site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOOMAALIYEEY KA JAWAABA SU'AASHAN?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: General (Current): SOOMAALIYEEY KA JAWAABA SU'AASHAN?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar somali ah

Thursday, March 22, 2001 - 11:08 pm
Asalama caleykum
Walaalayaal waxaan rabaa in aan ogaado dadka meeshan wax ku soo qora waxay yihiin in ay soomaali yihiin iyo in kale dadka intooda badan waxay u kala qaybsameen dad QABIIL QABIIL isku caaya oo kuwaas af soomaali bay wax ku soo qoraan,oo wax laga tagay qarniyadii hore wali isku haysta oo maskax doodii aan is badalin, iyo kuwo af ingiriis wax ku soo qora oo waxyaalaha qaarkood ay soo qoraan ah wax diin ta islamka ka baxsan galada qaarkoodna ka xishoota waxaan u maleynayaa in aad ila aragteen ciwaanada qaarkood waxa ku qoran. Kuwa qabiil qabiilka isku caaya waan ognahay in ay soomaali yihiin anoo aad iyo aad uga xun in ay jiraan dad qabiil ka hadla ee waxaan fahmi la'ahay kuwa af ingiriiska wax ku soo qora walaalayaal waxaan u maleynayaa in ay san soomali waxyaalahaas ay ku hadlaan aysan ka suurtoowin oo dadkan aysan aheyn soomali , walaalayaal hadaad soomaali tihiin waxaan idinka codsanayaa in aadan u jawaabin dadkaas kuwa qabiilka ka hadla iyo kuwa sida jerrey springer show giisa camal u sheekeeya. HAL SU'AAL BAAN IDIN WAYDIIN LAHAA IDINKOO IGA RAALI AH . KA FAKAR MAXAAD IS DHIHI LAHEYD HADAADAN SOOMALI AHEYN OO AAD RABTID IN AAD SOMALIDA WEB SIDE YADOODA EEGTID OO AA TIMAADID WEB SIDE KAN? Walaalyaal anigu ma caaynaayo web side kan , waxyaalo aad aad u badan oo fiican waa lagu soo qoraa lakiin inta xun baa badan. hadaan aniguba ka jawaabo su'aasheydii, anigu naf ahaan tayda waxaan is dhihi lahaa , soomaalidu waa dad ay u dhamaatay oo dadkoodii waa weeynaa waa kuwan qabiil wali isku haysta , kuwoodii yar yar yaraana waa kuwan ay u dhamaatay. Walaalayaal hadalkii baa idinku badiyey iga raali ahaada ee waxaa soomaali u sheegi lahaa in ILAAH LOO NOQDO, oo ilaah ka cabsada, qof walba qaladkiisa ha saxo oo asaga ha is fiiriyo kadib soomaali oo dhan way is badali. FADLAN AF SOOMAALI WAX KU SOO QORA.

WAAD MAHADSANTIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qabiil-ka-xoroobe

Thursday, March 29, 2001 - 03:13 pm
to "Gabar Soomaali ah"

walaal ma ila aragtay cawaaqib xumad uu qabiilku leeyahay.

aad baad u mahadsantahay sidaad uga hadashay dulinimada qabiilka.

Ilaah wuu ka fogaaday qofkii qabiil ku dhaqma.hase yeeshee ummadii qabiilkii diin bay ka dhigatay wayna ku halaagmeen.

Magacayga waxaa la yiraahdaa "qabiil-ka-xoroobe" mana aaminsani in qabiilkani run yahay waa magacyo been ah oo dadka loo kala bixiyay.

Qabiil aakhiro kuu shafeeco qaadayaana ma jiro.
Ifka qabiil wuxuu kaa dhigaa duli iyo naanaab aan dad ahayn.


Qabiil waa eexasho, colaad, isku dir, ilaah ka fogaansho, kufaarnimo, xasad, dib u dhac, adduunkoo kugu qosla, ilaahay oo kuu cadhooda, cadaabtii oo aad u diyaar garoydid, iyo qayrkaa oo aad ka hadhid.

waxay ku leeyihiin:
"qabiilka lagama maarmo oo waa inshuuraansi"; nonsense.
Risiqaaga Ilaahay baa qoray; qabiilkaagu ma qorin.
Markaad dhimanayso ilaahay baa qoray qabiilkaaga iyo qabiil kale toona ma qorin.

Dhamaantood midba mid kale ayuu eedeenayaa.

runta: gedigood waa isku oo wada qabiilaystayaal.

qabiil walba isagaa dhexdiisa iska dilay: ,....Why?
sababtoo ah qabyaaladu ma shaqayso; waa isku dir gebigeeduba.

kuwa aad isku qabiilka tihiin ayaa naartii kugu wada haddaanad iska qaban oo intaa ummad kale ayay kugu diriyaan.....haka yeelin.

qabiilku iyo sheydaanku waa walaalo.

Maxaa laga faai'day?
....waxba
Qofkii ilaahay ka baqayow qabiil ka fogow.

Gabadha soomaaliyeedee halkaa wad indhihii way kuu furmuune.


qabiil-ka -xoroobe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 29, 2001 - 03:18 pm
walaal adigu qolamaad tahay horta aan is baranee?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qabiil-ka-xoroobe

Thursday, March 29, 2001 - 03:27 pm
gabadh soomaali ah


waa qabiil-ka-xoroobe oo kugu soo noqday ka dib markii uu u raacdo tegay site kale si uu kuugu amaahdo maqaal uu qoray nin kale oo la yiraahdo"Qabiil-ka-maarme" oo isna la yaban kana yaqyaqsooday micna xumada qabyaalada.
walaal waakan siduu qabyaalada u sharaxay ninkaa isaga ah.

Walaalayaal waxaam maqaalkan hoosta ku qoran ka soo amaahaday nin la yiraahdo "QABIIL-KA-MAARME" oo site kale wax ku qoray.
Bal ila akhriya xumaanta qabyaaldu leedahay una mahad naqa "qabiil-ka maarme" waa ninka maqaalka qoraye.


qabyaaladi waa:
Ma dhamaato, dumiso, ma xishooto, ilaah kama baqdo, ilaah kama xishooto, duliyo, dib u
dhigto, naanaabiso, dadka caqliga ka dooriso, xaasidnimo hooyadeed, dulinimo aabaheed, colaad abuurto, ninkeeda dib ula hadho, qiiro been ah ku
abuurto, faata dhakle dad ka dhigto, naartii dad ka buuxiso, wanaag ka kaxayso, waddan dumiso, ummad baab'iso, duli isu keento, xaraan ku
faanto, dhiig cabto, bahaayin ka dhigto, doqoniino adeerkeed, nacayb abuurto.

Maxaad ii sheegaysaan bahashuba waa noocaase.
Kuma jiro Ilaahay baana ka magan galay.

ILAAHAY KA BQA OO QABIIL ISKA DAAYA.

============================================

Qabiil-ka-xoroobe:
Qabiil -ka -maarmow waad mahadsan tahay.

Qabiil waad ka maarantay wax laga maarmona wuu yahay.
Nin Ilaahay ka baqaa qabiil kuma dhaqmo.
Qabiilka iyo sheydaankuna waa ilma adeer. Aad baad u mahadsantahy.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qabill-ka-xoroobe

Friday, March 30, 2001 - 06:05 am
to "Gabar Soomaali ah"

walaal kuwa ingiriisada wax ku qorayaa waa kuwo isxariifiya oo is leh ha la idin arko inaad ungiriisi wax ku qori kartaan.

Waa nooc jaahilnimada ka mid ah marka qofku afkiisa ka faano.

Miyaanay ogayn in dad kale oo ajnabi ah akhrisnayaan qudhunkooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

unknown

Saturday, March 31, 2001 - 08:39 am
horta waa runtiin dhamaan dadkan qabyaalada kasoo horjeedsada waan taagreesanahay oo marwalba ku gargaarayaa in qabyaalada la iska dhaafo. walaal ayaal (qabyaaladi dugdi maaha waxay dumiso mooyaane)marnabo qabyaaladu ma wanaagsana
dadkan ingriisi wax ku qoraya ayaan ka la hadlyaa, horta waxaan idin waydiin lahaa dadka aad la hadlaysaan waa dad ayo ah? ma waxay garan laayihiin dadka aad lahadlaysaan afingriiska, maya dhamaan waa lawada garanayaa, balse waxaa loo sameeeyay inay dadka soomalidu iskula hadlaan goobtan ee looma samaynin ingriisi lagu hadlo hadii afsoomoilugu idinku adagyahayna afka ingriiska aad ku hadlaysaan ka sii daran. markaa dadkan waxaan ka odhan lahaa inay aadaan claas magiciisa la yidhahdo....ssl oo macniheedu yahay
somali as a second language...ma garateen.
saas iyo isarag danbe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, April 03, 2001 - 10:39 am
War bahasha qabyalada ah e dunida inaga reebtay hala tirtiro.

qaofkii qabiil ku dhqama muxuu muslim ka sheeganayaa waa yaabe?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 04, 2001 - 08:09 am
Some facts
==============

Theory #1:
=========
Qabiil ma shaqeeyo; waa khasaare gudaha iyo debedaba.

Proof: Qabiil walba isagaa dhexdiisa iska dilay.


Theory #2
========

Qabiil(ku dhaqankiisa) muslinimo wuu ka fogyahay.

Proof: Waa eexasho, colaad, isku dir, dib u dhac, anaa ka fiican, anagaa sidaa ahaan jirnay iyo bilaa macne badan oo kale.


Theory #3
========
Dadka qabiilka ku dhaqmaa horumar ma gaadhaan; hadday xoogaa horumar ah sameeyaana markaba wuu dumaa.

Proof: wixii 500 oo sanno la dhisayay waxay ku dumeen 1 week.


Theory #4
========
Dadka qabiilka ku dhaqma way jiran yihiin oo maskaxdoodu caadi ma aha.

Proof: qofka qabiilaystaha ah had iyo jeer wax xun buu jecel yahay. wanaagu wuu dhibaa, muslinimo iyo ilaahayna shaqo ku ma laha.
dadnimada wax ka baxsan ayuu had iyo jeer ku kacaa wuuna isla fiican yahay oo khaladkiisu uma muuqdo.

(These theories hold).


Yaa ku dhaqma qabiilka:
========================

1. Dadka u haysta inaanay qabiil la'aantii noolaanayan.

2. Dadka u haysta in qabiilku inshuraansi yahay.
(bal aakhiro inshuuraansi hakuu noqdo)

3. Kuwa ummada ugu caqli liita oo aan wax kale maskaxdoodu isku duba ridi karin.

4. Kuwa an isku kalsoonayan.

5. Kuwa aan diinta islaamka waxba ka aqoon.

(These beleives don't hold)


Faai'dooyinka qabiil la'aanta:
=================================
1. Umaadii aan qabiil ku dhaqmini waxay samaysaa horumar weyn.

2. Qof muslim ah aakhiradiisii qabiil kuma seego

3. Ummadii aan qabiil ku dhaqmini wadoonkoodu siduu ku dumaa way adag tahay.

4. dhaqaalaha wadanku inuu sii kordho mooyee dhulka ma galo.


5. Qof walba noloshiisa ayuu dedaal u galaa wadankuna wuu ka faa'idaa.

6. waxaa abuurma tartan shaksi ku salysan halkii
uu ka jiri lahaa tartan qabiil ku salysan
(oo un ahaantii ah nooc mina waali)


Sidee qabiil looga bixi karaa:
============================
1. iyadoo ummada qabiilka xumaantiisa laga dhaadhiciyo(i.e. through education)

2. iyadoo qof walbi xil iska saaro siduu ula dagaalami lahaa qabiil.

3. Ka hadla oo ceebtiisa soo bandhiga


Fadlan, Submit your theory.


Rore:
Nin qabiil ka xoroobay macna daradiisa

wax bugaag qabiil dhibaatadiisa ka hadlaysaa yaa haya?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 04, 2001 - 08:11 am
INGIRIISI WAX HAKU QORINA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Thursday, April 05, 2001 - 11:00 am
ASALAAMA CALEYKUM
WAXAAN MAQLI JIRAY - BAQALKII FARDAHA LA DAAQAY OO FARAS IS MOODAY - MICNAHA WAXAA HALKAAN NALA JOOGA DAD JINSIYADOODI ILLOBAY OO DIINTOODI KA TAGAY IWM.....
WAXAAN QURBO DHEX JOOGA 30 SANO KA BADAN KU QALLIN JABIYAY YURUB HADDANA KA SHAQEEYA USA SOONA JOOGAY CARAB IYO JAPPAN WALIGEEYNA KAMA TEGIN AFKEYGA HOOYO IYO DIINTEEYDA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR SOMALI AH

Thursday, April 05, 2001 - 11:36 pm
ASALAMA CALEYKUM

Walaalayaal aad iyo aad baad u mahadsantihiin sidaa iigu soo jabaabteen. Walaalayaal ilaahay qayr da idiinku badalo. Walaalayaal caaway waan seexankaraa anoo aad iyo aad ugu faraxsan in ay jiraan dad soomaaliyeed oo qabiilka ka soo horjeeda, ilaahayna hana badiyo,AAMIIN. waa waxa kaliya oo uu wadankeenii ku hagaagi karo in qabiil la tirtiro. Walaalayaal hal wax baan idiinkula dardaarmi lahaa hadii uu qof idin waydiiyo qabiilka aad tihiin, ha u jawaabina, oo ku dhaha oo kaliya waxaan ahay MUSLIM KA DIB SOOMAALI. waalayaal sidaa u sheegteenba qabiilku cadaalad maaha, hadii uu qof ku waydiiyo qabiilkaada ama qofkaas wuu ku jeclaan oo isku qabiil baad tihiin, ama wuu ku nici oo qabiil uu nacabyahay baad noqonaysaa, waad ogtihiin somaalidu labadaa bay u kala baxdaa, Marka waligiin iska ilaaliya waan idin baryayaa ilmihiina iyo inmahaad dhali doontaan ha barinina qabiilka . Qabiilku waa cudur aad u xun daawadiisana waxa waaye in aan loo jawaabin qofkii ku waydiiya qabiilkaada.

Kuwa af ingirriska wax ku soo qorana, walaalayaal muslimkii iyo soomaalidii baycabeysteen. waa haday soomaali yihiin , uma maleynayo in ay soomaali yihiin qof soomaali ah waxyaalahaas kama suurtoowaan baan u maliynayaa, uma maleynayo in uu qof soomaali dhihi lahaa( waalashay nin keedaa jeclahay, iyo wiilka saxiibka ama gabadhaan saxiibka aheyn baan xalay is raacnay iyo waxyaalo badan oo aan sheegi karin. walaalayaal haday noqoto in ay dadkaas soomaali yihiin way noo dhamaatay ee soo duceeya. Dadkii yaryaraana haday sidaa yihiin, kuwii waaweynaa ay wali qabiil ka hadlayaan soomaali way u dhamaatay ee Ilaah ha la baryo. walaalayaal iga raali ahaada hadalkaa idinku badshay.

to anonymous march 29
waxaan u maleynayaa in aad i waydiisay qabiilkaa ahay? Walaal waxaan ahay GABAR MUSLIM AH OO SOOMAALI AH. barasho wanaagsan qoladeydu waa sidaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.