site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Need Opinion

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Need Opinion
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raxmo

Unrecorded Date
Saaxibayaal.. waan idin salaamay.. taa dabadeed waxaan doonayaa inaan idin soo bandhigo qiso igu dhacday hadane aan weli dhex jiro.. anoo is leh bal shacbiga soomaaliyeed ee halkan yimaada bal in ay kaa fikrad duwanaadaan. Sidan ayeyna sheekada u dhacday.
Wiil ayaan chatroomka ka bartay. Anoon weligey nina shukaansanin amase ogeyn halka loo maro. Wiilkii adiga waxaanu wada socono.. oo aan is iri kani waa kii noloshaada la qeybsan laheyd. ayaa waxaa yimid kuleylahii. Wiil igu waalnaa.. oo aanba hurdi kareyn maalin qura asagon ila hadal ayaaba keenay wax la yiraahdo Iam busy. Cajaaib!! Markastoon woco ama uu i soo woco waa mar asagu la joogo asxaabtiisa oo uu ku mashquulsan yahay iyo mar uuba hadlin karin daal dartii. Waxay arini saa ahaato unbaan is iri ninkan iska daa bal eeg halkey arin idinla tagto. Asagoon ka wadin dhibaato ayey taa dhibaato igu noqotay waayo ilaa waa nin aan nafteyda hogaanteeda gacanta u saaraye. Wiilkii waxaan u sheegay in aan ka xumahay in uusan waqti ii heynin, waxa uu ugu maslaxeeyey, waanka xumahay xabiibi walaahi saa igamey aheyn. Anigase waan u dulqaato waxan is iri waa waxan summerka uun socondono. HOrta idinmaan sheegin ana jaamacad baan dhigtaa.. asagane jamacad. markaasaan iri bal markaad iskoolka ku noqotaan baa talo sidan ka wanaagsanaandoontaa ee iska dulqaado. Sidii anoo u dulqaadanaaya.. oo walaashey dartii isku leenay ayaan ka soo tagay magaaladaan joogay anoo u caroonaaya walaashey daraadii. Markaan magaaladii kale imid. Ninkan waax u sheegay inaan guriga ka soo guuraayey oo aan nolosheyda badalaal u wado. Ninkii waxay sidaa ahaato. ayuu maalin kasta wuxuu ugu heystaa ima jeclid, rag kalaad raacdaa. Aniga horta waxaan ahay inan jecel in ay asxaab la noqoto raga.. taasna igama aha rag jeceyl oo dumarka dhibaatadoodaa badan sidaa darted ayaan u jeclahay inaan wiilasha iskala saaxiibo. Taasna waa mid uu igu ogaa. Weligeyba kubadaan la ciyaadhi jidhay inamada yaraanteydii ilaa hada. markaa anaaba iska wiil ah hadii si loo eego. Magaaladii damboo tagay waxaan aadi jiray dibada si aan u kala barto oo baryihii horoo dhan wuu i waayey. Nin kii markaasoo xanaaqay, oo uu yiri that is it, we are over. Lakiinse sidaa oo aan hada idinku cadeynaayo ma uusan oran laakiinse ereyadiisii ayaa sidaa u ekeed. Anigii waan xanaaqoo warqad dheer ban u qoray oo aan leyahay aqoontaadii intaa igu filan, sidaa iyo nabad galyo. Ninkan horta waxaanka jeclaa nafteyda, anoon aminsaneyn in uu jeceyl jiro ayuu i aaminsiieyey, iguna beeray, wuxuu doonana inaan siiyo diyaar baan ugu ahaa. Ninkii marku helay warqadeydii ayuu bilaabay inuu tuugtamo. Anigase waan jeclahay weli, mana rabo inaan isa siiyo oo aan iraahdo saa doonto igu tumo . laakiinse idinkaan idin suaalayaaye , ma deserve gareeyaa inaan siiyo chance kale. Mise cagta wadada saar baan iraahdaa.. inkasto oo ay aniga si aad ah ii qalbi jabineyso. Bal walaalayaal ila taliya. Ninkaa mid mustaqbal ila wado miyaa mise mahan.
Waana mahadsantihiin..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huuh

Unrecorded Date
Naa waqtiga hanaga lumin naagwaalanbaadtahaye

nin aadan aqoon oo arag ayaad naleedahay ma cayriyaa mise waa daayaa

take care til naxt time

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR.CONGO

Unrecorded Date
DEAR RAXMO
WALAAL GIVE HIM ANOTHER CHANSE HADUU KAA KEENSADO ASAGA IYO RAGA NIMADIISA LAAKIIN ADIGANA NINKA RAGA AHA INT AAD JACEYL KU ABUURTO HA OOGA BIXIN BADDA
SIDAA IYO NAXARIIS WACAN SIS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amina

Unrecorded Date
Dear: Rahmom

Abaayo khalad ayaad ka gashey Walaashaa ,markaad
nin aad chat kubarata Raacaday oo iyadii ka tagtay
Waxaan kugula talin Lahaa inaad Walaashaa u noqotid oo aad ninkaa iska deysid, gabar waxaa u
fiican in iyada la jeclaado, laakiin Hadaad ninka
adigu un jeclaatid wuxuu kuugu socon sidii dacaskii, Walaalo waxaan kaloo kuula talinyaa
inaad Allaah ka cabsato oo aad Raacdid sida
Islaamku sheegay oo wax loo barto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Dear Raxmo ninka bada ukexee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raxmo

Unrecorded Date
Thnaks guys for ur feedbacks.. I appreciate it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samadoon

Unrecorded Date
amina
waan layaabay waxaad ku hadashay, markaad raacday nin aad chatka ku baratay, miyaadan garanayn ujeedadu maaha taasi, weliba taasina maaha waxa halkan ka khaldan, waayo marka hore labada qof meesha ay doonaan ayeey isku baran karaanj oo denbi maaha in chatka laysku barto, keliya waxa mihiim ah in barashadoodu dhamaystirneeyd taasina waxaa noo sharaxday raxmo oo wax dhibaato ah ma aysan lahayn, marka labaad magaranayo waxa qaar badan oo aan halkan ku arkaa ay markiiba ula soo boodayaan ilaahay ka baq oo diinta baro, amina maxay khalad samaysay gabadhani, mida kale miyaad aqoon u leedahay shakhsi ahaan dhaqankeeda iyo ala ka cabsigeedu halka uu gaadhsiisan yahay inta aadan shanta iskala soo gelin arin u baahan in si kale loo dhirindhiriyo , mise waxa keliya ee aad garanaysaa waa ilaahay ka baq oo diinta baro, waxaadm isoo xasuusisay ninkii dadka daweyn jiray , oo xanuun´kasta oo loola yimaado odhan jiray dawadaadu waa adoo badhi caba.

raxmo

raxma siada aad ilaa iminka noo sheegayso waxaa jira rabitaan labada dhinacba ah, laakiinse adiga ayaa isyara adkeeynaya waqtigan, sababta aad sidaas u yeelaysan waxa weeye ayaad tiri inanka oo waqti aan hayn, markii danbana igu eedeeyay inaad rag kale la socoto,
waxaan rumaysanahay shaqsiyan in isgaarsiintiinu aay aad u xuntahay, weliba xiriirkiinu uusan dhidibo adag lahayn, sababta oo ah, hadii labadiinuba aad isdoonaysaan arintu halkaasiba ma gaadheen, si furan ayaad arimaha iyo dareenkiinaba uga wada hadli lahaydeen idinka oo iska dhaadhicinaya waxyaabaha dhinaca kale aanu fahmin amaba ka didsan yahay
hadana waxaan rumaysanahay in xalku uu dhow yahay keliya hadaad muujisaan in aad diyaar u tihiin in aad arinta ka wada hadashaan oo isweeydiisaan halka sartu ka qurantay.

waxaanan kugula talin lahaa in aad wiilka waqti u siisid in uu markale noloshaada ku soo noqdo, hadii aad sidaa yeeli weyso waxaa dhici karta inaad ka qoomamayso mar kale, waayo qofka hada loo aanaynayo inuu wax burburinayaa waa adiga, waxaana hubaala inaad naftaada ku canaanan doonto sanadaha soo socda in ay iyadu mas,uul ka ahayd in ay xariga u jarto ruux ay jeclayd, islamarkaana ay ka dhega adaygtay dibudhisida xiriirkaas

guul ayaan kuu rajaynayaa
walaalkaa
samadoon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raxmo

Unrecorded Date
samadoon:
Walalkiis marka hore waa mahadsantahay sidaad iila hadashay oo walaaltinimada ku jirto... however sida aad u hadleysay.. iilama aha inaad si aad ah dhagta ugu dhigtay meesha uu dhibaatadaas ka aasaasantay. Walaalkiis, qof haduu jeceyl cidi siinkaro waan siiyey inankaas inta uu istaahilo iyo in ka badanba. Mana u maleynaayo inaan is eedeyn lahaa hadii aanu kal harnay, lakiinse hada for all of u to know waanu isku noqonay. Xiriirkiina mar labaad ayaanu bal chance isasiiney.
kuligiina waa ku mahadsantihiin dhinaca wanaagsan ee aad iila taliseen,, Taladiiniina waa qaatay.
Thanks...

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.