site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DHAMAAN AQOON YAHANADA SOMALIYEED WAXAAN KA CODSAN INEY GACAN IGA SIYAAN......

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): DHAMAAN AQOON YAHANADA SOMALIYEED WAXAAN KA CODSAN INEY GACAN IGA SIYAAN......
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi (Public user)

Unrecorded Date
Asalamu Calykum,

Ogaysiis: Waxaan donayaa inaan sameyo urur ay ku dhan yihiin aqoon yahanada Somaliyeed meel walba ay jogaan. Waxaan markaa ka codsan dhamaan aqoon yahanada Somaliyeed inay gacan iga siyaan dhismaha ururkaa. Insha Allah waxuu ururku wax u qaban donaa umada Somaliyeed oo ku dayacan meela farabadan oo aduunka ka mid ah.

Waxuu ururku noqon donaa mid khaas u ah aqoon yahanada, inkastoo rayiga umada kalana la soo dhoween. Qeexitaanka Aqoon yahan waxaa weeyo ruux haysta ugu yaraan Diploma iyo waxii ka sareeyo. Xubna fir fircoon waxaa laga fili inay ka noqdaan Ardayda dhamaysay ama dhiganayso Jamacadaha. Sidoo kale kuwa wax ka dhiga Jamacadaha ama Schoolada.

Wax kastoo ra yi ah waxaanu gaari donaa ama isku ururin donaa Insha Allah markaa dhisno ururka. Markaa bil axsaanag gacan ha la I siiyo. Ururku marnaba ma soo dhowen hayo dad rabo inay Qabiil ku shaqeyaan ama dadkale aflagadeyaan sida aan ka arka meelaha ay Somalida ku leedahay hadal is waydarsiga (discussion forums).

Bil axsaanag isticmaal magacaaga oo buuxo si uu u dhasho is amin xubnaha dhaxdooda ah. Insha Allah e-mail kasto oon helaa waan ka soo jawaabi isla markaa copy ayaan u diri xubnaha kale. E-mailkaygu waa:
qansax@hotmail.com


Waxaan idinka sugaa waa jawaab wanaagsan.
Wasalamu Calaykum,
Abdullahi Abdulkadir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali (Public user)

Unrecorded Date
Saaxiib!

Haddii aan adiga ku su`aalo.

1- Hadafka ururka?
2- Wadankeed degan tahay?
3- Sideed u dhiseysaa ururka maadaama meelo kala duwan lagu kala nool yahay?
4- Faa`iidada noogu jirto ururka haddaan dhisno (Kama wado Faa`iido lacag)?
5- Ma urur diin ku saleysan mise ........
6- Sidaad sheegtay qofku waan in uu Diblom heystaa (ma mid Soomaaliya mise mid wadamadan dibada???).
7- Ruuxii soocodsada sideed ku garaneysaa background-kiisa???
8- Sideen ku garaneynaa innaad tahay ruux ciyaarwada iyo ruux runwada.
9- Ma heli karnaa faalo gaaban oo adiga ah.
.................................................

Ka raalli ahaada wixii qalad ah ee iga dhacay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi (Public user)

Unrecorded Date
To: Ali

Assalamu Calaykum

Walaal Ali waad ku mahad santahay sidii dag daga aheed ee aad uga soo jawabtay codsigii ururka aqoon yahanada Somaliyeed.
Hadaan ka jaawaba dhamaan su‘aalahaga. Jawaabtu waa sidan

1- Hadafka ururka?
Ururku malaha wax hadaf oo u gaar ah. Qofkasta oo ku soo biiro ama gacan ka geysta ayaa ku kordhin karo rayiga. Hadafka kaliya ee uu leyahay waxa weeyo sidaan dadkanaga aqoon yahanada iskula xiriiri laheeyn isku dhafsan laheen waxii rayi ah, kadibna cod kaliya ugula hadli lahayn dadka aan ka dhalanay ee Somaliyeed.
2- Wadankeed degan tahay?
Waxaan dagana-hay Australia
3- Sideed u dhiseysaa ururka maadaama meelo kala duwan lagu kala nool yahay?
Waxaanu is waydaarsaneenaa e-mail oo aan kuwada xiriiri donaa. Kadibna waxaan sameysaneena website noo khaas ah. Insha Allah markii ay wax walba u dhacaan sidaan rabno waxaan sameynaynaa in intii isku meel jogtaba ay wada kul maan oo ay shaqsi ahaan isku arkaan.
4- Faa`iidada noogu jirto ururka haddaan dhisno (Kama wado Faa`iido lacag)?
Haa waxaa is baran aqoon yahanada Somaliyeed. Waayo waxaa jiro dad badan oo raba in umada wax u qabtaan lakiin aanan garanayn meshii ay ka bilaabi lahayeen iyo ruxay la xiriiri lahayeen. Waxaa sidoo kale mesha ka bixi is amin darada dhaxtaalo aqoon yahanada qaarkood.
5- Ma urur diin ku saleysan mise ........
Maya/Haa ururku ma aha mid diineed, lakiin madaama umada uu ururku wax u qaban ay yihiin Somali diin kama marna. Waayo dhaqankaanaga iyo hab nololedkanagaba diinta ayuu ku saleysan yahay.
6- Sidaad sheegtay qofku waan in uu Diblom heystaa (ma mid Soomaaliya mise mid wadamadan dibada???).
Qofku waxuu wadan karaa ugu yaraan Diploma taaso noqon karto mid Somaaliya ah am dibadaba.
7- Ruuxii soocodsada sideed ku garaneysaa background-kiisa???
Waanu aminaynaa. Lakiin koleyba waa la is baran xaqiiqdana way soo bixi. Markaa waxaan fileynaa inuuu qofna buun buunin aqoontiisa.
8- Sideen ku garaneynaa innaad tahay ruux ciyaarwada iyo ruux runwada.
Isii waqti waad ogaan dontaaaye.
9- Ma heli karnaa faalo gaaban oo adiga ah.
Insha Allah waxaa imaan donta waqti ay dhamaan xubnaha, bixin donaan faala gaban oo shaqsi walba iska bixin dona. Markaas ayaanan ku siin faalo gaban.

Ali waad ku mahad santahay dhamaan su‘aalahagi waxaanan fili inaan kaaga jawaabay. Hadii aad buuxiso shuruudaha Ali ku soo biir ururka ina soo qor e-mail ama isii e-mailkaga.

Wasalamu Calaykum
Walaalka
Abdullahi Abdulkadir
(qansax@hotmail.com)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xy

Unrecorded Date
Duffoow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xy

Unrecorded Date
To: Abdullahi

Duffoow lagu yirri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaan ka dib:
Waxaan doonayaa inaan ka mid noqdo ururka aad kor soo magacowde balse iima cada aniga inay asaasayaasha ururku yihiin kuwa ka hufan arimaha ummadda soomaalidu ku habsaantay. Marka igala raali noqo waan jeclaan lahaa in aan helo warbixinbuuxda oo ku saabsan xubnaha doonaya inay aas aasaan ururka aqoon yahanada soomaaliyeed si aan hubinimada loogu adeegsan dano shaqsiyadeed ama wax anan ka raali noqonkarin.
Runtii waa fikrad wanaagsan hadii ay suurta gal tahay in la aas aaso hawlgal aqoon yahanada soomaaliyeed u gaar ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mukhtar Aden Guled

Unrecorded Date
Waar salaamad sharaflleh ayaan hawada idiin soomarinayaa akhyaartaay.Salaamad dabaded maxaad arrintan muddada lasugayey ula raagteen?
Arintaa aqoonyahanka soomaaliyeed llogu baaqay anigu waan taageerayaa si lixaad leh.
waad mahadsan tihiin gidigiin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.