site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"Qabyo iyo Dib baa loo noqonayaa"

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): "Qabyo iyo Dib baa loo noqonayaa"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaan habayn dhawayd daawaday riwaayaddii "Qabyo" uu curiyay Sangub. Waxaa ku jirtay hees lagu soo goonayo "dib baa loo noqonayaa!"

Markii hore run baan mooday oo waxaan nafta u sheegay in goor ay noqotaba dib loo noqon doono Haddii Ilaahay Idmo.

Haddase waan dhakafaaray. Waxaan is-weydiiyay oo sidee loo noqon? Yuu yahay qofka carruurtiisa inta hor kaca ku noqon geeska Afrika?

Yaa bixin kharashka lagu noqon doono? Haddii xitaa reer Yurub goostaan in ay dib noo celiyaan oo ay sharciga noo diidaan dadkeenu dib ma u noqon doonaan?

Mise halkaa ay shiino indho yar iyo Asiyaan (Asia) ayaa isku guri doonaa?

Yaa haya jawaab?
Dibse ma loo noqon?

Midda kale maxaa loo waayay qof ii sheega meesha ay ku dambaysay MAANDEEQ?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdul

Unrecorded Date
gacalka noqoshada aad sheegeyso maxay tahay?
somali ma ayagaa ciyaalkaa ii bilaayo,mise xabada ka jojinaayo?
waa yaab kalee gacalka maxay ahayd qiyaaligaagu
ma waxaad daawadaa riwaayad?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMUUD

Unrecorded Date
ANUGU WAA NOQAA MARDHAW EE HADII AAD IRAACAYSO
NAKEEN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed deeq

Unrecorded Date
Walaal walaalkiiso salaan walaalnimo

ninkii muslim ah kuna fakarayn nolosha macaan ee dhulka gaalada laga helo goray noqotaba waa noqonayaa isaga iyo ciyaaalkiisa iyo xaaskii

waxaana ku odhanlahaa marwalba geedi niyada hakaaga jiro iyo dhul islaam xitaa hadii aadan diyaar u ahayn markaas


waa walaalkaa mohamed deeq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam

Unrecorded Date
Assalaamu caleykum

Walaal maanlaawe jecel dhaldhalaalka aduunyo iyo ma fahme dhagarta gaalo ayuunbaa jeclaysta joogitaanka wadamada gaalada, waa sidaa uu sheegay walaakeen niyada waa in ay kaaga jirto noqosho haddii aanad aheyn daaci u yimid in uu diinta fidiyo mooyee. Takle miyaanad ogeyn in ay carruurteenu ku jirto khatar oo ayna fahamsaneyn waxaynu u nimid qurbe balse ay u arkaan in ay wadnkani koogii yahay, waar waala noqon maalin ay noqotaba hadii aad tahay qof jecel Diinta Rabbi.


Salaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To walaalkiin

Haddii aad Maandeeq ula jeeddo In a Cabdullaahi oo fanaanad weyn ahaan jirtey anaa kuu sheegaya halka ay ku nooshahay. Haddii aad ka waddo wax kale sida gobonimaddii ama wadankii iyana waa baab kale.

se ya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xayaad

Unrecorded Date
to qoraha su"aashan walaal adigana naxariis iyo nabadi korkaaga ha ahaato.intaas kadib walaal aniga qudhaydu waan daawaday cajalkaas uu ku jiro sangub oo la leeyahay waa la noqonaya rutniina waan ku rajoweynahay in mar aan dheerayn la noqon doono. waayo walaal waxaan ahaan jirnay dad wadan leh oo xoriyad aan koobneyn leh iminkana Illhay idankiis waan ku noqon doona dalkeeni hooyo. insha allah. waa walaashiin xayaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali

Unrecorded Date
Walaal
Faadumo C/laahi Maandeeq hadaad kawaday meesha ay ku dabeyso walaal waxaa ay gees kaga nooshahay magaaladda Lodon ee lasoco.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.