site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Fekrraddaada aqooneed waa iskaa wax u qabso.

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Fekrraddaada aqooneed waa iskaa wax u qabso.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Ummad kasta oo adduunka ku nool waxay leedahay dhaqan, diin, iyo luuqad. Muddo badan ayey ku qaadatay in bini Aadenku is afgarto isagoo adeegsanayey marxalado kala duwan oo habab sahlaya inuu dhibaatadiisa iyo faa'iidada uu qabo labadaba isu cabbiro awgood.
Nimankan culuumta guud ( secular) raad raaca oo uu ka mid ahaa Charles Darwin(1864-1947) ayaa waxay rumaysanyihiin in dadku ka yimaaddeen asal ahaan daanyeerka, iyagoo doodooda ay ku salgaraynayaan tijaabooyin ay sameeyeen oo ay ka qaadeen daanyeerka nooca loo yaqaanno (chapansee).
Xayawaankan oo galbeedka qaaradda Africa aad ugu badan, siiba waddanka Congo, ayaa wuxuu nimankaas tusay calaamado waaweyn oo ay dadka wadaagaan muuqaal ahaan( physical appearance) iyo feker ahaanba(mental intelligence).
Arrintu sikastaba ha u dhacdee waxaa la ogsoonyahay in dadku yimaaddeen dhulka ( earth planet) muddo badan ka hor laakiin nasiib darro aan la' garanayn taariikhda ay yimaaddeen taasoo dib u dhigtay culuum badan oo la ogaan lahaa iyagoo qaadanaya wakhti(time), tamar(energy) iyo bannaan (space) intaba.
Taariikhda adduunku maanta isticmaalo oo ah muddo laba kun (2000) oo sannadood ku siman, ayaa waxay tahay inta keliya ee laga ogyahay nolosha Bini Aademka waayo waa inta taariikh qoran lahayo, marka maskaxda Bini Aademka la eego.
Inkastoo dad badani ka soo horjeesteen fekraddan iyo nimankii watey, haddana iyagu marnnaba kama aanay weecan fekrraddooda.
Waxyaabaha haddaba jidhka Bini Aademka ama naasleydaba(mammals) guud ahaan gaarka u ah waxaa kamida dhiigooda oo diirran iyo iyagoo dhala xayawaan u eg sidooda.Balse shinbiraha oo ah kuwo aan iyagu dhalin wax u eg ee ugxan dhala, ayaa waxay muujiyeen walaac ah in dhiigoodu diirranyahay sida naasleyda.
Culimada bayoolojiga ayaa waxay asal u yihiin gawaadhida guuxaysa iyo tamarta la dhalinayo ee quwadda korantada, sababtoo ah dhiigga naasleeyda oo kulul ayaa waxaa lala yaabay sababta ka dhigtay xayawaannada kale dhiig qaboobeyaal naasleydana dhiig diirraneyaal! Tijaabooyin badan dabadood ayaa waxaa la ogaadey in uu jiro waxyaalo dhalinaya koranto hase ahaatee ay adagtahay in laga garto dhiiga sida nafta oo aan la fahmi karin ilaa hadda sida ay ula shaqayso dhiiga iyo jidhka.
Waan sii wadi doonaa insha ALLAAH, ilaa xilli dambe, salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
AAAAAA naga daa nin yahow!
maxaa horta lagaa sameeyey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr.congo

Unrecorded Date
to hebel
waraa wax barashada maa kasoo horjeedaa hadii aad waxbarasho rabin maxaa topican ku soo galiyey isaga bax. ninkaan wuxuu rabaa ilmo alifbeto inay kafaa'iidaystaan
thanx enough intelligent keep writing

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
waxan ninkii farta la geshey uunbaa qiimeeya ee anigu weli far layma gelin.
mida kale ninkaa ismahdiyee intelligence uu lahayn isu yeelay baaba layga shidaa oo dhiigiisaa ii hilaacaya.
mida kale wa adigan hadana dhakhtarka isku sheegee maxaad naftaada beenta uga sheegi koley iyo koley waa intelligent-kii oo soo hagoogtay qofkaniye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough intelligent

Unrecorded Date
Cimi baadhisyo tiro badan ayaa waxay tusayaan in culuumta maanta aduunku ku faanayo uu islaamku asal u yahay.
Keddib burbukii ku dhacay dowladdii Cuthmaaniyiinta ee dawlad la awood iyo cimrri ahiba aanay aduunka soo marin, sannadihii 1492, markii Christopher Clompus uu helay adduunka cusub ee America, ayaa Islaamka oo awood darro soo food saartay awgeed ay bilaabantay inuu lumiyo awoodii uu ku hayey waddamo badan oo reer galbeed u badnnaa xilligaa. Waddammadaas waxaa ka mid ahaa Spain oo carabiga lagu yidhaaho (Andulus).
Waxaa si cad loo rumaysanyahay in culuumta daawooyinka iyo xisaabtaba Islaamku asal u ahaa sida qur'aanku tusayo.Inkastoo la odhan karo nimankii faraaciinnada ahaa ee maskaxda badnnaa,waxay aduunka keeneen mucjisooyin aad ula yaab leh oo ay ka mid tahay buuraha Ahraamta maanta layidhaaho oo ku fadhiya aragti xisaabeed( mathematical thiory).
Waxaa kaloo aad loo rumaysanyahay in keddib markii Islaamku jabay buugaag badan lagu daadiyey badda oo buundooyin laga dhigtay, ilaa haddana waddamada Yurubtu isku qoomameeyaan oo la rumaysanyahay in xataa lagu gaadhi lahaa in lagu daaweeyo cudurrada ilaa maanta lagu madax wareersanyahay ee aan daawooyinka loo hayn ee ay ka mdi yihiin kaadi macaanta(diabetic),kansarka(cancer),dhiig karka(blood pressure), iydhiska(Human indiviciency immunisation HIV, AIDS) iyo cudurro kale oo dhaxalka la isugu gudbiyo(heredity deseases) sida wadnno xanuunka Heart attack).
Muddo badan dabadeed ayaa waxaa ladaba joogey cudurradan, hase ahaatee waxay u egtahay in aan weli la hayan wax mustaqbal ah oo ballan qaad leh.
Waan sii wadi doonaa insha Allaah.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.