site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Haasaawe

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Haasaawe
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye Burcaawi

Unrecorded Date
Aniga oo kasoo duulay meel aad u fog, dadku wada taaganyahay, guryuhu wada-foodsaar la'yihiin, gabdhuhu wada qodbanyihiin, wiilashu wada guumays yihiin, geeluna badi dhalay hase-yeeshee aan gaawe la-hoos dhigin ayaan soo galay godkan oo aan kula-kulmay akhyaar bawdya gaagaaban, dar gudguduudan, dar garbasaaro huwan, dar garays xidhan, dar gar sheeganaya, dar gufaaco jacayl hayso..........iyo qaar kaloo badan...

Intaan farxad iyo kalgacal boholyow ku dheehanyahay la-boodbooday ayaan is idhi bi'iwaaye golaha ciyaar isla-dhextaag.....

Markaan jaantii ugu horraysay qaaday ayaa gabadh ba'an oo Idil isku-magacawday daaqadda igala boodday. Waar shukaansi garanmayside meesha ka-hulleel ayay hadalkii ku sigtay.

Anigoo xambaaradeedii qaba ayaa keyboard-kii aan ciyaarta ku tumanaayay ila-yaabay oo igu yidhi waar sidee wax u dhaceen ma-gabadh baa ku xambaaraysay ninkaagii buuraha riixijiray?

Waxaan ku jawaabo anigoo garanwaayay ayaan xusuustay ninkii Islaantu legedday ee markii la-su'aalay ku jawaabay.........

Islaantoo sinsaaro tiqiin
Anigoo si xun u taagnaa
Iyo meeshoo sibiibixasho lahayd.. ayaa isu kay raacay.......................

Bal markaas anigoo xambaaradii Idil qaba ayaan jecelahay inaan taabto............

Danta lama huraanka ah
Hareeraha aan qabannee
Soo haabo hobbo oo kac
Waxan kuu hayaa
Hadhuub caashaqee
Hooyoo dhan............................

Raaxeeye Burcaawi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymz

Unrecorded Date
Raaxeye Burcaawi, walaal waxaad baa uug eg tahay nin bashaashnimo iyo aftahanimmo ku dheertahay.
Soo dhawow murtitaadanna innala wadaag.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Raxeeye, Burcaawi ma tihide armaad balidhiig iyo qurac dhalaan kasoo duushay? saaxiib ileyn waa inagiiye?
Afkaaga shaah bigeys ah oo filfil mooyee sokor lagu taaban lagu qabay...... inoo wad ciyaarta mar dhow bey habluhu soo leexan doonaane... oo codka sare u qaad ha lagu maqlee.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fardafuul

Unrecorded Date
to faal gurey
raxeeye waxaan u maleynayaa in uu ka
soo duulay adhicadeeye amase xargaga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil

Unrecorded Date
TO: ALL

Salaan

Waxey ila tahay in ninkan Raaxeeye Burcaawi uu ka fogyahay meesha uu ka soo duulay balse uu ka yimid Jaamac qamar oo ku caan ah nimanka sidaa u xiimaya ee iska soo gala meelaha caashaqa lagu gorfeeyo iyo meela ha lagu cayaaro botarka iyo jaan-dheerta. Sidii uu yidhi faalka xaaji, shaaah qorfe iyo xawaash leh cab oo soo dhawoow in badan baa lagu sugayey!!!!!!!!!!!!!!!!

CAYAAR BAA LAGAA SUGAYAA RAAXEEYOW EE HANA CAAJISIN!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAMAR

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM

Waad salaamantihiin dhamaantiin


TO: RAAXEEYE

Walaalkiis waa su'aale ma magaca i laab qaaday ma heestaa mise waa cinwaanka lol(haasaawe).
goormaa u dambaysayba raaxeeye oo kale afkaaga anigu shaah kuma qaban karee malab

ASALAAMA CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye Burcaawi

Unrecorded Date
Xertiinna qaaliga ah marka hore waad wada salaamantihiin, marlabaadna waxaan idin leeyahay...

Gacal kala-maqnaa'iyo
Geelba waysu ololaa......

Allaa igu oge soo dhoweynta diirran ee laygu maansheeyay iyo sida xerta qaarkeed saadaasha ugu sigeen goobta aan kasoo duulay ayaa aawadeed qalbigu ii babbanayaaye.......

Barbaaryahay wanaagsani anoo; Boodda jaranaaya'
Anoo baarcaddii iyo wiglada; Idinku baashaalin
Basra iyo barwaaqiyo hablahan; Beesha wada jooga
Anigoo bartay iga xigaan; Hees u burinaaya
Bariidadu i deeqdaye tolyahow;Mahad idiin baafshay

Anigoo aan magacyadiinna wada koobikarayn.....
Qamar ay u horrayso, Idil qayb kaga joogto...
Ninkaloo Qosol reebay iyo Faalku qoorriga joogo,
Qaarna uu Farda-fuulay, iyo Qaarkaloo badan waa halkii Sahra Axmed'e.....

Dhammaantiin barasho wanaagsan................

Goobta aan kasoo duulay haddaan taabto maanta macne badan idiin samaynmayso... sababtoo ah waxaynu dhammaanteen joognaa Carro Qalaalood oo aynu Qaxooti ku nahay, oo laynaga necebyahay.....

Berigii aynu dhulkeenna hooyo joogijiray waxaynu ku balweyn-jirray.............

Sidig baannu maallaa; Sumal baannu qalannaa
Marti sooryo gobannimo; Soomaali haddaan nahay
Sinji baan u leenahay......

Maantase xaalkeennu waa..........

Caydh baannu gurannaa; Kolba nalagu caayaa
Cisi gobannimoo idil; Cidladaan ka joognaa.....

Iyadoo ay sidaas tahay misna kollayba lagama quusto raxmadda Eebbe(SWT) waxa habboon in layskaga nawaawilo dalkii iyo dhulkeennii........

Anigoo tubtaas raacaya oo si-yarna u tixraacaya nin qoray maqaal iga horreeyay oo intaanan dhalan godka lagu dhejiyay ayaan idiin taabanayaa "hal-abuurkan", kollayba anigu raad-dhaqaajis baan ahay ee culimada Faal-guray ka mid yahay ayaa ii toosin-doona wixii aan dalab u yeelo....

Waa erayadii Maxamuud Cabdillaahi Sangub, riwaayaddii Xorriyo, codkii Saalax Qaasin...


Marka guudka loo dabo
Timaha gedefta loo xidho
Tirsadaan gu' qaangaadh
Geyaankoodu buuxsamo
Ee geedka loo baxo
Wada-hadasho guurtidu
Gacan-qaadku uu dhaco
Laga keeno guuyada
Gibladiyo ciyaaraha
La gingimo aroosweyn
Waa gaari nolol wacan
Lagu soo gardaadshee
Gobsanaa hablahayagu.......

Allaylehe tidhi "Sangubow" "Gobsanaa hablahayagu"


Raaxeeye Burcaawi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Xaashaa Lillaah. Ma adaa toosis iga raba ina burcaawiyoow?

Saaxiib:
U Hubso oo ka fiirso
habluhu yey na saluuginoo
yareeysan hadalkeenee.
hobol baad tahoo,
haybad ilaah la siiyee,
hanaani hasaawaha,
waxaad haysana soo daa.

Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAMAR

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKU FAALKA XAAJIGA IYO IDILBA

Waa salaamantihiin mar labaad salaan ka dib waxaan idiin rajeynayaa caafimaad cimri dheer iyo cibaado suuban dhamaantiin sida aad ii soo dhaweysayna raaxeeyoow malaa'igi ha kuu soo dhaweyso.

Anigu yaabaye mirahan iyo murtidan isku dhacaysa oo aan habeenkii ka jiifi waayey ma ragii hore qabuurihii ka soo baxay mise rag aan wali arag oo aanan maqal magacyo laga yaabay la tamaashaadaya ayaa soo hor yeeshay ala nasiib badniyaa oo cawa badniyaa ma ragan baan la kulmay oohoy hooyaday iyo aabahay ayaa ii duceeyay (kaftan)

Waxaan kaloon ku darayaa durbaan aan daalin sacab aan yarayn iyo xiiso joogta ah in aan idiin hayo waahwaah waxaasaa haasaawa ah.

ASALAAMA CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye Burcaawi

Unrecorded Date
Qalbi-gudhan miyaa Qosol lagu godlaa!!!!!!

Sida aynu dhammaanteen ka-warqabno qalbigii Soomaaliyeed ee kalgacalku ku dheehnaanjiray markuu qurbe usoo dhoofay wuu "Gudhay".....

Haasaawihii wuxuu noqday wakhti-lumis, guurkii wuxuu noqday gaadmo, arrinkuba wuxuu gaadhay tabcaa laysla-rabaa..........

Khadra Daahir.................


Bishu galab-ay-tahay
Saddex tirada-guud
Gogoshuu fadhiyay
Ruuxii ka guday
Waysoo gabtaa

Garkan iyo garkaa
Midna gaadhi-waa

Sow inuu godan
Laba guri-dhexdood
Gabbal-ugu-damyahay
Ma-gorfaynin Waa

Anigana geddaa
Ma-gufaysantee
Gol-dalooladaan
Go'a saar-lahaa
Gacalkiyo xigtadu
Sow iguma garan

Nafta gebi-cidla ah
Geysaye miyaan
Goor iyo ayaan
Gaar kuu sasabi
Kaa gaabsadee
Niyad kaa go'diyo
Qalbi gudhan miyaa
Qosol lagu godlaa ???????

-----waxbaa ka-dhacay, rag uun baa hablaha reeruhu dhaleen intay daba ordaan, doonaan, guursadaan, boobaan, dhacaan...marka hadhow arrini dhooqowdo ee qalbiga cadradda naxariisi ka engegto qosol kula warwareega.....

Miyaanay Khadra Daahir Faal-gurayow inteedii dhiiban..............................

Waayo-waayo......

Meelaan raggu geyin
Riddada ku eryow
Raaxeeye Ma-reer-Burcaad tahay ?????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAMAR

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM


Waa idin salaamay asxaabta sharafta leh ee hasaawaha huwan.


RAAXEEYE BURCAAWIYOOW ALA HAASAAWE MACAANIDAA MA REER BURCAA TAHAY.

HASAAWAHAAGA HAGAAGSAN
HIRGALINTA HOBALADA
HAYBADOODA GAARKA AH
HEESAHA JACAYLKA AH
WAXA AY IGU BEEREEN
INDHAYGII OO JACAYL LA ILMEEYAY
DAMQASHADA CAAQAQUNA DAREEN GAAR AH KEEN

MA RAAXEEYA MA QAAN MA FAALGUREYBAA MA AQAAN
MA FIYOOBI OO JACAYLBAA I FIIQDAY

RAAXEEYE ALA YACISAG WAX AAN KA SAMRAY AYAAD II SOO CELISAY EE HAASAAWAHA HALKAA KA WAD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil

Unrecorded Date
To: Qamar

Waah waah waxaasaa jaceyl ah!!!!!!!!!!!!!!
Anba qamareey waa la igu weyn yahey, qaar baa dumay jidhkayii,Qisadan yaab kale i

qasatey bal eeg, daaqad baa la iga eegay.

Raaxeeyow bal eeg waxaad noo geysatey, jiif iyo joogba waad noo diidey. Faalka xajina saaxiib heelada iyo haasaawaha la wada ayuu heley.

Inoo tumo cayaarta waanu idila tiirine, walaaley Qamareey xaji sacabka oo inaga giiji shaqalka yey inamadu inagu caajisine.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Aan tumo ciyaarta eh
iga tiiriya sacabka,
timahii soo feedh-dhay
Who deadna isku taagay.
tiriyay qadaadiicdii,
inta dhimanna soo tuntay,
Burcaawi talo wanaag,
Xaaji tumaad dooni?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxaaye Burcaawi

Unrecorded Date
Abwaan Faalgurey,

Iyadoo xaraaraddii haasaawuhu meel sare gaadhay, iyadoo sanqadha wadnaayaasha ku xeeran Somalinet dhawaaqoodi laga maqlay Galsanduuqle, Luuq, Dila iyo Cali-Sabiix, iyadoo inantaas isoo eegaysa iyo inantan kale ee dhoosha ka qoslaysa, iyo inanta uuuuuummmmmm yara......uuuummm..yara-xoqonaysa, iyo inantan kale ee xadantadu dishay, intuba sacabka iyo jiibtii isla-heleen ayaan saaxiib haddana wax saluugayaa ?????

Wax baan saluugayaa????? waxaan saluugayo mayla garatay? waa dhayalsiga Jacaylka.

Yeeeeesss Mudane Faalguray, weligaa xusuusnow jacalka lama dhayalsado. Waa cudur aad u khatar ah oo markii doono wax dila..............Qamar iyo Idileey iyo hablaha jacaylka kaftanka ka dhiganayoow.....

Dhulka meel barwaaqo ah
Aan lahayn bad iyo webi
Dhirtu ay ku badantahay
Beryo laydhsi loo tago
Buurta Gacanlibaaxuu
Ku yaal beydka raaxadu
Maku soo baraayoo
Berriba maysu raacnaa
Hadduu yahay bar-kuma-taal
Abwaan uma balweeyeen
Ma boqreen Hadraawiba
Beerlula ma-sheegeen ????

Sow kuuma dhicin Faalguray? wuxuu ku leeyahay Axmed Saleebaan Bidde haddii bahalkan jacaylku yahay iskula soo haad odaygan madaxu caddaaday ee Hadraawi boqortooyo ma-siiyeen....ba hadda garo waa Beerlula iyo Beledweyne......

Bi'i waa jacaylow
Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee

Bi'i waa jacaylow
Boogaan la-dhayinoo
Cidi baanankarin iyo
Bogga iyo wadnaha iyo
Beerka kaaga taalliyo
Inu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee

Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulka baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxshoo
Badarkiyo gallaydii
Laga tuuray baalkoo
Canabkii bislaadoo
Bigaladiyo ciyaaraha
Lagu waaberiistoo
Beeluhu gu joogaan
Sow berisamaadkii
Beledweyne maan tegin!!!!!

Dhanka bidix magaalada
Sow boqorad joogtoo
Bilicdii haweenkiyo
Bili loo dhammeeyoo
Timuu boqonta joogoo
Baalgoray la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix-midig is-gaadhoo
Burcad lagu xinneeyoo
Badh ku seexanaysoo
Huwanaysa badhoo
Barkanayda qaaroo
Loo buseelay maan baran..........

Sow goor barqo ahoo
Bishu ay siddeedtahay ????///

Ooooo tollay oo tollay,

Waar miyaan qaldamay
Qadaf baan ku durduurtay
Qarkaan buurta ka dheegtay
Qisadii la-mamnuuciyo
Qaynuunkii la-sadheeyiyo
Ma qiil baan dildillaacshayn????

Halkaas dhaafinmaayo Faalgurayow???? sabab!!! sabab!! sabab!!......sabab!!sabab!! buu i leeyahay oo gadhka cawsa dhigayaa, waar sow tii Soomaali oo dhammi isu-tagtay ee tidhi reer Burco waa wada fagadh, budh bay sitaan, hablahay shiidaan, reer baadiye camal, jacaylka ma-yaqaanniin !!!!!!!!!!!!

Sowtii degmooyinka Soomaalidu degto oo dhan nalagaga yidhi jacaylka mataqaanniin!! sidee baannu misana

Beledweyn in u geyn....
Batalaale u jiidhay....
Bilicdeeda Hargeysiyo
Ula boodnay Wardheer......

Bal hadda u fiirso waxa jacayl wershedaha Burco-caddey kasoo baxay, Beerlula, Wardheer dal wanaagsanaydaa, Cumar Dhuulle oo kuusan(Illaahay haw naxariistee), sidee inantaas koonaha iga soo eegaysaa u tidhaahdaa Burco-caddey jacayl kama soo baxo?????

Inanyahay ma-sheegaa
Arrin igu shidnaa iyo
Sheeko aan qarsanayoon
Kaa shisheeyay adigaba
Mise waan shakaalaa
Intaan laygu soo shirin
Shib-baan kaa idhaahdaa ???????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.

Saluugayaa....ma saluugayaa baad i tidhi Burcaawi?
Aan hadaba saluugaagii labadan ka idhaahdo.

War saaxiib Burcaawi,
Ma baahi baad dookh wareertay?
Miyaad kala bad-badatay?
Mise waad is door biddoo,
Burhaan baad sheegatay?
Waa maxay basbastu
Waa maxay Budhkan aad sidataa?
Rag, afar baa u banaan,
Midbaase ku badan.
Awr laba hallood u baaqoo,
midba habeen la beryaa,
dhex baa bahal ku cunaa.
Beri baanu raqdaada heli,
Belo weeye taa iyo baas barasho fiicneyn eh.
Burcaawi bedel sheekadaada.
Mar haddii habluhu kuu bogeen,
Waar Burcaawi ma buurcaad ka timi iyo
Alla ma Balidhiig baad ka duushay-da
Lagu bah haybsaday
Bustu waatan kacday iyo basaaskiiye.
inta aad badso is leedahay
iyo tee baa igu banaan,
yaadan wax beelin.
Hooy, Baashaalka daa weyga waanee,
Hooy yuusan haasaawuhu bur-burin.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAMAR

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM

Waa idin salaamay dhamaantiin salaan ka dib waa maxay saluugmadu raaxeeye burcaawiyoow anaguna waxaanba lahayn haasawaha tartiibiya oo wiilku yuu daalin adna ma dacwo ayaad furtay walaalkeyoow hada wixii ka dambeeya waa haasaawe bilaa nasasho ah marka adigaa doortee iska cel.

Teeda kale faalka aaba farakulul kugu haayoo ma anaa aqaan idil aas u gabanyahay aan u maleeynaa waxaasoo geereer ah cidlo ma ku socdee.

RAAXEEYOOW jaceylkuna horta aniga waa i daashada hadaad ogtahay iyo hadii kaleba aan kuu waramee heedhe.

Boholyoobayooo haa hurdadii bogan waayeey
Jacalku igu beeraynyoo igu balaaranyooo
nafeey boogta caashaqa bartay halista kaga taal sahal kuma bogsootee
baryahan maxaa dhacayeey
barbaarkii maxaa helay
maan arag bil iyo labo eee
bidhaan aragtidiisiiii
markabkii miyuu baxay
birtii jabtay ma is iri
ma baroosinkaa go'ay
ma badaa la caariday
baabaha colaad iyo
baaq dagaal miyaa dhacay
birmad miyuu ku maqanyahay
biraa lagu lugeeyaa haaaa
laga baafiyaa ruux
biyo kulul ma socon karo hee
sideen u baadi goobaayeee

MEEL UU RAGA MARIN RI'DIISA MARSHOOW RAXEEYE BURCAAWIYOOW HEEDHE BAL TAANA ILA EEG.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye Burcaawi

Unrecorded Date
Aw-Faal-guray

Waxay tidhi Hibo Nuura

Kaftan baa jacayl-dhala.....
Kulankaa u xididda ah
Murtibaase kicisee...................

Kol haddii dhallintan dhaantada isugu timi fartu wada gaadhayso, kol haddii kaftanka iyo haasaawaha xarrago-socodkiisa dadka badhkii ka-didayo allaylehe waa lagu dhimay.......

Wuxuu Xasan Aadan Samatar yidhi;

Ilmo dhawr habeen-jiray
Haddaan waalidkii dhalay
Dhibaatada ka celinnoo
Hayga dhicin
Ha-dheelliyin
Dhabta waayo lagu hayn
Inta uu dhammays-noqon
Dhakhso uma koraayoo
Dhicimayso khayrkii
Inuu dhinac istaagee

Jacaylkaa dhiggiisoo
Dhaqaalaha u baahane
Waa in laysla dhawraa
Haddii kalese lagu dhimay.......

Raaxeeye Burcaawi-na wuxuu leeyahay "Haasaawahaa tabtaas ah oo haddaan kaftan lagu ladhin wuxuu soo baxayaa hadal mutuxan......

..............................................


Xaajow halkaan tiigsadiyo; Tawlka maad garanne'
Nin ammaan ku tacaddiidayoo; Faanka lagu taarto
Ama sacabka loo tumo xarrago; Tuducle moodaaye'
Ama tuhun ku guuroo si fudud; Loogu tumo dheesha
Ka tanweyni Maandhow nimay;Khaladdo tooblay'e....

Tuurtuura hadalkaan-lahaa; Yaanu taag-gabinne'
Kaftankaba turxaan kama filayn;Taws kusii ladhane
Haddii toorihii uu khaldamay; Toobiyaha jaanba
Oo belo inaan tiigsadiyo; Lay tarjumay baydad
Oo badow ammaan tiimbadiyo; Tawdhaq lay buriyay
Allaylehe tusmadi aan ku waday;Seegtay taladiiye
Intaan-gacalkan-tuulada-fadhiya;Teello kalagaadhin

Xamarkaa dudda taaganbaan; Taw ku dhacayaaye'
Togdheeriyo Nugaal baan fardaha;Teedsan mirayaaye
Tuuyiyo Irmaankaa ku dhalay; Togagga daantooda
Ee xoorku tuuraha qarshaan; Tiimbo leeyahaye'

Iga tiriya heensaha ninkii; Talo-xumaa raagye...

Raaxeeye Burcaawi oo idinku dhaafaya nabadgelyo iyo haasaawe-sagooti fiican..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye Burcaawi

Unrecorded Date
Qamar-heego,

Raaxeeye riyaha -ma-raacdeeyoo
Ma raadsho rugaan -Jacayl ruxinoo
Rarkiisuba waa -Ruuneey farxaddee
Raggaan kalgacaylka -Raad baran-iyo
Qalbiga rigrigmaa -Ku dhaca raran.........

Raaxeeye Burcaawi....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abaaydaa

Unrecorded Date
To Qamar &Idil

Soomaalidu horay u tiri naag kula tol ma aha, maxaa macmacaanka meesha ka socdaa la isaga qarsaday

Raaxeeye Abaa adiga dolshaa tahay ,cilmi boodhari lee iga dheh, macaantaada haddii ku dhahdo caajis aa tahay anilee ii soo sheeg.

To Faalka xaaji
Dhinacaanya waa laga xoog badiye aaw sheeqow bun bun iyo biyooley majirto haye qaacigaaga ku shidan
abaa sana joog siyaaro joog alaha naga dhigo.
naftirkeey alaabtaan waa ka helaa . Aqwaankaa King igu salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sooma

Unrecorded Date
waad salaamantihiin dhammaantiinba adhicadeeya iyo
hargaga aniga ka duuliya yaa faras ila fuuli oo
xaysimo ila tagi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hana

Unrecorded Date
from hana
to raaxeeye
inaadeer bal mar uun halka lagaa helo soo
sheeg aan is weraysanee asalkeenii ayaad tahay'
iyo murtidii raga soomaaliyeed
hana

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waliid

Unrecorded Date
ASALAAMUCLAYKUM.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waliid

Unrecorded Date
DHAMAAN DADYAHOW WAAN IDIN SALAAMAY GAAR AHAAN HABLAHA...........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GADIID

Unrecorded Date
TO:DHAMAAN DHALINTA(RAG/DUMAR)
ASALAAMU-CALAYKUM

Beryahaaba ma arag goob sidan oo kale u shidan,hambalyo dhamaantiin waa raqayo tiimkii ama ruug cadaadigii raaxeeye,faalka,qamar iyo idil waxaan idin leeyahey halkaa ka xejiya haasaawaha,aniguna ma fogi ee waan soo noqon doonaa
BARBARKEY KA BAXDAA
WAA BAKEYLE GALEEN

ASALAAMU CALEYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XARUURI

Unrecorded Date
hablihii garaaraha
gaatan socodka laafyaha
gelbin jirey talaabada,
hablihii guhaadkiyo
qarsan jirey gefkoodee
hadalkoodu gaabnaa,
hablihii gu iyo dayr
sida baarqab golongolay
dhexda xadhig ku goyn jirey,
hablihii wax geli jirey
hablihii wax gudi jirey
hablihii wax goyn jirey
garta madalka naqi jirey,
garashadana hanan jirey,
geeskeena mooyee
geyi kale ma jooggaane
gabdhahaa ma haysaan??????????
Haddii kale iga daaya hadalka dacartiisa!!!!!!!!!
XARUURI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
kuwaa hooyooyinkoodii baan weli la guursan odey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abaadir

Unrecorded Date
To>>
salaan diiran oo da' wayn oo sida dhambaal aad uculus, iga hooya saaxiibada murtida iyo maansadiyo ku caan baxay haasaawaha!!!!!!!!! (raxeeye-burcaawi,faal-gurey,qamar iyo idil)

in dhawaydba hoorinta maansada iyo murtida aad tiriseen, maankayga ka guuryo, dhagahaygu may maqlinee, idinkaa igu mirkiciyee, ee iga
hooya....

inantii hagoognayd
inantii humbaalnayd
mar aan shalay har-qodaar
ku helay dibadoo
hadal yar aan la yeeshay
idiin soo halgaadiye
way kanee war(burcaawiyow)iga hoo!!!!

******

waxaan iri habooney
hodaneey ma nabad baa???

***-***-***

waxay tiri halyeeyow
nabad weeye hawluhu
ha yeeshee hadiyo kow
haasaawe dheer iyo
hadalba uma jeedo
duhurkii salaadiyo
sheekh Haashim hadalkiyo
khudbadii Hameesh iyo
heesihii akhwaantiyo
hawlaan aan ku haadiye
heybow inabad geli!!
********
waxaan iri Haweeyaay
amba hadal xad-dhaafiyo
hanfin maayo sheeko eh
hadal yar oo suáal iyo
waxaan hibasho maagiyo
haasaawe fududoon
haadaan ku gelinoo
huga kaala cararayn
hufan saaka iga hoo!!!

***-***-***

waxay tiri.....


la soco fadlan marka xigta!!!!!!!! aan marba xoogaa idiin hambeeyo halka uu ku dambeeyay haasawaha aniga iyo gabadhii humbaalnayd.

waa ABAADIR,(abihii caashaqa)
oo idinka soo salaamaya
cariga HOLLAND, magaalada HOOFDDORP
waa hoygii haasaawaha iyo caashaqa!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sucdi & ayaan

Thursday, June 15, 2000 - 02:46 am
to>> aabihii caashaqow;

xabiibi waa sugi la'nahay qaybta 2aad ee sheekada! fadlan aboowe macaan caashiqii baad nagu mirkicisaye ee noo soo dhaqso!!!! saaxiibtay oo halkaan fadhisana, si gaar ahaaneed bay uga heshay haasaaweentaa>> waayahanba wiil adigoo kale ahba maynaan arag oo soomaalidii way ka dhamaadeen baan umalaynaynaa!!!! koley meeshaan aan joogno " north-america" laguma arko adigoo kale!!waxaa laga yaabaa inay ku dambeeyaan halka aad joogto!!!fadlan macaankow noo soo gudbi e-mailkaaga!! if you dont mind!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Thursday, June 15, 2000 - 07:35 pm
haayee horta miyaa laydin qabaa....imisaadse caruur leedihiin?
.
.
.
hadhowse ma shaqaysan kartaan oo mays dabiri kartaan?
.
.
.
jacayl baa mirkacay ii cali lahayne soo jawaaba xaawaley.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil

Friday, June 16, 2000 - 05:54 am
To: All, salaan iyo mahadbadan

Beryehaanba waan gabey haasaawihii oo haatuf baa iibaxey, hinbiriirsi ii diid, hasaawana hadalkiiba daa. Maacaleesh !!!!!! ee maxaad maanta haysaan, ninkiise Raaxeeya ma mid baa heshay oo kala wareejisey ileyn intaa kaftanku wuu ka badan lahaaye Faalgureyse ma midbaa xaseysatey, gabadhii Qamar wacana ma mid baala tagey, meeshu cidla weynaa.

Faalka ma waxaasaad la soo shir tagtey haddii gabdhaha la qabo maxaa goobta haaasaawaha iyo hadalka keenaya, mise waad nagu dayeysaa hadalka,ileyn horraa loo yidhi " hadhuudhkaba mashkaxa ayaa lagu eegaa".

goobtani waa goobteenii caashaqa ee hebel fadlan ha shaasheyn. inta kalowna heelada inoo tuma, heeladu waa heeladeenii!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.