site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Xumaa... Markii aad Qortiin Afkeyga Hooyo(Af-soomali)

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Xumaa... Markii aad Qortiin Afkeyga Hooyo(Af-soomali)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHALI

Unrecorded Date
Qorayaasha Wax ku Qora bogaan Dhamaantiin Waad Salaamantihiin.

Qoraagow----Ma-ogtahay Markii aad afsoomali ku Qortid bogaan ay muhiimadaadu tahay.
--- In dadka oo dhami ay fahmaan waxa aad qoreysid.
--- War celin fiican aad rajeyneysid.
--- Cilmi uu noqon karo waxa aad qoreysid.
--- Aad noqon kartid qoraa wanaagsan.

Qoraalka wanaagsani wuxuu kaa dhigaa qof wanaagsan markii uu qof fahmayaa uu akhristo.
Akhristuhu wuxuu qiyaasi karaa darajada aad kaga jirtid bulshada. Tusaale ahaan, Qof wanaasan oo qibrad uleh waxa uu ka hadlayo.

In La hormariyo Qoraalka Afsoomaliga.
Dhaqankeena waa in uu noqdaa in aan jawaab fiican lasiinin hadii uu qaladku ka badan yahay shan qalaad.

Qoraagow akhri xaruufta aad qortid intii aadan dirin si aan u isticmaalno afsoomaliga qarniyada soo socdo-- Waa aas aaska iyo astaanta lagu fahmi karo afkaaga hooyo.

Mahadsanid Akhristayaal......
AHALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Ahali, Waad ku mahad santahay erayda aad kor ku soo qortay. Waana kugu raacsanahay 100% oo afkeenna waxaan ku hor marin karnaa, annagoo aragtideenna ku gudbinna.

Dhawr jeer ayaa walaalo soomaaliyeed arintaan soo qaadeen, in aan af-soomaaliga adeegsanno iyo in aan af-soomaali sax ah soo qorno. Hase ahaatee isbeddel badan anigu ma arag.

Laba waxyaaloodba waa loo iili karaa; annaga oo uu nagu dambeeyo khalad soomaalida inteeda badani qabto, welina aysan ka ilbixin oo ah in aan af-keenna yasno oo afafka kale aan horumar moodno. Iyo Annaga oo aan joogin dalkeennii oo markaas af aan af-soomaali ahayn inta badan adeegsanna; iskoolka, shaqada, suuqa... Taasina ay af-soomaaligeenna cayrtayso.

Si kastaba ha ahaatee waxaan qabaa haddii aan dareenno muhimadda uu af-keennu noo leeyahay dad ahaan iyo dal ahaanba, si sahlan baan ku kordhin karnaa aqoonteenna af-soomaaliga.

Haddii aan qoraalladeena af-soomaali sax ah u badinnana waxaa ka faa'iidaysanaya, ayna dhiirri galinaysaa inteenna kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xayaatsuhuur

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum,

Walaal Ahali, waxaan ku odhan lahaa waad ku saxsantahay waxaad sheegtay oo dhan, laakiin miyaadan ogayn dhalinyaro badan baa jira oo ay dhibayso qoraalka afkeena hooyo. Sidaa darteed ma inoo bilowdid casharo oo aad nagu barayso qoraalka. Waayo waxaa jirta sidaad u ogtahay dhalinyaro badan oo wadanka ku dhalan ama iyagoo yaryar ka tegay. Marka haddii ay suurtagal ay tahay nabar sida wax loo qaro. Xitaa afsoomaliga ayaa nagu adag ee nabar. Waad mahadsantahay walaal, wa salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
ahali ala qoraal macaanaa ma kabiir baa mise kaabo galaas buu soo ahaan jiray?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Abdi Nur Faraqajaan

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum WW.
Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maqlo dhallin yaro Soomaaliyeed oo badan oo garatay,qiimaha afkeena hooyo, marka waxaan leeyahay Allah ha idin sharfee halkaas kawada insha'allah.
Qorayaasha boggaana waxaan aad uga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee ay Ummaddeena u hayaan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.