site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hal Wax oo Soomaali Adduunkan Kusoo Dartay

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Hal Wax oo Soomaali Adduunkan Kusoo Dartay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
Ma jiraa qof haya wax Somalia ama qof Somali ah laga soo gaaray oo adduunkan lagu isticmaalo?

Cilmi iskuulada lagu dhigo?
Wax cusub oo adduunka lagu soo daray?
Qof soomaali ah oo billad aad u wanaagsan ku helay cilmiyada science/xisaab?

Waxaan ogahay inaan dhinaca faqiirnimada 1 - 3 mid galayno laakiin waddan ahaan ama dad ahaan wax lagu faano ma leenahay?

Maxaa waddankeena marka laga fiiriyo population over natural resources waxaan noqonaynaa wadamada adduunka ugu taajirsan lakiin naga dhigay sida aan nahay?

Cidii jawaab haysay mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

queenabu

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

ubax iyo fahiimo

ku: ali

aan kubilaawno marka horeeto soomalida waxaa lagu yaqaanay in dad diinta aad iyo aad u jecel yihiin. Sababtoo ah gumaystaha shisheeyaha markii uu kusoo duulay england and italy iyagoo isku dooban in ay iska eryeen iyagoo diidayow diin badalka, dhaqan roga iyo gumaysiga waxay na ku tuureen cududooda sida la ogyahay inkastoo laga hub badnaa. Soomaaliyana waa wadankii ugu horeeyay ee lagu soo weeraray diyaaradaha.

Faqiirnimada na waxaa keenikara danka oon fahansanayn habka wax lagu soo saaro iyo ayagoo jecel wax aan lagu dhibtoon in ay kunoolaadan tooda kaleentana xukuumadihii soo maray in kastoo ay kala xumaayeen. Mid kufakaraysay waxsoo saarka majirin midkasta waxay ku fakaraysay daneheeda gaarka. Taa waxaa ka darnaa oo wixii horeba kasii foolxumaa xaalada soomalia ay kusugantahy haday duligaasna ayagaa isku jaribay. Soomaalida oodhan ma aha qabqablayaash xukunka jecel dhinackastaba hajoogaanee. Iyagoo ee ku adeeganaayaan jukuumado shisheeyo oo neceb soomaalia hormarkeeda. Marka soomaaliyeey ka soo fakara danta soomaali wayn iyo sidii xal loogu heli lahaa maatada iyo caruurta soomaaliyeed intaa iyo nabadgalyo. wixii figrad ah ee aad haysiin soodira.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ARDAY

Unrecorded Date
assalamau alaikum

ali, saaxiib aniga wax award wanaagsan ku guuleystey ninkan soomaaliga ah ee afka english wax ku qora ayaan arkay, waa nakan.

Nuruddin Farah
(Somalia)

Prominent Somalian author Nuruddin Farah has
been named the 1998 laureate of the Neustadt
International Prize for Literature, often considered
the most prestigious international literary award
after the Nobel. Farah was exiled from his
country for two decades, returning for the first
time in 1996. Encouraged to write when he was a
boy by a young Margaret Laurence while she was
visiting Somalia, Farah became one of the first
novelists born out of this highly oral society. He
was named by Salman Rushdie as “one of the
finest contemporary African novelists.” His latest
novel, Secrets, tells the story of a Somalian
businessman living in Mogadishu on the eve of the
recent civil war. Farah continues to pursue his
lifelong goal: “to keep my country alive by writing
about it.”
nuradin wuxuu ilaa iyo hada qorey inta aan arkey 8 book.
Secrets (Arcade Publishing)
ps: su'aal aad u wanaagsan weeye waxaan filayaa
in walaaheena kalena wax nagu soo saa'idin doonaa(insha-allah)
nabadeey!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr.gurey

Unrecorded Date
salaan akhyaarta,

waxaan filayaa in aysan jirin waxyaabo badan oo farta lagu fiiqikaro oo aynu kusookordhinay aduunka,sabatuna siday ilatahay waa iyadoo dadkeenu ayan caado ulahayn in ay wax qoraan waayihii hore.
waxaase jira in taariikhda cudurka malariyadu(duumadu) ay meel kataabanayso soomaalida,oo
sanadku markuu ahaa 1855-tii ayaa nin ingiriis ah oo la oranjirey Richard F.Bruton wuxuu qoray mar uu soomaaliya tagey in dadka soomaalidu ay cudurka malariyada sabab uga dhigaan qaniinyada kaneecada,cadeynteeduna tahay iyagoo dadka reer miyigaahi geedaha dushooda dargo ama rako kasameystaan oy halkaa habeenkii seexdaan xiliga doogaa,si ay uga nabad galaan qaniinyada kaneecada.
soomaalidu waxay ogtahay buu yiri in xiliga doogaa ay biyaha dhulka jiifa kadhalato kaneeca badan isla waqtigaasna uu aad ubato cudurka duumadu.

waxaa kaloo xiisa leh in waqtigaa aduun weynihu aanu ogeyn xiriirka cudurkan iyo kaneecada(anopheles-ka)kadhexeeya iyo waxa sababa toona.

waaya kadib sanadkii 1897-dii ayaa nin dhakhtara oo kamid ahaa ciidankii ingriiska ee waqtigaasi kusugnaa wadanka hindia uu noqday qofkii ugu horeeyey oo si cilmiyeysan u diwaangaliya oo tijaabo kumuujiya in kaneecadu marka ay qaniinto qofka ay kutalaasho sababaha cudurka.
lagana yaabee in uu akhriyey qoraalkii R.Bruton,
intaanu sameyn tijaabada.
nabaadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Somalia waa waddankii ugu horreeyay ee jira dawlad iyo maamul la'aan muddo toban sano ah, lagana yaabo inayba ka sii badato, oo waxay beeniyeen in aan la noolaan karin dawlad la'aan.

Waa tijaabo lagu guuleystay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhayib

Unrecorded Date
waxay ku soo biiriyeen .... waxshinimo, dhac, boob, kufsasho, gaxashnimo. iyo mindless killing that has never being seen any where else in the world. plus starvation, skinny asses and zipped up pusses.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mati

Unrecorded Date
Adiga Hadaad soo toostaye waagii horene idaacada iyo in aad tagtid waad diiday.

Marka intan kuma soo koobi karno waxa ay soomaali ku soo korisay adduunka.

Marka casharkaas adiguu kaa maqan yahay ee raadso.

Waxaan had ku mashquulsanahay sidii loo toosin lahaa adoo kale oo gadaal ka baraaruga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAJISTE

Wednesday, June 14, 2000 - 12:05 pm
1- MA OGTAHAY INAANAHAY DADKA KALIYA EE IS KU DIIN,IS KU AF IYO ISKU COLOR AH, HOMOGENIZE.

2-DAD KA OGU SAFAR BADAN, OGUNA HOREEYAY SAFAR AFRICA.

3-DAD KA OGU BEEN BADAN OGUNA HADAL BADAN

4-DAD FAAN IYO KIBIR BADDAN

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.