site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Somalinet dacwaan idiin qabaa

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Somalinet dacwaan idiin qabaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yuusuf

Unrecorded Date
Magaaladan Toronto waxaa ka taagnaa dagaal joogta ah oo ragga iyo dumarka ka dhexeeya. Hadda haddaa tihiin bahda somalinet waxaa ka mid noqoteen goovaha dagaalka ee labada ciidan isga hor imaadaan. Aniga xaaskyga waxay somalinet ka akhrisan jirtey guri deriska ah ilaa ay igu khasabtay inaan kobuter usoo gado interntetkana ugu xiro. Lacag badan ayaa iiga kiin baxday. Arintii waan sameeyey laakiin hadda furino cusub oo badan ayaa igu furmay waxaana kamida xaaskayga oo markii iigu horeysey i tiri dhinaca romance--ka inaa kaligaa ku xuntahay ayaan u malaynayey laakiin markaan somalinet booqday waxaan ogaaday ragga soomaalida oo dhami inay kula midyihiin. Intaa waxaa sii dheer anagoo kombiyuerka isku qabsana mar walba kana doodna waxyaabaha meesha ka socda una badan kaftanka iyo dacaayada ragga iyo dumaka dhexyaal. Waxaan idiinku mahadaninayaa sida aad soomaalida isugu keenteen iyo meesha aad qabiil iyo qurun ka istaagteen. Laakiin hadda ayadiina waxay joojisay teleefonadii badnaa maadaama kombiyurerku internetka ku xiranyahay anigana waxaan bartay isda arimaha soomaaliya loola socdo adigoo internetka isticmaalaya. Runtii waqti fiican ayaan xaaskayga isu helnay dad waxaa jira aan magacooda meesha ku aragnay aan iska waraysano marmar. Waxaa maqlaysaa anigoo intaan shaqada teleefon kasoo diro oranaya ka waran sheeko heblaayo, mr.cool horta ma nin baa mise waa dumar iyo wax lamida.

Yuusuf

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Oo haaye adeer meeday dacwadii weli waan sugayaaye. mise waad mahad naqaysay awal?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xL

Unrecorded Date
Salaam!
Waa runee meeday dacwada aad SomaliNet u haysato. Cinwaanka in aad si kale u qortaabeey aheyd, duqa!.


XL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Ramadaan Kariim;

Waar heedhe sownigan soo qaatay buugaagtii waaweynayd ee "Danbiyada" si aan somalinet Maxkamad u saaro!!!!!! Meeday Dacwadaadii??? Mise farxaddii baa ku ilowsiisay dacwadaadii???

Somalinet haddaad dacwad u qabtid Ila soo xiriir...Wixii somalinet dacwaynaya anaa "Abukaate" u noqonyaa, Waan ku Kacsanahay !!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Yaska, maxaa ugu kacasantahay somalinet? Ma waxaadan ka helin guidelines kooda? Mase advertisment ka kale duwan ee page ka soo baxa baa dhibsatay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxdo

Unrecorded Date
ha ha ha
walaahi waa qosol shikadaada Yusufoooooooooo

bal dawada sii wad lakiin anaka lee ha nagu darin qarashaka ee xaaska ku galisay mr cool aan wax ka bixineeso ana qeebteeda waxba ma ka qabo!!!!!!!!!

waxaan idin rajenayaa waqti fiican adiga iyo xaaskadaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To Yussuf

La soco qoraalkagi waxaan u qaatay "scenario" markaa inaan meshan ruux wax u dhimo kama wado.

Ah ah ah marka hore sida akhyaarta kalaba sheegtay waxaan kaa filayey inaad dacwoon doonta. Oo waxaan mesha u soo galay inaan fiiriya sida Somalinet loo dacweeyo iyo waxa lagu ashtikeenba.

Markii danbese markaan akhriyey,waaban ka yara helay qoraalkaga oo xogaa micna ayuu ii dhisay oo wax jira ama jiri kara ayuu iila ekaaday.

ahah ah waxaan ku qosli dhinaca romance-siga waaw.
War nin yahow nin xogaa yara adag baa tahay oo xogaa raga qaarkood waad dhantaa, calool adeeg inaad markaagi hore u dhalatay unbaan u maleen.

Bal hadii aad xaajiyada u soo iibisay computer ood ugu xidhay netka, horta wax fiican baad sameeysay, intey reerkale intay u wareegto isku dhibaatoon lahayeen. Lakiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin waxaan xogaa la yabaa bal ka waran hadii aay xajiyada tagto Chatka....Meeshana waxaa joog niman ama naago aad iyo aad u xun xun eee....

Yusufoow, waxaan u maleen iney akhyarta meeshan kaaga soo jawaabtay ay yara 'afgobeysteen' Lakiin anigu aan xogaa yara durkay, markaa xumaan igama aha ee waxaan u qaatay qoraalkaga waxa la yiraah "scenario" oo ah wax dhici karo.

Kusow
Ramadaam Kariim

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.