site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GURIGGA HADUUSAN TUUG JOOGIN....

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Jan. 23, 2001): GURIGGA HADUUSAN TUUG JOOGIN....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARTA

Saturday, December 30, 2000 - 09:32 am
this is a very deep thought provoking funny true story...

dadkaan fahmin shekadaan meesha eey ku socoto iyo waxa eey ku saabsan tahay..waan ka xumahay...

SHEEKADII WAA TANAA ....

Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ka soo baxay magaalada dhuuso-mareeb ee bartamaha soomaliya waxeeyna imaadeen xamar.guri cariish ah ayay waxeey ka ijaarteen xaafadda wardhiigleey....
dhaqsaba waxeey heleen shaqo daba kafuulnimo iyo kaarinimo ah..mid ayaa xaajiyo qamsiin daba kafuul ka noqday..kan kalena baabuur afgooye iyo xamar ka dhex shaqeeyo ayuu shaqo ka helay...
guriga eey degan yihiin waxaa u yaal laba derin ooy ku jiiftaan oo kaliya...
banaanka iyo maqaayadaha ayay wax ka cunaan....

maalin ayaa islaan waayeel ah xaajiya qamsiintii uga tagtay jawaan bariis ah..hadaba kii xaajiyada daba ka fuulka ka ahaa ayaa guriga iska dhigay juunigii bariiska ahaa....
habeen labadooda oo darmahooda ku jiifa ayaa gurigii waxaa u soo dhacay tuug...(isna waxu ka yimid isla meesha labadaas nin ka imaadeen )
tuugii waxow qaato oo xado ayuu waayay..waxuu arkay juuni meel yaala..juunigii ayuu is yiri qaado ..aad buu ugu cusladay, ka dibna intuu jaakadii uu watay siibtay ayuu ugu dhaqaaqay juunigii inuu fur furo..si uu dhowr kiilo jaakada ugu shubto....
intii uu tuuga waxaas oo dhan sameeyay midka gaariga afgooye ka shaqeeyo waa soo jeeday oo wuu fiirsanaayay..tuugii markuu dhigay jaakadii oo uu juunigii ku dhaqaqay ...dabakafuulkii afgooye waxuu qaatay jaakadii oo uu go'iisii hoos gashtay hurdadiisiina iska sii watay...tuugii markuu juunigii furay isleeyahayna jaakada ku shubo bariis ayuu jaakadii waayay..meelaha ayuu fiiriyay..dabaka fullkii xaajiyada ayaa dareemay dhaqdhaqaaqa tuuga markaas ayuu saaxiibkiis ku yiri waryaa hebel tuug ayaa guriga ku jira..daba kafuulkii afgooye ayaa yiri war naga jiifo tuug guriga ma joogee..kii kale ayaa ku soo celiyay walaahi guriga macalinka tuug ayaa ku jira...
waryaa naga jiifo guriga tuug ma joogee ayuu kii kale ku yiri..

TUUGII INTUU IS HEYN WAAYAY ...ayuu yiri.." WAR GURIGA HADUUSAN TUUG JOOGIN, AAWAY JAAKADEEYDIII...""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shaheed

Saturday, December 30, 2000 - 09:47 am
funny!!!!! very funny!!!
u cracked me up now...
good!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MO

Saturday, December 30, 2000 - 10:08 am
wow!! U made my day ! but i didn't get it what is the main thing here? am thinking but i cannot come up with anything yet?!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel

Sunday, December 31, 2000 - 10:38 am
Warta Yuug waaxid.
.
.
Waalagu salaami duqa weyn oo Xaajiyada dabada ka fuulo...I mean Dabo-kafuulaha eh...I mean Dabo-koraha eh...I mean dabo-koroowga eh...Duqa waa sii fogaanooyaa raali ahaaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Sunday, December 31, 2000 - 10:38 am
Yuuga, Tuug lee waaye yaa,,,Ha xinaagin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Monday, January 01, 2001 - 03:21 am
What is your point MR. WARTA?

Adeeroow magaca ha iga wasaqayn.

hebel, lol.
Musaaraca dheeloow maa ii keentay sxbow. Mise cambar aa meeha kasoo shiiray?

mOw,
Maalin wanaagsan. Sheekadaas meeshay u socotaba waa mid iga argagixisay oo aan isleeyahay tubta iyo wadiiqada ay ku socoto ayaa in wax laga badala u baahan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiDmAcAaNe

Monday, January 01, 2001 - 06:22 am
Hebel, lol Yuuga, maxaad ugua jeedaa huuuuuuuno!?


Warta-suuqa,

Sanad fiican huuno, waxay sheekadani ila tahay in ninkan qoray laftiisa iyo habarwadaagii ku dhacday, markii jicsinka iyo nooliga Dh/mareeb laga soo siiyey si'ay shaqo krishbooynimo ah Ceel gaabta uga helaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel

Monday, January 01, 2001 - 09:22 am
Waryaa Warta Ma tuugbaa magacii kaa xaday Huuno?
.
Dee huunoyaal sownigii idiin fasiree ilajeedada shaaca ka qaaday maahan?
.

Saad tihiin? Naga daaya waxaba kiiska heyska waalinoo laydin moodin inaad gedho culustihiine.
.
Waryaa Mowliidmacaane ii waran duqa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiDmAcAaNe

Monday, January 01, 2001 - 09:09 pm
Hebel, huuno ma sidii waagii 19 coodh coodhkii baad weli u tahay Canbar-raadis!?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel

Friday, January 05, 2001 - 12:53 pm
Maya imika mid baa ley balan qaadoo usoo shaqeyso leygu soo yidhi.
.
Dee imika shaqo mooyaane, labaan gadhaacaa sidii isbaanishkiyo hablaha Jabuuti.
.
Mowliid meesha Canbarka lysaga balan qaado, Dee dhowr Canbaroo kala jaad ah bee ku hadhee mid makaaga sii balamiyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Friday, January 05, 2001 - 02:00 pm
,,,,Hayaay Culimaa'ul diinkii Halkan bey wardiga gawda ku hayaan....


,,,,Waaryadaheen Waar bal ii warrama aniguna sidii baan hadba qol cidlaah idinka raad goobayay show idinna halkan baad kuwa Xaajiyada Dabada ka fuula, KirishBooy iyo ina Salaad Booy aad ku maadeysaneysaan,,,Waar nimankiinan kade Go'anaheyne maad Dhuusamareeb farahiinan dhaadheer ka qaadaaniin....


,,,,Hebel Cambar Konturaad(Lease) eh oo all u can eat ah heshay aa la yiri,,Gadaalbo haddii soo damootid ii Iskabulo ooman...Gambar gaaban aan kuugu fadhinaa,,,Meeqa Bil aa kuu dhimman kuturaadaan,,..


,,,,Warta Suuqa Magacaa ay macbileesteen bacdigeed dhuusamareeb ii Wardhiigleeybo loogu gafi as kaa ergado aaba kuu fiicneed....


,,,Mowliid Macaane adi ii cambar aragti lee dheh wallaahi sii shiir xabashoow ii Mindhicir Jiririqoow ahaan lagaa uumihaa..


,,,,Hebel All u can eat ka na soo firi hee haddii kale waa kugu urjihena!!!!


,,,,Xmardaye us fadiisha maas noo gaabiyi ayaantaaneey maba arkooyi us oo soo baaramaayee,,n

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.