site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAA MAXAY MUSTAQBALKA DALKA SOMALIA IYO DADKIISA

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): WAA MAXAY MUSTAQBALKA DALKA SOMALIA IYO DADKIISA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibrahim jay jay (Public user)

Unrecorded Date
Anigoo ah wiil somaliyeed,23jir ah,joogaa dalka Mareykanka. Waxaan halkaan ka dhiiban lahaa fikrad
ku saabsan sida aan u arko mustaqbalka dalka iyo dadka Somalia. Waana runtii arin loo baahan yahay in aad ogaatid markastaa xaalada aad ku jirtid meelkastoo aad joogtid. Waxaan u arkaa in ay maanta somalia u baahantahay arimaha soo socda:
(a)In dhalinyarta joogta dibadaha ay waxbartaan si
ay u noqdaan bari dadka u adeega umada soomaaliyed
(b)In aan lagu tashan dadka da'da ah ee doonaya ay
cunaan dhalinyarada,dhiigoodana ka miirtaan, mustaqbalkana kaga cayaaraan, hadhowna raba inuu noqdo madaxwayne.
(c)Isku day guud iyo mid gaar ahaaneed ayaa lagu gaari karaa Hormar,Cadaalad,Waxbarasho,Barwaqo iyo
Nolol nabad ku salaysan
(d)Diinta ku dhaqankeeda ayay aas-aas u tahay mar hadii ladoonayo in ay somaliya noqota meel nabad iyo nolol leh
(e)Marka aad fiirisid waxa somaliya ka dhacay, adigoo caqligaaga ku tijaabinaya fikrad kastoo suurta gal ah,maxaad umalayneysaa in ay xal waara
u noqonkarto?. Jawaabta waa adiga oo waxbarta, caawiyana dadka aad wax dheertahay
Walaalayaal ogaada in aan nahay dalka iyo dadka furayaashiisii Mustaqbalka marka ay jirto dadaal dheeraad ah oo lagu badinayo xaga waxbarashada iyo wada shaqeen daacad ah sida adigoo u shaqaynaya company business ah lacagna kuqaata ugu
hargarbax dadka wallaalahaaga ah ee ku nool meel ay aduun waynaha ka quusteen, balse anaga iyo ay wadankeenii Hooyo ay tahay. Waxkastaba ha'ahaatee
Dhalinyaroy! kafiirsada meeshii aan bari ku baashaali laheen anaga iyo qoysaskeena.
Freedom is where you can place yourself in any position and stage of life peacefuly.

Ibrahim Abdulkadir
student, Northeastern University
Majoring in Web Design & Intranet Developer
Boston, Mass

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukhtar

Unrecorded Date
To: Ibraahim,
waxaan shaki kataagnnayn in arrimahaad soo sheegtay yihiin kuwo lagu taami karo uuna runtii yaryahay nin da'daada ah oo maskaxdiisa ka keeni karaa!
Muddo aad ubadan ayaa dadka indheer garatada ah iyo aqoonyahanka soomaaliyeed dhibaatooyin usoo mareen siday ubadbaadin lahaayeen nafafyaalka dadkooda iyagoo illaawey naftoodii oo mudnnaanta siinaya midda dadka kale. Tusaale haddii aan kusiiyo, waxaa jiray rag udhintay ladagaallankii gumasigii 1889 wixii kaddambeeyey lagusoo qaay Africa iyo meelihii jilicsanaa e adduunka qowmiyadihiisa kale.
Waxaan caad saarrayn in ummadda soomaaliyeed halyeyo kadhashay dagaal ragannimo caqlli iyo maskaxba leh wata kala hortageen gumeysigaas ilaa kuwo badan lagu qasbay inay waddammo kale oo isticmaarku haystay laga dagaal geliyo.Waxaa kaloo larrumaysanyahay in rag sirdoonkii xornnimo raadinta soomaaliyeed waraaqihii ay ku qornaayeen isagoo heli lahaa gumeysigu ay rag soomaaliyeed liqeen intay calaashteen keddibnna ay qaaxo ku noqotay raggii sidaas ahaa ee udhintay waddan ka iyo kuwa xilkaas iyo mid kaculus qabtay ayaa maanta iyagoo qoomammo la ildarran hadal aanu kasoo baxayn ay qurbe dewersi ummad shisheeye ugu dulnoolyihiin!!!
Haddaba, dhibaatada loo soo maray qarankii soomaaliyeed ee la rogay ma aha mid si sahlan ku timid, balse waxay cuntay dhiig dad aad ufaro badan oo dumar iyo ragba lahaa, maal, iyo wakhti badan. Arrintaasi iyadoo jirta oo ay qayb kamidi xorowday soomaaliya qayb badanina cadow gacanta ugu jirto ayaa nimankan hadda hungurigu waalay baa bi'iyeen ummaddii iyo waddankii iyagoo khiyaameeyey dadkii ka caqlliga liitay, ee aan horay u arag waxa horummar ummadi kufaantaa uu yahay; tacliin,dhaqaale iyo arrimo caafimaad aan garanayb, taas oo sababtay in dhibaatooyin dhashaan kaweyn wax shakhsi qudhi keenay si yarnna aan lagu tirtiri karayn!
Iyadoo intaasi tahay arrintayda hordhaceeda ayaan haddana anigoo ka shidaal qaadanaya arrimahan ayaan cabbirayaa waxa aan caloosha igubanaysa ku hayo qaar ka mida ah anigoon ciddnna ceebaynayn lakiin su'aalo dhiibanaya su aalahasina waxay ku salaysanyihiin aragti dhab ah oo quf waliba fahmi karo.
Waxaa la rumayssnyahay in tacliintu bedesho qofka maskaxdiisa, balse aanay bedelin qofka jidhkiisa maxaayeelay qofku jidhkiisu wuxuu ka koobanyahay saddex waxyaalood:maskax, dhiig iyo jiidh guud ahaan. Saddexdaas waxyaalood mid waliba nafaqo gaara ayuu ubbaahanyahay.Haddaba, haddii aan ku hakanno maskaxda waxaan nidhi waxay u baahantahay tacliin tacliintaasi waxay bedeli kartaa qofka mowqifkiisa aragti ahaaneed oo abuuri karta isbedel wax dhal leh( atittude is a little thing but makes a big difference!)
Haddaba dadka soomaaliyeed dad tacliinta qiimaheeda yaqaan mayihiin mise waa dad marba meel u guura oo maangaab ah oo marba meesha yare dhaqaale roon u guura keddib markay lumiyeen waddankii qaaliga ahaa?
Arrintaas iyo kuwo badan oo cilmibaadhis cabiraadeed lagu sameeyey ayaa waxay tusayaan inaanay soomaalidu noqon karin dad qaran ah oo meel degi kara isnna hogaamin kara.
From:Mukhtar Aden Guled
West Valley College
14000 Fruitvale Avenue
Saratoga,CA 95070-5698
United States Of America
Double Major: computer Engineering;
Business Administration.
Transfer to: San Jose State University.
Age: 29 yrs old
Marital Status:married.
Occupation: salesman.
Country Of Origin: Beloved Somalia.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.