site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waan u riyaaqay

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Waan u riyaaqay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gastro (Public user)

Unrecorded Date
Waxaan aad ugu riyaaqay fikrada uu dhowaan ka jeediyay Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuti, shirka golaha amniga ee qaramada midoobay. Kaasoo ku baaqayay, in dagaal wadayaasha la siiyo waqti ay isku abaabulaan si ay xisbiyo siyaasadeed u sameeyaan, hadey taas ku guuleysan waayaana la soo hor toogo maxkamad caalami ah oo lagu soo oogo danbiyada ay ka galeen dadkooda iyo dalkooda. Taasoo ay ka mid yihiin qaran dumis, dil, xasuuq iyo dhac hanti guud iyo mid gaar ahaaned.

Waxaan hubbo walaalayaal, in hadii ra'yigaa la qaato in soomaliya si deg deg ah ay u helli laheyd dawlad iyo nabad waarta taas oo ay aad ugu baahan tahay. Waxay illa tahay in aynu taageerno si loo hello nabada laallan, ee aynu waqtiga badan sugeynay, isla markaana aan soo naasa cadeyn.

Waxaan xal ka sugnaa niman aanba rabin oo danni ugu jirto inay soomaliya ay sidan weligeed ahaato. Kuwaas oo og hadii uu xaqqa yimaado inay daaqada ka baxayaan

Ragaas waxaa ka mid:

1. Gabanka ini ceydiid ah: oo qabiilkiisu ay ka yimaadeen lama degaanka Hobyo, kaasoo haddi aay dawlad xaqqa timmaado waayaaya daroogada, mukhaadaraadka, beeraha xooga lagu heysto, xaqqal jeebka laga soo qaato qadaafi iyo muuska xaq darada lagu dhoofsado.

2. Morgan: kaasoo haddii ay dawlad xaqa timaado loo soo taagi doono danbiyadii uu umada ka gallay markuu sodogiis wadanka ka amartaagleynayay.

3. Cali mahdi: oo si xun siyaasada ugu ilbaxay, isla markaana koonfurta xamar u maamulay sida maqaaxidiisa maka al mukarama

3. Ninka beerka iyo sanbabaha la': oo hadii dawladi timaado la soo taagi doono xasuuqa uu ka sameeyay waqooyi barri iyo wadaadada uu k laayay gobaladaas.

4. Cigaal: oo loo soo taagi doono burburin iyo waxyeelid qaranaimada soomaliyeed ee muqadaska ah

5. Cismaan caato, Cumar Xaaji masale, Bood, Gabyow
Kuwaasoo ku heshiiyay inay nabada soomaliyeed sii fogeeyaan intii awoodooda ah, umada soomaliyeedna badaan sicil iyo saxariir.

walaalayaal danbiilayaashu waa badan yihiin, hase yeeshee waxaan ii saamixi doonin waqtiga iyo page ka. Waxaanse aan aad ugu farxi lahaa ra'yiga qofkastoo igu raacsan iyo kan igu diidanba

Mahadsanidin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey (Public user)

Unrecorded Date
Bro. Mr.Gastro aan laba su'aalood kaa weeydiiyo fikradihii ay Jabuuti soo jeedisay:
1)xisbi? Oo imikaba xisbi wuu jiraa SNM,SNF, SDF, I.W.M Waana wada siyaasad socota eh sidee Xisbi hor leh oo siyaasadeed wax u badali doonaa?
2) Haddii ay diidaan oo markaa gidigood wanted laga wada dhigo yaa soo qab qaban doona?
Salaama.
Faalka Xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaqiiqo (Public user)

Unrecorded Date
Bro.Mr.Gastro waa runtaa oo waa waajib muqadas ah in madaxweynaha jabuuti la taageero baaqiisa war aduunkow daba qabta dadkii waagii hore soomali la odhan jirey, ninkii taa dii daana waa najaas aan inaga mid aheyn.Laakiin walaalow sida madaxweynaha jabuuti uu jimciyada quruumaha ka sheegey, maad xaqiiqada u sheegtid ,ileyen madaxweyne ismail omar gelleh khudbadiisa wuu ku sheegay in ina cigaal iyo odeyga beerka la´i ay degaanadooda nabad ka dhigeen, bal eeg khudbadiisu siday u qoran tahay, ama dhageyso sida bbc london looga sii daayey.Walaal waxaa la yidhi gaalka dil, gartiisana sii, markaas wax isku qaldin, dadkana burush xaar leh ha wada marin, ee xaqiiqada ka hadal oo dadka dhibka ka wada soomaliya waynu naqaane si li-laahi ah aynu u tilmaano oo ummaadda ilaahay uga barino inuu wixii dhib wada ka qabto(AAMIIN-AAMIIN, AAMIIN ALLAHAYOW)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous (Public user)

Unrecorded Date
Gastro, Hadaad "Gabanka" iyo "lama degaanka" qabiilkiisu kayimaadeen carrabkaba kudhufatay, waa iga suaale, maad kan "beerka iyo sambabada la'" iyo meesha iyaduba "lamadegaankaah" oo ay qabiilkiisu degan yihiin magacowdid? Midda kale, hadiiba arinku isubadelaayo dimugraadiyad, marnaba ha kayaabin in lagaala tashado arimaha "oppositionkaaga". In other words, it should be the least of your business who your opposition are going to field! Last but not least, "Gardheere yaasha" kawaran, miyeeysan ayagu kujirin kuwaad liisgaraysatay!!

Nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed Deeq (Public user)

Unrecorded Date
Saaxiib WAAN U RIYAAQAY, waadna ku mahadsan tahay ra'yigaaga qiimaha badan, oo haddii la helli lahaa dad badan oo kugu raacsan soomaaliya waayo horre ayey nabad ku soo laaban laheyd.

Soomaaliya waxaa nabad ku soo cellin karta koox isku duuban oo ka adkaata burcadka aad kor ku taxday

Thanx

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
To: dhammaan,

waxaad mooddaa in durdaba weerar loola dhaqaaqay Gastaro oo aan cidiba ninka ugu dambeeya mooyaane ra'yigii uu filayey cidiba dheg u dhigin ee isaga ra'yigiisii lasii raad raacay!
Waxaan shaki kataagnnayn haddii aan sidaas ku sii wadnno inaynnaan weligeen meel cagaar leh kasoo durdurinayn!
Waxaan aad ula yaabay iyadoo uu Gastaro ku tilmaamay nimanka qowlaysatada ama tuugsadeyaasha ah mid waliba wuxuu ahaa in haddana nin kasta oo meesha wax ku qoray leeyahay maxaad hebel haddaad sidaas tidhi hebelnna sidaas u odhanweyday?!
Waxaan aad u taageersanahay fekrradda Gastaro.Waana run oo nimankaasi waxay silic iyo saxariir badeen ummaddii Soomaaliyeed oo adduunka meel aanay cag dhigin aanay jirin; go'aan xumada ay keeneen awgii ayaa dad badan oo masaakiin ah oo Soomaaliyeed gacmahooda ku xanuunsadeen sabab la'aan.
Maxammed Xirsi Moorgan, Aadn Gebiyoow, Maxammed Ibrahim Cigaal, Maxammed Abshir Haamaan, Cismaan Caato, Cali Mahdi Maxammed, C/raxmaan Tuur, Maxammed Faarax Caydii, Xuseen Maxammed Faarax Caydiid, Ina Xaaji Masalle, Maxammed Cumar Jees, C/llaahi Yuusuf Axmmed, iyo wixii soo raaca waa gacan ku dhiiglleyaal diin iyo iimaan toona aan lahayn waxayna Ilaahay hortiisa ka muteen cadho aan la qiyaasi karin dembiyada ay ka galeen diinta, ummaadda iyo dalka Soomaaliyeed-nna waa mid maxakamad qaadi kartaa aanay aduunka oollin in Ilaahay la islla hortago mooyaane, waxay sameeyeenna maahan wax intay iska dhaceen la iska illaawi doono balse waa arrin aduunku intuu taaganyahay ay socondoonto taariikhdeedu, laguna qori doono calaamadaha ay dhibaatadaasi ka tagtay lacagta, calanka iyo waxyaalaha artis-ka ah ee madxafyada waxyaalaha taariikhiga ah lagu kaydiyo ee ummaddu leedahay oo ay sawirradooda oo si adag loo qalabeeyey ka midyihiin oo lagu qoray luuqado badan oo Soomaaligu ugu horreeyo si cid kasta oo aragta oo madxafyada timaaddaa u fahanto iyadoon laa macnayn oo tilmaamaya nin waliba dhibaatada uu geystay wakhtiguu dhibaatada kusoo biiray iyo wakhtiguu dhintay oo ku hoos oolli doonta nin walba sawirkiisa oo qolof aanu weligii sawirku wax noqon la dhex gelin doono haddii Allaah idmo taasoo dadka dalxiiseyaasha ah iyo madaxda aduunkuba daawan doonaan inta taariikhda adduunku jirto ee waddankaasi taaganyahay, tasoo qof kasta oo isllaam ah oo akhristaa dhibaatada ay geysteen habaari doono oo ay dhibaato ugu noqondoonto qabrriga, mid kasta oo ka mid ahna shacabka Soomaaliyeed ma cafin Ilaahayna macafindoono ILAA qofkasta oo Soomaali ah mid dhintay iyo midnooli cafiyo, bal qiyaas arrintaas culayskeeda!!!
Haddaba, Ismaaciil Cumar Geelle waa nin dowlad ah qof kasta oo maskaxdiisu taam tahayna wuu tageerayaa.
Ilaa xilli dambe, salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Midigey

Unrecorded Date
Faal-Gurey,

Qaqabashadoodu waa sahal oo iyagoo meelahaa tuugsanaya ayaa aayar qoorta lagu soo dhagi, illeen lacag badan oo ay la baxsadaan oo haysa inta noloshooda ka dhiman ma haystaane

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Crazy Enough

Unrecorded Date
War ninkan xamaasooday ee "E-intelligent" la baxay figradaada anigu danin maayo ha yeeshee waxaan kula socodsiinayaa in M.F.Cydiid uu xijaabtay dhowr sano ka hor xisaabtiisana alle iyo isaga. kuwo aduun oo nabad ah dhiigga iyo xoolaha dadka baneystay oo taariikhda lagu buunbuuniyeyna wey jiraan oo taariikhdiisa cidi waxkaa weydiin meyso adiga. La soco sidoo kale Maxamed O.Jees in toban sano ka badan ka hor ayuu alle ha u naxariistee xijaabtay, marka ninyohow jidbaysani orod oo Jabuuti aad dowladna ka soo dhis iskana daa uunka aakhiro. Cadownimada laabta kuu buuxisayna qurbaha la meereyso waad qaadi waayi doontaa.

Intaas ka dib: waxa ugu horeeya ee Soomaali u baahan tahay waa in ay is cafisaa. waa in la aqoonsadaa in burburka dalkeenna koox iyo qof gaar u geystay uunan jirin ee mid dibad jooga, guda jooga, caaqil ah, diin yaqaan ah, aqoon yahan ah, ganacsade ah, dumar, siyaasi ay kawada qeybqaateen. waa in dalka in la badbaadiyo loo iloobaa wax kasta oo dhacay maxaa yeelay haddii kale dalkiibaa goor dhow qariiradda aduunka ka lumi doona. Arrinku uma sahlana sida dadka qaar leeyihiin Jabuuti baa tiri hala qabqabto dhowrkaas nin!! hey "hashu maanka gadaye ma masaar bey liqday" bal soo xusuusta shirarkii hore ma garaneysaan cid ka maqneyd aduunka USA oo ugu tuur weyn, UN oo ka daba tuuran, Urub iska riixeysa labada, Carab lacag la wareega iyo xan, xataa OAU oo maqaar saar ah, waxaas oo shirar ah waa la buunbuuninayey sida kan Jabuuti hadda loo hadal wado. waxeyse seegeen dariiqii xalka. Arrinka Soomaaliya cid wadaaba ha waddo ee waa uu xal dhab ah oo leysku waafaqi karo uu ku saleysnaadaa, haddii kale cidba maalin magac iyo lacag hanagu raadsato iyadoo adeegsanaysa khilaafkeenna, anana hebel hala soo qabto iyo hebel hala soo dhaweeyo dowlad baana la dhisi doonaa aan isku maaweelinno.

Haddaan rag tima madoow ku ciroobin qurbaha, caruur ajaanibana noo dhalan, Calan-laaweyaalna aan noqon, dadoow cirribtiinna loo joogee!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To: Crazy Enough,

Waar ninyohow ilaa hadda ma aanan garan waxa ujeedadaada shakhsi ahaaned tahay, sidaas daraadeed kugulama doodi karo wax hadal yahay.
Markaad leedahay dalka Soomaali oo dhan ayaa bur burisay, miyaad waalan tahay mise waxbaa kuu dhiman xagee Soomaali oo dhami ka bubursisay Soomaaliya?!
Waar aniga caadifadda igu jirta intaad iska dhaafto iyo qurbahaan meeraysanayo, bal adigu ka bax, midda kale haddii cidi ku cirroobaysa qurbe adigu ha ugu horrayn ee iska ilaali cirrada.
Maadaama aan Soomaali haddaan nahay keeni kari weynay maskax iyo caqlli, waxaa wanaagsan in dad kale qaataan dalka, ama aan guursanno dadkale oo maskax inoo keena si aan u dhalan roganno, oo markaa loo helo dad kala duwan oo wax abuuri kara dhibnna malahan diinkasta oo ay haystaan ee maskax ayaa loo baahanyahay.
Maraykanka iyo bulshada caalamku markay kuu soo gurmadeenna fool xumadaada ayaa laga argegaxay oo la doonay in lagu badbaadiyo, markaad diideyna waataas lagaa tegay ee gaajada ka bax, nin xaarkii ka da'ayo oo dad tegay caayaya adiga mooyaane aduunka lama arag.
Adigu noolow cid kale iska daayoo.
Ilaa xilli dambe, salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

crazy enough

Unrecorded Date
Att: E.intelligent,

Aflagaadada kaa duuleysa ma aanan filaneyn ee ma cawskiibaa kaa go'ay marka aad qoreysay warkan silloon! Jooji, anigu kuguma dayan karo oo waan miyir qabaa ee nabadeey. Jabuuti waxba ka soo bixi mayaan illaa iyo inta Soomaali oo dhan ay ka soo wada go'do in ay aayahooda ka tashadaan iyadoon cid kale ku dhex jirin.

Bisha danbe ayaynnu ogaan doonaa bal Jabuuti halka uu ku danbeeyo qurbaanka laga shidayaa.

inta ka horeysa tan gaarka ah yeynaan ka wada hadlin.

Nabadeey

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.