site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dhoodaan............Maa caleesh.....Volks Varakis........124.......gabar reer magaal......aanu daxaya aadno......xididka iyo marti....

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Dhoodaan............Maa caleesh.....Volks Varakis........124.......gabar reer magaal......aanu daxaya aadno......xididka iyo marti....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Gabar aad jecleyd oo hadana gaari kula fuushay
oo uu dhinaca kaa soo fadhido, ruuxa ay garaneyso, ama aad guri kusoo doonatay,
oo aad la ciyaareyso, hooyadeedna ay joogto, oo weliba soo jeedo...adigiyo inantaasi waad kala xishootaane. Ma garatay?

Yaab baa aduunkii ka dhacay,
wiiggan maanta ahe,
dhulkiiba laga wada guuryoo
cirkaa loo tartamayaaye,
xidigaha dushoodaa dhawaan
laysku haystaaye,
apolo 11 baa kharibay dad aan la koobeyne...
suuqa kolkii aad u dagtaba buuq haddaad maqasho (Dayaxay tageen iyo ma tegin)
muranku weeyaane,
wadaadadii jilbooday iyo casrigu wey isdilayaane
ilkihii rag laga daadiyay bey galabta soo sheegeene.
Yuri Gaagiriin baa la yimi, howshan oo idile
isagaaba wareerkaa baday dunidii fiicneyde
awal waa la wada diidi jiray oo la beensaday eh
hada uun bey xaqiiqinayaan oo waa la hubaaye
Armstrongba waa kii dayaxa ciid kasoo raray eh
oo luna iyo apolaa la dhigay calamoodiiye
hadaynan inana boodin oo meel kasii dayan
Afrikaanku baashuu lahaa waa la degayaaye
nin seexdaa sicii dibi dhal oo hooyadii loo sheegye
orgi fuulayaa iyo qabaal MIIG ka dhiganayaa
Todobaadkan waa inaanu hadaba samada aadnyaayeeeee

Dhoodaan:
Waa anigii idhi markay naagtu ifaalseeyseyna:

Horta kabo feyda-luggo joogiyo
oo ciribta loo dhuubay
toob lasoo gaabiyay oo lowga kor u dhaafay
alaabtaa markay qaadatoo lacagna weydo
(Fidig-faatigleeyeey)markay dabada seydheyso
ileyn cidi-fiiqan weeyaan...hadday seynta kor u qaado..
Laamigaa kolkay joogsatee tumasho dooneyso
shaqadeedii weeyee, haddaad foodhi maqasho,
"jid" kolkaad tidhaah bey, Jimbac usoo laabadataa
waana lahubaa "Asbax" bey tidhaah
iyadoon kaga dhabeyneyne
Kolkaasaad is leysaan, hadana dib u heshiisaane.
Kolkaasaad haddana heebkii danbe meel ku argataayo
waxay tidhaah:
Ninyahow filinka ma i geyneysaa?
taxi-gaa inta lagu ridto uunbaa Xamar la geystaaye
Fanto iyo waxaa loo gadaa caanahaa kulul eh
"Coco-cola iyo Boolo" wey dalamsaneysaaye
lacag aanay lahayn Naagi wey cuni taqaanaaye
xanjadaad usoo iibeysey calaanshaneysaaye
agtaaday kasoo raamsataa sida hashaadiiye.
shineemda kolkii laga baxaay, nin iska raacdaaye
muraadkeedii goortey hesheey kugu xanaaqdaaye
gurigoodii garan meeysid iyo meesha uu yahay eh
sidii odey baraaracay oo leydhka qabadsiiyay
oo dacawo soo weerertoo baabah kaga siiyay,
oo habartu inay maagtiyo dirir ka yaabaaya
war-wareegayeey xaafadaha waan ka baqayaaye.
Dharkaa jilicsan iyo bootarkaa laysku duugayo
iyo madax in dhiig lagu gambiyay yaraha aad moodo
alaabtaas waa waxa qaribay lacagahaygiiye
jacaylkuba qasaaruu noqdoo wuu ibaabi'in eh
kolkaa inaan iska ilaawo oo daayaa so ma ahaaaaa?


Illa soo socodsiiya haddaad ka hesheen aan soo dhameestiro goo-gooskoo dhanne.

Intan waa tijaabo si aan u ogaado in dadku ka helleen iyo inkale.

By: Faal-Gurey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,,,FAALKA ,,,,FAAL GUREY aad baan oga helay mana sugi karahayo inta aad soo dhameystiri,,,ee mir suaal ah iga hoo,,faalkoo halkee baad intaa oo heesa iyo jacbur aad ka soo fagtay???????WALEE kanina wuxuu noqon doonaa beyj kaloo isna cagta la soo wada mariyo,,,jacbur aad u qurxoon oo qosol badanna wa uu yahay,,,,,,,
thx 4 ur contributions ,,,,,,i liked it

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To Faalgurey

Duqa aad iyo aad ayaan uga helay pagkan. Waxaanan u maleen donaa inaan malin kasta cagta soo marin. Saxiibow bal hadii aad heyso Owkoonba iyo awkuukuna ku soo dar hadaladoodi xigmada lahaa. Aniga xerta akhyaartaas iyo dhodaan aan ahee. waa ku dhintaa shaciroolayaasha "madeeyayaasha". xataa waxaa ii taalo cajalad dhodaan ah oo markaan foorjowa ayaan iska dhagesta.

Tan dhageesta hee.

war horta nin yahaw anigu waan jeclaadaye
gabadh baan jeclahay oo i jecel, mana jeclaadeene
hadii ay i jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye
Ninkii ay jeclaatana la waa inuu jeclaadaaye
Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye
Jacaylkayga iyo keedu waa laba jeclaadoone

Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye
Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye
Midii jeer la moodoo whan waa inaan jeclaadaaye
Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye!!
Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye
Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye
habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye
Wadaadanse jeclaadee dharaar macawasta i siisay
Gurigeeda waagan tegee ay shaaha ii karisay
Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey
Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene
Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay!!!!

Ninkii dumar jeclaadaase wuu yara ammantaaaye
adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere
Midabka iyo Quruxdadana ayaan yarahe faalleyne
Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage!!
Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale ee!!!!
Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye
Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye
Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo
Duqnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye
ADiguna caruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye
Isku qayrna waa nahay anuun baa laba gu kaa weeyne
Sanadkii darawiishtii baan dhoocillo ahayne

Dhalinyaro inaan nahay dadkuba waa ogsoonyahaye
Inan iyo barbaar baan nahaye waan lagaranayne
Raggaa kale juuq ha u odhan aniga mooyaane!!
Kii kula hadlana waa inaan feedh ka badiyaaye
Haddii layga kaa dhaco waxbaan sahayan doonaaye
Dameer dhagaxa waa inaan gurtoo qaylo kiciyaaye
Naagtana ka iga qaada waa inaan ka dhuuntaaye!!!!
Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya
Oo luuqanta hoogaamiyo gegi xariiqaaya
Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maagtid
Sidii laba digaag sow ilkaaa layska cuni maayo

Ku raaxesta akhyaarta. Hana lagu soo daro waxii kale ee lahayo.
!!! waxaan ka wadaa waa melahaan ka helay.
Reer galbeedkana Afnuuraday jecelyihiin, dhodaana cay buu ka dhigi, ah aha ah

Kusow
bye now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Faalka Xaaji, aniga hore ayaan uu sheegay inaad fanaan tahay. Runtii waan ka helay heesaha iyo goos gooska aad soo xuushay.
More! More! Bis ! Bis!
Kusow, adna maka yareesatid Faalka!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Kosoow, (waridkaa cun) Qosol aan fudto-gadoomay macalinka. LOL@@UBRO. That's Dhoodaan bro.

Neefoow-macalin iyo Suban, Suugaanta waa in la soo ururiyaa. Waa inta keliya ee aan dhulkeenii Hooyo (Soomaaliya) iiga Dhitoobee ha lahu dadaalo.

Kuusoow iska dhici hee.

Gabaygeyga toos-toosan baan kuu faraqayaaye,
Qof waliba inta uu doonno waa looga dhurayaaye,
maskax fiican ruuxaan lahayn wuu dar-darayaaye,
oo adoo bari ka sugayuu galebeed kaaga soo degiye.
Miyaan kuu dhameeyaa naxwaha? mise badh baad dooni?

Sida naag ninkeedii rabto la heshiin weydey,
ama gabadh aroos lagu wadoo, dheri xanbaareysa,
ama inan iskuul loo diray oo xaafad kale aaday,
ama buur daqiiq laga dhigoo shaahna lagu qooyay,
ama qare la shiilay oo saliid lagu macaaneeyey,
ama (Xiddid) Wan weyn loo qalay oo rooti loo kariyay;
(Jacayl iyo wadani) Kaan rabbaan gabay ku sheegaaye.

Nin marqaamay waa lagu yaqaan inuu ciyaaraaye,
nin sarkhaamay waa lagu yaqaan inu wareeraaye,
ruux waalan, kii soo qabtay buu dakhar ku jiidaaye,
Naagtii kun, naagtii xaddaa kaaga sii daran eh,
Bisaduhu inay tuugsadaan kama gaboobaane.

Afartaa sidii xoolo didday, marada ma u tuuray?
deel-qaafku waa ba'an yahee, timir ma suugeeyey?
xalwo iyo baasto iyo daqiiq ma isku iidaamay?
isagoo muqmaasad ah, miyaan caasha' kuu geliyey?

Inaan Xiddidka sooryo, markaan sharafka doonaayo,
intaan saxan buraanbur ah, cusbada ugu macaaneeyo,
oon geeraaradeydii badnaa, qaar usoo kariyo,
oon gabay basbaas ugu daro, oon heello ugu qooyo;
Waa inaan budh soo qaataa oo cuna idhaahdaaye.
Dul badnaanta iyo deeqda wan kala aqaanaaye,
Rag casummadii waa inaad subax u yeedhaaye,
casar-gaabadkii waa inaad qadada siisaaye,
waa inay kasoo faro xashaad aqaladoodiiye,
xeerada haday kaa marshaan adigoo jooga, ama ay kula murmaan;
waa inaad feedh ka badisaaye,
martida oo dhan waa inaad, dabadeed lacag ka qaadaaye.

Afartaana (digtaan) oran jiray iyo giririmteydii dheh,
sidii (madag) nin taag yari gilgilay,
qiiq ma kaga keenay?
raad bakayle waan marri jiree, ciid makaga keenay?
gabay kalena waan soo sidaa sida xamaalkiiye.

Kubbad meel banaan lala tegay oo lagu ciyaaraayo,
sida Habar sarwaal qaadatoo laad ku kicineysa,
gabay fiican...fiican baan anigu sheegaaye,
magaalo iyo reer baadiye ayuu ficil dhex joogaaye,
kolkuu shaadhadhkii kaa gurtuu, lacagna kaa qaaday,
(Horta maxaad dhaqatay?) buu kugu yiraahdaa, waayo dabadeed eh,
Haday dumarku lacag leeyihiin, maba gaboobaane,
koley haday qubeys iyo wejiga bootar ku cadeeso,
lixdankii sideed baan jiray bey kugu tidhaahdaaye,
jacaylkana anaa kala bartay wuu i daashaday eh,
gabdhahan ay ka daba boodayaan, lacag ma haystaane,
Habar kun iyo boqol haysataa la ogolaadaaye,
sheekooyinkeeda waa laga dhegeystaaye,
haday tidhaah: (Shan baan diiday) waa laga dhegystaaye,
haday tidhaah: ( Cirkaan taabtay) waa laga dhegeystaaye,
haday tidhaah: (Baddaan jiidhay) waa laga dhegeystaaye,
haday tidhaah: (Anaa kaa yar) waa laga dhegeystaaye,
gaarinimo kolkey sheegatee muranka deyn weydo,
waxaa lagu yiraah: (Buullooy, Shaah inoo kari),
Qaxwahay sameyso hadduu muufo noqon waayo,
kolkaa been iney sheegtay baa lagu ogaadaaye.


Weynakaa caawana.
Kusoow balan waaye Awkoobme iyo Awkuuku.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusow

Unrecorded Date
To Faalka

Duqa sidaan u qoslaayey ayaan ilmeeyey si kale kuma garaneeysid. Waayo waxaan anigay igu dhaceen khasatan waxaa itaabtay mesha uu leeyahay

Haday tiraahdo shan baan diiday waa laga dhageestaaye (abow aniga hebel iyo hebel waa ku daadiyey nooh)
Haday tiraahdo cirkaan taabtay waa laga dhageestaye. (Aniga foortaan ahay ima garaneysid mahine, cirkay tabatay)
Waxaa iigu sii daran haday tiraahdo anaa kaa yar waa laga dhageestaaye (abow aniga mo ogid miyaa hada leen 18 galay nooh)

Ninyahow Xaaji faalka ninkaa dhodaan ah xikmad wuu katagay.

Saxibow maanta waan ka gaari waayey inaan cajalada ka qora lakiin hada intan ku sii mooda intii laga gaari waqti kale intaan aan kor ka xasuustaa ee.

Nin Shukaansi doonbaa yaqaan hadal macaankiise
Kolba tuu la jooguu yiraah caashaq baan ahaye
Muraadkuu u jeedana waa aduga caynkaase
Waxba lama jeclaanine gabdhaha waa la sirayaaye!!!!(runtiis waaye)
Dhalinyarada caynkaa ubadan yaa la talin doona

Inan suuqa maracyeesay oo diiday gurigooda
Nin bakayle tumasha a sita waalan unbaa heliye
Iyadoo lamaanatay buu dhaar ka maryaaye
Kolkaasay ilmeeysaa sidii ruux bas baas gubaye!! (Naxaris darana)
Iyadaays baleysee maxay qaadi kaga roori
Naag ninkeeda cayday bariba wuu ku furayaaye
Sariirtiyo ashuunkaad walee geesan dhagax tuure
Ood bacaadka taagnaa sidii ruux la soo nacay ee
Qada sax ileen adaa baxshee kali ma joogteene
Anigana inaan ka maslaxa ha iga dhowrine
Adigaa isku geestee maxaad uga xishoon wayday.

Intaa ha noo joogta. Lana sooco Awkoonba iyo awkuuku waa sugaaya ayagana waxaad ka heeso

Akhyaarta kale pageka wax ha lagu soo daro hee.

Kusow
bye now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow (Axoow)

Unrecorded Date
Faalka Xaaji

Walaalkiis qosol aawgiis waa ilmeeyey....waa ilmeeyey....waa ilmeeyey...wlaalkiis awalba anoo duq ahaay oo ilko igu harin aaba kuwii aan ku badalay soo faniineeyn qosol awgiis.

Walaalkiis Radio Mogadishu lee iga dheh.Faalka,aniga print out aan ku suubsaday Dhoodaan waa jeclaay jacburiskiisi oo murtida laheed.
Walaalkiis Cariis Ciisane soo raadi.


TO:Kusow.

Sxb adigaba qatar aa tahay Theaterka maa ka shaqeen jirtay....sheekadii Harti dadkaan u sheegay Afur bilaash aan ka helay qosol eey qosleeyn aawgeed.

Adiga iyo Faalka koobo aan idin dhigey waa loo joogaa qofkii guuleeysto

sxbayaal mar dhow beeso aan ka dhigeeynaa Arimahaas oo kale.


<<<<<<<<<<<<<<<<RAMADAAN KARIIM>>>>>>>>>>>>>>>>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

j.w marriott

Unrecorded Date
to faalka xaaji
saxib aad ayaad u mahadsantahay markaan aqriyay aad ayaan uga hellay meeshan adiga la,aanta waa mugdi mar aad heeso noo keento
iyo mar aad jac burkii dhoodan noo keento
saxib madaalo fiican mahad sanid
too kusow kurtun wareey
macalinka mahad sanid adigana waa in aan meel isugu kiin keena adiga iyo saxibka
faalka oo aan raadiya idin furnaa mahadsaind kuusow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Saaxiibayaal: Aaxoow, Jw Marriot iyo kuusow; Mahadsanidiin.
Aaxoow remember; Ticket aan kugu leeyahay markaa ilkaha ilaasho walaakiis. Saacadaan ticket la'aan hay dhigin. Y3k kun sano aa ka hartee. (I have to party like it's y2k bro)
Jw Marriot, haddii Radio ii furti lahayd, waxaan hayaan kasiin deyn lahaa macalinka. waad mahadsan tahay.

Kuusow, sxb Carays ma haayo (Waan jeclahay inaan helo) laakiin Bacadle maku qanacdaa?
Haddii "Haa" aad tidhi, iska dhici hee.

Bacadle:

Bismilaahi waa magac Alloo lagu bilowdaahe,
Lamma hadalka gebigeyga waa lagu biskoodaahe
Muqadamada baro, goor dhor aan kuu bedelayaahe,
balaaqada afsoomaaliga hoo gabayga beexaansha,
waa boqol tixood iyo sagaal, boorka ka illaalsha

baalaha todobo roogsataa bi'iya deel khaafka
bartamahana waa toman iyo koow lagu bineeyaahe
b-daan saaro, beeydkaan xafidiyo bidix u laadkeyga
buundooyin gaagaabanoo buqunada u daarsha,
iyo baabka laga soo galo iyo barro tilmaameedka,

goorteey madkuhu ii baxaan waan bedelayaaye,
inaan boolyay ha u qabina waa bixin Illaahiiye
mana boogsanine waa hibo illaah laga baqeyne
balwadna uma iilee xaqaan jid u baneeyaaye

caawana bidcada iyo sunaha buuqa laga taagay,
inaan kala baxshaan doonayaa waa isku baraxdeene
Illaahayna boogta aan dhayaa wey ii bogsiin jiray eh,
baryadiisa kama quusan waa boqorkii weynaaye.

Baraawi iyo Booyaaye iyo Buube iyo Suufi,
Barkhadle iyo Barkaan iyo ulaha Baali laga keenay,
bakoorada Sheekh Nuur Xuseyn banadal aamiinka.
Busure iyo Jeylaani iyo boqolo soomowga,
Badawi iyo Sheykh Cadaruus badaha buurkooda,
inta bacadka kheyr qaba ee idaha lagu bireehaayo,
oo barako loo doonaha badaha reedooda,
ana Gabay inaan baariyaa wey banaantahaye,
Illaahayna boogtaan dhayaa wey baskeen jiray eh,

Waddaadooy bidcadan iyo sunaha buuqa laga taagay,
inaan baaritaan suubinaa uga baxaynaahe,
wax yar inaan bidhaanshaan jeclahay saa u baratiine,
waxaan soo prove-aba haddaan point-gii helay eh,
mahay belledu naga raacday ayaan soo bandhigayaaye,
balwadu dariiqoodhinka baraxday diinta,
markaasay usii kala baxeen boqol iyo dheeraade:

Mid aa yidhi salaadaha barkood looma baahna eh
inaad beer-dareyso hurdada waa badownimo eh
beredka iyo dhaxantuna jirkeey kaa bedelayaane
bidco iyo axkaanleybo waa boqolo diineede
raaxada inaad begetid ayay kaaga ba'ayaane
sida ani ku baro-qabsee beenee hadalkoodha
bil ka jiifso beri soo qalee boqol iyo dheeraad eh
ama beetul laahi catiiq Boqorka weydiiso.
Sii buub hee soo buub hal saac kaaga badan meyso eh,
waa boqolkun lamadii ragcood bixisay deynkiiye
bidco gararxumaa joogto barako diidyaaye
abidkeeybo kama soo bixin weyga buriyeene

Mid aa yiri war aan kuu bandhigo baani raad malehe.
Mid aa yiri waxaan bixi rabaa beri isniinaade
inaan Nebiga baafshaan rabaa soona barakeysto eh
hadaanse beytulaahi catiiq beryo soo joogo
bidco gararxun aa sheegtay oo barako diidyaahe
shiikoow sidaan uga baxsadaa waan ka baqayaaye?

Wuxuu yiri anaa kuu bandhigi barro tilmaameede
basarkooda heerkaan aqaan waan bedelayaaye
Beri iyo Al-caam haddoo baqaro kuu keeno
haka baranin diintooda waa lagu bidcoobaaye
Bismilaahi goortey dhahaan booba kabahiina

Illaahiin ka baqa maandhoo nabegia wey beesheen eh
Bidconimo waxaa iiga roon benu Israa'iil eh
Beer laxowsigooda iyo arag baarinamooda
iyogoo isliinkii barteey kuu badalayaane
burhaantiyo karaamaadku waa baab la moog yahay eh.

Plane-kiyo anoon raacin oo Passport-na wadanin
Booking-kii aanan heesanin aan buubi karayaaye
inaan beetu-Laahi catiiq booqdo mooyaane
salaaduhuba iiguma baxaan beledka aan joogo

waxaan iri dad aa buubay iyo sheeko barro-leeyda
seerada mugaad baratid aa laga boskoodaaye
bedru-diinka Nebigeenu waa boqorkii awliyaad eh
bacdigiina Abuubakar aa barako noo roon eh
oo birimo noo qaaday oo booska roogsaday eh.
Waagii hijrada loo baxee lagu basaasoobay
Bacadka iyo caga-gubashada iyo baahidiyo oonka
buur qalaxa fuul bohol gal eey baqid u dheereyd eh
Illaahay sidii laga barteey uga badbaadeene
baryahoodii aa laga aqbalay barax la'aaneed eh
abidkood ma buubin oo dhulkey boor ka kiciyeen eh
baabacada ciidey dhigeen beenu raad maleh eh
bacdigood dad aa buubay waa sheeko baraleey eh
arooy beenta naga deeya iyo barobagaankiina

midaa yiri badcada lama yiraah saad u barateen eh
hadba meesha loo badan yaheey barako taalaaye
boqolkiiba tobanna ma hidiin badanna meysiine
arrooy nagu soo biira yaan leydin baabi'in eh


Waa gabaygii "Bacadle" Uu ka yiri dadkan Soomaalidu dhihi jirtay waa Awliyo Xoolaha inta loo qalo laga ducaysan jiray, iyo kuwii wadaadada isku sheegi jiray ee dhihi jiray; Maalin walba waxaan u biibnaa (Duulnaa) Xajka (Maka) oo salaadheena ku soo tukanaa.
Gabayga ma dhamma markaa bal ila soo socodsiiya sida aad uga heshaan, si aan u soo dhamays tiro haddii laga helay Haddii kale we'll move on to Awkoombe and Mr. Kuuku.

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Sorry Aaxoow sxb adaa Carays Ciise codsaday ileyn?
Kuusow baan u qaadtay.
I hope Inaan Helo Carays Ciise berito.
Maxamed Saalax ayaan weydiin doonaa.
Ilaa iyo intaa waxaan rajaynayaa inaad Bacadle ka sii heli doontid.
Labada nin makala yareystaan.
Fg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusow

Unrecorded Date
To Axoow

Duqa sidaan u qoslaayey aan ilmeeyey. Runtaa waayo "hartiyow oo darah" aniga shegay aa markaan qoraayey qoslaayey. Waxlagu qosla waytahay. Markaa hadaaba afur ku heshay kheyr aad shegeesaa, laba sanbuus ah mii ii soo niyootay hee.

Tankale hadaaban kuu shegaa koobka waxaa qaaday Faal Gurey, waayo xaajiga waa mucjusooyinka waaweyn uu ka mid yahay markaa si sharaf leh ayaan fagaaro weyn oo loo dhan yahay ku gudoon siin donaa.

To J.W.

Duqa soo dhowow hee adigana "kusow Kurtun waarey" aaba xasuusataa ee. Meshan waan shideenaa ee adna hal halkoo ku soo dar macalinka

To Xaaji Faalka

Xaaji faal bacadle waa ke helaa. Waayo ninkaa waa garanaa sida quraafi loola hadlo hee. Si kastaba ha ahatee waxaan aad uga heli lahaa, hadii aad keento gabaygiisi uu ku amaanaayo gabdhaha xijaabka qabo. Wagaan somaliya jogaan dhageesan jiray waxaan ka xasuustaa meel u kuleeyahay "markey xijaabka iska dhigto oo waxay maanta dhan qarinaysay ay adiga oo the xalaal husband ah ku tusta" wax saasoo kale ah lakiin waxuu ii ahaa all time favorites walina wuu ii yahay madaama aan wali doob ahay.


Akhyaarta intan ha lagu sii mooda hee.
Way kala xanaaqaane

Aduunyada xanaaq baa ka dhaca tan habiile
Isaga iyo qabiilna way kala xanaaqaane
Maraykan iyo fiitnaama way kala xanaaqaane
Africa iyo Roodiysiyaba way kala xanaaqane
Carabta iyo Israa iilba way kala xanaaqaane
Gumeysiga xornima doonka way kala xanaaqaane
Dib u socod wixii hor usocday kala xanaaqane

Hantiwadaaga ruux taajiray kala xanaaqaane
Dukaanleyna raajiciga way kala xanaaqaane
Biliiska oo dhan iyo tuugna way kala xanaaqane
Ciyaalkana qofkii waalanbay kala xanaaqaane
Muslinimada iyo gaalnimadu waykala xanaaqaane
Jiir iyo bisadi waa inay kala xanaaqaane
WADAAD SHEEKH AH GABAR QAWAN BAY KALA XANAAQANE!!
Habar guur rabtiya inani way kala xanaaqane!!!
Naag maseertay tii lala qabay bay kala xanaaqane
Nin hinaasa dariskiisa way kala xanaaqane
Runti iyo dilaalintu way kala xanaaqane!!!!!
Towrada iyo afmiinshaarku way kala xanaaqane
Taksiile iyo taraafiguba way kala xanaqaane!!! (taas waa run)
Baarkhasaaray kabalyeerigay kala xanaaqaane

Musigaysta foortembaday kala xanaaqane
Heesaa gistoonataday kala xanaaqaane
Abaarta iyo doogaduba way kala xanaaqane
Mijinqaad ah adigoo sitoo kororsi doonaayo
Ninkii qori ku waydiisto waad kala xanaaqdaane!!
Balan adag haday wada dhigtaa laba doonaysay
Ka wax sugaya ka ugoyey kala xanaaqaane
Miiskiin tuugsanaya kolkuu daarada istaaga
Cunug yiri Allaha kuu sahley kala xanaaqaane!!! (maxan dhahay)
Baabur furdada jooga oo sibir xamaalaayo
Hadii roob ku soo daato way kala xanaaqaane
Gurigiii qashiin iyo warqado laga fogeen waayo
Qofkii galeyey minishiibiyay kala xanaaqane
Ardaygii gardaran macalinkay kala xanaaqane!!
Gaarigii rakaab badan sitee meel fog qabanaayo
Geerishu hurdaan darawalkay kala xanaaqaane
Aniga iyo maansadayduna kolbaan aad u diriraaye
Hadii aan canaantana la waa inay habsaantaaye
Iyadoo xaraga miiran baan halaqsan donaaye
Geeraar qaloociya ma rabo anigu been beene
Gabaygayga deelqaafka way kala xanaaqaneeeeeeeeeeeee

** waxaan ke helay mesha taxilayaasha iyo tarafika,waayo waxaad maqli taxi-la leh duqa waa la igu dhajiyey nooh anoo aad u speed-gareenayo, markaa xalay si fiican iiguma geli oo police aan u shaqeenayey.
*iga raali ahaad hadalkaan dhereeyey ee.
Kusow
ramadaam kariim Jameeca

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow (Axoow)

Unrecorded Date
Faalka iyo Kusow,
Sxbayaaloo raali iga ahaada yaas ahaay Bacadle .

PLZ!!! up date me....I'm lost....I never heared...I can tell he was Funny.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAAHIRYARE

Unrecorded Date
please faalka iyo kuusow waxaad tihiin niman fanaaniina ee waxaan idinka codsanayaa hees aan aad ugu baahnahay oo anan midhaheedi wadahayn inaad iisoo qortaan
WALALAALAYAAL HEESTU WAXA WEEYEY '' GORAYOOY GABAL KUU DHAC''
AAD AYAAD UMAHAD SANTIHIIN WAXAAN IDINKA SUGAA WAA BERI IYO HEESTAA AAN IDINKA CODSADAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
Daahir yare adoo iga raali ah maad soo booqato qolka heesaha iyo falka xaaji meehaas ay u badan tahay inaad ka hesho heesta aad baadi goobeyso,,,,,halakani waxaa loogu talagalay gabay jacbur iyo ninkii dhoodaan iyo raggaa kale ee korkaa ku xusan ,,,,,,,igana raali noqo injineere

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Unrecorded Date
waaryee kusoow miyaandan aheyn xunkii DIIQ ku soo galeyey chatroomka ee australia joogay waar dee bahashi xashiishada aheyd maad iska dhaaftay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaan Akhyaarta.
War Wadani naga daa dee sheekh ha naga waalin sheekada eh.
Aaxoow sxb Bacadle iyo Carays Ciise waa laba nin oo koonfur kala yaraysan jirin. In kastoo Carays raadiyaha Muqdisho u badnaa, laakiin Bacadle cajiladaha ayuu ku badnaa. Copy ayaan cajaladihiisa mida ugu fiican kaaga sameyn doonaa. waxaan ku siin doona y2k-party-ga. Soo dhegeyso, waan hubaa inaad ka heli doonto. Waa nin runta iyo guubaabada aad uga hadli ama gabyi jiray, sida walaalkeen Kusoow u sheegay.
Daahir yare sxb Alla heestaa maxaan jeclahay, maxayse kuugu taal ma hayee. IM sorry Bro.
Neefoowkaniini sxb ka daa ha lug-goyn Daahir kuma jirto eh. Laakiin heeso kale oo mac-macaan ayaa ka buuxa boggaa Daahiryare, oo ilaa iyo hada qaar badan aan u noqdo, akhriskooda.

Akhyaarta waa dhoodaan.

Sida gabar macaan oo xariir lagu macaaneeyey
oo toob macaan qaadatay oo socod macaanaatay
oo kabo macaan iibsatay oo hadal macaan sheegtay
oo reer macaanina dhaleen oo guri macaan joogta
iyo sariir macaan iyo aroos lagu macaaneeyey
sida galaydoo macaan wada macaanaatay
gabaygeygu sida fuud macaan waa wada macaan yahay eh.

Haddii uu tuugu reero u dhoco, reeraha alaabtooda
wuxuu kusii riyoodaa; isagooy Jeel kusii ridayaane
rugtu gabadhuu keenaa, ninkey raali gelin weydo
wuxuu kusii riyoodaa; ilmaha iney rajeesaaye
oo raaxo la eryay dabadeed, kala riyoodaane
hadduu oday ratigii foofay iyo saaka adhi raaco
oo laba duq oon israbin raaskii wada joogaan
wuxuu kusii riyoodaa; habrihii iney isruugeen eh.

Cowrala riyooy:
Anigu waan kugu riyoodaaye
reerkii haddaad joogto waan kugu riyoodaaye
haddaad gaadhi raacayso waan kugu riyoodaaye
oo haddaad suuqa rooreyso waan kugu riyoodaaye
haddaad raashin karineyso waan kugu riyoodaaye
haddaad badarka riiqeyso waan kugu riyoodaaye
haddaad rooti gadaneyso waan kugu riyoodaaye
aan kugu riyoodee intaan kugu riyoonaayo
adiguna riyada waa inaad igu riyootaaye.
Labada is raba waa iney wada royoodaane
labadaan is rabin waa iney kala riyoodaane
mid hadduu wax rabo waa in uu (Dhan) u riyoodaaye
kooda aan la rabin waa inu (Cadho) riyoodayeeeee

Amran waxaad tidhaahdaa; qalbigu muufo kaa noqoye
Ifrax waxaad tidhaahdaa; Dundumo soo dhacdaa tahaye
Iftin waxaad tidhaahdaa; sidii Dooligaad noqon eh
Asli waxaad tidhaahdaa; adigaa Jeer ka qurux weyn eh
Ardo waxaad tidhaahdaa; haddaad maqnaato, waxaba anigu taa kama qabo eh, adigiyo yeelkaa eh.
Asli xawaasheey gabdhaha waad u sidataa eh
waan kusoo nacnacayaa haddaan kuu imaadana eh
waa in sidii laba is raba kala maqnaanaaye.

Sidii baasto ciir lagu daray oo faanto lagu qooyay
ama badar, galay iyo hadhuudh lagu madoobeeyey
ama habar yar oo toban jir ah oo naasku dhagaxoobay
oo daasad wadatoo xarago dhan isu tuureysa
quruxdaadu waa sida nal iyo booc tubaako ahe

Geesiyadna waa tahay ileyn sharafku waa sidaase
macabsootidoo hooyadaa waad la dirirtaaye
oo cayda iyo dagaalka gabdhaha waad ka badisaaye
ninkii kula hadla ayaa lagugu yaqaan inaad dacweesaaye.

Sida Kaneecada ayay kaa baqaan darisyadiiniiye
reeraha aashuunkooda waad jebin taqaanaaye
qofkii ku maaga iyo naagaha ayaad timaha jiidaaye
gabadhaa intaan caashaqay ayaan (Meeday?) leeyahay eh
ninkii iga jeclaada ayaan rabaa inaan budheeyaaye.

Ammaantaada maba sheegi karo caawa oo qudha eh
waxaad tahay macaan iyo qadhaadh laysku soo daray eh
ama caano ay qaad iyo bisbaas ay ku kariyeene
degenaanta markaad laafyahay (Jagac) kasiineyso
Bushkuleeti nin fuushani gaari kari waaye

Waa gabaygii uu dhoodaan ka tiriyay inantii uu jeclaa ee beri reeraheedu u diideen. (Yaabay anigu)

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To Walaalkay Wadani

Subxaana Laah Subxaana Laah war miyaadan soomaneen.Xashiishad aa war maad "kabla dhahdid"

Bal aan xogaa luqada wadani isku dayo, hadii aan "hobseed" gala ha la iga qaleeyo.

Waryaahe Wadan, caynkaa ma aha. Dee ina adeer ma indhahaad isku haysataa, Sow ma aragtid in Kusow ka duwan yahay Diiq oo ay yihiin laba magac oo aad u kala duwan. War intaad mijin qaad ah qadatid ood ka soo gadatid East London, Dee isku dhufo oo dib u akhri labada magac.

Waar hadaan warka kuu cadeeyo, dee walaal ma ihi Diiq meshaad sheegi ee odhan Chatroomkana waligeeyba maalinbaan booqday oo mid haraanti kulu baa isoo caydhiday oo malintaa baa igu horesay iguna danbeysay. Waayo waxaan mesha u arkaa in aytahy meel la isku aflagaadeyo ina adeer oo meshaasna saa baanan u tagin.

Koleyba waxaan fili inay jiraan sababo aad iigu maleesay ninkaa odeyga ah ee "Diiq" haduu jiro. Laba sababood uunbaanan u saariyey. Kow inuu yahay nin majaajila iyo maad badan iyo inuu yahay nin afka reer baydhabo yaqaan. Markaa walaal haduu ninkuu labadaaba ku banaan yahay, dee waynu u bahanahaye keen. Oo haduu maadeeyo yahay,warde soo tus aqalka walaalkeen Faal, haduu afka reer baydhabo garanayo dee ii keen aniga doonayee oo ku darsan qolyaha soo boqda qolkayga Baydhabo.

Koleyba waxay ila tahay inaad meel uun ninkaa iska qoonsateen ama aad isku huruufteene ee Wadaniyo, dee ina adeerow wax iskula har oo si public ruuxna waligaa ha u aflagadeen.

Hadaan kula yara ximaartamo waxay u muqataa inuu ninkaa Diiq uu kaa dhacay inan dee xaalkaguna waxuu u muuqdaa sidan:

Hadii layga kaa dhaco waxbaan sahayan donaaye
Dameer dhagaxa waa inaan gurtoo qaylo kiciyaaye
Naagtana ka iga qadaa(Diiq) waa inaan ka dhuuntaaye
Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya
Oo luuqanta hoogaamiyo gegi xariiqaaya
Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maagtid
Sidii laba digaag sow ilkaaa layska cuni maayo

Ugu danbeentii walaal wadani anigu mana jooga wadankaad sheegi mana ihi ninkaad sheegi. Ee intaad soo dhawaato ku soo biir akhyaarta qolka, qalbi furan gacmo, furan iyo walaatinimo. Naguna soo kordhi waxii aad heyso oo majaajila ah ee aad ka heyso qaybta aad somaliya kaga noolayd.

Kusoo
ramadaam kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To Xaaji Faalka

Xaajiga aniga gacan aan tagay runtii. Waxaan la yaabay sida quruxda leh ee aad noogu soo qortay jacburadan quruxda leh. Qos aan la ilmeeyey aan ku leeyahay. Khasatan waxaan ugu jeclahay "habar naasku dhagaxoobay iyo Adigaa jeerna ka qurux weyne iyo qalbigu muufo kaa noqoy.

Xaaji nin yahow waxan is waydiyaa,why uu Dhodaan majaajiladiisa 90% ay u yihiin wax la xiriiro jaceel iyo gabar. Runtii waan ka helay. Hada waxaan bilaabay inaan ku sameeyo print out.

Xaji la soco koobka waxaan ku siin donaa year 2k. markaa is diyaari habeenkaas haduuna computerka naga fadhiisan waxaan rabnaa inaan maqalno Jacburkaaga ugu khatarsan. Lakiin 6 saac ka hor shoping soo sameeso si haday wax khaldamaan at ugu yaraan u heesato waxaad cunto sadax bari.


To Aaxow

Aaxow igaarkay siduu kuu shegay walaalken Faalka waayo Bacadle waa nin wadaad ah oo u isticmaalo gabayadiisa xaga fidinta Dacwada Islaamka, waxayna ku saleesan yihiin diinta. Lakiin midka uu gabdhaha akhwaanka "shabaabka' ama wadaada ku faalin hadii aad dhageesato, waxaa laga yabaa inaad malinta ugu horeeso hadii aadan hada ka hor la macaamilin shabaabka aad tiraahdo. Saxiibow intee lagu qaban donaa Muxaadaro. Oo aad sidaan "Sabka u wiidaysan jiray oo kale" aad u wiidaysato "kaftan".

Markaa ninkaa odayga ah xaalkiisa waa sidaas. Ee hadii aan nasiib leenahay gabaygaa wax nagu soo biriyo allaha noo sahlo.

To Daahir yare

Daahir igaarkay runtii aad aan anigaba u jeclaa hestaas "Goroyooy Gabalka dhac" lakiin nasiib daro kor kama garanaayo. Hadda ka hor ma booqan qolka hesaha lakiin maanta ayaan boqday markaad igu bararujisay, waa ka yaabay meshaas shaqada ay ka qabteen Xaajiga Faalka, Aaxow iyo Kaafi iyo akhyaar kale. Lakiin waxaan go'aan saday inaan labadoo hesood oon jeclahay oon la dhameestirin dhameestiro sadaxdoo kalana feeraha u soo dhigo si akhyaarta loogu mooda.

markaa saxiib bal intaan ka soo heleeno hestada isku day inaad kuwan ku sii moodo

Kusow
Ramadaam Kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Kuusoow Mahad adigaa mudan sxb, Dhoodaan hablahaa diidi jiray baan maqlay oo nin dacaayad badan buu ahaa oo dacaayadeeya cidii kasoo hor baxda. Dacaayadaha waqooyi laga isticmaalo imika, isaga ayaa alifay baan maqlay.
Sxb. y2k-ga ninkii Aaxoow ahaa baa i casumanay habeenkaa oo isagaan rabaa inaan y2k-ga u tago waxaana aan rajeenayaa sameecadaha party-ga iney y2k ready yihiin haddii kale waa cilad weyn.
in kastoo Computer-keyga iyo AOL aan shaki ka qabin I hope in Somalinet.com y2k ready tahay waayo waan soo qori doonaa habeenkaa party-ga ka bacdi.
Saaxiib gabaygii Bacadle ee aad iga soo codsatay waan raadinayaa weli. Awkoombe & Kuuku habeen danbe (Iinsha Allah) balan waaye sxb.

Gabaygan wuxuu ka hadlaa wadaadada tuuggonimada Soomaaliya ku haystey iyo kuwii wax sixri jiray ee gabdhaha xoog ku qaadan jiray. Waa gabay fiican ee dhuuxa.

Bacadle:

Mar hadduu dagiigoo, barkimo dulugga soo jeedo
ama goodka ka dabareeystoo dacarro ku sheekeeyo
Illaahay inuu soo dirreey doqoni moodaa eh.
Xaaraantu sidey ugu duxdiyo daalinnimadiisa
dufanka iyo dhididka siduu wax u deymoohaayo
dibirada iyo daacada idhaha lala dhamuuji haayo
muguu qolo ku duulaan yahoo duubka xirahaayo
dadka soow u guulguulihaayuu doqono xareystaaye
wallee qoon uu Illaah daba dhegeey diinu ka idlaatay.

Dhaaxaan ka digay idinna waa ila dareenteene
mugaan idinka soo daahay aa la idin duufsaday eh
hadba kii danbeeyaa sidii doqonadii raacdaane
duf ku baxa ileyn cammu waa dumarka noocooda.

Nimey daariiga duufsadeen diintiisii waaka dooriyeen.
Nimey daariiga duufsadeen diintiisii waaka dooriyeen.

Duulkaa daahirta eheyn dilaha hee racadeeya.

Duca uulfuuska ee waxay dhaheen hadal dajaal waaye
Daxnaal ibnal Carab ayeey dood ku kiciyeene
Kutubteey dejeen eey dheheen Diinta kuma toosna
Dalaasiintii aan dhigi jirneey dacar ku sheegeene
Dayratul macalag falagiiyeey naga dulmaiyeene
Arintaa hadaan daba galoo dooney xididkeedha
dariiqoodhinkey waxay rabaan inay daciifshaane
intey Illaahay doortoow ila qabo daliilkeeda.

Amba diida muran aadba hortood daba heydheene
imsaan duceeyoon helay dalabkii aan geystey?
imisaan datoor iyo wadaadba anigu daaweeyey?
imisaa i daba joogto oon aniga wax igu diideyn?
imisaa i dooneyso oo irida loo diiday?
imisaa dukaan lay gamay oon maalkii dabo beelay?
imisaa wax ii diiday oo dibada taal taala?
imisaa nin deyn igu lahaa duco u dhaafsiiyay?
imisaa damoodho mug kale duni ku raaxeystey?
imisaa nin diin igu qabsaday Dowlada u dhiibay?
imisaa la dilay ama la xiray ama la duuf-laadshay?
diintuu akhraahaayana la yiri kuguma daaweysni?

Gabdhahoo daboolanaa la yiri diricyo soo qaa qaadha
nin dariiq iyo diin lahaa darajadaas haysta
dabaalnimo bidco eey haysataa gaajana dilataye

Imisaa intaan gabar dalay ay ani diinta igu keentay?
oo tiri duq aa tahay ee arag muluqyadaan diiday?
dab ii huri kuma dheheen guur iskama deey eh?
damac kaa qasaaray aa jiree haba isku keey daalin?
waxaadse ani igu dooratee igu dar yeeleeysid
ilmahaaga diifta leh maxaad ugu daweyn weeysey?
dareem kugu dhacyee xaa dulmi iyo madax la duug weyntee?
daankaaga Miinta leh walee daybo heenmeesid.
da'daadiiba manoolee xaa mulqaha ku daba roojay?

Markaasaan dibiray oon xanaaq dibinta laa laadshay
rooxaanta duusha iyo intaan duulal ugu yeeray
mugeey soo dukeeyeen asay duluf kaleeyeene
diin lagu akhriyo iyo mugii daawo lagala noogay
maxaa derinta leysoo dhigay oo leeygu derey beeso?
kor intaan damoodhaan indhaha dacalada ujeedshay
Dulmigaan galay aan waxaan rabaa inaan daboolaaye
intaan daaha soo rogay mugaan beryo door doorshay
naaskeedu goortuu dabcoo dullin ku raaxeeystey
dalaaqdeey lahayd iyo maxaan siiyay derinteeda?
mugey soo dacwootay oo tidhaah meherkiiyuu diiday
rooxaanta duusha iyo intaan duulal ugu yeeray
dabqaadkii madoobaana aan foox ku dalaq siiyay
dahabkiyo diricii maxay dirintii soo tuurtay?

Anigana mid kale soo dalbaday oo dance la ciyaaray?
nin dariiqo iyo diin lahaa darajadaa heysto

dabaalnimo bidceey heysaa
gaajana dilataaheeeeeeeeeeeeeeey

Minaa da'diinii duufsateen
duqoodhinka xaa ka doonateen?
Minaa da'diinii duufsateen
duqoodhinka xaa ka doonateen?

Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Raali iga ahaada:
Maansadii ayaan qalday wax yar, waana sidan:

Nmeey Daalinku duufsadeen Diintiisii waaka dooriyeen.

Duulkaa aan daahirka ahayn dilla oo hee racadeeya.

Mahadsanidiin.
Fg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Aaxoow sxbkiis iska dhici Carays Ciise waa kuu soo helee.
Waxaana kuugu tuuraa horta maansadiisii ugu caansaneyd eeh (Haddii kale waxaan lahaa;)

Aar galay baa laga galaa
gawaan waa lagu kufaa
gadiid waa la cuskadaa
gaw waa laga dhaadhacaa
G dii kale waxaan laha:
Hee?

Kol waa gaajo iyo dhereg
kol waa guul iyo guhaad
kol waa roob soo gugciyo
abaar xooluhu go'een
waayahu labadiisa gelin
aduun geeri iyo nolol mid uun baa kula gudban eh
Gumeysi iyo gobanimadu ma labo lays garab dhigaa?
Maya!
G dii kale waxaan lahaa:
Hee?

Kadeed baan soo marnoo
Maanta gaashaan dhig iyo
gadiid baan meel nahay
genbiga waan geli karnaa
gumeysi iyo gobanimadu ma labo leys garab dhigaa?
Maya
G dii kale waxaan lahaa:
Hee?

Gaaddada wiil taagay iyo
Korkiisii giijiyiyo
Guurguurta kaarahiyo,
kumaandoos gaar hayiyo,
daraawiish gaardisiyo,
kolkii aan geeshka dayo
galiilyaa iga kacdee.
Gumeysi iyo gobanimadu ma labo lays garab dhigaa?
Maya
G dii kale waxaan lahaa:
Hee?

Hub aad kuu gubahayiyo
gantaalaan yeelanoo
haddii nalagu kacshaba
kor iyo hoos lama gafnee
Gumeysi iyo gobanimadu ma labo leys garab dhigaa?
Maya
G dii kale waxaan lahaa:
Hee?

Aroor shil go'an jirtiyo
guhaaddii laga baxyoo
galadi noo soo gashaye
gumeysi iyo gobanimadu labo lays garab dhigaa?
Maya
G dii kale waxaan lahaa:
Hee

Nin goomurnaan jirreyba
garaadkii ka hadlay oo
gees buu gaawaca ucugtaye
gumeysi iyo gobanimadu ma labo lays...........

Gurro' iyo gacan bidxeed
afxumadii goor walbiyo
ganaaxii lama arkee
gumeysi iyo gobanimadu................

ganboonaantii horiyo
godkii laga soo baxyoo
gudcurkii kuma jirnee
Gumeysi iyo gobanimadu...................

Mudaneyaal geesiyoo
kursiga loo doortiyo
gudoonshe mineestar iyo
madaxweyne guud,
garsooraan yeelanaye
Gumeysi ito gobanimadu.....................

Xornimadaad gaamurtiyo
luulyo koowdeeda iyo
gagada loo soo bixiyo
garwaaqsiga maalintiyo
kanooniga dhacahaya
waa guul noo soo gashee
gumeysi iyo gobonimadu.....................

waagii gaaladu fadhiday
garaado haddii la helo
korkeenii loo dhigaa
isbatoore gaasir iyo
kabloow lama dhaafi jirin
Maantana geesh janan watiyo
teneeti isbiija iyo
minjir gaaf dheere iyo
kabtan iyo korneel garoon casaaw leh baa
garbaha loo suubsadaye
Gumeysi iyo gobanimadu......................

Xafiis aad soo gashiyo
nin gacalkaagii fadhiyo
dantaada uu kuu gudiyo
afkiisa kaan la garan
haloo fiirshee gadaal
Gumeysi iyo gobanimadu.......................

Arday kumayaal lahoo
Galaas wada qaata oo
tacliintoodii gudtoo
kooris qaar galahayaan
haloo fiirshee gadaal
Gumeysi iyo gobanimadu......................


Aaxoow qeybtii hore waa taa bal ila soo socodsii in ilkihii soo ceshatay.
Waxaa weli kuu dhiman T, K, H, J, L, Iyo F dii kale waxaan lahaa.
Ganbar soo qaado macalinak "Runtaa" idheh,
Anina haddii kale waxaan lahaa
"Hee"
Caawa dhan raga dhaanto aay isku og yihiin. Lol@@UBro

Salaama
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Dhamaan akhyaarta

Akhyaarta sanadkii cusbaa waa la gaaray 00, nabad aa lagu soo kacay sidaan fili. Wax soor diiday lama haya ay ila tahay. Waxaan rabaa inaan intuu Xaajiga Faal wax ka keenayo aan idin sii madadaaleeyo. Markaa labada Tix oo gagaaban iga gudooma hee.

Sidii dooni bacaad lagu eryoo dhagaxa jiiraysa
Ama gaari socon waayey oo mooto lagu jiiday
Ama Jiir cayilay oo bisadi qaadi kari wayday!!!!!
Ama ruux dibira haysa oo gaajo kiciwaayey
Gabadhyahay jacaylkaada waa laygu soo falay ee.

Guurna waaban kaa doonayaa sida xaqiiqdaye
Hadalada aan kuu sheegi waa lagama maarmaane
Talada hadaad yeeshidoo saaka aad i raacdo
Tumasho iyo aroos raaxo leh baan kugu barwaaqeyne
Anigana fariid baan ahay iyo deeqsi xoola leh
Hadaad maalqabeen tahayna waa la xaragoodaye
Dharka quruxda badan ee hadhow kugu mariinayo
Iminkaaban kuu shegayaa caymaduu yahay ee
Tobakaayo waxaan kaaga gadi baati faraq dheere!!!!

Mundulahana waxaa inuu dhaxtaal darinti wayneyde
Casiirkina inaan soo gadi baan dhaar ku marayaaye
Adiguna dhilqaha!waa inaad nooga celisaaye!!!!
Biilkana hadaan aroortii sumini kuu dhiibo!!
Kolkaasaad jawaan liin ah iyo moos inoo karine!!!!!!

Nimcadaa aan ku shegayaad habacsan doontaaye
Tamandhadana waad iibin iyo baradho nagoode
Ana kiish nacnac ahbaan intaa kuugu darayaaye
Naa haydiidin waa nigaa ku jecel sidi dhashadiiy eeeee!!!!!!!!!!
@@@@@@@@@@*************************$$$$$$$$$@@@@@@
Reerkeda naagtii u daran waa la furayaaye
Nin uu wabi la tagay col ma dilin waana la hubaaye
Ruuxii xanaaqaba waa geesa dheeryahaye
Awliya carootaa nin unbay laad ku kicisayee!!

Bada riinjiyee baa u daran howl aad qabataaye!!
Xisaabtada dabayshaad qortaa kugu farawayne
Nin sigaar cabaa waxuu yirahaa ANIGU WAAN DAYN
Kolkuu dhamaystuu hadana laba mir doontaye

Gabadh aad jeclayd oo hadan gaadhi kula fuushay!!
Oo dhinaca kaa soo fadhiya ruux ay garanaysa
Ama aad guri ku soo donatay oo lana cayaaraysa
Hooyadeedna ay joogta ay walina soo jeeda
Adiga iyo inantaa waad kala xishootaanee

Ii bashaalahee akhyaarta "isku bashaala akyareey"

Kusow
Ramadaam Kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Faaaaaaaalka Xaaaaaaaaaji

Faalka waa sidee qolkaagi indhuhuu isku qabsaday ee inteed ka dhacday baryahan. War qolka sida u dhaan Xaaaaaaaaaji dad badan baa ka baran jiray afsomaliga una ahaa madadaale ee mesha ka kac oo qolka ku shid geeda carfaayo.

Bal intan yarta ah ha ku sii madadaashan akhyaarta intaad ka soo gurmanaysid.
$$$$$$$$$$$$$$$$$$$@@@@@@@@@@$$$$$$$$$$$$$

Bada way macaanayn karaan gabayadayduuye
Jeebkay ka buuxaan sidii goo go lacageede
Dadka kale uma sheego oo waan ka qariyaaye
Adigaa saaxibkay ah oon kuu waramayaaye
Bal dhagayso sidi laas guray baan soo burqanayaayeeee
Oo geeraarka xiinkiisu yuu dhagaha kaa jeexin
Anigana dharaarahan qalbigu way rafanayaaye
Gabar meel maraysay baan rabaa inaan jeclaadaaye
Lakiin nin bay waalayoo ii durbaan tumaye
Waxuu yiri hadaad caashaq tahay dheefta wada diide!!!
Anigana runbaan mooday kama dhageesteena
Maanta iyo shalay iyo daraad waanigii qadaye
Baahidii i heysay baan ka baqay inaan hunqaacaaye
Saaxiibkiisa moyee anuuba gaaja ii diliye!!!!
Ninkaa inaan bureyaan damcay ee yayla talin doona.

Ramadam Kariim
Kusow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusow

Unrecorded Date
To: Dhamaan akhyaarta

War niman yahow qolkan maa sidan loo dhaama. Way way oo way, marbaan kuu soo gacan banaandonaaa. markasaan waxaan hayo kugu shubi, inta ka horeysana akhyaar kaa shaqeysa qolow allaha kuu sahlo. maanta waxaan u imaaday inaan kaa copy hal page oon gabar aan jeclaaday u diro ah aha ah ah

Kusow
Isbasiniga qolka, markaan nadifiyana hal jacbur baan ku turaaa.ah ah ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Dhamaan Akhyaarta

Booqasha gaaban iyo xogaa qolka oon ka tir tiraayey boorka.

Maanta shekadu waa saar:


Heelay waa taan lahaa
Kolkaad ila joogtidee
Agteyda ka muuqatana
Anigu waan kuu dudaa
Hadaad meelkala jirtana
Xagayqabataan iraah
Da’dii kale waxaan lahaa
Aheeeeeeeeeeeeeeeeeeey

Anigu waan soo socdaye
Hadaa soo faran duleysa
Ogow waa been axdigu
Dantii kale waxaan lahaa
Jacdii kale waxaan lahaa
Siinkii kale waxaan lahaa
Kusowgi kale waxaan lahaa

Sidii koosar ladubay
Ama muufa la solay
Dhooyaca nuurkiisa leey
Allow yaa kula tagoo
Oo magaalada kaa wadoo
Dameer socodfiican oo
Bacaad daba mari kariya
Diidila ku saaro oo bibiilana kugu xir xira
Dhantii kale waxaan lahaa
Jacdii kale waxaan lahaa
Kusowgi kale waxaan lahaa

Buley daba yuluqda iyo !!!
Cilal iyo madax buq iyo
Gasaangas foob celiyo
Waxaa tahay qaran riyo
Buuraantaan kugu jeclahay
Aheeeeeeeeeeeeeey


Kusow
The Goodwill ambassador of Baydhabo Jinaaaaaaaaaay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A passer-by

Unrecorded Date
Faalka

Waad ku mahadsan tahay sidaad suugaanteenna noogu raaxeyso. "Man, you are a treasure"!. Biis biis ... ... (sacab)!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Wallee iyo Billee waxaad tahay Da' kuusoow Xaaji Gaab. LOL@@@Ubro.
Hadda Qolkeygii kale ee heesaha ayaan ku mashquuley oo beryahan danbe iga dayacsanaa eh, inoo sii jafjaf kuraasta....La'aantaa Boring bro.
Walaal Passer By waad mahadsan tahay laakiin Kusow Xaaji Salaameey la'aantii qolka ma socon lahayn. Waxaana aan jeclahay inaan la qaybsado mahada ninkaa Kuusoow.
Kuusoow Thanks Bro.
Salaama.
Faalka Xaaji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniiiini

Unrecorded Date
Salaama dhammaantiyiin;


Kuusoow adi meella walii niin agtubtina meey haayi,,Alloow anni maddi dheegi( BULLOOY daba huluqda iyo cilal madax buq ah)weey ki taawiyi gaal qaad biyoona ismariinin.......


KUUSOOW ilaah beyga sareeya'e kolkaad tix iyo laba ka tuurtay baan is iri ,,walle kani waa loo soo maqanyahay amaba loosoo waxyoodaa waxanni ka badan JACBUR dhoodaan laga soo wariyay,,qaasatan kolka adiga iyo al fanaan FAALKA xaaji aad isu majiibisaan ee hugun aad meesha kaga rogtaan,, wallee qol kaloo loo soo xiisayaanan jirin kuba dar kaayagii halkeer ahaa ee aanu isugu iman jirnay ,, waa meeshii uu dagganaa cukaash iyo asxaabtii..........


Kuusoow weyga wallee iyo billee kolkaad meelayoowgan quraafeyso ,hamhamta iyo hummaaga kaa baxayo baa waxaan ku soo xusuusta nin rafiiqay ahaa naftana inoo dhaxeyn jidhay waagii seyladda xoolaha ee BURCO aanu ka dalaal iyo malaali jidhnay oo BUDHIYOTOOREEY la odhan jiroo barigii dambana iigu dambeysay halkii YOOBSAN,waa intaanan loo soo wareegin SINAI,,Dabeedna la igu yidhi halkaa iyo wuxuu qabtay khaliijka carabta oo muddo ka JANAALEEYAY,,janaale,,...


KUUSOOW ninkii BUDHIYOTOOREEY ahaa baa hadda waxaa la igu yidhi,,,carrigu halkaa iyo meel badda dabadeed ah oo ku dhow halka qoraxduba ay ka soo baxdo buu joogaa,, oo waa meshii aanu odhan jidhnay kuwa madaxa ku socdaa dagga .. aalaanna waxaa laga hellaa meelaha mefrashka, culimada isugu timmaado oo nabi ammaanka, dikriga murqaanka,jabbanaha,luubaanta ,xadrada,qamqamka ,cafasiyadda iyo cuudka ay isku dhacayaan ..


KUUSOOW inbadanba anigu ninkaas baan kuugu kahayay,,waa intaan qolkan kugu arkayay,,,,


NEEFOOWKANIIIIIIINI,,,,,,,,,,BYE BYE ,,,,kaftan lee ahaa safiirkaayna,,kuus,,,,faalka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Neefoooooooooooowkaniiiiiiiiiiiini

Salaamantii akhyaarta oo dhan

Xaaji Nefoow sidaan u qoslaayey waan ilmeeyey si kale kuma garatid. Runtaa weeyo oo wax laga yaabo way tahay "Buley daba yuluqda iyo !!! Cilal iyo madax buq iyo Gasaangas foob celiyo" Markaa intaa qoraayey anigaa xataa aad u qoslay, Inkastoon Gasaangas aan dhar waa ku dhaqday ah ah ah. Waryaa Omo ayaan isticmalaa ee la soco ah ah ah.

Waxaan aad ugu qoslay ayadana markaa ila Aaday Seylada Xoolaha ee Burco, adiga kaliya ma aha nin baa hada ka hor aan shekesanay ayaa sidoo kale iyiri "waryaah ina adeerow ma reer burcaa tahay" inkastoon NASIIB DARO aanan waligeey tagin gobolada Waqooyi, Bari iyo Galbeed toona oon just ku nolaa Koonfurta Somaliya, bad too bad,Insha Allah marbaan tagi donaa.

Janaalayaasha waayo waayo, waxaa la dhihi jiray "War hebelow bal iska waran oo miyaad soo gursatay ina adeer" Jawaabta "Waar haayo MUQMAD ayaan soo furay" inaad garan bay ila tahay reer burco ama hargeysa hadaad tahay xaaji ah ah ah ah.

Qolyaha madaxa ku socda "Juud wamaa Juud" waa hadaad ka wado. Waa dhexdaas ah ayaan maqlahayey wadaad ku fasiri waa Shiinaha, markaasan iri war maxaa bal dhacday.

Qolyaha xadreeya waryaahe Xaaji Nefoow kaniin la isaga daba imaa waxii hore oo 'WAX DAD" baa caradi qabsatay, dee meshi loo badan yahay uunbanu u badan. ah ah ah.

inki danbooytii widayow ki tuugeey, eeda inki heli magaagan la eroo Neefoow kaniin sidii in heli am la kiinki biiyi.

To: Faalka Xaaji

Adaa mudan saxiib igu halee markaan melaha soo maro inaan mar mar boorka nooga tiraa kuraasta, Lakiin saxiib mesha mar mar ku soo lexa oo mar walba ha bas marin.

Kusow
Safiirka
Akhyaaarey Nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Dhamaan Akhyaarta

Akhyaaray inta ha lagu sii moda, maanta waa Abashir Bacadle Allaha ha ka saawibiya dadaalkise.

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh


Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh


Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh

Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh
Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh
Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh

Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh
Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh


Kusow
Safiirka reer Arlaadi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Yaa yiri qaad daroogo ms aha?
Subxaana laah!
walee qaad iguma ogidiin.
Kuusoow mahad balbaaran iyo bogaadinteed iga hooya adigiyo ninkaa odey laacibka ahee Faalka Xaaji.
waad ku mahadsan tihiin boggan wax faa'iido lehba halkan baan ku arkaa walaahi.
inoo wada shaqadan adag ee aad ku jirtaan.
kheyr baana idiin rajeeyey.
iinsha alah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabarjacaylhayo

Unrecorded Date
To: Kusow

Kusow walaalow waxaa tahay nin caqli badan. Alla gabadhii ku gursataa maxay wiil heshay dhankastoo loo kacaa ka hadli.

Kusow walaalow sidaad u maad badan tahay ma u qosol badan tahay mana u quruxsantahay, siiba ilka cadahay,waayo ilka cad unbaa lagu qosli karaa.

Kusoow walaal mise waad 'Gaamurantahay' sida magacaaga ka muuqataba.

Wax kastoo tahayba waan kugu qabi lahaa.


Gabar Jacayl hayo
I love you baby

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
,,,Ka daroo dibi dhal,,,armaanu ka hinaasa qaadnaa ,,,,wax kastoo tahayba waan kugu qabi lahaa,,aaa,,,, Kuusoow iskaba gaabanaatid iskana gaamurnaatid,, waa tanooy soo cagadhigatay,, dar alla,, dar alla,,dar alla,,cagadhigo,,,...


NEEFOOWHINAASE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abaa-heeley

Unrecorded Date
Neefoowkaniini, adiga taatikada netka wali ma baran miyaa. Beryahaan dambe ninkii attention rabo, aslee isku camiiraa noo...marka waxkasto oo meeshaan aad ka akhrisid ruun ha uu maleenin.
Aaniba inaan qoro warqad dheer oo magaceeka ku yaal waxaan ku saxiis kara
Wiil jecel hayo noo!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Gabarjaceylhayo

Ar igaartey sidan u qoslaayey ayaan yaabayba. Aryaa xay aheed "baby" nin wayn baaban isku haysteey. Ar anagaa yaabnay,mise macna kale ayuu leeyahay baby.

ah ah ah igaartey Kusow Gamuur ley iska dheh.

I love you too baaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaby. Koligeenba maan caruur iska dhigno hee.


To: Aabaay Heeley

Ar igaartey caqli badanidaa, sidee igu ogaatay inaan isku camiri, ma Somalinet aa u shaqaysaa mise ka mid tahay. Arwaa i dishay "Tuug la qabtay, tala malaha" Anoo isku camiri aa la igu dhagay waaw. Mar danbe maa samee haa, Maya maya.

Igarteey u sheeg hee saxibkey Nefoow sida loo qaraabta ma garanaayo waa ninkaas iska lilaahiga ah ee. U sheeg sida la isugu camira.

Igaartay Abaa-heeley I love you baby, ereygaaas aan ka helay aa ku istimaala haa.

Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Nefoowkaniiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiini

War ma anaa wareeray misa maanta oo ay tarikhdu tahay 17/2 dhankayga Qolkii Baydhaba wuu xirnaa. Yaa qatay furayaashi.

Intaan si kasta yeelay baan arki waayey markaasan is ir bal meshi kale iska tag inuu Neefoowkaniini ku arkaa asagaa indha badnaa ee si uu kuu hago oo ku tusa qolaka.

War Xaji neefow bal hadii aad aragtid qolki Naf soo gali oo kor keen i mean Last day soo dhaxgali Duca qabo

Gashan qaad ma luma baa la yiri ee miyaa nala musuqmaasuqay mise anaa wax arki karin.

Kusow
Safiirki "oo anbaday"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
,,,,,,Safiirunaa yaa SAFIIR anmbad maahid ee Qolkii isaga ahaa hablihii baa ka yara shaqeynayoo cafasiyad iyo waxoogaa qamqam bey yaraha cuudinayeen ee kolay hadaha hablihi rawaxe ee qolkina malaha isaga oo hadda gacanta laga qaaday baa mindhaa CUKAASH dhex neef neefsanayaa.


kolley anigu haddaan is lahaa aad cagta sii marisid inkastoo aan DACAR iyo IISHO aan oga yara meermeerayay oon is lahaa bal waa intaasoo ay deentii kuu qabsadaan oo maalin dhaweyd baan waxoogaa deyn ah ka sii qaatay oon is lahaa kolley hadduu safiirka yimaado isagaa kaa sii dabari ismanaad arag waa sideey ila tahay e'..


KUUSKA xaaji MACALLIMADDA iishoow ma maqashay halkoo isku kawis ah amaas east coastiga aas lama jiiro gadaasheed aas ku helli hee ,,,,bacdigeed warkeedba yaa sheegi hee,,ad bilaashkoo aa safiir laataacaleesh u tahi wadaayoow,, lama rooti koobkoo shaahna waa laga maqli meeha ii niiko badan,,ulul ulu ulu ulu ulu ulu,,,,, leey amaay dhimantahay,,,,safiirkiis isku kawiskoo amaas saqiir suujis lee aas ku jiraa,,,,,


N-E-E-F-O-O-W-K-A-N-I-I-N-I

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Nefoowkaniin

Waryaa xaaji qosol aa iga dharjisay. Widayow lakiin wali ani qolki waan heli la'a hay. Garan maayo siday wax u jiraan waa tagay topics,last day, lastweek xataa tree view. Bal waxaan fiirin inaan ka soo geli karo computer-kala oo ciladu tahay kan oo la block, who knows.

Bal inta ka horeesa waxii warar ah iyo waxii is guursada ama wax dhal halkan iigu soo qor

Kusow
Safiirki oo wali lun san

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Xaaji Neefoow

Again aniga waayo xaaji, war nin yahow qolki wali waan la' ahay. Markaa waxaanan wali ii cadeen in la tirtiray iyo in anagi kaliya aanan arkeen oo ka block-nahay markaa bil axsaanaga hadii aad aragto bal ii soo sheg. Garan maayo siday wax u jiraan ee. Darbi jiifadka dhaxan baa igu dishay iyo inaan meel la galo "hebel iyo Qoobay qoobdameer' oo ay bada soo tuftay ee.

xaaji igala soo xiriir e-mailkan duqa ama meshan iigu soo qor jawaabta.

Haday tirtireen waa inaan ashtikaga u diraa admin hadii kalana aan sababta waydiyaa.

dhago@hotmail.com

Kusow
safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
,,,,,Kuusoow waa hayaa email kaaga oo hadda ka hor baan qortay adoo u qoraaya ina Sheikh Mukhtaar oo si kada ah maraan kuu weydiin jiray nin dhaga weyne la yiraah inaad i garatay baan kuu heystay ana aan si kuugu duur xulayay...

Kussoow tan qolka ah waxba inaan ashtaka loo qoraheyn bey ila tahay maxaa yeelay hadda ka hor baan waxaan furay qol ay isugu yimaadaan dhallinyarada reer India iyo Pakistaan,si bal afka Urduuga iyo Hindiga la isugu weydaarsado, oo waxoogaa beryo inoo socday se maalinkii dambe qolyowga maamula ay masaxeen iyagoo kolkaa ku andacoonaya in ayan qorshaha ku jirin in wax lagu soo qoro afafka aanan ahayn Englishka iyo Soomaaliga,, marka waan isaga yara gaabsanay oo waxbana ma aanan ashtakayn,,,,..

Dabeed baa iyana dhallinyara kaloo Reer Khaliijkii Carabta iyana ah fureen Qolkaloo hadda ay ka dhaceyso maadda, qosolka, murtida,wacdiga haasaawaha, isbarashada, afkaarta, muqaamaraadka, liilalowga iyo Xusuus baa Geella lagu xera geeyaada ka dhaceysay aad uun la amankaagi baan subax uun soo kacnay mise maxaad ii dhiibatay , waa calaacal iyo caga maran,,, inagaa bala arki weynay bey dadkii kala bixi weyday ,, alla yaab weynaa ,,iyo ku yiraaha mindhaa intaanu shalay maqnaa baa weynaha ilaah iyo suubanihiisii lagu caayay tani wax ka weyne ,,,,,,


Wiil yaraha dadka Xaruuriga ahi lagu tiriyo baa araaji iyo Ashtako la soo istaagay,,,, Qiil looma waayine sahal baa la yiri maandhow af muslin ama ku gaal aan miduun idiinku imaado,,, inagii baa shaki ina daaray hal mar ,,, malaha afka carabiga wuxuu ka mid noqday kuwa naarta looga hadlo Hindigii garanaye........


Kuusoow kolka waan ku fogaaday bey ila tahay ararteydan kolka waxaan u soo dig iyo dam leeyahay waxa weeye maxaa loo masaxay Qolkii isaga ahaa ee baydhabo MA QABIIL BAA LAGU LAFA GURAY ,,,,, MA NABIGEENII SUUBANAA BAA LAGU CAAYAY ,,,,, MA KUWA MULXIDDIIN AH BAA ISUGU YIMMI,,, MA KUWA MURTIDYA AH BAA ISUGU YIMMI,,,,MA WAXAAN KU HABOONEYN ANSHAXA BAA LAGU SOO QAATAY AANAY AKHRISAN KAREYN CARUURTA IYO-------,,,,mise waa sideenii iyo WAAR AF MUSLIN IYO AF GAAL MIDUUN AAN IDIINKU IMAADO(waa waagii uu sayid maxamad cabdille xassan iyo darwiishtiisii ay calanwaleenayeen)........


Ma garan oo haddanna ma garan waxa loo masaxay BEYDHABO qolkii ay asharaafi isagu iman jirtay ,, mise haddaan ceynka iyo X'ada iyo KH'ada aanan lagu soo qorin oo aanu ceyn ku lahayn luqqa nuuxiya waa caruus iyo nageeya bulte oo aan soomaali wax ku laheyn.....


Ma aan xusuusto ninkii qoray Qaamuuskii ugu horeeyay ee afka soomaaliga inuu ahaa Yuusuf,, Saciid ama Nuur Cusmaan Keynadiid oo walaala ahaa midna uu qori jiray Sheekooyinkii Comedy-ga ahaa ee ku soo bixi jiray Jaraa'idkii Qaranka bilowgii todobaatameeyadii oo had iyo gooraale soo qaadan jiray is afgaranwaaga Soomaali beydhabo iyo Soomaali (maxaa tiri) oo si halaasi ah isugu jaangoyn jiray oo hibo u lahaa qorista comedyga soomaaliga baa maanta inagu wanaagsanaan lahaa bal inuu kala dhex galo qolooyinka beydhabo iyo kuwan mamula meesha oo arrinkoodi marayo ,,,, bal an idiinku imaado af muslin ama af gaal,,,,, ......... bye &peace,,,,


N-E-E-F-O-O-K-A-N-I-I-I-I-N-I-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

neefoowkaniini

Unrecorded Date
,,,,Halmaani hadal kuma jiro bey oran jirtay,,ehe mayee meeshaan iri Yuusuf waxxan u dan lahaa inaan iraaho Yaasiin oo aan u heysto inuu aabahood ahaa ninkii qoray afka soomaaliga ee la oran jiray Cismaaniyada,, waa haddaanan khaldeyn..


N-E-E-F-O-O-W-K-A-N-I-I-I-N-I-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaaban

Unrecorded Date
Ilaahayow, shakiiga iyo cuqdaada naga saar adiga caalmu siiri ahe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOOWKANIIIINI

Unrecorded Date
.......Weynaha isaga uunbaa kaa saari kara isagaa caalimmul gayuub ahe ,, Yaabaney Xiqdiga iyo Xasadka uma fiicna qalbigoo Eebahay baanu kuu barinay ,,, Shakiga iyo Cuqudka ku fadhiya Beerka iyo Halbowlaha intaanay Milil iyo Maal kugu noqon Eebahay ha kaa masaxo Shaafi Allah,,Allah Yasfiik

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaaban

Unrecorded Date
Walaale, xaasha! xiqdiga iyo xasadka midna qalbigeega ma saameen. Waxaa la yaabaa uun seef la boodnimada. Ogow, hadalkaana meel adag ku xir, maalin aan manta aheen ba la xisaabtami ee Xasuuso: Hubsiimo hal baa la siistaa.
Allawo na waada shaafi
Aamin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
,,,,Ducadiina ma haddaanu haakah' oran weynay , Yaabaneey anigu Aamiinta uunbaan kaa sugayay ee ma aanan sugahayn inaad dadi aad ku tilmaami seef la boodnimo iyo waxaanan ka sugnaan xagooda,,..


N-e-e-f-o-o-w-k-a-n-i-i-n-i

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
,,,,Ducadiina ma haddaanu haakah' oran weynay , Yaabaneey anigu Aamiinta uunbaan kaa sugayay ee ma aanan sugahayn inaad dadi aad ku tilmaami seef la boodnimo iyo waxaanan ka sugnaan xagooda,,..


N-e-e-f-o-o-w-k-a-n-i-i-n-i

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Xaajiga Neefoowkaniini

Xaaji si fiican aan kuu fahmay aad baanan u gartay waxaad ka hadli,laba mar baanan akhriyey si aan si fiican ugu dhuuxa lakiin anigu waxaan si public ah u soo qori ashtika waana iney noo sheegan waxay u xireen qolka. Iyo inuusan af may maay aheen af-islaam iyo mid Somaali toona.

Marka bal ii fiirso sidaan wax yeela kuna soo biiri talo

Saxiibka
Kusow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
Dhalinyaro
waasalaamantihiin dhamaantiin,ar markaan aqriyey bogan sow layguma kicin oo iskumaan dhex daadan,dhoodaan bacadle,carays,ya salaam!!
waad mahadsantihiin.
anigaan ereygaanan kudaraa:

DHAB YAA KAHADLIJIREY:

Dhoodaanku boqorbuu ahaa gabaya dheednaaye
dhab buu kahalinjirey iyo kaftami wadadhintiise
dhayal uma hadlee maalintuu dheelan ugu heeso
dhakhtar lagu yaqaan wuxuu ahaa dheelitiridiise

anigoo dhalaanan kahelay dhaqan wanaagiise
dhihidiisa goortaan maqliyo dheega hadalkiisa
dhamaantay waxaa la igu dhili qodaxyo dhiirtaage
hayeeshee dhegteyduba mamaqal dhow ayaan badane

anigoo hilmaanka igu dhacay aan u dhidif haynin
dhamow faalku baalkuu dhigaan dheel usoofuraye
markaasaaba dhiigii ikacay dhuux lafaa galaye
nimanyohow wax baad igu dhigteen aanku dheefsadaye

qalbigaad dhash iga yeeriseen dhamas sideediiye
amintiiba dhoof baa igalay dheelalow socode
dhulkii iyo xagaa qabo hadana laygusoo dhaliye
waa inaan dhaqaaq sahan kutago dhagixi buurnaaye

suugaantu waa dhay jin oon dharag kusiinayne
waa inaan haruub dhadan kushubo dhiila loo culaye
waa inaan dhitada kayda iyo dhama karuurkeede
waa inaan dhabaqalan baan ahee dhag u magowsaaye

waa inaan dhab soo wada iraa dhawr cajaladoode
waa inaan dhacshaha jeebka iyo dhawrta galiyaaye
waa inaan dhalaanku iga arag aan dhadhamineyne
waa inaanay sina iiga dhumin dhimasho mooyaane.

Geedi Gurey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

neeeeefoooowkaaniiiiiiiiiiini

Unrecorded Date
,,,,,yaaa salaaaaaaaaaaaam ALLAH ya cizzak ,, GEEDI GUREEY raggeedii Wallee iyo billeeh inaguma yara aftahan durbadiiba dhag kaga siiyay,, suugaan dheehash mudan ,,, anigu intaan tu kalaba la gaarin baan download ka kula booday murtidan harqaneysa oo deep ka hoosiya u dhigay,,,,,,Geedi intan aad is daba dhigtasy baan anigu horay ka xareystay oo soo soco netka wuu u baahnaa hal abuur iyo gabyaa intaba ,,,,Gacma furan ku soo dhawoow,,,, aqalku waa aqalkaagee


neefoowkaniiiini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Gurey

Walee inaad ninkeedi tahay, war guray marka hora soo dhowow marka xigana waxay ila tahay 'Furihi' qolka adigaa laguu dhiibi maanta waxii ka bilaawda. Sidaan yeeli jiray yeel, intaad geeska ka soo biloowdid kuraasta si fiican u tir tir albaabkana xir oo 'Afarey' ku tuur. ah ah ah ah

Anigu wali manan garin inaan tiriya afaray aan anigu leeyahay waxaan soo 'dhitiyaa' ama soo "luf luftaa' moyee. Waxaa iigu daran haba yaraatee wax 'Deel Qaaf' ah iyo 'Laaxin toona kuma jira" walee waa ninkeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeedi gurey

Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
aar kusow waa rageedii sxb ka daa ninkeedii maahee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Hebel

Duqa runtaa waayo meshaas hobseed no.10 aan ku jiraa lakiin iga fareejeso hee. Mar markoo waa la isku qaleyaa. Ninkeedi yeh that should be wrong Rageed that should be right.

thanks for that bro Hebel

Kusow
safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
kusow LOL@@ boqorka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
Akhyaarta waad salaamantihiin,waanad kumahadsanihiin soo dhaweynta iyo martigalinta,waxaan islahaa aad baxdid balse haddii lagu soodhaweeyo inaad diidaa waa ceeb,mahadsanidiin,waxaan doonayaa in aan sootuuro woxoogaa jacbur ah,

ayaan dhaweyd ayaan waxaan qaatay kooras yar oo la oranjirey "HUMAN RESOURCE MANEGMENT"qofkuna waxay ilatahay in u kucamalfalo markaa uu barto walax cusub oo cilmiya,markaa niman kale oo aan laftooda kuqalqaalinayeey in aan kooraska wada galo balse diidey ayaan markuu dhamaaday yiraahdeen maxaad keentay hee shiikha!!!!!!.
anguna waxaabn hortood degsadey balaan ana dooneyn in aan iska facshiro balse sow iguma qasbin nimanku,waanakan.

CAYRTU WAA CADOW:

Horta waa inaan ganacsi galo imataqaaniine
Dukaan weyn ayaan furanhayaa laba albaablaaye
Beentaba markaasaa lagadi deeqsi waanacaye
Sida muufa kulul yaa dadbadan fayl usoogeline

Haddii gabadha dariskeenu dhalay subax isoo aado
Kaftan yara markay iibsato oon beencad ugu duubo
Asay waa hilmaan badantehee ayan sunuud haysan
Waa inaan badeecada kurabo laba badeecaade
Sidaasaaba loo ganacanjirey waaya kahoroowe
Waa inaanu ruux deyn latagin sida dadkeeniiye

Haddii ay sidaa noqoto oo nolol la iidaayo
Qaninimo anay ii imaan waayar dabadeede
Ninwaliba dantiisuu wataa dunida maantaahe
Qorya lacag haday iibaxshaan hadal madaayaane
Waa inan dheg lalaq ana usiin een lacagta fiirshaaye

Hadaan habar macaashlaa helo oon wada shuraakowno
Waa inaan anigu maamulaa ooy iyana guriga joogtaaye
Waa inaan kudhoho oday nimoo aaminaan ahaye
Afka reer magaaluhu yaqaan sir iyo laalaabka
Waligeyba layguma aflixin waana loomarage
Cunigaaga iyo keygu waa wada ciyaalkey e
Xisaabtaada iyo teyduna waa laba xisaaboode

Xil nin qaaday eedbaa kuraran tan iyo waagiiye
Hadii ay gunuunuc iyo hadal igaba deynweydo
Waa inaan gujiyo laad ladhoco oon gacan kufiirshaaye
Iyaduna da’weeyee haday dunida sii moodo
Anigeyba iidhacatay oo maal lasiihariye
Waa inaan durbaan kale utumo oon farax la ooyaay

Karog labana saar baa layiri saad kugarataane
Waa inaan dubey doon kararo oon bari ku daayaaye
Waa inaan waslada timira iyo cadar kuqaadaaye
Dabadeed barbara ari kararo oon baxreyn tagaye
Haday lacagtu sii badato oo tiro kusoo biidho
Tiitaanig waa inan gataa taajir baan ahaye

Markaa waa inaan taxadaraa cayri waa cadowe
Isagoo badweyn marahayoon dahab kasoo dhaanshey
Gunta inay kajabiyaana wey udhowdahaye
Cadilaad ayay kula rabaan sida naftoodaase
Waa inaanan ruux aamineyn een anigu dhawraaye
Oo anan dushiisaba kadagin maalin iyo fiide
Heerkaa markaan gaaro oo hodan la iidaayo
Jabhadaha dalkaygii uharay yeyga dhicindoona!!?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Gureey

Duqa inaad abwaan tahay wax laga wada hadli ma ah ee waxaan is waydiyaa schoolkuu ka soo baxay ma "old school" mise kan cusub.

War ninyahow Gureey Qolki markaan furaha kuu dhiibnay unbuu is badalay oo Carafka ka soo kici, mid yar waa lagu aqal galin karaa.

Anaa tukaanley ahaa ee sidaa weeyo xaalku markay mid yar kuu soo wareegto ood ..........

Jabhadaha dalkaygii uharay yeyga dhicindoona!!?. ah ah ah

War nin yahow mar labaad soo dhowow oo "nagu afuuf ' jacburka aan ku nolaanee.

Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Waar gurey rageedii sxb.....beryahanba ma qoslin imikana waa LOL@@ iyo caadaas odey.
miyaan kuu mahad ceshaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
nabadeey akhyaarta,

KUUSOW furaha yaan la ii dhiibin waan hilmaan badanahe,inaan markabka saaro oo jabhaduhu dhaxlaana waw halise!!!!!!!!
xaga iskuulkaa old school-ka leen uqabey in badeeca badeeca kudoorida lagu dhigtee ileyn habkaasi wali waa socdaa!
KUSOW waa wanaag hadii saarka abwaankii careys eebe ha unaxariistee looga danbeyney oo uuwali nalajoogo aniga durbaanka igu dhaafe haye hee walaalkiis!

HEBEL mahadsanid intaasiba waa OK.
nabaadiino.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEEDI LOXOS

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM DHAMAAN AKHYAARTA

Sigooni ah duqa GUREY ah iyo xeroowgiisa KUSOW

aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida wacan eed sugaanteeni macaanayd noogu daadihihnaysaan

Gaar ahaan abwaanka faal gurey ah oon ku faraxsanahay hal abuurkiisa cusub.
Wax kaloon dhaho garan maayee boganaa boq lasoo booqda ah ayaan leeyahay marka laga reebo bogaga diinta islaamka loogaga hadlo

halkaa hawsha kasii wada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEEDI LOXOS

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM DHAMAAN AKHYAARTA

Sigooni ah duqa GUREY ah iyo xeroowgiisa KUSOW

aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida wacan eed sugaanteeni macaanayd noogu daadihihnaysaan

Gaar ahaan abwaanka faal gurey ah oon ku faraxsanahay hal abuurkiisa cusub.
Wax kaloon dhaho garan maayee boganaa boq lasoo booqda ah ayaan leeyahay marka laga reebo bogaga diinta islaamka loogaga hadlo

halkaa hawsha kasii wada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

neeeefoooowkaniiiiiiiini

Unrecorded Date
,,,,Waah waaaaaaaah waxaasaa burqad ah ,, JACBUR magaali ah ,,JACBUR fowkhal JACBUR,,,..


Kuusoow Xaaji Wallee in Qolkani lagu jiro ee anigu shakiyaye idinkuna waxoogaa Shaki Qalbigiina ma galay,,, Waar Hebeloow ma is tiraaheen waa isagii oo magac kale inoo soo labistay,,,, Kuusoow armaa Boqorkii Maansada iyo Suugaantii Soomaaliyeed eena ahaa Aaabihii Jacburka Soomaaliyeed waa Cabdullaahi Dhoodaan Qolka uuba inala joogaa oo aan GUREEYdaa uun ku heynaa se aanan garanaheyn inagu,,,waxani ka weyn jacbur caadi ah ,,,,,GUREEY ku mahadsanid maansadan magaaliga ah aad ka dhawaajisay ..


Akhyaareey Qolkaa miftaaxiisa haloo dhiibo ninkaa GUREEY ah si aanu ola qeybsanaa Gabayadiisa,,,,,,


N-E-EF-O-O-K-A-N-I-I-N-I-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

neeeefoooowkaniiiiiiiini

Unrecorded Date
,,,,Waah waaaaaaaah waxaasaa burqad ah ,, JACBUR magaali ah ,,JACBUR fowkhal JACBUR,,,..


Kuusoow Xaaji Wallee in Qolkani lagu jiro ee anigu shakiyaye idinkuna waxoogaa Shaki Qalbigiina ma galay,,, Waar Hebeloow ma is tiraaheen waa isagii oo magac kale inoo soo labistay,,,, Kuusoow armaa Boqorkii Maansada iyo Suugaantii Soomaaliyeed eena ahaa Aaabihii Jacburka Soomaaliyeed waa Cabdullaahi Dhoodaan Qolka uuba inala joogaa oo aan GUREEYdaa uun ku heynaa se aanan garanaheyn inagu,,,waxani ka weyn jacbur caadi ah ,,,,,GUREEY ku mahadsanid maansadan magaaliga ah aad ka dhawaajisay ..


Akhyaareey Qolkaa miftaaxiisa haloo dhiibo ninkaa GUREEY ah si aanu ola qeybsanaa Gabayadiisa,,,,,,


N-E-EF-O-O-K-A-N-I-I-N-I-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Neefoowkaniini

Walee inaad qalbigayga akhrisataad moodaa xaaji Nefoow. Marki ugu horeysay ee aan akhriyey waxaan is iri, 'war ma tolow Odeygi baa shati cagaaran soo labistay' Somali wax ka xirma malahee. ah ah ah.

Marki danbe ayaan is iri Dan Uga Bax Gurey waa gurey ee.


Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
walee iga tahay in ninkaa sidaa wax u jacburiyay aan ahay noqon karo ama kabo uu beri xidhey ii gali karaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Hebel

War aniga odeyga waxaan ka wadaa DHODAANKI DHABTA ahaa not you Brother Hebel.

Kusow
safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefooowKaniiiini

Unrecorded Date
,,,,Waraa kuusoow waa ku tariimbatay miyaa mise waa ku turaanturootay ama waa ku taraaraxdi warkii Hebel ,,,,Kuusoow iska Ilaali Hebel qatari saana iga dheh,,,aas ku taraarixihaa ku turaantureenaa aa ku tariimbahee,,...Kuuska Xaaji Meehii garaal garaal ma soo fiirisi hee waa kuu soo Baarami ee meehii DHAGO@hotmail.com ahaan ee soo jibaab hee janno waa manii ad warkaa la hello..,Shukulaatiina Iisho iidna warkeed ka bax welli saqiir suujiskeed Eelay suudkoo oo unsur eh aa helli,, Babis{waa i huraa ii babi Aboow} ii Afuufoow ay ku jirtaa......,,,,,bye


NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Xaaji Nefoowkaniiiiiiiin

Ah ah arxaaji runtii Mar aan siisexan rabo ayaan arkay waayo maba arkeen ee adaa isoo tabisay nooh.

Ar igaarkey qosol aa iga dharjisay, waanan kuu soo jawaabay ee la soco.

Kuusow
Widaykaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

neefoowkaniini

Unrecorded Date
,,,,Waa helli jabaabtaa aniina soo jabaabi,,anni oo khudbeehaayo,,,Kuuska bye,,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.