site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wixii dhiig lehoow kaca!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Jan. 23, 2001): Wixii dhiig lehoow kaca!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Thursday, January 04, 2001 - 02:07 pm
Assalaamu Calaykum;

Walaal ila akhri

Muqdisho, (Apress)-
Waxaa jira warar isa soo taraya oo ku saabsan in ciidamo xoojin ah oo ka socda dalka Itoobiya ay ka soo gudbeen xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo damacsan inay weeraraan goobo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Ciidammada Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa inay la socdaan saraakiil Soomaaliyeed iyo weliba ciidamo ay saraakiishaasi soo ururiyeen, kuwaasoo dhammaantood doonaya in qalalaase cusub ka abuuraan gobollada Gedo, Jubada Hoose iyo gobolka Bay.
Warbixinnada illaa hadda soo if baxay waxay sheegayaan in ciidammadaasi ay doonayaan in marka ugu horreysa ay xoogga saaraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo, waxaana la caddeeyey in ciidammadaas oo isku dhafan uu hoggaaminayo Jen. Moorgan iyadoo maalmihii aan soo dhaafnay saraakiil gobolkaas u dhashay oo Muqdisho ku sugan ay cambaareeyeen falkaa uu Moorgan ku damacsan yahay inuu mar kale dagaal kaga huriyo gobolka Jubada Hoose.
Qaar kale oo ka mid ah ciidammadaas ayaa wararku sheegayaan in loo qoondeeyey inay soo aadaan dhinaca waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo inay carqaladeeyaan garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.
Sahay aad u ballaaran oo shiidaal iyo rasaas isugu jirta ayaa dowladda Itoobiya soo gaarsiisay goobaha ay iminkaba ka deggan tahay dalka Soomaaliya, iyadoo sahaydaas loogu tala galay weerarrada la qorsheynayo in dhowaantan la qaado.
Walaac isa soo taraya ayaa jira oo ku aaddan dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidammada Itoobiya ee ku wajahan guud ahaan dalka Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda ku meel gaarka ah ee dhowaan curatay, warar ku dhow dhow dowladda ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inay dowladda Itoobiya ay xiriir toos ah iyo mid aan toos ahaynba ay la sameeyeen balse dhaqdhaqaaqyada jira ay muujinayaan inaysan tixgelin heshiisyadii ay wada gaareen.
Goobo ka mid ah Waqooyi Galbeed ayaa wararku sheegayaan inay soo fariisteen ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu sheegay inay ilaalinayaan hantida Itoobiya uga soo degaysa dekedda Berbera.
Si kastaba ha ahaatee xaaladahan muuqda ayaa muujinaya inay dowladda Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn xasilooni ka hirgasha dalka Soomaaliya oo maanta runtii ku taagan xilli ay dib uga soo kabanayaan dhibaatooyinkii tobonka sano horey ay ugu jireen, isla markaana ay baadigoobayaan sidii ay xiriir deris wanaag ah ula sameysan lahaa dowladaha deriska ah, iyadoo dowladda Itoobiya ay dhinaceeda ay waddo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay ka aruuriyeen qaar ka mid ah gobollada dalka ay tababar milateri ku soo siiyaan dhulkeeda iyagoo ku tala galaya in fadqalalo ay kaga abuuraan gudaha dalka Soomaaliya.
Arrintu waxay maraysaa wixii dhiig lahow kaca, waxayna dowladda Itoobiya ay diiddan tahay inay marnaba hirgalaan nidaamka lagu soo dhudbay dalka Jabuuti, iyadoo doonaysay isuna arkeysay in danaha dadka Soomaaliyeed lagala tashado iyaga, weligeedba Soomaalidu ciddii ku soo gardarroota guul kama qaadin, inkastoo tobonkii sano ee aan soo dhaafnay kala qaybsanaan dhanka Soomaalida ah ay jirtay oo ahayd midda sababtay inay Itoobiya ay xorriyad u hesho in goobo badan oo dalka Itoobiya ay si xor ah waxay doonto uga sameyso.
Fursadda Soomaalidu iminka haysato ee ah helitaanka nidaamkaan cusub ee dowladda ku meel gaarka ah waxaad mooddaa inuu yahay fursad la oran karo waa kama dambays waayo adduunweynuhu wuu ka daalay xal u helidda arrimaha Soomaaliyeed, mar haddii maanta nidaamkaan oo ay dowladda Jabuuti naf iyo maalba u hurtay la soo celiyey waxaa loo baahan yahay fara adayg, ilaalin, naf hurid iyo weliba in laga qayb qaato sidii dardar loo gelin lahaa mira dhalinta nidaamkan cusub ee ummadda u soo hoyday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, January 04, 2001 - 02:22 pm
Ar go an ahayne Amxaarada ha la laayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Friday, January 05, 2001 - 08:09 am
,,,Halyeey Malabsanayoo ku soo fool leh kolkay aragtey ku waalataa General Morgan iyo Shaati Guduud,,,Waa kuwaa hayaay,,iyo halaan jirin iyo Amxaaraa soo socota,,Naw oo haddana gaw...


Wadnahaagu nugulaa
Waa wareeydu waa maxay

Huuno Kalya adeeg ee Tacshiiraddaa kugu soo foolka ahi haw deymo la'aan weyagii haddanna wey yagii wallaadan hurdo gama' ladeen intaad xaq nin leeyahayi yabooxso is ledahay,,Fitig fitig walle futo xumme adiyo Dabqoodhigii la idin hayaa!!! Dhaaxaad malabsateen hanti ruux kale leeyahay,, ha kaa saarto waa amxaar iyo habar wacasho...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 05, 2001 - 12:01 pm
neefoow
isma laheen afsoomaali intaa le'eg aa taqaanaa
ma buugaa ka soo qortay mise waa laguu soo guuriyey
saa rabto uqaado tan danbe.
dhulkaa qofkii wax ka galey koley akhiro iyo adduun baa la xisaabin (kollaa amxaaro lagu soo salladaa).
laakiin dhiig muslin oo daadanaya haku digan abo
ka baxay
cabdiwaliqadar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel

Friday, January 05, 2001 - 12:16 pm
Waryaadhaheen waryaa muslim ah?
/
/
Waryaahee war Itoobiya fool xumadiiniyo, qaraxa aad weliba qaxar ku darsateen dooni meysoo iyadaaba teeda uliidatee cagaha dhulka taabsii oo baqbaqda daa, fule yahow dhuusada weyn.
.
.
Intaadan Itoobiya "Alla Hayaay" ka odhan Mooryaantan dadka baabi'isay "Alla Hayaay" maad ka tidhaahdid, iyada gaalo idiinku sokeysee? Dil iyo dhac, dil iyo dhac kale dhaama ma jiro.
.
QUSHI! Illaahow intey Itoobiya na qabsato mey weliba dumarkoodana nagu mer-meheriso aan la xididnabo eh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiDNoQdAy

Friday, January 05, 2001 - 07:33 pm
Hebel & Neefow oo waxaan idin weydiiyey?
Bujiyihii iyo khamiirkii ma mooryaan ba uga timaadeen ilaa abadda, anigu maya waxaan hada idinkala chatgaraynayaa Bakaaraha, ee bilaa calayk iska soo noqda belo ma jidheeeeeeee...???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Saturday, January 06, 2001 - 04:15 pm
,,,,,Deeroow Widaayoow
,,,,,Deeroow Widaayoow
,,,,,Deeroow widaayoow
,,,,,wey is galan deereey
,,,,,Dadkii barkaasaa iin
,,,,,Adiina ki dorsantee
,,,,,Dhashiikaa li afuufeey
,,,,,Deeroow widaayoow
,,,,,Deerooow Widaayoow
,,,,,Weeraroow dooyoow waniini


Cabdalla Deeroow,,, Cabdalla maxaa ku waalay,, Maxa dadkaaga kugu diray,, maxaa dalkaaga kugu diray!!!!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.