabatay maxay kii ugu xumaa ee dad, dal, iyo duunyaba leynayey u soo guteen?.

Jawaabtu waa iska caddahay; BAQSHIISH.. xoogaa masago ah, ama dhowr dollar ooy rasaas ku gataan ayay dadkoodii u ciribtirayaan..
Ninbaa waa hore ku gabyey

Rag sagaashanka dhaafay oo
garka saynta gammaankiyo
kabad soohan la moodaa
sanbab loo lulayaayoo
baruur saafiya moodoo
lasii jiidanayaa
in soomaali laayey oo
diyaaradaha sabeeyiyo
lagu sayray rasaas aan
shanqadheeda maqlaynoo
suubanoow baalamaankuna
saalaxweeto ku eegay
ninna daah kama saarra
ummadeenan sidaasee
isticmaarku alabeeyey
leegana seedaha goysay
nin siraa hodmi maayoo
saancad baa ka ifaysee
sun baa maanta qarxaysee
somaalaay ka foguw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisal

Unrecorded Date
Dhimbil:

Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay. Waa arrin laga noxo runtii. Waxaan kusii qoslay markaa tiri maxaa ku kalifay inay qashin soo aruursadaan.

Waa arrin laga murugoodo.

Faisal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faiza

Unrecorded Date
Naxdin Badanaa

Faiza

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcad

Unrecorded Date
Alla naxdin iyo murugo badanaa, Ilaahay waxaan ka baryi in warkaa dhambiil sheegay aanay xabadi run ka noqon. Muxuu yiri? radioactive iyo nuclear xashiis ah yaa?

Dhabiilow calooshii baad na dhaqaajisaye Ilaahay warkaas been ha kadhigo (AaaaaaMIn)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Unrecorded Date
Dhimbil ammin wanaagsan

Run ahaantii markaan arkay mowduucaagan waxaan ku orday hoyga keydka ee jaraa'iddada ee magaalada aan joogo (SIENA) si aan u helo caddadkaas, anigoo urruuriya dhacdooyinka noocaas ah gaar ahaanna ku saabsan dhulkeena.

Dhimbiloow mahadi hakaa gaadhee, war bixintaadan waa mid argagax iyo dhabannaheys ku ridda qof walba oo dareen waddaninimo ay ku jirto lehna damqasho uu u hayo dhulkiisa.

Waxaan uga murogoonayaa si aan qiyaas laheyn. Waxaanse Alle ka baryayaa, siduu Burcad horey u yiri, in Rabbi been ka dhigo arrintaa!!!!!!!!!!!

Hadda iyo talo: Soomaaliweyney maxaa nala gudboon inaan ku kacnaa? ma gacmahaan isa saaranaa oo waan iska dhega tirraa dhacdadan foosha xun?, mise sidii rag lagu yaqaanay baan u dhaqanaaa oo hurdada waan ka kacnaa? mise..............!!!!!!!!!! waxaan u dhaqannaa sidii halheyskeenii ahaa: tani dhacdaye toloow maxaa xiga.....!!!!!!!!!!!!!?

Dadoow loo darsan doonee talooyin badan oo maanta nagu jira.....

Nabad iyo Caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuuro

Unrecorded Date
horta waxaa dhimbil lagu hiri ayaad qaabtahaa waxaan aad ula yaabay beenta weynakeed adiga iyo dadka nocaaga oo kalee waxaad ku shaqeesatan war xumad.marka waan garnayaa inay kaa keynta qaraar warxumad aad wadi.marka kale waa lagu yaqaan adigoo kale waxaad tahaay kuwa galaad barya.marka dadka aad sheegeso afkaaga weynka kabixi adoo kale waxba uma yaqaana.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuuro

Unrecorded Date
horta waxaa dhimbil lagu yiri ayaad qaabtahaa waxaan aad ula yaabay beenta weynakeed adiga iyo dadka nocaaga oo kalee waxaad ku shaqeesatan war xumad.marka waan garnayaa inay kaa keynta qaraar warxumad aad wadi.marka kale waa lagu yaqaan adigoo kale waxaad tahaay kuwa galaad barya.marka dadka aad sheegeso afkaaga weynka kabixi adoo kale waxba uma yaqaana.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Unrecorded Date
Nuuro:

Adi baadiye maa kunooshahay? Dhimbil joornaal magici iyo caddadki ayuu noo soo gudbiyey. haddii aad leedahay joornaalka been ayuu sheegayaa tag laybareiga lana xiriir dadka qoray.

Nuuro, manoo taataaban kartaa dadka aad tiri dhimbil waxba ma uyaqaanaan? Somalia in shirkado gaalo qashin ka buuxiso wax shaki ku jiro maaha ee waxaa la isku haystaa oo kaliya waa meeqa tan ayaa hadda aasan isla markaana map malaheli karaa kutusaya meelaha la aasay.

Dadka gaalada baryana waa kuwa hubka loogu badalo qashin qub bad iyo beri. nooro, hurdada ka kac.

mahadsanid Dhimbil

Mohamed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhimbil

Unrecorded Date
Nuuro walaal

Haddaad moodayso inaan qolo gaara (qabiil) ku jeedo,waanad i fahmin, lagana yaabee inaanan anigu si wanaagsan u fasirin warkaan sheegay. Runtu waxay tahay inaan ka argagaxay warkaan ka akhriyey jaraa'idkaas. Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inaan waxba ka jirin, waayo waxaan rajo ka qabaa inaan dhulkaygii hooyo ku noqdo, waxaanna rabi lahaa inaan meel aan degi karo ka helo.
Hadday ku qancinayso waxaa kaloo warkaa laga sheegay dhawr jeer Radio Popolare di Milano. halkaasoo ay ka socoto baaris, maxkamad talyaani ahna waxay furtay raadraac(indagine).
Teeda kale ma aanan dhammayn warkii, kumana eka gobolka W/bari, balse inta ilaa iyo hadda la sheegay waxaa ku jira Mudug, G/gaduud, Banaadir,Jubbada hoose. Wax hore ma ogi, baryahanse lama sheegin dhanka W/galbeed, anse waan rojo xumahay.
Nuuro walaal meelaad ku nooshahay ma ogi haddaadse Adress kaaga ii soo dirto waxaan kuu soo dirayaa copy maqaalaka ah. Cinwaankaygu waa

husseinaden@hotmail.com
Waxaan u mahadcalinayaa dhammaan soomaalida ka xun sida dhulkeennii hooyo tin iyo ciribba qashinqub looga dhigay, ayadoo doqomo gar iyo gafuurba leh masaggo loo daadiyey, sidii digaaggii, lagu iibsaday....
Waxaan isku dayayaa inaan soo dhammaystiro waxii karaankaygaa.
Cidna uma maqna, ceelna uma qodna.
Dhimbil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdinur

Unrecorded Date
Aad baan uga xumahay in waddankeennii laga dhigto meel raqiis ah lagu daadiyo qashinka Nuclear-ka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
ADOO KUD LA YAABAN QANJOOW KAALAY MIYAA!!!!!!!!!???.

Waxaan filayaa inay ahayd isgalihii 92 iyo 93kii markii ay bilaabatay ka hadalka Qashinka Nuclearka ee lagu soo daadiyey xeebaha soomaaliyeed.

Wuxuu nin aanu saaxiibo ahayn oon kula kulmay magaalada DIRIR-DHABA ii shegay in uu indhihiisa ku arkay kaluun iyo shinbiro badan oo ay baddu banaanka u soo tuurtay ayadoo u ninkaas ii shegay in qaar ka mid ah kaluunka iyo shinbiruhu ay dhalan gadoomeen.
Wuxuu kaloo ii sheegay in uu badwaynta soomaliyeed waa dhanka w/bariye uu ku arkay markab aad u wayn kaasoo ay markii aanu u dhawaanay uu baxsaday ayuu yiri.
wixii maalmahaa ka danbeeyey ay soo banbaxday in xeebta Hobyo lagu daadshay Qashin.
waxay dadka qaar ay lahayeen dad ayaa u soo hogaanshay in meeshaa la keeno Cudurka(qashinka).

waxaan haddaba oran karaa waa sida aan filayee in Cid naga cudud wayni aysan laab-laab iyo laaluush u bixinaynin inay qashinka ku soo qubaan xeebo cidla ah oon nina heeheey lahayn, Soomaaliya sidii ay u burburtayba waxaa la ogsoon yahay inaysan lahayn ciidan dhawra Deegaankeda iyo bii'adeedaba sidaa darteed ayey cid waliba u soo hunguriyeysaa inay waxay doonto ka samaysato.

waxay kaluumaysatada soomaaliyeed maalin walba la kulmaan doomo iyo maraakiib shisheye oo ka kaluumaysta xeebaha soomaaliyeed ayadoo qaar ka mida doomahaa la qabtay.


Waxaan haddaba Dhinbiloow qoraalkaaga ka muuqata Xanuun muwadinimo balse waxaad ila moodaa inay qurux badnaan lahayd inaad wargalintaada ku soo lifaaqdo Talooyin kuwa ugu haboon oo ay xeeblayda soomaaliyeed qaadi karaan illayn ayagaa u dhaw maanta wax difaaci kara kuna arki kara wixii soo mara aaga

aad ayaan kaaga mahad-celinayaa sida muwadinimada leh ee aad noogu soo gudbisay danqashadaa xanuunka leh .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhimbil

Unrecorded Date
QadHafaayoow;

Waad mahadsantahay.

Waa runtaayoo xeebaha soomaaliyeey cid ilaalinkartaa maanta ma jirto,oo qashin badda lagu daadiyey nin eed gaara loo saarayo lama arko, waayo eedda waxaa iska leh madax ku sheegga axsaabta soomaaliya ka dhisan oo dhan, kuwaasoo ku wada salaysan qabiil(magacoodase ereyga "Somali" lagama waayo, bal may runta iska sheegaan). Arrinta aan soo bandhigayse waxay ku saabsan tahay qashin lagu qubay dhul-deegaanka soomaaliyeed, sidaan horay u sheegayna waxaa waddankan talyaaniga ka socota raadraac maxkamadeed, anse maxkamadda warkeeda ma aan ogaan karo sidaa awgeed ayaan waxaan go'aansaday inaan daba galo oon aruuriyo waxay jaraa'idyadu arrintaa ka qoraan. Waxaanna rajaynayaa in qoraallada noocaas ihi aanay ku ekayn talyaaniga, si dhallinta soomaaliyeed ee adduun-weynaha ku nooli u raadraacaan arrinta, ugana gilgishaan. Haddaan u soo noqdo wixii talo ah, (waxaan ka yaabayaa in talada la'iiga faradheeryahay). Ninka u soo qasday inuu qashin ku daadiyo meeshaa waa nin hubaysan, kuna soo talo galaya inuu is difaaco, sidaa aawadeed, xeebata soomaaliyeed oo ka dheer 3300km ilama aha inay ilaalin karaan kalluumaysato aan hubaysnayn,ama Klashnicov wadata, balse waxaa loo baahanyahay waddan dhisan iyo ciidan loogu talo galay, sida uu yiriba Kofi Annan mar uu ka hadlayey xeebta soomaaliya(cadadkii New African October/November 1998). haadaba Anigu waxaan qabaa in mashaakilka caalamka saddexaad oo dhan, khaas ahaan Soomaaliya, aanu ahayn arrin dhaqaale ama dhaqan, balse uu yahay baaba' siyaasadeed oo qura. soomaaliduna(madaxda axsaab ku sheeggu)waxay isku khaldeen Siyaasadda(Politics) iyo sirta(tricks). Markii iigu war danbaysay waxaa waddankeenna ka dhisnaa 19 xisbi, haddaba hor Ilaahay adigu mid ka mida ma ku tilmaami lahayd "Political Party"?. Ruuxa bani-aadamka ahi (haddi uu qaan-gaar yahay) waa inuu qiimeyn karaa xaaladda uu ku jiro, qiyaasina karaa waxyaalaha la soo darsi kara iyo sida uu uga hortagi lahaa. In maanta soomaali oo idil ay dhiiqo ku jirto ninna loo sheegi maayoo nin walba, dibad iyo gudo meel uu joogaba gurigiisey ugu timid, teeda kale waxaan qabaa in dadku ay ka daaleen dagaalka, gaajada, iyo dhibka guud ee lagu jiro, waxaanse la yaabbanahay hadday sidaa tahay maxaa wax isu beddeli la'yihiin?. Waxba yuu hadalku ila gudbine waxaan ku soo gooyey SOOMAALIYEEY MAXAAN U BAAHANNAHAY?.

Dhimbil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NUURO

Unrecorded Date
dhimbil . ramadan wanaagsan ugu horetii iga raali ahawo haddi aan wax ku ire.qoralkagi ugu horeyay aad buuigag naxasaday waana qadan kariwayay.markii aan dib ulaabtay waxaan soo ogaaday inay runtahay qoralkag.marka aad baan oga xumaaday inay sidaa ku dhacdo soomaliya runiin qofwalb oo soomali ah way quseysa waa inlagu daadalo sida dhulkena isu badaali lahaa ilaahey sidii ron ha noo yeelo thank you all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mela

Unrecorded Date
Ciao I'm Melina from Italy, what happened to Somalia is really bad, and I'm very sorry.
Buona foruna a tutti (good luck to all somalis and Somalia).

Good Ramadan.

Melina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdinur

Unrecorded Date
To Mela.

Thank you for your moral support melina.
You obviosly have some knowledge of what happened to our homeland (Somalia). I am glad to tell you that the Somalian people, whether in Somalia or elsewhere are working hard in finding a way to solve the problem and to put Somalia back in its original state and/or better.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dacar

Unrecorded Date
Dib u heshiin?????????
Aad ayaan runtii uga xumahay in waddankeenii noqdo meel SUN lagu shubo. Jaraa'idka uu Dhimbil
sheegay ka sokoow waxaa waqti dhow yimid waddanka
Swedhen madaxweyne ku xigeenka dalka Konfurta Africa su'aalaha la weydiiyeyna waxaa ka mid ahaa:

Maxaad u gadaneysaan hub (dayuuradaha hubeysan)
qaali ah iyadoo ummadiinu inta badan ay u baahan
tahay cunto, guryo iwm. Waxuuna runtii tusaalo u
soo qaatey Somalia, waxuuna yiri Somalia waxey ka
mid tahay waddamada ugu faqiirsan aduunka waxaana
lagu qubaa sun ee ma waxaad ilee-dahay waddan faqiir ah ma u baahna difaac.

Waxaan runtii is weydiiyaa markii maafiyada waddankeena kala xakunta ay heshiiso meeshey ummadda somaliyeed ku noolaan laheyd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aidarus

Unrecorded Date
alla naxdin weynaa warkaa uu inoo soo tebiyry walaalkeena DHINBIL balse waxaan rajeyneynaa in ilaah u gargaaro soomaali dhamaanteed meel ay joogaan ba AAAAAAAAAAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAVEMAN

Unrecorded Date
Somalis back home in somalia ( those who are in rampage with the rest of the poor somalis ) will buy or and sell anything for more power and greed.
Im not surprised Dhimbil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxs in (Public user)

Unrecorded Date
by muxsin

warka dhimbiil waa wax laga naxo,laakiin sidii habar indh la yaan la calaacalin ee wax ha la iska celiyo.inta dhimbiil sheegay waa tijaabo inkalena way soo socotaa alle oo inaga qabta mooyee.waxaan leeyahay sidii ninkii soomaaliyeed u yidhi markuu arkay sagaar oon la galgalan:sagaarooy waaba sidaas oo aan dhaana kuu maqnayn" markaa dhulka soomaliyeed waaba sidaas oo eebe mooyee rag u maqnayn oo ragiisii qaara waxay siisteen sigaar iyo qaad,qaar laba guursaday
kuwo sida kubada daawan iyo kuwo u sacaba tumi iyo kuwo hadal ka soo hadhay sidii habar indho la´
ee aan ka bilowno nafteena oon diinteena barano, kadibna cudurka soomaaliyeed(qabiilka)aan u dabar goyno sidii nebigu s.c.w.u dabargooyay kii keena ka da´waynaa ee carbeed oo dagaaladoodu socon jireen 40-sano.war ma igu raacdeen in aynu dibida wadanka ku durdurin ka qabano wakhti kastaba ha qaadatee? ka soo jawaaba.

by muxsin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhimbil (Public user)

Unrecorded Date
Salaan ka bacdi
Walaal Muxsin
Dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee Afrika la soo godboonaadey markii xornimada la helay waxaa ka mid ahaa program la'aan, waayo ururradii gobannimadoonka badankoodu isma weydiin sida iyo waxa ay dhisi doonaan xornimada kaddib, Sidaa awgeed, in wax la isu sheegaa waxay ka mid tahay hababka dagaalka, waxaanna u maleynayaa inay uguba horreyso. Dagaal looma galo aan dagaallo ee waxaa loo galaa maxaan u dagaaleynaa iyo haddaan guuleysanno maxaa inoo program ah.
Muxsinoow walaal, nin baa waxaa laha sheegay -Rag uun baase qiimeynayoo qoraya taariikhda-, marka ha u qaadannin indha la'aan iyo habarnimo inay naga tahay, balse waa in marka hore soomaali badani dareentaa in wax xumi dheceen, dhacayaan, lana beddeli karo haddaan isu tagno. waa inaan garanna in meesha soomaali badani ku dhimaneyso ay Afar-jeeblayaal tira yari ku dhergayaan, waa inaan garannaa inaan Afar-jeeble qabiil lahayn, balse uu eeganayo hadba meeshii uu shilin ka helayo. Mar uu talyaani ku xirto, maruu maraykan garab istaago, maruu qabiilkuu shalay la dagaalayey la weerar tago, maruu kuu xalay garab taagnaa xabbadda ku foorariyo iyo mar uu amxaaro dabada gashababa, ogow nimankaa qabiilwalba leh ee gurigoodii, dadkoodii iyo diintoodiiba gaday QABIIL MA LEH. Arrintaa daliil waxaa u ah sida ay muddu yar isugu beddelaan dhinacyada dagaallamayaa.
Muxsinoow waxaad tiri aan wax iska celinno, haddaba anigu diyaar baan ahaye xageen ka bilownaa?, xaggeense wax u wadnaa?.

XORNIMADEENNA DUMAR IYO RAG BADAN BAA U SOO DHINTAY, MAANTANA INNAGA AYEY INOO TAAL INAAN WAXAAN KU TARI KARRO DADKEENNA AANNAAN KA GAABSAN, KOLEY QORAAL TAHAYBA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ladane (Public user)

Unrecorded Date
Salaama Calaykum dhamaantiin.

War marka hore saxa afka soomaaliga aad qoraysaan.
Tan kale haddii ay jirto in ay qashin qaateen waxaa mid aan looga haraynin iyaka iyo ciyaalkooda
ogaada ilaah meesha ayuu joogaaye. Haddii ay been tahayna waa been. Marka hadalka waxuun baa kajira.
Waxaan intaa ku darsanayaa nin dhiig muslin galay
wax uu kala jecel yahay majirto

War iyo dhamaantiis ilaah ayaan wehel saaranaynaa
Amiin AMIIN Amiin AMIIN Amiin AMIIN Amiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cayiid (Public user)

Unrecorded Date
MAN, nimayow waxan waa wax laga ducaysto,oo ilaa laba sano ka hor na wax ku soo dahay meel miyiga wax noocaasoo kale ah. xitaa INDIA waxay ku qorantahay oo Container wayn ah oo loo maleeyey inay Radio Activ yihiin ayaa esaguna ku soo dhacay meel cidala ah oo miyiga ah. waa nimayow laakiin wali maka fikirteen " sidee ayeynu wax uga qaban karnaa".. hadaynu united nationka iyo usheegno ka warama. waayo waxani wax la eegto maahee. haydaydoonto SOmaalida oo dhan ayaa CANCER wada qabee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liban (Public user)

Unrecorded Date
Hello my fellow Somalis I'm testing the water on this page

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Calikorso (Public user)

Unrecorded Date
calikorso.
waa war aad iyo aad looganaxo
--------------------------------------------------
warkaa uu sootabiyey dhanbiil.
balse ay ubaahan tahay in lagawadahadlo.
dhamaana lawadcigaliyo shacabka sooomaliyeedm meelkasta ay joogaan .
dal iyo dibadba. by calikorso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To: Dhimbil
Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay warbixinta fiican aad ka bixisay arintaas naxdinta leh. Waxaana u malaynayaa in aad kowdii hore oo aad qoraysay warkaas aad ugu tashay dad in ay u qaadan doonaan xumaan oo aad ula jeedid dad gooni ah aad caynaysid balse uma arko taas, waa wax somali oo dhan ay ka dhaxayso.
Walaalayaal yaana loo qaadan arintaas oo kale in qabiil laga wado, warkaas oo kale qabiil ma galo waa SUN.
Wana Ciyaadu Billaahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sharif (Public user)

Unrecorded Date
Salaamu calaykum walaalayaal. Aad ayaan ugu farxay markaan heley bogan oo aan mudo raadinayey, waayo waxaan ku wareerey meelo dad maan gaab ah ku shirko yihiin. Waxaan dhawaan ka soo laabtay booqasho aan ku tegey wadankii hooyo ee Soomaaliya kadib markii aan ka maqnaa mudo dheer. Runtii waxyaalaha aan ku soo arkay waxaa ka mid ahaa 1- Kama jiro wax la yiraahdo qabiil qabiil ama dagaal u dhexeeya laba qabiil ee waxaa ka socda dano gaar ahaaneed oo ay ku adeeganayaan shaqsiyaad gaar ah. Tusaale ahaan marka kooxi dagaal abaabusho, labo ujeedo ayaa la kala leeyahay. Hogaamiyaha kooxdu wuxuu doonayaa inuu helo dhul uu ku helo magac iyo qayb marka wadahadal la isugu yimaado. Kooxda dagaalamaysana ujeedadu waxa weeye inay meeshaa ka helaan waxay bililiqaystaan.

Arintani waxay dhibaato weyn oo baaba'ah u keentay dalkii Soomaaliyeed iyo dadkii Soomaaliyeed ee danyarta sida dumarka, caruurta iyo waayeelkaba.

Guud ahaan dadku waxay doonayaan nabad balse ma hayaan meeshii loogu hagaagi lahaa. Danastayaasha aan kor ku soo sheegeyna ma doonayaa nabad waayo waxaa lumaya dantooda gaarka ah.

Haddaba yaa u maqan dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
nacnac waa dhamaatay dantii larabayna lagaa gaar,qashin qub ayaad ka hadlaysaan wadan soomali la yiraahdana ma jiri doona oo waxaan nahay gobol Ethiopia ka tirsan (fad ama ha fadin waa lagu fadsiinn).hadaad tashan waydo waa laguu talin.ogolow xukunka tigreeda oo diinta kirstaanka salka ku haya ilaan kii soomaaliyeed diidaya.waxaa xaqiiqa ah inaadan j.somaliya dib danbe u maqlaynin ee isku day inaad sympathy ka diyaariso Tigreeda sidaas oo ay gobolo badan oo soomalia ka tirsani sameeyeen maantana ay hoos yimaadaan xukunka Addisababa,hadii aadan sidaas yeelin inta aysan ciidanka xabashidu kusoo gaarin waxaa ku cunidoona waraabayaal ay xoogaa jaad ah soo siisay kuwaasoo ah kuwii loo adeegsaday qaybqaybinta umada walina arintaas ku hawlan.get ready for last phase of somalian country destruction and unification of somalia whit Ethopia and also eliminating of all roots of muslim religion in horn of Africa and that is the end of the war between muslims and Christians that started almost thousand(1000)year ago and then-------then -----then let them have celebration,and we?!!!!!!!!!aan u gabdhayno una sacabino.ilaan qiimo kale ma lihine.
Boqor Xayle salaase ayaa 1954 tii ka khodbeeyay Qabri-dahare isagoo la hadlaye dad soomali ah oo uu ku tuhunsanaa xornimo doon iyo inay rabaan inay soomalia ku darsamaan 6 sanao ka dib wuxuu ku yiri waa calaacal timo yeelatay in somali dawlad la yiraahdaa dhalato hadii ay dhalatana ma sii waarayso wuxuu intaa ku daray,sidaas waxaa isku af gartay caruurta masiixi oo dhan,waa kuwee caruurta masiixi?hel jawaabta .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhimbil (Public user)

Unrecorded Date
Walaal Anonymous
Horta waad ku mahadsan tahay dhiirre gelintaada, oo nimaan tashan in loo talin waa runtaa, waxaanse anigu arintaa ka iri: Gari Ilaaheed bay taqaan, waxaan arrintaa ula jeedaa; ma aha soomaaliweyn waxa eedda(burburinta dalka) iska leh, balse "axsaabta" qabiilka ku dhisan oo dhan iyo nimanka hoggaaminaya.
Teeda labaad, adigu waxaad ka hadlaysaa Soomaaliya iyo Itoobiya, anse waxaabanba ka jeclaan lahaa in Africa oo dhami isku waddan noqoto, ama ha looga taliyo Addiss ama Kampala, ama Muqdisho, dhibkuse waxaa weeye nin wax haysta ayaa dad wax ku darsada, innana hadda waxba ma haysanno, dagaal aad sheegtay hadduu dhammaadana waaba roob da'ay.
Ugu danbeyntii walaal, nimanka maanta adduunka u taliyaa ma kala jecla muslin iyo masiixi, masiixina maba aha aa waa niman calooshooda u shaqastayaal ah, ninkii ay xoogaa ku tuhmaanna la xiranaya, markay ka bogtaanna bowdka ku tuuraya, waxaana arrintaa caddeyn u ah:
1) Maxaa lagu galey Iiraan, Sucuudigana loo taageerin.
2) Maxaa lagu galaay Ciraaq, Turkigana loo doortay.
Waxay aniga ila tahay inaan u baahannahay midnimo iyo bisayl dadeed, si soomaalidu u tashato, afrikaankuna u tashado, waxa maanta gaajada u dhimanayaana waa afrikaan gaalo iyo muslinba leh, waxa mideeyaana waa AFRKAANNIMO, DAGAAL SOKEEYE IYO GAAJO.
Nooli kulanto
Dhimbil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
by abdiaziz(public users) on monday 27.9.99
to dhinbil
Walaal runtii anigu aad ayaan uga xumaaday warkaagii naxdinta lahaa.hase ahaatee waxaa lagamamaarmaan ah in la ogaadoin uu qof kastoo somaali ah uu dareemo dhibta ka jirta dalkeena,dhibaatooyinka waxaa ka mid ah, qaadka, oola sheegay in wadanka kenya ay gasho lacag gaaraysa $300.000 pr day.itoobiyana(more then that) ingu waxaan arkayaa xalku inuu yahay in qabiilo kasta ay soo qabato tuuga ay dabada ku wadato waayo qoladiisa ay wadata sida uu sheegto markii aad waydiiso waxay kuugu jawaabayaan qolo hebla ayaanu uhaysanaa Ilaahynu madooriyo qolo ilaa ay iyagu is bedelaan
Waad salaaman tihiin sii dooda waxaan gaadhi doonaa hadii Ilaahay idmo xal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somaliman

Unrecorded Date
to
all of you
reerbaadiy reerbaadiye waaxid

Waxaan uleeyahay caqli xumadiina
adoonka lama socotaan
sababtoo ah wali waxaad rumeynsan la dihiin
walaalkiin dhimbil warkiisii
wadamka waxuu leeyahay ciidamo ugaar ah
oo bada waardiyeeya(Marine)
sabata ciidamadaas waxay tahay in ay bada ka wardiyeeyaan in Qashin lagu shubo badooda
in kheyraadka lagurto sida kaluunka
kale hadaba soomaalya maanta ma leh ciidamo
bada waardiyeeya sidaas daraadeed waxaan hubaa oo
hubaa in qashin nuclear lagu shubay laguna shubidoono
waayo adoonkaan waalaga faaiideystaa ninkii seexda
waan abeelkeeda in qashin lagu waayo
ayakaa sabab u ah sababtoo cadowgaagu hadii uu
jaanis kugu helo kumacafinyo ee ogow reerbaadiye
waaxi.mideeda kale arinta waxaa sameeyey oo heshiis la galay talyaaniga rag ka ka mid
warlords somalia mr Ali mahdi iyo rag kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuku man

Unrecorded Date
To: INTA AY SOOMAALININO kUJIRTO

Ugu horeyntii arinta qashinqubka lagu sameeyey soomaaliya, ma aha wax soo bilowday hada ee waa wax bilaawday waqtigii ina siyaad bare soomaaliya uu madaxda ka ahaa hadaba anigoo ogsoon arintaan jaraaidkana kala socda, waxaan mudnaanta koowaad siinayaa baaristooda ninka layiraahdo FRANCESKO FORTE oo hore ugu ahaan jiray wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee talyaaniga oo in ka badan 15 goor soomaaliya booqasho ku yimid gaar ahaan gabolada BARI,MUGUG IYO NUGAAL.sabata uu u yimid iyo waxa dhabta ah ee ka danbeeyey booshadiisa 1980skii iyo saraakiisha FAI fondo auti italiani oo lasheegay in ay maashaariic maqaarsaar ah ay ka wadeen gabolka bari. Mida hada jirta oo ah intii ay soomaaliya burburtay waxaan waydiinaynaa cabdulaahi yusuf,xuseen caydiid,iyo cali mahdi.
marka walaalayaan soomaaliya waa qabrigii qashinkee maad fiirisaan dantiina iyo danta faraciina ogaadana in soomaaliya ay maanta tahay under attack of every direction shisheeya ahaan.


AFEEF: magacyada ann kor ku xusay waa nimanka meelaha qashinka lagu shubay sheegta in ay ku amar kutaagleeyaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Aniga waxay ila tahay inaan wada ognnahay cidda dhulkii soomaaliyeed qaarnna iibsatay, qaarnna u iibsatay inay qashin qub noqoto qaarnna burburiyey; Maxammed Siyaad Barre-se wuu dhisay ee waxba ma burburin tacliin noocay ahaydnna caasimadda ayuu inoogu keenay, nin afrikaan ah oo sidaas yeelay majirin oo isaga waddankiisa la da'ahaa; laakiin waxaa la yaab badan waxa dadka soomaaliyeed u arki waayeen wanaaga uu sameeyey ee tusay xumaanta ay sameeyeen dadkii uu mas'uuliyiinta mooday ee intuu xilka u wada dhiibay iyagu tuugannimada bilaabay ee markuu ka tegeyna itaal yeelan iyo ragannimo yeelanwaayey?!!!
Haddii aad doonayso inaad ogaato inuu odaygu ahaa nin aan Soomaaliya dadkeeda, diintiisa, iyo dalkiisa aanu midnna dembi ka gelin warayso raggii la taliyeyaasha ahaa ee hadda adduunka ku nool siba waddammada carabta, waxay ku dhaarteen inuu ahaa nin waxa dhacay aan shaqo kulahayn dadkiisa iyo diintiisa iyo dalkiisana jeclaa waxaana kuugu daliil ah inaanu fiisaha soomaaliya qof gaal ahi heli jirin, dhul uu iibsado iska daayoo bacaadkii shalaambood ee dhibaatada badnnaa ayuu diiday inuu bixiyo.
Walaalayaal yaan xaqiiqda la iska indh tirin Maxammed Siyaad Barre wuxuu ahaa caaqil dhisay dalkiisii, tacliin, dhaqaale, ciidan, nabad gelyo iyo horummar gaadhsiiyey.
Halla weydiiyo wax magaratada waddankii liqday ee uu ka hortaagnnaa labaatanka sannadood siday wax u wadaan.
Ilaa xilli dambe, salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GURAY

Unrecorded Date
I WOULD LIKE TO ADD TO THIS ;

THEY CAME A TIME WHEN I BROTHER WILL SELL HIS BROTHER, INFACT WE ARE WITNASSING SUCH A TRENTD IN OUR LIVE TIMES, WHEN ARE SO CALLED LEADRS AND TRIBALS LORDS WOULD SELL AS LIKE CATEL TO THE HIGHEST BIDER,ARE WE A GARBIGE CANS THAT CAN BE RENTED OUT, I HAVE HEARDS IN MANY REPORTS IN SOMALIA THAT MUCH OF OUR RICH WILD LIFE IS SLOWLY DISSAPEARING,BECAMING EXTINGT INFACT,ITS NOT ENOUGHT THAT WE HAVE WARS WHO WIBE OUT ENTIRE FAMILIES, WELL IAM SURE ITS NOT MUCH LONGER WHEN THE SPECIES KNOW AS SOMALIS WILL BECAME EXTINGT,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.