site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dawaladda Cusub way kaga dhabaysay

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Jan. 23, 2001): Dawaladda Cusub way kaga dhabaysay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aniga

Wednesday, December 20, 2000 - 05:45 pm
Assalaamu Calaykum,

Walaalayaal kadib markaan mudo 10 sano ah ku noolayn wax haddii laga sheekeeyo dad ban ilmo ka qubanayso ama dad badan muruqo iyo tiiraanyo kusoo celinaysa dad badan ay naceen wadankoodii sababta wixii dhacay dad badanna ay ku dayacan yihiin Aduunka cirifyadiisa.

Walaalayaal waxaan Aduunka ku joogi jirey SHARAF iyo CIZZI waxaa wadan walba oo dunnida ka mid ah inoo joogi jirey SAAFIIRO ilaaliya danada dawladeena iyo xuquuqda qof kasta oo SOOMAALI ah waxaase taa bedelay in maanta Aduunka oo dhan aan ku joogno QAXAATINIMO oo hoos la inoo fiiriyo Dadkeeniina xaaladooda lagama sheekayn karo.

Caruurteenii DIBEDA baa loo dhoofiyey qaar kuwii dhalay dhoofiyeen iyo kuwo lala dhuuntayba, waxaa suqyada Aduunka lagu kala gataa sidii SPARE PARTS oo kale ama qalabka baabuurta oo kale waxa la iibinayaana waa dadkeena xubnohoodii.

Waxaa siyaabo fool xun loo kala gataa gabdheheenii iyo wiilasheeniiba iyagoo loo adeegsanayo QAAB TUMASHO waxaa kaloo loo gataa in la korsado kuwan la korsadaa waa kuwa aad moodo inay ugu nasiib roon yihiin marka loo eego qaybaha loo gatay SPARE PARTS iyo kuwa loo qatay in lala TUNTO runtiise iyaguna aad bay u nasiib daran yihiin oo GAALNIMO bay caaqibadoodu noqonaysaa.

Walaalayaal bal fiiriya Amxaarada iyo Jabhaduhu sida ay isu walaalaysteen iyo inay rabaan in SOMALIA mar kale lasii kala qayb qaybiyo, markii hore waxay ahayd 5 keliya iyadoo waagii horena markaad taariikhda dib u raacdo ay Amxaaro ka danbaysay maantana markii loo ilaaway GOBOLKII SOMALI GALBEED bay waxay iyagoo WARLORDSKA kaashanaya rabaan inay 25 kale inoo qaybiyaan.

Taasi waxay ku tusinaysaa khatarta CADAWGA sokeeye waayo waxay JABHADUHU ka dareen GUMAYSIGII 5ta inoo qaybiyey waadna la wada socotaan in shirki ugu danbeeyey ee ay GAROOWE qaar warlordska ka mid ahi ku yeesheen BAYAANKII ay soo saareen ay ku dhawaaqeen in xalka keliya ee SOOMAALIDU yahay in la kala googooyo.

Walaalayaal waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa la jirka iyo taageerada iyo u ducaynata Dawlada KMG ah, 100 sababood darteed, waxaanse kasoo qaadanayaa intan:

1...waa dawlad Islaamka inay waxku xukunto balan qaaday
2...waa dawlad ay soomaali u dhan tahay
3...waa dawlad masakiinta inay kaalmayso balan qaaday
4...waa dawlad qabiilayse mooyee cid kale aanay kasoo hor jeedin
5...waa dawlad siyaasiyiinta ADUUNKU (dawladaha) wada aqoonsadeen bal taageereen
6...waa dawlad nadaan xornimo ku socota (xoriyada ganacsiga, xoriyada siyaasada ama xisbiyada, xoriyada qoraalka ama saxaafada iwm)
7...waa dawlad dad yaqaanna maamulka ay faraha ku hayaan ama dad kasoo shaqeeyay shaygii dawlad la oran jirey
8...waa dawlad balan qaaday muqadasnimada SOMALIWEYN meesha ay dhamaan Jabhaduhu isku waafeqeen in nin walbi (warlord) waxoogaa reerkiisa ah ku urursado cirif yar oo SOMALIYA ka mid ah
9...waa dawlad balan qaaday inay sharaftii SOOMAALI lahaan jirtay soo celiso,ADUUNKA way ka hir gelisay laakiin gudaha inagaa weli ku jiifna oo aad moodaa in nin walba oo inaga mid ahi uu
mid kale oo JABHAD ah oo reekiisa ah aynu uurka kala jiro
10...waa dawlad si degan oo qunyar socod ah SABUR iyo dulqaad ka muuqdo ama wax ku wada kadib markay naftoodii u hureen iyagoo mid mid loo ugaarsanayo inay ka shaqeeyaan danta iyo isu soo celinta ummadan la kala qoqobay (googooyey),
20...waa dawlad muujisay ilaalinta xuduudaha Soomaaliya wadana sidii shisheeyuhu uga bixi lahaayeen GOBOLO soomaaliyeed oo la haysto oo weliba Soomaali kale taageersan tahay ama ay joogitaankaas shisheeyaha rabaan
30...waa dawlad bilawday in dadku hadal buu isku af gartaaye xayawaankuna cida e la wada hadlo si la siu af garto GUUL waartana loo gaaro.
50..
70...
100...waa dawlad kaga dhabaysay balan qaadkeedii ku aadanaa in nabad wax lagu xaliyo intaan gacan la qaadin taasna dhacdadii sshalay baa markhaanti u noqotay

Warkii shalay

"Sheekada ugu weyn ee magaalada Muqdisho maanta la isla dhex qaadayey ayaa ahayd howlgalka ay sameeyeen shalay ciidammada Dowladda. Dadka badankiis ayaa arrintaasi ka muujiyey niyad xumo, inkasta oo qaar dadka mid ahi ay sheegeen in dowladda la tusay tabarta ay leedahay. Wargeysyada magaalada Muqdisho ka soo baxa qaarkood ayaa iyaguna qoray faallooyin ay ku dhaliilayaan dowladda ku meel gaarka ah.

Mid ka mid ah Wargeysyada ayaa cinwaan uga dhigay dhacdadaasi "ciidammada dowladda oo loo awood sheegtay." Wargeyska ku hadla afka Dowladda ee Dalka ayaa isna qoray in ciidammadii ka socday dhanka Dowladda ay ahaayeen ciidamo sama-doon ah. Waxa uu soo sawiray wargeysku cartoon muujinaya ciidammadii dowladda oo ubax sida, ayna ka hor yimaaddeen maliishiyooyin qamaamaya oo sita hubka cul culus iyo kan fudud"

ka akhri maqaalkii oo dhan halka:

http://www.hiiraan.com/Dec/dec20.htm

Waa dawladii masaakiinta sida in badan uu madaxweynuhu ku celceliyey "Dawladani waxay u dhalatay masaakiinta" taasna wuu kaga dhabeeyey waxaadn akhrisaa haddaad walaal waqti kugu filan hayso maqaalkan anigoo rejaynaya inaad ka heli doonto macluumaad badan oo ku dareensiinaya inaan DAWLAD noocan ahi hore inoogu dhalan:

booqo Boggan
http://ingiriis.somalitalk.com/2000/december/18122000.html

Walaalayaal anigoo hadalkii badiyey waxaa igu qasbay in dad badan leeyihiin maxay talaabo adag uga qaadi wayday DAWLADU jabhadaha khaas ahaan dhacdadii shalay oo dad badani jeclaysteen in dhiig badan la daadiyo taasna waxaan aad ugu taageersanahay mawqifka dawladu qaadatay sababtoo ah walaalayaal waxa ay JABHADUHU wataan waa dhalinyaro yar yar oo la marin habaabiyey kuwa dhimanayaana waa dhalinyaradaas DAWLADUNA waa kuwaas cidda ay rabto inay badbaadiso.
marka yaan dagaal la jeclaysanin waxaan maamulka dawlada khaas ahaan MADAXWEYNAHA ALLE ha garab galee ka codsanayaa inay sidaa wax kusii wadaan NABADANA wax walba ka hor mariyaan XALKA QORIGU waa kii jabhaduhu 10kii sano ee la soo dhaafay ku guul daraysteen, wax ziyaado ah oo aan idin oran karo ma jirto oo idinka dhiman, waxaanse idinku bogaadinayaa sida aad illaa hadda hwsha u wadaan.

Waxaan ugu danbaystii walaalaha Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed XASUUSINAYAA waa bil RAMADAAN oo barakaysan ALLAAHNA inoo balan qaaday inuu DUCADA aqbalo ee aan ummadeena u ducayno si uu dhibka inooga saaro waxaanna Ducadii inoogu bilaabi

Yaa ALLAAHU
Yaa RAXMAANU
Yaa RAXIIMU
Yaa MALIKU
Yaa QUDDUUSU

Ilaahayoow magacyadaad Qurxoon iyo Sifooyinkaaga Sreeya baan kugu barinaye DAWLADAN nooga dhig DAWLAD caadilad ah, walaalayaal haddii taa la helo waxaad ogaataan in ALLAAH barakooyinkii SAMADA iyo kuwii dhulkaba inoo furayo Aamiim Aamiin Aamiin.

Walaalkiin
Adam A Y Xawar
Ibn-Islaam
http://ibn-islaam.homepage.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.