site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

A TRUE STORY.

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Feb. 16, 2001): A TRUE STORY.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAARUUN

Thursday, February 15, 2001 - 07:03 pm
sheekadaan waa sheeko run ah oo ka dhacday holland magaalada rotterdam.

sanadku markuu ahaa 1992 ayaa nin soomaliyeed oo qaxootinimo isaga dhiibay holland ayaa waxaa la geeyay xerada qaxooti si uu muddo meeshaas ugu jiro intii looga helayo meel uu ka dego magaalada.
ninkaas waxuu ahaa nin aan sidaa u samir badneen waxuuna markiisii hore ahaa nin an diinta ku fiicneeyn. durbadiiba ninku waxuu la yaabay dhsimayaasha iyo horumarka ka muuqda wadankan cusub ee uu yimid.

waxaa xerada ka dhawaa kaniisad, maalin axad ah ayuu ninkii tagay kaniisadii oo uu dad badani ku tukanayaan. markuu soo galay kanasiidii ayaa dadkii oo dhan wada eegeen, khudbad socoatayna la joojiyay. ninku waxuu markaas ku hadli karay xoogaa ingiriis ah. waxaa ninkii baadariga ahaa ka codsaday isagoo soo dhaweeynanay ninkan inuu meel fariisto laakiin ninkii soomaliga ahaa waxuu abaaray meeshii uu baadarigii ka khudbeenanayay. waxuuna u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo galo kaniisada isagaoo durbadiiba qirtay inuu yahay christian. waxuu sheegay inuu aha christian lagu cadaadin jiray soomaliya oo hadda uu ku faraxsan yahay inuu xor u yahay diintii loo diidanaa in badan. waxaa markiiba u riyaaqay arinta dadkii meesha joogay waxaana markii eey dhamaatay salaad ku sheegtii catholic-a in ninkii loo kaxeeyay xaafiiska. waxaana la siiyay ilaa laba boqol oo gilder. wxana laga codsaday inuu soo laabto beri si wax loola qabto. ninkiigalabtiiba waxuu lacagtii ku gadatay jaad oo habeenkii oo dhan ku qayilaayay.
subaxii markuu iska xaadariyay xaafiiskii kaniisada ayaa waxaa halkaas kula kulmay koox sare sare oo xukunta kaniisadaha rotterdam.

waxaa laga dhageeystay ninkii sheekadiisa. ninkan ujeedadiisu waxeey aheed inuu gaalada ka helo wax xoogaa lacag iyo favor ah. waxa uu sheeganayana waxeey aheeyd been abuurasho. markii laga dhageeystay ayaa lagu yiri waan ku gacan qaban oon kuu kaalmeeyn si wanaagsana kuu soo dhaweeyn laakiin waa inaan hubsanaa inaad diinta christian-ka ah aad daacad u tahay ood si wanaagsan u aaminsan tahay. markaas ayaa loo soo bixiyay kitaabka quraanka ah iyo bible-ka laguna yiri buugan quranka ah ku jeex jeex maqaskan ka dibna ku istaag oo cgaha hoostooda geli. ninkii ayaa markiiba u dhaqaaqay inuu arintaa fuliyo laakiin si kadis ah ayuu ninkii inta kitaabkii kor ugu qaaday shumiyay oo hadana laabta saartay isagoo ooyaya. durbadiibana orod uga baxay iridii kaniisada. ninkii waxuu orod ku yimid xeradii waxuuna dadkii soomalida ka codsaday in la dedo. waxaa markaas korkiisa oo dhan ka socday dhidid wuuna ooynayay. waxuuna ka codsaday in lagu aqriyo quraan. dadkii soomalida ah o yaaban ayaa weydiiyay waxa ku dhacay iyagoo isla markaana quraan ku aqrinaya.

ninkii ayaa yiri markaan damcay inaan kitaabka googooyo ayaa waxaa maskaxdeeydu u shaqeeysay si xoog leh iyadoo la i hor keenay buu yiri aakhiro iyo iyadoo aan dareemay cabsida ilaah. waxaan arkay buu yiri anigoo god galayo oo cadaabta la ii sii wado. dadkii oo dhan baa yaabay. ninkii waxuu subaixii xigay aaday masaajidka magaalada waxuuna u sheegay imamka sheekadii qabsatay. imamkii aya yaabay. ninkii waxuu noqday nin diinta islaamka ah aad ugu xirmay oon masaajidka ka bixin. ka dibna waxuu goostay inuu isaga tago holland. waxuu raacay koox muslimiin ah oo ahlu tabliiq ah. waxuu u baxay pakistan. ka dib waxuu ninkii u laabtay somaliya .
sabata aan shekadan u sheegaya ayaa waxeey tahay aniga waxaan ku jiray markaas xerada waxaana hadda jooga usa oo kula kulmay ninkii nin eey walaalo yihiin oo ii sheegay in walaakiis iminka yahay sheekh weyn oo aad diinta u fidiya.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.