site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XEERKA QOYSKA

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): XEERKA QOYSKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alfarooq

Unrecorded Date
Waxaan wada ogsoonahay in dhisidii xeerka qoyska uu sabab u ahaa dilkii culumada Soomaaliyeed kaasoo aan oran karno waxaa keentay caadifad loo qabay xoreynta dumarka waana mab'da ka yimid jimciyada qurumaha ka dhexaysa taasoo uu hormood u ahaa mareykanka iyo gaalo raacda muslimiinta sheeganayey. Taariikhda waa wax qoran oo aan la inkiri karin waxayna mararka qaarkood noqotaa wax lagu cibro qaato amaba casharo laga barto. Hadaba Xizbiga Kacaanka waxay ku camal faleen iyo wixii ay qabteen maanta waxbay ka hayaan hadey noqon laheyd suno ay jideeyeen ama culumo ay laayeen. Dadyowgii u dabaal dagay iyo cidii amarka fulisay amaba kuwii uu kasoo fulay; maanta hadal inoogama banaana maxaa yeelay waa dad intooda badan geeriyooday ama da' ku jira ee waxaan rabaa casharka ay dadka bareen iyo wadooyinkii ay umada u jiheeyeen inaan isla fiirino. Gabagabadoodii iyo faa'iidooyinkii ay ka heleena waa darsi kale oo cibro inoogu filan. Waxaad moodaa erayga ay la bexeen inuu la mid yahay "TAXRIIRUL MAR'AL MUSLIMA" kaasoo uu yahay mid ay gaalo aliftay uguna talo gashay sidii gabdhaha muslimaadka loogu diri lahaa diintooda iyo manhajkooda. Waxaa la ogsoon yahay habka loo abaabulay inuu yahay mid ay gaalo ka dambeeysay looguna talo galay in dadka caqliga yar (sufahada) oon diintoodana si fiican u garaneyn lagu fashaadiyo. Waxaa is waydiin mudan imisa qof ama duwal oo muslim ah ayaa maanta u doodaya waxyaalaha la midka ah xeerka qoyska aygoo cilmi ku filan aan u laheyn mowduuca iyo fikradaha ay doodoodu ku saleynayaan. Ma la oran karaa halaaga ku dhacay soomaaliya waa mid waagaas bilowday musiibadana ay sabab u aheyd dilkii culumadaas, kaasoo aysan shaki ku jirin in lagu kasbado caro Alle iyo cibaaq aan tabar loo heyn.

WALAAHUL MUSTACAAN
WALAAHUL MUWAFIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kariima

Unrecorded Date
War hooy, diinta naagaha kaliya looma soo dejin.
Intaa aad ka hadleeyso, xeerka qoyska, maad ka hadashiid wixii ka hooreyey ee laga aamusnaa.
1. Wadan muslim isku sheeg ah oo madaxadii ee xalaaleysteen qamri iyo macsi.
2. Xatooyo xoolo islaameed
3. Lacag been lagu helo ama lagu cuuno
4. Wadaado, dan gaara wata, laakiin adeegsada diinta.

Min fadlak, waa laga tagay, waagii eed, iyo xuma walab dumarka korka laga saarii jiray.

Al muhiim, dumarka iyo raaga Ilaahey waa uu siman yihiin.
Shaqadda iyo musuuliyaada ayaa lakala leeyahay, markii ee raaga toodda ka soo baxaan, BEEY WAX HAAGI KARAN, HOGAAN QABAN KARAN, XEER IYO TALO QOOYSNA KA HADLI KARAN.
INTA KA HOREEYSO, HAROWSI iyo WAANO DIIDNAY.

Nacnacdda iyo dhereg dhacsiga naga yareeya, Quranka iyo Ilaaheeyba nagama xigtaanee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
KARIIMA,

xurnimo ay san heeysan jirin ayeey heshay,odaygi gaalo ayaa u tuntay ma hadli karo,dibertiiro+badar+bajiino ayeey isku heshay,qof kaa qaadeeyso ma jirto ee sharciga fooda hala soo gelin ee dan waxa aad nicmada mooday.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.