site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QARAN IYO QAWMIYAD SOOMAALYEED

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): QARAN IYO QAWMIYAD SOOMAALYEED
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Dadka Soomaaliyeed oo sidii tusbax kala go'ay midba meel afarta gees adduunka tagay in badanna silac iyo saxiir adduun dalka gudihiisa ku joogaan sidee bay ku soo ceshan karaan sharaftii Qaranka burburay iyo wanaagga Qawmiyaddooda?

Gobalaysi? Qabyaalad?

Haddii lagu buskoonayo waxna ku hagaagayaan maxaa lagu diidi!

Bal ila fiiri adoo og in rayigaygu yahay mid aniga igu kooban oo khalad iyo sax toona uusan ahayn.

In la suurta geliyo in tuulo kasta, magaalo walba, degmo kasta iyo gobal kalsta iskii isu maamulo oo danta dadka ku nool u adeego yeeshana xeer iyaga u gooni ah.

Ka dibna ay isu tagaan gobalada isku deegaan dhaw ama is-ogol. Puntiland, Somaliland, Hiranland, Banadirland, Jubaland iyo InterRiverland.

Puntiland waxay ku salaysan tahay reer.
Somaliland waxay ku salaysan dhulkii Ingriisku gumaysan jiray.
Banadirland, gobalada Shabeelada Dhexe iyo Banadir (Xamar.
Hiranland: gobalada Hiran, Galguduud iyo Mudugta hoose inta ka hartay Puntiland.
InterRiverland: Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.
Jubaland: Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Gobalada isu tagay waxay dhexdooda ka soo dooran doonaan gole u masala qaranka.

Qaranku wuxuu yeelan doonaa Baarlamaan ka kooban labo aqal:
Aqalka 1aad: Degmooyinka dalka ayaa midiiba waxay u soo dirsan doontaa labo xubnood.
Aqalka 2aad: Gobalad dalka ayaa kiiba 3 xubnood ku yeelan doonaa.

Waa sii kordhin doonaa ee maxay kula tahay adiga?

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Si taas loo gaaro degmo walba waxay xor u tahay maamulkeeda oo laga soo doorto tuulooyinka iyo magaalooyinka degmada.

Degmooyinka Gobalka ayaa iyana si siman ama sida ay ku heshiiyaan ergooyin masashada degmadooda ugu soo dirsan doonaan gobalka.

Gobalku wuxuu yeelan doonaa baarlamaan isaga u gooni ah oo dhexdiisa ka doorta Golaha Fulinta ama Maamulka Gobolka oo Guddoomiyaha Gobalku Madax u yahay.

Gobalada is ogolaaday in ay isu tagaan sida Puntiland ama Somaliland ama -land kale waxay yeelan doonaan gole baarlamaan oo si siman ama sida ay ku heshiiyaan gobal walba wafdi masala ugu soo dirsan doono.

Gobalada isu tagay waxay tiro is le'eg u soo dirsan doonaan Golaha Dhexe ee Maamulka Qaranka oo aan ahayn Baarlamaanka Qaranka kor ku qoran.

Golaha Dhexe ee Maamulka Qaranka wuxuu yeelan doonaa HOGGAAN wareegto ama kaltan ah oo lixda gobal midkiiba uu hayn muddo la isku raacay sida lix bilood, sano, labo sano iwm.

Maxay Kula Tahay Adiga?

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Tusaale:

Haddii Gobal leeyahay shan degmo.
Degmada 1aad haddii ay isku raacdo in maamulka degmo ka koobnaado toddobo qof.
Degmada 2aad isku raacdo 21 qof. Kuwa kalena yeeshaan tiro kale Dawladda Dhexe ama tan Gobalku xaq uma leh ay ku buriyaan waxa ay goosteen degmooyinku in ay isku xukumaan.

Maxay kula tahay?

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Jagooyinka iyo tirada dadka buuxin doona

Dalka Soomaaliyeed wuxuu ka kooban yahay 16 Gobol iyo 84 Degmo.

Maamulka Degmooyinka=84 degmo/21 xubnood=
1764 qof
Maamulka Gobalada=16 Gobol/84 degmo/3xubnood= 4032 qof
Maamulka Isu-tagga gobalada= 6 rukun/16 gobal/15 xubnood = 1440 qof
Aqalka 1aad ee Baarlamaanka Qaranka= 84 degmo/ 2xubnood = 168 qof
Aqalka 2aad ee Baarlamaanka Qaranka= 16 gobal/ 3xubnood = 48 qof
Maamulka Dhexe ee Qaranka = 6 rukun gobal/5 qof= 30 qof.

Tirada jagooyinka = 7,482 jago.

Ogow tiradaas kuma jiraan ciidamada qalabka sida, xubnaha fulinta iyo agaasinka, macalimiinta iyo shaqaalaha dawladda ee kala duwan.

Maxay kula tahay adiga?

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qamar (Public user)

Unrecorded Date
Asalaama calaykum

waan ku salaamay Walaalkiin salaan ka dib Allow yaa qof walba maskaxdiisa iyo rayigiisa si daacad ah u tixgaliya dabeedna wixii ka soo baxa wax ku qabsada.

Waxaan kala jeedaa waxaan aad iyo aad ugu bogay figradahaaga waayo waxaan qoraalkaaga ka dhadhansaday waxyaabo jid wanaagsan noo furaya ilana tahay qof walba oo akhriyaa in uu fahmi karo kana qaadan karo tusaale.
waxaan kaaga tagayaa sidaa iyo nabad galyo amaana Allah iyo amaano rasuul.

Asalaama calaykum waraxmatullaah wabarakaatuhu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Are you kidding?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dalmar (Public user)

Unrecorded Date
cool is it a dream or what

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban (Public user)

Unrecorded Date
Dalmar,
What is a dream? A dream is something your sub- concious wants. Depending on how badly you want, you can realize the dream with effort and commitment.
Just think of the guy who invented electricity, people used to think his ideas were nonsense. Just look at any great invention, and please rememeber that they all started as a dream.

Walaalkiin has a dream, and he has shown a keen interest and a willinginess to embark on a journey to realize that dream.
I think that is admirable.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Suban walaal waa runtaa. Anonymous walaal waa iga dhab. Dalmar waa riyo ama waa barnaamij hadba kaad u qaadato.

Dhammaan maxay idin la tahay barnaamijka aa kor ku qoray?

Maxaad ku dari lahayd ama ka reebi lahayd? Maxaadse u aragtaa in uu sixid u baahan yahay?

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.