site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Somalia?... Ma Ogtahay in.....

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Somalia?... Ma Ogtahay in.....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayare (Public user)

Unrecorded Date
Ma Ogtahay In:-

1339-kii ay ahayd markii uu Mugdishu booqashda ku
yimid taarikhyahankii muslimka ahaa ee caanka ahaa
ee lagu magacaabi jiray Ibn Batuuta.

*1522-kii waa markii uu Ahmed Ibrahim(Gurey)la
wareegay hogaanka Somalia oo markaas loo yaqiin
(cadaal) xarunteedana rey ahayd "Harar"

*1544-kii waa markii uu shahiiday Allah u naxarii-
stee Ahmed Gurey isagoo jihaad kula jira xabash-
ida iyo ciidamo Bortaqiis ah oo kaalmeenayay!.

*1846-kii waxay ahayd uu Barbara ka soo dagay -
sarkaal Ingiriis ah oo la oran jiray "Parton"
isagoo is dhalan rogay oo cimaamo iyo qamiis -
xirtay la na baxay (Sh.A/llahi). Ninkaas waxaa
uu daraasad ku sameenayay habdhaqanka iyo -
dabeecadaha Somalida.

*1871-kii waxay ahayd markii uu suldaankii Zan-
zibar oo lagu magacaabi jaray "Saciid Barqash"
oo ku soo fidiyey xukunkiisii xeebaha somalia
sida Mugdishu, Marka, Baraawe, Warsheekh.

To be con,ed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYare (Public user)

Unrecorded Date
Completion.
*1885-kii(Feb). waxay ahayd markii masaarida kala
baxayn ciidamadooda Somalia, taasoo ka dambeesay
cadaadis uu Ingiriiska ku saaray arintaas.

*1887-kii (March). Xabashida ayaa ku soo duushay
Harar iyo nawaaxigeeda, taasoo ka dambeesay
bixitaankii ciidamada masaarida.

*1892-kii (May). waxay ahayd markii ugu horeesay
oo ay ciidamada talyaaniga cagaha soo dhigaan
Somalia ayagoo uso jeediyay suldaankii Zanzibar
in uu ka gado ama ka ijaaro dhul, wada hadal ka
dib waxay noqotay in talyaaniga laga ijaaro inta
u dhaxeesa Baraawe ilaa Warsheekh, sanadkiina
uu bixiyo lacag dhan 144 kun Liira ah.

*1897-kii (May). Ingiriiska wuxuu siiye xabashi-
da qayb ka mid ah dhulka somalida, taasoo ay
ahayd abaal marin ay xabashidu ku heshay markii
ay ka qayb qaadatay jebintii kacdoonkii mahdigi-
i Suudaan.

War bal soo daaya adinkuna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DENMARK BABY IS HERE

Unrecorded Date
MEESHAN ILEEN DUQOOSHIN BAA KA BUUX DA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamad

Unrecorded Date
Ayare
kawaran tariiqda Galadiga iyo Ajuraan
ee somaali kaqateen

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.