site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Aaway luqadeenii hooyo, misse soomaalinimadu waa wax xun

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: General (Current): Aaway luqadeenii hooyo, misse soomaalinimadu waa wax xun
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 06, 2001 - 05:00 pm
Waxaan u malaynayaa inaadba ka xuntihiin inaad u dhalateen wadanka soomaaliyeed, waayo maba arko cid isticmaalaysa luqadeenii hooyo ee sharafta badanayd. Dadka aduunka oo dhami english-ka waa uu ku hadlaa laakiin haddana luqudooda hooyo ayay si gaar ah ugu wada sheekeystaan, laakiin soomaali xun anigu garanmaayo waxa ugu wacan arinka aan kor ku soo xusay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 06, 2001 - 05:20 pm
Siyaad baa liqeey!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

akhyaar

Saturday, April 07, 2001 - 10:56 am
Anonymous
walaal waad ku mahadsan tahay arinka aad ka hadahshayna waana dhab in aad moodid in uu fakeenii inala fool xun yahay, waayo dadkii waawaynaa ayaa caruurtii ka hagranaya inay baraan ilmahooda dhaqankoodii iyo afkoodii, hadhow marka caruurtii la timaado carab daloola iyo wiilasha dhaga dhago, iyo gabadho xuduntu u daloosha way ooyayaan.

Afka iyo dhaqanku waa laba shay oo isku xidhan, hadaad moodaysaan in ingriisku yahay wax lagu faano ka warayso Irishka iyo Hongkong. ma lihi hala iska daayo, laakiin meeshani waa gurigeenii somalinet ee maaha Britishnet. Afkeena iyo dhaqankeena waa halkii loo baahnaa inaynu caalmka tusno inaynu nahay qaran iyo umad af , diin, dhaqan iyo caado leh oo aan ahayn qaxoonti ka soo diday xero gee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abwaan

Monday, April 09, 2001 - 08:13 am
Anonymous
walaal ku mahadsan tahay sida aad uga damqatay sawir xumada ka muuqata soomaalida marka aad soo gasho interka waan fajacaa anigoo kaligay ah marka aan arko umad afkoodii hooyo ka faanaysa oo qaruumo kale afafkood ku tartamaysa soomaaliduna xaqiiqdii waa dad aan ka fiirsan waxa ay samaynayaan ee iska sameeya wax aan meesha ku jirin.

walaalkayow hadaba dhibta ugu badina waxay ka jirtaa dadkii dhalinta yaraa ee qurbaha soo galay ka dib aan u helin fursad in ay dhaqankoodii iyo afkoodii hooyo fursad ay maskaxdooda ka dhaadhacdo u helin ayaa sii qurmiyey markaas ninyahow arinkanu waa dhib xaqiiqiyan jira una baahan in wax laga een sidan loo fiirsan, runtii in wax labarto arin xun ma´áha laakiin waa inaan laga tagin qofku asal ahaan waxa uu lahaa dhaqan ahaan iyo diin ahaan.

Arin kale waan ku raacsanahay walaalkey akhyaar arinka meesha aw ka qurmay waa xaga waalidka soomaaliyeed oo aan xilweyn iska saarin dhaqameynta caruurtooda oo dhaqan celis ku samayn waxaan aad ula yaabaa dadka Pakistaaniga la yiraahdo sida adag ee ay dhaqan celinta caruurahooda ugu sameeyaan run ahaantiina hadii ay soomaaalida sidaas oo kale ay sameyn lahaayeen ma dhacdeen tan maanta taagan oo ah gabdhaheenii oo GAAl IYO JAMEYKAAN ka dhargay iyo WIILASHIINEE oo dhagodhago leh dariiqyada yaacayaan.

TALO.
waa in la abuuraa barnaamijyo la dhaqan celin ah.
waa in dadkan wax garanaya ee soomaalida ay arintaan dib uga fiirsadaan.

wa bilaahi towfiiq.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.