site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bidaar Daawo ma Leedahay??

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Bidaar Daawo ma Leedahay??
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed (Public user)

Unrecorded Date
Sida tirakoobka Ingiriiska sheegayo, 30% raga da'dooda u dhexeyso 18-30 ayaa waxay leeyihiin Bidaar. Siyaabo kale duwan ayay ku timaadaa Bidaartu, hasayeeshee Soomaalidu waxay aaminsantahay inay da' kaliya ay keento. Waxaa la ii sheegay in dhalinyaro badan oo ku nool Canada iyo UK ay lahaan jireen bidaar laakiin haatan ay tintoodii dib ugu soo baxday. Aniga qof ahaan arintaa waa rumeysan kari waayay wayna ila adkaatay. Akhyaaray suurto gal ma tahay ruux bidaar lahaa inay tintiisa dib ugu soo baxdo?? mana aragtay ruux tinta dib loogu beeray?? Daawo noocee ah ayuuna isticmaalay???

Fadlan hadii wax macluumaad ah aad ka heysid ila soo socodsii waxaan doonayaa inaan reseach(baaritaan cilmiyeed) ka sameeyo. Waad ku mahadsantihiin waqtigiina qaaliga ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sijui (Public user)

Unrecorded Date
Ahmed, go to infoseek and search under baldness, the first few results entail some scientific findings and other information that you might find useful.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miskiin (Public user)

Unrecorded Date
To:axmed

waxan kuleyahay dhibatan rag badan bay haysataa markaa wax waydisaa axoow isagaa ku shegaya.


salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel (Public user)

Unrecorded Date
axmed saliid iyo muufo marduuf khaad ah lagu walaaqay oo islaan gadh leh oo naasku dhagaxoobay labo goor alamtara ku akhrisay soo qaado dabka saar 18 saacadood marka uu karo qaado gabowday soo qaado sadex qaado oo sonkor ah garka u geli kadibna ku kaadi oo kadibna madaxa marso.
haddii eey kuu shaqeyn weyso taasi waxaad sameeysaa waxaad tagtaa dukaankan la yiraahdo CARPETS "R" US waxaad soo gadataa kaarbet madoow oo 2x3" ah waxaad marisaa bahal la yiraahdo CARZY GLUE kadibna madaxa saaro. anigaa kuu sheegay la garanaayo inoo kaarbet yahay.
hadii aay waxaas oo dhan kuu shqeeyn waayaan waxaad qabtaa cudur aad dhulka ugu yar oo la yidhaahdo ho2+co2=hdo2 oo wuxuu ku dhacaa caruurta edebta loo diiday ee islaamuhu habaaraan.
hebel.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciiryaamo (Public user)

Unrecorded Date
To Ahmed.

Reer magaal waaxid !...maxaad tiri re-seach ayaan
ku samaynayaa, macalinka maad iska tiraahdid bidaar ayaa igashay,oo daawadeeda hala ii sheego!.

Saaxiib intaa kaftanka kadib, ma aqaan qof bidaar gashay oo misna timihi dib ugu so laabtaan, laakiin waxaan arkay nin bidaay weyn lahaa oo hada timo ku kabtay madaxii lagamana yaaqaan timihiisa, walaahi weey dhacday arintaa. Laakiin lagac badan ayaa uga baxday.

Ciiryaamo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciiryaamo (Public user)

Unrecorded Date
To. Hebel


...Dhoore meel walba nac-nac aad la joogtaa haye.
Waraa marax markaad hadlayso naf is gali oo sidii nin rag ah uhadal.

Baaaaaaaaaac waaxid !

Ciiryaamo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jubayr (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

To axmad walaal sikastaba ha u dadaaleen dadka ku mashquulsan inay bidaar daaweeyaan laakiin natuiijo wanaagsan kama soo gaarin haba yaraatee,waayo waxaan daawaday daawo la xayaysiinaayo oo lamarinaayo madaxa oo laga waraysanaayo dadkii marsaday waxay isku waa faqeen inaanay waxba tarin.

Marka guuguulayohow hadaad guga u ooyayso hadaad mooday keligaa inuu gubayi jiilaalku dadkuba waa kula qabaa dunida joogaaye sabur sed ka dhigo timahana wada xiir asbuuciiba mar

intaas ayaan talo kuu hayaa

wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel (Public user)

Unrecorded Date
adna Kiiti aa tahay ciiryaamo oo loo buraasho
hebel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhanbaal (Public user)

Unrecorded Date
To:hebal

baac yohow mesha ka bax edab malugu soo barine dabal waxid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khadra (Public user)

Unrecorded Date
War nimanyahow bidaarta dhibaato malaha. Actually it gives a guy an air of distinguished look. So relax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel (Public user)

Unrecorded Date
Dhanbaal dhaandhaan aa tahay adna oo boolo eh.
khadra you mean it is a self carried AC?
hebel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SomeGirl (Public user)

Unrecorded Date
To: Khadra

Ha i dhihine? OO hada ma waxad na lee dahay bidaarta waanka helaa? Adaa cirka roob ku og.

To: Ahmed
About bidaarta, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa
GAROONKA KA XAADHAN GUUDKAAGIYO, GU'GAA GUBA WUU KUSOO RIDI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khadra (Public user)

Unrecorded Date
Somegirl, xogga nimanka niyaada ayaa loo dhiisayaa, ee ka qalee noo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liqaye (Public user)

Unrecorded Date
To:hebel

waraa badoow qaldaan mesha ka bax ,cusbital banadir lee ka taqan xamar ciyaal dujuma aa ahayd kuwii abartii 77 ka soo qaxay waqoyi habrtaa was.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel (Public user)

Unrecorded Date
Liqaaye Gus Liq adigana
hebel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WHO

Unrecorded Date
AR BIDAAR LOVE IGA DHEH..MAGOO ISKA XIIR.XIIRKEEY KU ROON TAHAYEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

iman

Unrecorded Date
to hebal

that was funny waaba ka helay macsarada iyo kaadida that was funny thank you,
and hadhagaysan somalidan is ka dhigaya waxkale waa dhoorayaal aan wax qosal ladhaho aqoon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fitz

Unrecorded Date
TO HEBEL
saxib aad ayaad khtar u tahay xagee baad ka soo baratay cilmigaan hadaba hebel adiga ayaa khatar ahe bal anigana wax ii sheeg war nin yahow xaas ayaan lee yahay
hadaba waxaa dhacday in ay habeenkii isku
kaadiso sidii caruurtii markaan u geeyay dhakhtarkii waxaan la yiri wax dhibaato ah oo ay qabto lama yaqaan marka maxaad u maleyneysaa fitz

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

VIP1601

Unrecorded Date
Cubeedkaa yaree haddeey naagtaa chinise tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baso diir

Unrecorded Date
Haa wey leedahay...is xiir!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Fitz saaxiib gabadha sii kaajisii intey seexan ama biyaha bada intaad dhalo ugu shubto sariirta madaxeeda u dhig.
ama diidiin saar oo sadex goor sariirta haku wareejiyo qoortana koore u geli.
haday intaasi shaqayn weydo saaxiib inanta ka kala daa haka holfine.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YUKE

Unrecorded Date
WALAAL FITZ HAL TALO FIICAN AYAAN KU SIINAYA HABEENKI MARKEEY SEEXATO KU SUR CABDALLAHA ILLA IYO WAABERIGII MARKAAD KA SIIBTO SUBAXDI HORAY MUSQUSHA HA KA AADO WEEK KA DIB WAAY DHAAFEYSA KAADIDA.

MR AHMED INTEED KU NOOSHAHAY MAANTA HEER WAXAA LA GAARAY TINTA LA ISKU ABUURO OO WAAD SHANLEEN KARTA WELIBA WAA LA JARAA MUDDO KA DIB SIDI TINTII CAADIGA AHEYD.NINYAHOW HERBAADIYENIMADA ISKA DHAAF EE INDHAHA FUR MIN FADLAN HA NA CEEBEN..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxdo

Unrecorded Date
imaqal ani

subix kasto maqsaro marso.
habeen kasto subag marso.
sadex naagood arooos.
subaxkasto naagaha mid ha kaa shumiso.
tii shuminwayso fur.
too kale guurso.
habeenka jimcaha ah bidaarta ku xoq loox naagna ha u tagin.

intaas bal isku day nin sameeyay oo hada timihiisa afroo ah aan arkee.

waa sii biibaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Unrecorded Date
hi all
Manaxdo adi qeeb dhan aa iloowdee.
habeenka jimcaha ah bidaarta ku xoq loox naagna ha u tagin. Kadib subaxa sabtiga manaxdo u tag hakaa salaaxdee, maxaa lagu salaxaa hee? ma ogi ha i weediin.

cafis all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
manaxdo taas labaatan xabo sleeping bills cab aa ka fiican

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MK

Unrecorded Date
TO: Ahmed

saaxiib aniga sida aan sheekadaada ka fahmey waxay
u muuqataa inay maah-maahdii soomaliyeed ee oraneysey(Geel jiruhu isagoo og usha meeshii uu ka goyn lahaa ayuu ku waydiyaa)ay adiga ku khusayso. sidaan ka fahmey qoraalkaagana BIDAAR ayaad leedahay.marka ma aqaano meesha aad degantahay laakiin saaxiib wadankan Mareykanka
waxaa laga helaa dawo layiraahdo ROGENE oo loo
istimaalo bidaarta,sida aan maqleyna it works. even thought it has side effects.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Yeah it makes you scratch your but all day long.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
bidaari daawo waa leedahee basal ku dhaq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuurto

Unrecorded Date
salaamu calekum

Ahmed walaalow bidaar daawadeed xiiris lewaaye
maanta nin madoow ah aad tahay wax kaa nasiib badan malaha waayo cadaan xiirtay wajigiis lama fiirin karo laakiin adi hadaad xiiratid wax ku kasaayo aaba iska yar timo la talaalo way jiraan buruukana way jirtaa marka maxaa rafaadkaas ku geynaayo ma is ka xiiratidoo

nuurto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BoldHelper

Unrecorded Date
Guess what guys,bold men has a high sex drive! I am not kidding you. I had a lecture on sex hormones the other day, and the professir "She was a lday" mentioned in that lecture that bold men have high sex hormones. One of the main causes of this pathology is due to the high adreline.

I have some reading and it was true what the prof said. If you want to read up please do look up this book: Pathology Basic and Systemic by Navvile Woolf.

So please relax and sit back, it is good sine and the girls will like you more when this news comes to the somali laddies.

Bold helper
London

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Hey bold helper what if a Man who used to be sickie in his childhood, does that effect his sex drive as he becomes a full grown man?
And don't think IM talking about neefoowkaniini cause IM not.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samaale

Unrecorded Date
Bidaartu cudur ma ahan. Waa heredity(wax la iska dhaxlo). Haddii abtigaa lee yahay Bidaar waxaa laga yaabaa in aad yeelatid. aabaha sidoo kale Hadduu leeyahay, Inkastoo tan Abtigu darantahay(Jaaniska aad uga badbaadaysid bidaar hadduu abtigaa leeyahay waa "0" eber).

Haddaba Qisadan, ayaa igu dhacday oo run ah:

Waxaan ahaa Nin dhalinyaro ah oo 25 sano jir ahaa, xilligaa(2 years ago).Waxaan u tagay dhakhtar Dermatologist ah(maqaarka),waxaana weydiiyey:
Doctor, timuhu waa i go'aan si saa id ah,waxaana ka baqayaa bidaar, marka wax daawo ah majirtaa oo aan timaha ku xafido(Ku joojiyo).
doctorkii wuxuu iigu jawaabay: halkan fariiso, wuxuu iga gooyey xayn timo ah, berri soo noqo ayuu yiri timahan baarayaaye in cudur jiri iyo inkale.

Subixii dambe baan u imid, Wuxuu igu yiri:

Nin dhallinyaro ah baad tahay ma ahan in aad bidaar ka fakartid, wax kale ka fakar oo aad wax ka qaban kartid. Waxa ku haya waa bidaar soo socota, marka ha ka welwelin, bidaar rag bey gashaayee,...........
madaxiisii buu i tusay, mise hal tin laguma arko
wuxuu ku sii daray...Haddii bidaar daawo leedahay anaa iska daawayn lahaa. wuxuu igula taliyey:

1.Timaha dhaq week-gii hal mar(qubayska badan timuhuu jaraa(haddaad bidaar leedahay)
2. ha ku qubaysan shaambooyinka barafuunka leh(Timahay jaraan)
3.Dhafarka iska ilaali hurdo la aantu timaha waa dishaaye
4. Vitamin E and A, isticmaal, timahay caawiyaan in ay koraan(waxaa laga helaa Khudaarta-Mooska, liinta,kaarootada iwm)

5.Ha gadan daawooyinka xayeysiiska ah oo dhaha timaha ayey soo saartaa(waa khiyaali, tin go day ma soo noqoto-Haddii ay bidaar ku soo galayso)


Marka waayo aragnimadaas ayaan ka dhaxlay dhakhtarkaa, lacagtii baa ii dhaqaalowday, waqtina iskama lumiyo.........


Samaale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawado

Unrecorded Date
Baso xiir, si fiican baad wax uu sharaxday, rg bay lacagtii oga dhamaatey rogaine iyo propecia!!
Laakin waxaa xujo ah, sidii ninka loo weydiin lahaa "reer abtigaa, bidaar dhaxal ma uu layahiin?"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
walaalayaal waxaan raadinayaa nin sxbkey ah oo axmed bidaar la oran jirey markii iigu war danbeysey wuxuu joogey london. walaalayaal cidii ka war haysa halkan fariin iigu dhaafa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.