site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"""SADEX LALAMA DERSO"""

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): """SADEX LALAMA DERSO"""
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAN

Unrecorded Date
1-Fule daan daansi badan
2-Bakhayl damac yaqaan
2-Doqon fiirasho badan

Hadaba intaas Soomalidu midna malaha, maxaase ku kalifay inay imay ka maahmaahan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
MAN, jawaabta waxaan udaayey Gurey isagaa Afsoomaliga igaga fiicanee, waxaanse kuugu darayaa dhowr Maahmaahood:

1-Naftii soo joog laga waayo soo jiif baa laga helaa
Reer Boon dheere waxay iyana ku maahmaahan:
2-Soomalidu waxay leedahay sadex Af:
a-Af wax lagu cuno
b-Af lagu caytamo
c-Af ilko cad cad leh/Rumey
Bush wuxuu isna yidhi dhulkii gabayga iyo gaajadda.
Mar hadaan ka gabyoo bustahaygii ka qaatey maxaa iiga gidhiish ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
ninkii geed orod ku koro islee kaanfoolto iga soo degaa.
iyo
cimrigaa oo daahaa geel indho-kuul marsan aas ku tusaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Man

Unrecorded Date
Somali=Porc
Inkastuu dur-dur iyo dabaal galo Doofaar abidkii ma daahro
Taana waxa ku maah maaha reer berbera

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
Somali= No comment

Dacas kaa weyn dhooqaas kugu faruujihaa

Taana waxa lagaga maah maaha DAYNIILE iyo London

Hebel halkaa ka sii miis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Mawlid walaal maxaa kudiiday inaad xoggaa macquul nin ah noqotid, waxaan ku weydiiyey ma waxbaa si ka ah?

Walaal i cafi, igama aha xumaan ee waxaan kayaabay sidaad wax u qorto.
by gabadh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
Walaashiis ii jilci halkaad iga diidantahay si aan usaxo.
waxba kama qabo in lay saxo mérci beaucoup

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
mowliid-macaane war walaalkiis maahin anonymous walaashiis waaye ee baas ee fidinooysaa eh ha beerdareenin.
caga rooti waaxid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHANGAANI

Unrecorded Date
TO Hebel


beenaale aad tahay!!!!!!
waligeey ma maqlin cimrigaaga oo dheeraado geel indho kuul leh aas ku tusaa
CORRECTION BRO!!!!!!!!!!!!!!
WAXAA WAAYE CIMRIGAAGA OO DHEERAADO GEEL DHALAAYO AS KU TUSAA.

NO OFFENCE,PEACE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
Hebel_ su'aal?
Xaguu inaga soo galay Shiingaani, sowkan mar qudhuun sidii Daadkii xaaboole daf isoo yidhi

Dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay
dhiyi kac dhiyi kac danbena dhibkeeday leedahay.

Hebel ! macnee waxaan rabaa inaan kala ogaado inaad ka mid ahayd biidkii 77.
ama ciyaal jiiro Mafia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

neeeefooowkaniiiiiiini

Unrecorded Date
,,,,,Akhyaarti iyo Culummaa ul diinkii inlee halakn bey isku baheysteen oo dadka wacdinahayaan, HEBEL iyo MOWLIID MACAANE waar xerta ma lagu soo biiri karaa waa tanood aad isla dhaceysaan Wanan iyo Subag ,, Waar inta aad ILLAAHIINII aad ka yaabtaan ina soo dhaweeya,,,,GAW!!!!!!


neefoowkaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abkeey dooli diloow

Unrecorded Date
Xerta waa salaamantihiin

Aadaan uga helay sidiid u baashaaleesiin, lakiin waxaa codsanaa, inoo murtida soomaali la haleen, maxaan jiro, ilmaheena maahmaahda oo labedelo runeey muudaayaan, marka tan saxdane halagu khoro mehaan.

akhyaarta hala buneesto cafi iyo musaamax lol anina kistoo aan tuurahaa xamar waxeey ku maahmaahdaa canjeero sidey u kala kreeso aa loo cunaa: Tan saxda ahna waxay tahay oodo dhacameed siday ukala korayso ayaa loo kala qaadaa.

Tusaale fiican akhyaarta ha idiin noqoto hee

isoo baryahee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abkeey dooli diloow

Unrecorded Date
Xerta waa salaamantihiin

Aadaan uga helay sidiid u baashaaleesiin, lakiin waxaa codsanaa, inoo murtida soomaali la haleen, maxaan jiro, ilmaheena maahmaahda oo labedelo runeey muudaayaan, marka tan saxdane halagu khoro mehaan.

akhyaarta hala buneesto cafi iyo musaamax lol anina kistoo aan tuurahaa xamar waxeey ku maahmaahdaa canjeero sidey u kala koreeso aa loo cunaa: Tan saxda ahna waxay tahay oodo dhacameed siday ukala korayso ayaa loo kala qaadaa.

Tusaale fiican akhyaarta ha idiin noqoto hee

isoo baryahee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniiiiiini

Unrecorded Date
,,,,,,Heer Xamar waxaas ku maahmaa "Abkeey dooli diloow dad nool maas u daahaa",,,,Abkeey horta aani waaba yaawiyee koon kasaayi leeh amaad iigu naqataa,,meehii Maanya Aaayeey garaasheed intii gaarsinin meehii Koodka Baraakadii Abaayti Jazuurtii Garaal garaal ooga dhaqsaneed oo Shafanaha ii Qaruumbowga lagu kala shafaayi,, Shiikh Maxaad Maziingow ii uuka mininkood ijaarka uugu jirri leen ku mudaa ku maqlo magacaabo,, Laakin Abkeey waa badnaayeen seddex camalooti aniyaaba kasaayo koo jiiradii Shineemo Africa ka soo horjeedka tumbuluq Bushkileeti ii Mooto Sheelaro ku ijaaraayi ii kii jiirada Luumbiga Aa waliyoow agtood ku jiri oo miiha Tarash ku dhawaayi Aliindi,,ii koo laataacaleeshkoo Gaashaan ka ahaay miihii Baraaka cabdoow Foornadii Aaw Jamaal ii uuka ka gadaalkood,,...


,,,,ABKEEY waxaan ku soo qabadsiiyay Email ee ninyahoow maxaad iigu soo jawaabi weyday mise anaa irrid qaldan garaacay,,,,,,,,warkaa ha la hello,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
dhamaan waa idin salaamay
culimo caamo iyo caruur iyo ciroolaba.
kadib waxa meeshaan kadhacay hadaan arkay in caro quruntay aduunkii lagu ciyaaray suugaani ba day,afsoomaali dhumay,maahmaahdii lagu ciyaaray,ayaan go aan saday inaan gaabsodo afkeeyga heeysto oon gurigeeyga kaga jiro duruufahaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
To: Neefowkeneeni & abkeey dooli.

You're very well come sxbayaal.

waxaan idiinku darayaa maanta wax murti ah oo weyn ma hayee.
Macno maleh walaalka miyi iyo Naag magaaloba ee. labduba intay kaa moodka madhshaan!
bay hadhowna ku yidhaahdaan, Duqa maxaad tabcatay!!
xanjadaad isoo iibisay calashaneysaayee, agtaaday ka raamsataa sida hashaadiiye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeeefoooowKaniiiiiiiini

Unrecorded Date
,,,,Yaaney ku dhaafin ,,,,Waa sidaan u maqlee uu Abwaan dhagaweyne iigu sheegay waa Ina gazelle 'e " Walaalkeey miyi iyo walaashey magaalo inteey kaa madshaan bey maya yidhaahaan".....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
waraa shangaani naga her waridkaa cune....maxaa nakaa daba dhigay? weli mana dul joogtaa.
mowliid ma aqaan odey waxaas naga daba socdo inta ii shiirkolo aas na daba socdaa haye?

Neefoowkaniini warkaa waa isoo gaari in hada xer noqoti oo afroodaa xeer lo'aad marsatid ee marka sabta lays wacdo ani ii mowliid kor nagala soco odey.
Abkeey dooli diloow hadii fartaa la arkoba?
good to see ya bro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
Soomaalidu indha xishooda ma laha laakiin indho baqa ayay leedahay.

Ma runbaa ma beenbaa HEBELOW?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
badrooni: magacaa?
somaali: aniyaa?
badrooni: haa adiga, magacaa?
somaali: magacaygaa?
badrooni: haa magacaaga.
somaali: maad rabtaa inaad ogaato?
badrooni: haa, magacaaga ii sheeg?
somaali: waa laguu yaqaan.
badrooni: yaa ii yaqaan?
soomaali: ehelkayga.
badrooni: oo maxay kuugu yeeraan?
soomaali: aniyaa?
badrooni: haa adiga, magac ma leedahay?
soomaali: haa waan leeyahay, ma qof nool oon magac lahayn baad weligaa aragtay? war yaa ilaah yaqaan ninku miyuu waalan yahay?
badrooni: waa yahee hadaad magac leedahay bal ii sheeg.
somaali: muxumad aw malaaq baa lay yiraah dadkuse waxaay iigu wacaan jilbo case waanse ka xanaagaa magacaas ee ha iigu yeerin abidkaa hadii kale soomaali isma taqaan gacantey naga gaari.
badrooni: muxumad maxaad samayn kartaa?
somali: aniyaa?
badrooni: haa adiga, ii sheeg waxaad qaban karto.
somali: wax kasta
badrooni: sida yacni?
somali: yacni si kasta.
badrooni: muxumad gaarigaas ma wadi kartaa?
somaali: gaarigaas waayee day oo xaga roogo?
badrooni: haa, gaarigaas, ma wadi kartaa?
somaali: minuus wadmaayo waa wedaa.


soomaali alaha danbigooda dhaafo....waa wada ahlu jano kuligood.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

neeeefoooowkannnniiiiiini

Unrecorded Date
,,,,,,,Kabtaa khalafoo waaxid,,,Minuus wadmaayo waa wedaa,,,,Waan daadshay weyn,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
Dear Brother
Bonjour monsieur HEBEL

Waar ninyahow gacan baan kuu taagay, kow dheh mar danbena heedhe kuma xujeynaayo, sow waxaad garatay maaha.
Waxaad tahay Banaadiri,maymay Waqooyi Jabuutaawi.
Intaas oo laysku riqday,baduujey,facsay. oo laysku qasacadeeyey waxay soo baxaan adiga "HEBEL"
Laakin koley mara waxaad hayd wadaad mara ciyaal Jiiro maafya.
Halays cafiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Hebel waa hebel, oo waa hebel, oo waa hebel.
Hebel, hebel kale ma noqdo, ina hebel buu jecel yahay iyana hebel ma doonto.
Hebel waa soomaali, hebel, hebel oo dhan buu metelaa, hebel ma caajiso mana baqo mana naxo. Hebel waa qaxooti, waa tagsiile, waa computerman. Hebel wuu dawarsadaa, waa nin lacag leh, waa mid dhoofa iyo mid jooga.
Hebel koonfur buu ka yimi, waqooyi wuu dhashay, galbeed baa laagu wan qalay, barina waa ka dhashay, inta u dhaxeysana waa dhulkiisii.
Hebel waa wadani, waa hogaamiye, waa shacbiga, waa guul wade, waa dhalinyaro, waa odayaasha, waa ciyaal.
Hebel suugaanta wuu jecel yahay, waa heesaa, waa gabyaa.
Hebel wuu dahsoon, yahay waa kaftan jecel yahay, waa haasaawe kulul yahay, mana helo heblaayaduu jeclaa.
Hebel jacayl buu soo butaacay.
Somaaliyeey sidaan idiin jeclahay ma ii jeceshihiin?
Hadii kale waan inaaaan gidaar feedhaa dabadeedna suuqayga galaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

heblaayo

Unrecorded Date
lol@@@@@@@@@hebel,
Walaal si wacan baad u hadashay kowdheh, aniga ku jeceyl laba dheh oo wax kula qabanayee, bal isoo sheeg meeshaad joogto.........lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNE

Unrecorded Date
Laguu waran Sheekhow anaa kaa daran:

Pure Somali
Very Pro Somali
Born - Burao
Grow up-Buur-hakaba & Mogadishu
Hase yeeshee waa kakanoos, wuu milmi waayey ilaa hadda wuu ad adag yahay Dhagaxoos, xitaa hadii lagu maydh 90° NASIIB DARO!
Wuxuu ku nool yahay Qurbe-nacas.
Hard worker, Business administrator & Tax payer.
Qaabka -No comment
Siduu u yaal - No comment
Deeqda - Dabcan
Geesi - Ma aha
Hablaha -Yes/lagama soo gaadho/biyo umo kabado.
Dulqaadka- Malaha
Diinta - never misuse
Opinions- Moderate
Shakhsiyadda - Simple
Meeshuu Aduunka ugu jecel yahay - Agagaarka Baar Ubax.
Ku nool - Europe
Fasaxa - New-york ( west Harlem ) Labo jeer sanadkii.
*************************************************

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
heblaayo walaal virginia ayaan kasoo xanxantoonayaa ee adigu xagee aayuhu ku dhigay?
hadaad i jeceshahayna...baga!

Mowliid macaane alaha kuu sahlo odey.
Qoodhaa iyo xeradaa nin wanaagsan baad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
sxb keey hebel baa caro dhoobeeyay haldal iima banaana waa ka gaabsaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
gurey maahee sxb?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

öqeklä

Unrecorded Date
Fule daan daansi badan
2-Bakhayl damac yaqaan
2-Doqon fiirasho badan

waxaa ka i lowday -
1-dhilo
2-benlow
3-doqon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNE

Unrecorded Date
To öqeklä
Xigmad yare, waxba meesha kuma haysid hadaladda qaawan ee aad isticmaalaysidna laga helo murtida soomaaliyeed ee xagaad ku soo kortay waa su'aale
Mise xaalkaagu waa NINBA CEESAANTII CEEL GEE
TOGHNA TAAGTII BUU ROGMADAA

NINA CAADADDI MA BAAJO
BAHALA QEEDHIN MA DAAYO
CAARENA WAA DHALANKII

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abwaan

Unrecorded Date
bisad carartay cad bay aragtay
nin feertay shaqo teg
lo'i intay meel fog lula tagto bay kugu ci'daa
ala maxaan xigmad dhameeyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,Miidaan goronyo,,Uubatooy ,,Aalatooy Uus barko

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
waxaa oday bari hurday baa ku qarway. abwaan naga daa maa caleeshta sxb waxaasi waa dalac bilaash.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fiqidoon

Unrecorded Date
Hebel

Moos-aad mugdi ku laqday...............
ka soo jawaab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
fiqidoon
sxbkeey aa gabar oo ciyaal gobol eh jeclaadi anagoo xamar joogno gabartii aa dhahdi hadii i rabtid ani waa inaa i mehersataa xariifkii intaas noo imaadi aas waxaa dhahi akhyaareey saan aa iheesato. waxaan dhahni anagaa noo daa taas ee intaa ku noqoto waxaa dhahdaa waa ku aroosaa markaa beri markee saacadaas tahay noogu keen faxda guriga xaseey (sxbkeen waaye xaseey)
subaxii markii la gaari aan waxaan doonani burjiko ii go' ween ii jaxwe ii catar (Maaha Cadar yaa) catar.
xariifkii isoo bajaqdii wado aas noo keeni.
waxaan dhahni yaa sheekh magacaa? waxaas dhahyi shariif.
shariif maxaa laguu daraa? waxaas dhahyi o'faarax dab ii dhagax.
waxaan dhahni shariif o'faarax dab ii jaay hadii oo 500 oo shilin keenin malaguugu dari karo gabarta.
xariifkii waxee noqoti in aas 500 doono ama nuurnuuris meesha ku qafto.
shantii boqol markaas keenyi aan dhahni
gabareey inta soo dhafiiso adna shariif xaga soo fahdiiso.
minaas ku diido iska diid
minaas ku yeesho iska yeel
mineey xumbeeso sabuunta ka yaree
mineey gariirto leerta u banee
mineey qajajac tiraah maansha alaah aa la yiraah
kuukuun laminaa
lamina tabaaraka
sata uuno baasika
ashoo bax.
baxa hee waalysku kiin meheriyee.
.
.
.
.
marka fiqidoon moos mugdi aa ku liqdi macaan miyaaaaaaaaaaaaaaaaaaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aashuun..

Unrecorded Date
to:hebel
waryaa ardooyin,mingis,waddaaddo,dhejjis baa
ku haayo baan u maleeynaa?????? bax meesha ka tag
luquntaa qoorta kuugu jirtee....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Unrecorded Date
ala,ala,ala..hebel baa hadlaya maanta..naa wuu is dhacay...war ma taxaliilbaa laguu soo tufay waadigan hadlayee?


peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
aashuun lulumoow badneede xaad iga rabtaa qandho midhicir laadlaad haku riixdee.
qumayo asbax aan ku iri ee orodoo reerihii o hooyo isla wareeg lama noqdee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jayte

Unrecorded Date
Hebel & Q... masheegi kari magacaan waa dhib badanyahay, iga raali ohoow yaa.

Dagaalka dhaafa ee xoogaa qosla yaa.

Two tourists were driving through Louisiana. As they were
approaching Natchitoches, they started arguing about the
pronunciation of the town. They argued back and forth until they
stopped for lunch.

As they stood at the counter, one tourist asked the blonde
employee, "Before we order, could you please settle an argument
for us? Would you please pronounce where we are... very slowly?"

The blonde girl leaned over the counter and said, "Burrrrrrrr,
gerrrrrrr, Kiiiiing"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
lol jeyte that is almost funny.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Unrecorded Date
HEBEL,
waa ka gashati,maxaa waayeh saan?
tartiibso yaan lagaaga soo dhex bixin qoraalka.

Hebel su'aal,hooy ma leedahay?mise raha aad daristihiin?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Unrecorded Date
RAHEEDU XAMAR WUU XABEEB SAN YAHEE
XARAGUU KU LAHAA XAGEE NII.

DUU DUUB KU LIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
adi section eigthkii xamar maa degeneyd.
mowliid xamar ii intabo guri dowlad dheh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Unrecorded Date
Hebel
Dabcan H/dhexe Hodon, markii danbene agagaarka
B/ubax.
Laakiin ugu horeyn waxaan kusoo barbaaray Buur Hakaba iyo Hargeisa waxaan ahay ciyaal Boolis marba meel loo bedelo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
1- Shinbirkii duulo oo duulo irziqiis dhulka lee waaye.
2- Canjeero say ukala korreeso aa loo kala khaataa.

3- Nin habartiis qorrax ku dilay abootadiis hoos ma u jiido.
4- Hunguri wax ka weeyn la mariyey wuu dillaacaa.

5-Saddex Ilaahay ayaa laga magan galaa
a) gogoshaada oo kugu xumaata (naagtaada/ninkaaga)
b) deriskaaga oo kugu xumaada, iyo

c) gaadiidka aad saarantahay oo kugu xumaada.

6- Nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raacdee.
Nabsi bil jiree oo boqol jiree oo haddana isha baalkeeda ka dhow.
7- Wiilkaagu maalin ayuu hiil kaaga baahanyahay waa maalinta aad hooyadii guursanayso.
8- Afxumo nabadnna waa kaa kaxaysaa colaadnna wax kaagama tarto.
9- Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadiskay ka barataa.
10- Nin geeliisii la qaaday ayaan daranow mooyaane orod daranow lama yidhaaho.
11- Saddex midina kuma daayo:
a) gardarro garab og (qof qof weyn oo u hiiliya leh )
b)gaajo guri og (gaajo og inaan guriga cunto kuu oollin/fakhrri), iyo
c) Cudur geeri og (cudur inuu kudilayo lagugu sababayo kaama tago.
12- Hooyo saddex nin midnna ha guursan:
a)goor xun socde ( ninka guda ee habeenkii wakhti xun socda)
b) gebi hadhsade (midka qorraxdu markay soo baxayso/dhacayso gacantiisa wejiga saara ee gabbaad ka dhigata qorraxda awgeed.
c) niicle (ninka hadala jilicsan ee sida dumarka u hadlla).
Waan sii wadi doonaa bi ithnnihi tacaalaa, ee ilaa xilli dambe salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AAA

Unrecorded Date
salaan ka dib. Aad ayaan ugu riyaaqay sida fiican eed u baashaalaysaa.

Waxa la yidhi SADDEX AYUU NINI KUGU DILAA
1. DHUDHUN UU LEEYAHAY
2. DHALASHADIISA OO UU YAQAAN
3 IYO AQLIGA OOY WAX UGA DHIMANYIHIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Unrecorded Date
SADDEX AYEEY DUMARKU REERKOODA KU DUMIYAAN BAA LA YIRI;

1.Maseer aan dhamaan.
2.Maangaabnimo.
3.Mareen cirweeyni.

Mowlid-macane;(DHAR AADAN LAHAYN DHAXAN KAAMA CELIYO)YAA GURI DOOWLAD AA,YEEYSAN DHAXANTA KU DILIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Xamardaye,

Wadaayoow labada hore waa loo adkeeysa karaa aan qabaa aniga, laakinse tan saddexaad ka warran hadeey konteenar 40" eey rabto ineey dajiso kaligeed? saa la dhaqaa warkeeda isii?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
korontaa loogu xiraa yadaa caloosha ka guban doontee.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.