site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hindiso mashruuc!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Feb. 16, 2001): Hindiso mashruuc!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mortgage

Wednesday, February 14, 2001 - 11:23 am
Markii aan gubnay aqalkeenii oo aan soo baro kacnay oo fantishiruu midkeenba meel afarta jiho carro Alla meel ka ciirsaday ayaan waxaan la kulanay dhaqan cusub iyo caado aan horay noo soo marin.

Diinta Islaamka waxay na bartay in Ilaahay xaaraan ka dhigo faa'ido faa'idada ama ribada oo la qaato Ilaahayna caro adag iyo digniin kulul ayuu ka bixiyay ribada.

Hadana reer galbeedku waxay dan iyo deeq moodeen ribada. Waxba ma gadan dayn la'aan. Dayntuna waxay wadataa oo saaran ribo.

Dad badan ayaa diiday in ay aqal ama guri ka gataan dalalka ay joogaan iyagoo awood u leh in ay iska bixiyaan kharashka bishii laga rabo. Waxayse ka gaws qabsadeen ama sida la yiraahdo ka biyo diideen ribada. Sidoo kale dad badan baan gadan baabuur ama wax yaabo kale oo ay u baahan yihiin ribo ka carar.

Hadaba waxaan dhawaan dhalin yaro Soomaaliyeed isku raaceen in ay sameeyaan shirkad dalka Maraykanka ka gadata guryo oo dib uga sii iibisa dadka Muslimiinta ah kuu nool Maraykanka.

Aqalka shirkaddu ku gadato lacag caddaan ah ama kaash waxay ku iibinaysaa labo siyood:

Waxay saaranaysaa faa'ido ay shirkada iyo qofka guriga ka gadanayaa raali isaga yihiin ka dibna qofka guraga gadatay shan sano ayuu ku bixin doonaa haddii Ilaaha Idmo qiimahaas.

Waxaa keli ah oo laga qaadayaa $100-200 bishii oo ah kharashka maamulka.

Tan kale qofka guriga gadanaya wuxuu bixinayaa 10%-20% qiimaha guriga. Ka dibna 10-30 sano ayuu wuxuu bixinayaa kiro u dhiganta kirada loogu jiro aqal kiisa oo kale ah.

Kirada uu bixiyo saami ka mid ah lacagtii uu bixiyay 10% amd 20% ayaa waxaa lagu bixin doonaa Haddii Ilaahay Idmo lafaha qiimaha aqalka. Waxaa kale oo uu bixin doonaa $100-$150 oo kharashka maamulka ah.

Wax faa'ido ah oo ku kordhayaa ma jiraan qiimaha aqalka.

Ma kula tahay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka gaar ahaan iyo guud ahaan Soomaali weynta ku nool reer galbeedka in ay ka qayb qaadanayaan mashruucan ama mid la mid ah?

Adigu ma ka faa'idaysan kartaa mashruucan?

Haddii laguu soo bandhigo in maal gashato mashruucan oo kale ma ka qayb qaadan lahayd?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mortgage

Wednesday, February 14, 2001 - 12:14 pm
Waxaan ka tagay in aan idiin sheego in dhalin yarada wadda hindisahan ay ku maal gelin doonaan mashruucan dhawrka sano ee ugu horaysa haddii Ilaahay Idmo lacag dhan hal malyan ($1,000,000) oo dolarka Maraykanka ah.

Waxaan u rajaynaynaa guul wacan iyo in Ilaahay garabkooda noqdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mortgage

Friday, February 16, 2001 - 06:59 am
Bal soo booqo halkan:

http://www.zoomerang.com/survey.zgi?CMG8QY06E2KEKQGVMNH81VVM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.