site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Qolka Heesaha...................Iyo Faalka Xaaji.

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Qolka Heesaha...................Iyo Faalka Xaaji.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Imaqashii Immadadaali oo imaaweeli.
Halkan maanta waxaan ka furay marfishkii heesaha, Afkiinu yuusan idin ciilin heesa oo heesa oo nala heesa.
Kabeebeey, Waqooyi, Maaymaay, Dhaanto, shuutooy.
Aan idiin bilaabo eh iyo heestii bukaan socod:

Inuu beer Jacayloow
Kalgacayl ku baahiyo
Hadalada baroortii
Boogaha danqinayaan
Kugu baabay maqalay.
Baxnaanadu sidey tahay?
Miyaad weli bastaa tahay?
Allahayoow ku samo bixiyeey.
Caku beri samaadkii
Marka sheeko baraleey
Kaftan laysla beegsado
Ma barraarugtaayoo?
Boholyoow ma booydaa?
Wadnahaagu biimbiyaa
Bada weyn dusheediyo
Ka talaabay buuralaha
Ma u baaqayaayoo?
Weli maw baroortaa?
Bidh-dhaan uusan gaareyn bilicdeeda muuqa
Makadaba baqoolaa?
Bacadkiyo kuleylaha
Dhibta ma u badheedhaa?
Bidhaad ka garataayoo halkii bahal ku cuni lahaa
Tilmaantii ku bixitima
Miyuu baafiyaayoo?
Beelaha ka goobaa?

Bukaan socodka liita
Dhulka waa ku badan yahay
How baro nuglaan hawl
Cirka baaxadiisee.
Bahaadidaada adigaa
Adigaa dhibta baanan karayoo
Samo waxaad fileysana
Kuuma baaso geliyeen
Dabka kugu baxaayaa
Boholyow igaliyoo
Aan is iri bakhtiiyee.
Adaan kuu gurmanayee
Bash-bash iyo barwaaqiyo, badhaadhaan
Rajeeyee.
Adaan kuu gurmanayee
samir weel ka buuxso (Ooyaa!)
ayaan dantaadu bayilinee.
Adaan kuu gurmanayee...

Salaama.
Faalka Xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sidan maxaa kaa dhigay

Unrecorded Date
salaan dhab iga dheh faalka xaaji
war ninyahaow adigu maxaad tahay heeso iyo
gabayo badnidaa miyaadan shaqeysan mise waxaad
tahay kuwa iska qayila oo shabta gurta
tankale adigu gobelkee ayaad ka timid maxaase ku baray sida looga hadlo gobolkasta maxaad ahayd jaajuus
koley waxaad tahay nin weyn sababtoo ah madama aad xasuusato IMAQASHII I MADADAA
LUUL CALI HASSAN (LUUL) iyo AHMED HASSAN (COWKE) hadaba faalka iska tiiri shaqalada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxdo

Unrecorded Date
hi falka,

habayar bal hadii aad hayso miraha heesta la yiraahdo (qabrigii jaceelka)oo ay qaado saynab cige mahamad ii soo qor.

mahadsanid..............waa u jeedaa naxariista sida loo bilaway.................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Faalka Xaaji, ninyahow fanaan baa ba tahay, oo waxaan arkay wacdarihii aad ka dhigtay page ahaa " heeste baa heesaha ugu wanaagsan"
Arrintaa horta go'aan ma laga gaarey?
Aniga koleey sacabaada ayaan uu tumay heesihii aad horey inoo la wadaagtey:).
Keep it up bro!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANON-MOUS

Unrecorded Date
TO F-G

SALAAN FAHMAY KABEEBEEY IYO DHAANTO OO WAA MAGACA CAYAARTA. BALSE MAAN FAHMIN WAXAAD KAWADO WAQOOYI IYO MAAYMAAY. WAQOOYI WAXAAN U AQAAN DEEGAAN, MAAYMAAYNA LUUQAD LAGU HADLO. BAL SOO JILCI HADA WAXAAD UAGA JEEDO?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Annon

Unrecorded Date
hey faalk i liked heesta aad pagka kale ku soo qortay ee ay qaadaan Sahara Ahmed iyo Hassan Diiriye

Sida iro geeloo irmaano ilmaheedii weeydaan u ololaa

Thnks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BP

Unrecorded Date
alla FAALKA maxaan kula yaabaa ......waligaa ma hees uunbaad ka hadli .......gadaal ka gaadh waaxid ........waraa aduunkan rag samada doonayo inuu u guuro ayaad adna hees ka hadli .......bro ha habsaamin .......OK ........LOL@@@@@@@@@

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

macaane

Unrecorded Date
faalka ina xaaji guray

ani iyo manaxdo noo qaad qabrigii jaceelka pleace.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaan Akhyaarta.
Suban Somalinet baa naga masaxday iyadoon weli la dooran heesta.
Habaryar Manaxdo bal waan kuu soo dalaali doonaa inyar isug fadlan. waana aan arkaa naxariista. beerkaaba i butaacay.
macalinka Saan-Maxaa-Kaa-Dhigay-yaa?.....Ma oji walaahi ii sheegbo adi..
Bro.Anon-Mous: Af Waqooyi ama Af Maaymaay no....see camalkaa adi? Kakanka is dhaaf no isjilci macalinka.
Annon Thanks Sis/Bro. heestaa (Sidii eyra geel oo irmaan) waaban ilaaway cidii qaadi jirtay.
Mahadsanid inta aad igu soo korhdisay.
Bp saaxiib qurbe ayaa la joogaa markaa waa in aan afkeyga ilaashadaa si aanan ugu noqon halkii aan beri dhoweyd joogay ee markii aan labo kalmadood oo Soomaali ah is daba dhigo xabad ingriis ah dhex gelin jiray. oo afkiiba iga lumay,
Markaa haddaad kuwaa daba geleyso u qaxaya dayaxiyo daruurahaa sare, sii soco waan kaa daba iman doonaa marka aan heestan dhameeyo eh.

Isaga:
Agagaarka wadnaha haddaadan ku ool, aqoonteydu ereyba ma keenteenee.
(*_*)
Asluub badaneey
ammaan badaneey
sidii ubaxii udgoon badaneey
waxaan Idileey ku oon bixi laa, ku oon bixi laa;
anigoo Idileey aroos kula gala
Adigoo oorideeyda noqdoo ubad dhala
ilwaad quruxeey, ilwaad quruxeey, ilwaad quruxeey.

IYADA:
Oohinta indhahaygii aan baranin, aday aawadaa u ilmeeyaanee.
(*_*)
Asluub badanoow
Ammaan badanoow
sidii udgoon badanoow
Waxaan Abiyoow ku oon bixi laa, ku oon bixix laa;
Adigoo Abiyoow aroos ila gala
anigoo ooridaada noqdoo ubad dhala
ilwaad quruxoow, ilaad quruxoow, ilwaad quruxoow.

ISAGA:
Ilhaamta saxahayga haddaadan ahayn, ayaan walba kuma ammaaneene.
..............(Kuceliya asluub badan (*_*)).......

IAYADA:
Ayaanteydu waa anigoo ku arkoo, aroor walba aan ku eegtaaye.
............(Ku celi asluub badan(*_*))..........

ISAGA:
Intaan uumanaa abidkey abibdkey, adoo kale uunka kuma aragee.

IYADA:
Uurkeygu wuxuu qaboobi lahaa, asaagay waxaan ka aarsan lahaa;


Salaama.
Faalka Xaaji.
Ps: Meesha keligey yaan la igu eegine howsha ila qabta,
Mudaneyaal iyo marwooyin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jeego

Unrecorded Date
Faalka - afkaaga caano lagu qabay. Abwaanka heesta hore (sheeko baroleey) qore oo aan magaalo wada deganahay waa inaan warkaaga gaarsiiyaa! Job well done brother and keep it up.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Jeego mahadsanid walaal bal shaqo yar iiga soo raadi si uu labo heesood iigu dhiibo, codkeygaa ka darane.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

macalinka weyn

Unrecorded Date
to faalka
saxib aad ayaad u mahadsan tahay heesan aad
ayaan ugu baahna aad ayaana u jeclaa in aan

hello qof sidan iigu soo qora balse hada hadaan ku hellay -for free- waa ilaahay mahadii marka saxib su,aal hadaan ku weydiiyo adigu ma waxaad ahayd hobalada
waaberi ee somaliya xagee ayaad ka soo baratay heesahan halaaga ah waxaan ku weydiiyay codkaadu siduu yahay cod fiican haddii aad meesha ku heyso shaqo ayaan kuu hayaa ee ila soo xiriir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxdo

Unrecorded Date
faalka ii soo raadi heesta hadii kale qabri aan galaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonBig

Unrecorded Date
Faalkoow waxaan ku leeyahay: Hees walbood qoreysid, fadlan, iskuday inaad carabku kudhufatid abwaanka ay heestu maskaxdiisa kasoo maaxatay iyo waliba (haddaad awoodo) hanaanka iyo isku dubadhaca musiga heestaas qolada ka dambaysa! Waayo, dadku badanaaba waxay yaqaanaan shaqsiga heesta qaaday ee marnaba isma weydiiyaan 'yaa alifay heestan macaan?' iwm.

Meanwhile, afkaaga Coca-cola lagu qabay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luul

Unrecorded Date
To Faalka

Titlka waxaa laraby in aad ka dhigtid *I aragsee imadadaali* king igu salaan and ask him how is the hunting going

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Macalinka weyn meesha iga dir saaxiib , shaqo halay soo raadiyo.
Manaxdo waa yahay habaryar Iinsha Allah.
AnonBig Saaxiib runta waaye 100% Laakiin maxay kugu taal Soomaalida badankood hobolka iyo riwaayaday ku jirtay heesta ayay yaqaaniin oo keliya. Laakiin dadka soo booqanaya ayaan kasii codsanayaa inay taas iga caawiyaan. Waadna ku mahadsan tahat Coco Cola-ha.
Luul Saaxiibkaa King514 Italia iyo bilcaan raadis aa la galay, Waa ka war suggeenaa. Nafta ka waran?

Haye hadana dagaal aan bilaabaa (Ragoow wax halayga cesho haddii oo kab iyo wax kale soo faniinaan)
Waa tanaa Heestan waxaa qaadi jiray fanaankii Maxamed Nuur Giriig, Ninka alifay iyo kii naxashka Lol@@ saaray halayga caawiyo.

Hoh-heey Dumarku: Waa hadh qaboobe damaalo hanfi iyo dabeeyl leh.
Hurintii rag uunbaa inta ay ku hagaagaan samo laga helaayee.
Inta kale huf weeyaan hadba gees u kacayee.
hoh-heey Dumarku: Waa adoo haraadan biyo kuu hiraayee.
(*_*)
Hoh-heey Dumarku: Waaa hediyo laayaan ragu ka hari waayeen...Hoh-heey: Waa adoo haraadan biyo kuu hiraayee...Hoh-heey Dumarku.

Hoh-heey Dumarku: Waa howlaha aduunyada hilin loo maraaye.
Waa kuwa halyay nina nacas soo hormariye hanti kugu jeclaadee.
Huqda iyo dhibaatada kugu soo hagaajee.
Hoh-heey Dumarku: Waa adoo haraadan biyo kuu hiraayee. (Ku celi (*_*))

Hoh-heey Dumarku: Waa hurgumiyo xanuun kugu hoos jiro.
Booraamo hadimiyo hogag lagu dhacaayo ku hantaaqa weeyee.
Hal adeeyga waa duul habeen lagu talaalee.
Hoh-heey dumarku: Waa adoo haraadan biyo kuu hiraayee. (Ku celi (*_*))

Hoh-heey Dumarku: Waa hamma been ah iyo riyo ku hor timaadee.
Waxay hayb wadaagaan kolba dunida heerkii galabtaa hillaacee.
Marba waxa hor jooga ayaa ugu hagaagsan.
Hoh-heey Dumarku: Waa adoo haraadan biyo kuu hilaayee.

Salaama.
Faalka Xaaji.


Akhris wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

macalinka weyn

Unrecorded Date
to faalka xaaji saxib aad ayaad u mahadsan
tahay mar labaad markii hore waan iska daayay oo waxaan is laha gabdhaha ayuu codsiga ka ogolaada balse waxaan kaa codsanaya in aad ii soo heshid heesi
CEELBUUR KU YAALE ee uu qaaday SALAAD MOHAMED SHARDI (DERBI) THANK YOU IN ADVANCE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaafia

Unrecorded Date
Salaan dhamaan, Faalka meesha way kugu cidleeyeen sidee wax u jiraan bal aniga aan heesahan ku daro qolka. Heestan waxa qaaday Marwa Maxamed iyo Tubeec qofka alifay runtii mahayo balse iga gudooma iyana.

"Dumarna fiiro laga roone"
**************************
Marwo:
Dadku wuu is diidaayoo
oo dabadeed heshiiyaayoo
oo iyagaoo dan qudha wada
midba doorsi moodaaye
ee iidulqaado adiguna e
************************
Tubeec:
Daacadaa la raacaayee
aday dagay markii hore e
dumarna fiiro laga roone
waan se kaa digtoonaane
waxba dulqaado hay odhane
************************
Marwo:
Diiriyoow Walaalnimo eh
dadnimadaan wadaagnaaye
nin inaabti daacadahoo
damqadaan ku moodaayee
waa se layku kaa dirayee
************************
Tubeec:
Markii aan dedaysnaaye
ina wada duduubahaayee
ee aan dareemay caashaq e
waadigii ku digo yidhiyeey
ee nabsigiina qudha dhigayee
**************************
Marwo:
Sida dhadhabta buuraha e
ama dhagax duleed yaale
dundumaad malaha tahayee
hadala kaama daadego ee
ee waad i daalinaysaaye
************************
Tubeec:
Oo nin dabeecad lahaan ahayee
hadalku uu ka daadago e
dakeeyaana tan doonayne
wuu isii dulmaraayahaye
ee dib dambeeto ha ii odhane
***************************
Marwo:
Dadku wuu is diidaayoo
oo dabadeed heshiiyaayoo
oo iyagoo dan qudha wada
midba doorsi moodaaye
ee ii dulqaado adiguna e
**************************
Tubeec:
Daacadaa la raacaayee
aday dagay markii hore e
dumarna fiiro laga roonee
waanse kaa digtoonaanee
waxba dulqaado ha i odhane
**************************

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaafia

Unrecorded Date
Heestan waxay ka mid ahayd heesihii ku jiray riwaayadii "Waraf iyo Shimbiro War isuma hayaan." waxaana kuwada luqeeyay Xasan Adan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac, waana tan heestii.

Sahra:
Dawadii naftaydoow bal aan kula dar-daarmee
Nabada aan ku leeyahay ku daabaco qalbiga oo
weligaa hasiideyn,duushayeey allow nabadeey
Qoraxduna dalaalnimo
caashaqana daadihi weligaa hasiideyn.
****************************************
Samatar:
Darmaantaan jeclaayey bal aan kula dar-daarme
dantu wada jir weeye docdaada yeyka baylihin
anna teyda igu daa
dunidoo barwaaqo aheey, dalka nabad kusii jooge
caashaqana daadihi weligaa hasii deyn.
****************************************
Sahra:
Dayixii iftiimow bal aan kula dar-daarme
dumarka adoo kale taa hesha madaysee
dooqaaga ka adkow
duushayeey allow nabadeey qoraxduna dalaalnimo
caashaqana daadihi weligaa hasii deyn.
****************************************
Samatar:
Daymada u rooney bal aan kula dar-daarmee
kuwa loogu dowgalay labadii isdoortee
kala dila dadka is jecel
ayaanay isku keen dirine
dalka nabad ku sii joog
caashaqana daadihi weligaa hasiideyn.
*************************************

enjoy it guys:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saadeq

Unrecorded Date
Kaafia iyo Faalka, thanks for the memories! Here is one of my favorites by Axmed Cali Cigaal:

Ilkaheeda dhuuxa ah
Indhaheeda dhayda ah
Dhabankeeda curubta
Sunniyaha bildhalatiyo
Sida qaanso lagu dhigay
Timaheeda dhuxusha ah
Barkood dhaafay dhabarkiyo
Barna soo dhacaynee
Laydhu ay ku dheeshiyo
Midabkeeda dhiinka ah

Ma waagoo dhalaaley baa
Ma dhibicseer ma weydaa
Ma dhallaan la jecelyahay baa
Ma xalay ubax dhashoo
Dhegaha fidiyoo
Ka Dharqaday xareeroo
Dharabkii ku yaalbaa
La Dhacaaya qosol baa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Kaafia iyo Saadeq Afkiina cheese burger with large fries lagu qabay.
Habaryar heestii xaaskeyga ayaa archive-ka kaaga doontay ee adigoo raali ah heestan kale ku sug.
Macalinkaweyn Salaad darbi heesahiisa oo dhan aabo ii gooyay no. Sorry Bro. dadka kale aa nagu caawin doona heestaa. fanaaniinta iga maqan uu ka mid yahay macalinka.

Heestaan XUSUUS waaye akhyaarta.

Ninka:

Beri hore waxaa jiray:
Inan timaha dabtoo
Baarkana u tidicdoo
Boqorkiyo dhaclo iyo maro beylah xiratee.
Wax badalay kuwii hore
balo geeso dheer oo
buul madaxa saartoo
suuqa baratamayee.
Naa bi'isay dhaqankii
sharcigii ka beydhoo, diintii burburiseen
Habloow mays badh qabataan.

Gabadha:

Boqol sano horteed iyo
Beri hore wixii jiray
Ee layska baal maray
Budunkii dib how qaban laga soo baqoolee.
Hadaan baratano orod, bisha iyo cadceediyo, beesha naloo horseeday aanu beegsaneynaa.
Horta baro tacliintiyo, buugiyo dhigaalkoo
Badowyahow dib ha u celin dadkan soo baraarugay.

Ninka:

Beri hore waxaa jiray:
Inan aan bil iyo labo
Hadal kaaga bixinoo
Ragu baadi goobaa baryo arag ku weydaa.
Wax badalay kuwii hore:
Casarkii dar baxayoo
Kiish buuran qaatiyo
badhcad dibada meertee.
Naa bi'isay dhaqankii
Sharcigii ka beydhoo
Diintii burburiseen, Habloow mays badh qabataan.

Gabadha:

Illaahii bad iyo wabi
Biyahooda dhaarshee
Meel kula balamayee
Dhulkan baaxada leh iyo buuraha rakibay baa:
Bini'aadam sidiisaba ruuxba cayn u beeroo
Waad baadiyoowdee cidi kulama beydhine.
Horta baro tacliintiyo buugiyo dhigaalkoo
badawyahow dib ha u celin dadkan soo baraarugay.

Ninka:

Beri hore waxaa jiray:
Inan baarax geel iyo
Faraskii baax wadaag
Yarad looga bixiyaa, buduuqana la raacshaa.
Wax badalay kuwii hore:
Isu boga badh maqan oo
Bahdii ay ka dhalatiyo bayilisay waanee.
Naa bi'isay dhaqankii
Sharcigii ka beydhoo
Diintii burburiseen habloow mays badh qabataan.

Gabadha:

Barax geel ah iyo faras
Iyo boqon yaraha adhi
Hablihii lagu badali jiray
Diinta aynu baranay iyo ma baneen kitaabkuye.
Booli quuteyaashii
Beecsan jiray haaweenkiyo
Baxasoorihii tegey maanta looma baahnee.
Horta baro tacliintiyo buugiyo dhigaalkoo
badawyahow dib ha u celin dadkan soo baraarugay.


Akhyaarta heestan kor aan ka qoray miraha haddii qalad ku aragtiin halayga caawiyo.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaafia

Unrecorded Date
Salaan dhamaan, Faalka and saadaq mahadsanidiin.
Faalka heesta aad qortay waxa kuwada luqeeyay Axmed Jaamac Joof iyo Maryan Mursal I guess inay ku jirtay ruwaayadii ahayd Miyi iyo Magaalo. Macalinka wayn heesta ceel buur ee uu ku luqeeyay Salaad Maxamed Shardi(Darbi) waatan.

"CeelBuur"
*************
Culays uma dhaqaaqdoo
mana cararto, cagta socodka
kuma cidee way cidhibsataa
ceeb male yartaniyoo
quraankaa cadeeyoo
caynkeeda oo kale la cadaabi maayee
waa curad ninkii dhalay
laga siiyo cuudoo
waa curad ninkii dhalay
mahad looga celiyaa
cududaha gacmaha cidiyaha faraha
casarkii cadceedoo godka cidhifka
gelisoo kasokeeya caadoo
falaadh wada casaanaa kucadaysay baalaha
****************************************
Ama laanta canabkoo hoobaan la ciirtiyo
cambaruud bislaadiyo
cagaarkoo iftiimiyo
caleen ubaxa bixisoon
cidi daaqin weeye
ilaa cidhibta hoosiyo
tinta caaradeeda cad
xun ku arki maysidee
waxa ay la cayn tahay
***********************
Cidla lama amaanee
sida geed caleenoo
cosob uu ka baxayoo intuu roobku curanyahay
laamaha caleentii
ay midba cayn tahay
lagu wada ciyaaroo, loo ciid tagoo
caano nabadloo ceel buur ku yaalay
caynkiisa leedahay
*********************************
Mac cel-celiso hadalkoo
runta kama cabsootee
carab-dalable calool weecsan
kugu lama caweyso
cayn kastaba u eegoo cadho ku arki mayside
cid waxay ku dhaaftaa kolay
camal samaantee
waa curad ninkii dhalay
laga siiyo cuudoo
waa curad ninkii dhalay
mahad looga celiyaa
************************************
Cududaha gacmaha
cidiyaha faraha
casarkii cadceedoo
godka cidhifka gelisoo
kasokeeya caadoo
falaadh wada casaana
ku cadaysay baalaha
******************************
Waxa ay la cayn tahay
cidna lama amaanee
sida geed caleenoo cosob uu
ka baxayoo
intuu roobku curanyahay
laamaha caleentii
ay midiba cayn tahay
lagu wada ciyaaroo loo ciid tagoo
caano iyo nabadloo
ceel buur ku yaalay
caynkiisa leedahahay
**************************

I hope you enjoy it Macalinka wayn

* hadii aan wax qalday raali halayga noqdo waadna isixi kartaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

macalinka weyn

Unrecorded Date
to kaafia
abaayo aad ayaad u mahadsan tahay heestan aad ayaan ugu baahna cid taqaana waayay haddii aan ku arki laha aad ayaan kuugu abaal gudi laha laakiin koley aad ayaan u kala fognahay mahad sanid markale
kaafia quruxban allah ya cizak
CEEL BUUR KU YAALE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

pharah

Unrecorded Date
salaaam
dhamaaan waan ka helay heesaha halkan ku yaal
kafiya armaad tahay tan la soo sheegay ,faalka xaji shaqado wacan, macalimka wayn ku raxeeso ceelbuur geedkii ku yaal.
faalka keen heestii ahayd xamar daawo dacalada .


by pharah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu caleykum!

Ku: Dhamaan

Walaalayaal waxaan idin xasuusinayaa, in aad Allihii idin abuurtey ka cabsataan.

Walaalayaal inta aad heeso waxba idiin taraheyn soo dhigeysaan, soo dhiga wax KHEYR leh oo idinka iyo inta soo booqataba anfacda.

Ma ogtihiin in Aakhiro la idin weeydiin doono waqtiga & waxaad ku dhumiseen.

Waxaan waa aduun, Waqtiguna waa is-gurayaa Naftuna waa kadiso baas ee ha la is-ilaaliyo, kheyrkana halagu dadaalo.

- Is xisaabo inta aanan lagu xisaabin.


Waxaa laga yaabaa in dadka qaarki i dhibsadaan, haddiise SAAS jirto, kaan dhibay ha iga raali ahaado.


,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

macalinka weyn

Unrecorded Date
to kaafia
walaal hadana adiga oo mahadsan mar kale
miyaad heysaa heesa la yiraahdo BARO RIYAAQ
EE UU QAADAY ABWAANKI SAYID KHALIFA OO
UUNA ALIFAY ABDULQADIR XIRSI (YAMYAM)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Ka socota, dhalinyaro jacayl lagu abuuray, laga soo dhoofoo la ilaaway.


Laba sooryo wada cunay
sahan dheer wada galay
saameeyey caashaqu
mid hadduu socdaal tago
sanado dhawr ah
maqan yahay
salaantiyo jawaabtii
kankalaa sugaayoo
ilayn waa sadkiisee
kii aan sugaayee
saygay ahaayoow
isugoo yaanan soo noqonin
sidaa lama amaanayn
sal fudaydina maayee
bal aan saadsho maantana
siday noqon alaa oge

suul dhabaale waayeel
marna laguma sabo
oo sida sabi caruureed
kuma seexanaayee
sunay aniga ii tahay
subixii inaantago seeraha
kasoo jaray
ubaxaan ku saaree

kii aan sugaayoow
saygay ahaayoow
i sugoo yaanan soo noqonin
sidaa lam amaanayn
salfudaydina maayee
sahalana amuuraha
bal aan saadsho maantana
siday noqon alaa oge


Abwaan Maxamud Ali Filsan 1975
Laxan AxmedGacayte
Codkii Sahra Ahmed jama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mashquul

Unrecorded Date
Ka socota, dhalinyaro axdi lagaga baxay
Dhirtu waxay la ciirtaa
dhulku qaadi waayaa
dhagaxuna ka ooyaa
baddu dhiig ilmaysaa
cirku
dhibicda daayaa
ballan ruux intuu dhigay
dhayalsday dabeedoo
wacadkiina dhaafee

dhibi waxay timaadaa
dhagar loo maleeyaa
dhaqankuna xumaadaa
dheguhu maqalka diidaan
nafluhuna ka dhididaa
balalan ruux intuu dhigay
dhayalsaday dabeedoo
wacadkiina dhaafee.

Abwaan Cismaan Askari 1978
Laxanka Awees Goobe
Codkii sahra ahmed jama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Waah-Waah Akhyaarta ii wada sheekada.
Kaafia, welldone Sis.
Weligaa tiyaatarka tigidh ma ka jartay?
Walee waa la yaab ee inantan Kaafia waalidkii dhalay ha la ii sheego aanu Macalinkaweyn uga doonnee.
Halay dhiibo Asprin aan heestii GUFAACO dhag kaga siiyee.

Waa Boqorkii: (Boqorkee? Yaa kale? Boqorkii CODKA!) Maxamed Suleybaan TUBEEC.

Isguhaadshayeey
Inta aan guntaday...Guc la roorayeey
Godobtey nin qabaan garan waayee.

Aniguna garaadkey, kaa gaabsan waayee...
Adna garashadaadii, ii garaabi weeydee.
Dhibtan aan galaayana i gargaari meyside
Gudcurkaan habeenkii dhaxanta iyo Gow-laha
Aan awadaa go'doomee.

Naftan Gu' iyo jiilaal biyo gaadhi weydey...
Waa guul aroortaa sida, geel hur weyne.
Gelinna isma taago oo weli maan gayoobine,
Waa loo garaabaa ruuxa gaabinaayee,
aah! Gacalnimada eego.

Inkastoo nin geesiyi Rag u geed adeegyahay...
Hadaan garabka lala qaban guri oodi maayee.
Gamca maran Illaah baan guudkood xil saree,
Sida geyi abaareed, Cawl gooni daaqaan,
Aan Awadaa go'doomee.

Gufacaale roob oo Guux iyo dabayl leh...
Halka uu i geeyaba gacankii ii qaadeey.
Garanna maayo meeshay godobtu iga raacdee,
Waxaan geestay mooyee, Ifkan dhibi i gaadhee,
aah! Hadalna wayga go'an yahay.

Salaama.
Faalka Xaaji.
Codsi:Pharah, Saaxiib heesta ma fahmin, ii soo jilci plse...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Faalka X, heestan bal iga qabo culayskeeda.

Armuu caashaqaagu
cududaha i jabiyaa
armaan ciida diidaa
cirkana qaban waayaa
cilmi iyo sidii qays
armaan cudur ku raagaa
cadho iyo dhibaatiyo
armaad ciil igalisaayeey
caloolyoow daraadii
armaan caynad guuraayeey
inkastoon calaacalay
calafkaygay noqotee
cimrigeena waxa hadhay
caynkaad iila wayntahay
inaan kuul culusahay
ayaan kaa codsanayaa


Cantar hawlihiisii
armaan cagaha saaraa
sidii ceebla oo kale
armaan ciil ku raagaa
marwo lagu cayaaraa
rag u caado noqotee
cadho iyo dhibaatiyo
armaad ciil igalisaayeey
caloolyoow daraadii
armaan....
.........


Maryan Mursal Ciise

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaafia

Unrecorded Date
Salaan dhamaan
Pharah maxaa ka wadaa tii lasheegaayay maatahay? Soo jilcibo warkaas ma kasine.

Faalka tiyaatarka tikid ma goosatay lee may kaa joogtaa..lol Inantan kaafia ah waalidkii dhaly burco boodhwayn bay joogaan..lol
Macalinka wayn aboowe heesahaas waayadan wax dhageysta ma maqal anigaab raba hadii aan helaayo cajaladaha Sayid khaliifa; sorry mana wada xifdin.


Deeq ilaahay baa leh
dowladnimo soomaali baa leh
dalkeeniina weeyaan ku
dalxiis macaanaa
ku duunyo dhaqasho
wacanaa aaaaah aah

Waayo waayo bay ahayd caynkaa waa xusuus lama ilaawaan ah:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luul

Unrecorded Date
lii&di

Qofyahow xulkaaga kama liito kan kaafia faalka xaaji qaas ahaan heesta ay sahra qaado I wish in aan cajaladeeda haysan lahaa, man umalaynaynin in ay sahro qaado

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JARAR

Unrecorded Date
Bal hadda tanna meel u raadi Mr F-G.


Midbaa gaari daacada helay
waliba darsin ubada dhalay
Haddana aan daryeel u fidin
midbaa deeqaduu jeclaa
Calafku isu doorayoo
haddana meel inuu la dago
Wakhtigu isu diidayoo
sidiisii doob ahee

Duniyay duniyay how duniyay.

Midbaa daaro iyo fooq
raaxada daqadaha furtoo
halkaa ku dakaynayoo
aan dariskiisana ogayn
hambada daadinahayoo
midbaa hoostiisa daranyiyo
xanuun darbi jiifa oo
haddana nolol doonayee

duniyay duniyay how duniyay

midbaa diintiyo xaqiyoo
kataab dalacanayoo
sunniyo faral wada dukada
dulmiyo eexna aan samayn
midbaan daahirin jidhkiisoo
intuu maan dooriyiyo
sakhrada isku wada daruu
dugaafado jiif noqdaa
dadkiisuna uu nacaa
ifkana ku dambaabayee

Duniyay duniyaya how duniyay
duniyay duniyaya how duniyay

cabdi baadil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Unrecorded Date
ku.faalka.
ilaahay calooshaada iyo afkaaga malax ka buuxi,sida aad heesaha uga buuxisay hadaadan ka toobad keenin.
inta aad u horseeday waxaana qiyaamaha ku qabsade.oo danbigooda dusha lagaa saar.jidka xun ee aad halkan ka furtayna intii soo gasha oo kugu darsata danbigooda meel aad kala geyso waa.
war ninyahow sow wax xishoonaya oo wax isku falaaya ma ihid maxaad inta aduun la marayo adoo ciro kugu taal dabada u ruxaysaa, meelkale oo aan akhriyay afartan ku dhawaad baad qiratay.inaad labatan qarsatayna waa laga yaaba.
hadaan khayr iyo towbad laguu qorin sharkaaga umada alaha ka qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Anonymous jaahil baa tahay, ee orod oo adaabta la socoto Islaanimmadda baro. Aflagaado iyo habaar wax sheegid ma aha. Haddii aadan aadab iyo asluub aadan laheen cidna wax uma sheegi kartid.
Faalka Xaaji cafis weeydiiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Akhyaarta waah waah waxaasaa jacayl ah.
Lii & D iyo Jarar afkiina hadba waxaad jeceshihiin iyo wax ka fiican lagu qabay.
Kaafia walaal waxaan ku idhi ma tiyaatarka ayaan tigidhada goon jirtay sida aad heesaha u taqaan yacni?
Anon, waad mahadsan tahay saaxiib meesha adaa security guard ka wixii hada ka danbeeya.
Luul heestan iska qabo.
Waxaa qaaday fanaankii weeynaa ee Maxamed Nuur Giriig.
Ku raaxaysta


Jacayl waa balaayo,
Waa baaxad sooroo,
waa anigan bastayee.
Markaan bilan helaa buu
iga bi'i lahaa yoo,
ayaday bogsiisee.
Bar wad-na-ha- ku taaloo
igu baahday weeyee.
Boodhari sidiisii,
bara-shada- jacaylkanaaaaaaaa...
ayaday igu beertee.

Been laguma heeso,
runta lagama beydhee,
waa loo badheedhaa.
Cilmi kuu la balan balay,
ee Qays la baaba'aa,
ana igu balaadhee.
Bar wadanaha ku taaloo
igu baahday weeyee.
Boodhari sidiisii,
barashada jacaylkana
ayaday igu beertee.

Ayadoo habeen badh ah,
intaan soo baraarugay
baalaha ka eego.
Markaan bixiyay faynuus,
ileyn baabah weeyee,
barkimadeyda maagoo.
Bar wadnaha ku taaloo
igu baahday weeyee.
Boodhari sidiisii
barashada jacaylkana
ayaday igu beertee.

basarka iyo jaahiyo,
bilicda iyo nuurkaa,
waa waxaan u bogayoo.
Ugu beer raqaayoo,
nimey biyo u keentaa,
bil ku soomanaadee.
Bar wadnaha ku taal oo
igu baahday weeye,
Boodhari sidii,
barashada jacaylkanaa
ayaday igu beertee...

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Halka uu ka nuuxsado
hadii nabar ka soo baxo
dadku wuu nuglaadaa
naxdinta iyo jacaylkuna
markay kugu nagaadaan
naafaad la noqotaa
anna dhego nuglaantaa
intaan naawilaayaan
aduunyadii ka noogee
sida neefta weylaha
neecawda caashaqa
hawada ka nuugaa

naqa guga nimcada taal
naylo doojiyaha da'ay
dadku ay ku naaxaan
manastoo aniguna orod
neeftuurka xuurtada
kaa daba nucleeyee
manaxaan jacaylkuna
siduu iigu dulnaban yahay
nasiinaba ka waayey
sida neefta waylaha
neecawda caashaqa
hawadaan ka nuugaa.

Midhihii Abdulkadir Xirsi Yamyam
Laxankii iyo codkii Ahmed C Cigaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
War Lii & D adna midan iska qabo saaxiib:

Waxaad jeceshay lama helo nafteeydaay,
Wax ku jecelna diidee.
Ma ogtahay janada udug,
nimaan jirib usoo marin,
sahal lama dhex joojee?
Haddaad jamato geed adag,
oonad hayn wax kuu jara,
jebin meyso gacantuye?
Haku daalin jeedaal,
indho sooma jiidaan
qalbi kaa janjeedha.

Lugta jeeni dhaaftaa, nafteydaay,
way jabtaaye ma ogtahay?
Webi soo jilbaday iyo
bada jaw leh ma ogtahay,
caga lama dhex joojee?
Haddaad jabato cadawgaa,
iyo ruux ku jiidhneceb,
hadhka looma jiidee?
Haku daalin jeedaal,
indho sooma jiidaan,
qalbi kaa janjeedha.

waxaad ciil la jiq tidhi, nafteeydaay,
Ma uurkan samada jeegaa?
Nebi Khadar jidkuu maray,
adoon jaate u lahayn,
ayaad jiidh isleeday.
Biyo nolosha jiira iyo
ceel Buul dul joogsaday,
mala jabaqsan mayside.
haku daalin jeedaal,
indho sooma jiidaan,
qalbi kaa janjeedha.

Maxamed Axmed Kuluc.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MANAXDO

Unrecorded Date
FAALKA,,,,,,,,,,,,,,,,,,(ILAA IYO GOORMA YAQAYOO),,,,,


QABRIGII JACEELKA..........(SAYNAB CIGE)

QABRIGII JACEELKA;

QABRIGII JACEELKA....................


WAR QOFYAQANO MALEH MIYAA HEESTAAS NOO SOO QORA AMA NOO SHEGA MEEL AAN UGU HAGAAGNO ILEEN IDINKA AYAA AH ...............FANAANIIN................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Faalka Xaaji
Duqa ani mugoo dookhaaga waa ka danbeeyaa.

Cosobraagay geeluba
marbuu ciinka daaqaa
caal iyo xadhaadh leh
anna kama calool go'o
casho midaan is aragnoo
dhakhso ii cajebiyey
kii aan calmadayeen
carro edeg ka doortaa
imariyey ceebtaa
caqlidaran naftaydaay
carcaraaf imarisaye
sideen caawa yeelaa


Rag cadaaday baa yidhi
hadaad ii cuq badan tahay
cadho waayi mayside
anna ciil kama koro
mana daayo caashaqa
cabashana ma waayee
kii aan calmadayeen
caro edeg ka doortaa
imariyey ceebtaa
caqli daran naftaydaay
carcaraaf imarisaye
sideen caawa yeelaa


cuudkuba dharaar buu
jiilaal cadaadiga
afka caws la waayaa
anigan cir ii da'ay
markii aan cab idhi
sow ceeryaamo muu noqon
kii aan calmadayee
caro edeg ........
.............
.............

Sahra Ahmed Jamac
Waxaanse jeclahay markuu ku luuqaynayo
Maxamed Mooge Liibaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

macalinka weyn

Unrecorded Date
to faalka xaaji
duqa aad ayaad u mahadsan tahay haddii aadan iman lahayn bal yaa sidan inoo mada
daali laha caawa waxaan joogay magalada suuqana aad ayuu iiga soo xanaajiyay laakin
markaan hadda guriga imid oo aan arkay heesa wanaagsan ee aad soo qortay ayaan iskaba qaboobay marka saxib qadada waa aniga berri haddii allah idmo
waxaanse ku weydiiyay muxuu ahaa midkan
inkaarta iyo aflagaada badani ma heesahada ayuu ka maseray mise mooryanti ayaa soo garacay oo waaba waashay mise aqoon ayuu kuu leeyahay mise waa kuwii diinta ku waashay marki la dhacay war ninka dabagal
oo soo ogoow waxa uu ka kululaaday
intaa iyo nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Macalinkaweyn, Ninkaas iga dhaaf tabar ma u haayo saaxiib. (Xoog badanaa macbuudkee)
Macalinka Lii & D warkaaga isii: Labadeena yaa duq eh aniyaa mise adi horta?
Haye hee tana iskarawa
(Lol@@ iskarawa aan dhahay no)
Heestaan shaqada qaranka aan kusoo xasuustaa. Jidka aan kusoo maray. From Hargeysa no.
Boqorka weyn..... TUBEEC no! lee...

Dhool da'ay la moodyeey,
waan kugu dhadhabayaayeey.
Dharaarteynu kulanaa
dhulku ila wareegee.
Dhimasho iyo nolol baan weli kala dhex joogaa.
Dhankii aad imarisaba, kuu dhiibay, kuu dhiibay taladee.
Adna haygu dheereyn
Dhibaatadan ihayso
iisoo dhaweeyoo,
aan dhameeyno xaajada.

Dhebid baxay la moodyeey,
waan kaa dhur sugayaayeey,
Dhawaaq aan jecleystaan
dhakhso kaaga filayaa.
Dhayal how malaynine weyga dhab caashaq weeye.
Wadanay i dhufanayoo, dhiiga iga, dhiiga iga, nuugayee.
Adna haygu dheereyn
dhibaatadan i haysoo
iisoo dhaweeyoo,
aan dhamayno xaajada.

Dhal wadaad la moodyeey,
indhaha ku dheygaga ee,
dhabanada hilaaciyo
dhoolo ka qosolkaagee.
Dhaqaaq-joogsigeygaan
dhalaan-furinaya yaab.
Yuu ku dhaafin hadalkuye ii dhaga, ii dhaga, nuglooboo.
Adna haygu dheereyn
dhibaatadan i hayso
iisoo dhaweeyoo,
Aan dhamayno xaajada.


Manaxdooy habaryar...........Waan waayay Walaahi, ma aqaan meesha baas ee ay calidahayga kaga jirto, ilaa iyo 200 oo xabo kor bey u dhaafeen cajiladahayga. Laakiin (Iinsha Allah) markay iga soo hor baxdo waan kuu soo qori doonaa. Inta kalena .........MAXAA GABADHA LEYLA CAAWIN WAAYAY YAA SOOMAALI WEYN?

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii &

Unrecorded Date
Faalka Xaaji
Labadeena waxaa duq ah midkii duqnimada diida.
Iskarawa maxaa looga jeedaa? iskadhawa Miyaa.. lol..

Manaxdo
intan ayaan ka xusuustaa heestii qabrigii jacaylka
Hadii ay intan ka dheerayd ama aan khalday waa la isoo sixi doonaa.

Qabrigu waa
mid sharaf weyneey
qiso iyo xanuun badaneey

Qabrigii jacaylkoow
quraankaan ku mariyee
haka qabanin uurkee
u qormeer dhexdaadoo
allahayoow qiyaamaha
intuu nabi u qorayee
kafiil qaato kaayeel


Malag yada u qaybsani
Markay hadalka kaa qori
kuwa qowlka waaree
loo qushuucay noqo
allahayoow qiyaamaha
intuu ........
.............

Saynab Cige

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Ok Lii & D, Waa iga reeysay markaan, labadaada dhibcood iska qaado. Anaa duqnimada qaatay markaan, maadaama aan xaas ahay. Ileyn haddii adoo weli doob ah duq aa tahay ku dhaho, CILAD maahoo?.
Iskaraw iska dhici camal waaye no, oo la xumeeyay.

Tusaale:
Aar dee Qalinle iska raw.......(Maka heshay?)

Daa'uusyoow aroortii
adaa doogsanaayoo,
meel roob dibnaha dhigay,
daadku digilmadow yahay.
Adaa daawanaayoo
xiligaa dikeeyee.
Intan Haad, da, haa, haa
intan haada duushiyo
shinbirahaa la deris ee.
Caashaq igu daleelsaday.
Warqadan ku daabacay
doodeeda iga qaad
deeqa waxaad tiraahdaa
inankii dayoowyoo.
Maxasuusto dunidee.
Waa adi
Daraadaa
dakharkiisa caashaqa,
Waxa uula il-doogtee,
adna soo calool dabac.

Daa'uusyoow aroortii
deeqdii Illaahay
adaa doonanaayoo
cidi daarag kuu hayn,
Meeshii il-doogsi leh
adigaa u deexdee.
Wax kastoo aha, haa
wax kastoo laguu diro
deeqsii oo hadal gee,
Caashaq igu daleelsaday.
Warqadaan ku daabacay
doodeeda iga qaad
Deeqa waxaad tidhaahdaa
inankii dayoowyoo,
Maxasuusto dunidee.
Waa adi
daraadaa
dakharkiisa caashaqa
Waxa uu la il-doogtee
Adna soo calool dabac.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ladan&Mr cool

Unrecorded Date
faalka

Heesaha meeshaan dhan ma wada jelcin! laakiin we would like new now!

Heestaan waxaa la dhahaa "Sinaay"!

Siinaydiyaa ku geyhayee abaay, siisoowgiyaa kusaraa! Sakata sakac siteey koowaye koow, Sakataca sakaca Siteey labo waye labo, Sakataca skac siteey sadax waaye sadax, Sanyareey waaku salaamay waa kaa qaadey! Sanyarow waa ku salaamey waa kaa qaadey!

Enjoy it guys! The author's of this this was (mr cool and Ladan)

Hal wax aan codsanaa heesaha jaceylka ah lajoojiyo! Tan baryo waayo! Aniga waan ku hurdoodaa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
WAABA SAKATA SAKAC IYO SIDOO KALE EE, WAR WAA MAXAY MEESHU WAABA ISKU DUBADHACAYSAA YE!!!!

DHALINYARO, WAA SU`AAL, YAA IGU CAAWIN KARO, MEEL AAN KADHAGAYSAN KARO HEESO AFSOOMALI Ah???

I mean, on the internet of course...... websites??? kewl archives???

If you have suggestions...... post on please.

Thanks in advance...
Waad mahadsantihiin...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
to anonymous
Go to somalinet Home page-then click on Entertainment , you will see some links that you can listen somali songs and of course its free
enjoy it!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxdo

Unrecorded Date
LII

waa mahadasantahay 100% runtii hesta waa u kululaa hadana waaba la yabanahay erayadeeda oo markaan dhagesanayay waxaan u malaynayay erayo cajiib ah hadase meesha calool xanuun aaba ku yaal!!!!!!!!

walaal aad ayaad u mahadsantahay mar labaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Faalk Xaaji
Maadaama aad iskaraw sifiican iigu sharaxday haldhibic celis ay iga tahay.Adaase dhulkaa shaqo qaran kutagee ma ii jilcinkartaa "baakhad yahay"
Su'aal sahlan ma'aha ee day hee.

Manaxdo
Walaal waa runtaa oo heestaasu waxay ku fiicantahay dhegaysiga.Waxana aan ka xumahay in fanaanada sidaa u codka wanaagsan ay heesaheedu aad u yar yihiin.


Mr cool & Ladan
Hada laga bilaabo maadaama aad codsi dhiibateen wax lagu hurdoodo iyo jacayl iguma ogidin.
Kawarama heesaha wadaniga ah?

Nina kama qabweyneyn
ingiriiskuba is bedel
qaybtuu u talin jirayna
baqaaqoofka loo sudhay
Maantana qisaa timiye
way adoonsigu maquustee
ma gumaysi qooqaa
qabrigiisii loo qoday
Harar qiime wayniyo
quruxdeedii Diri-dhabaa
Jigjigadii qaboobayd
Qabridahare anaa iska leh
Bafan qaararkeediyo
Dhagaxbuur qariyo hawd
Qaliyadaa awaariyo
Dhagaxbuurna anaa iska leh
Qoraxay anaa iska leh
geesiyaal quudhsi diidayoow
hubkaad maanta qaadeen
ku qotamiya calanka

qori caaradiisiyo
qaxar iyo dhibiyo way
looga qaad jabuutibaa
faransiis ma quudheene
maantana qisaa timiye
way xadkii yurub idiin qoray
qoqobihii miyaan idhi
qaylo xabashi waa been
qaayo wayn wardheeriyo
Qorofiyo Galaadiyo
Qalaafana anayska leh
geesiyaal quudhsi diidayoow
hubkaad maanta qaadeen
ku qotomiya calanka.

Midhihii Xassn Guulwade 1977
Codkii Hibo Maxamed huddoon "Hibo Nuura"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ladan

Unrecorded Date
Lii and D

Adiga dadnimada aan kugu jeclahay! Waad mahadsanhay...sida aad codsigeena ugu respond gareysay! Thanks bro! Wadaminogaa la iiqataa....inkastoo markaan heesaha wadamiyaa markaan maqlo ooyo...Laakiin ooyin caloolxuma ka dabeyso maaha! So it's fine!

Waraa manaxdo wali ma noolayd????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Lii & D Ani meesha shaqo leebo u aadi ma u guurin laakiin
Su'aashaas oo i weediiseni badaas aan ka galaa saaxiib.
Bakhaad ma oshi wixii loogala jeedo haddii la ii jilciyana maka helaayi aan u maleenaa.

Manaxdo Habaryarteey haddii oo heesta kesi waayay ma lays inkiraana?

Heestaan waxaa leh Ladan & Bro.Cool.

Mr.Cool:

Sanayaal aan ku sugaayee
Si xun iga dhowr iyo saxriir ee,
Soodkii ii samee suubaneey.
Siinaaydii aan ku geehaayee,
Siisoowgii aan aan ku saraa.
Zakatac Zakac Siteey koow waaye koow.
Zakatac Zakac Siteey lamo waaye lamo.
Zakatac Zakac Siteey sidi waaye sidi.
Sanyareey seey ii eheedee? Sanyareey seey ii eheed?
Waa ku salaami waa kaa qaaday.

Ladan:

Samankaan adaa duudka ii saarenee,
Sahal maahin siin kuugu dhaafee,
Sidrigaa ku haay Saacidoowee.
Suuradaadiiyaan Ziyaartaayee,
Sadexoole iyo siroow naga dhoowr.
Zakatax Zakax Suuban koow waaye koow,
Zakatax Zakax Suuban lamo waaye lamo,
Zakatax Zakax Suuban sidi waaye sidi.
Suubanoow see ii eheedee? Suubanoow see ii eheed?
Waa ku salaamay waa kaa qaaday.

Mr.Cool:

Zakakoow minaan suuradaa waayoo,
Silic aan arkaa ii saxriiree,
Sahal maahin siin kuu hilmaamee.
Siinaaydii............

Ladan:

San-kuneeflaha saadirkeey uumayee,
Sidkii aan ku yeeshaa eheedee,
Sahalmaahin soodkaa isiiyee.
Suuradaadiiyaan..........


Habeen danbe ayaan Wadani soo qori doonaa.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Cool

Unrecorded Date
Falka
Thank you dear! I loved that. Hasho islaan aa saaxib-lahay(Ladan) aa nafta igu keenti heesahaan. Habarteey oo manta dhan qadeeyso iyo Ladan oo Zakataca lee ku hayso aa i heleen. Marka hada madexeey ee ka dhaxyeerohaysa. Lakin hashan Ladan ladhahayo aa u bahneet kuli heesta intee xafido. Lakin waqti xun aa ku soo qorti. Waayo islaantan itaxaan ee ledahay hadana meelahan iido la lugeeyneyso Zakataca Zakaca aa meesha ugu jeda. Waa mahadsantahay brother.

Lii Dii
Dear saas aa kugu ogahay "Jacayla maya dhey, Wadani haa dheh".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HASNA

Unrecorded Date
FAALKA XAAJI
IF WISH IT WERE LIVE IN THIS COMPUTER COZ I WOULD DANCE AS LIVE AS IT CAN BE. ZAKATACA SITEEY KOW . THANK YOU BRO
TEEL LATER ON MY CORVETTE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ladan

Unrecorded Date
Faal-ka xaaji

Very sweet of you.....Thankx!I love that song!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OBSERVER

Unrecorded Date
I have already seen most of the songs posted in section is only in somali , well i wanna break a taboo tonite and post on in "AF-ka galada'

This is the song one of my favourite

I BELIEVE I CAN FLY : > BY R KELLY

1]
I used to think that I could not wrong
And life was nothing but an awful song
But now i know that meaning of true love
I`am leaning on the everlasting arms
2}
If ican see it, then i can do it
If i just believe it, there's nothing to it

1)
I believe i can fly
I believe I can touch the sky
I think about it every night and day
Spread my wings and fly away
I believe i can soar
I see me running through that open door
I believe i can fly
I believe I can fly
(oh) I believe I can fly

See I was on the verge of breaking down
Some times in silence can seem so loud
There a miracles in life a must achieve
But first I know it starts inside of me
(repeat 2,1)

Could i believe in it ?
(repeat 2,1...)

observer

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Cool

Unrecorded Date
Fly my boy! Fly I tell ya!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Mr.Cool That's a lovely one Bro. I blew my heard off loughing.
(Fly my boy, Fly I tell ya)LOL@@@.
Ladan iyo Bro.Cool waa laysku leeyahay akhyaarta.
Hasna let me come with you Sis. I love Corvettes.
Observer I like that song Bro. Even though Mr.Cool took a kick out of it.
Haye Lii & D ku aawi hee? Heesihii makaa dhamaadeen? Waxaas booto aan u aqaan macalinka.

Heestaan waxaa tiriyay Hadraawi. Waa sheeko run ah oo hadraawi kasoo gaadhay magaalda Baledweyn.
Waxaana qaaday Xassan Aadan Samatar.

Bi'i waa jacayloow
Boodhari inuu dilay
been baan u haystee.
Bi'i waa jacayloow,
Boog aan la dhayinoo,
cidi baanan karin oo,
beerka iyo
wadnaha iyo
boga kaaga taal iyo,
inuu yahay (BIR) caashaqu been baan u haystee.

Webigoo butaacoo,
Beeraha waraabshoo,
Badarkiyo galaydii
laga tuuray baalkoo,
Canabkii bislaadoo.
Bulada iyo ciyaaraha lagu waa beriistoo.
Beeluhu gu' joogaan
Soow beri samaadkii,
Baledweyne maan tegin.

Dhanka bari magaalada,
so boqoraa joogtoo,
Biyo dahab la moodiyo,
Bilicdii haaweenkiyo,
qurux loo dhameeyoo.
Timo boqonta joogoo,
baal Goray moodoo,
Baarkana casankii
Bidix Midig is gaaroo,
Burcad lagu xineeyoo.
Bar ku seexaneysoo,
barkaneyso qaar oo,
huwaneyso baal oo,
Igu beertay lahashoo,
u biseelay maan garan.

Soow goor barqa oo,
bishu ay sideed tahay,
anigiyo Beerlula,
isku ma aanan soo bixin.
Soow bariidadeeydii iyo bogashadeedii,
Soow buundada ciyaartee,
Baledweyn ku taal ee,
biyaha lulata guudkood,
bartankeeda ma ahayn?
Soow bixiso weeyee,
balan maanu dhigan oo,
beshaa joog imay oran?
Soow beyd go'aygii,
layguma bishaareeyn,
maantaa la baxayaa,
bulshadii imey oran?
soow; Waa besteeye eh,
socod ma beegsan karo eh,
ina baaja caawa oo,
i baxnaansha maan oran?
Soow taliye baas oo,
ba'an oo war moogan,
warkeeygii ma beenayn?
Soow badida kooxdii,
goortey bareereen,
baabuurka fuuleen,
ana baal kamaan korin?
Boholyoow daraadii,
soow baraaq nuglaantii,
belo lagu ducaystiyo,
baryo kumaan maqneyn?
Bir may xumaatoo,
badroolku daadtoo,
ka wadaa bokoodoo,
bogsan waayo maan oran?
Soow beriga waagiyo,
Braqo kulul dhexdeediyo,
geed baaxad weyn oo,
dherer iyo balaadh loo,
Baledweyn ka caan oo,
Mahiigaan ka baar oo,
Bildheer hirkiisii,
ma bidhaansaneyn oo,
gurxankii yeedhiyo,
ma maqleynin buuqii?
Soow baaxad soorihii,
iyo labo bogleyntii,
maan noqon basteey oo,
bacadkii ma dheelman?
Sow galab baqoolkii,
anagoo barwaaqiyo,
meel baad leh joognoo,
tumaneeyna beerrey,
Soow maan baraarugin?
Riyo beena weyee,
Soow baala daygii,
baabuur lalaayiyo,
haad baale moodiyo,
babanaaya buur dheer,
isma oran ka bood oo,
nafta soow ma biimeyn?

Nin Banaadir joogoo,
Baledweyn la haystoo,
waxaan ahay la baad eh.
Soow baadi doonkii,
weli baafis ma ihi?

Baledweyn Allahayoow;
ka dhig guri barwaaqeed.
Beerlula Allahayoow;
balaayada hareer mari.
Baledweyn Allahayoow;
ka dhig beertii raaxada.
Beerlula Allahayoow;
Guryo samo ku noollee.
Baledweyn Allahayoow;
ka dhig xero baraareed;
Beerlula Allahayoow;
ka bari waxyeelada.


Haddaan wax qalday halay saxo...Heestu qalad kuma haboona.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Ladan
Adiga laftaadu ma'ogtahay inaan kugu jeclahay raganimada iyo aftahannimada.
Oo wixii aad soo qortaayiba ay yihiin wax wax laga faa'iidaysankaro ama lagu qosli karo.

Faalka X
Sxb burco weli booqasho ma'utagin miyaa baakhad see u kasi waysay?

Heesahayga qaar dhamaanaayo ma'ahin ee wakhtigaa iska cirriri ah.Takaleeto Mr Cool geber inay tahay qaayo badan, qiima wayn tahay warba ma u haysid miyaa?

Shicib yohow wanaagsan walaalayaalow
wadankiisa u shaqeeyoo walaalayaalow
wada jir bay laba gacmood wax ku qaban karaan
aan is weheshano walaalayaal
aan wada jirno walaalayaal

Shicib yohow wanaagsan walaalayaalow
wadnahayga kuyaal walaalayaalow
wada jirbay laba gacmood
wax ku qaban karaanee
aan is weheshano walaalayaal
aan wada jirno walaalayaal

Cismaan Aadan Askari 1964
Faduma Nakruuma.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAMAR

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM

FAALKA QATAR CADIIM ANI WAA KAA GARIIRAY

Walaalkiis waad salaamantahay adiga iyo asxaabta oo dhanba.

Faalka walaalkiis maxaad ka qabtaa hadii aan xasuus gaar ahaaneed u yeelno heesihii abwaankii soomaaliyeed ee dhawaan ku geeriyooday jabuuti waa (CUMAR DHUULLE) maadaamuu mawduucan qaabilsanyahay sida ay aniga iila muuqato suugaantii ama heesaha soomaaliyeed walaalayaal waxaad ka qabtaan waa aad ka hadli kartaan fadlan aan xusno wiigan soo socdo qof walba heesihii cumar dhuule waxa uu ka hayo mahadsanidin.

FAALKA WAXAAN KU WAYDIISTAY RAALI AHAW HADII AAN WAX AADAN JECLAYSAN KU QORAY QOLKAN MAADAAMAAD KU MAGACAABANTAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Cool

Unrecorded Date
Falka Dear
hmmmm... well thanks... but hey I am a sis and not a bro. But please lets not go through the drama of my name again.

About the fly song... I couldn't help it I had to say that.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Mr.Cool But why call yourself MR?.......Uuuh! Forgetaboutit.
Sorry magacaa ii been guuray Sis. and you welcome.
Bro Lii & D Burco xuf iyo xuf aan ku maray. Biyo xitaa maka cabin macalinka.
Laakiin iisheeg no maxaa iigu macaaneenee?
Qamar mahad abaay, waxna ma ka qabi waxaa soo qorto. Laakiin ixtiraamkaa idilay macaanta no. Thanks.
Allaha u naxariisto abaay Cumar Dhuule. Gabadhiisa aan Somalia isku asxaab eheen.
Habeen anagoo badan tiyaatarka ka imaanay aa kuwo NSS ahaa na xiri gaareen, markaan isku sheegnay oo weliba gabadha eey garteen ee iska keen daayeen. Waxay ahayd 86-kii markii oo (Seexan waa) lasoo rogi jiray.

Heestan sababtii uu u qaaday muran baa ka jira; Dadku qaar waxay leeyihiin: Gabdhihiisa mid ka mid ah ayaa dagaaladii sokeeye ee Somaaliya lagu dilay. Qaarna wax kale oo isku jir jira na leeyihiin.
Sidey doontaba maqaadiirtu ha u dhacdee waa Hees aad iyo aad calaacal u ah oo ilmo kusoo dhaafineysa.

Geeruu ila soo galayee,
Godob iyo cadawaa malaha guriga ii yaalee,
anigaa isu geeystaye, malaha xumaan layma gaarsiine.

Walaguu gafoo lagaa gardarraadayee,
Gacalkaad lahayd baa,
Yaxaas afka kaaga geshee,
Gilgishaye waxba kuuma goyn karo eh.
Galbataye Allow Gabaryeey kuu gargaar.
Garabkaaga Illaah ha galee.
Garabkaaga Illaah ha galee.

Ma gar baa ummad yahay garaadka qabtaa;
Ruuxii gaban ahe gu'geedu dhamayn,
Falaadho lagu gannoo,
nafteeda guba iyo,
In lagu ganbiyaa god Aakhiro?

wa'aan garan waayay taladaad ka gudubtaye,
Good iyo Abees baa, maandheey geed laguugu xidhee,
Gubataye waxba hays guhaaddine.
Galbataye Alloow gabadhyahay kuu gargaar.
Garabkaaga Illaah ha galee.
Garabkaaga Illaah ha galee.

Nabsigaad gashaa waa danbuu kugu gadoodtaayee,
Intaa waa ku daba ganbiyaa gaadhna kaa yahaye,
Gabashuu dabeed kugu dilaa kugula gaadaayee,
Waxaad geesatuu kaa guraa,
Goor iyo ayaane.

Nabsigu waa gudaa, ma gaabiyee.
Markan wuu gummaaday,
dhaxalkiisna gaarye,
Ma gam'oo hurdo weeyga guurtaye.
Galbataye alloow gabadhyeey kuu gargaar.
Garabkaaga Illaah ha galee.
Garabkaaga Illaah ha galee.

Allaha kuu naxariisto Cumar.

Salaama.
Faalka xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Cool

Unrecorded Date
Falka
You did ask that question 3 or 4 months ago if you remember in some other page. And you actually insulted me. Well is all good, it doesn't matter. Hmmm... why call mr myself.... well the name sounded good to me and I liked it. So I thought what the heck.... let me shock everyone. But is nothing nasty.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duke

Unrecorded Date
To Mr cool, so what are you trying to say that you are a transvistite.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali Theater

Unrecorded Date
Faalka - war nin yahow waadna madadaalisey ee keep up the good work. Heesahan waxay ku fiicnaayeen markuu homepage "Somali Theater" furnaa ee waxaa fiicnaan lahayd qof kaydin ku sameeya.

Aad baan uga naxay geeridii Cumar Dhuule samir iyo imaana reerkiisa allaha ka siiyo. Here is one from the legend:

Dadka lama sinidee
Daruur hoortey sideeydaay
Dayax gamceedeey soo deg aan ku daawadee
Hooy waad I deeqdee soo degoo I daadahee

Waxa damacdid baa ilayn lagaa danbeyninee
Ha u daymo la’aan darxumadaan I heysee
Dayax gamceedeey soo deg aan ku daawadee
Hooy waad I deeqdee soo degoo I daadahee

Doog caashaq baa wadnahaay damqaysee
Taan doortaybaa adna haay daraaninee
Dayax gamceedeey soo deg aan ku daawadee
Hooy waad I deeqdee soo degoo I daadahee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
MR cool is either bisexual (transexual) or suffering from some sort of identity crisis
labadda mida tahay iniga waan ku wararay laakin
waxaan uu dayey iin aad tahay tan hore.
wabilahi tawfiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ladan

Unrecorded Date
Duke

I see you are confused!Poor child! But hey I thought you knew that she wasnt trasvesta! Man you have no mercy for the human kind!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Mr.Cool I do remember now that I've asked you the same question twice. But you know IM a old man so pare with me, If you can.....
But I don't think I insulted you Sis. But if you took it that way...IM sorry.
Inkastoo aan hees Wadani ah balan qaaday, geeridan Cumarna iga soo hoos gashay, waxaan rabaa inaan ballankii oofiyo.
Heestan waxaa wada qaaday: Khadra Daahir iyo Saado Cali. Ma doonayo inaan sheego sababtii loo qaaday, Laakiin waxay imika ku haboon tahay inaan u qoro labadeenan kala go'ay (Waqooyi iyo Koonfur).

Khadra:

Dhul aan ceel lahayn baan dhaankii u rarayaa,
Adna dhool gu'yaal iyo
dhibicdii ma haysidee,
dhacar baad ku nooshahay.
Dhankaan anigu kaa xigo dharka lama yaqaanee,
dhuub baanu xudhanaa.
Adna dhogorta xoolaha,
Walo waad ka dhigataa.
Buuraha dhexdoodiyo,
Dhagax baan ku seexdaa.
Adna wax ima dhaantidee,
Dhulkan hoos u qodan iyo dhufeys baan u hooyataa.
Dhulkan kala fogaadiyo,
Labadeenan kala dheer,
yaa isu soo dhaweeya?

Saado:

Kolkaad adigu dhimataa naftu iga dhaqaaqdaa,
Kolkaad adigu dheregtaa dhibaatadu i deysaa.
Dheehaaga wacan baan aniguna ku dhaashtaa,
Dhaxalkii aad reebtana dhitadeyduu noqotaa.
Markaan soo dhawaadana waad iga dhaqaaqdaa,
Ana kuma dhegeystee anoon dhuumaneyn baan dhegaha kaa fureystaa.
Wixii adiga kaa dhumay,
anigana i dhaafoo.
Dhaan dhaan hadaan ahay,
adna dhoohanaad tahay.
Dhulkan kala fogaadiyo,
Labadeenan kala dheer,
Yay isu soo dhaweeya?

Saado iyo Khadra.

Kol haddii aan dhuuxiyo dhiigii ka siman nahay,
Midabkiyo dhawaaqiyo,
Tinta iyo dhalashada,
Iyo dhaqan wadaag nahay.
Dhudhunkaad i goysaa,
waa dhantaalankaagee,
Labadeenan dhuun iyo,
Boqol baanu dhiganee.
Dhidbkii aan taagniyo,
dhismihii adkaan jiray,
Inaan kala dhnataalaa,
dheg-xumiyo yaab iyo,
talo dhacantay weeyee,
Dhexdin baanu wadaagnee,
Ee aayahay dhasheen iyo,
Midnimada ma dhoowrnaa?

Meel baan u cararayaa waan soo noqon doonaa.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Cool

Unrecorded Date
Anonymous
If you were really muslim you wouldn't have said that I am whatever you wrote down. Just because of a stupid name don't think with that dirty mind. We don't have those kind of people that you descriped in our community but even if they existed I refuse to believe it cause it just too sad. And the name is just a cick out it. So stop using "Wabillahi Toofiq" cause someone with that mind is just too dirty to write it down(people sorry if I insulted anyone but I just had to say that... normally I try not to be rude but this was just a belives that I had so I couldn't hide it).

Falka Xaaji
Is all good, It is not that important anyway.

Duke Duke Duke... hmmmm my nasty friend.... you know that I love those clothes but it kinda hides my special features.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sam

Unrecorded Date
ugu danbayn faalka waxaan ahaa quute heesaha akhrista kuna raaxeysta oo qura laakiin halkan xasuusta abwaan CUMAR DHUULE ayaa igu soo tuudhay xuskeeda. allaha ha u naxariisto.
Qamareey tanina waa mid ka mid ah heesahiisii.

Hanaanka ilaah ku siiyey.
habsami socod dhaqaaqa,
Hubqaadkaagu waa i dilay.

Hamuun baan kuu qabaa,
Qalbiga waan kugu hayaa,
Haadaadu waxay i raacdey (markale)
Haadaadu waxay i raacdey,
Habeyn khayr lagu ducaystay...!!!!!

(Cumar dhuule, album 1988)

sallaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sam

Unrecorded Date
Asxaabta kana waa jaamac joof iyo Gunaanad

Waan ku guursan lahaa,kuma gaadhiyoo.
Ma gafine cishqi baa, i gumaystayee.
Gablamayo God aakhiro aan galee,
naa inta aanan go'in i gunaanadee.


Garbahayga Gamuun baad ka taagtayoo.
Gibilkayga Suntii wada gaadhayee.
Gablamayo God aakhiro aan galee,
ee inta aanan go'in i gunaanadee.


Annigaa isu geystay Guhaadanoo,
Ruux layga gadaayo gacaloodayeey.(immisa?????)
Gablamayo God aakhiro aan galee,
Ee inta aanan go'in i gunaanadee.


Gabdhahii aawadaa wada gooyayoo,
Adigaa i guboo, gooni kuu ahee.
Gablamaayo....................
...................i gunaanadee.

Jaamac joof "allaa yarxam"

Ciil badanaa waxuu ku aaday abwaanku waqtigii haweenka qaaliga ahaayeen oo dheemanka la siisan jirey.

Salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Sam Heestaa weligey waxaan moodayay inuu Axmed Mooge qaadi jiray (Allaha u naxariistee).
Aad baan u jeclahay heestaa Mahadsanid walaal.

Heestan waxaa qaada Maxamed Nuur Giriig.
Waa Suleeqa.

Sasaankaagiyo jaaha
sarajoogiyo tooska
dhexda soohane, dooxda seyn fardooda ka dhuubane.
Biixiyaha isa saaran
garaaraha kala soocaniyo
sanqaroorkan la dhiibshee.
Naftan aan sasabaayoo,
sumalhaad gelinaayoo.
Suleeqaay aragaagu,
Nafta waa u samirsiis oo
sadex bay ku qadaaye,
haka gooynin salaanta.

Saatir ku abuurtaa
qoortan aad saami moodo
cabaadhyaha ku sar gooyayoo,
sidrigaagiyo laabta.
Timahaagan ku seexshee,
kol aad doc u seydho,
sararaha ka degaayee.
Dhabarkaaga degayaan sameeyntooda la yaabee.
Suleeqaay aragaagu,
Nafta waa u samirsiis oo
sadex bey ku qadaaye,
Haka gooynin salaanta.

Saatirkii ku abuuraa,
Saluuglaha indhahaaga,
saldhiggooda qorsheeyayoo
saxarkii ka daboolee.
Baalashoodan ku saabshee,
suunayaal ku hadheeyayoo,
hadheedhaha kaaga sayraan.
Hibadaa nag ku siiyoo,
cidna kuula sid qaybinee.
Suleeqaay aragaagu,
Nafta waa u samirsiis oo
sadex bey ku qadaaye,
haka gooynin salaanta.

Saatirkii ku abuurtaa,
Suleeqaay sidrigeyga,
Jacayl kuugu sameeyayoo
sina loo sal gaadhinee.
Lay sitaayo ma joogee,
Salalaa oo ma seexdee,
Aawadaa waan soomanaayee.
Naftaan aad kuu sugeysee,
sinna kaaga samreyninee.
Suleeqaay aragaagu,
Nafta waa u samirsiis oo
sodon bey ku qadaaye.
Haka gooynin salaanta.

Soomar, soomar, soomar, safiya luuleey soomar.
Soomar, soomar, soomar, Sidrigaad ku taal ee soomar.
Soomar, soomar.
Kala saar gamcaha oo seydhiyoo, hadba sin u dhaqaaq oo sinikhso.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MANAXDO

Unrecorded Date
Faalka
habayar waa kaayabay xataa malagu inkiri karo dadka qoorta aa soo qabanee!!!!!!!acuudka !!!cirka aan rabey in aa kuu firiyo lakiin waa i soo qabatee ar adigaa waxaas dhan waxaa waaye SOMALI IYO SUGAANTA aa soo baratay!!!!!!

meesha heeso qaboob lee ka shidan xooga kuleeya nooh.

sida

ku jirtaa bilajo hoosteda boondheera ay ku jirtaa bilajo hoosteeda boondhera aay..........
la furaa minee falaaxooda naag fican waa furaa
minee falaaxood naag fiican waa....

BADAL

sabuul galay nin kusiiya lasiiya markuu ku siiyana______

bakara bakara baabuurka ii jooji
ma joojihaye meelaan ka daahooyaa
ka daahooyaa.......

BADAL

wac wac wac wacwacwac....wakac wakac wac
walashaa waaye waraabe hasiin!!!!!
walaalkaa waaye waraabe hasiin!!!!!
isii isii isii isii-----

BADAL

sinaaydiyaa ku geehaaye siisawdiyaa ku saraa sakatac sakac sitay kow waaye kow......

Badal

hareeri dheeri hanaan badanoo waa kula hanwaynahayee hadiyadii jaceelka hadiyadiisa hoo iga hoo hee
war la uunbo uunbo weekac aa ka ween
walaale waa kaa heley
warkaadaa iila ween
waxii rabtid aan ku siin laha.-------


CAAWA INTAAS AA LA XASUUSTAA

HADANAwaa sii biibaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Warkaaaaaaaaaaaaaaaa i siiiiiiiiiiiiiii
iskunax walaasheey, waa kaa yaabi, ha wariijin waa kaa dhacaa haddii kale.
wareer aanbo laamiga aadi ani.

Jaceelkaagoo laciifoo,
luuq kaa galaa,
lacag kaaga baahan,
laf dhuun gashay waa.
Leex-leexashadaa daran,
cawoleel wareegaa ka xun,
lugooyadaa sii daran.
layaab waxaa leh;
laafyaheeda,
lugaheeda toosan,
sii liic-liicsaneyso.

Laab-jeex waxaa lahaa;
lufluf markaan,
laa-laab bilaabay
iyo laaluushka sii.
Leex-leexashadaa daran........

Caloosheey ee laboosaa
lalabaa ihaysee,
laqdabaay wadaa tan,
laamigaay ii wadaa. (Heeeeeeeeelp!!!!)bajaaw.
Leex-leexashadaa daran.......


Isii sisinta. titiin haku duree.

Salaama.
Faalka Xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jarar

Unrecorded Date
Salaan dhamaan.
Bal hadda Faalkow heestan ila fiiriya.Heestu Africa ayay la hadlaysaa laakiin waxay si dadban inoo tusinaysa arrimo badan, sida:Nabada iyo midnimadu inay aad u wanaagsan tahay, haddiise la waayo in tooryaha la isu afaysan sida ay Somalidu
u yidhaahdaan (Tolnimo nabad baa u horraysa).
Heestii waa tan.

John Smith ma muuqdeen
Roodisiya ma maageen
haddan midig la siinayn.
Portuqiis ma madhiyeen
mana u malaysteen
Mozampique Angola.
Mindiyihii qarsonaa---QARSOONAA
Gini lagu mirayay-----MIRAYAY
south Africa ma moogin---MA MOOGIN
HADALIYO MURTINA
AFRICAY IS MAQALOO
MIDAB GUMAYSI DIIDA, DIIDA,DIIDA DIIDA.

Dadka oo midoobo
kulligii masoobiyo
nabad lagama maarmo.
malintay xumaatee
ragga aydun murantaan
waranku waa macaan yahay.
Madowgaaga kaan rabin----NINKAAN RABIN
Muuqaaga kii neceb-------NINKII NECEB
TIISANA HA MEELMARIN ----HA MEEL MARIN
HADALIYO MURTINA
AFRICAY IS MAQALOO
MIDAB GUMAYSI DIIDA
DIIDA,DIIDA DIIDA.

Haddii aan maskaxi talin
dhagtu maqal xumaha jira
indhuhu maalin aragtida.
Lugu howsha maamulin
gamcuhuna waxkuu qaban
cadaw kaama maato.
Midabkuba sad weeye----SAD WEEYEE
Magacuba dan weeye-----DAN WEEYEE
Murtidu dhaxalgal weeye--GAL WEEYEE
HADALIYO MURTINA
AFRICAY ISMAQALOO
MIDAB GUMAYSI DIIDA
DIIDA,DIIDA DIIDA.

Madaxdii Africaay
mabda'ii Gumaysiga
magacoodba' wuxu yahay.
Wanka macasha ii qabo
adu gawrac ii mari
dhiiggana aan muudsado.
Sirtii aad ku madhateen----KU MADHATEEN
Maya haddaad tidhaahdaan --TIDHAAHDAN
Ma afkaa maroorsami -----MAROORSAMI
HADALIYO MURTINA
AFRICAAY ISMAQALOO
MIDAB GUMAYSI DIIDA
DIIDA,DIIDA DIIDA.


Heesta waxaa ku luuqaynaya Hobaladii Waaberi
micnaheeda na waxaynu u daynaynaa F-G isagaa
ABWAAN AHE.

nabaadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
Waa hees aan in mudaba aan raadinayay waad ku mahadsantahay waa hees aaad aan usoo xasuusto ,,,,,,long long time ago ,,,,,,afkaaga caana lagu qabay,,,,,mahadi ha kaa gaadho jarar iyo qolka heesaha iyo al fanaan faal gureey,,,,,,aad baad ugu mahadsantahay [[[[[Ian Smith ]]]]]]

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Jarar Heestaa saaxiib iyadaaba micneysan.Waadna ku mahadsan tahay. Haddaad qaar kale hayso oo la mid ah bal nala wadaag.

Heestan waxaa wada qaaday Maxamed Nuur Giriig iyo Khadra daahir (I think)

M.N. Giriig.

Inaan kula qabtoo,
kula kheyr ahoo,
aanan quusaneyn.
Inaad quursataa,
Inaad quursataa waa qiir jab ee.
Maahee khadraay,
qiimiga kalgacal,
ee quruxda badan,
maad ila qorsheyn?

Khadra:

Labadii qof ee,
isu qurux badnayn,
ee kala qab weyn.
Inay wada qabtaan,
inay wada qabtaan waa qiir jab ee.
Inanyahow qaldani,
qiimiga kalgacal,
layskuma qasbee,
hubka iga dul qaad.

M.N. Giriig

Waa waxa qab dumar,
Qays iyo Cilmiba,
Qudh'dha uga baxdee.
Anigana Qabriga,
Anigana qabriga, adigay qoddee.
Mahee Khadraay.......

Qadra:

Buuraha qotoma,
ee qarada weyn,
Adigoo qaboow.
Cidi baa kuu qodi
cidi baa kuu qodi,
qawdeysatee.
Inanyahow qaldani.......

M.N. Giriig

Sida qaalin nirig
laga qariyay baan
kuu qawdhamaa.
Qorax soo baxdiyo,
qorax soo baxdiyo
qawl kuu galaa.
Maahee Khadraay......

Qadra:

Wannan lama qashoo
Birta lama qarshee
anigaba qalbiga,
Qoonta igu taal,
qoonta igu taal
aan kuu qiree.
Inanyahow qummani,
Qiimiga kalgacal
aan qaybsanee
dhinacaaga qabo.

Heesta beri hore ayaan maqlee inanta qaada ha layga hubiyo.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
WOW! Faalka waxaasaa hees ah afkaaga hee Malab saafi ah lagu qabay!!
Faalka heesta waxa ku luqeeya sida aad
sheegtay Maxamed Nuur Giriig balse gabadha la qaaday waa Sahra Axmed Jaamac.

Meeshan waayadan ma soo booqan hadana waan deg-degsanahay waanse u soo noqon haduu alle idmo; kuna soo dari doonaa heeso macaan.

Nabad gelyo
kaafia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jarar

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAAN

Heestan waxaa ku luuqeeya Magool iyo hoballadii
Waaberi oo la jiibinaya.

Bal ila arka


Inaan tirraayo
qabilo tuurron isu tagnaa
talo ku goynoo
loo taaganyee----MAXAAD TAQAAN
talo ku goynoo
loo taaganyee----MAXAAD TAQAAN
Toobiyo weeyaan
lagu tisqaade----MAXAAD TAQAAN
Waa loo tartamayaa----MAXAAD TAQAAN
Ood tari kartaa ----AYAAD TAQAAN
Turunturrooto kuftay---KUFTAY---AYAAD TAQAAN
Tallaabsan weydo dhacday--DHACDAY--AYAAD TAQAAN
Taladi seegto luntay---EE MAXAAD TAQAAN.

Tag iyo xoogiyo
tamaraheeno isutagtaan
Talo ku goynoo
loo taaganyee----MAXAAD TAQAAN
Talo ku goynoo
loo taaganyee----MAXAAD TAQAAN
Toobiyo weeyaan
lagu tisqaadee---MAXAAD TAQAAN
Waa loo tartamayaa---MAXAAD TAQAAN
Tari kartaa--------AYAAD TAQAAN
Turunturrootoo kuftay--KUFTAY--AYAAD TAQAAN
Tallabsan weydo dhacday--DHACDAY--AYAAD TAQAAN
Taladi seegto luntay-----EE MAXAAD TAQAAN

Wuxuu tabaayee
dadku ku taamay in loo taraa
talo ku goynoo
loo taaganyee-----MAXAAD TAQAAN
talo ku goynoo
loo taaganyee-----MAXAAD TAQAAN
toobiyo weeyaan
lagu tisqaadee ---MAXAAD TAQAAN
waa loo tartamayaa--MAXAAD TAQAAN
tarii kartaa -----AYAAD TAQAAN
Turunturrooto kuftay--KUFTAY--AYAAD TAQAAN
Tallaabsan weydo dhacday-DHACDAY-AYAAD TAQAAN
Taladi seegto luntey---EE MAXAAD TAQAAN.

Nabadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Salaan iga gudooma dhalinyaro. Aaway dadkii maxaa maka caajisteen heesihii? Well, bal intan iga gudooma anigana inta aad ka soo nasanaysaan.

Heestan waxa ku luqeeya Hiba Maxamed Hudoon(Hiba Nuura) " Kalgaceyl"

Kalgaceyl illeen iga suulee
naftaydaan samir iraahdaa
sare iyo hoos, sare iyo hoos wax oogu sheegaa
kolkaan taladayda siiyo iyadoo aan
igu saluugin kaa siistay bay igu tiraah
anigoon anigoon moygaynba saacad ayey ayey
ayey... iga salalisaayoo
anigu waxba maan samayne sababta adigaa
lahaaye sag-saaga intaad ka dayso
sidaan doonaayo garo ooooo sidaasay igu tiraah
hadaad samo iifalaysid anigu waa laysitaaye
miyaan niyadayda niyadayda siiyay
warkiisii maad isiin sidaasay igu tiraah
sidaasay igu tiraah sidaasay igu tiraah.
****************************************
Fakarkaa badane aad samayso qalbigaan
iska saar iraahdaa intuu samo ila gudoontuu
samo ila gudoontuu, markaan seexo is iraahdana
hadana saqda dhaxe go'aan buu igula soo
sare kacaa. Su'aashuu igu yiraahna mid weeyaan
weeyaan suura gal ahoo; intaad saymaha jaceylka
aniga iisahamisaa baad sidii sabigiyo dhalaanka
afkoodii igu sabaysaa samaantiyo nolosha fiican
si aan ugu wada dhaqnaano intaan isa seegi
lahayn sidoodaan raacayaayoo.
Sadrigu meeshuu qabsaday buu sama kula waarayaa
sama kula waarayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Heestii "Dardaaran" waxa heestan ku luqeeya Muuse Ismaciil Qalinle.

Ubaxoo dilaacaay dawadii naftaydaay
haween taan ka doortaay
sida dayaxa nuurtaay habeen dadan
hilaacdaay waqalkii daruurtaay
darmaantaan jeclaayeey heedhe waan ku dirayaa
degmadaan ku gaadhsiin waa laguu dabaal degi
durbaana laguu tumi
waxa iga dar-daarana duca duug ma
noqotee toobiyo dariiqadu qoraxduna
dalaalnimo dadka aabahaa iyo deeqaay
hooyadaa noqoye. Hada daney hoy dadooy
ma hungowdo daacad.
******************************************
Ku dagaali maayaan kula doodi maayaan
kuna dayrin maayaan geelu waa ku dararaa
adhiga waa ka daranyahay caanaha durduroo
dhex dabaalan doontaa dabad baa laguula tagi
doqon yaanan lagugu odhan dudmad yaanan lagaa
garan awrka dabarka la ogow
waxa iga dardaarana duco duug ma noqotee toobiyo
dariiqadu qoraxduna dalaalnimo dadka aabahaa iyo
deeqay hooyadaa noqoye. Hada daney hoy dadooy
ma hungowdo daacad.
**********************************************
Dagalad dushoodiyo duleedkaad uyara bixi
degmadaad mar soomari dhulka daawan doontaa
danta lagama boodee waxa jira dilaaliyo
kuwa dira diraalo daf ku soo yidhaahde waa
inaad ka durugtaa ayan laysku keen dirin
nacab yuu nakala dilin
waxa iga dardaarana duco duug manoqotee
toobiyo dariiqadu qoraxduna dalaalnimo
dadka aabahaa iyo deeqay hooyadaa noqoye.
hada daney hoy dadooy mahungowdo daacad.

N.B hadii ay ereyada heesta wax ka qaldan yihiin waad isixi kartaan. Mahadsanidiin.

Nabadgelyo:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Kaafia, walaal nabad. Waana runtaayoo waan yara seex-seexanay bay ila tahay. Laakiin anigu double-shifts baan soo gar-garaacayay ilaa iyo berigii. haddana waa i kan anigoo cago jiid ah.
Bal heestan iga qabo waa Maryan Mursal oo ila cago jiid ahe:


Sadex cadaawe ayaa jiray:
Dadka soo cadabi jiray,
oo soo cadaadin jiray:
Labo waa la cirib tiray:
Cilmigii wax laga baray,
Cirka waa tan loo kacay,
la caraabiyay gaajo,
caydh xoolo laga dhaqay.
Hayeeshee colka u daran
weli caymo loo waa:
Ax! Culimada weyn,
Aaduunkee,
Caafimaadka baartay,
Cudurada la dabargooyn,
Caashaqa halagu daro.

Caynka midab gumeystaha,
hadba ruux cunaha qabay,
oo ciishkiina u diid.
Cidlo keligii ula beydh,
Haddii loo calaacaloo,
ma yaqaano cabasho oo,
taa waxaa cadayn kara:
Intuu currad inaga dilay.
Cakuye waxaa kasii daran:
Carada uu inoo qabo.
Culimada weyn.........

Cimrigiisu dheeraa,
Ciidankiisu badanaa,
calankiisu addagaa.
Waxaa ila cajaa'iba:
Carraduu ku nool yahay,
Ciddee uga dacwoonaa?
Wuu inaga cad goostoo,
Ka cabbaaday duniduye.
Sidee loo curyaanshaa?
Oo loo cadaadshaa?
Culimada weyn.......

Jarar Cagtaada ciidii Hooyo (Soomaaliya) lagu qabay saaxiib. Waad soo Xiisooneysaaye dib Allaha noogu cesho.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Heestan waxaa qaaday; Shumaali Axmed Shumaali, laakiin waa looga horeeyay, Kaafia ayaana noo sheegi doonta cidda hore usoo qaaday.

Hudmane waa Eebahay ye
Hantaa Ifka laysku dhaafee,
mahaysto intaan lahaa,
Adduun waan hooswareegee.
Habaar sow isheydu ma qabtoo,
iyadu iimay horseedayn?
Hoog-haybte sow afkeeyga maahoo,
intaa kuu hadaaqi maayo?
Ileyn "Hooy" kuma bogsiiso,
hammigu wal-wal kaama bi'iyoo,
halaanhal wax kuuma keenee,
Aduun howli kama dhamaatee.

markaan halaqsadee, "Haq" idhi
eey i haleeshay halistii wadnaha oo
halkay qoontaan hayaaye.
Howsheedii la heeryadaamay.
Habaar sow isheydu ma qabtoo........

Ka heesay habeen badh hawd oo
hadhkayguna laba ahaayoo,
hayaamay, horseed la'aanee,
haab-haabtay waxaanan hayn.
Habaar sow isheydu ma qabtoo.....

Iyada hoosta ii hagaysee,
Halyay baan ahaa han weyn oo,
sidii hobol ha halaanhalyoodoo,
sidii hogod haybad badannoo.
Habaar sow isheydu ma qabtoo,
iyadu iimeey horseedeyn?
Hoog-haybte sow afkaygu maahoo,
intaa kuu hadaaqi maayoo?
Ileyn "Hooy" kuma bogsiisoo,
hamigu wal-wal kaama bi'yee,
Aduunna howshiisu badatee,
Aakhiro hurdo malays hubbaa?

Qaladka naga qabta yaa Muslimiin.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guhad

Unrecorded Date
Jarjar..
Aad baad ugu ahadsan tahay heesaha qiimaha badan
walaal kuwe kale ma heysaa? oo wadani iyo baraarujin ah Fadlan ha ka daalin inaad nala qaybsato. mahadsanid

Faalka..mahadsanid walaal ,waa loo baahnaa madadaalada. Faalka xaaji ma haysaa sxb hees uu qaaday
mohamed ahmed kuluc ee ku bilaabata sidan"Diigaa habeenkii markuu waagu daalaco...."

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guulwade

Unrecorded Date
Ciidii laygu dhalayen
ku calool galaay
tii aan caruurnimo
cilmigeeda qaatay
caalamkeed i waanshay
caadadeeda dhowraa..
Caraf iyo udgoon
carradii lahaydee
caan baxa ku noqotaay
caqiidada islaamkiyo
calankaa dusheyda ah
ciid yahay ku aaminay
Carro yahay ku aaminay.
:::::::::::::::::::::
jiilaalka culus iyo
geedo aan cadaan
cuud aan dhamaan
ceel aan go'eyn
cuudkii cabboo
caafimaad ku yahay..
Caraf iyo udgoon
carradii lahaydee
caan baxa ku noqotaay
caqiidada islaamkiyo
calankaa dusheyda ah
ciid yahay ku aaminay
carro yahay ku aaminay
calan yahow ku aaminay
soomaalaay ku aaminay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guulwade

Unrecorded Date
Yaa yaqan miraha heesta ciideenu waa hodan!!
pls soo daaya hadaad taqaanaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Salaan dhamaan
Heesta faalka uu qoray I think inuu horay uqaaday Xassan Diiriye.
Heestan aan soo qori doonana waxaa qaaday Maxamud Cali Burco

"Dhaqtar baysu keen qoray"

Haduu dhugasho geel qabo
ma dhadhamiyo geedaa
wuu gadaasha dhuubtaaye
ana cudurka igu dhacay
waa mid igu dhamaadoo
waaba laygu dheeryoo
ku dhadhabay aroosaan
dhinacay isa saaree
mala dhaayahaygaay
calaf lagama dhuuntee
kitaab baysu keen dhigay
dhaqtar baysu keen qoray
adna weli madhaadanid.
***************************
Maydhanaanka geeliyo
sida dhayda caanaha
looma dhamo jaceylkoo
laguma dhaashto caashaqa
dhayal how malaynine
dhuuxiyo lafahiyo waa
wax dhiiga kaa jaqa
caafimaadka kaa jara
mala dhaayahaygaay calaf
lagama dhuuntee kitaab baysu
keen dhigay, dhaqtar baysu
keen qoray adna weli madhaadanid.
********************************
Sida ruux la dhalaybaan
kuu dhadhoodiyaayoo
dhabta ku hayaayoon
dhibta kaa ilaashaa
sida ruux dhalaanoo
hurdo looga dhaartaa
hadba dhinacyadiisiyo
wadnaha kugu dhaweeyaa
mala dhaayahaygaay way
calaf lagama dhuuntee
kitaab baysu keen dhigay
dhaqtar baysu keen qoray adna
weli madhaadanid, dhaqtar baysu
keen qoray adna weli madhaadanid.

Nabadgelyo kulanti dambe oo xiiso leh dhalinyar:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Hayaay Kaafia maxaad Jacayl siddaa maanta? Si yaroo niyad ah baabad isuu butaacday heesta walaal. Allaha kuu sahlo kaa aad dartii u wareertay. Lol@@
Bal heestan naga qabo walaal waa Xassan Aadan Samatar oo na leh: Allamtara soo dhaaf.

Ummal wayraxaagiiyeey
iyo aramidii caashaqa.
Waxaan uurka ku hayaa baa,
afku sow igama xado?
Kol haddaadan ii iman,
adoon eed lahayn baan,
kaa aamin baxayaa.
Wuxuu soo arrartaba,
jacaylkuna oodda soo jebi.
Allamtarana soo dhaaf.
Miyaad ilowday,
kalgacalkii?
Ku aaway?
waan ku indho kuushaa, ku indho kuushaa
aragaagiiyee.

Ammaantaada gaarka ah,
Adi ilwaad quruxeey.
Waxaan sii asteeya baa,
naftu ku ogolaatee.
Adigaan hablaha udug islahaa,
aroortii ha kaa soo agtoostee.
Wuxuu soo awal kaco,
jacaylkuna aadmigiisii.
Allamtarana soo dhaaf.
Miyaad ilowday......

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
TO; JARAAR,,

Mahadi ha kaa gaadhee waa heeso ad u wanaagsan oo taariikh reeb ah waxa aad soo butaacaneyso ,,,,welli isma aanan oran heesa sidaa iila qiima weyn baa netka kaaga soo mudh oran,,,haddaad heyso xilliyadaa heesihii waddaniga ahaa bal inala qeybso xasuustada fog ee taariikhiga ah,,,,,ku mahadsanidiin adiga iyo al fanaan faal gureey iyo xil iska saarkiisa iyo musaska uu kolba ka soo saaro heesahiisa,,,,,


thx faal;ka iyo jaraar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Indhowroon

Unrecorded Date
Fadlan Faal gureyoow!!!!!!!!


Waar waa la igu weynyahaye ii qaad heestii Saynab Cige ee "Walee aniga caashaqu wehelkaygii weeyaan".

La soo carrar afkaaga caano lagu qabaye!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama calaykum.
Heestan waxaan kasoo qaatay Heesaagii weeynaa ee Elton John, wuxuu u qaday wiilkiisa. Mise Rod Stewart ayaa wiilkiisa u qaaday?
Anyway Enjoy it.

It's little bit funny
this feeling inside,
IM not
one of those
who can
easily hide.
I don't have much money, but
boy if I did,
I'd buy you a big house, where
we both could live.

If I was a scluptor
Then again No!
Or a man who's got portions,
travels in show...Oh wow!?
I know it's not much, but
it is the best I can do,
My gift is my song, and
this one is for you.

And you can tell everybody
this is your song
I know it's quite simple, but
now that it's done.
I hope you don't mind,
I hope you don't mind,
That I put down in words,

How wonderful life is,
while you're in the world.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow

Unrecorded Date
Hi Faalka Xaaji

Sxb maba ku ogeen inaad tahay qaamuus qarsoon oo qurquriyeey heesihii qarniga kuwii ugu qiimo badnaa.

Sxb see waayey SIISOOW leey fuulnaay SITEEY na saar aaway Axmed Naji Sacad....Faadumo Qaasin(feeynuustii Fanka).....Awes Khamiis....Luul Jeylaani....Kiiler...and so on.

Sxb Qofkii afka kuugu soo taago aniga ii sheeg mashadoonyo camal aan u shiidaa.

Till later Caafis iyo masaamax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Hoodi hoodi mala faayoo? Ayaantaan malays arkine Faalka haye soomaaliga maa nagu yaraaday aan english u gudubnay kaasna war kale waaye.@@lol
Heestan waxay ka mid tahay heesaha uu qaaday Maxamed Axmed Kuluc kuwa aan oogu jecelahay


Dhool bari ka muuqdaa dhaan loo nageeyaa
adiguna dhigiisii iisoo dhalaashee
inkastood wax dheer tahay
adaan dhaadin mooyee
ana dhaaf ismaan odhan
dhaartiyo wacadkii labadeenu
dhiganoo dhana ugama leexdeen
waxan dhowrayaa weli
inaad soo dhawaatee
dhalanteed nin lagu sabay
ileyn waa ka dhaaree
warka wuxuu u dhacayaa
dhakafaar abuurtee
ogow dhuumashada qaar uu
dhabarku muuqda waa dhib iyo
hadimee waa dhib iyo hadimee
******************************
Jiilaalka oo dheer dhulka
oo abaarsaday, dhacarbaabo
geesugu wuu dhabar adaygaa
inuu waqalku soo dhigo
cirka waa ka dhowree
aniguna dhigiisii
dhadadiyo milicda(sp)
caashaqaa dhexqaadoo
ku dhaygag qaadee
Waxan dhowrayaa weli
inaad soo dhawaatee
...................
...................
*************************
Dhoobadahaba waa kii rah baar ku dhuuntee
asaguba dhawaaq maleh intuu dhibica
sugaye,aniguna dhigiisii
dhaygagay la yaaboo
ma dhawidee naftaydiyo
dhagahiyo aragaad labadaba
ka dheertoo kaawaayay dhinacee
Waxaan dhowrayaa weli inaad
soo dhawaatee dhalanteed...
............................
...........................
*****************************

F.g heestan ereyadeeda bal halayga fiiriyo hadii aan wax qalday, waadna mahadsan tihiin.

Kulanti dambe oo xiiso leh:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Aaxoow aa gurbaan tumaaye
aaxoow aa kuu diggaa.

walaalkiis salaan sharaf.
Sidaa magacyada isoo qortay aan Heesahooda habeenbo mid kuugu keenaa.
Runtaana waaye duqa, meesha reer xamar iyo kabta xaaji kabeebeey la'aanteed 495 iyo 5:00Pm waaye.

heestaan waxay ku jirtaa "Xidigtii is xujeysey"
Axmed Naaji Sacad iyo(Boqorrada Codka) Faadumo Qaasin Hillowle.

Faadumo:

Keligaa waa i kafisaa (2X)
Kun qof iiga roonoow.

Axmed:

Kaalay imaaw aan koodnee. (2x)

Faadumo:

Kurbo aa ihaysaa ii kuleelee
Adi lee i kaalmeehaayee. (2X)

Axmed:

Iyeeyoow, iyeeyoow.

Faadumo:

Kadeedkii jacaylka Kuleelkiis aa isoo galee.
Iyeeyoow, Iyeeyoow.

Axmed:

Anba Kiillaa isaarane.

Faadumo:

Kooraheeygaa ku koobantee, (2X)
Kasmadeey ku raacdee.

Axmed:

Kalgacalkaa anwaa i karree. (2X)

Faadumo:

Kama soo heraayi karaamadaadee,
Kalmadaadiyaa iila weyn ee (2X).

Axmed:

Iyeeyoow, Iyeeyoow

Faadumo:

Kadeedkii jacaylka......


Faadumo:

Kartidaadaa ikeentaye (2X)
ii kalsoonidaadee.

Axmed:

Iskaashano oo yaan kufin ee. (2X)

Faadumo:

Geedkii lahaay kaama kaasahaayee, (2X)
Adigaa kashkeey iigu taallee.


Axmed:

Iyeeyoow, Iyeeyoww......

Enjoy Macalinka.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow (Axoow)

Unrecorded Date
Fg,walaalkiis aad iyo aad baad u mahadsantahay.

dadkale aad maqli doontaa....sababtoo ah reer siteey oo dhan aa soo socdo boos u qabo....waxaan ka cabsanaa sxbdee Somalinet ineey Qol kan ka weeyn kuu furaan.....

sxb hala yaabin Magaca Axoow(axoow)....because I'm using a password

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Kaafia, sorry, Englishka waxaan is dhahay meesha xoogaa waa yara Boring, markaa juwiga badal. Mida kale heestaa aad baan u jeclahay, markaa waxaan is iri bal la share-garee dadka kale.
Heesahaagu weey macaan yihiin walaal.
My brother Aaxoow, sxb si aan kuu kaso inaad tahay Aaxoowga runta ah, password soo isticmaal. Akhyaarta u sheeg kuli ninkii Faalka Xaaji aa house party meeshaan ka wada dheh.

Waa kuwaan Luul Jeylaani iyo Awees Khamiis.

Luul:

Aniga galabtaan maxaan galaa oon gaaraa?
gacalkii lahaay adaa iiga gooyee. (2X)
Gibilkiin kasoo go'ay aad gafuurkaa u taagtee. (2x)
Gar mahaysataa kuula gooyee?
Gaar iiga qaad gaasiroow....Aaaahhaaa! (2x)
gaasiroow.

Aawees:

Gabar yahay gambaalac aan kuu gadee, hoo gareeskaan.
Gurigiin igeey maxaa iiga gaa-gaabsehee?
Guud weyneey.

Luul:

Gurigii ku geyn lahaay, oo go'aan noo ahaayee,
Gogoshiis adaa gubbee. seed ku guulleesehee?
Guud weynnoow.

Luul:
geesigii idhalay minaas goblamay,
Guri Aar leyn galloohaayaa.
Guur ii gab-gabtiis waa ka go'ay,
waa ka gaabsaday gees ka gees.

Aawees:
Gonfahaan guurkaaga aan u gashtay,
guulaa gacmaheyga hoorraa.
Gabaryaay gacalkaaga anmaa u gafaa?
Gibilkaa, gibilkeeyga waay.

Hadaba geed oo gugaas lohoo loo gadoomee,
aas Guulle kaa dhigee ii gar-gaarree. (2x)
gacalkaaga waa gudtee, gaabo kaa gaarsan maayee. (2x)
Iska gooy guhaadkaan ku haayee,
Giniyeey anmaa kuu gafaa?.....Aaaaaaahhaaa! (2x)
Anmaa kuu gafaa?

Ee gabryaay.........

Luul:
Gurigii ku geyn lahaa.....


Maxamed Shariif (Killer)

Gacal aduun yaalee
Gaabo lee waayee
gadaal ma rooraayee. (2x)
Gooni go' garab aa igoostee,
Gibilkeeyga dhan waa gadoomee,
meelaay gashaan garan waayee. (2x)

Geeri aan goostee,
godkeey halay geeyee,
masoo gadoomaayee. (2x)
Gooni go' garab aa igoostee.....

Aaxoow hakuu macaanaato hee Macalinka.
Ani waa sii taraaraxaa.
Isfeelti camal aan ku baxaa.

Wax kale soo codso haddii rabtid sxb.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Aaxoow heestaan adi waaye. Waa ogahay saa u jeceshay, ku raxaaxeeyso Macalinka.
Waa riwaayadii (Imtixaanka Aduunka) Siteey Maxamed Sheekh iyo Maxamuud Cabdala (Jerry).

Jerry:

Mashalaayheenee,
shido waa ka baxnee (2x)
aan usla shoornee, shalay aas noqday shumaceenii shidnaayee (2x)
Shumaceenii shidnaayee.

Siteey:

Sharciga dhoor,
sharad aa wadaa,
Shaydaan ka dheer,
Waxaabo kuu sharqamaayee,
Shaahidkeen ka yaab.(2x)

Jerry:

Shalay waa ogeed,
kuma sheeginee,
shiix-shiixa dhaaf ee,
shab isoo dhehee (2x)
Shukri i shumi.

Siteey:
Shoobloow ka shiix.

Jerry:
Shukri i shumi.

Siteey:

shoobloow ka shiix.

Jerry:

Adna i shumi.

Siteey:
adna ka shiix

Hada i shumi.
Adna ka shiix.

Siteey:

Shuqulkaagii xumaa,
ii sheeydaannimadaa. (2x)
Sharaf la'aan aa la yiraah, haddii
leys shukaansahaayee. (2x)
sharaf nikaax hortiisee.

Jerry:

Shan iiga roon
Ladaneey abaa
shuuxka sheex ka saar
sharciga dhaaf sharxaneey
shuuto iila dheel. (2x)

Siteey:

Shalay tii eheed
aan ka shalaayhooyaa
isla shooristeenaa
shir ikeentayee.
(2x)
Shoobloow ka shiix....


Jerry:

Shaash saaridaa
sharax waa la tumaa. (2x)
Shiikh ii Shariifoow aa isla soo shiraa,
kaama shuutihaayee. (2x)
Kaama shuutihaayee.

Siteey:

Sharaxa iila shafeeco roon,
soo shabaaqi ee
shar iska dhaaf, shuut ha dheeline
ma iigu shaafisee?

Jerry:

Shalay waa ogeed, kuma sheegine........

Siteey:

Anoo shoor ku dadmaa
shaqaal iigu darree.
Wax la shahoodaa la shafeecadaa
Sheekadaada dheerree.(2x)
Sheekadaada dheerree.

Jerry:

Shaki ka guur
ee shafkaa isaar
ee shirkaan imaaw
Shabeelle-shiishle ahaannaan
shabaq kuugu dhacee. (2X)

Siteey:

Shalay tii eheed aan ka shalaahoohaayaa.....


Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Xoogaa hal meel aan qalday:

waa:

Shan iiga roon
ladaneey SHIMAA
SHUUSHKA sheex ka saaree
sharciga dhaaf sharaxneey
ee shuuto iila dheel

Raali akhyaarta
Fg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow (Axoow)

Unrecorded Date
Faalka sxb salaan aan sidii aabitee camal aan kuugu soo biibinaa.

sxb New Yearka Party ticket giis iga gudoon marti qaad weeyn dheh....haddii aad magaalada joogto

Sxb waxaan oo cajalooyin ah ma heeysaa....sxb waan ogahay waqtigaaga in uu yar yahay haddaneh qof kaso raali aad ka dhigeeysaa.

kolleeyto aniga martiqaad aan kuu ballan qaaday,New Year Eve party at Afghan Rest.sababtoo ah waxaan kaa codsaday aa ii sameeysay Nothing Free In this Country....lol....lol

jaaw walaal>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Aaxoow sxb, aad baad u madahsan tahay martiqaadka aad i martiqaaday, laakiin waxaad iiga dhigtay service charge oo kale.
Waan isku leenahay sxb, see camalkaa adi?
Laakiin sharaf baan kaaga gudoomay sxb.
sxb. heesaha inta badan calaa niyah No!

Waa kan Cumar Dhuule Sxb. (Allaha u naxariistee)

Mowjad xoog laa imaquurtoo,
mijihii baan meel la waayee.
mar imalagyoo jacayl murugadii,
waa masiibee, ma maantuu i helay?
Nasanba maayee, adna murugtan haygu moogaan.
Miyirkii bey la tagtee, meeday? (Moohiye, meeday? meeday?)
Aaway maan qaadii meeday? (Moohiye meeday? Meeday?)
Allah! meeday mahayee meeday?
Kama maarmi karee meeday?

Meel la joogaba aday muuqdoo,
Midabkaagay hormaraayee.
Naftu murantoo, maarmi weydoo,
Musannowdoo ku dul meertee.
Aday magan iyo marti kuu tee,
hayla moogaan.
Miyirkii bay la tagtee meeday?........

Mayi subaxoo meel ku hooriyo,
Mareer ubax leh baan ku moodee.
Haddaad maqan tahay magaalda dhan.
mugdi weeyoo, wey madowdee.
Marwo dumar oo ku masaala mar ma xigantee.
miyirkii bay la tagtee meeday?..........

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,Faalka Xaaji ,,,armuu ahaa ninka heesta iska lahaa ama ku luuqyn jiray SALAAD M. SHARDI (SALAAD DERBI),,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow (Axoow)

Unrecorded Date
Faalka I salute u sxb

Waxaan u maleeynaa Neefoow kaaniini siduu sheegay Meeday...Meeday inuu Saalax Darbi ku luuqeeyo....bal naga hubso waan qaldami karnaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Waa laga yaabaa inaad iga saxsan tihiin, waayo heesta beri hore ayaan maqlay, runtiina waxaan u haystay in uu Cumar Dhuule (Allaha unaxariistee) qaadi jiray. Laakiin dadka soo booqan doona qolka ayaanu weydiin.

Waa Heestii (Awgeedi Shambo) iyo riwaayadii “Asaraarta jacaylka” ….Zulfa.


Gamuunkii soo gentidaa
Gibilkii ay gaartaba gadoomaayee,
Geesiyoow nin kuu gafay maa
Guuleeysahaayee?
Guuleysahaayee.
Gabayga yeeraayo
Guuxa baxaayo iyo gurbaanka,
Awgeedi shaamboowaa lagu guurihaayee
Lagu guuriyaahe.

Geedba geedka ka weyn
Sida loo gandoodobo adaa garataayee,
Gashaan minaad gashatid, faro waa gariiraan.
Alla waa gariiraan.
Gebeyga yeeraayo……


Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
WAAH WAAH WAXAASAA XASUUS MUDAN ,,,,FAALKA XAAJI WAXAAN KUUGU ABAAL GUDO MA HAYO ,,MANA AAN HAYO MEEL AAN HEESA KA SOO QUFO SE BEYJKAN BAA WUXUU NOQDAY BEYT MUDAN BOOQASHO KOL WALBOON SOMALINET AAN SOO BOOQDO,,,,WAAH WAAH WAXAASAA JACEYL AH,,


BAL IGA YARA HOOYA WAA NINKII SOMALI FAGAX HOREY U SOO GALAY,,,


SARAKACAAY SOOMAALIYEEY
SARAKACAAY SARAKACAAHAAY
AAN SILICA DIIDNA OO SARAKACAAY
AAN SALABKA QAADNA OO SARAKACAAY
ISTICMAARKA SURKA GOYNOO
AAN DALKEENA AAN DALKEENA
AAN A SAARNEE
CADAWGI NA SIRAAYOO
HILBAHEENA SAAFAY
SALAAMIMEYNO MAANTOO
SALAAMIMEYNO MAANTOO
SANDULLE SANDULLE
SANDULLE YEELI MEYNO
SARAKACAAY SOOMAALIYEEY
SARAKACAAY SOOMAALIYEEY
SOO KACAAY''''''


AAXOOWGII AAN GARANHAYAY WAA HADDUU YAHEE BAL SOO YARA XASUUSO ISKUULKII XAMAR JAJAB IYO TAXTIGA IYO WAAN BAAREYNA. XAAWA CIISE ,,SLAVE TRADE ...IYO XERROOW ,,,,WAAD WADA SALAAMANTAHIIN ,,,,,II SOO BARBARYA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow (Axoow)

Unrecorded Date
Neefookaniini
sxboow aad iyo aad aan u qoslay waxaan soo xasuustay Somaali fagax oo ka horeeysay Waanbaareeynaa.

Sxboow heesta sarakacaay waxaa ka ilaawday.

SALDHIGAAN LAHEEN IYO
MAROORSADAY SADKEENI.

sxb heesii dhan waa iloobay bal tan ma xasuusataa

Thooradii dhalatee saaka
waana sugeenee saaka.

Neefoow sxboow qaraabadii horaa tahay bee oo Qoonaha shamiitada ku ciyaari jiray.

sxb waa is taahishaa in aan e-mailkeega kuu reebo
saas79@hotmail.com PLZ!!!!! mail to me


TO:Faalka

walaalkiis raali noqo haddii aan topic kii aan wax yar jiiro aan galiyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
War waa ii boxoosaa Aaxoow anaabo qoslooyo wax laga hadlooyana ma aqaan LOL@@Uguys

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
TOWRADDA MAHAD LEH
MURTI SIYAAD BAA LEH
SHAQAALAHAA MURUQ LEEH
BEERAHAA MANFAC LEH
MAHDIGI NOO BAAQAY
OKTOOBAR GUUL MUDANAY
MIRA BISLAADOO MAC
MADAX BANAAN GURANAY
*********************

Heestaas kol walbo aan soo xasuusto waxaan soo xasuustaa nin la oran jiray DHAGA WEYNE oo GAARIGII LG iiga degta ka saaran inagoo ka soo noqoneyna meesha sportivo dii lagu qaban jiray mahrajaanka,,, uu isaga inoogu luuqeynayo aan ka daba marineyno,,,iyo nin kaloo MAXAMAD YAASIIN la oran jiray waagii dambana la baxay BOB Mac CARTER IYO MUUMIN MAXAMAD BAANA ,,,,fANAAN SAQIIR ,,,BOCOREEY ,,,FURREH ,,SHUNNI IYO FIITAX,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Warkaaga isii Neefoowmacalin.
Fg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To Daahiryare

Walaal daahir sidaan ka balanqadayba waatan heestii aan kuugu badali lahaa hestad dalbatay oonan gacan ku heen.

Saxarlay ha fuduaan (Mogge)

Ku sinaan dharaartii
la sargooyey dunidee
Rabbi gay sameeyee
Cirka sare u taagee
Xiddigaha siraatiyo
lagu suga cadceeddee
Sagalkiyo daruurtiyo
Lagu xidhay sitaacee

Dhulka gogol la seexdiyo
Sabo lagu negaadiyo
Laga dhigay sin dadabkee
Buuraha la saree
Dhirta samayda ciddiyo
Salka loogu joojee
Saddex laab bad iyo webi
Lagu yidhi sabbeeyee

Dabadeed la saanyee
Qofba meel la siiyee
Saldhigeedu qaydnaa
Cidi uma sinnaynoo
dadku ruux sabooloo
Saranseer ku raagiyo
Quryo samad yaalloo
Sidka dhalay ku hasytoo
Helay seer ma weydiyo
Laba kala sed roon baa
Subax noolba Joogee

Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo waligaa
Saxarlaay ha fududaan

Sal fudaydku xaawuu
janadii ka saaree
ruux aad sugaysoo
maqan waa la saad shaa
sahan waa la dhowraa
ha sahwiyin ha selelin
sarka dhaban ha noqonin

Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo waligaa
Saxarlaay ha fududaan

Hesaha kale aank u hayo hadaad dooni waa:
-Geesi iyo hanad baa
-Haddu beerku qaybsamo bar baan adi ku siin laha
-Sida geed caleenliyo ubax guudka qariyeen
-Wa la guursadee (Naji sacad)
-waa qalanjo yaablo (samatar)
-Midabkeeda Dhiinka ah (oo dhamestiran inkastoo xogaa laga magacabay in this forums)


To Akhyaarta kale

Waryaaya Faalka Xaaji iyo Kaafia, meshan wax aad nooga tagteen ma jira hees walba idinkaa shegay iyo akhyaarta kale.**Kaafia iga raali ahow magacaga waan qalday mar aan ku shegay qaybta Dhodaan**

Wax ii shego hestaan ugu jeclaa ee ahayd.

Iyadoo doog dhaxjiiftoo
Daawanaysa Ubaxoo
Sow raaxo damacday
Durba gareeska furatoo
Siidaysay timahee
Mays iri ma daysaa
Misa waa dugsiisaayee

hestaas aad baan u jeclahay wax ii dhameestiri karo ma idinku jiraa.

Kusow
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Saaxiib Kuusoow, iigu dhufo "Waa qalanjo yaab Loo"
Alle nagama kaa qaadee.
Fg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Waad ku mahadsan tahay ina Mooge.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Salaama Calaykum:
Heestaan waxay ku jirtay Sheedaan Bulloow waa heestii (Joog)
Axmed Shariif (Killer) iyo Siteey M. Sheekh.


Killer:

Jiriskaaga waa jaah wareeree
Joog dheereey waa kuu jilboodee
Iima jeedidee
Jid miyaa in leey jawaabin?
Joog
adiga joog
Jano waaye miin isjeclaanee
Jilbahaa isaar iila jiif ee
Iila joog
Ar joog
Jilbahaa isaar iila jiif ee
Joog.

Siteey:

Jiriskeeyga miin jaah wareertee
Joog dheeroow war isii waa jilboodtee
Kaama jeestiyee
Ma jirto mad khaas oon la jiiftee
Joog
Adiga joog
Jano waaye miin is jeclaanee
Jilbahaa isaar iila jiifsee
Iila joog
Ar joog
Jilbahaa isaar iila jiifsee
Iila joog.

Killer:

Jismigaaga ii jamaalkaa
Jowhareey ar joogaa jin waaye
Jilcanaantaa (Warka I sii)
Jaliil aa sidaan kuu jiheeyee
Joog
Adiga joog……….

Siteey:

Jismigaaga ii hee jamaalkaa
Joogaa Jaliil ii jimeeyee
Oon u jeestee
Ma jirtaa mid khaas oo la jiiftidee?
Joog
Adiga joog…………


Heestaan Cumar Yare aa ku fiican qaadida.


Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To Faalka Xaaji............

Xaaji duqa ma la fayooh. Xogaa Sabtida iyo Axada fasaxa aa la isag jiray ee.

Heestii waa tan ee. Lakiin wax badan kama garanayo oo waa laba "tuduc leey". Xataa garan maayo isku Qalanjo inaan ka hadlayno. Anyway waa ku dhufahaa.

Waa qalanjo yaablow
Qurux iyo Ilaahbaa u dhammeeyey qaayaha
Ileeyn way qarsoonayd
Dhab markaan u eegaay
Qac indhaha ku siyaaan
Qumbadaaa jacaylkii
Alle igama qadaan
Qalbi nuura ii daa

Qaabkii Suleekhaa
Siduuu Eedbbe kuu qoray
Uu kuu qotamiyaa caashaqa ka qaro weyn
Kor markaan u eegaay
Qac indhaha ku siyaa
Kalgacayl i qariyaaa
Alle igama qadaaan
Qalbi nuura ii daaa.

Faalka waadna ku mahadsan taahay Joog.

Kusow
ramadam kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xumoow

Unrecorded Date
TO:all
Aqyaareey waa salaaman tahiin
Hal waxaan idinka codsanaa idinka iyo baaba falka xaaji waxaan radinooyaa hadii qof meel ku og aas jiro cajaladii luul jeeylaani ee 94kii
aheed "orginal" tii aheed waaye yaah kuwaan kale ooy gadaal ka duubti mala rabo marka asxaabeey qof meel ku og hadiis jiro hala ii soo sheego wax kasto aan ka bixinaa
e_mailkeeyga waxaa waaye n_slow@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxdo

Unrecorded Date
Faalka ramadaan wacan

marka horefaalka ma adiga nika la yiraahdo f.g mise labo qof ayaa kala tihiin, marka xigto hiiso shidan noo qaad soo mar hore kumo oran maxaa waaye waxaan oo loogu tala galay JAADKA!!!! ani waaba shakiyayee ma jaad baad bilawday???? hadii aan soo ogado in aad qayisho la soco Gabadheena waa kaala noqoneenaa ka dibna waxaa ku soo darsoomee nimanka Garoobyada markaas ayaad shax si fiican u ciyaareesaan hesaha liilalawdana dhagesanaysaa.


waa sii biiibaaaaaaaaaaaaaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaafia

Unrecorded Date
Salaan macaan iga gudooma dhalinyaro, salaan ka dib waayadan bogga ma soo booqane maxaa iga dambeeyay? Waan ku farax sanahay inay inagu soo biireen dhalinyaro cusub gacmo furan ayaana ku soo dhawaynaynaa.
To: Kuusow
Walaal mahadsanid magaca aad qaladayna micno malahan mar hadii aad saxday bal heesta aad codsatay aan isku dayo inaan kuu dhamaystiro.
Sida ay ila tahay waxa qaaday Moogayaasha midkood teeda kale ereyada heesta oo dhan ma xusuusto I hope inuu faalka inaga caawiyo dhankaa.
(......)= missing words

Aan damaq jacayl dad is raba
warkood raad raadin jiray
waxay oogu darnayd
markii aan dul imi taan dunida
rabay iyadoo doog dhex jiiftoo
daawanaysa ubaxoo sow raaxa damacdaye
durba garayskii furatayoo
sii daysay timihii
mays iri madaysaa mise
waad dugsiisaa
dibnaha ma isasaartaan
yaa dooq u heli jiraye
dadoow maxaad ku talin lahayd
******************************
Aan dab iyo maal
deeqaha ilaah kaa.....
marna waxaan is idhi
dumar iyo dhibtood
baa ila durkaye
wuxuu sida daruuraha
sagal waa u daalacay
waa mid muuqa dahab
lahoo hadaan anigu dayn
lahaa qaarbaa igu dirqiyayee
aan is idhi ma daysaa mise
waad dugsiisaa
dibnaha ma isasaartaan
yaa dooq ku heli jirayee
dadoow maxaad ku talin lahayd
dadoow dadoow dadoow maxaad ku
talin lahayd.

I hope you enjoy it:-)

Kusow alankii awkey nebadaa iska ogneh inis martiyeytooy heerka heerkaa wuh:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Dhalinyaro bal heestana iga gudooma, waxaa ku luqeeyay Bashiir Cali Xuseen waa heestii "Arji"

Jaceyl kala awood wayn
kii iilka dhigay Qays
Laylana ag seexshaa anna
igu abuurmoo
oogaduu ku faafoo diiday inaan
adkaysto ii kaa asqeeyoo
igu kaa eryaaye, ogow naftaa
kuu ooman adigee imisaa
adoo kale arji iila timidoon
oofin maayo aan idhi aawadaa
u joojiyay. Wadnahay ololayee
ii dhigo abaal oo arkinkayga
meel mari.
****************************
Axdi been ah lama galo wacad lama
ilaawo ruuxii ku aaminaa lagama
indhasaabtee, afar sano iyo dheeraad
arimahaan dhisaynay aan is idhi
idlaadeen......................
...................wadnahay ololayee
ii dhigo abaal oo arinkayga meel mari
************************************
Ma ogtahay aduunyada rabi inuu ku
uumay hablo kaa asluub wacan ee kaa
ilwaad qurux ama amigaagaan ana aanan
ka oodneyn waa adigay agmarayoo
sidaan ahaynba eegine.
Ogow naftaa kuu ooman adigeeeeeee
...............................
................arinkayga meel mari

Nabad geylyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Waa heestii magaceedu ahaa "Darin inaan la jiifsado." Waxaa heestan ku luqeeyay Khadra Daahir Cige

Dumarkiyo ragoo idil
hadii la isku soo daro
qofba dooqii meel dhigo
duurka iyo kaymaha hadii
roob ku wada da'o dusha
laac ka wada maro duunyadaad
dhaqaysanaa neefba doobi loo
culayey ruux jaceyl damqaayana
maal laguma dagi karo
dadkoo dhami ha wariyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
darin inaan la jiifsado
**************************
Dumarkaba dhamaantood
dadku waxay u haystaan
inay duunyo raadshaan
hadii daaro fooq liyoo
dukaamad la ii dhigo
kuma dawoobo caashaquye
anna dihashadaydii damac duunyo
ima galinay jacayl baa
idaashaday inkastoo la doodee
dadkoo dhami ha wariyeen
ha wariyeeneey, dadkoo ha wariyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd darin
inaan la jiifsado.


"Naf ku Jecel" Waxaa ku luqeeyay Zahra Axmed Jamac

Naf ku jecel aduunyadaa
baa u wacan wax nooloo
nabad lala wadaagoo
nimca lagula waaree
manugliyo kalgacalkaa
naar iyo kadaran olol
markuu nudayga kaa galo
nabar weeye halisee
ee taa nafsiga geli
oo soo noqnoqoshada
ha iga moodin nacasnimo
anna hadii aan ku naawilay
naqba waa la dhowraa nasiibku
ha isku keen simo.
*****************************
Nacab iyo sokeeyaba neeftaydu
diidoo, manastoo jacayl baa
naxal iga samaystee
adna kayma roobliyo
dhul naruuro joogtaad naxdin
li'i ku hurudaa nabsi dhowri mayside
ee taa nafsiga geli
oo soo noqnoqoshada
ha iga moodin nacasnimo
anna hadii aan ku naawilay
naqba waa la dhowraa
nasiibku haysku keen simo.

Kulanti dambe oo xiiso leh dhalinyaro:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Kaafia

Igaartay walaahi waxaad i xasuusisay waayo waayo. Ma qiyaasi kartid sidaan heestan u jeclaa. Waxaan soo xasuustay Dugsigaygi Sare, waaaaaaaaaaaaaaw,

Kaafia heestan waa sadaxda heesood ee aan ku dhinta mida ugu horeesa labada kalana waa "Dhool da'ay la moodyey iyo Midabkeeda Dhiinka ah"oon heysta copy ayaga ah.

Maanta markaan arkay miraha heesta ee aad meshan ku qortay, waan ku luuqeeyey, markaasan waxaan soo xasuustaa, wax kasta oon iloobay, khasatan sidaan u qaadi jiray, meshan ku qaadi jiray, iyo ruuxaan u qaadi jiray waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw.Intaas oo sano ayaad gadaal iigu celisay, Xusuuso macaan iyo waayo waayo ayaan malinti inteeda kale ku dhamestay.

Kaafia adigiya Faalka Xaaji "F.G" dawlad ayaad tihiin calankeeda leh. Waadna ku mahad santahay mar labaad. Labad heesood ee kalana "arji iyo Darin.." makala liitaan.

Hadaada heen ha isku dhibin, lakiin for curiosity wax ma ka xasuusataa heestan oo ah waayo waayo.

Imadadaali Daali
Imaaweeli Weeli
Maxaa ku daray mooyi
Miyaad iloowday maya

Midkula mid ahoo kula midaba aah....

Taasna xogaa waxay igu reebta xusuus.

marlabaad mahadsanid,

Ariitay Kaafia maaba ki aalan meelan ini aritoo reer arlaadi ee atariisha ku etaaaaa...Dhowaaaaaaah. ah ah ah.

Kusow
Ramadaam Kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Faalka Xaaji
salaan ikhiyaarnimo horta sxb dhab iga dheh, heesahaygiina waa soo socdaan ee lasoco.

Kusow,
Kaafiyi waxay kuleedahay waad mahadsantahay, labadase saf ee ugu hooseeya labada ka koreeya maan fahmin ee ii jilci.

Manaxdo,
Maxaa dhahday jaad..magaalada xitaa hadii uusan oolin jaad, faalka Xaaji firinjeerka uu ugu jiraa ee ninku shaxda hanala dheelee naga daba keen.

Hadii uusan jaad cunin f.g wakhtiga uu waxaan oo heeso ah kuqoraayo xaguu ka keenay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Xuskii Cumar Dhuule

Faalk Xaaji,
Sxb hadaynu maalmo sii noolaano maxaa maalinba midaynu jeclayniyo midaynu kanaxno geeridooda la'inoo soo sheegi doonaa.

Sxb geeridu waa wax xaq ah waxaase murugo muddan fanaaniintaynu jeclayn sida CAMAR DHUULE, AHMED MOOGE IYO QAAR KALE OO BADAN maalinba la inoo soo sheego mid meel darxumo iyo daayac ugu dhintay.

Waxaan maqlay mu'alifiinta soomaaliyeed nin ka mid ah kuwa ugu heesaha badan amaba ugu heesaha wanaagsan waa XUSEEN AW FAARAXE inla'odhan karo wuxuu udhintay gaajo iyo daryeel la'aan.

Waxay ila tahay cumar dhuulena inuu lamid yahay oo haduu daawo iyo daryeel heli lahaa laga yaabilahaa inuu maanta noolaan lahaa.

Hadii la,ina odhan lahaa Cumar Dhuule ayaa xanuunsanaya ee kusoo shuba akoonkiisa lacag intee inle'eg ayaad umalaynasaa in loo diri lahaa?

Heestan wuxuu tiriyey Cumar Dhuule lixdamaadkii Mar ay xaaskisa wayn waa Gacalo amaba xaawo mar ay ka masayrsanayd.

Gacalo
Waxaan gocanayaa xaal gaboobood iigaysatee
gudiyahay maqloo hanaloo garnaqo
aniga iyo gacaladay hanaloo garnaqo

Gacaladaydii aan lahaa nacabka ka goo
anigay guhaadiyo colaad iigaysatee
gudiyahay maqloo hanaloo garnaqo
aniga iyo gacaladayd hanaloo garnaqo

Anoongubayn bay idiirataayoo igilgishaa
gabalkii dhiciyo waagii guduutaba igarbisaa
gudiyahay maqloo hanaloo garnaqo
aniga iyo gacaladaydii ..

Waxaan diidayaa doqonnimada iyo hibooy daansigee
waxaan doonayaa nolol daacadiyo isku duubnideenee
doorbaan bidee ama ila dadaal
ama haba degtee doonida kubood

Waxaan diidayaa inaan kaa durkoon
sida dawri aar debedaha maree
waxaan doonayaa dawadaydiiyeey
inaan kaadugsadoon nacabka kaa ilaaliyee
doorbaanbidee ama ila dadaal
ama haba degtee doonida kubood

Adigoo kale lama abuurine
naa meel i olashaad iin ku reebtee
naa malaa hooy amaantaydii waabad eedoo
erayadaydiibaad amakaag ka qaadee
aramidayda waad ku ayisee
innan ragaad waa kii adkaystee kaa uur adayga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Faalka X
Abtiyow intee ka dhacaday waxani fasax kabadane ma computerkii baa kaa xumaaday iyadoon 2000ba aan la gaaddhin?

F.g,Kaafiya Mr cool,Ladan,Luul,Jarar,Manaxdo, inta kale ee bogan soobooqata iyo dhamaamba soomaaliyi meelkasta oo ay joogto aan leeyahay "kugaadha sanadkan kiisa kale barwaaqo iyo bashbash".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Heestan wuxuu u qaaday Cumar Dhuule ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee,mar ay xaaskiisa Gacalo aykaduday. Markii uu heestan u qaadayna iyagoo ooyaya ayey isku soo boodeen.
Heestanina waxay halkaa kaga furatay Cumar Wan laqalo iyo odayo loo yeedho.

Ruuxii haboonbaa maruun halaaboo
Naa duni hagaagsan la helimaayoo
ee haatan iyo dan naa ilaheshii
hadal macaanay hannaan wanaageey
hanaan wanaagay maahee ila heshii

Hadalkii duulaan hadal haleelinee
naa hahigsan maanta wixii horeetee
haatan iyo dan naa illa heshii
hadal macaaneey hannaan wanaageey
illa heshii maahee illa heshii

adigoon ihiifin inna dagaalin
naa uhubso maanta dhibtan i haysoo
oo haatan iyo dan naa illaa heshii

Waxa hubaal ah oo aanad huraynin
hadii aad nabada hogdheer kutuurto
nabsi habeen dhaxay inaad helaysee
haatan iyo dan maad ila heshiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JARAR

Unrecorded Date
CIID IYO SANAD WANAAGSAN AKHYAAREY.

ASXAABAY HEESUHU WADA BADAN KALESE BILAN.
HEESTANI WAA HEESTII "HARO-DIGEED" KUNA LUUQEEYO HOBOLKII XASAN A SAMATAR.WAXAY KA MID TAHAY HEESAHA AAN UGU JECELAHAY. ILA ARKA.

Howlaha adduunyadu
waa kuwaa ishaystoo
aan kala hadhaynoo
hamigiyo faraxuba
midba waa halkiisee
habeen dhalad ninkiyo
kii nasiib ku hadhay
ways hareer socdaanoo
kala hadhina mayaan
anigana haweeyaay naftaydii habeenadan
halis bay ku sugantee.
hilaac aan dhawaynbaa
halka geelu daaqiyoo
beesha Haro-Digeediyo
hawd iiga muuqdaa.

Dhul uu huguf ku da'ayo
hambalo ay ku taal baan
ku haloosiyaayoo
maskaxdu ay la hadashaa.
haldron roob lahaynbaan
hadhbaqoolayaayoon
haadama qodanbaan
ka dhex heesayaayoon
jacayl aan hadhaynbaa
heeryada isaaroo
jinni hatufkiisbaan
hasaawiyaayoon
haybshaa jacaylkiyoo
halka aad ku nooshahay
HAYBSHAA JACAYLKIYOO
HALKA AAD KU NOOSHAHAY.

bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii & D

Unrecorded Date
Faalk X
Macalinka saan maxaa waaye bada caashaq ee aan gudhin inta aa nabartay maa nooga bixirabtaa?

Aaway alaabitii lagaaga bartay iyo xulka Faalka Xaaji mise iidheh leey aheed oo lacag dhiibta aaleedahay?
Kistaada waaba ogolnahee hawshii cuslayd ee aad waday halkeedii haka siisocoto saan si ma'ahee.

Ismaqal danbe oo xiiso leh aan isku ognahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Akhyaarta siiba Lii&D Xaaji raali iga ahaada Howlo dhib badan aan ku jiraa laakiin waan soo noqon doonaa oo idinkoo bari ka sugaaya ayaan koonfur idiinka keeni doonaa.
Fg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Akhyaarta raali iga ahaada waan yara mashquulay, meelo kalena waan ka dhex dhacay, aanan imika ka hadli karin. Hadda se wixii ka danbeeya sidii caadiga ahayd ayay inoogu socon doonaan heesuhu.
Waxaan halkan uga soo mahad celinayaa:
Walaasheen, Kaafia.
Walaalaheen Lii & D, Kusow iyo macalinka weyn Jarar Xaaji Wadani.
mahad kuligiin.

Heestan waxaa qaada Boqorka Maxamed Suleybaan Tubeec.
Heesta magaceed Kaafia hala weydiiyo. Lol@@

Jacayl wada jin maahee,
Cilmi kii la Jaqaf yiri
jaad ba'oo jug'le heley.
Xadhig igu jirdaayoo
igu jidhidhidhiq siiyoo
feedhahay ijajabaye.
Jugna igama daayoo,
kanu waa jariiree.
Jil-jileec ha noqon buu "Jabaq" iigu sheegaayee.
Janno kuu danbeesoo,
Jowharo la mood baa
Jallaheeda noqon buu "Jabaq" iigu sheegaa.

jaraw igu kaxaystoo
orod jagaca mooyee,
socod waan ka jiidtee.
Waan jidin qalalayoo
Sidii jibini ay dhicin,
Dhegehaa i "Jaw" leh.
Jugna igama daayoo......


Soo wada Akhyaarta....oo iga saxa.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Waa 1950-meeyadii waa Marwo.
Anigoo yar baan maqli jiray heestan, imikana waan xafiday...
Cid kale kuma haleeyeen ee bal xadhigeeda iga qabta.

Goobaale ban ahoo,
gaajo iyo oon loo,
Gallowgiina ka duullaa, gabal iigu dhacay eey.
Waa meel gabbaa'iir ah gayi laga hayaamee,
geed ma laha ruux gaabshay gelin uu ku nastee.
Goob yaalay meel aan gacal iiga muuqan,
Waan geerri abbaarsaday,
arinkaad igalisiyo halkaad igaga durugtee.
May geysataayee?
Mar uun gacan walaalnimo, mey geysataayee?

Sida gacan xarreedoo
biyuhu "Galac" ka leeyiin
ama godan barwaaqoo
indhuhu kugu gucleystaan.
Adna geeddi dheer baad hore iila gudubtee,
Godob qaaddee, taad gadatay kula gaari waayee. (Bisinka)
Goob yaalay meel aan gacal iiga muuqan,
adaa gacal nacaybkaa
ii laba gamcoodsaday nabarkaan la gaabshee.
may geysataayee?
Mar uun gacal.....

Booh iyo caloolyow
uur gubashadaadii
naftu labada goorrood
"Dhulku go'ba" useexdee.
Guddi baan ku moodoo
kugu guursi seegee
gebogebiyo guur iyo dhib adigaa igaliyee.
Goob yaalay meel aan gacal iiga muuqan
adigaa gantaalaha gudub iigu aaggoo
guur adaa iseegshee.
Mey geysataayee?
Mar uun gacal...


Imtixaanka Aduunka
-------------------
Axmed Shariif (Killer) iyo Siteey
Sharax waala Jilboodaa, laakiin heestaan Dibi ee kaa dhigee marna Dooro.
Gitaarkeed lama ilaawaan waaye.
Riwaayadaan markaan galay Degmada Jowhar ee eheed, Naagtoo aa bururtay sii isu rifeysay iyada dhan "Bus" xidtaa timaheed Ciid aa ka buuxsanti.

Thanks to: Shankar, Shan Karoone, Zulfa, Jerry, Cantar, Saalax (Boongo), Sugule iyo Misiyooniga (From Somali Jazz) Raggaas dowlo ee ahaayeen, Iftin la'aanteed....War kakac dheh...Dooro buur lagu lisay camal oo ilko dhaadheer.
Curuubo la'aantoodna waa dumi leheed, Matarakubo Burshaato laga hilmaamay camal oo aboor gallay.

Iska dhiciya:

Kiiler:
Maal maahinee ismaaga waayee,
mashxaradaa iyo maqaan galkaadee
makam uu nagaarsiyaan maraayee.

Siteey:
Mudo dhaaxo waa loo murgoodaa
malabkii macaankiis ku deeqee
mushaaxa waa moosamkiinee.

Killer:
Ma malaysateene? Mise waa ka moogtihiinee?
Muxibadaan madaxeeda inaa loo muteystee,
muraad nin idiin leh aaba waashee.

Siteey:
Mudo dhaaxo aa....
Killer:
Maal maahin ee...

Siteey: (SowtulRaxma)
Kala maarmi maayaan, Midigtaa, bidix waa maciinsataaye.
Maskaxdiis ninkii maamushaa
miisaan lahaade
Mid horaa meeshaan ka muuqdee.

Killer:
Maal maahin ee...
Siteey:
Mudo dhaaxo aa...

Killer-voice:
Maqrib kii kunool iyo mashaq kii maraayee,
Muxibo waa gartaane
nuur aay u yeelaan
ninbo muraadkiis aas ka maashaa.

Siteey:
Mudo dheer aa...
Killer:
Maal maahin ee...

Siteey:
Mitid eey rabtaaye marxaladyaasha aduunkaanee.
Mas'uul kii la saartaa
marxigeeda ogeene
marag been maa loo marraaye?

Killer:
Maal maahin ee...
Siteey:
Mudo dheer aa....


Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JARAR

Unrecorded Date
HASAN Geneyow maxaad tidhi "HANA DIIDI TUMASHADA"
Waa heestii caanka ahayd ee ku jirtay riwaayadii galbeed waa la xoreeyey. codadkii baxsanaa ee
SAMATAR iyo SAHRA AXMED.

SAMATAR

Wuxuu noole daawado
daauusku waa kow ogow
quruxna loo daa, quruxna loo daa.
isagana qabbaa dilay
waxaana loogu dowgalay
nabarkaan dawo lahayn.
markuu doogta eegaba
inuu daayo kibirkee
adigana aan kuu digo
deeq weeye quruxduye
danbi yaanay kugu noqon--danbi yaanay kugu noqon.
hadaad maanta doogiyoo
dahab shiilan u eg tahay
dayriyoo gu' dabadood
damankaa ku dheeraan
da'ina way ku haysaa
hadduu mawdku daayee.
cashaqan dalxiiska
darartiisa maaloo
duxdanhoo dawana keen
hana diidi tumashada.

SAHRA

Baddaa dayranee waa
mawjadaha dillaamiyoo
waxay doobi reentabaa, doobi reentabaa
fooshi la docotaba
hir baadse noqotee
haddii soo danaa tidhi
dar ilaahay kaa tahay
danbigana aad neceb tahay
daacadnimo tumatee
duhurkii la eedaan
danna taada ka adkow-- danna taada ka adkoow.
dibnahaaga khaladkiyoo
deelqaafna ka ogow.
ku darsoo jacaylkuna
sida midhaha darayga
uma liqo'e duuduub
daraar wayne cashaquu.
hadduu yahay kanaan degay
barritona ka digo rogan
tiiyoo dihin dib ula noqoo
tumashana warkeed daa.

SAMATAR

Dulunkuu neeflahoo idil
isagaan wax dilayoon
ka qabtaa dakano jirin,dakano jirin
xaydha weynta duushaa
dabkaan looga taag helin
geeluna durduradee.
adiganaa dantaa ee
yaanan kula durraamanin
hadii aan dayaxu jirin
xidigaha dadkaa guda
dariiqanay ku arkaan--dariqanay ku arkaan.
adna dabaylahaa ka helay
docyar kalee
ayaan kaaga digayoo
waxan kaaga dariniyo
dugsaan kuugu yeedhee
doqoonimo haw qadin.
cashaqan dalxiiska
darartiisa maaloo
duxdanhoo dawana keen
hana diidi tumashada.

SAHRA

Dulwaynow maroodigu
duudkiisa takartii
daa'iman ku taagnayd, daa'iman ku taagnayd
isagoon dareemayn
taa hortiisa dushanayee
danniyaay baad tee
deeqahaa ilahiyoo
wixii diinta wax u dhima
miyuu iga digayaa
marna igu dirqiyayaa
haddii loo kitaab dayoo--hadii loo kitaab dayoo
wixii aan dalo lahayn
labadaasi kala daa
ku darsoo jacaylkuna
sida midhaha darayga a
uma liqo'e duuduub
daraar wayne caashaquu.
haduu yahay kanaan degay
birritona ka digo rogan
tiiyoo dihin dibula noqoo
tumashana warkeed daa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Walaal Jarar Riwaayadaa ma gelin laakiin heestu waa hees cadiim ah.
Walaal tan bal ila eeg...
.............Asraarta Jacaylka.................
Boqoradda Haweynka Soomaaliyeed waa Maryan xaaji Mursal...Waa baxsannaa!

Balad ii baadiyo
bulshada dhamaanteed
kii kasoo baxsadee,
iigu beer nugul waayee.
Barashadiisaa boggey ku taallee
wey ibaanisaa.
Bartilmaameedkii jacaylka
oon ubukaa iisoo birqaayee.
Baxsannaa, baxsannaa.
Alla wiilku baxsannaa!

Mushuq ii baas iyo
balaayo ma arkee
Boqol karroonihii waayee
Boqorkii barbaartee.
Waan u boggeyee anay billicdiisu
ii bishaaro tehee.
Waa bartilmaameedkii....

Ar igaarka igaar miyaaaaaaaaaaaaaa! (LOL)

Beer minneey baxdo
waa barwaaqoo
Loo buraanburo waaye
Baarbixii fiican la qaadtee
Anah berrigaan ubaahanaaye
Billaheey ha isiiyee.
Waa bartilmaameedkii....

Aniga maaaa nooooooooooooooooooooool!? (UHh...yeah)

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Heestan waxaa la dhahaa taaraa taraa Lol@@
Yaa qaado ma aqaan laakiin Cumar Shariif ee Libaaxyada Banaadir aan ka maqlay...
halay soo caawiyo akhyaarta.

Timir ii tufaax wixii
rabtid waa ku taabsihaa
Taa, taa, taraa, Teyda ii yeel eey
Waa tiirihaa, makaa tegaayee.
Waa tummahaa "Tiir" ii ahaaw.
Taaraa, taraa, asiimbaa, soo maroojiyeey.
Taaraa, taraa, taraa, tarawish
Tiitiimbo miyaa?

Tallo ii tixraac wixii
Tuurta aanbo saarahaa
Toos-toos saney "Tarawish" ii dheel eey
Tan ii Biyooleey, taadaan tummaayee.
Timaha waa kaa taataabahaa.
Taaraa, taraa, asimbaa.......

Salaama.
Faalka Xaaji Hala maroojiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Akhyaarta haddana ma keligeey aa heesaa?
Ok bal tan fiiriya bal iney idinkaga heesiso.
Cabdulaahi Yuusuf (Hanuuniye)

Shinbiryahow dabeelaha,
daruuraha dhex maraya
Daa'inkii ku uummaa
orod kuugu dowgalay.
Ana inaan nin dillan ahay
dakharadii jacayl qabba
diir kaama saara oo
dusheyda waad ka aragtaa.
Shinbiryoow dunida idil
beeshii aad doontaba
adigaa u duulloo
damaashaad ku wada marra.
Dal fog oonan gaareyn
degdeg adaa ku tegi kara
adaa daalayn socod oo
weligaa u dikaameyn.
Abidkaa ha iga didin
ku dagaali mayoo
waxbaan kuu dirsanayaa.
Warqadan dabboolane
dusha sawirku kaga yaal,
dawadii qalbiga haa, haa!
degdeg iiga gaarsii.

Waanadu ma deeqdo dadna wey colloobeen, dheh.
Duco iyo qur'aan bey wadaadadii ku daalleen, dheh.
Aduu kugu danseeggoo,
dumar kalena inankii,
qalbigiisu diidyoo,
caashaqii baa doogtey, dheh.
Aad oo imika duul oo;
"Daadihiya" mooyee
dawo kalena loo waa, dheh.
Adna doqon la caashaqay,
adna doqon la caashaqay,
deeqaay ha noqon oo,
usoo dabac dheh inankii.

habeen danbe hees baan rabbaa inaan ugu immaado qolka. Haddii kale forums-ka ayaan idinka ashkateen doonnaa.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
Waar mawaan meeshan waxba lagu soo qori karayn,,,maanan garan ,,,ma askatadaa ka dhab noqotay gaw,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JARAR

Unrecorded Date
Waa heesti caanka ahayd oo ay isla qaadayaan SAMATAR,HALDHAA IYO GABADHKALE oonan garanaynin
heestu waaa QALANJO.

SAMATAR

Waa qaalanja yaabloo
qurux iyo ilaahbaa
u dhameeyay qaayee
ileen way qarsoonayd
qun markaan u eegee
qac indhaha ku siiyaa
qumbacdaa,qumbacdaa jacaylkee
alla igama qaadan ,igama qaadan
qalbi nuura ii daa ,qalbi nuura ii daa.

HALDHAA

Qiimaynta noloshiyo
siduu ii qadariyaan
anba ugu qushuucee
yarkan waysu qalanaa
qun markaan u eegee
qac indhaha ku siiyaa
jidhku ii qaboobaa,jidhku ii qaboobaa.
alla igama qaadan,igama qaadan
qaaya weyne ii daa ,qayo weyne ii daa.

GABADHA KALE

Qorma dulinle geeluba
qunyar uma fadhiistee
ha ku jabin qariyo buur
booraan qafilanoo
laysu qarinayaa taal
yaan qiyaastu kaa lumin
qoyskaad,qoyskaad dhisaysiyo
cashaq waa qadiimane
waa qadhaadhane
qado lacagtaadoo
qado la carroowo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gurey

Unrecorded Date
CUMAR DHUULE waaqow unaxariiso,aad baan uga naxay geerida marxuumka,oonan hada kahor maqal.
eebow janadii kawaraabi,AAMIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fanaan

Unrecorded Date
Faalka , iyo fanaaniinta kale CODSI!!!

Akhayaareey waxaa jira hees aan aad u jeclahay oo aanan garanayn miraheeda, heesta waxaa ku luuqeeya
MAXMED AXMED KULUC, waxayna u dhawaaqdaa sidatan:
Diigaa habeenkii..markuu waagu daalaco
.......

Dan kaama lahee taa daa
waa doqonee haw jabin
dad baa igu yiraahdee


Aad baan u xiisayn lahaa hadaad soo dhamaysaan

fanaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,Beyjkani in la xiray baanba u heystay mar haddaanu Faalka xaaji aanu ka dhex muuqanaheyn,, Fanaan anigu heesta aad sheegtay waan jeclaa oo aad baan u jeclaa se miraheeda inta aad soo tirisay uunban ka xasuustaa oo wax aan ku dari karo baaba iska yar ha ahaatee bal maanta hees aan anigu aad u jecelahay oo aan in mudaaba aanan maqal se kaligeey marka aanay dadku ila joogin aan sidii nin fanaan ah aan ku luuqeeyo,, waxaa heesta ku luuqeeyo Al Fanaan Axmed Cali Cigaal Ceymo oo ah fanaankeyga aan soomaaiba aan ku leeyahay oo aan codkiisa halaasiga ah aan nafteyda ugu raaxeeyo,,,,,,


Muran waxaan laheynoo
Geedkii magoolee
Ubax iyo mankiisii
Mirihiisii Qays cunee
Leyla midh ka siiyee
Cilmi muudhsadee liqay

**********************

Ma dhammeyn karaayee
Dadkuu jacaylku soo maray(2)
Mayagii ku hooriyo
Biyihii macaanaa
Mar horeey cabeenoo
Maaxdaan durduurtaa
Matagee cishqiguu
Qalbiiguu mirtaaa
Naftu meyracshaa


*********************


Weyska maagayaan
wey malaha awaalaan
Isagoo mid kaliyaah
Toban magac u yeelaan
maanteey la taaahaan
Berina wuu ka meeydhmaa
Jacayl maaha kaasuye
Marmarsiinyo kala iyo(2)

************************
Muraadeysi weeyaan
Murtad iyo mintiisee
Wuxuu mahaadha leeyahay
Annaa maalan waayee
Mataagee cishqiguu
Qalbiiguu mirtaa
Naftu meyracshaaaaaa


************************


Taan u muhaanayaa
Waa mid qurux ilaahay
Ugu miisay weeloo
Miyir iyo hubsiiniyoo
Maamuus u dhalatooo
Ma dhaafaan haweeneey
Sida mahaadha jaraareed
Milicsiguu indhuhu
Sii macaansadeenee
Maanshee wax loo dhigo
Ma jiraan adduunkee
Ma tagee Cishqiguu
Qalbiguu mirtaaaaaaa
Naftu meyracshaaaaa


####################


Neefoow
Kaniini
Walaalkaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,Ooooops Naftu mayracdaa weyaan ,,,,,,,,sorry mayracshaa baan qoray ,,,,thx iyo ismaqal damboo xiisa leh..,,


Neefoow
Kaniini
walaalkaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,,,,,Heestannina waa mid uu ku Luuqeeyo Al fanaan Ahmed Cali Cigaal CEYMO oo aan iyana aan aad iyo aad oga hello ,,,Heestan waa midaan jecelahay bahweynta Somali net iney ila qeybsadaan kuwooda xiiseeya fanka iyo suugaanta


Welli soo dhaweyntiyo
Salaantiyo bariidada
Kuguumaan saluuginee
Suubaniida weedhiyo
Su'aashuuna i deeqdee
Sasaba iyo Xeeliiyoo
Si ay kuguu dilaan bey
Sir haween u badantee
Saxar aniga oon qabin
Waxa aan la selelaa
I salaaxi dhaban
Dhabankee hadda
Hadda dhabankee
Dhunkashaduu sideey tahay
Dhunkashaduu sideey tahay


#######################


Walli sahaashigaagiyo
Seetahayda Hadalkiyo
Iskumaanan soorinee
Soddog iyo xeeriyoo
Sokeeyiyo diir qura
Islameeynu suganinee
Sasaba iyo xeeliyoo
Si ay kugu dilaan beey
Sir haween u badaantee
I salaaxi dhaban
Hadda dhabankee
Hadda dhabankee
Dhunkashaduu sideey tahay
Dhunkashaduu sideey tahay


############ ###########


Welli sooda dheeriyo
Sahankaan ku maqanahay
Ee sii fog sanadahaaan
Reerkiina sooda yaal
Igamaanad soorinee
Sasaba iyo xeeliyo
Si ay ugu dillaan bey
Sir haween u badantee
Saxar aniga oon qabin
Waxa aan la salalaa
Isalaaxi dhaban
Dhaban kee
Hadda dhabanka'ee
Dhunkashadu sideey tahay
Dhunkashadu sideey tahay


***********************


Neefoow
Kaniini
Walaaalkaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,Fanaankii weynaa oo aan aadka u jeclaa heesihiisa ma dhameyn karahayee bal ila firiya tanina waa mid kaloo qaaday laabteyda,,, iyana waa sidii kuwii horoo oo beryahan ma aanan maqlin wax ka dhawaajinayo ee soo dhawaadoo ila dhageysta ,,,iyana waxaa ku luuqeeya Axmed Cali Cigaal Ceymo,,,


Inaan ,,Inaan
Sida bil ciideed
Farxad loogu soo baxay
Ku Bogaadshoooooooooooo
Ma ogtahaaaaaaaaaaaaaaay

@@@@@@@ @@ @@@@@@@@@@@@@


Baddu iney madoowdahay
Biyo tahay ma moogtahay
Boodhariba caashaqu
Batalaale inuu dhigay
Cakuye la soo booqdo
Ma ogtahaaaaaaaaaaay
Anna inaan riyada baas
Bartamaha habeenkii
Barkiimada ku moodoon
Beerka saarooooo
Ma ogtaaaaaaaaaaaay
Adan awgaaaaaaaaaa
Adan awgaaaaaaaaaa
Beerka saarayeee
Beerka saarayeey


#################


Inaan sida banjoog cawl
Baadiyoobay ma ogatahay
Badankeyga waayahan
Kalgaceyl bariisaday
Haaaaaaaaaaaaaaaaaaa
Haaa inuu buuxo
ma ogtaaaaaaaaaaaaaay
Intaan soo baraarugo
Inaan baalaheygiyo
Kaa baaro Gogoshooee
Ma ogtaaaaaaaaaaaaaaay
Boooooholyoooobayeee
Ma ogtaaaaaaaaaaay
Adan awgaa adan awgaaa
Booholyooooobayeeee


Neefoow
Kaniini
Fanaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
Waa Axmed Cali Cigaal Ceymo oo welli Codkiisii halaasiga ahaa ina deeqsiinayee bal inoo soo yara dhawaada idinkoon is buuranin ,,,,Waa Fanaankeenii waa fanaankii Shacabka waa fanaankii dhallinyarada waa fanaankii fanka iyo Jaceylka ,,, Waa CODKII Dananyay iyo Axmed yare ,,,


Xusuusbaa I dilootayooooooooo
Qalbigeyga doorisooooooooooo
Afarta degel adduunyadaaaaaa
Hadba meel u duulayeeeeeeeey
M a leygu kaa direeeeeeeeeey
Maadigaa doqonoooooo
Duunyada wax dhaaaaaaaaaaminee
Daalayeey daalayeeeeeeeeeey


@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@


Sida deyr barwaaqoo
Duleedada ku hoortoo
Duunyo dhereg la daateen
Dadkuna farax la boodayee
Abaar daran ka doogeen
Wanaagay ku deeqday
Qiyaas laguma doonee
Anna deymadaadiyoo
Jaceylkaagan daahalla
Waa mid leygu gaaree
Adna kaamey daadegin
Dabuubtaan ku leeyahay
Dabac iila dooodee
Qosol digix ka siisee
Dambushteyda saarinne
Berri uun ku daadihin
Deeqaay walaa'aahaaaaaa
iiiieeeh walaaaaaaaal
Dalayoo ma nooliye
Kaalayoo dabkeey hurri


@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Dareemada ku tiilee
Daafaan dacaladeedii
Darantii durdurisee
Doolaa lagu yiqiinee
Deegaan roob la moodiyo
Nafteydu ku damacdoo
Dumar kale ka durugtoo
Dabar iyo hogaaniyo
Ku dadaalay waanoo
I daryeeli weydoo
Dabci waa ma guuraan
Siduu hadal duq hore yiri
Intaad deyso dalawada
I daryeela noqo'oo
Adaan kuu dulooboo
Dabeel raaca hayga dhigin
Deeqaay walaaleey
Daalayoo ma nooliye
Kaalayoo dabka ii hurri


#######################


gadadii diraacoo
Daa'inkeen ka qaadoo
Dhulka daacad ugu da'ay
Reskuna dibadda yaaloo
Durba doog ka soo baxay
Cosobkeedu dihan yahay
Waa dabci lagu yaqaanoo
Anna deymadaadiyo
Jaceylkaagan daahalla
Waa mid leygu gaaroo
Adna kaamey daadegin
Ruuxii daawasha u taga
Deg deg farax ma waayee
Anna dooqii i qaadyoo
duul kale hilmaamee
Nabsi deyd ma dhaafee
Hoooooy dulleedadaa hey dhigin
Deeqaay walaaleey
Daalayoo ma nooliyee
Kaalayoo dabka ii hurri

##########################


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
war ninyow neefoowkaniini oo ma cajiladoo dhan baad soo guurin sxb?
koley wey kuu shidantahoo ileyn waa labadeenee weynu is af garaneynaa xaaji?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kuusowkurtunwaarey

Unrecorded Date
Heestaan si fiican ugu raaxaysta

Iishow abuur guri
Hakaba abaadiyee
Eebaa likiin waayeey
Amaan-naa likiin heleey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,Waar Jammaaca alloow horta ma idiin sheegay in anigaygan lafsad ahaanteey in mar marka qaarkood la igu soo mir kaco oo aan iska tuur tuurto wax aanan oran karin waa gabay qumman iigalana qara weyn Hees ,, kolka maansadu waa tira badan tahee bal idinkuba wax ku magacaaba tixahan ama tiraabtan Jaceylka ah kolley hadhow baad i oran doontaa NeefoowKaniini ma adaaba leh Qalbi wax jeclaada,,,,:


Gooraan xalay riyooday
Salaloo Qaraw la sara kacay
Boodhari iyo Qays iyo
Boqolaal Xuural ceynah
Sariir baaxad weynoo
Baalaha ka joogaan
La yidhi ku soo bood
Sheego waxaad u baahneyd


Waxaan iri Jaceylkii
Idin baabi'iyay baa
Anna leygu beerayee
Sideen uga bogsadaa


Waxeey igu bogaadsheen
Haddii gabar baraarugtay
Kula qabato baalaha
Bushumaha isa saartan
Ka bogsootay xummihii

Kolkaan soo baraarugoo
Baalaheyga eegay
Booladii haween
Berri aanu is baranay
Baar ka cahseyska daayoo
Bariiska baduukhi taqaan
Bibeka tubaakiyo sigar
Baabi'iskiisa ku roon
Boondheeriyo baraaka cabdoow
Baagamuundadii buula eelaay
Badankood eey ka cabeyn
Buuggna ooga furnaa
Biladna ay ku siiyeen


Waxay i tiri Bushaaro
Waxaan iri Bilkhayr
Bilic Qurux wanaageey
Balanti aan laheyn
Tii aan ka bixin
Kii yiri ha Baaba'o
Waa badow aan wax garan
Iyo Baadoow Xarash
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,


GABAY QATAR AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDINASIR

Unrecorded Date
DOOYOW
*ABWAANKII WEENAYI HASSAN EDIN SAMATAR*

DEMINEEDUN HUNDIRMEEDI DIIDEY
DUURKAA WAREEGAY SHIMBROO LI DAA'GEY DEMINEEDUN
DABEELI HAGAAY DIIK WEERKOOWAA DAREEREE
DUDUMEEDA DUGSIDEE DUGAAGA WEHILIDEE DEMINEEDUN
ANII DOOLKI AAR LANBI DANAA WEDEE MAY IS DAYAA

DIIDIINKA WEELSHAY DAYMOODA KI KORIYEEMAA
DAMBAR MI NUUJIYAA DAMBAR MI NUUJIYAA
DOOYOOW MAGAAGAYAA DOOGEY WAGDII LAYAA
DEDEBKOO HA JIIDAAW DIRIGDIIS MAY DHEEGAAW
DEDEBKOO HA JIIDAAW DIRIGDIIS MAY DHEEGAAW


DARBANAAN MARAAW FARAGSHEEY GEED MI DAARAA
FARIGSHEEY GEED MI DAARAA,FARAGSHEEY GEED MI DAARAA,
DOOYOOW MAGAAGEYAA DEGINKEEY DIINSOOR BUUROO KI DEBINAA,DOOYOOW DAREER FAYLI HEELAA DAAKSHOO LII WADEE DIRIREE HAREEDI JIIFAA,DIRIREE HAREEDI JIIFAA,


DOORAANKII DEEBINKII DHULKA DARBINAAWIYAA GEEDOO HAMBAL DABOOLII,DARDIIRTII EELOODII KIINKU DAMAQAANI HEELAA LI DAAQAA ,DAYMI LIINKU DHERIGAANI DOOYKII ISGOOWSHEEWAA,
DOOBKII BILAANTII DAADOOW IS DHEELIYAAN
ANIGOO DAABKI DARIIRAAW DAWADII NAFTEEY
DOOWTII MALIBLEEY KI DIDAYAAW,


ARLAADII DUBUDMAEE EE EE EEEEEEEEE EEEE
HUBUROOOOOOOOOOOOWWWWWWWWWWW DOOSHEE
LA HAAYOO DHEEGAY,DAREENAA I GALEEY DADKII
BERKAASAA IN DUDEEY ANIINI KU DARSIMEEY WAL OO DORINAA LI SHEEGEEY,DEEROOW WIDAAYOOW DEEROOW WIDAAYOW DHEELAA LIS DAAREY.


WEERAROW DOOYOOW WANIINI,WEERAROW DOOYOW WANIINI
WEERAROW DOOYOW WANIINI,

WERAROOW DOYOW WANINI WERAROW DOYOW WANINI
(WERARW DOYOW WANIINI WERAROW DOYOW WANIINI)
HUBUROOW DOOYAA HA DEERTEY,WEERAROW DOOYOW WANIINI
HUBUROW DOOYAA HA DEERTEY ,WEERAROW DOOYOW WANIINI


WEEEERAAROOOW DOOOYOOW WANNNIIIIINI
WEEEEERAAROOOW DOOOYOOW WANNNIIIINI


DEEN HELAA HUBUROOW DANBAR LIIN MAALIWAA DIINKII QURAAMEED LI SAAROO LIIN DOAAYIWAA KOOY HA DHOWAAW

WEERAROW DOOYOW WANIINI WEERAROW DOOYOW WANIINI


HUBUROOOOOOOW DABAALDEGSHEE WEERAROOW DOOYOW WANIINI (WEERAROW DOOYOOW WANIINI)
DOOGEEY NAADIWAAA (DOOSHEEY NAADIWAA)
LANKII DAN KULAHAAYEE DEDAGAYYA DIIDO KU DARAAYAA
HUBUROOW DOOYAA ROOGDEE DAREEMINAADOOY.
(WEERAROOW DOOYOOW WANIINI,WEERAROW DOOYOW WANIINI)


DOGIN WAL I FAR WIINAYEE(WAL I FAR WIINAYEE)
DUBISHEEY LI GOORIYEE (DAARDAAR LIKI SUGEE)

DAARAA QASIN DOODIYEENI FURUNTAA,DOODIYEENI FURUNTAA,DOODIYEENI FURUNTAA,DOODIYEENI FURINTAA

WEERAROOW DOOYOW WANIINI
WEERAROW DAOOYOOW WANIINI
HUBUROOW DOOYOW WANIINI
WEERAROOW DOOYOW WANIINI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusseey

Unrecorded Date
SALAAMZ YA'ALL

horta aad iyo aad ayaad igu mahadsantahiin ......walaalayaal waxaan codsan lahaa labo hees oo aan aad u jeclahay in hadii la awoodo la'isoo qoro
heesahuna waa "DAWADII NAFTEYDAA DADKA TAAN KA DOORTAAY, SOOO INAA KU DAABADO DHAL DHEER UGUMA AAN SOO TAGIN" i honestly don't know who sings or who wrote it. heesta kalana waa "ALA DHEERIDAAYE, LONDON MAAD U NOLEED" i believe there's two version of this song there's da male one n there's da female one please help me with doze two songs

fanka, kaafiya iyo kusow labadaas hees baan idinka sugayaa walaalayaal

to kaafiye
macaanto aad ayaad ugu mahadsan tahay heesta aad qortay oo aheed "DARDAARAN" heestaa waxeey ka mid tahay kuwa aan ku dhinto oo aan raadinaye lyricskeeda thank u macaanto

dhamaan i have su'all
walaalayaal yaa ii sheegi kara meesha aan ka heli karo somali songs lyrics .....n i wonder if diz can be printed out????

nuff love
kusseey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDINASIR

Unrecorded Date
DAWADII NAFTEEYDAAY*
ABDINASIR MACALIN

DAWADII NAFTEYDAAY DADKA TAAN KA DOORTAAY
SO INAAN KU DAAWADO DAL DHEER UGAMA SOOKICIN
DOQON HAYGU NOQONINEE SIDAAN KAAGA DABADHACY
INAAD I DARYEESHAA,
MALAGII KU DILAY IYO SIDAAN AHAY DABEELBAA
DADKA KALA DHANTAALAA II DIIDEY HADALKEE
DAWAAQAAD I SAARTAYOO WADANHAAD I GELISAA
WAXA DAMACDEY MAANTEE MIYAA LAYGU KAA DIRAY


THAT IS ALL FOLKS

ASM ME ANY SOMALIAN LYRICS YOU WISH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusseey

Unrecorded Date
war maa la isoo jawaabo na ?????

xaasidan idaa xasad waaxid!!!!!!!!lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusseey

Unrecorded Date
ok ma'anaasan garan meesha GARAWEESHAN lee ka socoto inta is taqaano lee isku jawaabaayaan, waa tahay marka iga raali ahaada anaaba qol aan ka casubneen imaadey, waan idiin jeedaa inla is dhaga tiriya, falka caadiyoos waaye ani inaa ku dhaho abti waaye marka hee

ABTI falka ee soo jawaab oo heesaha aan kaa codsaday ii soo qur hadee suuragal tahay

kussow adi see waaye ani mrs kusseey lee ahay, duqa soo bood bood hee bari waa tanaa

Kafia ina abti waa ku sideena help a sista out

WAXAASAAA GARAWEESHAN LA DHAHAA

hadee intaas shaqeen weyso , xogaa lacag aan iddiin labaa ok lol

hope to hear from u soon!!!!!

TO ABDINASIR

thanks macaan, i really appreciate it!!!

nuff love
kusseey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaafia

Unrecorded Date
Salaan dhamaan dhalinyaro, runtii aad ayaan oogu faraxsanahay inuu boggan weli furan yahay sababtoo ah waayadan ma arkin spring break ayaan rabay inaan xoogaa heeso ah kusoo daro balse meel uu kabaxay ayaan waayay hadana waqti saa ubadan mahaysto balse waa inoo weekendiga haduu alle idmo.
Kuuseey abaayo xaasidnimo igama ahayn sis garbeeshan wax layiraahdana ma jiraan balse waan kuu soo qoraayaa heesta ah Dawadii naftayda waxaa hore oogu luqeeyay C/naasir Macalin alle ha u naxariistee heesta kale ma aqaano weligay ma maqal sis balse illaa iyo weekendiga isug sis hada waqti mahayo hadii uu jiro qof weekendiga hortiisa soo qori kara that's fine too.

Hada ka hor qof baa soo codsaday heesta uu ku luqeeyo Kuluc ee ah Diigaa habeenkii marku waagu daalaco.... I remember that song and I'll try to post on for you this weekend insha-allah.

Faalka salaan qaas ah walaalkiis waalays waayay waayadan. NeefowKaniini wow! heesaha Cigaal runtii aad bay u qurxoonaayeen salaax dhabanka..dhunkashadu siday tahay iyadoo cajalad ah cigaal heesihiisii the old version meel aan ka heli karo hadii ay jirto please ila soo socodsii this is my e-mail Kaafia@yahoo.com

Kulanti dambe oo xiiso leh dhalinyaro, please boggan soo booqda oo heesaha aad haysaan ku soo qora si aanu u xasuusano fanaaniinteenii iyo dalkeenii.

Salaama
Kaafia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,Nabaaddiino Geddiin

Kafia soo noqotay maanta waa mahad allee,, Kafia soo dhawooow warkaa keen ayaantaan warkaa waa la waayi,,,,


Axmad Cali wallaahi ma garanaayo Old melodieskiisa meel laga helaayo se aad baan u dhageystaa heesahiisa kana helaa,,,


Bal inooga yaraha qac siiyo Dhallinta cusub iyo Heesahoodii waa dhallinta Canada e Waa Cabdil Jabaar Al Khaliiji wiilka la yiraaho oo aan dab yar Shidaheyn xag cod iyo Dadaal ,,..


Waa heestiisii ugu dambeysay ee Cajalkii Hiddo oo ay isku Kaashadeen Dhallinyaro badan ee yar yar se aad aan oga helay Heesaha halaasiga ahi oo ay Cajalka ku soo duubeen,,,,,


Waa heestii Hilowle iyo Cabdil Jabaar Al Khaliiji,,,,,,


Hilowle,,Hilowle
Hilowle,,Hilowle
Hilowle,,Hilowle


Aay Hoobaalayoo
Hilowle,,Hilowle
Hoobaloo Heelada
Hilowle,,Hilowle
Hoobiyoow Hobaaliga yee
Hilowle,,Hilowle
Nin laday Nin weeyaaneey


Haasaawe Gobanimo
Waa in lagu Hadaaqaa
Jaceylkana Had iyo Jeer
Waa in loo Hiloobaa


Hilowle ,,Hilowle
Aay Hoobaaliyoow
Hilowle,,Hilowle
Hoobaloo Heelada
Hilowle,,Hilowle
Hoobiyoow Hoobaaliga yee
Hilowle ,,Hilowle
Nin laday Nin weeyaane


Aniguba had iyo jeer
Waan kugu hamiyayaa
Hurdo kaama seexdoo
Adaan kugu hadraayaa


Hilowle ,,Hilowle
Hilowle,, Hilowle
Hilowle ,,Hilowle


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
Heestaan iyana waa isla Cajalkan Hiddo oo ragga Jabaabirada wada cusub ay ku Goobteen waa rag wada cajiib ah magacyadooda ha inagu cusboonaadeen se wallee waa rag aanan dab yar aanan shidaheyn ,,....


Heesta aan doonayo inaan soo qoraa waxaa alifay Abwaan Ilka Casse ee ruuxii garanayaa garanayee oo ah Abwaan faraha looga gubtay wax badanna qurbaha joogay,,,,,,Waxaa heesta ku luuqeyn haye fanaan Cusub ee la yiraaho Cumar indha yare se Cod isku Miisaaman oo habka uu u galahayo Tempada aad uun iska fajici waa cod iyop muusig isku dheeli tiran ,,Cod sare oo dheer Hiinraag laaabta ku laxaadsaday baa mar qura sidii isagoo dananya soo wada baxaya miyuusigana si habsan loo saaray ,,...


Bal aanu yaraha dhageysanno Al Fanaan Cumar Indha yare,,,,,,


Jacayl run ah
Baan wadaa haayee
Rajanna waan
Kula qabaa haayee
Sidaad ii rabtaa
Baan Anigu kuu raadiyaahee


Adduunyadu waa riyee
Aan wada raaxeysanee
Miyuusigga reemaayiyo
Heesaha Raabka ah ku tummo
Dhankaad doontaba u raac
Naftaada ku raali gelli


Ragoow rig dheh
Rig dheh rig dheh
Ruuneey rax dheh
Rax dheh
Ragoow Rig dheh


Gabdhoow waa kaa raggiiyee
Dummar baa raarka ugu jira
Intaad soo hoorisaanee
Sidii dahab soo rogmaday


Adduunyadu waa riyee
Aan wada raaxeysanee
Miyuusigga Reemaayo iyo
Heesaha raabka ah ku tummo
Dhankaad doontaba u raac
Naftaada ku raali gelli


Ruuneey Rax dheh
Rax dheh
Ragoow Rig dheh
Rig dheh Rig dheh
Ruuneey rax dheh
RAX DHEH
R AGOOW RIG DHEH
RIG DHEH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUUSSEEY

Unrecorded Date
TO KAFIA
abaayo waa mahadsan tahay garaweeshankana kaftan beey iga aheed maadaama aan hadal inka waaye baan wake up call idinsiinaye..qof yahay waan ku sugu tnx abaayo heesta kalana waa hees ku jirta cajilada cusub ee HIDO ee 2000 loogu talagay tnx abaayo

TO NEEFOOWKANIIN

salaan horta aboowe .......aad baan igu farxay heesaha aad soo qortay .....cajilada waan heestaa oo aad iyo aad baan u jeclahay....hadaba waxey ila tahay waad garan heesta aan raadinaya ....magaceega iyo qofka qoray garan maayo laakiin waxaan u maleen waa sidan "ALA DHEERIDAAYEE LONDON MAAD KU NOOLEEYD ....HUUNOOY DHEERIDAAAYE LONDON MAAD KU NOOLEEYD".........pleez try inaad heestaa ama heesta la yiraado "ISKUMA AAN OGEEN" thakzzz walaalo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAYIB

Unrecorded Date
Salaam for all....

FAALKA haye saaxiib see tahay ma fiican tahay..
Saaxiib waa SAAXIIB ..Lumay ..DHAYIB..I hope u do remember..

Saaxiib..Gacalka gacan aan kuu taagay..laakiin hees an ku weeydiiyey almost a year ago...
aad weli keeni la'dahay ..Intaas na waa kaa sugaayey ee hadda hadaad heshid soo KORAAS

heestaa waa MAALMAHA ..waxaan qaada Macalinka weyn Hassan Aadan Samatar..

MAALMAHA QALOOCAN ..
HADII AY KAA MAROORAN
WAA MURAAYAD WAAYUHU
CAANSHAQU KA MUUQDEE

Saaxiibeky Igu salaan Boqorka heesaha jaceylka wadaadka weyn Saaxiibeykeyga qaaliga ah QANCIYE
hadaad lacala aragto

PEACE..
Waa saaxiibkaaga lumay DHAYIB

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,Dayib Saaxiib horaa soo dhacay,,Ilaa goormaa lagu dhowrayay,,,Dayiboow waxaan u maleynayaa haddaanan isku qasaheyn inaan beyd kaliye aan ka xasuusto heesta aad ka dalbatay Macallinka Faalka Xaaji,,,,Bal Beydkaa uun aan inooga dhag siiyo


Maalmaha qaloocaa
Haddii ay kaa Marooraan
Waa Muraayad waayahuu
Caashaquu ka muuqdee


Marbaan sida mayeeraan
Muddo aamusaayoo
Isha mirig Ka siiyaa


Mar waxaan iraahdaa
Sidey tahay mar Curad Geel
Ilmuuhu Mowdku kala tagay
Maqaar saarka ciiddaa
Yaa maali jiraayee


Intaasoo marxaladood
Anigoo ka soo maray
Ma huraan dhulkeygiyoo
Ma naxaanka caashaqaa


Ayaan maanta ka horoow
Mahiigaanku Igu dhiciiiiiiiiiin
Ayaan maanta ka horoow
Mahiigaanku igu dhiciiiiiiiiin


*************************************


intaa baan ka xasuustaa inta kalana madaxeygay la wareegaaleeysaneysaa ee Dayiboow kolkii aan si qumman u soo hello waxaan isku dayahayaa bal inaan meesha ku soo qoro,,,,,,


Waxaa iyana isla riwaayad ay ku jirreen hees kaloo aan aad u jeclaa iyanna aan hadda aadkaa u xasuusan bal haddii uu ruux kale oo dhallinyaradaa ka mid ah uu hayo bal inuu inagu soo saacido oo bal inoo soo qoro,,,,Heestaa laba midh oo quraan ka xasuustaa ,,......


Guntiiga lowgaaa
Marada geynay
Guushii haleelnay
Galbeed waahaa
La xoreeyay
Galbeed waa la xoreeyay
Galbeed waa la xoreeyay
Waarsaa gaagixisee
Walleesee laguma gam'o
Gulufku waa halkii
Gayiga soomaali baa leh
Gayiga
Gayiga soomaali baa leh


Galnay Dagaalkii
Gubnay Amxaarkii
Guushii Haleelnay


Galad waanu ka gaarnay
Galad waahaanu ka gaarnay
Waarsaa gaagixisee
Walleesee laguma gam'o
Gulufku waa halkii
Gayiga soomaalibaa leh
Gayiga
Gayiga soomaali baa leh

################################

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,Kuuseey i kuleesooy
,,,,Kuuseey Karaambisooy
,,,,Ma ku daraa hee Kuseey ibnatul Kuusoow Kurtunwaareey,,,,,Macallimada Heestii soo codsati waa laguu haayaa hee hadda taneey aan soo tuuraa oo iidna hiddo ku jurto iid waxaa hor u qaadi jiri Al Fanaan Kabiir Macallinka weyn Cabdikhadar Xasan Alla ya raxma raaximiin,,,,,Haddana nin dhallinyaro ah oo si foorte eh u keenay oo anni lama gacan aan u taagi Cabdi Boqol ay dhahaan Dhallinyarada Canada aas ku juraa usiina


Waxaan Uurka kaa jirrin
Afka lagama sheegoow
Afeef kuu horeesiyoow
Adkeensiyo dambeetaa
Midi lagu itaalaa


Afgobaadsi hadaliyoo
Arrimuhuu ka weynaa
Jacaylkaan abuurniyoow
Axdigeynu dhigaanee
Meeye ololaheenii**


Iskumaan ogeyn
Inaad oofin weydaa
Iskumaan ogeyn
Inaad bixiso aayahay
Iskumaan ogeyn
inaad arax i goysaa
Iilkiyo Xabaashanna
Inaad ii horseedaa
Asaagey iga reebtaa
Haa haa haa haaaaaaa


Istareexday maantaoo
Adeey kuu ahaatee
Waadigan Aroosee
Balaan eegno aayaha***


Ammaantaada guudiyo
Quruxdaadan aadka ah
Ma asteen karaayee
Sida ubaxa nuuraay
Wadnahaad abaartiyoo


Idilkood haweenkana
Adaan kaa hibeeystoo
Qof la aaminaayoo

Xajin kara ammaanoo
Caqli lahaan ku moodee*****


Iskumaan ogeyn
Cilmi uubti loo qoday
Iskumaan ogeyn
Inaad igu afgooysaa
Iskumaan ogeyn
Inaan kala Irdhownaa
Iilka iyo xabaashanna
Ii Horseedaa
Asaagey iga reebtaa
Haa haa haa haaaaaaaa


Istareexday maantoo
Adeey kuu ahaatoo
Waa adigan aroosee
Bal aynu eegno aayaha******


Intaas iyo maanta kista aan ku soo darri


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUSSEEY

Unrecorded Date
neefoow kaniiini

oooooooooh yaaaaaa salaaaaaaam

neefoow maanta iyo caawa maxaan kuu qabtaa hee...inaa hab ku siiyo oo aan ku shumiyo waaye nooh......haye ani hadii daamanka aa diis diiso duqda amee i kabeesaa hee......aboowe thank you so much hada hadaan ku arki karo aa kuu abaal marin lahaa hee......asxantun kun jeer heestaas saan u jeclahay lee..waan dhageestaa laakiin erayada aad fasiix iiguma aheen ...thankzzzzzzzzz again n again

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,Dayib welli anoon dhammeystiri kareyn heestii baa laba mir oo kale igu soo duulay ee bal aan soo tuuro iyana,,,,,


,,,,,Bardu Xasan Cabdullaahi Ganeey baa allifay waxaana ku luuqeynaya Xasan Aadan Samantar..


Maalmaha madowgaa
Haddii ay kaa maduudahay
Waa Murugo iyo Deebaaq
Caashaquu Murkiyaayee


Marbaan mudanka Ciidaa
Cadaw iiga Mukhuuniyay
Murugadii la ooyaa


Mar waxaan iraahdaa
,,,,,,,,,,,,,,,,,,?
,,,,,,,,,,,,,,,,,,??


Intaas aan ku banjaray iyo halheeskiyoo gadaal ka raacsan,,,,,,,,,,bye


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,Dhallinyarooy haddaan heesaha ku yaraha lifaaqno waxoogaa yar oo su'aalo iska nooc hal xiraale ah sida heestani yaa qaado oo ku luuqeeya oo kale ,,,sideey idiinla dhadhameysaa,,..


Heestan waqti aad u fog baa raadiyihii Muqdiscio laga sii deyn jiray oo xasuus fogina leh,,Marka heestanni gabadha ku luuqeysaa halkaa hees baa ay lahayd wax la garanayo Fanaanka la heesyanna waa fanaan aad u caan ah oo in badan Radio-gii laga maqlay ,,,,Bal isku daya oo soo sheega Labada fanaan ee iskula luuqeynaya,,,,,


Us;
Markii meel aan aadoo
Waxaan soo maqlaayee
Musliin iiyo Gaallo
Wixiis Eebaheey uummi
Minninkaaga joogee


Macaaneey Maya
a'i'iraahin
Ma jiraa warkaaseey


Iida;

Maya maya Aboow
Abboow ma jiree
Warkaas meel ku xooree
Miirkaa adeegoo
Minninkaaga moogaantaa
Mala soo maraayee


Us;

Markaan waa macaadii
Ma Musaafuraaayii
Meel dheer ma aadaayi
Minninkeey ma dhaafaayi
Maseer aa i haayeee


Macaaneey maya a
i'iraahin ma jiraa
Warkaasee


Iid;

Maya maya Abboow
Abboow ma jiree
Warkaas meel ku xooree
Miirkaa adeegoo
Minninkaaga moogaantaa
Mala soo maraayee


Us;

Minii minninkeey la
Soo marmareenin
Maradaan maxaa waaye
Iyoo macawiistaaneey
Mideeydii ma ahinee


Macaaneey maya a
i'iraahin ma jiraa
Warkaaseey


Iid;


Maya maya Abboow
Ma jiree warkaas
Meel ku xooree
Miirkaa adeegoo minikaaga
moogaantaa mala soo
maraayeeeeeeee


,,,,,,Fadlan jwb dg dg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaafia

Unrecorded Date
Salaan dhamaan,

NeefoowKiniini heestaas waxaan umalaynaayaa inay wada qaadeen Faarax Siidow Faarax iyooooo Qosol wanaag miyaa? am not sure

Kuuseey heestaadii waatan:

Dawadii naftaydaay
dadka taan ka doortaay
sow inaan ku daawado dal
dheer ugama soo kicin
dumar haygu noqonine
sidan kaaga daba dhacay
inaad daryeeshaa
Waa kaa dambeeyaa
oo door waxaan idhaahdaa
duni lama amaanee
dahab weeye gabadhuye
************************
Malagii ku dilay iyo sidaan
ahay dabaylaa
dadka kala dhantaalaa
iidiiday hadalkee
inaad daah isaartaayo
keligaa dakeysaa
waxad damacday maahane miyaa
laygu kaa diray
Adigaan da'daadana kaa
daawaadaayoo damqashada jidhkaygiyo
siduu caashaqa iidilay
dumar haygu noqonine
sidaan kaaga daba dhacay
inaad iidaryeeshaa.


waa ku kaa sis nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Heestan waxa ku luqeeya Salaad Max'ed Shardi(Darbi) Magaceeduna waa "Beeni Raad Maleh"

Ratigaan hayi lahayn
aqalkuu ridaaye rarka
lama dulsaaree
Dumarkana ramaadkiyo ramad geel
nin maalay kaa raacayaanee
qalbigaygu tuurabay raaliyo manoqonoo
run kagaari waayaa anna waan
israacshayoo riyadiyo hurdo dhanbaan
ayaan reer ku oodee
xalay baan riyoodoo ruuxaani
iitimid raadkeeda gurayee
anigiyo raxmoo quraa ayaa rug
isla joognee
Beeni raad maleh aaha aaha aha
dheelalow run moodaa
*******************************
Roobkii da'aayo raaxada aduunyada
ani wayga raagtee risiqii la ii
qoray geed buu ku raarmoo
rays gaari waayee
waqtigu iima roonoo ragga igama
saaroo dhanna iima ridayee
ra'samaal lahaystiyo
maal laysku riixaa kala reebay
dunidee wax dhanbaan rafaadoon
rucle orod ku daaloon
raacdeeyay gabadhuye(ee)
danta ii runsheegtee raganimo
ma waayineee
Beeni raad maleh aaha aaha
Beeni raadmaleh dheelalow
run moodaa.


Bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Heestan waxa ku luqeeya ama hore oogu luqeeyay Axmedeey Abubakar Mubarak " Qarnigoo 20aad" I think inay ku jirtay riwaayadii la magac baxday xidigtii is xujaysay.

Qoraxdi dhacdayba
qiseey subixii keentaa
qiimaha jaceylkuna qiimaha
jaceylkuna qalbiguu waxyeelaa
waa kheyr nasiibkuye
waxa aniga la ii qoray
waa qoomame
qarnigoo labaatanaad anoo
qeylo dhaan rabaa qaahira
qaahira kalgaceyl tagay
yaa yaa yaayaa kala qorshayn kara
**********************************
Nafba waxaa u qaali ah ruuxii ay
jeclaatee kuu caashaq qalayna
sir ma qarin karaayee
indhuhuu quusan mayaan
waanada maqaataanee
talo kuma qancaayaanee
qarnigoo labaatanaad anoo qaylo dhaan
rabaa qaahira qaahira kalgacayl tagay
yaa yaa yaaa kala qorshayn kara
********************************
Qolaa laygu marayaa qiiqbaa laygu
shidayaaye hadana waan qadh-qadhaya
oo waan qaboobahay qeys baan laderis
ahay qabrigaan u dhawahay
qaalinkii warkey sidee
qarnigoo labaatanaad ...........
................................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Heestan waxa ku luqeeya Max'ed Axmed Kuluc heestan
qof ayaa ciil u qabay inuu aqristo hadaba waatan hadii aadse ereyada qaar xusuusato oo aan aniga ka tagay isoo sax adigoo aad u mahadsan.


Diigaa habeenkiyo marku
waagu daalaco qoraxdoo
dahsoontoo dayaxoo bar kaga
maqan dabuubta oogu yeedhaa
diinkuna madhuunyadu darimada
abaarta afku wuu u diidaa
haduu gu'gii ku daaqee
anna dooqu yaab lehe
siduu iigu kaa diray dawoy adiga
mooyee dumar kale ma eegeen
dan kama lahe taa dhaaf
waa doqone hau jabin
dadbaa igu yidhaahdoo
anba dira diraha iyo
dadka kaa xanaaqee dadka kuu
colaadshaa
adiguna jaceyl daran intaad iigu
daysaa nafta waad damqaysaa intaad
ii darnaataad cidla iiga durugtaa
hadalkaygu diidaa dadka kiisu maqashaa
*************************************
Dawoy owrka geeluba
naquu micida ku duubuu
dayrtiyo gu'giiba
asba deyn cadkiisuu ???
marka baraxiisu uu kale dawaafaa
dambasamaha cawlka dabaylahaa
qafaashee anna dooqu yaab lehe siduu
iigu kaa diray dawoy howlahaagiyo
dhibtii waanu derisnee
dan kama laha ta dhaaf
waa doqone hau jabin..........
.............................
.............................
adiguna jaceyl daran intaad iigu
daysaa nafta waad damqaysaa
intaad ii darnaataad cidla iiga
durugtaa.......................

wixii qalad ah halayga saxo dhalinyaro I hope inaan heesta miraheeda inta badan keenay.

Kulanti dambe oo xiiso leh:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,,Ma waligeey erey kalaan waayay oon ahayn alla ya cizak,,,,waar dadoooooooow i siiya kalimad kaleen ku iraaho ka badan alla ya cizak,


Kafia Jiirka iyo lafaha heesa ah baad taabatay se anigu garan maayo kalamad aan ku mahad naqo ,,,,,heeso hore ee Alaabtii Sheakespear camal noo eheed waaye waxaan adi soo taabati ,,,,,....wallaahi heesaha waa isku dhaceen kuwoo ka fiican anaa soo jugeesahaayo,,


Kafia walaal waa saad ooga jawaabtay halxiraalihii laakinse Siteey Qosol wanaag markaas mabva la dhalin iida ,,,,,,,Laakinse Siteey Manoogto waaye halkaas heesaana waligeed laga hayaa,,..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
aJaaJa ama jabaa jabaa ama biis ama fooridiganjeelo intaba isu daba geliyoo soo fadhiisi inantoo shaah yaa iigu keena?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,Ajaaaaja Ajaaaaja iga dhaaf heeeeeee


Zigtaa Nigtaa
Haddanna
Zigtaa Nigtaa



Zaahuu muzafal eh
Zaahuu Muzafal eh


Zaahuu Kharkhajaa
****Haddana*******
Zaahuu Kharkhajaa


Zaahuu Kala kaci
Zaahuu kala Kaxee
Zaahuu kala kici
Zaahuu kala kaxee


Kaniiniyoow Belo ku jirto
Baaba Macduurkoow
Mala cunno cawadii
Iska jiraheeeeeeee
Taxadar calaa nafsak



Iskaabuloow Sakareetkaa shido


Ninkii Sakareet haayoow waa soo tuuri kartaa haddiis shidneen,,,,


Naag Sakareet gaddana ma rawi
Naag jaad gaddana ma rawi
Khaasatanna adiga ma ku rawi
Ma ku rawi ma ku rawi ma ku rawi


Haddiis kaa buqana
Waa alxamaa waa alxamaa
Waa alxamaa
................


Kaniin Cawa madoow
Kaniin Belaayo
Kaniin ku jirto


NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Lol@@@@@@@@@@@@@@@NeefoowKaniini you are nuts and soooooooo funny!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mushtaaq

Unrecorded Date
salama dhalinyarta sharfta mudan

Farta xaaji aboowe waxaaaan kaa codsanaayaa
inaad ii qaato heesaha la dhahaayo

1)(Curcuradiyo kubabkiyo xubna wada cudooneey
ceelikii darooroo biyo cidhifka joogaa).
2)(Dumar ugu filrooneey dayax 15naay dahab lagu masaalyeey.................) hadaa heesid waaye yaah aboo hadii kale maku dhibaayi.

waa salaamantin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qanciye BaabaAwees

Unrecorded Date
Ajaaaaaaaaaaja Hoodi Hoodi..
Meel Liwaax soo galay lo' ma joogeeysee
Waa lakala leexiyaa Liin iyo Caano ee
Lee loow yaa leela yaa leela...
...................................
<>Abaab qanciye lee waaye Ama BaabaAwees<>
Maalmahaan waa maqnaa aqyaarta see camalkiin
Meeshaan Elton John iyo Withney Houston maxaa keeni
Booskaan maryooleey aa leh...walibo baaba Awees
.........................................
Calaa ayi xaaal.
Maanta hees qatar eh aan idiin soo wadaa..
Gani makuu gooyee makuu gadmaaye
Gaal iyo islaan geber waa ku gaar socdaan
.......................................
Falka xaaji baaba gember gaaban aa kugu fadhiyaa
Dhayib adina geed dheer aan kuu fuulaa

Geel waa guraa gal manaas gabiib waaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fanan

Thursday, June 15, 2000 - 10:36 pm
Waad salaaman tihiin, waxaadna aad ugu mahadsan tihiin sida aad noogu soo gudbiseen heesaha .
KAAFIA ..aad baad ugu mahadsan tahay heeskii diiga ee kuluc .

Anna tan iga hooya.

EREYADII ILAAHAY HA U NAXARIISTEE MAXAMED CALI KAARIYE,CODKII X.A.SAMATAR

Shan gu' iyo shan dayrood
jacaylkii shakaalaa
sheekadii dhexdeeniyo
aaway sharadkii noo yiil.
Sida shamad aruuriyo
shaashad maalkeed
shilalkii isku qariyeen.
Markaan iri shin dhalataye
soo shabi irmaankoo
shaxda toos u wada dega
sow adiga shib iga yiri

ileyn looma sheegtoo
dumar caashaqaagee
shishey kaaga guuraan
haddaan dib u shalaayey

Anoo sharafka guud iyo
shaalkiyo dharkaan qabo
dumarku shaamareeroo
sheeda layga daawado
Wadankana ku shaacoo
raganimo sheelayn
shafkaad ii garaacdee
markaan shabaqa kuu galay
sida shiri abaareed
milicda igu shiishee

Ilayn looma sheegtoo
dumar caashaqaagee
shishay kaaga guuraan
haddaan dib u shalaaye...


Wixii khalad ah fadlan iga soo saxa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 15, 2000 - 11:22 pm
Ku sinnaan dharaartii la sargooyey dunidee
Rabbigay sameeyee Cirka sare u taagee
Xiddigahan siraatiyo Lagu sudhay cadceeddee
Sagalkiyo daruurtiyo Lagu xidhay sitaacee

Dhulka gogol la seexdiyo Sabo lagu nagaadiyo
Laga dhigay sin-dadabkii Buuraha la saaree
Dhirta samayda ciiddiyo Salka loogu joojee
Saddex laab bad iyo webi lagu yidhi sabbeeyee

Dabadeed la sahanshay Qofba meel la siiyee
Saldhigeedu qaybaha Cidi uma sinnaynoo
dadku ruux sabooloo saranseer ku raagiyo
guryo samu nin yaalloo sidka dhalay ku haystoo
helay seer-ma-weydiyo laba kala sad roon baa
subax noolba joogee

Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan

Sal-fudaydku Xaawuu janadii ka saaree
ruux aad sugaysoo maqan waa la sahadshaa
sahan waa la dhowraa ha sahwiyin ha selelin
salka dhaban ha noqonin ha saluugin qaybaha
qalinbaa saxeexee. waxan Saatir kuu qorin
ha u suul dhabaalayn

Kala saar run iyo been kala garo sir iyo caad
in salaaddu weligeed kala tahay Sunniyo Faral
u ogow sax iyo maan Inaad saamo jiiddiyo
sanqadh tirasho kala daa naf jacayl sawaabayoo
sanka kuu dalooshoo kuu sudhay hoggaan baad
u siddaa maqaarkee ha ku daba saqlaysee
haw gaabin seetada sogsogtiyo cadaaddiyo
ha ku saydhin laamaha


Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 15, 2000 - 11:33 pm
BalHeestanna ila qaybsada oo waa hees macno weyn ku fadhida ee beryaha netka waaba laga fariistay baan is iri qolooyinkii heesaha inoo soo cammiri jiray sidii loo waayay Faalka Xaaji,,,,,



Anuunbaa sahwiyayoo Doonaayay sida wacan
Inay igula socotee Gidi way ka simanyiin
Cadhada iyo saarkiyo Saha iyo wareeykee
Hadaad sare u qaadiyo Haday silic ku noolyihiin
Labadaba ka simane
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhaamaan Loomaba samaynine

Soo jiray aqoon loo Soomaray dhibtoodiyo
Siduu sheegay waayeel Adiga oo u samo falay
Oo wada sida u roon Oo soo dhaween iyo
Sacabada u gogoloo Siday adiga kula tahay
Mukurka kugu saydhaan
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhamaan Loomaba samaynine

Waanigii sir iyo caad Horaba ugu sahanshayoo
Soo xidhay warkoodii Suubasalaaxiyo inaad saanad gooniya
Wax u siiso mooyee Saan tuun ha eegine
Waa sabi allahayoow Si xun wax u yaqaanee
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhamaan Loomaba samaynine

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 15, 2000 - 11:37 pm
,,,,,,,Tanina waa mid dhaxalgal ah ee bal soo yaraha dheehe Moxamed Moogeh Liibaan ,,,,Inkastoonan aanan soo dhameystirin!!

Deeqaay wanaageey dawo caafimaadeey
hantidii dalkaygaay dhaxalkii dadkaygaay
dhaxantiyo darooraha dadab lagaa galaayeey
doqontaa nasiib lihi marka ay ku dooxdee
midii kaala daashee kugu celisa daabkee
diga rogashadadana dagdag laygu keenayo
aniguba daraadaa waan soo dabaashe
alhayow nin daacada alahayow nin daalina
deeqdaada haw simin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 15, 2000 - 11:43 pm
,,,,,,,Ka warramma Kinsi iyo Heesaheeda,,,,

Xareeda laguma waxnaadoo Abaartana lama xumaadoo
Aduun xumba maaha gudhayee Haduu kii xeel ku raacoo
Xogtiisana ruux ku siiyoo Xussuusta lagama gooyee
Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin

Aduun waa xeerba xeeroo Sidii weeye xabag cadaadoo
Xilbay adhi jiri wadaagtaa Anagoo xidid iyo gunbuuroo
Amase laamaha xubnaadoo Xumaan hay gelin waxyeelee
Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin

Sidii faras xamar is xooday Amase geenyo xariir la taagay
Xudu iyo shaal lagu hagoogay Haday xaragadu ku qaado
Xidigaha xataa ayku geyso Wuxuun baa la xeeriyaayeey
Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 15, 2000 - 11:51 pm
,,,,Shankaroon sidee isku tihiin imaba aanad soo xusuusin haba yaraatee Caawa se labadaa mir bal iiga sii suga oo kiinii ama tiinii soo dhammeystiri kartaa ha ii soo dhameystirto koleyKafia ayaan dhinaceeda usoo rogayaa iyadaa qaamuus xiran inoo ehe,,,,,lol


Sida qaalin geelo Inta uu gu roob helay
Cirka baarku gaadhoo Lagu guurin waligee
galabtii caraabaha Marku gees u yaraa baxo
Midab kiisa gaarka ah Sida loogu goohaaan
Ana kugu guuxa Go'i waaye hay dhigin
gaga laga hayaame kaalay gacanta iga qabo


Sida qaalin geelo Inta uu gu roob helay
Cirka baarku gaadhoo Lagu guurin waligee
galabtii caraabaha Marku gees u yaraa baxo
Midab kiisa gaarka ah Sida loogu goohaaan
Ana kugu guuxa Go'i waaye hay dhigin
gaga laga hayaame kaalay gacanta iga qabo


Sida qaalin geelo Inta uu gu roob helay
Cirka baarku gaadhoo Lagu guurin waligee
galabtii caraabaha Marku gees u yaraa baxo
Midab kiisa gaarka ah Sida loogu goohaaan
Ana kugu guuxa Go'i waaye hay dhigin
gaga laga hayaame kaalay gacanta iga qabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 15, 2000 - 11:58 pm
,,,,,,,Heestan oo aaan aad iyo aad u jecelahay bal iga mulkiya oo waa fanaanadda Caanka ahayd ee magac iyo muunad heybad iyo sharaf Al fanaana Maryama Mursal Ciise Xaaji Bootaan(the First Female Cab Driver in the Arab World),,,,

Armuu caashaqaagu
cududaha i jabiyaa
armaan ciida diidaa
cirkana qaban waayaa
cilmi iyo sidii qays
armaan cudur ku raagaa
cadho iyo dhibaatiyo
armaad ciil igalisaayeey
caloolyoow daraadii
armaan caynad guuraayeey
inkastoon calaacalay
calafkaygay noqotee
cimrigeena waxa hadhay
caynkaad iila wayntahay
inaan kuul culusahay
ayaan kaa codsanayaa


Cantar hawlihiisii
armaan cagaha saaraa
sidii ceebla oo kale
armaan ciil ku raagaa
marwo lagu cayaaraa
rag u caado noqotee
cadho iyo dhibaatiyo
armaad ciil igalisaayeey
caloolyoow daraadii
armaan....
.........


Maryan Mursal Ciise Bootaan Fanaanad magac weyn dalka debeddiisa iyo gudahaba ku leh ,,,Ina Mursal magac laga miskiin maahan eee ha u deymo la'aan,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, June 16, 2000 - 12:06 am
,,,,Waxoogaa baan Caawa soo burqanayaa oo waxaan jeclaan lahaa bal inaad ila yaraha soo Xusuusataan Fanaan oo waaa Fanaan Maxamad Nuur Giriig oo aan la maqal beryahan kadaato isagoo Ruwaayad iyo hees intaba ku jira se aan Cajaldyoowgiis halkan inoo daf ah badina heesihiisa ay riwaadaha ay kuwa kale kumathali jireen oo badanaaba heesaha isaga leeyahay dad kale laga siiyo oo isaguna aad u Cod Macaan!!!!Bar wadnaha ku taaloo baan isaga soo gaabsadaa anigu magaca heesta ee ku soo dhawaada,,


Jacayl waa balaayo,
Waa baaxad sooroo,
waa anigan bastayee.
Markaan bilan helaa buu
iga bi'i lahaa yoo,
ayaday bogsiisee.
Bar wad-na-ha- ku taaloo
igu baahday weeyee.
Boodhari sidiisii,
bara-shada- jacaylkanaaaaaaaa...
ayaday igu beertee.

Been laguma heeso,
runta lagama beydhee,
waa loo badheedhaa.
Cilmi kuu la balan balay,
ee Qays la baaba'aa,
ana igu balaadhee.
Bar wadanaha ku taaloo
igu baahday weeyee.
Boodhari sidiisii,
barashada jacaylkana
ayaday igu beertee.

Ayadoo habeen badh ah,
intaan soo baraarugay
baalaha ka eego.
Markaan bixiyay faynuus,
ileyn baabah weeyee,
barkimadeyda maagoo.
Bar wadnaha ku taaloo
igu baahday weeyee.
Boodhari sidiisii
barashada jacaylkana
ayaday igu beertee.

basarka iyo jaahiyo,
bilicda iyo nuurkaa,
waa waxaan u bogayoo.
Ugu beer raqaayoo,
nimey biyo u keentaa,
bil ku soomanaadee.
Bar wadnaha ku taal oo
igu baahday weeye,
Boodhari sidii,
barashada jacaylkanaa
ayaday igu beertee...


Maxamed nuur gariig koley ku raaxeysate!!!!!!

NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, June 16, 2000 - 12:20 am
,,,,,,Halakan iyana waxaanu ku yaraha eegi lahayn Ninkaloo isna heesi jiray oo beryahaka la iskaba iloobay ,,,,,,Khalinle!!!!!!


Hadday caawa igu tidhi
Bada cagaha geliyoo
Timaha caarada u sudho
Soo xidho cunaabiga
Saddex gaydhcadeeloo
Wali caaro jabaniyo
Cambasho iyo laamo
Sida ceergaabiyo
Marku cududa ii sudhay
iila caarid anigee
Calafwaa haa ha ha
Haa calafwaa
Ha haa calafwaa
Calafwaa halkiisee
Caashaqan is keen baray
Haygu carinin anigee
Curataye manabad baa
Ayuu nacab kuu yiri
Diriduhu ma xaasida
Ubadkee hagaagee
Ciida u shaqeeyee
Dalka caawinaayee
Sida caynkan aad tahay
Caashaqa daweeyee
Hadaad tiri cuntada daa
Ha cabine biyaha diid
Cudur waaye halisee
Calafwaa haa ha ha
Haa calafwaa
Ha haa calafwaa
Calafwaa halkiisee
Caashaqan is keen baray
Haygu carinin anigee
Curataye manabad baa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, June 16, 2000 - 12:26 am
,,,,,,Hayaay Tanaan soo sidana ka daran waa heestii Beled Wein uu inoogu luuqeeyo Samantar oo beryaba idaacaddii Muqdisha qabsatay oo aan hees kalaaba aan laga lalin,,,,,,,,

Bi'i waa jacayloow
Boodhari inuu dilay
been baan u haystee.
Bi'i waa jacayloow,
Boog aan la dhayinoo,
cidi baanan karin oo,
beerka iyo
wadnaha iyo
boga kaaga taal iyo,
inuu yahay (BIR) caashaqu been baan u haystee.

Webigoo butaacoo,
Beeraha waraabshoo,
Badarkiyo galaydii
laga tuuray baalkoo,
Canabkii bislaadoo.
Bulada iyo ciyaaraha lagu waa beriistoo.
Beeluhu gu' joogaan
Soow beri samaadkii,
Baledweyne maan tegin.

Dhanka bari magaalada,
so boqoraa joogtoo,
Biyo dahab la moodiyo,
Bilicdii haaweenkiyo,
qurux loo dhameeyoo.
Timo boqonta joogoo,
baal Goray moodoo,
Baarkana casankii
Bidix Midig is gaaroo,
Burcad lagu xineeyoo.
Bar ku seexaneysoo,
barkaneyso qaar oo,
huwaneyso baal oo,
Igu beertay lahashoo,
u biseelay maan garan.

Soow goor barqa oo,
bishu ay sideed tahay,
anigiyo Beerlula,
isku ma aanan soo bixin.
Soow bariidadeeydii iyo bogashadeedii,
Soow buundada ciyaartee,
Baledweyn ku taal ee,
biyaha lulata guudkood,
bartankeeda ma ahayn?
Soow bixiso weeyee,
balan maanu dhigan oo,
beshaa joog imay oran?
Soow beyd go'aygii,
layguma bishaareeyn,
maantaa la baxayaa,
bulshadii imey oran?
soow; Waa besteeye eh,
socod ma beegsan karo eh,
ina baaja caawa oo,
i baxnaansha maan oran?
Soow taliye baas oo,
ba'an oo war moogan,
warkeeygii ma beenayn?
Soow badida kooxdii,
goortey bareereen,
baabuurka fuuleen,
ana baal kamaan korin?
Boholyoow daraadii,
soow baraaq nuglaantii,
belo lagu ducaystiyo,
baryo kumaan maqneyn?
Bir may xumaatoo,
badroolku daadtoo,
ka wadaa bokoodoo,
bogsan waayo maan oran?
Soow beriga waagiyo,
Braqo kulul dhexdeediyo,
geed baaxad weyn oo,
dherer iyo balaadh loo,
Baledweyn ka caan oo,
Mahiigaan ka baar oo,
Bildheer hirkiisii,
ma bidhaansaneyn oo,
gurxankii yeedhiyo,
ma maqleynin buuqii?
Soow baaxad soorihii,
iyo labo bogleyntii,
maan noqon basteey oo,
bacadkii ma dheelman?
Sow galab baqoolkii,
anagoo barwaaqiyo,
meel baad leh joognoo,
tumaneeyna beerrey,
Soow maan baraarugin?
Riyo beena weyee,
Soow baala daygii,
baabuur lalaayiyo,
haad baale moodiyo,
babanaaya buur dheer,
isma oran ka bood oo,
nafta soow ma biimeyn?

Nin Banaadir joogoo,
Baledweyn la haystoo,
waxaan ahay la baad eh.
Soow baadi doonkii,
weli baafis ma ihi?

Baledweyn Allahayoow;
ka dhig guri barwaaqeed.
Beerlula Allahayoow;
balaayada hareer mari.
Baledweyn Allahayoow;
ka dhig beertii raaxada.
Beerlula Allahayoow;
Guryo samo ku noollee.
Baledweyn Allahayoow;
ka dhig xero baraareed;
Beerlula Allahayoow;
ka bari waxyeelada.


,,,,,Heestanni beryo dhan bey ina heesatay Soomaaliya,,,,,,Hadraawi iyo Samantar,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, June 16, 2000 - 12:33 am
,,,,,,Eegadankadaato kii NeefoowKaniini ahaa yaa inaga aamusiin doono oo Netkiina u fiyoow yahay!!!lol@NeefoowKaniini.....,,,,,


,,,,,,,Waxa aan soo sidaa ka darane Waa Al Mu'alif Axmed Saleiman Biddeh ereyadiisii uu inoogu luuqeeyo Maxamed Axmad Kuluc,,,,,,hayaay



Sida geed caleenloo Ubax guud ka qariyey
ooy gooni laamaha ay midiba geesteed
hoobaan is gaadhiyo guntin midha ah leedahay
oo soo gandoodoo galka faraqa soo daray
oo godon barwaaqao ah durdur aan go'ayniyo
gacan webi ku yaala oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay.

Gabadh yahay kalgacalbaad goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin.

Sidaad tahay gamaan faras senge geesi daaqsaday
oo uu garduur miray sodon bil iyo gawdeed
uu goobay farowgii sararta iyo gaadada
oo galangalcooboo cududuhu gamuurmeen
oo galaba loo raro sida ramad guyaal dhalay
hadba kaynta geeda leh oon guluf colaadiyo
weli socoto dheer gelin

gabadh yahay kalgaclbaad goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin.

Sida gubanka qaarkii dhul gargoorku siman yahay
ama maadh galdhiidhoo gubatiyo ku taal hawd
oo laba gardhooboo badhba gees u seexdeen
Oo dharabka iyo geedaha quruxdooda gaarka ah
ama haro gingimanoo guud ka xarfanaysoo
shinbiruhu ka giigeen oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay

gabadh yahay kalgacalbaan goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BiintiXaajiAjuuke

Friday, June 16, 2000 - 06:06 am
Yakhayoow ma taqaanaa heeska Quraan ha leey saaro?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 02:10 am
,,,,,,Yaakhayoow Netaddiction ama Heesaddiction Heesta Quraan ha lay saaro waxaa Alifay Xuseen Waliyoow oo Heesaha hurda diidka Macallin weyn ku ahaa inkastoo beryihi dambe aanan magaciisa si aadah aanan loo maqal waxaa ku luuqeeyo Fanaankii weynaa ee Faarax Sidoow Faarax,,,,,Inkastoo aanan midhihi wada hayn bal aan laba beyt iyo waxaan ka xusuusto aan inooga yara dhawaajiyo,,,,,


...Quraan a lii saarooo
,,,Quraan a lii saarooo
,,,Qanyarta aan ku Kafiifay
,,,Qudbeesteenee


,,,Ar waa Khudbeesteenee
,,,Ar waa Khudbeesteenee
,,,Khanyarti aan ku khafiifayee
,,,Khudbeesteenee
,,,Qalbiga waa i huraa
,,,Quraan a lii saaroo


,,,Khandha ya yar aa i hayso
,,,Qalbiga waa i huraa
,,,Quraan a lii saaroo


Soo dhameystir hee intaas aa laga Xasuustaaye,,, NetAddiczione,,,,,,Lulume miyaa ani waa yaawiye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biinti

Saturday, June 17, 2000 - 05:59 am
lol@@@@@@@Neefow, ani hees waa iigooyey ma dhameestri kari.
Soo fiiri bo site-ka net addiczione, lulumo xaalka amise dhaafey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 08:04 am
,,,,,Magac bilashyaay ama us LaataaCaleesh yaaw heesmankii Hindiga hataa ma kuu gooyeen Sil sila ii wax lee na soo xasuusi,,,,Dil us wax ma ka xasuusataa waa ee day sii Bimaalkii ahaan a ii soo weji xumaanin'e (kaftan waaye) aliiga dhirfin hee,,.....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.