site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Xumaa... Markii aad Qortiin Afkeyga Hooyo(Af-soomali)

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Xumaa... Markii aad Qortiin Afkeyga Hooyo(Af-soomali)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHALI

Unrecorded Date
Qorayaasha Wax ku Qora bogaan Dhamaantiin Waad Salaamantihiin.

Qoraagow----Ma-ogtahay Markii aad afsoomali ku Qortid bogaan ay muhiimadaadu tahay.
--- In dadka oo dhami ay fahmaan waxa aad qoreysid.
--- War celin fiican aad rajeyneysid.
--- Cilmi uu noqon karo waxa aad qoreysid.
--- Aad noqon kartid qoraa wanaagsan.

Qoraalka wanaagsani wuxuu kaa dhigaa qof wanaagsan markii uu qof fahmayaa uu akhristo.
Akhristuhu wuxuu qiyaasi karaa darajada aad kaga jirtid bulshada. Tusaale ahaan, Qof wanaasan oo qibrad uleh waxa uu ka hadlayo.

In La hormariyo Qoraalka Afsoomaliga.
Dhaqankeena waa in uu noqdaa in aan jawaab fiican lasiinin hadii uu qaladku ka badan yahay shan qalaad.

Qoraagow akhri xaruufta aad qortid intii aadan dirin si aan u isticmaalno afsoomaliga qarniyada soo socdo-- Waa aas aaska iyo astaanta lagu fahmi karo afkaaga hooyo.

Mahadsanid Akhristayaal......
AHALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

edeb

Unrecorded Date
Bismilaah

Walalo waan ku sallaamay marka hore. Aad baan ugu mahadsantahay sida aad noogu boogaadinayso,
afkakeena hooyo waana kugu raacsanahay.
sababta oo ah waxaa naga dhumay hadalka soomaaliga macanihiisa marmarka qaarkeed waxaad,
arkaysaa qof figrad haduu ku qoro afkiisa hooyo
aan la fahmayn macno samaynayn haduu isticmaalo
English macno u samayn kara taasina waxaa keentay inaynaan isticmaalin afkeena hooyo.

Waad ku mahadsantahay waana kugu raacsanhay firaddaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
AHALI,

u sheeg MAD MAC iyo inta wax magaratada ah ee is mooday in dhar aysan lahayn uu dhaxan ka celinaayo.

jir oo joog oo jinkaada la dheel.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.