site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Allaha U Naxariisto...Xuskii Marxuumka

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Allaha U Naxariisto...Xuskii Marxuumka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Dad faro badan oo rag iyo dumar leh, carruur iyo ciroole, culumo iyo caamo ayaa isu soo baxay. Labo rati oo kursuka ku yaal aad moodo buurihii Naaso Hablood, siddeed dibi iyo labaatan neef oo ari ah ayaa maanta la loogay. Xadro iyo Digri ayay Xerto halkaa la istaageen. Yaasiin iyo Qulhuwalaha ayaa qofba karaankii akhrinayaa. Gabdhu garbasaartii bay dhexde ku xirteen oo babis ku hayaan digso waa wayn oo fuusto barkeed le'eg baa dabka u saaran.

Maashaa Allaah!

Culumo cimaamado cad cad iyo kuwo cimaamado guduudan ayaa qaarba dhinac fariisteen. Kuwo waxaan oo dhan diidan iyo kuwo xadradaysan.

Halkaa dhalinyaro ayaa sheeko iyo waayo waayo la fadhiya.

Odayaal gar guduudan iyo kuwo bidaar hoolatayna taariikh iyo samaan horay ka waramayaan.

Kuwo iyagu subac bay madaxa isla galeen.

Kuwaasna saliga Nebigay Sallalaahu Calayhi Wa Salim hibaynayaa.

Murugo meesha ka muuqato damaashaadna warkiisa daa!

Waxaa intaas oo dad ah isu keenay waa XUS Marxuumka Waayo Hore.

Marxuumku Wuxuu dhashay kowdii Juulay (July 1) 1960 isla markiiba wuxuu noqday mid anfaca waalid iyo walaal. Yididiilo geliyay ehelka ay wadaagaan Qaaradda Madoow. Gacal iyo garab u noqday walaalo gumaysi madoow iyo mid cadba ku tacadiyaan. Wuxuu noqday mid la dab qaato.

Hase yeeshee isagoo saddex sano gaarin ayaa qandho qabatay. Waxay qabato oo tagto sagaal jir bay markii ugu horaysay soo riday. Waa la furdaamiyay oo tahliil loo tufay. Xitaa Dhiig xooleed loogu qubeeyay.

Hase yeeshee inkasta oo dusha ka qurxoonaa xanuunku aad buu u qaban jiray. Waxay la yiri waa kud waxa ku dhacay iyo kankar aan daawo lahayn. Khubaradu markay isu tagaan way garan waayeen meesha wax ka jiraan. Hase yeeshee wadaad khilaawooday ayaa sheegay in cudurka hayaa la yiraahdo QABYAALAD oo ciddii uu ku dhaco Ilaahay Oo U Naxariista Mooyee Uu Halaagmi.

Waxaa la yiri cadka buka aynu goyno oo aan aasno. Hadana wuu soo xabaalo kacay oo madax iyo mijo isu maray. Sidaa oo ay tahay Marxuumka hawl weyn iyo tacab buu ku jiray.

Soddon isagoon gaarin buu shan malyan oo carruur ah dhalay oo yiri walaalo jira noqda. Waxaase la ogaaday in kuwa badan oo ubadkiisa ka mid ah uu cudurka aabahood hayaa ku dhacay. Inkasta oo aan Dhakhaatiirta iyo Culumada Cudarada baartaa garan macnaha cudurka, wiil yar oo shan jir ah ayaa ku riyooday in uu yahay cudur si fudud la isu qaadsiiyo.

Wuxuu sheegay wiilku in haddii cudurkaasi kugu dhacayo caqligu kaa lumi oo aad dili naftaada, ubadkaaga cuni, hooyadaa gablamin, gurigaaga dumin iyo gacal iyo xigaalna goyn.

Maalin maanta oo kale ah oo laga joogo toban sano (Jan 29, 1990) ayuu wuxuu fido oo marba soo rito ugu dambayn Marxuumku Xijaabtay.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajucuun.

Marxuumka Ilaahay Ha U Naxariiso Inagana Gadaashii Ilaahay Ha Ina Nabad Yeelo.

Ilaahay Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeeefoooowKaniiiiiiiiini

Unrecorded Date
Salaam wa raxma;


Nin la waayay oo la waayay oo aanan beryahan tii sheeka ahayd aanan ka dhawaajin baa soo caga dhigtay,,, hooy hoooy yaanay ku dhaafin waa walaalkiin iyo sheekooyinkii aanu oga baranay..

Maantana waa xus iyo toban guuradii alle u naxariisaygii go'ay,,..siyoo la isku haysto waxa dilay marxuumka..

In badan bey dhaqaatiirtu tiri " waxa dilay oo uu la sakaraaday waa cudur halbowlaha gala ee dabeedna dhiigga ku faafa oo dabeedna xubin xubin u jara dhammaan waaxyaha qofka,,magaciisuna la yiraaha SARATAANUL DAM"..
Laakiinse kolkii wax laga weydiiyay khabiir u dhashay waddanka taskaraniya oo magaciisu la yiraaho XALAMANTIISH IBNU ZACTALUUGA oo ku dheer arrimaha faalka iyo falagga xisaabinta burjiga iyo arqaamta kuhaaniga,isku jaangooynta hawada iyo culuumta buxuurta,jinka iyo caraafiidka baa wuxuu inagu yiri "marxuumka waxa helay maaha sarataan iyo qabyaaladeysi,ma aha jirra kala ee gasha beerka iyo wadnaha oo waxa helay waxaa weeye hooyadiis oo dhiigeeda ahaa Rh positive kan aabahana oo Rh negative ahaa ay sooo dhicisay ilmahii maadaama iyada dhiigeedu uu dominant ahaa," intaasi kuma ekeyn e wuxuu yiri"mar ilmaha aanu hellin daryeel ku filan inta uurka uu ku jiro waxaa dhaceyso in uu ka soo hormaro waqtigii uu dhalan lahaa oo dabeedna dar xummo iyo uu u dhinto cafimaad darro iyo kala googo' iyo is diid.


Mar wax laga weydiiyay 13kii ummulisooyin oo kolkaa iska ahaa ummuliso guri oo aanan aqoon fiican u lahayn baa iyagana hooyada ka badiyay irbaddii soo dedejineysay foosha....


Dhaqaatiirtii dabiibeysay 9kii sanoo hore ilama xummeyn se dugsigii dhexaa lagu hellay, waa halkuu oofwareenka ka qaaday mid sixra,, mid faal baalaleey u saara ,, mid dhajis kula orda oo uurkaba dooxay ,mid dab labada indhood kaga dhajiyay,,mid quun baan ka jari yiri ee afka dhamxanagga la soo baxo,,mid dalqaan ka goyn yiri oo carabka iyo ilkaha ka gura,,..


Marka waxaan soo xasuustay maalin aanan dhaweyn oo la taaganyahay DIRIZIONKII LEEGADA ee xamar nin meesha ka qeylinayay oo aanu u wada hesanay mucaarad soomaali diid ah oo calan diid ah oo ka soo horjeedo xorriyadda soomaali,, ninku wuxuu ku qeylinayay "" soomaaliyeey soomaaliyeey soomaaliyeey weys naqaanaa oo xilkaa ma qaadi karno ee inaga daaya ,,war inaga daaya weys naqanaa inagee ma gaalka ayaa been loo sheegayaa, waar waanu is naqaanaa ma inagii ba isu sheegeeyna qabiil hebel qabiil hebel madax ha u noqdo,,waarv soomaalaay gaalkayaga inoo daaya, isagaa naloo qaataa ee aan ahayn qabiil hebel oo aanu garaneyno,,soomaalaay gaalka yaan been loo sheegin,,,,""""....


Marka waa anigee haddeynaan kolna u bisleyn inaanu mid noqonno iska ilowno ninkii markiisii horaba fooshiisii la soo dedejiyay ee soomaalaay sideenii hore iyo beelahayaga isaga noqonno,, o afartii iyaga si fahmaya dhinacooda ha u shitaan maqaayadooda hana ku daalina ninkan go'ay,, mar marna anu salliga u marno oo culummo suuban saligii rasuulkiyo salawaat ha ku qaadeen qabrigiisa ,,waa sida tan hadda jabuuti lagu soo xusayo oo kale ,,,,,,


Neefoowkaniiiiiiini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

020

Unrecorded Date
who was that marxuum? your dad??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

someone

Unrecorded Date
020, Wake up you fool!!!! duh!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anyeelo

Unrecorded Date
Neefoow kanini:!
Waad kumahadsan tahey taariiqdi dheereyd ee xiisaha badneyd & waliba magacaaga quruxda badan
waxaan ku dhihi lahaa hakala joojin daruusta xasuusta mudan ee aad dad waynaaga aad jeceshahey u soo bandhigeysid,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Neefow

Say what you feel man and do not use too much hiden phrases "You are puting down our decient nationality by saying qabiil baa ka jira you full.

Make some exemptions and use your brain wisely.

There is no qabil unless you use it you full kant

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geeraarshe

Unrecorded Date
Walaalkiin iyo NeefoowKiniini, why the hell are you guys wasting your time on the Internet when you guys are so talented, constructing these beautiful allegories. You guys should be writing books and have people pay to read your stuff. Hell, you could be Somalia's answer to Orwell. Really good stuff.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.