site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HADDAAN BOOYOON BAROORTO!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Feb. 16, 2001): HADDAAN BOOYOON BAROORTO!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALBI

Monday, January 29, 2001 - 12:12 pm
HADDAAN BOOYOON BAROORTO
BOQORKA HADDAN U YEERTO
BISINKA BARAKADIISA IYO HADDAAN
BURDAHA AKHRIYO
BOOGTA IGU TAAL
BEERKAN I GABANAYA
BULSHADAAN KA DHASHAY IYO
HALKII BEESHU TIIL
BALAAL ARAGTOO MARADA U BABISAY
EE
HADDAAN BOOYOON BAROORTO
EEEEEBOOOOW HADDUU BAAQAYGU NOQDO
BAL MAXAAN BI'IYAY?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

~Kusseey~

Tuesday, January 30, 2001 - 05:32 am
Hadaan Bogsadoo Kareestay..Sidaan ooga booday caashaqa..hadaan jeceelba u boyayoo...Hadaan Nin danbe u Baroortoo...Hadaan baxsanoo iraahdo..Aniga balaayaba ha iga raacdo!!!!!!

Qalbi
adiga aayaad heestaan u heestay ..aniga waa iga hees un .ee Adiga waxakan ma kaa dhabaaa!!Bisinka cawku uur gubasho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ha booyin

Tuesday, January 30, 2001 - 05:50 am
Ar boowe ha booyin
Ar baayo ha barooran
Balo ma jidho
Haday jirtana ma buurna
Boqorkeena Amarkiisa
Bil baa dhalan
Bil Kahyr baa bilan
Bisinka u qabo
Burdahana u akhri
Shuushkaa bixi
Barakadaa soo di'i
Boqorkeena Idinkiisa
Balooy bax

Ar boowe ha booyin
Ar baayo ha barooran
Boqorkeena Deeqdiisa
Boogta kugu taal
Baraarkaan u loogi
Baruur baan kugu baanan
Barax baan kuu qaboojin
Baraf baan ku ag dhigi
Beer baan kuu shiili
Bisinka u qaboo
Burdaha u akhri
Boqorkeena Idinkiisa
Waad buskoon

Haddaase booydood baroorato
Haddaad Boqorka u yeerato
Haddii Baaqaagu Eeeebow yahay
Bilaneey abaayo
Barkhadoow aboowe
Billaahiye
Waxba maadan bi'in

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guuleed

Wednesday, January 31, 2001 - 03:02 am
Waa wareey waar meesha maxaa qalbi xanuun ka buuxa, anigaa ba iga booyiseen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ha ooyin

Wednesday, January 31, 2001 - 04:51 am
Huuwa yaa Huuwa
Huuwa yaa Huuwa
Huuwo ma diidow Huuwa
Habartaa ma joogto
Kabax kabax aaday
Kabaheedii qaadatay
Kor iyo koonfur aaday
Geel jira helyaa mooyee
Geedkii habaas dheere
Ku haboodayaa mooyi

Huuwa yaa Huuwa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saciido

Wednesday, January 31, 2001 - 05:20 am
huuwa yaa huuwa
huuwa ma diido
habartaa ma joogto
kor iyo koonfur aaday
kabax kabax u socotay
kabeheedi qaadatay
geel jire helyaa mooyi
geed seexataa mooyi
geedkii habas dheere
ku habowdayyaa mooyi

Ha booyinee hooyo naga seexo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 31, 2001 - 07:53 am
Very funny..................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUMMERTIME

Wednesday, January 31, 2001 - 08:49 am
I HAVE TO ADMIT THIS IS VERY FUNNY!!!!!!

I AM ABOUT TO.... NO


LATER

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alla Beerka

Wednesday, January 31, 2001 - 09:15 am
Baarqabkii hooyadaa dhashay
Bilanow aabahaa
Barbaartii bulshadiina
Baahalow awoowgaa
Hadday oday biiq noqdeen
Oo ban cad kaaga baqdeen
Oo boogta kugu taal iyo
Beer bararkaaga
Bi'i waa oran waayeen
Iska booy oo barooro
Eeebow Boqorka u boorayso
Oo Burdaha iyo akhri
Boqol Ikhlaas
Bisinka Bisinka
Ku bilaw barakadiisa
Bi'i waaye boqol soon
Ha booyin boorka iska jaf
Bi'i waaye bogga xiro
Ha barooran sidii bukaan
Bi'i waaye buurta xambaar
Aniguna baroortaadaan
Bisinkoooooooow Boqorka ugu baaqay
Bi'i waaye.............Alla beerka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baarqab

Wednesday, January 31, 2001 - 11:00 am
hooy ninka baroortayoow
hooy inanta booydayeey
bal halkee boogtu kaaga taal
ma beerkaa lagaa hayaa
mise boggaa ku buka
bulshadaad sheegise
sootan buubtay
oo shimbiraha baacsan ma ahan
sootan buuraha xambaartoo
bad weynta jibaaxday ma ahan
sootan boqonta is gooyn
oo haddana buunka sidata ma ahan
bas
bas
bas dheh
balo lama saadshee
bas
bas
bas dheh
oo burdaha akhri
bisinka u qaboo
boqolka soon
bas
bas
bas dheh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 31, 2001 - 12:47 pm
LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL@
I love this...much better,really funny! loool

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.