site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Arimaha Soomaaliya: Hot Topic

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Arimaha Soomaaliya: Hot Topic
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
Slmu alykum to all:

Afeef:
Ma aha ujeedadeydu in aan abuuro doodo qabali ah. Waxaan ahay Waddani jecel inuu arko
Dhulkii Udugga, Soomaaliya, oo mar labaad qarannimadeedii dib u soo curatay.

Arar iyo Bandhig:
Si looga faa'iideysto qaladaadkii dhacay waayihii tagay, waxaa lama huraan ah in ay
waxgaradku isla faaqidaan unugga xasaradda soomaaliya. Dooduhu waxay door weyn ka
ciyaaraan midowga fikradaha aqoonyahanka, si ay ugu anfacdo bulshaweynta inteeda kale.
Mowduuca doodda aan jeclahay inaan u soo bandhigo walaalaha soomaaliyeed waa: Maxaa sababay burburkii soomaaliya? Maxaana xal u ah Soomaalida maanta?

Xusuusin:
Waxaan ku waanin lahaa walaalaha ka qeyb-galaya doodda iney ku dhiibtaan aragtiyooyinkooda
jawi walaaltinnimo ku saleysan muslinnimo, soomaalinnimo, iyo waddan-jaceyl, kana fayoow
eex-qabiil, hiilo-dhalanteed ah, iyo cilmaaniyad.

Duco:
Ilaaheey waxaan ka baryaayaa dowlad caadil (islaami) ah in uu u dhaliyo dalkeennii iyo
dadkeennii, si aan u wada haleelno geedi-socodka dunidan orodka badan. Aamiin..

Allaahu-Akbar….Wa-slmu-alykum……

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum

Walaal Wadani!

Waad ku mahadsan tahay sida fiican aad mikrofoonka noogu soo wareejisay.

Walaal, anniga shaqsi ahaan, haddii aan soo gaabiyo, tilmaamana sababta dalkeeni u dumay waxaan dhihi lahaa sidan:

1) Diin la'aan. Markii diintii laga tagey, xalaashii & xaraantii lakala garan waayey, markii wax walba xadkoodi Rabi (swt) u qoondeeyey dhafeen , markii aanu is-qayirnay ayaana ALLE (swt) na qayirey, na duleeyey. Cawaaqibteediina waanu aragney waana dhadhaminey.

2)haa, sidee Xal ah markaa?, walaal waxaa xal ah annagoo qabsana Diinteena Alle, ku midoowna iskuna jeclaano, Alleheena raali gareyno oo ka baxno cisyaanka & baqtigaan ku dhex jirno hadda.

Gabagabo: Xalku waa ISLAAM. (islaamnimo saxa ah, maaha mida aanu maanta heysano ee qabyaalada & hungurigu ku laban yahay).

Allahayoow inoo gargaar oo nadaba qabo, Adaa gargaar badane ahee.

Rabadaan Kariim
W/salaamu....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farjano

Unrecorded Date
Somalia waa meel bukta oon daawa lahayn,dhulka gaalada wax dhaama maleh, shabtiina(welfare) iska qaata shib dhaha ee meel fadhiista.
WAXAA TIHIIN QAXOOTI DHERGAY OO KIBRAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

Walaalayaal;

Waa aan ku raacsanahay walaalkeey Ansaari macnaha guud ee ah in soomaaliya dhibaatadeedu tahay ka tagida diinta Islaamka xalkeeduna yahay u soo noqoshadeeda, waxaan u maleynayaa in aan oraahdaasi ka maqalno qof walba oo mutadayin ah iyo culumadeena macalimiinta inoo ahba, waxaan kaloo filayaa in badanka shacbiga Soomaaliyeed aysan dood ka qabin ulajeeda guud ee oraahdaasi.

Oraahdaasi oo ah in "umadii diinta ka tagtaa la haligayo, laguna daaweyn karo oo keliya u soo noqoshada diinta Ilaahay" waa fariinta guud ee Qur'aanka kariimka ah iyo kutubta samaawiga ahiba ay wataan, nabi Maxamedna (nnkh) kala dhigdhigida oraahdaas iyo isticmaalkeedaba waxay ku qaadatey saddex iyo labaatan sanadood.

Waxaad moodaa in culimadeena iyo mutadayiniinteenuba ay ka caajiseen ama ay ka tahay garan waa ku saabsan fahamka, kala dhigdhigida iyo daaweynta arimaha dhaqameed ee khuseeysa dhaqan bulsheedka umada Soomaaliyeed iyo xaalada maanta lagu jiro, waxaa ay diinta islaamku ina fareysaa in loo baahan yahay in qadiyad kastaa ama ha ku saabsanaato siyaasad, arimo bulsho, ama hab dhaqan dhaqaale gooni loola dhaqmo, loo kala dhig dhigo loona daaweeyo, ayadoo lagu saleynayo qur'aanka kariimka ah, sunada nabi muxamed (nnkh) iyo culimada oo il gaar ah ku haysa is bed-bedlka xaaladaha wakhtigaasi lagu sugan yahay.

Aniga run ahaantii waxaa ila qurxoon in qadiyad qadiyad loo wajaho arimaha, tusaale ahaan "qabyaalada" la tuso lana tilmaamo sidii hab dhaqankaasi u yahay ka leexasho diinta islaamka ah lana soo bandhigo waxyaalaha ay diintu ka leedahay iyo sida lagu daaweyn karaba. Diinta islaamku xal waa ay u haysaa arin walba ee soo kororta. Hadii aan ku ekaano oo keliya oraahda guud in loo baahan yahay u soo noqoshada diinta Islaamka waxaan u hadal ekaaneynaa dhakhtarka qofka bukaanka ah ee jirooyinka dhowrka ah qabey oo mar walba ku leh oo KELIYA “waa aad jiran tahay waxaadna u baahan tahay daaweyn”

Ilaahbaa wada og.

Ramadaan kariim.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali

Unrecorded Date
ASSALAAMU-ALEYKUM....

Salaan kabacdi, walaalayaaloow, waan ku raacsanahay intii iga horeysay in dhibaatadu ay u sabab tahay dadkeennii oo ka jahli ah diintooda iyo qayimka suuban ee rabigeen ugu talo-galay.
Si looga baxo dhibka taagan waxaan anigu arkaa in dadkii shacbigeenna ku soo tuntay ee weli siyaasadda lugaha kula jira iyo inta ka fariisatayba in ay ugu horeyn ilaaheey u towbad keenaan, kadibna ay cafis weydiistaan soomaaliweyn. Ma aha wax la dafiri karo qabyaaladii xumeyd iyo dadkii isla qabka weynaa ee shacabkan u awoodda sheegtay sanadihii amar-ku-taagleynta. Nasiib-xummo kuwii dakanaha geystay maxkamad adduun wey ka badbaadeen waxaase hubaal ah in tan dambe (aakhiro) ay dambeyso. Ugu danbeyn, waxaan dhihi lahaa inta ka nool dhiigmiiratadii hore ha cafis weydiisteen inta ka nool dhibanayaashii cagta hoosteeda ku jiri jiray.


Soomaali...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Assalumu caleykum
Aniga wallaal waxay ila tahey inay dumitaanka dhulkeenii hooyo u sabab ahaayeen waxayaalahanen:
1. Dadkii oo nolosha aakhiro qaar ilaawsan yihiin.
2. Gobolaysi oo dadkeenii waa weynaa dhaca faarku ridey.
3. Inaga oo ficradaheenu ku koobteen ama ka ficireen meelsoke.
Waxay ilatey waxaa u xala:
1. Nolosha aakiro oon la illaawin.
2. Inaga oo dadka dhalinta yer iyo kuwa kaleba ku soo dhawayna iney siyaasada iwm ka qaybqaataan.
3. Inagoo gobolaysi iyo magaalo magaalo ka waantoona, una aragna mid marka laga bilaabo Lawyacado ilaa iyo kismaayo ama magaalad ugu xigta xadka Kenya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suldan

Unrecorded Date
salaamu caleykum
dhibaatada soomaliya walaalayaal waa mid ku biloowatay qabiil qaranki waynaana laga soko mariyay,waxey dhashay in jufo jufo leysku dilo ,qabaailkina qaarkood hanki ku jiray ee ahaa idinka mahee yeysan cidkale wax noqon wuuka yaraaday halqabiil uu hogaamiyo huseen caydiid mahee::::: sida xaqiiqada ahna iyagey ilaa haatan soomaali u xayirantay.hade anaga keliya ayaa wax ah siyaad bare baa ku tegay,iyo waliba wiilka aabihii .sidaa darteed aniga waxaan qabaa halkaas qabiil ee noocyada badan in faatixada loo aqriyo si ilaahay quluubtooda u soo hagaajiyo, inta kahoreysana meeshiina iska fadhiya.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.