site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HAYADA GUURDOONKA WAQOOYIGA MUQDISHU

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): HAYADA GUURDOONKA WAQOOYIGA MUQDISHU
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XIIS

Unrecorded Date
Salaan ka dib akhyaarey bal ila fiiriya wareysigan radio copenhagen laantiisa afka soomaligu uu sabtidii 18.12.1999 sacada 13.30 duhurnimo wariye cali seenyo khadka talafoonka ee muqdishu kula yeeshay madaxwarbaahinta iyo xidhiidhka dadwynaha ee hayada guurdoonka waqooyiga muqdishu xasan macalin xasan(xasan cade),wareysigiina waxa uu u dhacay sidan:-
warie seenyo:waa maxay hayda guurdoonku?
xasan cade: walaal waa hayad samafal oo loo dhisay inay caawiso walaalaha guurdoonka ee waqtigu aanu u saamixin iney helaan wehelkii ay wada dhisi lahaayeen qoys islaam ah
wariye:goorma ayaa ladhisay,yaase madax ka ah?
xasan cade:waxaa la dhisay sannadakan aan ku jirno ee 1999, waxaana madax ka ah korneyl Abuukar Baafow
wariye seenyo: idinka booska aad mujtamaca kaga jirtaan waa maxay, ma waxaad tihiin siyaasiyiin,ganacsado,wadaado,aqoonyahano ?
xasan cade:walaal waxaanu nahay wadaado
wariye seenyo:sidee xubin looga noqdaa hayadiina?
xasan cade:walaal waa sahal qofku wax uu buuxinayaa foom anuu sameynay, isaga ku qoray xaladahiisa oo dhan sida magaca,da'da, jinsiyada(halkan ma fahmin waxa uu ula jeedo jinsiyda ma qabiilbuu ka wadaa mise malaha dad ajnabi ah ayaa loogu talo galay, nasiib xumo wariyhu ma waydiin inuu cadeeyo jinsiyada asaf dheh) hore ma guursatay, waa maxay qofka/qofta aad rabto sifaheedu iyo kuwo kale oobadan, kadibna waxa uu bixinayaa 20.000 shilin soomali ah, kiiskiisna waxaa loo furyaa fayl waana la galyaa, oo loo radinayaa qofkaa /qoftaas uu ama ay dalbtay
wariye seeny:sideedadka ku raadisaan,yaase idiin raadiye?
XASAN CADE:walaal qabkaan u radinaa waa mid sahalan waxaa noo jooga gabadho wadaado ah qaar jaalbiib wata ito guwo khamaaro wata iyo kuwo caadi ahba oo raadiya haweenka guurdoonka ah ,sidoo kalena ragna waa jiraa
WARIYE SEENYO:dadka idin la soo xidhiidh xagee ayey u badan yihiin dalka mise dibada?
XASAN CADE:dadka waqtigan xaadirka ah aanu kiisaskooda gacanta ku haynaa waxay u badan yihiin gobalada iyo degmooyin muqdishu, walow ay jiraan kiisas dibada ah oo keenya gabdho nagala soo xidhiidhay iyo gabdh italy jooga wey jiraan
WARIYE:waa noocma dadka idinla soo xidhiidhaa?
XASAN CADE:walaahay nooc walba wey leyihiin sida culumo,ganacsato, dad caadi ah iyo siyaasyiinba
WARIYE:oo siyaasiyiintu gabdho noocee ah ayey rabaan waa yaabe!!!!!!!!!?
XASAN CADE:waxay rabaan gabdho yar-yar oo makhbiyooyin ah
WARIYE SEENYO: oo gabdho waalidkood makhabiyooyin ka dhigeen oo ay guri ku xidheen idinku sideed ku soo sareysaan sow ma adka?
XASAN CADE: walaal wax adgi majiraan, waxay u xaniban yihiin lacag, markaa waa laga doonyaa, lacgna waa la sinayaa
WARIYE: ma lacag kaliyey rabaan oo guri ugu xabiseen!!!!!!?
XASAN CADE: haa lacag kaliya ayey rabaan
WARIYE SEENYO:xasan haddii ay dhacdo in dadku is turukeeyo ama is cameeyo oo tusaale ahaan sheegto waxaanu ahyen kadiba uu nooqdo faruur, jiis weyrshe/cawar ama , garoob/carmal sideed u xalisaan hadhow haddii marka hore been laysku sharxo?
XASAN CADE: walaal kiisas noocaa oo badan nama soomarin, lakiin waxaan mar argnay dhacdo ah nin oday ah oo 56jir ah uu soo cadsady gabar, gabartii waanu u helnay inkastoo ay mudo nagu qaadtay waayo gabdhuhu waxooga da'da eyey ku diidayeen, lakiin markii aanu reerkoodii ka doonay lana bixiyey wixii xaq arin ahaa sida yaradkii iyo sooraydii, gabartiina ninkii la aqal galay ayaa waxaa usbuuc kadib ninkii soo sheegay in aanay gabartu aheyn sidii loo sheegay ee ahayd gabadh aan hore loo guursan, kadibna wuu iska furay meherkeedina siiyey
WARIYE SEENYO: waxoogaa dhaqanka soomalida wey ku adag tahat in gabadh guurdoon ah ay isa soo bandhigto, siday gabdhuhu ku soo galaan xafiiskiina madaama dadku u yaqaan xafiiska guurdoonka inuu yahay, miyaaney ku adkaaneyn inay gabdhuhu u badheedhaan inay tabeelahaas weyn ee caanka ah soo hoos istagaan?
XASAN CADE: walaal waa runtaa arinkan mudo ayaanu ka fakereynay sidii aan xal ugu heli lahayn kadibna waxaanu sameynay tabeelayaal waaweyn oo ay ku qoran yihiin ciwaankan xafiiska tigidhada diyaaradaha, xawilaada, nootaayo/arjiile,nikaaaxa, iyo guurdoonka markaa shaqooyinkaas waxba kama jiraan lakiin waa xijaab ama hoosaasin aan la garan qofka u socda xafiiska danta uu ka leeyahay, kadibna wey fududatay in la soo aglo
WARIYE:meeqa codsi ayaad hada haysaan, meeqaadse ku ku gulaysateen?
XASAN CADE:waqtigan xaadirka ah waxaanu haynaa 70 codsi oo rag ah iyo 50 dumar ah, sidoo akle waxaan ogahay intaan aqaan 36 qoys oolagu guulaystay, waxaase badan inta aanu isu helnay ee kadib iyagu arintooda dhameystay, oo hadhow aadoo suuqa iska marya kuu leh miyaadan igaraneyn xafiiskiinan ka gursadee
WARIYE:haddii laba aad isu geysaan mid ay heshiin wayaan inta ayna is guursan oo mi la soo diido, 20.000 kun ka dhimanyaa?
XASAN CADE: maya ee waxaanu sinaa jaanis kale ilaa inta uu ka helayo qof ay is qataan
WARIYE SEENYO: xasan maxaad u malynaysaa in ay dadka ku kalifeen inay sidan wax ku raadiyaan?
XASAN CADE: walaalow waxaan odhan karnaa waa laba sababood mida hore waa iyadoo dadkani aanay helin fursado ay ku shukaansadaan qofkay rabeen sifo kasta ha ku timaadee, mida kale waa sababo dhaqaale oo tusaale gabadhu waxay doonayaan nin islaam ah oo dhaqan fiican oo dhaqda mana ku xidhayaan wax shuruuda sida lacag, guri iyo wixii la mid ah, ragguna waxay doonayaan haween dhaqaale fiican leh waxat doonto ha ahaate, markaa dadkaa sababha dhaqaale wadaan ayaa maalmahan u badan daka aanu codsiyadooda hayno
WARIYE: meeqa qof ayaad kaga shaqeysaan hayada?
XASAN CADE:11 QOF
WARIYE SEENYO: 20.000shilin soomali ah siday idiinku filataa haddii aad tahiin 11 qof, mida kale miyaaney dadka sirtoodu gacata ka baxayn hadii aad sidaa u badan tihiin
XASAN CADE.waa runtaa lacagtu waa yar tahay, lakiin dad khayr jecel iyo dadkii aanu horey ugu adeegnay ayaa wax noo soo tuur tuura, mida sirta aan ayaanu u xafidnaa mana dhacdo in dadka warkooda dad kale ogaado, shaqaalaha oo dhan ma hayaan sirta dadk ee dad yar oo tirsan oo ilaahay ka baqya ayaa haya
WARIYE SEENYO: dadka dibadaha ku nool ee guurdoonka ah maxaad u haysaan qorshe!!!!!!!!!!!?
XASAN CADE: haa walaal waxaanu meelo kala gadisan u dirnay foomamkayga sida AUSTRALIA,USA iyo meelo kale ,markaa qofku codsigiisa ayuu soo buxinyaa kadiba adreyskiisa ayaanu kala xidhaynaa haddii alle yidhaa
dhamaad
-Akhristayaal idinkoo iga raali ah wareysiga oo dheer ana idinku mahadinayo samirkiina aad u dulqadteen inaad wada akhridaan,waxaan jeclaystay inaad jawaab ka bixsaan sidaad u argtaan
-MA DHAQAN ISLAAMBAA MISE WAA DHAQAN GUUR CUSUB OO KU DHACAY SOOMALI?
-MAA LOO BAHAN YAHAY TALAABADAN?
-SIDEE U ARGTAA HADDII WALAALKAA AMA WALAASHAA HAYADAN CODSI U QORATO?
-MA JAR ISKA XOORNIMAA MISE IS BADBAADIN YACNI GOBLAN+GUUMYSNIMO+DHAQAALE XUMO MIYAA HAYADAN KA ROON EE SABRU JAMIIL,MISE DANTAADAA KA WEYN EE HAYADDA ISU DHIIB WAA MIDKEE?
-QURBAHA DADKA KU WAREERAY,KUWA NETKA KU DHIBAN FARAJ IYO YAD-DIILO MA U NOQAN KARTAA?
-UURAYSAYE MAXAY DHALI? HAYADHAN OO KALE HADDII AY MEEL WALBA KU FAAFAAN OO DAD SHAQO KA DHIGTO DHAQAALENA KA RAADIYO, SUURO KAL MA NOQONAYSAA IN AY ISU BADLAAN, AMA KA GARB DHISMAAN CALL GIRLS AMA SHIRKADO SIDA KUWA YURUBTA BARI SOO DHOOFIYA AMA KA ADEEGTA HAWEENKA JIDHKOODA IIBSADA
-GUURKA NOOCAN AHI MAXUU KU DANBEYEEN?
fadlan ku darso wixii su'aal ahee aan ka tagay
mar akle mahdsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guurdoon#1

Unrecorded Date
to xiis
aad iyo aad ayaad u mahadsantahay qoraalkan aad
noo soo gudbisay waana wixii ugu qiimo badnaa ee aan ka aqriyo somalinet weligey
umna arko wax dhibaato ah ee waxaan u arka
shaqo loo baahna laakin aan qalbigeena ku soo dhicin haddiise ee ay danta laga lee yahay tahay in dadka isu baahan la isu geeyo aakhirana waa ajar iyo xasanaad aduunyana waa sharaf
HADABA
saxib waxaan ka mid ahay dadka ugu horeeyay
ee is qoridoona meeshan aan joogo
marka waxaan deganahay maryland usa form-kaasna weli maan arag wax sheegaya ee bal haddaad helli karto ila soo gaar
mahad sanid markale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afrah

Unrecorded Date
waa barmmaamij fiican waana wax loo bahan yahay,in
laisku raadiyo wixii si xalaal ,isku raba.
hadiise bandhigaaga ,ula jeedid ,dhaliil,taasi waa
quuri waa,arin qabiil sal kuhayso.
waa sida gaalada uga soo horjeedan taranka,muslinka,ooay meel walba oo induniisiya
ku dhajiyeen kala dhereya ilmaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caaqil

Unrecorded Date
to: xiis

waad mahadsantahay,waxaana aad noo soo gudbisay wax aaney noo soo gudbin,kuwa wareysiga soo daayey,dabcan meelo aad u fog-fog ayaad soo gaarsiisay,waana waxloo baahan yahay in dadka laga caawiyo,oo waxay muhiim u tahay nollosha dadka soomaaliyeed ee ay kelinimadu dilatey,sida aan u maleynayo inaad ogtahayna kelinimadu waa cudur beryahan dadka faro ba`an ku hayo

nb:haddaad rabto in aad ogaato waxa uu sheequ ula jeedo jinsiyad,waa waxa uu qofku yahay sida LAB ama DHEDDIG.
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maanyo

Unrecorded Date
to...heyada guurdoonka muqdisho


waa idin tuugaa qumayo naga meeleeya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Salaamad dabadeed,


run ahaantii aniga fekrradeyda waxaan u arkaa arrin wanaagsan, inkastoo laba qof oo Africa ama Soomaaliya iyo afarta qaaradood ee kale kala jooga uu guurka dhex mari karaa wakhti badan u baahanyahay hadana arrintu ma xuma.
Anigu waxaan joogaa California, U.S.A.,in qof dumar ah oo joogta Muqdisho hunguri iga galana way igu adagtahay, inkastoo Ilaahay isagu hayo calafka, laakiin haddii hay'addu ku leedahay xafiis Yurub ama North America yididiilo cusub ayey gelinaysaa dad badan oo rag iyo dumar labadaba leh oo jooga waddanka ama qaaraddan.
Haddii aan ugu noqdo dib arrinta aad tidhi ma laga yaabaa inay furmaa hay'ado kale oo hoos carara kuwan oo dumarka jidhkooda ka ganacsada sidii kuwii ka jiray Yurub-ta bari?
Runtii wax waliba adduunka way ka dhici karaan, laakiin kollay waddankan aan joognno ee Maraykanka Soomaalidu taqaanno waa dembi aad u weyn qofka lagu qabto waxaas, umana malaynayo inay samaynayaan dadkan culimada ah ee guurka xalaasha ah iyo dhismaha reerka Islaamka ah ka shaqayanayaa inay samaynayaan arrimnahaas oo kale.
Ilaa xilli dambe, salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hilaac

Unrecorded Date
Horaantii aan idin salaamo,

waxay arintaasi iila muuqataa mid aad uqalafsan marka laga eego xag dhaqan iyo mid diineedba.

Xaga dhaqanka in ayan ina soo marin qofna looga sheekaynmayo,waxaanse xusi lahaa heestii oraneysey

Ragbay caadadiis tahayoo
dumarka waw caraabaan
caweyskii uguuraan uguuraan...

Dadku waxay isku bartaan maaha waraaq iyo telefoon iyo dhexdhexaadin qofkale ee waa sheeko iyo wakhti badan oy wada qaataan.

Xaga diinta haddii laga eegana waxay igula qalafsantahay iyadoo aanay kuhaboonayn mooraal ahaan in ganacsi laga sameeyo isu keenida raga iyo dumarka.
Waa run in dad badan oo dhalinyara uu maanta hab nololeedku ku adkeeyey in ay la kulmaan gayaankooda,soomaaliduse waxay ku maahmaahdaa
"sidee xeega loo xagtaa ilkase unabad galaan",waxaan uuga jeedaa waxaa jira jidad kahaboon oo laysku helikaro,dhaqankana tixgalin siinaya.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.