site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Suugaanta CEELBUUR.

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Suugaanta CEELBUUR.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
asalaamu caleykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu

walaalayaal ku soo dhowaada waa meel aan ugu tala galay in la,isku weydaarsado suugaanta gobalka galgaduud waxaana rajeynayaa in qoraalladeennu noqdaan kuwa wax ku ool ah lagana faa,iideysan karo,
haddaba walaalayaal waxaa jirta in suugaanta soomaaliyeed siiba gabayadu ay u janjeeraan qabyaalad sidaas daraadeed waxaan door-biday in laga fogaado gabayada cayda iyo aflagaadada ah ee laga helayo magacyada qabiil ama lafaha uu ka koobanyahay mid ka mid ah, laakiin haddii uu gabaygu yahay caraadis la xariira colaadihii hore ee u dhexeeyey soomaalida iyo gumeystaha ama soomaalida dhexdeedaba balse ay ka maranyihiin magacyo qabiil waan soo dhoweyneynaa, sidoo kale haddii uu gabaygu yahay ammaan ku wajahan qabiil dhibaato kuma jabna,
tan labaad haddii dad walaalaheen soomaaliyeed ah ay meeshaan nagu aflagaadeeyaan waa in laga gaabsadaa ama si ay xigmadi ku jirto loogu caqli celiyo, taasina waa talo ee fadlan iga qaata haddii aynu nahay dad ismaqla oo kala dambeyn leh,
kolley u maleynmaayo in uu qof wax garad ah meeshaan aflagaaddo ku soo qori doono,
ugu dambeyn waxaa isweydiin mudan muxuu ninkaan la yiraa Qeyr uu u doortay Ceelbuur? walaalayaal waa Qeyr oo idin leh waxaa arrintaas igu kallifay dhowr arrimood sida,
1: in haddii aan magaalo kale sheego dadku u maleynayaan inaan qabiil tilmaamayo sababtoo ah markii ay billowdeen dagaalladii sokeeye waxaa dhacday in qabiil kasta uu u haray gobalkiisa ama magaaladiisa intii kalana ay ka bara-kaceen marka laga reebo magaalada Ceelbuur,

2: in ay tahay meel ka badbaadday burburkii iyo fitnooyinkii ka soo unkamay dagaallada sokeeye ee salka ku haya qabyaalad iyo iskala saarid, waana mid lagu ammaani karo reer Ceelbuur,

3: in ay tahay magaala soomaaliyeed oo qaddarin mudan marka laga eego dhanka nabad jecelka iyo wada noolaanshaha taasna waxaa ka marqaati kacaya horumarka ay ku tillaabsadeen dhinacyada wax barashada, amniga iyo dhamaan qeybaha adeegga bulshada iyo isku duubnida ka dhexeyso dadyowgaas ka kala yimid dhamaan qabaa,illada soomaaliyeed oo halmeel uga soo wada jeeda danaha guud iyo horumarinta deegaankooda,

4: in ay tahay magaalo dhexdhexaad ka ah dagaallada ahliga ah ee tobanka sano waddankeenna ka socday,

5: in ay tahay magaalo ku bilan qeyraadka dabiiciga ah iyo rugta farshaxanka soomaaliyeed,

6: in ay tahay magaalo aysan waligeed ka dhicin reer hebel iyo reer hebel, qof kasta ee soomaali ahna uu sharaf ku leeyahay,
walaalayaal intaas iyo arrimo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin ayaa iigu wacan inaan magaaladaas doorto ee qof walbow soo gudbi wixii aad ka heysid suugaantii gobalka galgaduud oo
tix iyo tiraaba leh,
by:qeyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
sidii aan horay u sheegayba waan oggalnahay gabayara caraadiska ha ahaado mid colaadeed ama mid arrimo kale khuseeya laakiin muhiimaddu tahay inaan laga dhex helin magcyo qabiil, sidaas ayaan gabaygaan u soo bandhigay tusaale ahaan,intaas keddib gabaygani wuxuu ka mid ahaa silsilado gabay ah ee in muddo ah socon jiray,waxaana ka cudur daaranayaa in aanan heynin abwaanka gabayga tiriyey magaciisu laakiin maama ragga gabaya la wadaagay ay ahaayeen labo nin, abwaankaan waxaa lagu magacaabi jiray, "wiil Karanle"
waana kan gabaygi.


Nimanyahow guddoon gabay beryan waan ka gaabsadaye
garankeyga waataan ka jaray gocashadeydiiye
xalaybaan gigtaan iri hurdada wax igu gaareene
halkaan uga gol leeyahayna waan idin garwaaqsiine
waxa guurka ii yaalla waan soo geddinayaaye

gablan weeye geel kuu dhaloon godol ka maaleynin
gablan weeye guga oo da,oon gooshin bixineynin
gablan weeye gabadhaad dhashoon gogosha kuu qaadin
gablan weeye gibinaad dhashoon guulba curineynin
gablan weeye geediyo nimuu gebi ku soo haaday
gablan weeye gaammigan yaxaas ruux gabraarsadaye
gablan weeye gooshiyo ninkuu aarku kala gooyo

xalay guul aroorkiyo anoo ciilku igu gaaxay
anigoo gefkii layga galay aanan garan waayin
anigoo garkeygiyo gacmaha meel isugu geeyey
anigoo gam,eynoo hurdada aad u kala guurray
anigoo gasiinkiyo cuntadu iga gambuurowday
anigoo gabdhaha reer tolkey go,ay haweeneynin
anigoo garoob iyo sidii gabar xishoonaaya

gabbal dhaciyo waaberi haddaan guluf la heenseynin
gabbal dhaciyo waaberi haddaan gaas la bixineynin
ninkaa godobta kaa qaba haddaan gowrac lagu taagin
oon goynin hilibkiisa oon gumac la leefsiinin
gebigeed adduunyadan gurracan waan isaga guuri
karanlow haddaan guluf la xirin waan is gowriciye
wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye
waa inaan gambada qaato oo giisho madaxeyga
garbasaar inaan qaato oo soo galbado weeyo
guntiinada inaan soo xidhoon soo garsado weeyo

wallaahaan garoob nahay carmali joogta gurigeeda
wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye
wallaahaan gashaantima nahahoon aaraguda weynay

garwaaxeysigii ka tegay iyo gogol ku jiifkiiye
gefka uma dulqaatiyo xumaan leyla soo gala,e
gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye
gumac gaaxsanaan jiray markaan godolka sii daayo
gebi dumay sidiisii markii la,isku soo guuro
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane
..............................................
galiilyada i heysoo wadnuhu ila gariiraayo
xalay gelin dhexaadkii dadkoo gama,sanoo jiifa
galleyrkiyo marku galowgu ciyey geddaankiyo xoogga
gurxankeyga iyo riinkiyo guuxa lala yaabye
gu, hagaagayoo gala da, iyo geeddi la,i moodye
goohaad madow iyo markaan geesa bahal yeeshay
gaameesha iyo shaarubkiyo miciga soo giiray
sida goolka iyo goosha oo gibinnadii haysta
oo laaga guuda galay iyo gebiya hoostooda
oo gowsihiisiyo gacmaha meel isugu geeyey
nin galladay ninkii ganay libaax garaye ruuxiiye
ma guuleysto ruux iga gardaran goolka Karanlaa leh

afartaa guddoon lagu hadliyo gocashadeydii dheh
go,aanuu nin-weyn soo diriyo garasha waayeel dheh
gal xareda gooblagu nastiyo geed caleen bada dheh,
gogol caaq leh gubaabin runa karanle guudkii dheh
guul iyo la,igu garay guluf la heenseeyey

gooni daaqa cawlkiyo waxaa goodir iga yeelay
geedaha ugaadhiyo waxaan geri la sheekeystay
maroodiga gacanka weyn waxaan gibil ku heenseeyey
gardhaalaha shabeel iyo libaax gebi la jiifaayey
gabraa,ada galool uu mas galay gacanta saartaaba
gudun geedka lagu goo waxaan gacan horreysiiyey
gebi dumay garoon geed ka baxay gowla kala guurtay
geel aroora ceelkoo gallama geel jir wada ooyey
gambooley cadhowdiyo hablaha guudka laga xiiray
Odayaal ra,yiga goyn jirtoo geedka laga saaray
garba duub rag loo giijiyoo gacantu naafowday
garoomaha rag lagu gowracoo dhiiggu gelelaabay
gumeysigu geddaasuu yihiyo guul darriyo hooge
gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye
weligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane

gardarrada ma qaatee xumaan waan u golgol xaaray
gartu ee ha noqotee ra,yina laysla garan waayin
nabad wey gallowdoo samaan weynu ka guurray
garyaqaannadoo idil markii gowrac lagu taagay
dhallinyarad goor iyo ayaan layga gummaadaayey
dummar aan wax gelin ee gacmaha naaska laga gooyo
gardarrada ma qaatee xumaan waan u gogol xaaray

gammaankeyga gaarka ah markaan gibilka heenseeyey
een galab carraabee dagaal ugu gacan qaaday
garka feedhki aan kaga dhuftiyo gowsahiyo daanka
gishaarada markii loo gogloo ganacya weyn taallo

geelii gendigu uu cunee wada galoofoobay
ee godolka laga waayey iyo caano laga gaaxsho
gufaanuhu hashii uu cuniyo shilin gabaarreyda
laga gaaryey laga goo wixii gibilka boogeeyey
geedaha caleentaa cillaan gooni ugu foofsha
gurrinkeeda naaxiyo nirgaha gooni socodkeeda
guuraha habeenkii ka jira tuuga qaa tahaye
bahal gowsa weyn iyo libaax gowracaa jira,e
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane

sidii gaagur geel lagu raroo gamashi deyreeda
ka gu,iyo gu,yaal badan waxay gudub u saarnaato
shinnidoo kal sheytiyo wuxuu malabku gaaneysto
markii galabta loo fuulo oo daarka laga gooyo
malabkii ku gaaxdiyo markii miidda laga gaaxsho
ninkey gaajo heysaba markii loogu gacan haadsho
karanluhu geddaa weeyey iyo gallad ilaaheeye
baalshada macaan iyo jannaan gacan ku nuugnaaye
weligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdulqaaddir-shabeel

Unrecorded Date
TO:Qeyr
walaal ma u maleysaa inaan diirad kugu fiirinayey markaad hawshaan billowday, anigoo meela aysan faaiido iigu jirin ku meereeysanhayo ayaan arkay qoraalka ah "suugaanta Ceelbuur", hadde waa i kaas oo markaan soo galayba waxaan faraqa ka buuxsaday murti, waana ku mahadsantahay howsha qiimaha badan ee aad noo billowday sidoo kale aniguna waa soo gudbin doonaa wixii suugaan ah aan ka hayo galgaduud in shaa Allaah waana isku soo jajafayaa kista aan hayo ee adiguna dadaalka meeshaada nooga sii wad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cawaale

Unrecorded Date
walaahi meeshii ceelbuur aheyd gabay baa laga soo tiriyey... war Qeyr.... ceelbuur burjike iyo fundhaal laga keenaan arki jidhneye .... gabeyna ma laga yaqiin?

Ma iga hubtaa gabeygan inaan Cadaado iyo meelihii suuganta caanka ku ahaa laga tirin ee ceelbuur ka yimid?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO:Cawaale

asalaamu caleykum,

cawaale waan aqriyey kaftanka aad meesha ku soo qortay waana ku qoslay,
marka walaal gabaygu waa gabay ceelbuur laga tiriyey waana kaa hubaa laakiin si aad u sii hubsatid waxaan kaa codsanayaa inaad si fiican u aqrisid gabayga, waana kugu raacsanahay in ay cadaado tahay meel aad ugu horreysa gabayada iyo suugaanta waxaanse u malaynayaa inay weli kuu dhinnaayeen gabayadii ceelbuur laga tiriyey ee bal walaalkeeyow noo soo laabo oo soo dhowoow si aanu u wada aqrisanno gabayada meshaan lagu soo qori doono inshaa Allaah

kaftanku waa furanyahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
asalaamu caleykum

walaalayaal gabaygan waxaa tiriyey wiil karanle asigoo ka jawaabayey gabay aflagaaddo loogu geystay dadka uu ka dhashay waxaana ammaan mudan sida uu gabyaagu uga dabaaqay aflagaadadaas asiga oon caynin qabiil iyo ninkii gabayga soo mariyeyba
sidaas ayaan aniguna u door biday inaan meesha ku soo qoro maadaama uusan ahayn cay ee uu yahay caraadis isla markaasna aanan laga dhex heli karin magac qabiil iyo in ay adagtahay garasha meesha uu ku wajahanyahay.




Gabay

kaafka gabay kalaan lagu hadliyo kafki wan dhigaye
xalaybaan kifaaxoon hurdada kaam u soo dhigaye
waxba gabaygu yuun iga kidmane waxan ku soo koobay
karti adaa karaamiyo ismaqal karanle loo daaye
kurba adag markey joogto ooy xaajo kululaato
kaalayaay raggii lagu yaqiin karanle weeyaane

hannaan u guurkiyo haddaan koronka heenseeyey
kidiriyo seexowle iyo haddaan kaariyaba keenin
iyo koonfur niman yaallo iyo kulanka waadeerre
kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
kaaraha haddaan layla dhicin kulanka baaruudda
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanim

konton sano nin gaaroo addauun hawl kastaba keenay
iyo keey hawo koodu tahay kala korreeyaane
kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

karni idil kornaylkaa watee kaarni lagu siiyey
iyo kuwa askari koodu yahay kala korreeyaane
kaloonkoonka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
kaaraha haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

kan diyaaraddaa kiciyayee hawada kiileeyey
iyo kuwa iskuul koodu yahay kala korreeyaane
kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
karanlaa la caayaye hadduun kaabcadduhu yeerin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

kurus iyo ninkii kaahenooy kumbuska googooyey
iyo kii salool koob ku shubay kala korreeyaane
kalooniga risaastiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin

kan karoorka weyn goostayee kariska loo doontay
iyo kaan marteeda kaafin karin kala korreeyaane
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

karuur iyo ninkii kaafiyaay subagga kiileeyey
iyo key barqaada koodu tahay kala korreeyaane
kalooniga risaastiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin

korneyl ku sheegga ciisiyo waryaa kurayga xiireeya
haddii uu kas leeyahay calina uma xisheen kiishe
baashina kafeegiyo qamrada kurus ma moodeene
nin tolkiisa kaaraha la dhici waaba kirishtaane
kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
kalooniga haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cawaale

Unrecorded Date
kanaaba kii hore naso yiri.......walaahan meeshii ceelbuur aheyd gabay loogu dhawaaneyn. igu halee inanaan u daymo la'aan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cismaan-baaruud

Unrecorded Date
TO:Qeyr
qeyrow salaan korkaada ha ahaato waana ku farxay arrinta aad noo bilowday ee xiisaha leh waxaana kugu qiyaasayaa inaad tahay nin aqoon u leh suugaanta reer-ceelbuur sidaas awgeed haddii aad
wax ka heysid waxaan kaa
codsanayaa inaad noosoo bandhigtid gabayadii
low-gurray kolley waxaan qiyaasayaa in maanta wax laga hayo maadaama waqtigii la tiriyey ay ka soo wareegtay 70-80 sano ama ka badan, haddaba walaal haddii aad wax inooga haysid noosoo gudbi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO: cismaan,baaruud

asalaamu caleykum
walaal Baaruud gabayadii lawgurray waxaan ka hayaa hal gabay asigana si fiican
uma aan xafidsani laakiin waa kuu soo gudbinayaa inta aan ka xasuusto, waxaase aan
aad iyo aad uga xumahay in la la,yahay gabayadii xigmadda badnaa sidii kuwi uu tirin jiray
Cabdi kariim Axmed Gindhish 1850 tomeeyadii, sidoo kale adigana waxaan kaa codsanayaa
inaad gabyadaa soo raadisid noona soo qortid haddii aad heshid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
walaalayaal tixdan yar waxaa mariyey Ustaad C/qaaddir oo ku dhashay magaalada Ceelbuur 1958 asigoo u caqli celinayey dad weynaha soomaaliyeed kana waaninaya
qabiilka iyo faa,iida darridiisa, waana tan,


Qabiil Qur,aankaan haka dooranninee
Qabiix qaawan waayee ha qalabsaninee
Qabiilquute qooqan ha qaaqaminee
waa qaniin dhiigga quutee ha qaraabsaninee
waa qash laga quustee ha qiiqsaninee
waatuu qaabdarreeyee ha qaalininee
Qashiin uri weeyee ha qiimeyninee
Qurmuun abkii weeye ha qaadaninee
Qarandumis weeye qardheer kaba tuur
Qeelshaha qalalaasaa Allow qaxiyee
Midkii qaybinaaya Allow qabri gee.
Qaadir adi weeye dhulkay qurxiyee.
Qundhac yara weeyee qabaal biyo sii.
Qaalmaha xamareysan ha qabatiimaanee.
Qajaar iyo qoomaal ha wada noqdo ee.
Qayuum adi weeye qoomkay mid ka yeel
waa yara qalqaleene qarawga ka qaad
Qareen qariibkood ah Qur`aan ugu dhiib.
Qaruunbaan sugaynee quwaddeenna midee.
Qaxar baa qulqulshee qubtaan kaba reeb (Aamiin)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
Qeyr

cudurdaar

walaalayaal waxaan ka cudur daaranayaa waxyaalo yaryar ee aan ka qalday gabay koowaad waana sidaan

1: gabayga koowaad xirmadiisa siddeedaad sadarkeeda shanaad waxaan u qoray sidaan "guul iyo la,ugu garay guluf la heenseeyey" mana aha sidaa ee waa sidaan " guul iyo ayaan la,ugu garay guluf la heenseeyey"

2: gabayga koowaad xirmadiisa sagaalaad sadarkeeda
shanaad waxaan u qoray sidaan
" gabraa,ada galool uu mas galay gacanta
saartaaba" mana aha sidaas ee waa sidaan
" gabraa,ada galool uu mas galay garabka
saartaaba"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
suugaanta reer-Ceelbuur

Tanna waa tix uu lahaa qoraagii ustaad C/qaaddir
waana tix guubaabin ah.

calankiyo dhulkeennii
dhawaqa iyo murugada
miyaan dhabanna heys iyo
ugu beerin mahadhada
malayiin miyey dhiman
dhurwaayada daldalanoo
dhunniyee dhankee jiraan
kuwa dhaanka aadoo
aan ku dhaayaneyno

asigoo jawaab ka celinaya calaacalkaasna wuxuu yiri.


kuwa dhaanka aadoo
lagu dhaadanayaa
waa dibi duguuguman
dibadaha wareegee.
denbiga iyo beentana
derbiyada la joogee
daamo-dheel duneystee
daanka qaad daliigmee
daba feed ku daal ba,ay.

dahabow duulkaad rabtid.
waa durriyo naareed
doqomoo la kala dilay
dacayeysi gaal oggol.
diracyada iyo diintana
diidayow docdow ridi.
daango duug ah booboo.
daba orodka gaalada.
duunyo doon ka yeeshee
dulliba dullibay la diin yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haska xaaji

Unrecorded Date
to qeyr
walaal afkaaga hilibkii alfornaatiga ee maqaayadii cilmi nageeye ha lagu qabto
waxaanse kaa codsanaya haddad heyso gabayadi
tuulada derri laga tiriyay
in aad wax nooga sheega nabadi korkaada ha ahaato waa
hassan yare

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO: hassan yare
walaal iga guddoon salaan qaali ah marka xigtana
waalla hayaa gabayadii laga tiriyey,tuuladii
quruxda badneyd ee derri la dhihi jiray laakiin
waxay la xariiraan colaado xasaasi ahaay, taasna
ulama jeedo raggu waxay ahaayeen dagaal u joog,
ee waxaan ula jeedaa gabayadaasu waxay u
baahanyihiin in dib loo eego islamarkaasna lasoo
bandhigo haddii aysan ka hor imaaneyn ciwaanka iyo
horu dhaca mowduucaan, ma garatay, sidoo kale
adigana waxaan kaa cosanayaa inaad noo soo gudbiso
haddii aad wax ka heysid xigmaddii xaaji
xasan-gardheer oo reer derraad u dhashay, sidaas
iyo kulan dambe oo xii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabyaaye

Unrecorded Date
To: Qeyr

Abti nabad...
gabayo qiimo leh iga dheh.

CODSI...
Waxan isku dayaa inaan ururiyo gabayada sidaas darteed waxan si NAXARIIS leh kaaga codsanayaa inaad gabayadaad Ceelbuur,Cadaado,iyo galgaduud ka hayso aad ii soo dirto adigoo sheegaya ABWAANKA tirshey.
e-mailkaygu waa gabayo@hotmail.com

Gabayo ma ka haysaa labadan abwaan
1. Faarax shuuriye
2. caroole(caroone) aadan

Mahadsanid..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
suugaanta ceelbuur

asalaamu caleykum

sida ka muuqata gabayga qeybtiisa hore waa duco uu
gabyaagu u duceynayo ciidan ka ambabaxayey dooxada
Ceelbuur una socday dhul ka baxsan dooxada galgaduud, gabayga qeybtiisa dambana waa digasho
wuxuuna tilmaamayaa in ciidankaasu la soo laabteen
libin iyo xoola fara badan,
badanaa iska hor imaadyada qabaa,ilka waxaa waxaa
sabab u ahaa daaqa xoolaha ceelasha IWM, laakiin
waxaa mooddaa in dagaalkaanu la xariiray aargoosi
iyo arrimo dhaqaale, Alle ha u naxariistee marxuum Lawgurray wuxuu gabaygaan tiriyey intii u dhaxeysay 1925-28, wuxuuna gabaygiisa ku billaabay ammaan uu ammaanayo geela quruxda badan ee laga helo dhulka uu colkaasi u socday,
wuxuuna yiri,


seddax iyo sagaalow Allaha idin sama geeyo
sababyala badanbaa jire Allaha idin sama yeelo
weydiin saraariye sama ku soo mooda,

iyadoo hareerida ka dheer hirig dafleyneysa
iyadoo majacad meel u taal ku aga meereysa
iyadoo indhaha madoobeysatee mira aglooleysa
iyadoo xayaad koorta weyn ku xarragooneysa
iyadoo gelgelin hogob ku taal ku hambalyooneysa
iyadoo haldhaay iyo biciid hogob la daaqeysa
iyadoo geel-jiri raaci jiray hogob kusoo waabshey
bak ku dhaha ilaah baan baryee waaga berigiisa


Fg:ilaahey amarkiis Lawgurray wuxuu ahaa gabyaa afkiisa lala jiro arrintiina waxay noqotay sidii uu sheegay oo waxaa la soo qunsaday geel iyo ari fara badan sida lay sheegay xoolahaasu waxay ahaayeen xoolo la soo dhaco kuwii ugu tirada badnaa ee soo mara taariikhda reer Ceelbuur sidoo kale waxaa lay sheegay in isla markiiba la qeybsaday Arigii, geeliina dib baa loo dhigay waxaana fadhiisin looga dhigay xararka-xamaal ee u dhaxeeya Dac iyo Ceelbuur, isla markaasna meesha waxaa degganaa dad la addoonsan jiray ee uu Alle ha u naxariistee Ugaas-Faracadde ka keensaday dhulka dhoobeyda ee koonfurta soomaliya
oo lagu fali jiray waddooyinka isku xira dhulka reer-Ceelbuur, dadkaas deegaankoodu wuxuu ahaa xararkaas u dhexeeya Dac iyo Ceelbuur ilaa markii dambe iyaga loogu magac daray oo la yiri
"xararka-xamaal" oo la mid ah xararkuu xamaaligu fadhiyey markii laga gaaray danihii laga lahaana dhulkoodii ayaa lagu celiyey, waxaana lagu maamuusay xoolo ay ka dhigtaan raasu-maal,
walaalayaal ma doonayo inaan war idinku daaliyo ee geelii waxaa fadhiisin looga dhigay kabta uu ku yaallo xararka-xamaal, abwaan Lawgurrayna halkaas ayuu kasii wadyey gabaygii,
igana raalli ahaada gabayga qaar baan ka tageyaa waxaana igu kallifaya in qabiilkaas lagu duulay iyo lafaha uu ka koobanyahay oo dhan ay kusoo laalaabanayaan gabayga, waana sidaan asigoo kala dhantaalan.


Xararkuu xamaaligu fadhiyey kuma xareeyeene
kolkuu awrku doobbada xadxado xira ma yeerteene
xisinkey ku riintaba cunguhu ma xagmareeyeene
xayir baa ku dhacay qaalmihii xarig-marka ahaaye
mareer xamash ahay daaqi jirtaye xanan ma jiideene
...................................................................................................
........................................
.....................................
..............................................
seddax iyo sagaal xoog iyo xaniin ku xijimeysaane
xalxaluusha geedaha kolkey xani dhanaanowdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bahdoon

Unrecorded Date
Addunoow xaalkaa ba'

War ma haddaad keenteen waxaa laga gabyaa Ceel Buur iyo Cadaado, war af Somaligii caadiga ahaa ee hadalka ahaa ayaaba la idinka waayaye xaggeed gabayna ka keeneysaan. War bal nimanyahow yaabkan kaalaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO: Bahdoon
Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu

walaal bahdoon runtu isma qarisa si kasta aad indhaha iskugu qabsatana waxaad ku qasbantahay inaad mar uun kala qaaddo runtuna wey ku hor imaaneysaa, anigu dood iyo naceyb uma qabo walaalaheyga soomaaliyeed mana jirto sabab igu qasbeyso inaan shraftooda meel uga dhaco illeen waa dad walaalahey ahe ma garatay, haddii aan wax caayayana cadowga soomaaliyeed ama cadowga islaamka ayaan caayi lahaa oo aragtideydu wey ka dheertahay inaan meel-dhow wax ka eego walaalaheyna caayo, gabayaduna wey ku horyaallaan mana aha kutirikuteen iyo wax lagaaga sheekeynayo, sidaas daraadeed waxaan kaa codsanayaa in aad marka labaad aad lasoo laabato af-macaan iyo figrado nadiif ka ah qabiil-naceyb, I,W,M, maadaama aan haddii aanu soomaali nahay dhadhaminnay qasaaraha uu qabiilku leeyahay marka loo adeegsado sida xun, meeshaanna waxay u xirantahay intii isla socon karta oo hadalka isla waafaqi karto, halbeeggooduna yahay inay kala faa,iideystaan wixii suugaan ah, sidaas daraadeed meeshu ma aha meel lagu caytamo ee walaalahaada soo raac haddii ay kugu adagtahayna iska aamus illeen ma jirto cid kugu qasbeyso inaad meeshaan wax ku soo qortide,

walaal waxaa lagaa sugayaa inaad raalli geliso dadkii aad caysay kolley dhankeyga waan kaa cafiyey waxaana kugu waaninayaa inaadan markale u noqon.


asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
Codsi:

waxaan ka codsanayaa dhamaan walaalahey soomaaliyeed ee doonaya inay meeshaan farriin ku soo gudbiyaan ama ay ku soo qoraan wax la xariira
suugaan ha ahaato Tix ama Tiraa, inay marka hore soo aqriyaan horatibyada aan ku billaabay mowduuca
isla markaasna ay dhowraan nidaamkaas aan dejiyey ee ka tarjumaya ulajeeddada meesha loo furay

asalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
Suugaanta Ceelbuur.

tixdaan waxaa mariyey DR,Ustaad C/qaadir oo ku dhashay magaalada ceelbuur sidaan hore u soo sheegnaba, asigoo dadka ka waaninaya daba orodka kuwa ka shaqeynaya baaba,aado oo qabqablaayasha lagu sheego, wuxuuna yiri.

Qabiil qur,aankaan haka dooranninee
Qabiix qaawan waayee ha qalabsaninee
Qabiil quute waalan ha qaaqaminee
waa qaniin dhiigga quutee ha qaraabsaninee
waa qash laga quustee ha qiiqsanninee
waatuu qaabdareeyee ha qaalinninee
Qashiin uri weeyee ha qiimayninee
Qurmuun abkii weeyee ha qaadanninee
Qarandumis weeyee qardheer kaba tuur
Qeelshaha qalalaasaa Allow qaxiyee
Midkii qaxinaaya Allow qabri gee
Qaadir Adi weeyee dhulkey qurxiyee
Qundhac yara weeyee qabaal biyo sii
Qaalmaha xamareysan ha qabatiimaanee.
Qajaar iyo qoomaal ha wada noqda ee.
Qayuum Adi weeyee qoomkey mid ka yeel.
Waa yara qalqaleenee qarowga ka qaad.
Qareen qabiilkood ah quraan ugu dhiib.
Quruunbaan sugeynee quwaddeenna midee.
Qaxarbaa qulqulshee qubtaan kaba reeb

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
Codsi


Walaal soo dhowoow,laakiin inta aadan wax qorin waxaad aqrisaa horudhaca mowduuca,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed A.

Unrecorded Date
Walaalayaal anigu Ceel-buur umana dhalan mana tagin ha yeeshee waxaan idin Su'aalayaa adinkoo mahadsan in ay dhab tahay in fanaaniinta caanka ah sida Magool, Hanuuniye iyo Salaad darbi ay ku dhasheen Ceelbuur, iyo in kale?

Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO: Ahmed A.

asalaamu caleykum


Axmed salaal qiima badan keddib waxaan kaa raalli gelinayaa jawaabta lagaala soo daahay tan labaad
walaal fannaaniinta kala ah Salaad-derbi iyo Magool waxa ay ku dhasheen magaalada ceelbuur, laakiin hanuuniye uma maleynaayo inuu Ceelbuur ku dhashay oo waxaan ku qiyaasayaa inuu ku dhashay baaddiyaha galgaduud haddii uusan baadiyaha ku dhalanna waxay ubadantahay inuu ku dhashay tuulooyinka soo hoos gala ceelbuur gaar ahaan tuulada Wabxa ama tuulada Dac,

asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed A.

Unrecorded Date
Kaa gudoomay salaanta aad baanad ugu mahadsan tahay sida sharafta leh eed iigu soo jawaabtay Qayr, waanan ka qancay arinkaas.

Mahadsaanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
asalaamu caleykum
walaalayaal waxaan ka xumahay inaan si qaldan usoo qoray gabayga uu mowduucu ku billaabanayo waxaana iigu wacneyd inaan ku soo qoray degdeg mardhow ayaana arkay qaladka ka buuxa sidaas daraadeed ka raalli ahaada qaladkii aan idiin soo gudbiyey,
haddana waa kan gabaygii oo sax ah.

Qeybta 1aad.

Nimanyahow guddoon gabay beryahan waan ka gaabsadaye,
garankeyga waa taan ka jaray gocashadeydiiye
xalaybaan gigtaan iri hurdada wax igu gaareene
halkaan uga gol leeyahayna waan idin garwaaqsiine
waxa guurka ii yaalla waan soo geddinayaaye

gablan weeye geel kuu dhaloon godol ka maaleynin
gablan weeye guga oo da,oon gooshin bixineynin
gablan weeye gabadhaa qabto oon gogosha kuu qaadin
gablan weeye gibinaad dhashoon guulba curineynin
gablan weeye geediyo nimuu gebi ku soo haaday
gablan weeye gaammigan yaxaas ruux gabraarsadaye
gablan weeye Gooshiyo ninkuu Aarku kala gooyo

xalay guul aroorkiyo anoo ciilku igu gaaxay
Anigoo gefkii layga galay aanan garan waayin
Anigoo gefkeygiyo gacmaha meel isugu geeyey
Anigoo gam,eynoo hurdada aad u kala guurray
Anigoo gasiinkiyo cuntadu iga gambuurowday
Anigoo gabdhaha reer tolkey go,ay haweeneynin
Anigoo garoob iyo sidii gabar xishoonaaya

gabbaldhac iyo waaberi haddaan guluf la heenseynin
gabbaldhac iyo waaberi haddaan gaas la bixineynin
ninkaa godobta kaa qaba haddaan gowrac lagu taagin
oon goynin hilibkiisa oon gumac la leefsiinnin
gebigeed adduunyadan gurracan waan isaga guuri

Karanlow haddaan guluf la xirin waan is gowricicye
wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye
waa inaan gambada qaato oo giisho madaxeyga
garbasaar inaan qaato oo soo galbado weeyo
guntiinada inaan soo xidhoon soo garsado weeyo
wallaahaan garooba nihiyo carmali joogta gurigeeda
wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye
wallaahaan gashaantima nahoon aara gudan weynay

garwaaxeysigii ka tegay iyo gogol ku jiifkiiye
gefka uma dulqaatiyo xumaan layla soo gala,e
gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye
gumac gaaxsanaan jiray markaan godolka sii daayo
gebi dumay sidiisii markii la,isku soo guuro waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane
.................................................
galiilyada i heysoo wadnuhu ila gariiraayo
xalay gelin dhaxaadkii dadkoo kama,sanoo jiifa
galleyrkiyo markuu galowgu ciyey gedaankiyo xoogga
gurxankeyga iyo riinkiyo guuxa lala yaabyey
gu hagaagayoo gala,da iyo geeddi la,i moodyey
goohaad madow iyo markaan geeydha bahal yeeshay
gaameesha iyo shaarubkiyo miciga soo giiray
sida goolka iyo goosha oo gibinnaddii haysta
oo laaga guuda galay iyo gebiyo hoostooda
oo gowsihiisiyo gacmaha meel isugu geeyey
nin galladay ninkii ganay libaax garaye ruuxiiye
ma guuleysto ruux iga gardaran guusha karanlaa leh

afartaa guddoon lagu hadliyo gocashadeydii dheh
go,aanuu nin weyn soo diriyo garasha waayeel dheh
gal xareda goob lagu nastiyo geed caleenbadan dheh
gogol caar leh guubaabin runa karanle guudkii dheh
guul iyo ayaan la,igu garay guluf la heenseeyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
jumlada dheer ee ku jirta sadarka 18 aad marka gabayga hoos laga soo tiriyo wey kala hooseysaa (yacni iskuguma xirna sidaa aan isugu xariiriyey)waana qalad labaad ee iga dhacay,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
Qeybta 2,aad

gooni daaqa cawlkiyo waxaa goodir iga yeelay
geedaha ugaadhiyo waxaan geri la sheekeystay
maroodiga gacanka weyn waxaan gibil ku heenseeyey
gardhaalaha shabeel iyo libaax gebi la jiifaayey
gabraa,ada galool uu mas galay garabka saartaaba
godin geedka lagu gooyn waxaan gacan horreysiiyey

gebi dumay garoon geed ka baxay gowla kala guurtay
geel aroora ceelkoo gallama geel-jir wada ooyey
gambooley cadhowdiyo hablaha guudka laga xiiray
odayaal ra,yiga goyn jirtoo geedka laga saaray
garbaduub rag loo giijiyoo gacantu naafowday
garoomaha rag lagu gowracoo dhiiggu gelelaabay
gumeysigu geddaasuu yahay iyo guul darriyo hooge
gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane

gardarrada ma qaatee xumaan waan u gogol xaaray
gartu eex ha noqotee ra,yina laysla garan waayin
nabad wey gallowdoo samaan weynu kala guurnay
garyaqaannadoo idil markii gowrac lagu taagay
dhallinyarada goor iyo ayaan layga gummaadaayey
dumar aan wax gelin oo gacmahiyo naaska laga gooyo
gardarrada ma qaatee xumaan waan u gogol xaaray
gammaankeyga gaarka ah markaan gibilka heenseeyey
een galab carraabee dagaal ugu gacan-qaaday
gadhka feerki aan kaga dhuftiyo gowsahiyo daanka
gishaarada markii loo gogloo ganacya weyn taallo

geelii gendigu uu cunee wada galoofay
ee godolka laga waayey iyo caano laga gaaxsho
gufaanuhu hashii uu cuniyo shilin gabaarreyda
laga gaaryey laga gooy wixii gibilka boogeeyey
geedaha caleentaa cillaan gooni ugu foofsha
gurrinkeeda naaxiyo nirgaha gooni socodkeeda
guuraha habeenkii ka jira tuugga qaa-tahaye
bahal gowsa weyn iyo libaax gowracaa jira,e
waligeyba waan goobi jiray Karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane

sidii gaaggur geed lagu raroo gamashi dayreeda
ka gu,iyo gu,yaal badan waxay gudub u saarraato
shinnidoo galsheytiyo wuxuu malabku gaaneysto
markii galabta loo fuulo oo daarka laga gooyo
malabkii ku gaaxdiyo markii miidda laga gaaxsho
ninkey gaajo heysaba markii loogu gacan haadsho
Karanluhu geddaa weeye iyo gallad Ilaaheeye
baalshada macaan iyo jannaan gacan ku nuugnaaye
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
suugaanta-Ceelbuur

gabyagaan afarreyda ah waxaa tiriyey nin aanan magaciisa heynin laakiin aan idiin soo gudbin doono haddii Alle-yiraa waa tix yar waxaana lagu soo qaatay riwaayada yaryar ee waddanka ka lagu dhigay,
ninkaas wuxuu ahaa reerguuraa degi jiray baaddiyaha ceelbuur waxaana lagu eedeeyey ama lagu xantay inuu dumaashidiis u tegay (yacni uu ku sameeyey wixi uu ninku naagtiisa ku sameyn jiray) markii uu ka war helay warka ay dadku isla dhexmarayaan ayuu yiri

Anigiyo dumaashiday haddaan duunyo wada raacnay
Duhurkii kolkey tahay haddaan doox isugu keennay
Daadaansi dabadiis haddey diiday oran weysay
Doqonbaa ka taga siiil hadduu meel dayacan yaallo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guuleysta

Unrecorded Date
Dhamaantiin waad mahadsan tihiin waxaana aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan arko dad badan oo haayo taariiqda reer ceel waxaana jecalahay in la iga siiyo fikrad geedka loogu magac darey
ceelbuur ku yaal oo aan maqley in uu yahay geed aad u qurux badan sida mapleaf
mar labaad aad ayaan idinkuku mahadcelinayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaal.

Unrecorded Date
Qeyr.

Waaad mahadsan tahay. Waaa lagu faani karaa waxa meeshaan ku qoran. waslaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO:guleysta

asalaamu caleykum warraxma tullaahi wabarakaatuhu

walaal iga guddoon salaantaas qiimaha badan marka xigtana geedka layiraa Ceelbuur-ku-yaalle waxa uu ka baxaa magaalada dhankeeda Bari, laakiin waa laba geed oo isku dhinac yaallo isla markaana Ilaahey u dhiibay dhirir iyo qurux oo marka aad hoostooda joogtid waa cagaar iyo carjun hoganeysa
ay indhuhu ku doogsadaan iyo caraftii lagu yiqiinnay nabaadka oo gu, iyo jiilaalba isku mid ah, marka aad ka dheeraatana geedahaasu waxay leeyihiin midab higil ah, dadkuna waxay ku sheegaan inay labaas geed ay yihiin Lab iyo -
Dheddig waana arrin suura gal ah marka lagu dhereriyo cilmiga sayniska, calaakulli-xaal labadaas geed ee ceelbuur ku yaallaha layiraa wey qurux badanyihiin waxaana bilicdooda sii muujinaya balliyada ay xareeddu ceegaagto oo aanan badanaa gurin iyo fardaha waaweyninka badan ee degmadu caanka ku tahay oo badanaa aanan geedahaas hoostooda laga waayin iyagoo marka ay dararaan usoo harsi taga neecowdaas udgoon,
balse inkastoo ay labadaas geed muuqaal wanaagsanyihiin waxaa jira arrimo badan oo quruxdooda muujinaya, taasina waa sababta uu fannaankii soomaaliyeed ee caanka ahaa Salaad-derbi ugu soo qaatay tusaalaha markiiuu ammaanayey gabadhi uu jeclaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO: Walaal

walaal salaan qiima badan keddib waxaan ku faraxsanahay sida aad noogu dhiirri gelisay qoraalladeenna aan ku soo bandhignay gabayadii reer-ceelbuur waana runtaa oo waa lagu faani karaa laakiin waxaa meesha ka maqan gabayadii Lawgurray iyo C/kariim Axmed-gindhish oo ahaa gabayada xulka ah marka laga hadlayo suugaanta reer-ceelbuur waxaana rajeynayaa in mardhow lasoo gudbiyo inshaa Allaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
Codsi

Walaal soo dhowow laakiin waxaan kaa codsanayaa
inta aadan meeshaan wax ku qorin inaad soo aqriso
horudhaca mowduuca.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guuleysto

Unrecorded Date
to qeyr
saaxib qeyr aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay sida wacan ee aad iigu faahfaahisey quruda geedka waxa aan jeclaan lahaay hadii aad heyso sawirkiisa in aad ii soo dirto
mida kale hadii ilaahey yirahdo mar ayaan jecelahay in aan soo fiirsho ceel buur
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO:guuleysta

walaal marka hore waan ku faraxsanahay haddii aad ku qanacday warbixintii aan ku siiyey marka xigtana waa ka xumahay oo ma haayo masawirkii Ceelbuur-ku yaalle laakiin marka aad ceelbuur booqatid masawirro badan nooga soo qaad geedka si aan uga dhiganno postcard,
asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Unrecorded Date
TO: reer-Ceelbuur.

asalaamu caleykum warraxmatullaahi wabarakaatuhu.

walaalayaal salaan keddib waxaan ku faraxsanahay raqlaha wanaagsan ee uu ku guurayo qoraalkeennu iyo murtida u badan gabayada iyo geeraarada ee halkaan lagu soo bandhigay weliba ay noo dheeraayeen kaftanka iyo sheekooyinka yaryar,
intaas dabadeed anigoo billaabay mowduucaan isla markaasna jecel inaan sii wado ayaan ka cudur daaranayaa inaan meesha (netka) ka maqnaan doono muddo lix ilaa todoba bolood ah oo safarbaan u baxayaa mana u maleynayo inaan waqti u heli doono internetka, waxaanse rajeynayaa inshaa Allaah marka labaad ee aan meeshaan ku soo laabto inaan idiin soo gudbin doono gabayadii xulka ahaa ee ay tiriyeen reer-ceelbuur sida gabayadii C/kariin axmed gindhish C/dulle cali ugaas iyo Lawguray Ilaahey dhamaantood ha u wada naxariistee,
haddaba walaalayaal ula ulajeedadeydu waxay tahay
in goobtaan lagu xafido si nadiif ah laguna soo kordhiyo wixii suugaan ah ee reer ceelbuur laga hayo, kolley anigu waxaan hayaa gabayo ilaa 15 gaaraya oo isugu jiro amaan, caraadis, halxiraale-
iyo jawaabtiis, inkaar, xifaaltan, majaajilo IWM,
laakiin waqti munaasib ah ayaan la sugayaa waxaana u maleynayaa inaad ila garateen meesha aan ka hadlayo waana sidaas arrintu ee meesha noo xafida.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil

Unrecorded Date
QEYR
Miyaadan Ceelbuurba dhaafayn gaarigaagu gaabiyee. Maad iska tiraahdid MURTIDA KARANLE haba lagu kala guuree.

gabaydaas yaa tirshey,kumo kale ma haydaa, gobolada kale ma ku talo jidhaa inaad ka aruurido, ma gobolaysi baad waddaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-ceelbuur

Unrecorded Date
TO:Wiil

wiilow salaan keddib haddii aad aqrisay qoraalka uu Qeyr ku soo gudbiyey bogga ka sarreeya qaraalkaada
wuxuu sheegay inuusan meesha ku soo laaban doonin
muddo todoba bilood ah, sidaas daraadeed anigoo ku jira booskiisii maaddaama uu yiri"suugaanta-reer-ceelbuur" aniguna aan ahay reer-ceelbuur ayaan doorbiday inaan dhaqsa kuugu soo jawaabo maadaama uu hadalkaadu yahay mid ku fadhiya macna weyn isla-markaasna u baahan jawaab u qalanta,

Wiilow su,aashaada ah " miyaadan ceelbuurba dhaafeyn gaarigaadu gaabiye"? su,aashaas waxaan kaa iri " kun tillaabo kow ayey ka billaabataa" waxaana ula jeedaa howshu waxay ku habboontahay in loo kala hormariyo sida ay kuugu kal sokeeyso
ma garatay,

shu,aasha kale ee ah "maad iska tiraahdid murtida karanle haba lagu kala guuree"? iyadana waxaan kaa iri " Karanle waa qabiil weyn wuxuuna u kala baxaa afar lafood oo kala ha , Kidir Kaariye Seexowle iyo Murusade, afartaas lafood marka laga reebo Murusade waxay degaan soomaali galbeed, laakiin murusade oo ah lafta ugu tirada yar ayaa degta goballada dhexe (galgaduud) haddaba haddii la yiraa suugaanta karanle waa in la raadiyaa gabayadii ay lafaha kale tiriyeen sheekaduna waxay noqaneysaa qabiileysi, ee mid maad dooran lahayd qabiileysi iyo gobaleysi? dabcan gobaleysiga ayaa la qaatay, laakiin arrintuba sidaas ma aha, ee waxaa loola jeedaa in aruurinta suugaanta laga billaabo ceelbuur keddibna loo tillaabsado intii la kari karo, tanlabaad ee ah "gabayadaan yaa tiriyey? gabayadaan abwaan soomaaliyeed ayaa tiriyey waana lasoo gudbin doonaa magaciisa inshaa Allaah laakiin haddaa dooneysid inaad wax ka ogaato meesha uu ku dhashay ama cidda uu u dhashay waxaad ka fahmi kartaa gabaygiisa meesha uu ku leeyahay,

"afartaa guddoon lagu hadliyo gocashadeydii dheh
go,aanuu ninweyn soo diriyo garasha waayeel dheh
galxareeda goob lagu nastiyo geedcaleen badan dheh
gogol caar leh guubaabin runa karanle guudkii dheh
guul iyo ayaan la,igu garay guluf la heenseeyey.

waxaadna tiri Qeyrow gabayo kale ma heysaa, qoraalka ku xiga ee ka sarreeya kaada ayuu ku sheegay inuu hayo 15 gabay kuwa kale oo muhiim ahna uu soo gudbin doono markuu soo laabto,
marka arrintu ma aha gobaleysi ee soomaaliyeysi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Walaalayaal reer C/buur aniga waxaan ahay reer Garoowe waxaanan aad ugu farxay sida quruxda iyo masuuliyada leh ee aad isugu duba rideen pagekan. waxaan daabacanayaa dhamaan gabayadan waxaanse murtida soomaliyeed ugu jeclahay Shiribka iyo Guurowga laakiin aan wax yar ka hayo marka idinku horta guurow ma leedihiin mise qolyaha reer abtigiin ee idinka hoseeya uun baa iska leh (joke!). waxaan jeclaan lahaa inaad noo qortaan dhawr guurow ama aad noo tilmaamtaan meel aan wax ka helno. sidoo kale Shiikh Maxamed Gabyow oo aan u haysto Halgamaagii soomaali ugu horeeyey wax murti ah ma ka haysaan?

Mahad sanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuur-gorgor

Unrecorded Date
To: Anonymous

Reer-Garoowe iga guddoon salaan walaaltinnimo tanlabaad anigoo ku faraxsan sida wanaagga badan ee aad su,aasha noo soo weydiisay iyo habsamida qoraalkaada ayaan jecleystay inaan ku siiyo jawaab ku qancisa maaddaama aan aamminsanahay inaan ku roonahay su,aashaada jawaabteeda,
waana ku mahadsantahay dhiiri gelintaada ah inay meesha ka muuqato xilkasnimo,
intaas keddib walaalow anigu waxaan ku dhashay baaddiyaha ceelbuur gobalka galgaduudna dhankasta ayaan geel ugu raacay mana jirto ferin ama ceel ama meel lagu kulmo aanan cagta dhigin ma garatay sidaas ay tahayna waligey ma arag dad guurow cayaarayo laakiin shiribka waan maqlay inkastoo deegaanka aan ka imid laga tirin jirin hadana nagama foga waana tixo iyo ciyaar isku dhafan oo weliba ay xigmadi ka buuxdo waana ka xumahay oo hadda mahayo waxbadan ayaana maqlay laakiin hadda waxaan ka xasuustaa oo keliya,
"MINEEY FATUURO FII TIRAA
NINKII FADHAAYA MAA FAYOOW",
waxaanse jeclaan lahaa in dhulka aan ka imid laga heli lahaa fan-suugaaneedkaas kale duwan sida guurowga shiribka gablowshimbirka iyo kuwa kale ee faraban laakiin ciyaaraha reer-ceelbuur lagu yaqaanno waa Wilisaqada oo keliya waxaa soo raaca baraanburka suurowga haanta iyo kuwa kale,
ugu dambeyn qeybta ugu dambeysa su,aashaada ee ah
inaan wax murti ah ka heyno Shiikh maxamed - gabyow anigu wax kaama oran karo laakiin waxaa kaaga soo jawaabi doona walaalaha kale ee iiga aqoon roon,

Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YAASSIR

Unrecorded Date
salaamu calaykum dhamaan.


to..reer ceelbuur waxaa tihiin dad aqyaar ah ilaahayna ha idiin saa'idiyo dadaalkiina waxaa tihiin dad macquul ah ee ku socda sidiina .

waxaana jecleystay sida aa walaalihiin ugu jawaabteen ilaahayna haka dhigo soomaalida kale idinkoo kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali Maxamed

Unrecorded Date
To: walaalaha reer-Ceelbuur

Reer-Ceelbuurow sidaas ku wada, waa muhiim aruurinta suugaantu walow aanan meesha ku arkin gabayadii xulka ahaa laakiin ninka Qeyr la yiraahdo Ilaahey qeyr ha siiyee uu ballan qaaday inuu soo qori doono marka uu soo laabto,
laakiin waxaan idin weydiiyey maadaama la yiri waxaan soo dhoweyneynaa wixii tix iyo tiraaba leh,
sow lama hayo murtidii gobalka, aaway hadalladii qosolka badnaa ee Nageeye, war meesha wax ku soo dara, anigu waxaan hayaa sagaal gabay laakiin waa wada qabyaalad oo waan ka xishoonayaa inaan soomaali oo dhan soo hor dhigo oo qabiilooyinbaa lagu caynayaa ama colaado hore ayey xariir la leeyihiin, ee bal iga hooya tixdaan yar waxaan tiriyey dorraato keddib markii aan layaabay dhallin yara soomaaliyeed oo qabiilqabiil isku caynaya doodo nuucaas ahna ay ku dhexmarayaan netka, waxaana iri,


Dhallinyarooy qabyaaladdu
Dhul-abaahi weeyaan
Dhallaankiyo cirroolaha
Dhumineysa aadmiga

Dhadhankeeda dhuxunta ah
Dhuuri aan laga reysan
Dhuunkaal sideediyo
Dhuguc uraya weeyaan
Dhaxalbeyse reebtaa

Dhaxalkeedu wuxu yahay
Dhoohanaan waligeeda
Dhufaan aan la dareemin
Dhimaadkoon wax la dhaamin
Dhimir aan sameyn iyo
Dhugmo aad u qalloocan oo
Dhallintiyo dhallaankaba
Dhegta dhiigga loo daro

Dhallinyarooy i dhegeysta
Dhibaatada qabyaaladda
Dhan kastaan ka eegoo
Dhul shisheeye aad iyo
Dhoofbaa iila roonaay

Dheddig iyo laboodoow
Dhufuqley irmaan baan
Dhaahii ka wareejinoo
Dhaay baan idin siine
Dhudhun soo bal dhowaada

Dhuxulkurreebka qabiil iyo
Dhu,dhu, aan soconeynin
Dhuunbaa kuula imaane
Dhegahaada fureyso

Dhidibkii sugnaa iyo
Dhabbihii nabigeenna
Dhinacaas bal u leexoo
Dhiidhiga qabiilkana
Dhegahaada ka awdo.

meesha aan ku leeyahay " dhul shisheeye aad iyo
dhoofbaa iila roonaay" waxaan ula jeedaa maadaama qabyaaladdu dhankastoo laga eegaba ay tahay kaxandho dhibaatooyinkeeduna farabanyihiin ayaan u arkaa in qaxootinnimadaan iyo ku noolaanshaha aanu ku noolnahay dhulal shisheeye ay tahay dhibaatadii ugu yareyd ee qabiilku ama qabyaaladdu noo geysatay, waxaan marmarka qaarkood ku qoslaa soomili wax ka sheegeyso jibsiga ama singarka waa dad ay reer yurub bara kiciyeen dhulkoodiina la qeybsaday waxayna ka dawarsadaan dariiqyada waddankasto ee yurub ah, haddaba dadkaas oo waddankoodii xoog looga qabsaday iyo soomaali oo waddankeedii iyadu qarribtay yaa gar leh? dabcan jawaabtu waa iyaga, haddiise ay jawaabtu sidaas tahay sow kama liidanno yaanse eersaneynaa sow gacmaheenna ma aha? haa dabcan, sow lama dhihin "doqoni qufacday meesha laga hayana garan weysay" sow maahmaahdaasu naguma dhaboobin kolba haddii qurunkii waddankeenna halligay aynu maanta dabada heyno,

ugu dambeyn waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee ay sheekadiinnu ku socoto run ahaanti weli maanan arag meel ay soomaali ku kulanto oo meeshaan ka wanaagsan marka laga reebo bogagga diinta, waana ku faraxsanahay sida wanaagsan ee aad wax ku waddaan,

asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali maxamed

Unrecorded Date
TO: Yaasir

Asalaamu caleykum

yaasirow ducada aad u duceysay reer-Ceelbuur Ilaahay wax iga soo gaarsiiyo,

waadna ku mahadsantahay dhiirri-gelintaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali Maxamed

Unrecorded Date
suugaanta ceelbuur

Beribaa gabar sir iyo qayaano badneyd waxay is qabteen wiil, arrinkoodiina wuxuu jiitamayey muddo sanad ku dhawaad ah ilaa markii dambe ay wiilkii badday ciil iyo jab uusan kasoo kabsan karin noloshiisa, markaasuu inkaartamay oo yiri,

Todobadi ugaasbaan kuu kacshaye tiir ku kadalloobso
Kor u gubo kariimkaan kuu baryee kolay ku tuugmeyso
Muslimkuna kaalmuu helaaye kalow hasoo siinin
Jirraq laamankiisi qaba iyo jebiso ku haleele
Jafka ka ur jalaanjil la fuq oo jiis u luga laabo
Jinni owra maahane wadaad jaaha kuma saaro
Abeesadi carrooleeyaheed cagaha kuu laabtay
Aaqirana jannaa laga fishaa ee jilin ha laalaadin
Wabka beel waraabow la taah waran la jeejeeso
Baarqabka shanbaa lagu dhaansadaa ee shaw ku garab dhaanso
Dhab ha dhigan dhareer muluq ha tiran dheri ha qoolaaban.

walaalayaal sida sheekada cad oo uu ninku leeyahay "7dii ugaasbaan kuu kacshaye tiir ku kadallaabso" waa in uu gabaygu ahaa waayo hore ugaasyada beeshuna ay soo taxnaayaan silsilad ilaa todoba oday gaareysay oo keliya,
sidaas daraadeed waxaan ka xumahay inaan haynin ninka gabayga tiriyey magaciisa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.