site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Boqol Soon

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Boqol Soon
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farxiyo

Unrecorded Date
Allah ha u naxariistee Boqol soon tariikhdiisa cidii haysa waxaan ka codsan lahaa inay nala qaybsato. Ninkan waxaan ku maqlay dibada inuu xaga diinta aad ugu wanaagsanaa iyo inuu ku dhintay dagaalka sokeeye ee Somalia.

Mahadsanid.

Farxiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mmm

Unrecorded Date
TO:F

Inuu kudhintay dagaalkii sokeeye? runtii waxaad mooddaa in dadka qaarkood ay uqaadan karaan inuu wax kaga jiray marka codsi waxaa iga ah inaad bal sikale wax kaga habboon aad raadiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ASALAMU ALYKUM FARXIYO WALAAL

BOQOLSOON ALAHA UNAXARIISTEE WUU DHINTAY TAARIIKH DIISAN SI FIICAN UMA AQAANO LAKIIN ANIGA WAXAAN KU BARTAY NAYROBI 1991-93. WUXUU AHAA NIN CAJIIB AH. WAXAA KUUGU FILAN IN AAD DHAGAYSATID CAJALADIHIISA SIIBA TAARIKU SALAAD IYO CIBAADU RAXMAAN. ANIGA WAXAAN NASIIB U YEESHAY IN AAN DHAGAYTO TODOBO HABEEN UU KA HADLAAYEY ADOOMADA ILAAH EE SUUSUUBAN "CIBAADU RAXMAAN". HADII AAD U BAAHAN TAHAY WAA LAGA HELAA MINNEAPOLIS "MEESHA AAN JOOGO" HADII AAD HELI KARTIDNA WAA OK HADII KALE E_MAILKAAGA HOOS KU SOO QOR SI AAN KUUGU SOO DIRO.

WASALAAMU ALYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aamino

Unrecorded Date
Bismilaah
Walaal Farxiyo wuxuu ahaa Boqol Soon Alaha unaxaristee niin Ilaah ku maneystay cilmi, wuxuuna ahaa nin aan ka xishoon inuu dadka isheego xaqa, aniga ruxeygu sifican uma aqaan taariqdisa, inkastoon live uarkay, waxaan maqlay wuxuu wax kusoo bartay wadama carabta maeraas kabacdi ayuu ku soo noqday soomaaliyo, wuxuuna ku dhintay tulo asaa usocda Hoyadiis, waxaana dilay nimaan shufto ah ayagoo rabo iney babuurka dhacaan, waxaan maqlay umey daanlaheyn iney asaga dilaan.
waa iga intaas walashey.
wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibrahim

Unrecorded Date
to
farxiya

allaha ha u naxariista boqolsoon
waxaa cajiib ah in dadka soomaaliyeed aysan
heynin taariikhda dadka wan wanaagsan
ama wax laga qorin
waxaa ahay ardey ka dhigta jaamacad london
waxaan rabaah in aan uruuriyo dadka wan wanaagasan
taariikhdooda sida boqolsoon iwm
waxaa nasiib xuma ah in dadka xun xun
taariikhdooda la xafidsan yahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mooryan

Unrecorded Date
boqol soon waxaa dilay mooryan maxaa kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Boqolsoon wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo Ilaahii abuuray ku mannaystay cabsidiisa,taasoo kawanaaagsan cilmiga!!!
Boqolsoon wuxuu muxaadarooyin aan laqiyaasi karin tiradooda ka jeediyey muqdisho oo aan anigu aan umalaynayo inaa qaar kamida ka qayb galay.
Boqolsoon waxaan jecelahay inaanu jaamacad kabixin ee uu cilmiga ka bartay waddankii soomaaliya la odhanjiray.Muxaadarooyin badan ayuu kajeediyey Nairobi Kenya,sidaan maqllay inkastoonan anigu ku jirin dadkii Kenya u qaxay.
Boqolsoon keddib markuu ku laabtay xamar,intuu Ilaahay aaminay ayaa gacan ku dhiigllayaal hubaysani ku dileen magaalada Afgooye.
Ilaahay ayaa og wuxuu ahaaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SURUUHA

Unrecorded Date
TAARIIKH NOLOEEDKII MAXAMMED AXMED ROOBLE ALLE HA U NAXARIISTO.
(BOQLOSOON)
SHEEKH MAXAMMED AXMED ROOBLE WUXUU DHASHAY SANNADKII 1962 DII, WUXUU KU DHASHAY TUULADA XIMNO OO U DHOW DH/MAREEB EE GOBOLKA GALGADUUD.


WAXBARASHA SHEEKHA:
SHEEKHU WUXUU QURŽAANKA KARIIMKA KU XAFIDAY9 JIR, MACALINKIISA WAXAA LA ORAN JIRAY SH.MAXAMMED CALI RAGE.
KA DIB MARKIIUUKAWAAYAY DAD UU KA FAAŽIIDESTO CILMIGA DIINTA, AYAA WUXUU GOOSTAY IN UU KA TAGO BAADIYAHA, WUXUUNA AADAY MAGAALADA MUDISHO SANNAKII 1973. SHEEKH WUXUU KU TAXMAY DURUUSTA MASAAJIDKA HALKAA OO UU SEEXAN JIRAY, WUXUUNA MARAY DURUUFAHA AY KU SUGAN YIHIIN DADKA CILMIGA MASAAJIDKA KU BARTA.SHEEKHA WUXUU SOO MARAY DHIBAATOOYINAY KA MID AHAAYEEN GAAJO, JIIFXUMO INTAAUU MASAAJIDKA SEEXANAYAY .
MARAKA QAAKOOD SHEEKHU MARKUU WAX UU CUNO WAAYO WUU ISKA SOOMI JIRAY HALKAAS OO LOOGU BIXIYAY BOQOLSOON ALLE HA U NAXARIISTO AAMIIN.

MARKALE HAINOO AHAATO!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUURA

Unrecorded Date
SHEEKADAN WAXAAN KA SOO AKHIRISTAY WADAJIR BUUG LA DHAHO,WADAJIR WAA WARGAYS KA SOO BAXA BISHIIBA MAR MAGAALDA ODENSE EE KU TAALA DALKA DENMARK.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SU.

Unrecorded Date
BOQOLSOON.
SHEEKHU WUXUU INTAA KA DIB GALAY MACHAD-KA DIINTA LAGU BARTO SANNADKII 1976, WAXAANA MAAMULO KA AHAA SH. DAAHIR. KUMA UUSAN SII DHEERAN INUU MACHADKA SOO DHIGTO DURUUFO DHAQAALE AWGEED.
SHEEKHU WUXUU KU TAXMAY KITAABO BADAN ,

WUXUU WAX KA BARTAY CULUMO BADAN OO UU KA MID YAHAY SH. MAXAMMED NUUR QAWI. ISLA MARKAA WUXUU DHINAC WADAY INUU CASHARADA DIINIGA AH SII GUDBIYO
OO UU U FAAŽIIDEEYO DADKA MUSLIIINTA AH.
WUXUU SHEEKHU AAD UGU TAKHASUSAY AXAADIISTA IYO FIQHIGA SHAAFICIGA.


WIXII QALADA WAA ANIGA EE JARAAŽIDKA MA AHA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

indhocaro

Unrecorded Date
Suhuura walaal waad kumahadsantahay taarikhda gaaban eed naga siisay walaalkeen Muxamed Ahmed, Runtii waxa aan filayaa ruux somaali ah oon muxamed ahmed jeclayn in uu taariikhdiisa barto majirto laakiin waxa aan kanaxay qofkii sheekada bilaabay erayga uu adeegsaday kaas oo ah waxa uu kudhintay dagaaladii somaaliya, waa run oo wuu kudhinatay laakiin araygaas ku kuhaboon in Muxamed ahmed loo adeegsado ma'aha. Anigu waligay ma'arag laakiin runta marka lagaadho ruux somaali ah oon kajeclahay oo majiro. walaal Suura waxa aan kaacodsanhayaa hadii aad taariikhdiisa wax kale kahayso noo soogudbo. Alaah hakaa ajirsiiyo. Wabilaah tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUURA

Unrecorded Date
TO: IDHOCARO
ASALAAMU CALEYKUM.
WALAAL HORTA ILAAHEY BAA MAHAD LEH
ALLE HA U NAXARIISTO SHEEKHA MUXAMED AXMED
INSHAA ŽALLAH WAAN SOO QORI DOONA HADDII
AAN ARKO BUUGG U KU QORAN YAHAY
ASALAAMU CALEYKUM!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Unrecorded Date
Salaanta islaamka kadib.walaal sheikh maxamed axmed allaha unaxariistee waxaan bartay anoo yar
sanadkii 1982-83.wuxuu maalinkastoo khamiis ah muxaadaro nooga soo jeedin jiray dugsigaan dhigan jiray ee xaafada hodan.kadib xamar oo dhan ayuu caan kanoqday ilaa dowladi markaa jirtay ay raadsato,wuxuuna aaday dhankaa & kenya runtiina wuxuu ahaa nin ilaahay raali kanoqday,muslimiintana jecel yahiin,wuxuu duubo
cajalad waxaa ugu dambaysay cajalad ladhaxo DAR DAARAN wuxuuna duubay habeenimadi subixina wuxuu u safray aabihii oo xanuunsanaa inuu soobooqdo.Allaha unaxariistee sheikh maxamed axmed wuu guursatay laakiin ma aqal gali,waxaan u rajaynayaa inuu illaahay unaxariisro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmedsheik

Unrecorded Date
Dhamaantiin walaalaha xusay maanta sheik Boqolsoon aad ayaan ugu mahad celinayaa in aysiiwadaan taariiqdiisa.
asalamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdulrahman

Unrecorded Date
Geeridu waa xaq qofkastaana waa dhimanayaa laakiin Boqolsoon taariikh aan dhimanyn iyo sharaf iyo ala ka cabsi buu u dhintay, halka ay ay soomaali in badani dhimasho aduun iyo naar aakhiro u arooreen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Asalaamo calaykum dhamaantiin.
Adoomadaa Ilaahay baa khaliif ka ah dhulka waana saad u sheegteen oo iskuma raaci kartaan been.' walaa nu zakii CALALAAHI axadan'laakiin shiikh Maxamed Axmed waxaan uga baranay kartidii iyo fir-fircoonidii iyo gudbintii wixii Ilaahay baray. Allahayow waan ka faa'iidaysane ajarkiisa u laalaab bilaa xisaab. Janada Fardoowsana gali lana kulmi Rasuulkii Allaah iyo Asxaabtiisii iyo culimadii xaqa ku raacday.Allahayoow anagana hana fidnayn gadaashii.
Shiikh Maxamed Axmed waxaa jecel muslim, waxaana neceb munaafaq.

WABILLAAHI TOWFIIQ.

WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jeego

Unrecorded Date
Suhuura well done you have created another MYTH.
Remember Boqal soon My old friend is only dead not long.

When I remember he was good person and trying to spread islam. I was one of the people he first started to practice .

Although I lost contact with him long time ago.
I heard that he become well regarded religious person.

The reason he was called Boqolsoon was not as you guys stated. When he become Suufi he started to fast as often as he could so we named him Boqolsoon.Ali reer hodan is close to the truth.

N.b. waan cudurdaaranayaa mahayo waqti baddan hadda oo aan ku soo gudbiyo sheekadiisa.
Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

R5YRTYU

Unrecorded Date
WARBADANAAAAAAAAAAAAA SOOOMAAALIDI


HADDAAAD TAAARIIKHDIIIIISA HAYSID SHEEEEG

HADDIIII KALE DADKA HAWAREEEEEERINA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.