site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hot Topic: Faaqidaadda Arimaha Soomaaliya

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Hot Topic: Faaqidaadda Arimaha Soomaaliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
Slmu alykum to all:

Afeef:
Ma aha ujeedadeydu in aan abuuro doodo qabali ah. Waxaan ahay Waddani jecel inuu arko Dhulkii Udugga, Soomaaliya, oo mar labaad qarannimadeedii dib u soo curatay.

Arar iyo Bandhig:
Si looga faa'iideysto qaladaadkii dhacay waayihii tahay, waxaa lama huraan ah in ay waxgaradku isla faaqidaan unugga xasaradda soomaaliya. Dooduhu waxay door weyn ka ciyaaraan midowga fikradaha aqoonyahanka, si ay ugu anfacdo bulshaweynta inteeda kale. Mowduuca doodda aan jeclahay inaan u soo bandhigo walaalaha soomaaliyeed waa: Maxaa sababay burburkii soomaaliya? Maxaana xal u ah Soomaalida maanta?

Xusuusin:
Waxaan ku waanin lahaa walaalaha ka qeyb-galaya doodda iney ku dhiibtaan aragtiyooyinkooda jawi walaaltinnimo ku saleysan muslinnimo, soomaalinnimo, iyo waddan-jaceyl, kana fayoow eex-qabiil, hiilo-dhalanteed ah, iyo cilmaaniyad.

Duco:
Ilaaheey waxaan ka baryaayaa dowlad caadil (islaami) ah in uu u dhaliyo dalkeennii iyo dadkeennii, si aan u wada haleelno geedi-socodka dunidan orodka badan. Aamiin..

Allaahu-Akbar….Wa-slmu-alykum……

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haaruun

Unrecorded Date
slmu-alykum to all,
Wuu mahadsan yahay Waddani su'aashaa muhimka ah ee uu na soo dhexdhigay. Waa wax u baahan in la faaqido oo laga doodo mar walba.
Aragtideyda oo gaaban waxa ay tahay: Burburkii soomaaliya waxaa sababay: sedbursi, naas-nuujin xigto, jahli, faan-dhalanteed ah, iyo musuqmaasuq.
Waxaa xal u ah soomaalida maanta: Iney u soo laabtaan kitaabka ilaaheey.
Waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xayow

Unrecorded Date
kitaabka waa kan kowaad.maxaan ka yeelna ,hadii ki
shaley dumiyay qarankii ,been been kitaab ku so qaato,si u mar labaad ku dilo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.