site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

FIGRAD KA DHIIBO MUSTAQBALKA S/GALBEED

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): FIGRAD KA DHIIBO MUSTAQBALKA S/GALBEED
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/RAHMAN

Unrecorded Date
waxaan aad uga wal welsanahay mustaqbalka Somali Galbeed iyo halka ay ku dambayn doonto.
ma gacan cadow mise somalia mase isku taagi kartaa iskeed haddii ay xornimo ka qaataan ethiopia?
su'aashas macnaha badan xambaarsan waxaan ka codsanayaa inay dhalin yarada ,wax garadka,aqoon yahaniinta iyo dumarka somaaliyeedba. ay ka dhiibtaan figraddooda.
let the debate begin........
waa mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
sxb laga yaabee inaan qaldanahay, waxayse ila tahay inay haba yaraatee wax mustaqbal ah aanay lahayn sababtoo ah waa soomaali uun.
ta kale haday ka madax banaanaad ethiopia waxay ila tahay inay ku jiri doonaan sidaa ay hadaba tahay Jamhuuriyadii soomaaliyed.

Waxase adiga kuu fiican inanad isku mashquulin kab iyo xaarkeed waa laysla tuuraa.
cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Anigu waxaan ka oran lahaa arrintaas waa sidan;

Horta hadda ayay ugu roonaan lahayd illaa iyo waayihii ay soo jirtay S/Galbeed. Dadku ha is mucarado oo waa arrin meesha ku jirta, baniaadmi isku si wax uma wada arki karaan, laakiin waxaa laga yaabi lahaa in munaaqisho lagu heli lahaa xal. Waxaase waxaas oo dhan lugta ku dhufanaya waa nimankii siyaasiyiinta isku sheegi jiray oo soo burburiyay Somalia ayaa hadda halkan soo galay oo waxay u qasayaan maxaa kaa galay, marka waxay ila tahay inta ay nimankaasi meesha ku jiraan S/Galbeed iyo xal kala dheer.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali faras

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

Inkastoo hore looga hadlay hadana lagama aamusi karo oo boog inagu taala weeyaan.
Doodahaas badanina faaido uun bay keenayaan.
Wax ka qabadka Somali galbeed, Somalida fayow oo dhan bay u taalaa.

Markii dawlad Somaliyeed lawaayey iyana dhibaato baa soo gaadhay. Shacbiga Somaliyeed qalbigoodii wuu nool yahay, goor ay noqotaba waa lagaadhi guushaas.

Carqalada ugu weyn ee haysataa waa ta Somalida inteeda kale haysata, waan suura gal in Somali Galbeed naga hor caafimaado.

Shacabka Somali Galbeed si isku mid ah bay dhibaatadu usoo wada gaadhaysaa, taasina in mar qudha ay dareen midaysan yeeshaan waa rajo meesha ku jirta,

Wabillaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
waxay ilatahay hadaan fiiriyay moowduucaan in aanay ii muuqan wax walwal ah oo gaar ah marka la eego aayaha s/galbeed siyaasiyan.ragu waa isyaqaan african ka ihi taa hala ogaado markaa kaliya waa soomaali oo hagaagta bas.dalkaan shalay baa sheeydaanka indhaha buluuga ah leh ee cadanka isu yaqaan ama ilaah inta kalana aadamaha u yaqaan adoon uu leeyahay,ayaa walaalkeen gacanta ugaliyay s/galbeed mana dheeraba waa shalay 1958.jamhuuriyadii oo burburtay ayaa markay itopianku arkaan gabar s/galbeeda qayladooda lagamaqlaa u.s.a maxaad umalayn soomali oo dowladi kadhalatay? jawaabtu waa xoriyad iyo xaalmarin weeyn oo laynasiiyo waadhamatay.ragu 1977 buu isbartay yaan la iloobin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mowlid-macaane

Unrecorded Date
Mr Gurey

Miyaanad ogeyn in Somaliduba tahay Shaydaan indha madaw!?
Oo weliba laga cawdu bilaysto!?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
to brother mowlid-macaane

ah aha ah.... waabad iga qoslisay sxb.waxaanse kuu sheegaa soomalidu waaba dadka lagu tuhun sanyahay ama loo badiyo in aadamaha kasoo farcamay.laakiin kuuma diidani in ruuxii dawarsada ama tuugsiga badan in koleey laganaxayo,cowdu bulaysigana albaabka aatagantahay subax walba aa keenay.maha in aatahay shaydaan.kaliya hadaad iridaa kahor dhaqaaqdo cidina kaa cowdu bilaysan meeyso.sxb aad baad iiga qoslisay.
mahad sanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
to brother mowlid-macaane

ah aha ah.... waabad iga qoslisay sxb.waxaanse kuu sheegaa soomalidu waaba dadka lagu tuhun sanyahay ama loo badiyo in aadamaha kasoo farcamay.laakiin kuuma diidani in ruuxii dawarsada ama tuugsiga badan in koleey laganaxayo,cowdu bulaysigana albaabka aatagantahay subax walba aa keenay.maha in aatahay shaydaan.kaliya hadaad iridaa kahor dhaqaaqdo cidina kaa cowdu bilaysan meeyso.sxb aad baad iiga qoslisay.
mahad sanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

said 26

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin dhammaantiin

TO: A/man dareenka soomaalinimo ee kugu jira ayaa sababay, inaan jawaab ka bixiyo waxay ila tahay.

Hor iyo horaan allaha xaqa lagu caabudo ayaa amarka horta leh, waxa mustaqbalka S/galbeed iyo guud ahaan soomaaliyaba uu ku danbeyn.
Saadaasha basharka ayaanse fekraddayda ka dhiibanayaa.

1. S/galbeed waxaa u wanaagsan inay usoo jeestaan dantooda una guntadaan dib udhiska dhulkooda iyo bulshadoodaba.
2. Inay xuquuqda dalka itoobiya ay ku leeyihiin si wadajir ah usoo dhacsadaan(miisaaniyadda dawladdu ugu tala gashay kililka 5. aad aanu dib ugu noqon khasnadduu kasoo baxay, sida horeba u dhici jirtey, balse ay wax ku qabsadaan).
3. Dhallinyarada wax ku baratay itoobiya ee amxaarada xaqooda ka dhacsan kara in loo dhiibo maamulka gobolka ee aan loo dhiibin kuwii anagaba nasoo rogey, balse kuwooda fiican aqoontooda laga faa`iideysto (lataliyeyaal ahaan).
4. Markay dhulkooda dhistaan, ubadkooda mustaqbal u yeelaan, bartaan awoodooda iyo kartidooda siyaasadeed, inay ku meel mari karaan adeegsadaan xeerka wadanka oo u saamaxaya inay ka go`aan cadowgii muddada faraha badan xooga ku haystey, markay intaa gartaan reer s/galbeed ayay haboobn tahay, in laga fekero kubiirid xaafad kale ama inay lugohooda ku istaagaan, waxaanse kula talinayaa, inay kubiiraan walaalahooda kale iyaga iyo jabuutiba.

Haddaba saaxiib haddii arimahaa ay u midoobaan shacabka s/galbeed iskana iloobaan cudurkii anagana na baabi`iyey iyagana ku reebay gacanta cadowga ilaa iyo maanta waxaa hubaal ah inay mustaqbal fiican yeelanayaan, haddii kalese ay xeebta ceebta iyo caydha nagu soo barkuraareyn doonaan.

Cafi iyo musaamax
dhiig baa iqaadaye

Kullan danbe oo xiiso leh

Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
to said
waa iga salaan awalan tan labaad waa moowduuca kor kuxusan,said rayigaaga waa ila haboon yahay laakiin waxaa eber ka dhigay hadalkaagii ahaa((s/galbeed ineey luga hooda ku istaagaan kolkaasna ayka fiirsadaan xafaday kubiiri lahaayeen)).anigu waxaan moodahayay soomaali ineey haltahay.waxa igamaqana aytahay wax xooglayga heeysto iyo xeel sida jabuuti,s/galbeed iyo NFD oo kenya iga heeysato.intaba waxaa iga xoogay shaydaanka indhaha buluuga ah leh ee ilaahnimada sheegta inta kale ee adamahana u arka adoontiis.fakar umad hal ah sidee bay isugu biiraan?umadaha kalanooca maslaxo aduun waa isugu biiri karaan.laakiin soomaali soomaali kubiiraya cajiib waa hadalka sheeydaanka cad oo indhaha buluuga ahleh,shalay markuu kukala qaybinayay,sidan buurabay inaad ufikirto bas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

said26

Unrecorded Date
Salaan, kaddib Gureyoow beryahan danbe waxaa soomaalida looga taag waayey jamhuuruyado yaryar oo magacayo dadkale bixiyeen ku faana sababtaa awgeed baana iigu wacnayd inaan soo jeediyo inay aayahooda kafekeraan ciddii ay ku biiri lahayd S/galbeed.

Waxaana qabaa dadka soomaaliyeed ilaa ay xanuunka tafaraaruqa soo taabtaan, inaan loo taag helayn, balse marka sidii jabuuti qarnigii lasoo dhaafay, siday soomaali uga cararaysay markeliya canfartu weerarka oodda kaga qaaday, taasoo gaadhsiisey in Mudane Xasan Guuleed Abtidoon ku qudbeeyey afsoomaali taariikhda markii ugu horreysey, halkaasna uu tilmaamay dhulka jabuuti inuu yahay dhul soomaaliyeed kaddibna hubka soomaaliyi qaadatay kuna difaacday xeebta soomaaliyeed.

Marwalbana waxaan qabaa inay maruun abuuranto fekerkii ay udhinteen kumannaan rag iyo dumar soomaaliyeed, oo ahayd soomaali weyn.

Nooli kulantee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali faras

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

Wax walba waxaa ka horeeya kalsoonida taasoo aan ka dhex jirin shacabka Somali galbeed, waana sida keliya ee uu kaga guuleystey cadowgoodu.

Hadaba qolooyinka ka hadlaya dib u dhis dal, iskuulo iyo horumar, dusha sare ayay waabayaan iyadoo dhidibadii hoose aan lataagan.

Hadii la rabo in shacabkaas inxornimo la gaadhsiiyo waa in dadka qalbiga fayow ee culimo iyo caammaba leh la xulo oo ay iyaguna u guntadaan sidii dadka dhexdiisa wanaag uga samayn lahaayeen.

Muhiimada ugu weyni waa sidii ay u xoroobi lahaayeen, kabacdi inay Somaliya ku biirto baa wanaag ku dhan yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MADAXWEYNE

Unrecorded Date
TO. FUTURE

mustaqbalka waxaa rabaa in aan ka noqdo
somalia madaxweyne marka hadii aan helo dhalinyaro itaageer to sida ugu dhaqsaha badan
ayyaan uga noqonaaya isoo tagera
madaxweyne sharkeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
To Said 26
Waan kusalaamay sxb.
Si aad ula socotaba kala qoqobka umada,qabyalada,eexda, boobka, dhaca,kufsiga, is aamin laaanta,kalsooni la aanta,intaasba maxaa keenay?jawaab waxaa keenay SHAYDAANKA CADee indhaha buluuga ah leh.ufiirso waxa uu yimid dalkeena taariikhdu markeey aheed 100 asagoo dhanka masar ka soogalay oo ku yimid itoopia halkaana waa itoopia ee uu ka abuurey kaniisado uu kubarayo dadka INUU YAHAY ILAAH.taariikhdu markeey aheed 600 baa islaamku yimid halkaas itoopia asagoo kasoogalay xeebaha soomaalia ragbadan oo soomaali ah baa soo dhaweeyay asxaabadii diinta.waxay markaa dageen Adari oo laga taagay masjid,waxaana imaam ka ahaa rag soomali ah,waxaa ugu danbeeyay ahmed ibraahin gurey oo ahaa nin kii dilay badmareenkii aduunka faka dagaama ama shaydaankiiba dhahoo.hadaba brother aniga iyo adiga waxaa laynaga rabaa inaan dadkeena tusaaleeyno shaydaankaas.mahad sanid qoqobka halayaabin waa sheeko horee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To: dhammaan,

doodan oo mar hore soo bilaabatay oo aad u fidday muddadii dhowrkii bilood ahayd ee la soo dhaafay ayaa waxaa boggeedii meesha ka sooray nimanka maamula somalinet farum!
Waxaa si aad iyo aad ah looga haddllay in magaca Ogaden iyo ONLF labaduba dhibaatooyin aad u waaweyn oo dhagar iyo hagar daamooyin ah ku hayaan jiritaanka ummadda Soomaali galbeed, xornnimo gaadhisteeda iyo mustaqbalkeeda horummar ahaaneedba, markaa nimanka Somali Forum-ka xukuma dacwed ayaan u qabnnaa aan dhammanayn oo ku saabsan sababta ay u xidheen boggii lagaga hadllayey arrintan ee qaybta General-ka ku qornnayd?!
Nimanka aaminsan in Soomaaliya kab iyo xaarkeed tahay oo kale oo ay wanaagsantahay in la islla tuuro waxaan anigu leeyahay ogow waxa waddammada addunka maanta horummar gaadhey inay soo mareen aafooyin dagaallo ehlli ah laakiin karti iyo dulqaad iyo tanaasulaad lagag gudbay waddammadaasnna waxaa ka mid ah U.S.A. oo maanta adduunka waxay ka tahay aan wad aogsoonnahay.
Waxaan odhan lahaa nin walbow isku day inaad ogaato waxyaalo badan intaadan fekrraddaada qraal-shakhsi ahaanee dhiiban.
Ugu dambbayn, waa laga yaabaa inay Soomaali Galbeed xorowdo laakiin waxaa is weyddin leh goorma ayaa laga yaabaa inay xorowdo?
Runtii waa su'aal ay adagtahay in laga jawaabo, balse waxaa mustaqbal ballan qaad leh u noqonaya in haddii aan laddeyn dagaalka lagala soo horjeedo Xabashi waddanku guuleysan doono, laakiin waa in aanu dagaalku ahayn magac Ogaadeeniya iyo ONLF midnnaba, taas ayaana lagu gaadhi karaa istaag lugaha la isku taago iyo arrinta wax walba sal u ah ee ah isku duubnnaasho kalsooni leh.
Haddii aan sii bal ballaadhiyo 1977 markii la galay dhugfayskii Godey adduunku wuu qaadan waayey Soomaaliya ayaa qabsatay Godey! Isku duubnni ayaan ku gaadhnney, raggii sidaas yeelay miyay midhahoodii dhammaadeen, mise Soomaali maanay ahayn ee shisheeyey ayey ahaayeen?!
Diyaaraddii nimanka argegixisada ahaa ee Falastiiniyiintu soo afduubeen 1978 ee lagu soo dejiyey garoonkii diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo iyadoon dadkii waxba gaadhin inta diyaaraddii ciidanka booliska Soomaaliyeed galeen habeen madow qab-qabteen afduube yaashii qaarnna la laayey diyaaraddiina loo celiyey Germany oo asal ahaan lahayd, sixir miyey ku dhacday mise dedaal iyo qaran ayay ahayd jiray oo lagu soo tabcay?!
Germany ilaa hadda Soomaaliya sharaf ayey ugu haysaa diyaaraddaas badbaaditeeda, berigii dhaweydnna gobolka Hiiraan buundodii webiga ayey si wanaagsan u dhiseen gacantooda waxaa ku baxay inan dhow iyo toban jir ah oo Soomaali ahaa isagaana khaldanaa oo isagoo kasoo boodaya xeradii askarta jarmalka deyrkeeda ayaa rasaas la qabadsiiyey ee cidina uma dilin isagoo waddo maraya kas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To: dhammaan,

doodan oo mar hore soo bilaabatay oo aad u fidday muddadii dhowrkii bilood ahayd ee la soo dhaafay ayaa waxaa boggeedii meesha ka sooray nimanka maamula somalinet farum!
Waxaa si aad iyo aad ah looga haddllay in magaca Ogaden iyo ONLF labaduba dhibaatooyin aad u waaweyn oo dhagar iyo hagar daamooyin ah ku hayaan jiritaanka ummadda Soomaali galbeed, xornnimo gaadhisteeda iyo mustaqbalkeeda horummar ahaaneedba, markaa nimanka Somali Forum-ka xukuma dacwed ayaan u qabnnaa aan dhammanayn oo ku saabsan sababta ay u xidheen boggii lagaga hadllayey arrintan ee qaybta General-ka ku qornnayd?!
Nimanka aaminsan in Soomaaliya kab iyo xaarkeed tahay oo kale oo ay wanaagsantahay in la islla tuuro waxaan anigu leeyahay ogow waxa waddammada addunka maanta horummar gaadhey inay soo mareen aafooyin dagaallo ehlli ah laakiin karti iyo dulqaad iyo tanaasulaad lagag gudbay waddammadaasnna waxaa ka mid ah U.S.A. oo maanta adduunka waxay ka tahay aan wad aogsoonnahay.
Waxaan odhan lahaa nin walbow isku day inaad ogaato waxyaalo badan intaadan fekrraddaada qraal-shakhsi ahaanee dhiiban.
Ugu dambbayn, waa laga yaabaa inay Soomaali Galbeed xorowdo laakiin waxaa is weyddin leh goorma ayaa laga yaabaa inay xorowdo?
Runtii waa su'aal ay adagtahay in laga jawaabo, balse waxaa mustaqbal ballan qaad leh u noqonaya in haddii aan laddeyn dagaalka lagala soo horjeedo Xabashi waddanku guuleysan doono, laakiin waa in aanu dagaalku ahayn magac Ogaadeeniya iyo ONLF midnnaba, taas ayaana lagu gaadhi karaa istaag lugaha la isku taago iyo arrinta wax walba sal u ah ee ah isku duubnnaasho kalsooni leh.
Haddii aan sii bal ballaadhiyo 1977 markii la galay dhugfayskii Godey adduunku wuu qaadan waayey Soomaaliya ayaa qabsatay Godey! Isku duubnni ayaan ku gaadhnney, raggii sidaas yeelay miyay midhahoodii dhammaadeen, mise Soomaali maanay ahayn ee shisheeyey ayey ahaayeen?!
Diyaaraddii nimanka argegixisada ahaa ee Falastiiniyiintu soo afduubeen 1978 ee lagu soo dejiyey garoonkii diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo iyadoon dadkii waxba gaadhin inta diyaaraddii ciidanka booliska Soomaaliyeed galeen habeen madow qab-qabteen afduube yaashii qaarnna la laayey diyaaraddiina loo celiyey Germany oo asal ahaan lahayd, sixir miyey ku dhacday mise dedaal iyo qaran ayay ahayd jiray oo lagu soo tabcay?!
Germany ilaa hadda Soomaaliya sharaf ayey ugu haysaa diyaaraddaas badbaaditeeda, berigii dhaweydnna gobolka Hiiraan buundodii webiga ayey si wanaagsan u dhiseen gacantooda waxaa ku baxay inan dhow iyo toban jir ah oo Soomaali ahaa isagaana khaldanaa oo isagoo kasoo boodaya xeradii askarta jarmalka deyrkeeda ayaa rasaas la qabadsiiyey ee cidina uma dilin isagoo waddo maraya kas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
To:enough Intelligent
waan kusalaamay kabib waxaan arkaa inaad saskaqabto magaca walaalahaa ogaden.laakiin ogoow dhib malaha hadaadan ka dhigeen,waayo shalay baa guumaysiga indhaha buluuga ama sheeydaanka ama ninka cadaanka oo ILAAHNIMADA SHEGTO aniga iyo adigana inoo yaqaan adoon uuleeyahay kuqoray soomaaligalbeed dhulkeeda magaca ogaden.si uu bari muran kuudhex dhigo.markaa macnuhumaha ogaden baa leh dhulkaan kaligood.ee aynu kafikiro ineeynu xoroowno ogaden waa qabiil kamida qabilada soomaligalbeed ee halkaa daga waxaan kawadaa ha kumash quulin magac.sow ma ogid in bari iyo mudug ladhihi jiray majertenya oo shaydaan ubixiyay,markii la xoroobay baa udan beeysay tana waa la mid.in laxoroobaa shardiya ee waxa shaydaanka cadi inoo qoray hakudaalin.soomaali waa hal laakiin shaydaan baa ina kala qoqobay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/RAHMAN

Unrecorded Date
SAID 26.
waa ku salaamay ugu horayntii. waxaaan kuugu mahad celinayaa figraddaada wanaagsan eed uga jawaabtay su'aashayda aan korn ku xusay.
laakiin erayga ah somalidu waa xaar iyo kabteeda isla tuura si cad ayaan kaaga soo horjeeda,waxaanan u arkaa inuu hadal gaf ah ku noqon karo dhamaan umadda soomaliyeed meel ay joogaanba.waan ogahay inaadan xumaan ka wadin haddana wa wax loo fasiran karo.waxaa kale oon kuu sheegayaa in adduunkan aan ku nool nahay ay qolo walba mar soo jabtay.waxaa ugu dambeeyey SOVIETKA.
markaa "take it easy"sidii beri samaad la ahaan jiray waa lagu noqonayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To: Gurey,ama Maxammed Gurey, kaad tahayba,

Waxaan qoraalkayga midkan ka horreeyey kuugu carro baabay in Ogadenia iyo ONLF wax layidhaaho iyo urur kale oo magac khaasa wataa midnna aanu mateli karin dhulkan,asalka magaca ee gobolku ku fadhiyaana-Ogadenia- khaldanyahay, sidaas daraadeed ilaa la saxo arrinkaas la fili kari maayo horummar natiijooyin leh, sidaas markaan leeyahayna maaha inaan inaan iska leeyahay laakiin haddii aad maskaxdaada furto arrintani waxay ku salaysantahay dhacdooyin ku dhacay dad la ujeeddo ah gobolka oo jidkaad doonayso maray ilaa haddana qarnniyo ay ku qaadatay inay xoroobaan oo ay maalinba maalinta kasii dambbaysa ay sii adkaanayso inay nabad gelyo helaan xornnimo iska daayoo.Inkastoon bogii la masaxay ku qoray, haddana waan ku celinayaa.Waddammada Falastiin,Lubnaan,iyo kuwo kaleba waxaa haysata dhibaatooyin aan la koobi karin, oo ah inay u qaybsanyihiin boqollaal yar yar oo xizbi haddana u jeedadoodu tahay mi qudha oo ah inay xornnimo gaadhaan. Haddaba, maxay tahay waxay u qayb sanyihiin iyagoo u jeedadoodu tahay mid qudha?!
Sababtu waxay tahay ma laha muqaalufo iyo is afgarasho, mid walibana wuxuu doonayaa inuu urur ahaan hunguri u helo ee dagaal toosa oo daacad looyahay ma jiro taas ayaana sababtay inay weligood quruumo isku soo wareegay sidaas horummar la'aanta ah ku jiraan.Waxaad maqllaysaa Fatax,Jihaad, Xisbullaah,i.w.m. kulligoodnna waa isku ujeedo, waase kala magac; adiguna maahan inaad sidooda u dhaqanto ee waa in aad dersi ku qaadataa waxa adduunka kugu hareeraysan ka dhacaya markaas ayaana qofka ilbax iyo reer magaal lagu tilmaami karaa,iyo adigoo dersa sebenka iyo daruufaha bini aademka la xidhiidhaa wataan iyo midda adiga gaarka kuu ah.
Tusaale kale oo middaas ka dhow haddii aan kusiiyo, Soomaaliya markii ay dhibaatadu bilaabmaysay, waxaa la hubeeyey dad wax ma garato ah oo waxaa lala shiray nimankii qowlaysatada ahaa keddib markuu mid waliba yidhi anigaa Soomaaliya baa bi'inaya ayaa la yidhi sidaad ku baabi'inaysaa? Markaasuu yidhi waan dagaallamaynnaa haddii aan shacabka nahay. Markaasaa loogu jawaabay waar dagaal ma doonaynno iska socdee dagaal wax burburiyo oo ciidda mooyaane aanay waxba hadhin ayaan doonaynnaaye sheeg sidaad ku gaadhi kartaan. Kedib markii mid waliba macag macag yidhi ee la arkay inaanay nidaam lahayn ayaa layidhi nin walbow qabiilkaaga hubee oo yaanu soo gelin qabiilkaaga nin aan ka dhalan.
Sidii ayey yeeleen. Markii ay isugu timid meelihii loo socday iyo caasimaddii ayaa dib la isu raabsaday oo ninba qabiilkiisii hubaysnaa midkii kale ku jeediyey si aan waxba u hadhin, iyagoon fahmayn dabinka loo dhigay ilaa ay socotay oo socotay oo socotay, waxay u baahanyihiinna la siiyo ee rasaas iyo maal ah oo la leeyahay wadaay geediga wadaay.
Adiguna haddii aanu salkaaga aad ka duulaysaa adkayn, ogow inaadan weligaa gaadheyn horummar haddii aad cadowgaad hadda is haysaan ka guuleysatana, midka gudaha ayaa dhibaato badanaya; markaa hadda cadowga shishe iyo midka gudahaba tir tir oo magaca Ogadeen ka mid yahay si aanad hadhow isugu dhicin walaalahaaga kula dhintay ee iyaguna qabiillada kale ah, si aad horummar la taaban karo u gaadho,haddiise aad ku socoto Ogadenia,Majertenia, Dhulbahantia,Habar Awalia,Habar Jeclia,Cisia,i.w.m., hubaal waxaa ah haddii xataa aad xorowdo inaad dib adigu hadhow isu cunayso, markaa hadda salka aad ka duulayso adkayso, intaad isku qoomamayn lahayd markaad joogto meel aadan ka soo noqon karin.
Ilaa xilli dambe, salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
salaan

waan jeclaan lahaa inaan fikradayda soo jeediyo
laakiin somalinet adm. ayaa masaxi doona iyagoon xataa sheegaynin sababtay u baabi'yeen. waxaana garan waayay criteriayada ay u adeegsadaan waxay raali ka yihiin iyo wax kale. ma arko waxaan sheeko ama madadaalo ahayn oo laga faaiidi karo somalinet, tiina iyagaaba dadkii ka hortaagan oo information curfew ku ridaya dadkii.

haddaan u soo noqdo topiggan waxaan u malayn inuu dhibaatada haysata s/galbeed ay tahay mid qota dheer una baahan marka laga doodayo in very impartial la ahaado.

ENOUGH INT.

Salaan ka bacdi . anigoon imika wakhti aan dood ku qora hayn, waxaa dhihi lahaa in markaba doodaada laga dhadhaminayo xaglin iyo biasing..
tusaale weedhaada ugu horraysa intaad ka hadli lahayd dhibaatada guud ee gobolka waxaad cambaaraynaysaa amaba weeraraysaa urur gooni ah iyo magac gooni ah. taasi waxay ku tusinaysaa sidaadan ugu bislayn ka doodida arrintan iyo sidaad partial u tahay .

waan ku so laaban haddii alla idmo.

raalli.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
waan idin salaamay dhamaantiin. waxaan u mahad celinayaa A/RAHMAN oo ah ninka page kan inugu martiqaaday.marka labaad waxaan umalaynayaa inay ahmiyaddu tahay in laga wada hadlo wax yaabaha muhiimka ah.ciddii aaminsan magac aan ahayn
S/GALBEED iyada aya ku dhib qabta waxaana aan kula talin lahaa inay u fiirsadaan ama la socdaan wacyiga maanta meesha uu marayo.waxaana ognahay in ay reer yurub isu tagaayaan adduunkii oo dhanna uu is doonanayo.iyada oo ay taasi jirto maxaad u malaynaysaa cidda doonaysa inay dhul loo dhan yahay ay ku magacowdo magac qabiil u gaar ah.
haddaan nahay reer S/GALBEED waa in aan u xaydanaa horumarka iyo xoriyadda gobolka taas ayaa iga talo ah.
waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maanyo

Unrecorded Date
to..A.rahman.


sxb ma xuma in fikrad laga dhiibto somali galbeed dhulkeenii waaye laakiin somaliya aabo mustaqbalkeeda meel xun ku sii socdaa amxaaro in ay qaadato aabo laga baqaa haduu ilaahay noo naxariisan oo dowlad qeyr qabto oo dhalin marka muqtaqbalka somali galbeed wuxuu ku xiran yahay somaliya oo ka dhalato dowlad islaam ah oo karbaashto bacoowyaashaas axmaarta ah oo ilaa min samaan nadaba joogay laakiin hadey somaliya saan ku sii socoto ayadaabo loo waabaye somaligalbeedna ilaahay aa u maqan.... towfiiqda ilaahay hana waafajiyo,,,,amiiiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
waar somali galbeed meel la yidhaahdo ma jirto
dhulku waa OGADENIA marka ninkii diidanow dillac
dhulka xorriyaddiisii way soo dhawdahay ballanna weeye in canaasiirta oo dhan laga saaro.

magac iyo qabiil ninkii ku meeraysanow dan iyo xeshaa ,kii mabda' aaminsanee dooni inuu u halgamo dhulkow soo dhawoow.

rag ayaa dhimanaya , dhiig ayaa daadanaya marka ninkii dooni inuu arrinta ogadenia ka hadlow kolka hore soo gal halganka, haddii kale dee waligaa waxyaabo nonesense ah la soo taagnow.

ilaah wuu karaa inuu si degdeg ah dadkaa rafaadsan xuquuqdooda u gaadhsiiyo markaasna xisaabtan ayaa wallee iman oo nin walba halganka intuu ka gaystay ayaa loogu abaal gudi.

salaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
maalin wanaagsan

dadka ka sasaya magaca ogaden, amaba u arkaya inuu halgan la gali lahaa dad ka hortaagan yahay, waa dad munaafiqiin iyo xaasidiin ah doonayana inay dadka kala dhantaalaan.
dadkaas hadday dhab ka tahay waxay ku andacoonayaan maysan axmaaro dabada u dhigteene baashooda ayay halganka ka wadi lahaayeen. laakiin waa mahad ilaahay haddaysan mujaahidiinta dhabta ihi dheg jalaq u siinaynin, halgankiina meeshii ugu wacnaa marayo guushiina soo dhawdahay.

waxaa xusid mudan in la sheego in nin aan u dhalan qabiilka absamaha uuusan waligii xabbad ku ridin nin axmaar ah. axmaaradu somaliya siday doonto ayay imikadan ka yeeshaa nin ishor taagi kara ma jiro, waa laga wada hogan. ogadenia oo ay intaas o dhan soo gumaysan jirtay, waa iga wallaahi inaysan laba magaalo si kalsooni ah aysan ugu kala gooshi karin. baabuur ay leedahayna intay qaataan inaysan inaysan meel ku aadi karin. baabuurta shacbiga ayay afduubtaa oo iyagoo dhumaal ah ku tagaan .
kumaa wax taas ka duwan ii sheegi kara?

waxan idinka dhwaajinaya waxaa weeye waxaad ogtihiin in dadkaas aan kor ku soo xusay waxaan ahayni aysan axmaar hor istaagi karin.
inaad iyaga dhaleecaysaan mooyiye tallaabo qaadi karin.

qofkii qaylini ha qayliyo magaca gobolka iyo ururkaba waxaa wax ka badali kara dadka halganka ku jira not canaasiir bilaa mabda'.

waxaa la dhahaa "OOYI DOONOW AAYAR JOOG"
ninkii dhiig u daadiya carruurtiisuna ku agoontowdo, dadkiisana loo rogo uunbaa midhaheedana cuni doona, taasoy ku caan baxeen dadka aan kor ku soo xusay.
qofkii sheekada tigrayga dhagaysanow yeelkaa,
kii dhagaysan qolooyinka bidho-hoorsiga wadaw yeelkaa.
"BIYO MEEL GODAN AYAY ISUGU YIMAADAAN" wallee xaqiiqda iyo dhabta waa laysugu iman.
waxba yaysan dad arrimaha somaliya ka shidaal qaadanaya annaga noogu marmarsoon magac iyo wax la mida.

Caqli gacalkii toosaa fakara
nolosha toolmoone
maskax tacajabkeedii batayoo
tamanni ooyaysa
oo CADHO la tiicdaba waa
taydan oo kale e
...........
.......
rag hal taaya toodii ka dhiga
ama takooraya
TILMAANTIYO MARKHAATIGA
ileen kuguma TAAGEERO
tabuu laasahaga u dhurtiyo
tuugo nin u jeeda
HURDUU kugu tallaaliye
ileen TOOS ku odhan maayo.
........
...
nimaan tadiyo JECLAYN
toorri aad xidhato
tumbuq iyo illeen kuma yidhaahdo
tobonlayaal iibso.
maska iligta kugu tiicayee
kaa turqaday dhiigga
tashaaq micida kaa tidhi
ileen kaaga TUDHI maayo.
.....

illeen nin aan daacad ahayni tafaraaruq mooyee talo kuguma kordhiyo. oo tabtiisu waa xasidnimo iyo si uu dadka u kala tuuro.

rag isbaray, sheeko baralayna soo dhamaatay.
annagu axmaaro wax ilaah na kala siiyaba waanu wadi halganka qofkii na taageeriyow waa wajibkaagii ood gudatay, kii kalwna ilaah naguma kaa qaban.


waan soo noqon haddii alle ii qaddaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
TO:DUUB
waxaan filayaa in aadan u qalmin wax jawaab ah haba yaraatee.laakiin waxaan ku dhihi lahaa af lagaaddada waa laga fiican yahay iskaa daa.teeda kale inaad rag la dooddo waxaa kaaga dhiman waxyaabo badan.markaa ninyahow soo barro ka dib ku soo noqo forumska.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
TO:DUUB
waxaan filayaa in aadan u qalmin wax jawaab ah haba yaraatee.laakiin waxaan ku dhihi lahaa af lagaaddada waa laga fiican yahay iska daa.teeda kale inaad rag la dooddo waxaa kaaga dhiman waxyaabo badan.markaa ninyahow soo barro ka dib ku soo noqo forumska.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUB

Unrecorded Date
WARDHEER

MARKA HORE MAGACA WAAD KU XAD GUDUBTAY. TA LABAAD WAXAAN U MALAYN INAANAN CIDNA AFLAGAADAYN EE XAQIIQDA TAALLA AYAAN KA HADLAY. MA WAXAAD DOONAYSAA INAYNU CARRAB LAALAADIN IYO BEERLAXAWS BEENA ISKU MADADAALINO. MAYA, WALLEE INAY TAASI SOO DHAMMAATAY. KOLKA AAD AXMAARKA XABBAD KU DHUFATO AMA AAD SIGTO AYUU HADAL KUU BANNAAN YAHAY
WIXII KA HORREEYA XAGGAYGA QIIMI KAMA LIHID, KUWA TIGREEGU LUGGOOYAY AYUUNBAAN KUU ARKAA EE UU KU SHAQAYSTO EE DABADU JEEXANTAY.

AF-SOMALIGANA HADDAAD TAQAAN MEESHA AAD I LEEDAHAY DAD BAAD CAYDAY SOO SHEEG, AMA ARRIMAHA AAN KA HADLAY EED IGU DIIDANTAHAY.

XILLIGU MAANTA WUXUU JOOGAA "PUT UP OR SHUT UP".

NIN UUSAN WARANKAAGU MUDIN WEEDHAADU WAXBA KAMA TARTO.


DUUB.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
S/Galbeed intee waayena? Iga soo jaahil bixiya.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
Assalaama calykum.
KU.dhamaan.
waxaan rabaa in mawduuca wax ka iraahdo, markahe dhulka gabi ahaantiis waxaa iskaleh EEBE WAYNE cidii uu doonana wuu dhaxalsiiyaa sida ku cad aayadaan"INNALARDA LILLAAHI YUURITHUHAA MAN YASHAA'U MIN CBAADIHI WAL CAAQIBATU LIL MUTAQIIN".
Marka halkaas iska dhig wax kale oo dhan dhulkaan kawuxuu maqan yahay dhamaan dadka islaamaka ah dhan waana u xisaabsan yahay waligoodna way usoo dagalami jireen hadan way udagaalamaan ayagoon kasocan qolo iyo qabiil midna tusaale axmed guray mawaxa uu kudagaalamaayay reer hebel iyo magac hebel.
midakalesaw miyaad iloowdeen in 80 sano kahor dhulka muslimiintu ay mid ahaayeen aynan jirin magacyadaan iyo xuduudaan shalay igriisku nookala qoqobay si uu nookala dhalantaalo?.
miyaadse iloowdeen in harah oo dhulkaan kamid ah ay ahayd Xarunta looga taliyo dhulka soomaalida oo dhan khilaafadii ugudanbaysay ee muslimiinta ee kadhisnayd turkiga?!.
war nimanyhaw fahamkiina kor uqaada oo taariikh yaan la'iloobin.
IQRA'UU ATTAARIIKHA ITH FIIHILCIBAR DALA QAWMUN LAYSA YADRUUNALKHABAR.
hadii ilaahay idmo waan soo ceshan doonaa dhulkeenii iyo sharafteeniiba hadii aan wado fiican u marno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough intelligent

Unrecorded Date
Ninka Duub layidhaaho ayaan meesha u deynaynnaa ayaan u malaynayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUB

Unrecorded Date
IIMAADAN DAYNIN ANIGA E DHABTII MARKAAD ARAGTAY AYAAD XAMILI KARI WAYDAY OOD CARARTAY.
MIDDA KALE ADIGU GEDO AYAAD KA HADLI KARTAA EE OGADENIA KAMA HADLI KARTID.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
TO:ENOUGH INTELEGENT.

war nin yahow waan ka xumahay in meel walba uu joogo mid la mid ah kan isku magacaabay DUUB.waxaan laakiin kuu sheegayaa in ay u jeeddadiisa tahay carqalad iyo af lagaaddo.iska indha tir dadka xun xunka ah waxay ku hadlayaan.
halkaasna ka wado inaad dhiibato fikraddaada.

DUUB:
dadka af xumo ha la soo doonanin.weli waxaan ku leeyahay soo barro sida ragga loola doodo"debate".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/RAHMAN

Unrecorded Date
WAXAAN KA CODSANAYAA DHAMAAN AKHYAARTA FIKRADDOODA KA DHIIBANAYSA HALKAN IN XAALADDA LA DEJIYO.HADDII ARINTAA LAGA DHAGA ADYGO WAXAY KEENI KARTAA CAY IYO WAXAAN LOOO BAAHNAYN.
WAXAAN IDINKU BOORIN LAHAA IN LA IS WAYDAARSADO
WAXA DAN U AH SHACABKA IYO DHULKA SOOMALI GALBEED
IYO DALWAYNAHEENA SOOMAALIYA.

WAA MAHADSAN TIHIIN.
THANKS FOR YOUR CO'OPERATION.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
Dad ayaa waxay ku murmayaan waxay somalidu isku haysato. haddaan laysu oggolayn in ruux waliba fikraddiisa dhiibto sow dan laysu qabsan maayo oo waliba sidii laba digaag ilkaha laysku cunimaayo.
bal hadda kaa isku tilmaamay WARDHEER ee markuu wax uu dhaho garan waayay inuu dad kale wax ka sheego bilaabay dhawr.abti waxaan ku dhihi lahaa ilaahay nin ayuu kaa dhigaye meeshaad i leedahay dad baad cayday isoo tusi. haddaad i leedahay waxaad aaminsantahay dhab ma aha dee ii sheeg waxa dhabta ah; haddaadan intaas samayn karin
NINKII HADALKU SURINKUU LAHAA SIN UGA LEEXSHAABA
WAA SANAB SABBAAXADI DHASHOO INA SALIID WEEYE.

ka isku tilmaamay enough inteligent, markaad Gedo tigrayga ka erido Ogadenia ka hadal inta ka horraysa rag axmaaro la dagaalaya kuuma habboona inaad wax ka sheegto.

ninkaan dood cad la iman karinow wakhti hayska lumin.

ta kale waxaan doonayaa inaan idhaahdo inaanan ninna caayin ee mabda'ayga aana qofna kala cabsanayn.


diinta islaamku waxay faraysaa in hadday dadka badankii arrin isku raacdo in inta diida la laayo.
maxaa yeelay dadkay kala dhantaalayaan.

duub

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TO:enough Intelligent


Asalaamu Aleeykum

YAAN LAYNA MASHQUULIN

Waxay ilatahay guumaysigu siduu rabay baataagan.waayo OGADENIA ama SOMALI/GALBEED labaduba hadaan laxumeeyn dhib malaha.nin ka ku doodaya oo wax ween u heeysta MAGACA ogedenia oo leh hala qaato waxaan oran lahaa ka joog brother waayo waxaa dhibsanaya walaalahaa ku laleh dhulkaan.
ninka ogaadenia kaxa naaqayoow ha u arkin wax ween waa qabiil soomaaliyeed oo kula dhashay oo gumeysi ku magacaabay dhulka,macnuhu maha ineey iyaga leeyihiin waa uun magac.
waxaa ila haboon in aynu xoriyadeena raad sano ee aynaan wax rag bixiyay ku mashquulin.waayo magacaba in dhulka lagu magacaabo guumeeystaa keenay.ninka ogadenia dadka ku qasbayoow kawaran hadii dhulka la oran lahaa GARILAND ama abasguulland ama isaqeenia ama dir land ama sheeqaaleenia i.w.m waxaad dhihi laheed waa magac qabiilee walaalayaal inaga daaya. markaa adna hada hadii walaalahaa dhibsadeen kadaa,ama waxaad ufasirmi mid kaba qaad u ah fikradii ninka cadaanka ah uu dhulkeena itoobia kusiiyay.ani ahaan inaan mid nahay baa iiroone waxaa doontaan ubixiya dhulka koleey kutahay GUREYLAND.ANIGA AFRICA aan mid karabaa idinkuna hooyo ubad keed baad kala gureeysaan.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wedi

Unrecorded Date
Somali galbeed or OGADENIA,,,,is part of somalia,,,it's matter of when are we gonna get it....remember the 5stars

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
TO:GUREY 1.

ninyahow aad ayaan kuugu raacsanahay figraddaada.
laakiin waxaa meesha yaalla,figrad aad u qalafsan oo dad fara badan oo ku nool gobolka ay aaminsan yihiin,oo runtiina qayb balaaran ka ah dadka ku nool gayiga.waa magaca ogadenia.aniga figrad ahaan waxaan qabaa in laga tanaazulo waxyaabaha aan soconayn.layskuna fahmo danta guud.haddii ayna taas dhicin waxaa dhici karta in ay berri soo baxdo oo ah sida aad sheegtay:GERILAND ama qabiil ka mid ah qabaa'ilka faraha badan ee degen gobolka oo la raaciyey "land".
waa mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TO:Wardheer

Asalaamu Aleeykum
walaal waad mahad santahay garashadaada.tankale waxay ila tahay in aan ogaano in ninka cadaanka ah ee leh indhaha biliilka oo ilaahnimada sheegtaa uu qaaradeena africa ka soobaxay 1960 kii isagoo leh xorbaa tihiin halmar iyo xiliyo isu dhaw.muxuu halmar uuga soobaxay? maxoog beeynu kusaaray? inagama soo taginee xeeladii shalay buu badalay.waxa uuna inooga tagay gumeeysi maskexeed sare iyo inaan dhexdeena eey naan heshiin.waayo hadaan heshiino waxaan dareemeeynaa in uu isagu cadawgeena jira yahay.

maxaa nin cadaanka noociisa ah oo baahan caalamkaan looga waayay? sababtoo ah waxa uu ku nool yahay dhiiga aadanaha kale oo dhan.marka walaal hala yaabin dabinka uu dhigay hadaad aragto qaar wali ku dhagan,waayo hore buu u ogaa inaadan kafujin kareeyn mudo dheer.laakiin maalin maal maha kamida qofwalbaa wuudareemi doonaa dabinada sheeydaanka cad ee indho biliilka xiligaasina waa xiliga adanuhu maa muli doono aduunka waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
Salaan qiimo badan ka dib;

waxaan aad uga xumahay in aan arko markasto oo la damco in laga hadlo arimaha dhulka somaaliyeed oo uu gumaystaha haysto loona yagaan Ogadenia in lagu dhumiyo waqti badan MAGACA DHULAKAAS!!!

aniga waxaan u arkaa dhulkaas in uu somalida oo idil ka maqan yahay balse waxaan is waydiiyaa sababta loo wada raadsan la'yahay.

Guray

waxba ha saarin eeda umadkale dhibaatada ina haysato waa tu aan ugu talagalnay!!marka indho buleg waaba laga sokeeyaa

Ciise Rooti
Somali Galbeet waa Ogadenia oo Af Arabi ah noooooh

Enough entell,A/Rahman,Dubad,wardheer,Guruy iyo dhaaan akhyaarta.

waxaan idin leeyahy fadlan isku daya in aad doodiina xiiso u yeeshaan kana dheeraatan aflagaadada iyo xanaaqa.

hadii la helo dhalinyaro yar oo wax garad ah waxaan hubaa in ay SHILABO nagu wada filan tahay ee fadlan aynu ka fakarno sidii aan wax u qabsan laheen oo aan u xoraysan laheen dhulkeena.

till next time
Shilabo Power

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TO:missshilabo

Asalaamu Aleeykum

waxaan qabaa wali in dhibkaan oodhan indho billiil kadanbeeyay.laakiin kuuma dii dani aan fahano xeesha iyo dabinka la inoo dhigay oo ubadkeena xoriyadooda barito kafakaro.anagu soconee.mida kale hadlaka aatiri sax weeye

WAA SIDAAD UTIRII
HADALKAASI SAX WEEYAAN
SAX WEEYAAN WAA SIDAAD UTIRII
HADALKAASI SAX WEEYAAN SAX WEEYAAN
WAA SIDAAD UITRIIIIIIIIIIIIIII
HADAL KAASI SAX WEEEEEEEYAAN SAX
WEEYAAN SAX WEEYAAN SAX WEEYAAN ....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
miss shillabo

wax hadal quman oo waxtar leh ku hadlay oon adiga ahayni ma jiro. waana kugu mahadinayaa. waxaadse ogaataa in qolooyinka meeshan waxbaanu doodaynaa leh inay laf cad toobiyo ku hayaan. aysanna u dan lahayn inay real issues ka gobolka ka doodaan.
midda kale nin aan gobolka u dhalani kamaba hadli karo sidaa naftaas isku magacawday enough intelligent ee doodiisaba ka billaabay onlf dhagar ayay ka galysaa dadka gobolka . halkaas waxaad ka garan inuu u dan leeyahay qabiil yo waxyaabo aan loo baahnayn. ta kale wuxuusan ogayn inaysan onlf urur ahayn ee ay dawlad tahay. adduunkii oo dhanna maanta laga ictiraafsan yahay inaysan ethiopia gacanta ku hayn securitiga gobolka si cadna uu taas u sheegat ZENEWI. marka qofkii onlf diidani xaq ayuu u leeyahay laakiin cid ay onlf magaceeda iyo ka wadanka kala xaajoon ma jiro intaan ka ahayn nin isaguna halganka ku jira.

Qarnigii ina soo dhaafay haddanu nahay dadka u dhashay gobolkaa waxba kumaanaan lahayn laakiin idimka alle kani waa kaayagii. somalina waa la xisaabtami.

marka inaadeer ha iskaga luminin wakhtigaaga la doodida dad aan u dhalan gobolka oon haba yaraatee wax fikradi uga baxsanayn ogadenia.

nabaadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
Guray-1

mahadsanid walaal bal nala soo socodsii heerka aad kala maraysaa indho biliil.

Duub
hadalkaada waxaan ka dareemayaa in aad tahay nin ayidsan ONLF run ahaantii qof kasto waxuu xaq u leeyahay in uu taagero cida uu doona madama uu ku qanacsanyahay fikradahooda.

Balse waxaan jeclaan lahaan in dadka kalena la siiyo fursad ee ku sheegtaan waxa ay ayidsan yihiin si loo wada hadlo waxna loo gaaro hadalkayga waxaan ula jedaa anaka oo aan meel fog gaarin ayaan kala boodnaa islamarkii.

fadalan iiga soo jawaaba su'ashaan

MA YAHAY TIGREGA CADAWGA SOMALIYA????


GURAY
DUUB
WARDHEER
A/RAHMAAN
ENOUGH/ENTER
DUBAD
IYO DHAMAAN AKHYAARTA KALE

haday jawaabtiinu tahay haaaa!!! maxaan u arki la'nahay taaaaaaaaaaaaaaas, oo aan ugu meeraysanaynaa meel cidla ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAHAMED

Unrecorded Date
KU DHAMAAN WAXA SHEEGTA SOOMAALI GALBEED GAAR AHAAN OGADEN.
SAAXIBAYAAL INTAAD KA HADLAYSAAN AYAAHA SOOMAALI GALBEED GAAJO AYEY U MADHANAYAANE MAAD DONATION U FURTAAN AAN WAX UGU DARNEE, HORTA ANIGU DOATIONKII UGU HOREEYEY WAAN BIXIYEY SHALAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TO:MissShilabo
Asalaamu Aleeykum
1.indho billiil
2.tikree

1.Aan kuhoreeyo suaasha ah xageed kala mareeysaan indho biliil? gacalisooy hada asagoo laba waji ku kala socda ayuu qaaradeenii AFRICA jaha wareer kuhayaa.waji waa usa wajina waa europ.wuxuna waa isla sheeydaan kiilee.waxa uu isaga kaa dhigaa waxaan is ogeeyn waayo waa sheeydaan.wajiga usa waxa aad lasocotaa in uu clinton tagay qaarada oo kasoo dhaadhiciyay inuu yahay barwaaqeeye ama gaajotire ama nooleeye intuna waa awooda ilaah.markaa waxa uu kuyiri wadamada africa uugu barwaaqeeysan sida ugaandha,malaawi,zaiir,musambiik,southafrica,nigeria,kenya,in ay badeecadooda canshuur la aan keen sadaan usa,macnaha suuqbuu ufuray.europ waxa ay 15 wadanba shir uugu qabteen cairo africa waxayna uugu baaqeen jano ilaah baana wax janeeya.qadaafi baa runta usheegay asagana waaxaa loo yaqaan ninkii waalaa waayo ayaguu fahmay.ninkii dantiisa gartaa iyo dalkiisa waa waalan yahay waana la godoomin.hadaba muxuu ninka cadi sidan usameeynayaa? waxa uurabaa oo balan kuqaaday inuu dadka kaleexiyo jidka saxda ah oo uu kadhigo adoon uuleeyahay oo isaga caabuda.calaamadaas waxaa iskaleh sheeydaan.ujeedadiisa fogna waxay tahay in uu ubadkiisa bari ku korsado qaaradaas kuwa hada kunoolna uu si dadban ubaro bixiyo.2.arinta tikree hadaan kahadlo waxay ila tahay tikree cadawgeena maha ee waa walaal fahankii kamaqan yahay.kuumana diidani inaan tusno khaladkiisa.waayo waxaan u arkaa in sheeydaan kaa indho biliilka ahi uwax yooday.hoog waxaa kusugnaaday indho biliil intii rumeeysay,waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
MAHAMED
walaal la soco abaarta waa daruuf la soo maro waana laga bixi doonaa dhulkaasina sidaa muusan noqdeen hadii laga xareen lahaa gumaystaha foosha xun.

guray1

huuna bal ka jooooooooooog adiga ma aheeeeeeeeeee

hada ma waxaad ilaydahay tikree cadawgeena ma aha!! oo waa walaaaaaaaaaaaaaaal!!!!!!!ka dar oo dibi dhal

akhuru zamaan miyaa la jooga mise anigaa......
xagee lagu arkay walaalo is laynayo oo waliba is GUUMAYSANAYO????????????????????? hadiiba saas lagu yahay walaal walaalnimooy XAAL qaado.

guray bal ii sheeg marka CADAWGAADA fadlan ha i oran INDHO BALIIL

till next time
ShilaboPower

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Unrecorded Date
GUREY SHILABO IYO INTA KALE EE WAX KU QORTA HALKAN.
yaa la socda waxaa ka dhacaya ogadeeniya ama soomaali galbeed waxba marna tigree ha fuulina marna sidii oo aad siyaasiyiin tihiin faraha hala gelina qaareada dhan, waar maxaa keeney UGANDHA, KENYA SAIIR, DANAHA UU KALEEYAHAY AMERIKANKU,
MAXAA KU OGAYSIIYEY SIYAASADA QADAAFI.
SOOMAALI GALBEED MAANTA WAY TABAALEYSAN YIHIIN EE SIDAYNU WAX UGU QABANAA WALAALAHEEN OO AAN DADKA KALE CAAWIMO UGU WAYDIINAA YAAA MAANTA INALA GUDBOON MAAHA IN AYNU XAQIIQDA ISKA INDHO TIRO, OODA DHACAMEED SIDAY U KALA SAREEYAAN AYAA LO KALA GURAA.
anigu uma dhalan soomaali galbeed laakiin waa dad walaalahay ah jaarkayna ah waan ka naxayaa dhibaatadooda markaa gacmo wada jir ayey wax ku goyaane talo keena sida ugu dhakhsaha badan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Unrecorded Date
WALAALAYAAL.

Dadka markey yimaaddaan dibadaha iyo meel wax laga qaban karo waxbey qabtaan. Aniga waxaan aamminsanahay waxa ugu weyn ee aad waddankiinnii u qaban kartaan (somali galbeed) inaad furataan URUR u hadla xuquuqdooda ama aad ku biirtaan haduu jiro mid xaq u dirir ah oo dunida tusaaleeya dhibaatooyinka , gummadka, qofka oo loo dilo diintiisa iyo dhammaan xuquuqul daanyeerka xita dunida muslimka loo oggol yahay ineyan ka jirin itoobiya dadka tusa.

Goorma ayey somali ka caqlin doontaa jaajuuska, beenta, is naceybka, cadaw u kala dhuumashada ay u kala dhuuntaan gumeysiga madoow ee dulleystey dadkii?. War miyaadan damiir laheyn dad yohow oo aadan marna ku fekerin in sidaan aad isu dhaantaan. Soomaali waa ummad iyadii cadaabka is galisey. Aniga waxaan idin leeyahay dadkiinnaan somali galbeed ka yimid inaad walaaloowdaan oo gacma wada jira aad noqotaan oo dunida aad ku dadaashaan sidii codka dhibaateysan ee somali galbeed ka imanaya aad u tustaan dadka koley noqoto inaad WARQADO DACWO AH U QORTAAN SAFAARADAHA DUNIDA. ILaahey ha idin garawsiiyo walaaltinimada iyo is jaceylka la idinkaga baahan yahay.

Aniga soomaalida itoobiya waxaa innaga dhexeeya waa walaaltinimada xagga islaamka iyo soomalinimmada waxaanan jeclahay iney noqdaan dad isku xiran oo mar haddii soomaalidii kale teeda ku mashquushey in iyana ay tooda u kacaan intii la helaayo dawlad ku sheeg soomaalidana calankeedii soo nooleysa, loogana helo soomaali tadhawuciin ah oo u dagaalama walaalahood kale. weyna imman doontaa haddii eebbe idmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TO:MissSHILABO
Asalaamu Aleeykum
Waxaan filayaa dadku haday wada falanqeeyaan xaajo taagan,waxaa haboon in lays fahmo oo meel wax laysla dhigo.gacaliso shilabo waxa aan qoray si dagan u fahan.waxaan ka wadaa ASAL ahaan tikree walaalo aan nahay.hadaad inkireeyso waa meesheeda,laakiin baan ku iri waa walaal fahan kamaqan yahay.waxaan ula jeedaa waxay garan waayeen wada dhalashadii iyo nabad kuwada noolaashihii.oo damac walaal guumeey sasho aa lagaliyay.waxaan kuu raaciyay,kuuma diidani in aan tusno khaladkiisa.waxaan kawadaa aan iska xoreeyno oo tusino in uu jid sheeydaan hayo.kadibna aan uugu baaqno fikrada fog een aamin sanahay ee ah africa nabad iyo nolol kuwada noolaansho.sidaa iifahan gacalisooy mise haleelo geel dhalay oo shilabo daaqaaya danbarkeedii baad bad satoo hadalkeeygiibaa labashub kuugu dhacay!!!

cadaw geeyga koobaad waxaan u arkaa ninka cad.
waayo shiine oo aduunka ubadan noolaan waayin
hindi kama joogi waayin
carab wax ima yeelin
noocyada kale oo dhami waxay iyeeleen majiraan

waxa ikala qoqobay ee ikala dilaalay ee i iibsaday ee hada aan kanoo laan la ahay waa sheedaan kaan cadaanka isku sheega.

mohamed qadaafi waa adame waana walaalkeey,walaal dadkeenii aan wax uqabano waa hadal nin weeyni ku qanci karo waana wadada saxda ah.waase laga horeeyaa maxamadoow waayo maskax xor ah ayaa talisa hada fiiri waxaan kaa dareemee inaadan maskax ahaan xor aheen hana iga xumaan walaal tusaale waxaad leedahay aynu dadkeenii wax uwaydiino aduunka macnaha aduunkale majiree ninka cad.waxaana ku danqiyay dhibka laga sheegayo,markaa waxaan utuugnay miyaan ku haqab beeli karaa? maxaa kuu diiday aniga iyo adigu inaan garano sideen usoo saaranaa cuno? sideen biyo u soosaaranaa xoogeena? sideen guri dhisanay ee waa kaa aqalsoomaaliga waxaa hindisay ingineer soomaaliyeed ee aan uhormarinaa? maxamadoow waxaad ogaataa inaan la ogoleeyn in aad isku qeebto.abaaraha daa habaaba een oo ha dareemeen xanuunka gaajada hana keenee xal.laakiin rashin bisil iyo mucaawimo waxay kuu kor dhisaa gunimo joogto ah.waxaad ixasuusisay ninka mida aadamaha una dhashay shiinaha oo hogaamiye ahaa,baa xili abaaro daran iyo macaluul soo food saarta dadweeynaha shiinaha oo ay kun kun udhimanayeen,nafaqo daro iyo baahi aawadeed,ayaa waxaa usoo gurmaday indho biliil intuu waliba isu habar wacday,waxaa lakeenay diyaaradaha waaween ee lagu daabulo ama lagu xamaalo cunto tiro badan.garoon kii oo dhan baa diyaarado raashin iyo daawo qabsadeen.ninkii hogaamiyaha waxa uulahadlay shacabkiisii waxa uu yiri hadal dhaxal galay.(DADOOW LABA KALA DOORTA 1.DHARAG MAANTA INAGA FUJISA BAAHIDA 2.GAAJO DHEER OO INA GUMAADA LAAKIIN AYKADANBAYSO DHARAG JOOGTO AH IYO GOBONIMO JOOGTO AH.waxay dhaheen hogaamiyaha yagiiyoow waxaan dooranay gobo nimo markaasaa dhexda laxirtay oo raganimo ladareemay,waana laga gudbay dhibtii,maantana waaba horseed.ninkii waxa uu amray in indho biliil mudo 2 saaca kula laabto dayuuradi hiisa iyo badarkiisa hadii kale waan kugubaa kuli.indho biliil oo caraysan baa soo laabtay.markaa maxamadoow kaalmo kacarar waa gunimee.dadkeena aaan ku gubaabino tacliin iyo tacab.
waa badiyee iga raali ahaada waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
Salaan sxbayaal.

Horta waxaa wanaagsan in qof markuu arrin ka hadlayo in uu arrintaas wax uga baxsan yihiin.
innagoon dhexdabaalan siyaasada adduunka oo isku koobayna OGADENIA waxa wanaagsan in bal marka hore la isla meel dhigo--

maxay dadka somaliyeed ee axmaaradu gumaysato doonayaan?

jawaabtu waxay ila tahay inay doonayaan inay xaqooda nololeed helaan (basic human rights).
ha ahaado xaqaasi mid aqooneed,dhaqaale,siyaasad dhaqan, diin, horumar etc. bal intaan la gaadhin xornimo iyo arrimo kale, maxaa yeelay dareenka ah in laga go'o wadan waxaa keena marka la waayo xuquuqdii asaasiga ahayd la joogga wadankaas.

Marka xuquuqdaas yay ka doonayaan?. waxay ila tahay jawaabtu inay tahay "ETHIOPIA".
Marka Ethiopia ma oggoshahay inay dadkaas xuquuqdooda siiso inta ka sukaysa xornimo.
qofka strategiga ay ethiopia ka leedahay gobolkaas si fiican u garan way u fududahay jawaabtu, waxaana u malayn inaynu ka wada dhergsanahay waxa ay ethiopia ka damacsan tahay gobolka. arrintu markay saas tahay waxaan u malayn inay dadku hal option leeyihiin kaas oo ah inay u midoobaan siday heeryada gumaysiga isaga qaadi lahaayeen.

Abaaraha hadda gobolka haysta ma waxaa dhaliyay oo kaliya roob yaraan? beera la'aan? etc. dhulka ninkii yaqaana ayaa yaqaanee waa wada biyo, ee axmaaradaa dadkii ceelasha ka fadhiisata oo marmar wiigag idil u diida inay dadka iyo xooluhuba ka cabbaan, xoolaha waxa laayayna waa oon ,ilaa haddana waxay daqaan way heli lahaayeen.
abaarahana waxaa la dhahaa "ABAAR DADEED" maxaa yeelay dadka awoodoodii dhaqaale oy wax ku iibsan lahaayeen ayaa yaraatay, ceelashii axmaaradi ayaa fadhida oo dadkii qaarna u diidaysa qaarna ka gadaysa, marka abaarahan waxaa dhaliyay cabudhaad ay axmaaradu dadka cabudhisay.
shalayna waxay tidhi nabadgalyada ururrada NGOs ma sugi karro, taasoy micnaheedu tahay iyagaa baabuurta iyo shaqaalhoodaba layn karta ka dibna eeda waxay saari ururrada ka soo horjeeda.
cuntadii dadka la gaadhsiin lahaana waxay u leexin ciidamadeeda.

marka saaxiibayaal arrinta ninkii dooni inuu magac iyo marmarsiinyo kale ka dhigiyow qushigaaga.

somali wayn hal cadaw ayay leedahay, waa marka xaqiiqda loo soo noqdo ee laga baxo somali clan-politics. kaasna waa XABASHIDA.

Ninka yidhi TIGREY cadawgayga ma aha waxaan ugu jawaabo garanmaayo.

Miss SHILAABO hadalkaaga sax weeye qof waliba waxa uu doono inuu aamino ayuu xaq u leeyahay kana hadlo , laakiin somalidu waxay ku maahmaahdaa
"GAALKA DIL GARTIISANA SII" taasoo ah in waxa lagaaga gar leeyahay aad qirato, waxaad doontana aadan iska sheeganine aad bal horta u miidaan daydaa. waxwalbana aad labada dhinac ka eegto.
aniguna qof fikradii ma diidine laakiin waxa wanaagsan qofku markuu wax sheegayo inuu caddayn la yimaado.

nabaadiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TO:DUUB
Asalaamu Aleeykum

duuboow sxb waa suurto gal inaan jar kadhacay,oo waxaad xaq uleedahay inaad iqabato oo wax itu saaleeyso.qofkii walaalihii taladooda diidaana,waa qof aan rabin isfahan iyo danta guud.

rayi ahaan uma arko cadaw fog tikree iyo axmaaro.waayo dheh 1977 dii maxaa ninka cadi uu noo jabiyay ma itoopiaan baa?
ogoow inama kala jecla oo wuu kabaxan yahay ama og yahay inaan wada dhalanay,oo dagaal dabadii heshii neeyno taasuu inaga ilaalinayaa.shalayna isagaa dhulkeena bixiyay.oo dhibkaan oo dhan na dhex dhigay.intaad leedahay walaalkeey waa cadaw fog aniga iyo adigu isku fikir manihin marka la eego qodob kaan.walaal indho billiil waa ina kala qoqobay oo ina qeeybshey inagoo walaalo ah.maxa suusataa shalay markii walaal keen LAMUMBA ee ZAIIR udhashay markuu rabay inuu walaalihii waa AFRICA ee isu keeno in cadaanku utashaday oo waliba xaniinyaha laga siibay jirkiisiina la googooyay,markaa markuu inoo doo dayay xaqeena inagoo soomaali ah ma waxaad leedahay LAMUMBA soomaali buu ahaa ama ogadenia buu ahaa?waxaan ku talin lahaa ama fikir ahaan ila quman in aan si nabad ah ku xalino colaadaha sokeeye ee qaarada la dhex dhigay.dhibta waxa keenay markaad fahanto sifiican ayaad xal raadin kartaa.
mid ogoow sxb hadaad aragto nin madoow oo ninmadoow guumeeysanaya waa uun laba mid.

1.waa nin sheeydaan kii indho billiil kudhex jiro
2.waa nin faqiir ah waxaan kawadaa xaqa aqoonta iyo maskaxda arimo la xariira ayuu faqiir kayahay.
waa kabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
guray1

waa iga qoslisay walaahi caano geel ayaan shaaha ku cadaystay maalintaaaaaaaaaaaaas iyada ah!! ( (waa kaftan ee ha i soo warsan caano geel)walaal aniga horta marka aad i dhahdaba tigree baa walaalo nahay marna waan yara naxaa marna waa yara qoslaa lakiin waan ku fahan sanahay waxa aad hadalkaada ula jeedo oo xumaan uma qaato.

hore ma u maqashay """FIRST IS FIRST""" bal hanoo danbeenso walaaltimada iyo midnimada AFRICA ee hada soo ma fiicno in aan ka hodalno xaqiiqda jirto taas oo ah Tikree in uu i gumaysto hadaba sidee baan walaal ku noqonaa nin ii diidan nolashaba!!??

indho baliil iyo isaga waa ii siman yihiin maanta runtiina isaga ayaan ka necbahay.

qof kasto oo wax garad ah wuu garan karaa maamulka in uu wato INDHO BALIIL balse TIKREE hadii uu is indho tiray oo uu idilayo maxay ii taraysaa walaaltimadiisa.


duub

walaal waxaan u malaynayaa in aad tahay in ka warhayo Ogadenia qoraalkaadii ugu danbeeye aniga shaqsi ahaan waan kugu raacsanahay waxaad sheegtayna runtii waa wax jiro loona baahan yahay in ay dadka oo idil ogaadaan.

Ogadenia waxaan joogay labo bilood oo kaliya balse waxyalo badan ayaan ka soo bartay dadka dibada jooga iyo xaqeeqda iyo dadka guda joogo waa kala labo sidaas daraadeed waan ku faraxsanahay in uu bilawday waqtigii aan ka hadli laheen amaba ku dhaqaaqi laheen ficilo kala duwan kuwaas oo ku saabsan xaqiiqda taalo Ogadenia.

Shilabo Power

till ne

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TO:MissSHILABO

Asalaamu Aleeykum

waxaa sharaf ween ii ah inaan wax laqeeybsado oo ka qeeb qaato wada hadalka danaha guud ee dadkeeyga iyo dalkeeyga,si leh ixtiraam,aqoon,iyo xor u hadlid buuxda.

gacaliso shilabo waxaan kuleeyahay bakheel sanidaa!! mise waad xishootoo goobtaa fagaara ah? sibaad rabtaa kalidaa inaad haleelada umaashee!!

hadaan usoo laabto moowduucan,waxaan oran lahaa marka aynu isla fahano cadawgeena fog ayaan xalin karaa xirgifta sokeeye.shilabo waan isu soo fikir dhawaanay ani iyo adi hada.hadaba hadii aad si dhab ah iila fahantay in walaalkeen layna cunsiiyay oo dab layna dhex dhigay xal waa heleeynaa.ee tan horta aan wada fahano.hadaynu isla fahano indhobiliil waxaan ugudbeeynaa xirgifta sokeeye.kohor maya anigu jidkhaldan ku habsaami mahayo.tusaale yar aan kusiinaa shilabo oo ah sidan

hadii aabe ubadkiisii dagaalaan iyagoo yaryarba waxa uu ku yiraahdaa kii wax dilayay asagoo og inuu gardarada wado abe daa waa walaalkaaye!!!
laakiin hadii wiilkiisa ama gabadhiisa cidkale ay baado ama dhacdo ama disho aabuhu waa dagaalamaa.fiiri markaa aniga shisheeyaha ayaa ii muuqdee khaladkaan dhexdeena sixid buu rabaa iyo walaal sidaa maha ee sidaan weeye.laakiin indhobiliil waa noo dagaal daa in abidkeed.waabadiyay ee waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
salaan ka dib

guray1
""" ani iyo baqiilnimo kala dheer ee waxaan diidayay in aan ku muhiyo"""

guray aniga iyo adiga maalinba maallinta ka danbeesa is fahankeena wuu sii yaraadaa hadana aniga hadalkaada waxaa iiga dhadhamayo in uuna TIGREEGA xanuun kugu hayne as long aad la soo tagan tahay WALAALO ayaanu nahay marka waxaan u malaynayaa in aan kugu dhaafi dhica INDHO BALIISHA maadama aad i laydahay.......

MissShilabay aniga tigree waxba igama haysato dhibna iguma haysoo oo xataa hadeey i disho waxaynu nahay walaalo!!! ee bal adiga ina shilabooooooy orad raadso waxa kaa maqan adiga ayaa og miisha aad kala qaatay TIGREEGA walaalkayaga ah

walaal hadalkada macnihiisu sidaa ma
yahay??????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Salaamad dabadeed dhammaan,

waxaan ka cudur daaranayaa anigoon dhawaanahan soo booqan bogga.
Midda kale waxaan jecelahay inaan kelmad idhaaho ninka la yidhaaho

Duub:

waar ninyahow anigu haddii aan ahay reer gedo sidaad igu tilmaantay horta waan ahay oo soomaali ayaan ahay, reer Soomaali/Galbeed-nna waan ahay oo Soomaali ayaan ahay, sidaas daraadeed ayaadan meelnna iigu riixi karin ee middaas horta inoo duuduub.
Dhinaca kale waxaan kaala dagaallamayo ee aan ku leeyahay iska daa waxa layidhaaho magaca qabiilka ee aad ku abtirsanayso ee aad gobalkan (Soomaali Galbeed) ugu yeeshayso waa middan oo kale inaadan dadka kala sooc sooc ku ridin sidaad aniga durdaba ii leedahay reer Gedo ayaad tahay ee soo xoree oo kale!!!
Haddii aad tacliin soo martay ama aad haddaba ku jirto, waxaa la siticmaalaa tusaalooyin tusaya in ardaygu fahmo waxa uu baranayo, adiguna haddii aad tahay nin waaci ah oo maskaxdiisu wax rog rogi karto waxaan ku siinayaa arrimo tusaalooyin waaweyn ah oo wax ku filan.
Waxaad ogaataa horta in ujeedadaadu mid qudha tahay oo ah in aad xornnimo gaadho, haseyeeshee sidaad ku gaadhaysaa maahan mid sahlan balse waxay u baahantahay saddex waxyaalood inaad geliso oo kala ah ( time, energy and money) wakhti, tamar iyo maal, iyo weliba mid saddexaad oo ah (loss) inaad naf lumiso.
Haddii aan hadaba u soo dego aarinta runta ah ee aan la iska indho tiri karin, magaca Ogaadeenia wax soconaya maahan. Markaan sidaas ku leeyahay maahan inaan diidanahay magaca qabiilka, laakiin waa waxaan u arko si taabasho ama qabasho ficil ah( practically).
Tusaale haddii aan ku siiyo, dagaalka sokeeye ku sheegga ah ee aan qaddiyadda lahayn ee Soomaaliya tirtiray kala wareegii qarnnigii 20aad ee aan soo dhaafnnay iyo midkan hadda cusub ee 21aad (new mellineum) waa mid ka dhalatay abaabul xumadii uu abaabul koodii xumaa nimankii hogaamiyeyaasha sharka ee ummadda baa bi'iyey. Ninkastaa wuxuu gooni ula baxay qabiilkiisa taasoo sababtay in markii la isugu yimid caasimaddii aan hubkii la joojin dhacayey ee la iska sii waday illeen ujeeddo ma jirtee.
Haddaba, haddii aad adigu ujeedo dhaafsiisan hunguri hayso, saaxiib waxay ka bilaabanaysaa adigoo cirka u tuura magaca qabiilka ee aad ummad dhani gobal ay wada degto ku magacowday oo aanay ahayn hadaf iyo ahmiyad meteli karta dantaada aad doonayso inaad gaadho marka runta loo hadllo, waadiga leh weedhayda la baqan maayo'e, ku dhawaaq in aad OGAADEEN mooyaane aadan cid kale meesha wax uga ogolayn si dooduna u yaraato adiguna aad ugu jirto meeshaada inta noloshaada ka hadhhay.
Waxaan kuu ballan qaadayaa in aadan xornnimo gaadhayn intaad Soomaali kala sooc soocayso,Soomaali oo kuu soo gurmata mooyaane ha sugin inaad horummar gaadho, taasina waxay ku imanaysaa adigoo garta waxa xaqa ah ee ay kugu leeyihiin iyo wada dhalashada aad fahanto qirtana taas oo kaa maqan sida iiga muuqata adiga fekradahaaga.
Maxammed Ibraahin Cigaal ayaa meel gaadhi waayey, Falastiin ayaa meel gaadhi weyday, adigoo intaa soo isticmaalayey OGAADEENIA ayaa weli meel gaadhi la', Soomaaliya ayaa meel gaadhi weyday, Burundi ayaa meel gaadhi weyday, Druanda ayaa meel gaadhi weyday, intuba magac qabiil iyo ururro ayey u kala jajabeen waxay doonayaanna waa isku mid.
Hadalkii oo kooban hadalka caddee oo aan aragnno waxa ujeedadu tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Waxaad mooddaa in fekrraduhu isku soo dhawaanayaan.
Anigoo maanta doonaya inaan soo booqdo xaafad eedaday digantahay, ayaa arrinta Soomaaliya haysataa igu soo dhacday, haddana waxaa markiiba igu soo dhacday arrintii dhex martay, Nebi LUUDH iyo qoladii uu ka dhashay sheekadii dhex martay ee qur'aanka lagaga warramay.
Waxay ahaayeen kuwo ragga xagga dambe ka mara, markii malaa'iktii rogi lahayd reer Luudh u timid nebi LUUDH oo ay sidii suurad bini aaden isaga soo dhigeen ayaa reer Luudh ku soo yaaceen oo yidhaaheen aan ragga u yimid dabada ka soo marnno.
Nebi LUUDH ayaa aad uga welwelay martidiisii dhibatada loo geysanayo ee iyaguna aanay dareensanayn,nebi LUUDH-nna aanu garanayn markaa in waxani malaa'ik yihiin, markaas ayuu baryootamay "waar gabdhahayga guursada haddii aad tihiin rag wax samayn kara oo wax isku haya, ha igu sharaf ridina martidayda, oo nin bariin kari waayey ha iga dhigina, waxaa loogu jawaabay nebi LUUHD gabdhahaaga inaannaan waxba ku falayn waad na ogtahay ee waxaan doonaynno waad ogtahaye soo saar nimanka meesha aad ku haysato! Calaacalkii iyo beer laxawsigii ayuu sii waday nebi LUUDH isagoo leh ( ALEYSA MINKUM RAJULUN RASHIID) waar miyaanu idinku jirin nin qudha oo wanaagsan oo lagu daydaa oo wax hogaamin karaa?!!!
Haatan aayaddaas oo madaxayga ku soo dhacday ayaan leeyahay waar miyaan Soomaali nin qudha oo RASHIID ahi ka dhalan zebenkan?!!!

Waxaan anigu ku talin lahaa waar bal si uun aan yeellnno, haddii aad dhimanaysana dhareerka waa la iska duwaaye.
Gobolka Soomaali Galbeed waxay xornnimadiisu salka ku haysaa arrimo badan oo ay ugu horraysa inay waaci noqdaan dadka hoggaanka gobolka hayaa oo islla markaana ay maskaxdoodu ka sarrayso midab takoor iyo kala sooc soocidda ummadda Soomaaliyeed iyo dhulkeeda, doqoni meel lagu kaftamay in lagu colloobay ayey moddaa oo lagu kala tegay; arrintuse sidaas maahan ee Soomaaliya waxaa ku dhacday dhibaato taariikh dahabi ah reebaysa taasoo aan la illaawi doonin, waanay hagaagaysaa ee yaan daadku ina qaadin.
Haddaba, waxaan anigu jecelahay in runtu tahay in la fahmo marka hore in dadka hoggaanka ummaadda hayaa yahay dad meteli kara dalka iyo dadka ay hogaaminayaan iyo inay iyaga laftoodu yihiin kuwo ubaahan in la hago, iyo in kale.

Ilaa xilli dambe salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
MissShilaabo

Asalaamu Aleeykum

shilaabo waxaan gacalisooy kuleeyahay marna kuuma diidin in aynu TIKREEGA iska celino.laakiin baan ku iri fahan baa kahoreeya.waxaan hadalkii kugaabsaday sidan

Shilaabooy rag lama xastee jeelkaybaatahayee
sheeydaan ni muu duuf sadaan jano rajeey neeyne
shisheeye ina ma dilinee docdaan inagays dhignayee
shishe hadaad u fikirto africa sheeydaankanaa helaye
shirqoolkuu inoo dhigay shaydaan dayiba meeysaane
shilaabooy idinkaa isu muuqdee qalgiga dayiba meeysaanee
shanta oo siraacdaan raabaa oo wada heshiisaaye
sheeydaankaa ayga ah baan rabaa inaan dagaalaa yee
shisheeye mooyee sokeeye dagaal kii anigu waan diiday.

waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
salaamu caleykum!

Walaalayaal S/Galbeed mustaqbalkeedu aad ayuu u madoowyahay. Waxa halkaa geeyeyna waa isla annaga dhexdeena.

- Xabashi yeey u adeegsataa maquuninta iyo xasuuqa shacabka Ogaadeenya? jawaabta waa: Soomali (dabadhilifyo).

- Eeg 85% waxa abaaruhu halakeeyeen waa SOOMAALI.

Marka goorma ayeey mustaqbal S/Galbeed yeelan doontaa? lagayaabaa 50sano kadib ama markii maryooley dowlad saxa hesho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Geyigii Soomaali degi jirtay gurigii awowgay. Dhulkii geeska Afrika la oran jiray xeeb iyo webi jiinkiisa. Geed meeshii lahayd oo geeli iyo gaabanow ari. Gacal iyo xigaalow geeri baa taal.

Oday ciroole ah
Hooyo umul ah
Gaban naas nuug ah iyo kuma harin lo' iyo geel toona.

Colaad baa taal ciil iyo calool xumo.

Galbeed Goday iyo Fiiq iyo Wardheer iyo Awaare.
Koonfur Xudar, Buulo Xaawo, Badhaadhe iyo inta u dhaxaysa.
Bari, Nuugaal iyo Waqooyi Galbeed goobtaad eegtaba abaar iyo gaajaa dad iyo duunyo eber ka dhigtay.

Gacalow ma geeri baa abtirsiinyo taqaan!
Gacalow ma shan jir baa tol xiga yaqaa!
Gacalow sac madow miyaa reer hebel ah!

Haddii qalbigii ina guray sidii ceel maran oo dareenkii inaga dhintay maxaad uga guban reer hebel iyo reer hebel...

Gunnimo dhereg leh Gaajo gobannimo leh baa ka fiican buu yiri markaan iri war maad dagaalka dhankiina joojisaan si ubadka loo quudiyo!

1,000,000 oo tan oo raashin ah ayaa geeska Afrika la gayn dadkii Soomaali ahaana wuu ka qadi saa inagaa u diidan in SHAN jir iyo CIROOLE qaado mugeed ka qaataan.

Waxaynu niri Soomaaliyeed CADOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY.

Maxaad uga guban Soomaali Galbeed iyadoo Galkacyaba oonku yaalo?

Maxaad uga digan Soomaali Galbeed iyo gabilayba gaajadu taal?

Janaale iyo Jamaame iyo Jilib iyadoo Soomaali gaajo iyo oon u dhiman maxaa iiga dan GOBANIMO.

Gacal iyo xigaalow sidaan sidaan si dhaanta.

Ilaahayow qalbiga noo iftiimo
Ilaahayow garan waynay ee Galadaada
Ilaahayow NAXARIISTAADA
Ilaahayow RAXMADDAAD

WAAN KULULAANAY WAAN KARI WAYNAY KARIIMOW NA SOO QABOOJI!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale


horta waxaa fiican in aan dadka caadifad qaadin ama qiiro been ah.aan usoo laabano dhabta,walaalayaal waxaa ina baabi iyay oo ina duleeyay ninkaan cad oo ilaahnimada sheegta aadamahana u arka adoontiis.qofkasta oo asaga kanooca waxa uu dhex fadhiyaa maskaxdiisa.laakiin qofkii kaxoraabaa waaliibaanay.aduunkaan ufiirsada walaalayaal dhibkale ma yaal waxa adamaha nolasha udiidan waa asaga.waxa admaha isku dira ilaa nin iyo naag isqaba ama wiil iyo walaalkii waa asaga.hadaba abaar waalaga baxaa ee hanaga daayo caawimaadiisa.waligeen ma caawimo ayaan kunoolaaneeynaa? aan kafaa iideeysano oon hada tacabgalo si aan bari kamaalin hadana caruurtu inooga dhamaan.war aan nafteena aamino,war aan ilaah aamino,war aan gacmaheena baahi kagabaxno.war ninkaacadi ilaahmaha waa beenaale war hooy hooy kahar oo kudaba lumin ee garo dantaa.walaale iyo walaaleey akhristoow,hadaad damacdo inaad dantaa garato maxaa diidan? waxaa diidan shaydaan ama indho biliil kunool adamaha dhiigooda. waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
salaan qiimo badan dhamaaantiin

guray1

walaal ma ciyaaraysaa misa waa kaa dhab hadaladaada?????????

huuno indho baliil anaga oo og waxa ay nagu hayso ayaa hadana waxba laga qaadi karin waqtigaan xaadirka ah marka sida aan horay kuugu sheegay howsha way kala horaysaa ee bal talo ka dhiibo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada na hoostaal taas oo ah dhulka Ogadenia oo uu gumeysi fool xun ka jiro.

Fadlan ha i oran indho baliil iyo sheeko baralee ayaa xaga ka dilaacday,kaalay AKHWAANKA qaarkiis miyaa tahay oo hadalkaada waxaad ula jeedaa aanu jihaad ku qaadno gaalada meelkasto aan joogno???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
waan idin salaamay dhamaantiin.
muddo dheer ayaa ka soo wareegtay markii ugu dambaysay een figrad halkan ka dhiibto.
intii aan meesha ka maqnaa waxaad mooddaa in laysku soo dhawaanayo ama lay is fahmaayo.taas idinka oo dhan ayaa amaan ku leh.

i will be back as soon as i can.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
DARDAARAN

MissShilaabo

Waxaan filayaa in aan dhawr goor kahadlay arintaan laga wada falan qoonayo.markaa waxaan gunaanadayaa kahadalka arintaan.rayigeeyga waxa ay ilatahay in uugu horeeyn ruux walbaa garto,
1.cida uuyahay
2.diintiisa
3.dhulkiisa
4.cadawgiisa

ogaada waxa aanahay soomaaliyeey african
waxa aa nahay islaam
waxa aan leenahay qaarada africa,gaar ahaana shanta soomaaliya.
cadawgeena waa cadaanka leh indhaha billiilka,cadwageena labaadna waa kan uu abuuray oo aan hada isku dileeyno.

hadii intaa lafahmo,waxaa loogudbayaa suaasha ah sideen hadaba sheeydaanka uuga xoroownaa? markaana waxaa imaaneeysa in qofka african ka ahi uusan guumeeysan walaalkii,waayo cadaw kuuma aha walaalkaa ee waalagaaga dhigay.hadaan usoo laabto arimaha MissShilaabo kuween oo ah dagaal lagu qaado TIKREE AMA XABASHIDA,waxaan qabaa dagaal hormar makeeno ee waxaa haboon in aan sameeyno sidan.
1.soomaaligalbeed koow ineey hal cod latimaado
2.in loo bandhigo walaalaheen ineey nasiiyaan xoriyad buuxda
3.in aan sameeysano xeerar nabad iyo daris kuwada noolaasho fog iyo wax wada qabsi ganaacsi oo qodo dheer.
4.in ay itoopia ogaato in ubadkooda ayahooda uukuxiran yahay ubadkeeyga ee aysan shaqeeyneeynin,adna baaba ana aan hormaro.


waxaan qabaa dumis iyo burbur waxaa kahaboon dhisid iyo islaax.markaa inagu dagaal uun yaynaan wadin ee aan kudagaalano maskax iyo aqoon iyo isjeceel,waayo african isdilaa waa hormarka sheeydaanka indho biliil.african heshiiyaana waa dibu dhaca indho billiil.waxaan arkaa inaan walaalkeen nabad wax uuga doono inteeydoonto ha qaadato inaguna uugu tagno waji hal ah.

shilabo waxaad ixasuusan maalin aan maanta aheen waxa aan kahadlaayo.waxana kuu rajeeynaa inaad kagudubto qabyaalad africa dhexdeeda ah.adoo helikara dhulween iyo dad badan maxaad isugu koobi dalyar iyo dadyar? anigu kama hadlayo jihaad iyo dadlalaayo midna.laakiin iga gunud waxa uun dantiisa garta oo liibaanay qofkii fahmay oo kaleexday tilaafooyinka sheeydaanka indho BILLIIL.halkaasaan kaga gaabsaday doodaan mudada soo socotay.waxaan mahad u celinayaa walaalaheey kaqeeyb qaatay doodaan si hufan oo aan hagar laheen,iyo ninkii aloosay doodaan.waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
salaan dhammaan.

waaryaa Guray1 sxb waxaan garan waayay meeshaad wax u waddo markaad leedahay Tigray cadaw inooma aha. waxaad ogaataa in somali oo dhani horta hal cadaw leedahay, kaas oo ah ethiopia. wax kalena kharbudaad ugama wado somalia e waa ogadenia darteed si aysan wax uga doodo ama kula looltama u helin.

Jabuuti maxaad u malayn inay hadda ugu orordayso dhisid dawlad somaliyeed, sababtu waxaa weeye haddaysan mustaqbalka dhaw somalia dawlad ka dhalan jiritaankeeda ayaa halis ku jira because of Tigray. shacabkii jabuuti imika qaaaaq ayay taagan yihiin maxaa yeelay tigray ayaa qabsaday waddankoodii. bal warayso dadka reer jabuuti.
waxaad kale ood ogaataa in maanta ceebtii tigray adduunka u soo baxday. waa niman aan xuquuq waxay tahay aqoon. maxaad u akhrisan wayday ninka somaliyeed ee shakadiisa internetka la soo galiyay

ta kale indha biliilka aad sheegayso at least dadka nolol yar ayuu u oggol yahay ,xuquuqdu waxay tahayna wax baa ugu baxsan.
shalay ingiriisku caawimaadii uu siin jiray oo ahayd £39 million a year wuu joojiyay wax kalena muusan u joojinine waxaa la ogaaday inay nimanka tigrayga ihi wuxuush dadka cunaysa yihiin.
horay america, sweden, denmark iyo kuwo kale oo badan ayaa ka gooyay. bal markale soo akhriso waxa uu ninka somaliga ah ee ay soo daayeen ka yidhi siday dadka ula macaamisho.

ta kale saaxiib waxaad ogaataa inay somalida nafteedu hagardaamo wayn ku hayso ummadda gobolkaas ku nool. shalay oo ugu dambaysay rag geeljira ah ayay dadka taageera somaliland u dhiibeen tigrayga iyagoo ugu andacoonaya inay itixaad ahaayeen. horay boqolaal ayaa loo dhiibay. marka dadka somaligalbeed maanta dhibaatada ka soo gaadhaysa walaalahooda somaliyeed ayaaba uga naxdin wayn ta axmaaradu ku hayso maxaa yeelay iyagu waa cadaw.
taasi waxay i xusuusin gabaygii dhoodaan ee uu somalida ku tilmaamayay "kuwo lala hardamayoon ahayn la is hujuumaayo oo hadimadiinii wadaa qodaya hadaane, war homaaq dalooshay rabaan inaan ka haadnaaye"

marka sxbkiis bal aragtidaada dib ugu noqo.

enough inteligent.

ma lihi magaca ma diidi kartid xaqna uma lihi inaan ku dhoho laakiin sidaad doodaada u soo gudbisay oo aniga iila muuqatay inaad dad spesific ah ula jeeday ayaana jeclaysan. sideedabana waxaa wanaagsan inuu qofku arrinta labada dhinacba soo bandhigo. ta kale dadka xilliga maanta ah inay nolol helaan ayay doonayaan , xornimaduna waa long term.
midda kale anigu waxaan aaminsanahay in dadka combatantka amaba halganka ku jiraa ay arrimaha gobolka amaba magaca waxka badali karaan.
taasoo micnaheedu yahay qofkii doonaya inuu wax badalo marka hore dagaalka ha soo galo.


waan soo noqon insha allah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum
TO: DUUB

Walaal sida aad kor uuga jeedo qoraalka aan qorayba,waxaan ku cadeeyay inaan fikir keeygii dhiibtay waliba dhawr jeer,isla mar ahaantaana aan intaa kugaabsaday.markaa waxay aheed inaad i ixtiraamto laakiin hadaad imagacawday damiirkeeyga aa iidiidaa inaan kaa aamuso walaal ilahadlay baatahay. hadaan ugudbo arintan inoo taal.

Hadaad ila arki weeydeen in africa dab la dhex dhigay sida soomaaliya iyo ethopia.oo cadaan dhex dhigay waa nasiib daro cad.tankale in arintaan cadaan wato waxaa daliil kuugu filan bal walaal fikir oo is waydii yaa keenay waxkale daayoo magacaan OGADENIA? MAXAA LOO LA JEEDAY? ufiirso maanta meeshii aynu kaxoroobi laheen oo xaqeena udagaalami laheen baa waxaan inagoo hal umad ah oo soomaali ah kukala tagnay dhulku waa OGADENIA iyo maha ee waa dhul soomaaliyeed ama soomaali/galbeed.markaa hada ufiirso waxa waa magac kaliya intaan lagaarin dabinada kale ee uu inoo dhigay ninka cadi.

tusaale hadii caqligani ahaan lahaa mid OGAADEEN wato oo uu leeyahay dhulkaan aniga halaygu qoro magaca reerkayaga waa arin raganimo ah oo walaal keey rabo,markaa waxaan is oran lahaa hadii walaal kaa sidan jeclaaday dee intaad kala dhiman laheeydeen udaa bal waxa uu rabo ha gaaree.laakiin walaal kawaran markii nin cadi wato MAGACAN dadkaaga kala jabinaya oo khilaaf kuukeenay iyo inaad is ciisho.mida kale walaal ruuxa diidan ogadenia halayaabin waayo waa magac qabiil oo wax uu dareemayaa in dhul dadka kadhexeeya qabiila lagu qoro qabiila laga tago.waxaa cadaan ah in hadaad ogadeen tahay aadan ogoleen in dhulka waxkale daayo bartire lagu qoro oo waxaad oran laheed waamagac qabiile inaga daaya.macnuhu markaa maha bartire baad necebtahay oo magacaad udiidi arintu saas maha.hadaba TIKRAY maha cida sidan kuukala qeeybisay ee ogoow.waxaad ileedahay TIKRAY waa cadawgeega ween oo kaliya.waxaadna xalin la dahay INAAD KATANAASU SHO TAAGOOW MAGAC GUUMEEYSI KUUQORAY.

ma waxaa kaa soogali dheef gooni ah oo aan dadku helayn hadii aad ogadenia kusocoto? ma waxaad isleedahay dadka u fiicnoow oo caan hanoqdo ogaadeen? ma waxaad isleedahay dhulka kaligaa qaado? mise guumeeysi raac baatahay maskaxda aan xor ka aheen oo aan garanba waxa aykutimid fikrada ogadenia? mawaxaad layaabantahay ood cadaw uheeysataa ruuxii ku dhaha ogadenia nagadaa walaal waa magac qabiile? waxaan qabaa in umada soomaaliyeed aydareento maskaxda in laga guumaystay marhore oo aanay xor aheen.waayo nin ka cadi ethopia danbuu kuwataa fog ee ayada adoon buu u arkaa adigana sidoo kale.hada lacag buu siiyaa ninka cadi oo uu uugu talagalay baabi inta soomaalida bas.oo joogto ah bilwalba.tankale hadaan dagaal qaadno oon jabino waxaad arkaysaa asagoo soogalay dagaalka si cadaan ah oo bareer ah sidii 1978 dii uu usoogalay ruush iyo maraykan oo wada socdaa.

waxa walaal inadilayaa waa cadaan inagiina madareemeeyno oo haduu rabo asagaa nasiiya hubka oo dhaha weerara ethopia oo is xoreeya.waxaana daliil u ah hadaba hubka aan heeysano yaa nasiiyay.ma cidkale mise inagaa sameeysanay.ethopian ka waxay moodaan in cadaan dantooda wado laakiin arinku saasmaha.waxaa inoo dan ah inaan dhexdeena xalino oo dareeno inaan soomaaliyeey nahay hooyo ubadkeed larabana daa iman in ubadkeena la ciilo la adoon sado.

waxaan kagabixi karaa ayadoo aan isjeclaano oo isu sabira oo ilgooni ah ku eega kuwa biiri qaatayaasha ah ee nin kacadi inagu soo dhexdarsaday.kadib aan ugudubno walaalaheen laga dhigay cadawgeena dhaw waa ethopia iyo cadawga dhabta ah ee kunool dhiiga aadanaha ee leh indha billiilka.TOGREE hadaan mid noqono wax inoomadiidana asxaana ka ma aha ee waa baqdin.hadii qaarba qaar ku jeedaanse waalaba xiniinyood cid walba gumaada oo kushaqeeya maskaxda ninka cad ee billiil.walaal sideed u aragtaa taas? waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To: Duub,

weli ujeedadaadu ma cadda.
markaad leedahay wakhti fog weeye xornnimadu, ee haddaan nolol doonaynnaa dhow!!!
Waar ninka layidhaaho DUUB saaxiib xagggee ayaad ka helaysaa nolol caddaalad iyo nolol wanaag ku dhisan haddii aadan adigu is xoraynnin oo aadan halgan dhiig daata hurin, wakhti kastaba ha qaadato'e.
Waxaad ii caddaysay in aadan ahayn nin xornnimo doon ah ee aad hunguri doon tahay, ujeedadaydii iyo meeshaan doonayeyna waan kaa gaadhay ee nabadeey.
Ilaa xilli dambe, salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

free galaadi

Unrecorded Date
gurey1 Koley somali sax ah matihide ma
oromaad tahay mise itoobiyaan kale?.
Yacni ii jilci meesha aad tigreega walaalaha
ka tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

TO:FREE GALAADI

Waxaan filayaa sxb inaadan akhrinin dhoowr jeer oo aan kahadlay ama aan ka jawaabay suaashaada ad hada iwaydiisay.waxaadse xaq uleedahay in aan kuugu sooceliyo hadaad dalbatay.horta ma haboona inaad dikteey ternimo igu sameeyso ood igu xukunto inaana somali aheen adoon i waydiinin horta!!!!


tankale waxaan ula jeedaa tikree walaalo ayaan nahay waa tixraac xidid laga soo farcamay oo africanimo oo nasabka laxiriira aan wadaagnaa.hadii aad leedahay kala jinsi baynu nahay oo meela iskama soogalo waa arin hubin ubaahan iyo dadweeynaha oo kahadla.waxaan u arkaa ethopia ama tikree iyo soomaali ineey yihiin walaalo laakiin cadaw la isagaga dhigay oo gacata loogaliyay dhulkii soomaalida ethopia waxa saayeelayna yahay shaydaanka indho BILIILKA AH EE ISAGU CADAAN ISU YAQAANA SARE ADAMAHA INTIISA KALANA ADOON UU LEEYAHAY.

kanaa hadaba ah cadawgeena fog ee african waa dad wada dhashay waxna aan isla waayeenee BILIIL baa qasaya.labadaan qodob miyaa ku anfici waayay walaal sida
1.indho biliil waxa uu dalkeena ku wareejiyay walaalaheen 1954
2.1978 asagaa xoog nagu muquuniyay anagoo walaalahayo iska xoreen laheen dulmiga uu ka dhaadhiciyay ee guumaysinimada ah.

hadaba marna asagaa dhulkeeygii bixinaya marna asaa iidiidan inaan xoroobo.mana nakala jecla inaga iyo ethopia ee waa daneeyste dhiiga dadka kunool.waxa uu inoo arkaa inaga iyo ethopia laba daan yeer oo uu leeyahay.ama adoontiisii.walaal sidaa weeye fikradeeyda.

dagaalka africa waa hormarka ubadka ninka cad meesha ubadka africa ay baaba ayaan.anigu waxaan qabaa marwalba in african ku yahay walaalo laysku dirayo oo sheeydaan ku dhexjiro.midna anigu walaal ma dii dani in aynu meesha dhibtaan kajirto fahano kadib aan ugudubno waayahay ee maxaa xal ah hadii walaalaheen cadwlaynooga dhigay ileen ayagu shalay inooma keenin guumeeysiyee????? waxaan se dadoow idin waydiiyay suaashaan.


1.MAXAAD U ARKI WAYDEEN COLAADA NINKA CAD AMA INDHO BILLIIL,OOD MAANTA ISAGOO AWOOW YAALKIIN RARAN JIRAY HADANA SI DADBAN URARTA AAD UUGA DHIGAYSAAN NIN AAN DAMBIBA LAHEEN??????
2.MAXAAD KUTUSAY FICILO AH INAAD WALAALKAA UUN DISHO OO AAD U ARAGTAA KHALADKIISA,MAWAXAA KULA WEEYNAADAY COLADA WALAAL KAA CADAN KU BARAY SI AAD ABIDKIIN IDINKU ISU NECBAATAAN????

waxaan kuusheegaa 3000 000 oo raga dadoo dana tahay 23-35JIR ayaa southafrica halmaalin lagu dilay hada waa hal maalin.ragiidilay waxaad maanta u aragtaa ineey yihiin dadyaqaan xuquuqul insaanka wax cadaawad ahna uma heeysid.dalkiina waa kuwaa qaatay,kamana hadli karit waxaad u aragtaa sax.hadalkeeygii waxaan kagabaxayaa cid aan kayeelayo aan jirin inaan badalo jidka saxda ah ee ah in aan ilaah caabudo kaligii iyo inaan aamino walaalaheey africa eediirka madoow inaan u arko isku si kana xoreeyo kuwa wax gumaada.waxaan qabaa africa haysu timaado oo miis haku wada hadasho hana xalistaan danahooda ayagoo ah dadmadoow oo aan ku dhexjirin SHEEYDAANKA DADKA GUMAADA EE BILLIIL.NINKASTA OO MADOOW WAA WALAALKAA INAAD TASHATAAN OO XAQUUQDINA DHACSATAAN BAA LARABAA.waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
Guray1.............(((hobay afrikooy hurodooooooy)))
Salamu Calaykum,

waano abuuris baa ka horaysay ayaa la yiri,walaal si kasto kuula hadalnayo meesha aan ka hadlayno uma jiidid iyo waxaan garan la'ahay in aad is indho tirayso!!

horay ayaan kuugu sheegay waanu la socanaa in ay INDHO BALIIL cadawgeena tahay balse kaama yeelayno TIGREE baa walaal noo ah.

sabta waxay tahay walaal cadawgaada waa ninka ku dila, ku silciyo, ku dabargoyo, ku gumaysto, kuu diido horomar XATAA HADII UU YAHAY WALAALKAA KULA DHASHAY.

marka hadaba adiga hadii uu wali TIGREE walaal kaa yahay waxay ila tahay in uusan wali ku taaban dhibkiisa marka waxaa ku leeyahay,

"""" hadii walaalkaa loo xiiray adigana qooyso""".

nabadeeeeeeeeeeeeeeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

free-galaadi

Unrecorded Date
Gurey missShilabo say tiri waano abuur baa ka horaysay. Bal abtirsoo dee meeshaad XABASHI iska gashaan na tus.

1+1=3====impossible;

my-brother=my-master==impossible.

DUUB: Qabyaaladi dhul nooma xoreynaysee naga reeb. Dhulkan soomaali baa laga gooyey waana wada degtaa ee in hal qabiil lagu magacaabo maaha. Haddii kale midnimadeenaa dhaawacmeysa maxaa yeelay anigu nin Harti ah baan ahay soomaalinimona waan ogolahay laakiin magacaaga qaadanmayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
salaan dhamaan

GURAY sxb adigoo raali si cad noogumaanad faahfaahinin sababta uu walaalkaa ku noqday tigraygu. mise erayga cadaw ayaynaan isku si u aqoonin. sida ay Miss Shilabo sheegtay cadaw waa qofka nolosha kuu diida, ilaa iyo intaan noolaana ETHIOPIAN ayaa nolosha ii diidayay. indha biliilkaad sheegina sida tigray iimuusan gelin, marka waxaan ku soo gaabsan MAR HADDUUSAN TIGRAY CADAWGAAGA AHAYN ANIGANA CADAWGAYGA YAHAY AMA AYNAAN ISKU CADAWBA AHAYN ISKU DANBA MA AHAAN KARRO.

FREE GALAADI.

Sxb waynu wada ognahay in dhulka somali wada deggen tahay kamana doodayno arrintaa. lakiin magaca uuna qabiil bixin, gaaladii bixiyayna ula dan lahaayeen dhulkaas gabi ahaantii ayay maanta dadka halgamayaa qaateen. aniga iyo adiga toona waxba kama badali karro ilaa aynu furinta tagno.
mabda'aana waxaa qaba naftood hurayaasha ka halgamaya. maalmahan newska ma ku aragtay w.somalia ogadenia mooyee. dadka aaminsan magacan (ogadenia) waa inay helaan dad halganka la wada oo magaca diidan, markaa qasab ayay ku noqonaysaa inay ka tanaasulaan. laakiin ilaa magaca ay badalaan halgan gali maayo oo meelahaas ayaan ka hadhadli macquul ilama aha aniga. meesha rag baa ku go'aya, reera idil ayaa loo rogayaa marka nin aan halaagaas ka qayb qaadanaynin maba ahaba inuu ka hadlo arrinta gobolka. waligaa wax magaca diidan mooyee wax alternative kale keena ma aragtay. waxse mabda in axmaaro lala dagaalama diidan oo fikir kale keena maad aragtay.
midda kale ma magac baynu doonaynaa mise nolol oo mabda' ayaynu ku dagaalaa?.

nabaadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Free Gallaadi

Unrecorded Date
DUUB: sxb waan ku fahmay laakiin labo ogsoonow:

1-Dadka halganka wada lama dhihi karo magaca OGADENIA Way wada ogol yihiin ama waa wada ogaadeen. Halganka Roundhigaan waxaa bilaabay wadaadada Al-itixaad 1992-kii ayaga keliyaana waday ilaa dhowr sano ka hor.1999-kiina iyaga iyo Dhamaan ururada gobonimodoonka ah shir ay isugu yimaadeen waxay ku Heshiiyeen in ay yeeshaan hal hogaan cududoodana mideeyaan. Waxayna qaateen magaca UWSLF(UNION OF WESTERN SOMALI LIBERATION FRONTS).
Heshiiskaa waxaa diiday oo ka gooni noqday ONLF-ta Sababt ugu weyna waxay tahay iyagoo ku adkaystay magaca 'Ogadenia' diidayna magaca umada kale rabto ee Somali-Galbed.
Markaa waxaa loo arkay inay qabyaalad ula jeedaan.

2-Anaga Qorsheheenu maaha inaan magac u helno gobolka. Qorsheheenu waa inuu ahaado inaan midayno dadkeena si aan heeryada gumaysiga isaga qaadno ee khasab maaha inaan dhahno "Gaalaa noo bixisay oo 'Ogadenia' kama maarano".

salaam all bros and sista's.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

QABYAALAD HOOSAAD ANIGU WAAN DIIDAY

shilaabo gacalisooy in aad labo kala deeyso ayaa ila haboon,waxaad leedahay COLAADA INDHO BILIIL WAA OGAHAY.hadana waxaad leedahay TIKREE BAA AH CADAWGEEYGA WEEN!!!!waxaan kuleeyahay hadaad si dhab ah oo cilmiyeeysan oo dhiig iyo lafa ah udareen santahay cadaawada weeynaatay iyo hagardaamada leh dulmiga iyo kunoolaan shaha dhiiga adanaha ee uu inagu hayo ninka cadi ma aadan tiraaheen WALAALKEEY WAA CADAWGEEYGA FOG.

ANIGU mid kuuma diidani hor iyo horaanba in ethopia oo aan walaalo nahay cadaw lay nooga dhigay,oo ay ina gumaadaan.mana diidani in aan iska xoreeyno ee waxaan diiday fahan laaanta ah inaad waligaa aad hub nin cadi sameeyay ku garaacdo uun dadkaaga la isku kiin diray ee africanka ah.yaa waxaan dhaliyay? yaa hada wada? arinta maha dadka madoow ee waa sheeydaanka kunool dhiiga aadamaha.tan aan fahano koow.labo aan dhibka ku xalino wada hadal.aan horta gobalkeena somaali galbeed dadkiisa isfahan siino inaan nahay hooyo ubadkeed.kadib aan xaqeena ubandhigno walaalaheen TIKREE.Waxaan hubaa ineeysan hadaad midoowdo ood wada xaajood iyo sulux walaal tinimo ula tagto diideen inaad ayahaaga katashato.bal horta aan kaxoroowno xaga maskaxda ee ninka cadi inaga dhigay kuwo aan kala aqoon cadaw iyo nasteex.ogoow ninka cadi hormarkiisu waa inta aandagaal sanahay.ma ogoli in qof african ahi dhinto mana aha cadawgeey ee waa walaal la igu diray.
shilaabo gacalisooy waaku farxay arintaada ah HOBEEY AFRICAY HURIDOOW CADAW KUHEER YEE HURUDOOW HALYEEYADAADII HURUDOOY HADBAA CUNAAYEE HURUDOOOY...
gacalisooy aad baad dareen keeyga ukicisay kusalay san africanimada.waxaaban kusig tay inaan kusoodoono!!!!
waad kumahad santahay akhrinta bogaan.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
FREE GALAADI

SXB waan kugu raacsanahay inay ITixaad dagaalkii ugu horreeyaya tigrayga la galeen, aadna u halgameen mujaahidiin badanna ku dhinteen. illaa imikana way halgamaan inkastooy iska daciifeen.
midawga aad sheegtayna waxaynu dhab u ognahay in aysan itixaad mooyee ururrada kale wax jiraba ahayn magac mooyee. imikana waxaynu dhab u ognahay in onlf yihiin ururka kaliya ee sida dhabta ah combatant u ah. ta kale onlf madaxdeeda iyo ciidankeedaba dad aan qabiilkaad u aanaynayso ahayn ayaa ku jira. sideedabana waxaa loo baahan yahay qofka bini aadamka ahi inuu mabda' leeyahay. magacna waxaynu ognahay inuusan mabda' ahayn.

onlf-na marna maysan dhihin badali mayno magaca ee waxay ku andacoodeen waa inay guarntee noqotaa haddaanu magaca baddallo in dadkii yidhi ha la badalo magaca ay dagaalka soo galayaan. laakiin magaca uun badal halganna soo gali maayo-- waa hadal iska yeedhay.

"Ogadenia kama maarano" kollaba anigu ma arag wax sidaas ku doodaya. sax weeye in midnimada dadku tahay ta kaliya ee guusha lagu gaadhayo, laakiin anigu ma aaminsani macquulna iigulama eeko in la dhaho hala sugo onlf intay magaca ka badalayso. qof walba booskiisa ama kaalintiisa kaga aadan halganka ha ka galo . adigase ma kuula eegtahay inaadan halgan ka qaybqaadan ilaa inta magacaas dad aaminsan yahay. aniga waxay ila tahay qofkii halgan diyaar u ah inuusan onlf ildhawreen.
somaliya xilligii AFWAYNE lala dagaalamayay jabhado badan ayaa dhashay midaw la'aantooda iyo hal magac qaadasho la'aantoodana kamuusan celinin inay halkankoodii mid waliba dhinac ka waddo.


nabaadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Free Galaadi

Unrecorded Date
DUUB SXB waxaad tiri ONLF waxay aqbali karaan magaca Somali-Galbed ama in Ogadenia ay iska daayaan haddii guarantee la siiyo inay dadku halganka gelayaan... Aniga waxay iila muuqataa in ay khalad tahay in shuruud lagu xiro in la qaato magac dadkeena mideynaya ama in laga tago mid midnimada ka hor imaanaya . ONLF haday rabto inay dhulka xoreyso waxaa qasab ku ah inay dadka mobilization ku samayso, iyadoo adeegsanaysa any strategy oo suurto gal ah..Haday shacabku magac ku diidayaan mobilizationka iyo halganka ONLF, May iska bedelaan magaca maadaama uu ka hor imaanayo siyaasadooda istaraatiiji. Mobilization dadka si guul loo gaaro ONLF ma waxaa uga fiican magaca 'Ogadenia' oo la haysto? ONLF meeshay dadka ka soo jiidanlahayd ma waxay ku xiraysaa shuruud si ay u raacaan.
waxaad moodaa inaysan ONLF u halgamaynin dadka ee ay u halgamayaan magaca.

Cafi-ALLE IYO MASAABAX.

Salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
HESHIISIIN

Asalaamu Aleeykum

TO:DUUB IYO FREE GALAADI

walaalayaal waxaan rabaa in aan fikirkiina isu soo dhaweeyo kala durug san.waxaad tihiin laba nin oo walaalo ah isku dal ah isku dan ah,oo dalkoodii laguumeeysto.waxaad isku haysaan sidaad heer yada isaga tuuri laheeydeen.hadaba hadaan fiiriyay garta ILAAH BAY TAQAAN.markaa DUUB waa lagaa jidleeyahay,ee walaalkaa ha ciilin.waayo uugu horeeyn maxaynu horta dooneeynaa? waa xorinimo.maxaynu ladagaalamaynaa? waxaynu ladagaalamaynaa guumeeysi.yaakeenay magaca OGADENIA? waxaa keenay gumeysi.

hadaba aan kala saaro gumeysi baan ladagaalami iyo fikir kiisii baan kusocon. mida kale hadii magacaan OGADEN keenay oo ay ayaga kasoo fushay in gobolka loo bixiyo ogadenia sidaana ay raali ku yihiin,waa in free galaadi uu yeelaa waxa walaal kii rabo si shakigaba ubaxo.
waayo ogaadeen waa dad walaalahayo ah oo macnuhu maha in ayaga ladiidan yahay waayo sabab loodiido baan oolin meesha.ee duub sxb inagadaa waxa cadaanku dadkeena kukala geeynayaan. midna ogoow magaca ogaadeen oo aduun yada caan ka noqda waxaa kaaga fiican magaca soomaaliyeed oo caan noqda.mida kale maxaad isu indhatiri qabiil baad xiiseeyneeysaaye maad toos si raganimo ah utiraahdid dadoow aniga waxaan qabiil keeyga ogaadeen aheen imarimaayaan.waayo maxaad umada uhorwadaa ogaadeen miyaadan arag sida qabiil ugalay soomaali ween maad xishootid ood iskala weeynaatid qabiil!!! waayo waxa adigu aadan naftaadu aqbalayn walaal kaa hala soo aadin maadaama aadan ogoleeyn daacad ahaantii in gobolka BARTIRE loo bixiyo.

ninka cad intaad duuboow kabaha uwado eed wuxuu qoray wax ween u arkeeyso heshiin meeysaan walaal kaa free galaadi ee waxkabadal arinti si walaal kaa kuula midoobo.galaadi adna hadii walaal kaa qabiil cajabiyay ogadenia yay kula weey naane waa walaalaheene fiigtaalka dhaafe xalkeen hadii kale adiga ruuxaaga yaan fayoobeen.ogadenia yaan isxoreeynteeydii oo dhan uuga carari caqli maha ee isfurfur oo soo dhexgal gacalka oo ragbaa ala kaa dhigee xalkeen wadanka magac dhibmalaha ee ubadkeena xoriyadooda aan eegno.waad ku mahad santahay akhrintaada bogaan waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Free Galaadi

Unrecorded Date
GUREY1: Walaale waan kugu raacsanahay figradaada guud ahaan. Anigu shakhsiyan horta magaca 'Ogadenia' waxba kama qabo dhibna uma arko waayo waa magac dad walaalahay ah. Laakiin xaqiiqda jirta waxaa weeye dadkeena lagumaysto badankoodu ma aha dad figradaydoo kale qaba. Dadkeena reer baadiyaha ah(dadkeena badankiis) waa dad qabiilku aad ugu wayn yahay(dhaqankeena). Hadii aan dadka mobilization ku samaynayno, waa in geel jiruhu waqtina furinta tagaa, waqtina geelooda raaco, ari jiruhuna sidoo kale, maqaayad luhuna sidoo kale, iwm. Suurtogal miyaa inaan geel jiraha Hartiga ama Isaaqa ah ee Hawd jooga 'mobilize'-garayno anagoo 'Ogadenia' wadana. Ama geel jiraha Ciisaha ee Dirir dhabe anogoo 'Ogadenia' wadana. Ama geel jiraha Dirta ee webi shabeele anagoo 'Ogadenia' wadana..... Jawaabta waad wada ogtihiin.
Marka walaale anigu ma diidani magaca 'Ogadenia' ee magaca ayaa danteena ah midaynta dadkeena kasoo horjeeda waqtigaan. Markaan xornimo helnona, magacaan rabno aan u bixino 'gobolkeena'. Laakiin waqtigaan suurto gal maaha inaan xorowno anagoo 'Ogadenia' wadana.

Salaam bros.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
GURAY1

Horta waxa wanaagsan in qofka doodiisu ku koobnaato waxa uu aaminsanyahay oo uusan shakhsiga u gudbin, waxaad moodaa inaadan dhabbahaas raacin ood ka tallaabsatay conclusion-na gaadhay.
"MAXAAD ISU INDHA TIRAYSAA QABIIL BAAD XIISAYNAYSAAYE, MAAD TOOS SI RAGANIMO AH U TIDHAAHDID DADOW WAXAAN QABIILKAYGA OGADEEN AHAYN I MARI MAAYO"
Maxaad ku tilmaami kartaa ereyooyinkaas.
doodi kaa xidhan, waxaan kuugu jawaabana garanmaayo ileen mawduucii laga hadlayay maadan ka hadlin oo arrimo personal ah ayaad dabaalatay.

nabad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
FREE GALAADI.

Waxaa horta fiican in meel la isla dhigo inaysan onlf ahayn laba wiil oo meel cidala ah rooraya balse ay yihiin ORGANIZATION aad u ballaadhan qaanuuno iyo dastuurna leh. taageero aad u ballaadhanna ka haysata kobta ay arrintu muhiimka ka tahay taasoo ah dhulka gudihiisii.
shuruudna qayb halganka ka mida kuma xidhayaan, laakiin waxaad ogaataa maadaama ay iyaga iyo dad kale oo fara badanba aaminsanyihiin inay helayaan fursado badan oo ay dadkaas xaquuqdoda ku gaadhsiinayaan iyagoo adeegsanaya magaca "OGADENIA" halkii ay ka adeegsan lahaayeen magaca "WESTERN SOMALIA" kaasoo loo arkayo inay dhulballaadhsi somalia tahay sidii horayba u dhacday inay ku adag tahay inay badalaan magaca waa marka qof aan halganka diyaar u ahayn oo suuqa jooga iskaga hadaaqo in la badalo. midda kale ma doonayso in laga kala tuuro waxyaabahay gaadhay ama qabatay intay halganka ku jirtay mar haddii aysan hubaal ahayn inuu halganku helayo dhiig cusub. waana LEGITIMATE hadday tidhaahdo qofka doonayaa inuu magaca badalo ha soo galo halganka qaybta kaga aadana ha guto. shakhsiyanna aniga iilama muuqato inay saxsan yihiin dadka leh waxaan sugaynaa intay onlf magaca ka badalayso oo waanu isaga dulqaadan dulmiga AXMAARO. oo waayahaye ma waxay sugayaan inta midmid loo qadhiidhan mase waxaa la leeyahay iyaga dulmi laguma hayo. inay iska hadal iyo marmarsiinyo tahay badalaada magaca waxaa daliil u ah maxaa loo waayay wax doonaya inay onlf kala tuuraan mooyee wax intuu iskaba illoobo onlfta maadaamo lagu andacoonayo inaysan gobolka wada matalin tu dadka wada matasha sameeyo halgankana bartaas ka billaabo.

adigaanse suaal ku waydiine maxaa loo waayay wax onlf ba aan dan ka galin oo intuu taageerada dadka raadsado halkanka billaaba maadaama uusan onlf xal u arag. maxay ku dhacday in onlf na la diido alternative na la keenin?.

mida kale yaynaan xaqiiqda ka tallaabsan. waxaynu ognahay in geeljiraha harti ka shidaal qaato puntland, ka isaaaqna somaliland etc. meeshana jiro wax la yidhaado CLAN-POLITICS. maadaama ay ka shidaal qaataan dadkaan kor ku xusnay iyaguna (somaliland,puntland) ka shidaal qaataan Addis-Ababa. waxayna aniga iila muuqataa in cudurdaarka ah magaca "ogadeia" dartii ayaan halgan u gali la'nahay uu yahay qiiq isku qarin.

waxaan filayaa inaadan arrimahaan kor ku xusay aadan igu diidayn haddiise aadan saas u arag daliil i soo sii.


nabaadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Free Galaadi

Unrecorded Date
DUUB
Brother waa runtaa oo clan-politicsku waa jiraa waana carqaladaha ugu weyn ee dhulku la xoroobi la'yahay. Laakiin dadka aad u doodaysid clan-politicska bay iyana gees ka galeen oo wax isbedel ah may keenin. Xaqiiqduna waxaa weeye qaabkaan inaan dhulku noogu xoroobayn. Onlf-na wax ka fiican baa jira kuma oron, laakiin waxaa muuqata inaysan dariiq gobanimo lagu gaaro hayn.

Magacaan Aad ku doodaysana waxaan qabiil ahayn oo lagu daafaco ma laha, maxaa yeelay soomaali oo dhami ma rabaan marka laga reebo qaar ka mid ah dadka u dhashay qabiilka magaca leh. Onlf haday wax organize-garaynaysana intan uun weeye.

Yaad ka baqaysaa hadaad la baxdo 'Wester Somalia'? Cadaankii Dhulka bixiyey baa?
INTAANAN DHULKEENA XOREYN WAA IN AAN MASKAXDEENA XORAYNAA.

salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

TO: FREE GALAADI
Walaal waad kumahad santahay sida wanaagsan eed gartaada uqaadatay kadib,markaan isku dayay in aan xaga fikrada isku kiin soo dhaweeyo,walaalkaa duub.ninragana waakii qaata markii garta lagu rogo oo umadu isku raacdo ama hagardaraado ama gar halahaadee.

TO: DUUB
walaal gooni kuuma maagin moowduucana kama bixin ee miyadan arag in aan free galaadi lahadlay sida korkuxusanba,cuqdadu waa gaar hadaad ufasiratay,ee anigu waxaan waday fikir isu soo dhaween ah.kaas oo aan uula jeeday moowduucan ah maxaa xal u ah soomaaligalbeed,in aykamid tahay in dadka afkaarahooda lamideeyo,kadibna muruq iyo maal.saas baadan ii orankarin moowduucii baadkabaxday ee waxaad garan ladahay waxaad xaqaan kuhor yaal kaga jawaabto,oo waxaad kajawaabi la dahay war ogadenia ma ogaadeen baakeenay mise guumeeysi cadaanka ah? markaa waxaa kaa dhaadhacay sidii ninka cadi kuugu talagalay.

laakiin walaal sheekadani waamid inaga ween oo kaligaa maha ee africa oo dhan bal fiiri colaada iyo qab yaalada la dhex dhigay ayagoo walaalo isjecel ahaa.hadaad tiraahdo walaalo ayaad tihiina ku rumeeyn maayaan.marka walaal bal fiiri anigii kugu ixtiraami jiray kuuna aqoon san ineey ogaadeen yihiin qabiil soomaaliyeed oo kamuuqda qabaa ilooyinka dhexdooda oo tiro leh.

ayaad hada ileedahay dadka mooyee dhulkana ogadenia baalayiraa!!! war xageebeeynu ku aragnay dhul ogaadeen ah? waxaan kugula talin lahaa adiga iyo intakalaba in aad ogaataan in ay jiraan dad lacag lasiiyo oo layiraahdo,wada oo faafiya magacaan aan idin sameeynay,dadkaasi waakuwo iibsanaya xoriyada dadkooda oo gaalo raac loo yaqaan.guumaysi duuboow nin iska xoree leh matihid ee waxaa tahay u adeege wata dariiqii uu ujeexay waxaan kuusheegaa noo caaga oofarabadan waa jiraan waana ognahay.
waxaase hoogay nin dadkiisii iyo dalkiisii shilimaan siisanaya.dadka ogadeenka layiraahdo runtii waadad gobonimo jecel oo waligoodba ladagaalama gaalada iyo guumeeystaha,waana dad daacad ah waxaan u arkaa dad bini aadmi aad u dhaqan fiican ah daacadii laakiin waxaa horbooday maskax kaween oo fog oo cadaanku abuuray 1884 xiligaan baa la sameeyay dad kala dila mustaqbalka xoriyada gobolka,sidaad ogtahayna hadaad wax akhrido waakuwii saxiixay dhulkan 1954 ee kabaha usiday cadaanka.walina ururkoodii waajiraa.cadaada cadaanka ayaa waxay tahay dhul kama tagaan ayagoon dadkubeeran xanbaarsan fikradooda.

duuboow wax khalada hayga fahmin waxaan ahay walaal jecel hormarka iyo xoriyada dalkiisa iyo dadkiisa sidaas ayaana ila qumanaatay arigti ahaan adna arigtidaada xorbaad utahay walaal waana ogolahay inaan kala fikir noqon karo,oo ma ihi dadka dadka jujuuba ama xaqira,ee arinku waa maxay kula tahay.waad kumahad santahay akhrintaada waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax101

Unrecorded Date
koonfur iyo waqooyi ee taagneede galbeedka intuu nooga imaaday?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
FREE GALADI.

ka dib markii aan akhriyey qoraalada aad kor ku xustay waxaan kuu fahmay nin macquul ah.S/GALBEED
waa dhul soomaaliyeed oo uuna sheegan karin OGADEN,GERI iyo qabiilada kale ee faraha badan oo gobolka deggen midna.sidaaa daraadeed mas'uul ayaa ka saaran cid kasta oo Soomaali ah inay ka gubato xumaanta uu cadawgu ku hayo somaalida ku dhaqan gobolka.su'aashu waxaa weeyaan goorma ayey dad ku dhaqan S/GALBEED isku figrad noqon karaan?
haddii aan ku hor maro jawaabta su'shaas:waxay ila tahay inay uggu muhiimsan tahay midnimo haddaba si loo helo midnimo waa in ay bulshada ku dhaqan gobolku ay wadaagtaa hal magac oo u dhaxeeya. waxaan filayaa in uusan hadal kaygu cidna waxba u dhimaynin ama uusan noqonayn af lagaaddo.
waa mahadsan tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Free Galaadi

Unrecorded Date
WARDHEER
Brother I agree with you 100%.
Mida kale dadku waa soomaali wax aan soomaalinimo ahayna ma mideeyaan. Hadii la yiraahdo magacii soomaalida (S/Galbed) ha la iska daayo magac hal qabiilna hala qaato, midnimadii baan la helayn.

Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado dadka 'ogadenia' wataa waxa ay ku diidan yihiin magaca S/Galbed. Waa magac qabiil miyey leeyihiin? Ma dadkaan rabin bay leeyihiin? Ma midnimaduu dhaawacayaa bay leeyihiin? Please iga qanci su'aashaan hadaad wax ka ogtahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
to:free galaadi iyo wardeer
Asalaamu Aleeykum

waxaan filayaa inaad dareensantihiin in umada s/galbeed midnimada ay uugu horeeyso in hal ujeedo loo wada dagaalamo oo ah xornimada dhulka soomaalida galbeedka tagan.waxaa markaa magacani quseeyaa oo xaqiisa siinayaa qof iyo qabiil kasta oo dhulkaa dagan oo muwaadin ah.waxaa kala qoqob ah oo dadkii ogaadeen ahaa cidla kuxiraya magaca ogadenia,oo dadku aanay raali ka aheen in ay udagaalamaan dhul dad magacood ugaar ah.markaa cida fikirkaan dhulbaa ogaadeen ah keentay waa cid kutala gashay in ay u dhii dhiyaan dadka ladhaho ogaadeen oo kaliya.markaa in walaalahayo geed lagu xiraa ama la godoomiyaa xaqmaha waana kaxunahay.balse aan ugurmano oo walaalaheen.ujeeda deeyda maha in aan ogadeen necbahay waayo dadka noocaa ufikira mahi oo waan iskala weeynahay kala qoqobka iyo qabyaalada ka hooseeysa africanimada.waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
FREE GALADI.

haddaan kaaga jawaabo su'aashada hayd cidda keentay magaca aad xustay. waxaan filayaa inay ka dambeeyeen magacaas gumaystihii gayiga gumaystay ee ahaa (BRITISH).ujeeddada uu abuuray magacaasna waa inay soomaalida gobolka degen ay is khilaafaan,iskuna nacaan wax yaabo aan muhiim u ahayn umadda ku dhaqan gobolka sida magaca OGADENIA. waxaan qabaa maanta way taagan tahay dhibaatadii uu gumaystuhu ku talo galay in ka dhax oogato dadka walaalaha ah ee dantu ka dhaxayso.waxba yaan ku dheeraan anigoo ku soo noqon doona marka. kale waxaaan idin leeyahay nabadeey. danta gobolka iyo dadka aan kawada shaqeeyno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
DADKA WAXA SOO QORAYO;

fadlan:soo gaabiya waxa aad soo qoreeysaan,qof xabsi ku jiro ma aha neh qof kaleh ma akhrin karo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TO:xamardaye
Asalaamu Aleeykum

Waxaa layiri habartii dharigeedu u kush kush leeyahay waxay moodaa in cidkastaa dharigeedu u kush kushleeynayo.waxaan kawadaa adigu sxb hadaad xortahay anagu mahin xor markaa ninkii aan xor aheen waxa uu lamid yahay nin xabsi ku jira.waaku mahad santahay akhriskaaga waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
salaamu calaykum dhamaan,

Guray1,Duub,F.Galadi,Wardheer iyo dhamaan akhyaarta kale waa ku mahadsantahee sida qiima badan ee aad wali u wadaan doodiina idinka oo aan isku xadgudbin.

labadaan bari waxaan ku jiray holliday so that ayaan wax u soo qorin.

ka dib markaan akhriyay doodahii iga danbeeyay waxaan ka dhan dhansaday afkaarihiin in ay sidan isugu soo biyo shubteen.

Guray1:

waxaan aamisanahay in uu yahay cadawgayga koowaad INDHO-BALIIL, waxaanu u arkaa xal in aan ka fakarno meel dheer oo aanu ku soo laalaaban dhibatokinka na dhixyaalo ee uu INDHO BALIIL abuuray.

DUUB Tigree waa cadawgayga koowaad waxaan aamisanahay in loo dagaalamo dhulka ogadenia qofkii aan jecleesanin magacana dhibato ma laha wuu la bixi karaa magaca uu doono balse muhiimada waa in uu halgamaa, ka dibna aanu wada hadalno.

FREE Galadi maadama aan ahay nin u dhashay dhulkaas anigu uma halgamayo mana u dhimanayo ilaa laga badalo magacaas, ka dib aanu wada hadalno.


Wardheer..........half.. half i think your idie is between Galadi and Duub.

waa fikrado macquul ah balse ogaada waxaa loo baahan yahay TANAAZUL.


Anyway waxaynu dhamaan isku raacsanahay in aanu gumaysi ku jirno dhibaatada ugu ween ee aan u gaari la'nahay muwaafaqadana ay tahay QABIIL
taas oo aan la wadaagno somali oo idil balse su'aashu waxay tahay.

HORTA OGADEENKA MA BADALI KARAAN MAGACA OGADEN???
MASE MADOOBI LAHAAYEEN SOMALIDA TAGAN DHULKAAS HADII LA BADALO MACAAAAAAAAAAAAS????


till next time
Shilabo Power

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

col:khuzacbalatmaajamuus

Unrecorded Date
To:all

marka here salaan kadibna aniga waxaan qabaa arrinta somaligalbeed in ay ka wayn tahay arrin somaliyeed waana qayb ka mid ah qorshaha xakamaynta dunida islamka iyo midda carabta iyadoo waliba loogu talo galo galay in lala wareego dhulkii soomaliyeed oo dhan ayaa waxa u suura gashay intas oo kaliya.

Aniga waxan ahay kornayl la soo shaqeyay dowladdii madaynihii hre ee jamhuriyadii somaliya allaha u naxariistee jaalle maxammed siyaad barre una qaybsanaa arrimaha galbeedka somalia waxana u arkaa in mustaqbalka somali galbeed uu ku danbayn doono guul iyo waliba in ay ka xoroobi doonan isticmarka ithiopia waana sir aan sheegayo maanta arrinta somali galbeed waa arrin diined marka ka fekera

colkhuzacbalaat maajaamuus

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Free Galaadi

Unrecorded Date
MissShilabo: Don't get me wrong sister!.

Walaal ha qaloocin figradayda, anigu ma lihi dhulkayga uma halgamayo illaa dadka magaca qabiilka wataa ay isbedelaan. U halgamidda dhulkaygu waa waajib isaaran waanan gudan intaan karo.
Laakiin arinta aan ka hadlay waxaa weeye dadkan magaca qabiilka gobolka siinaya. Waxaan u arkaa inay qalad tahay maadaama ay dadka kala qaybinayso. Taas micnaheedu maaha ayaga dartood baan uhalgamidda dhulka uga tegayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
missSHILAABO

Asalaamu Aleeykum

xoogaa waxaad moodaa in maal mahaan lagu waayay koley hawlo aduunyo ayaa ku mash quuliyay.ilaah mahadii hadii aad nabad qabto.hadaan usoo laabto moowduucaan waxaan filayaa suaashada ah(
HORTA OGADEENKA MA BADALI KARAAN MAGACA OGADEN???
MASE MADOOBI LAHAAYEEN SOMALIDA TAGAN DHULKAAS HADII LA BADALO MACAAAAAAAAAAAAS????) aan u kala qaadno A iyo B.

A.Qaybta hore waxay ilatahay haa laakiin waxaa daba taal GOORTEE ayay ubislaandoonaan arintaan? taa qiyaas teeda waalayga fiican yahay.

B.waxaan oran lahaa waxay isaga soo dhawaan lahaayeen inta ay hada isu jirto fikrada ay ka qabaan xornimo gaarkooda iyo danahooda guud.markaa waa arin qurxoon waxii marwalba isu soo dhaweeynaya walaalo lakala dilay oo cadaw ku dhex jiro.waad kumahad santahay akhrintaada qoraalkaan waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MissShilabo

Unrecorded Date
salaan qiimo badan ka dib,

bal in aynu ka nasano magaca Ogaden waxaad moodaa in laga badbadiyay ma istiraadeen idinku sidaa hada labo bilood ayaan isla hortaganahahay magac oo kaliya.

waxaan idin waydiiday wax akhbaar ah ma ka hesaan waxii ka soo baxay mudaharaadkii ka dhacay London on 03/05 iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee ka socdo dibadaha.

waad mahadsantihiin walaalayal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
SALAAN WACAN

Miss Shilaabo

Wararka ugu dambeeya ee ka soo baxa dhinaca gayiga somalida gaar ahaan Ogadenia ay roobabkii guga ee aadka u raagay si aad u wanaagsan uga curteen dhammaan qaybaha gobolka. meelaha qaarkood waxaa la sheegayaa in roobku uusan kala qaadin oo cir-caddaadi noqdo saacado aad u fara badan.
ALLAHA raxmaddiisa dadkaas tabaalaysan u soo diray ayaa mahad iska lah.

Dhinaca kale waxaa 3dii bishan si talantaalli ah mudaharaadyo uga dhaceen Britain iyo Denmark. mudaharaadyadaas oo ay qabanqaabiyeen labada jalliyadood (ogaden community) ee labadaasi waddan. halkaas oo ay kaga cabanayeen waxa ay ku tilmaameen XIDID SIIBKA lagu hayo dadkooda, waa shacabka soomaaliyeed ee axmaarada ku hoos noole,
(SYSTEMATIC ERADICATION) kuna hayaan yixiriinta TPLF. Mudaharaadyadaas oo dad aad u farawayni ka soo qaybgaleen waxa laga daawaday idaacadaha layska arko ee carabta. waxayna ku dhammaadeen si guul ah.

BULSHO CAAFIMAADOO
CIIDDOODA HANATAAN
RABBOW KAA CODSANAYNAA

NABAD LAGU CAWEEYOO
LAGU CAANA MAALAA
RABBOW KAA CODSANAYNAA

CALAN TAABO QAADOO
CISI IYO WANAAG LAAN
RABBOW KAA CODSANAYNAA

DHULKA OO CAGAAR LOO
COSOB IYO UGBAAD LAAN
RABBOW KAA CODSANAYNAA

CAAQILIIN WAX GARADOO
CAYNAANKA QABATAAN
RABBOW KAA CODSANAYNAA

CIIDAN NAGU FILLAADOO
CUDUD NAGU DIFAACAAN
RABBOW KAA CODSANAYNAA


Waxay erayadani ka mid yihiin hees uu tiriyay abwaankii AXMADDEY IBRAAHIM TIMAJILIC oo ku shihiiday ogadenia isagoo dagaal ku jira 1996.

nabaadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duub

Unrecorded Date
FREE GALLAADI

salaan. saqaaf yar kadib soo laabtaye.


Waxaan doonayaa inaan horta sheego in aysan jirin qof ONLF ku raacay magac balse lagu raacay ilaa iyo maantana ay taageero aad u farabadan u haysato ay tahay mabda'a amaba hadafkeeda iyo ballanqaadka ay dadka u samaysay kaas oo ah in loo wada shaqeeyo sidii loo soo ridi lahaa xaqii laynaga duudsiyay.
waxaan jecelahay inaan suaalo ku waydiiyo adigoo raali ah amaba idin waydiiyo dhammaan.

ONLF ma mabda' ayaad ku diidantahay mise magac?.

ka soo qaad ONLF qabiil ayaynu u aragnay, maxaa dadka kale ku waajiba ma inay kuududaan ?.mise inay tallaabo qaadaan?

ma kuula muuqataa innaba inay gobolka ka jirto IL-DHAWR qabiileed?.

Anigu waxaan aaminsanahay in la adeegsado tab walba oo xornimo iyo midnimo lagu gaadhi karo ha noqoto in la yidhaahdo JEES walbow meeshaad deggantahay ka dagaal gal maadama ood moodo in somaliya wax ildhawr qabiileed la dhaho ka socdo.
dhibaataduna waxay ka imanaysaa in somalida isagoon asaaskoodii dhisnayn ay doonayaan inay baarkii dhisaan taasoon macquul ahayn.

Haddaan isku dayo inaan ka jawaabo maxaa lagu diidan yahay magaca WESTERN SOMALIA. magaca horta waxaa la bixiyay xilligii kacaanka waxaana lagu baddalay jabhadii xilligaas jiratay ee la odhan jiray OLF ama ogaden libration front ee MAKHTAL DAAHIR hormuudka ka ahaa .

magaca waxaa looga cararayaa ta ugu wayni waxaa weeye in uusan leexinin hadafka ama ujeedada shacabka gobolka deggen, taasoo ah in uusan ka dhigin dhulballaadhsi soomaaliyeed halkaasna ay kabaxdo ujeedadii oo loo arko dhibka xurguf dhextaal somaliya iyo ethiopia sidii dhacdayba 1977. taasoo keentay in hadafkii wslf meeshaba ka baxdo oo arrintii laga dhigo mid somaliya si gardarro ah ugu duushay ethiopia.

magacii somali galbeed oo markiiba faracyo kale ka sii unkamaan sida "sii galbeed". taasoo ku keentay wslf kala jajab iyo in ciidamadeedii qabiil isu badalay oo sidaynu ognahayba waagii dambe laba ruux oo kala qabiil ah kumaysan wada jirin hal ciidan, qof walbana degaankiisii ayuu aaday. qaar iyagu waxayba billaabeen inay gumaadaan shacab somaliyeed oo kale taasoo keentay in wslf dhexdeedii qabiil qabiil isu layso. taasi waxay ku tusinaysaa in magaca somali galbeed qaadashadiisu aysan waxba haba yaraatee badalaynin. taasoo micneheedu tahay hadduusan qofku mabda' ama hadaf lahayn uu waligii qawlaysato ahaanaayo.

somalidu hadda wataas adduun iyo aakhiraba isa seejisaye ma magac ayaa laysku haystaa mise mabda' ayaa laysku haystaa.
waxa wanaagsan qofka bini aadamka ahi inuu hadaf iyo ujeedo leeyahay haddii kale sida dabaysha ayuu marba dhinac u luxman.

nabaadiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Unrecorded Date
Caqli Ogaadeen wakaa! Somali Galbeedna ma hadaa idinku yeelateen? Magaciinna waxaan ahayn ma soconayaan? My way or NO Way, yaah?. Nin og iyo nimaan ogaynba arliga absamaa iska leh miyaa?
Mindhaa caqligaas baydin dhul ku xorayn ee somali wayn iska suga ayadaa idiin xorayn doontee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

missShilabo

Unrecorded Date
komaande fariid

somali wayne ma jirtaa horta ??

anaga kolay waanu dadaalaynaa ilaahayna waanu sugaynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Komaande

Unrecorded Date
Somali wayn hada ma jirto, laakiin way iman haddii Alle idmo ee suga.
Dadaal lama diidana laakiin caqli baa loo baahan yahay.

salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
Komaande.

bacda salaan.saaxiibow waxaan u malaynayaa in ay cid kasta oo ku ab tirsata magaca soomali ay xil ka saaran tahay gobonimo doonka S/GALBEED.laakiin xil gooni ah ayaa ka saaran dadka dagan geyiga.maxaa yeelay iyaga ayey dhibaatadu ku kooban tahay oo ninka degen southern Somalia ama Northern Somalia lama wadaago gumaysiga iyo dhibaatooyinka ay ku nool yihiin dadka soomaliyeed ee gobolka gumaystuhu ka taliyo degen.waxaa rajaynayaa inaad ila fahantid macnaha uu dhambaalkani xambaarsan yahay.

missSHILAABO.

qofyahay waa ku salaamay.waxaan rabaa inaan kuu sheego inaan kugu raacsanhay figradahaaga 90%.
waana ku mahadsan tahay.halkaas ka wad.
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/RAHMAN

Unrecorded Date
KU:DHAMAANTIIN.

waxaan idinku mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay doodiinu u dhacdo.waxaana rajaynayaa inaad sidaas ku sii waddaan.
waxaa iga tallo ah in aan lays af lagaadayn,isla markaasna lays ixtiraamo.midda kale hala ogaado in figraddaada lagugu diidi karo.waxaa xil kaa saaran yahay inaad figraddaada dhiibato si sharaf leh adiga oo aan cidna u gafaynin.
WAA MAHADSAN TIHIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

dabinada guumeeysigu inoo dhigay horta ogoow

TO:MissSHILABO IYO DUUB
Waxa aan layaabanahay sida indho BILIIL bahday uduleeystay ee waliba uu madaxa uuga dagay!!! bahdu maha bah qurac iyo qansax ee waa bahweenta soomaaliyeed.waxa ayadu fajac ama amakaag ah waxa aad udareemi waydeen kuwii aabayaalkiin awoow yadiin adoonsaday? waxaa nacasnimo ah in aad iloowdo kuwa gatay walaalahaa oo dad madoow ah kulana dhashay? waxaana cajiib ah qof wali kutaagan jidkii ay ujeexeen nimanka cadi oo aan marnaba kaleexaneeyn waana tusaale kan aamin san DHULBAA OGAADEEN AH.hadana ileh bahdeeyeey aan iska xoreeyno guumeeysi!!!!OGADEEN waa dadka uugu badan dagaankaa s/galbeed waxaase nasiibdaro ah ineey ka faaiideeysan waayeen taas waayo waxay aheed ineey dadka dhiiri galiyaan oo soo jiitaan oo abaabulaan nidaam xornimo lagu gaari karo,dadkana aykasbadaan markaaseey bilaabeen dodoow dhulkuna waa OGAADEEN!!!.kama aysan fikirin hadaad tiraahdo waryaa ogaadeenaay tolbeelay inay usoobaxayaan uun wixii ogaadeen ah.waayo maadan oran tolbeelay waryaa s/galbeedaay.waxaa hadaba jirta in dadka kale oo aan ogadeenka aheen ee gobolkaas dagaa ay iyana leeyihiin cilado farabadan balse waxaa tooda qarisay ayagu sida ogaadeenka qabiil lama ordayaan waxaana suurto gal ah in in badan ogaadeen dalka uuga daacad san yahay iyo danaha shacabka iyo xoriyad gaarsiinta.waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gateway

Unrecorded Date
Hello to all those who are reading this message. I apologize for the fact that I am leaving this message in an area of the forums that is of a different subject matter than my message. But I really need this message to be read by some Somali people.

Before I begin my message, please keep in mind that if you wish to respond to me about my message, you will have to e-mail me, because most likely, I will NOT return to see what messages are posted in this forums in response to what you are about to read.

I am not Somali, but I am learning the Somali language. It is TRULY a beautiful language as I hear it spoken. I live in U.S.A.. There are Somalis around me, and some of them are even my friends.

As I study the Somali language, I am coming across a number of hurdles, some of which I cannot overcome without the help of others. I have some Somali-English dictionaries, but that is not enough. For that reason I am humbly requesting that if there is any person who is willing to help me in my efforts, could you please e-mail me. I would only need to send you one e-mail about every 3 weeks (or even less often than that). My questions would be in the e-mail. The time it would take you to answer the questions in each e-mail would be 10 minutes or less.

I know that I am not supposed to advertise in this forums. But I'm not actually trying to sell anything, and I hope that my message does not fall into an unacceptable category with regard to what is allowed in this forums. If this is the case, then I do apologize. But in all honesty, I am just sincerely trying to learn your language, and I need some help.

In the past, when I have tried to ask some other Somali people for help, I have found more or less the same questions to be asked to me. So, I will state these facts now, since I imagine that some of you may be hesitant to help unless you knew this information:

-=-=-=-=-=-
The reason I'm learning Somali is for multiple reasons:

(1) I have some Somali friends, and would like to be able to talk with them also in their language
(2) I'm an open-minded person with regard to other cultures, and I try not to be single-minded, and I think it's good to know about others.
(3) I see Somali people where I work, and some of them are even my friends-- and I would like to be able to communicate in their language with them.
(4) I enjoy studying foreign languages in general.
(5) I think it is a very beautiful language.
-=-=-=-=-=-


-=-=-=-=-=-
About myself:

I'm male, student and working, and I live in U.S.A
-=-=-=-=-=-


-=-=-=-=-=-
Some of the Somali people that I have asked for help in the past have said, "why don't you ask for help from the Somali people that you see in your city?"

The reason why that is not practical is because of the time issue. I am trying to get more that 1 helper. Why? Because through my asking certain Somalis my various questions in the past, I have noticed that certain words are not recognized by certain individuals. Often, I get the response, "There are different dialects, depending on whether you are from the North of Somalia, the South of Somalia, etc.". Or, “We don’t use that word, I’m from the North, etc.”. Then, if I ask a different person who is from a different region, he / she would often times end up knowing the word. I have seen that certain words I would ask a person, he / she might know what it means, but another person would not have ever heard of the particular Somali word (and visa-a-versa ). The questions I ask Somali people are stemming from my readings in the Somali language, AND THESE BOOKS ARE DIFFERENT BOOKS WHICH ARE WRITTEN BY AUTHORS WHO ARE FROM DIFFERENT PLACES AND WHO HAVE DIFFERENT DIALECTS (people, some of which may be from the North, or some of which might be from the south). I need to have helpers from different places in Somalia. That is why I need more than 1 helper. So for this reason, I am in essence trying to get more than one helper in order to get that needed variety of dialects in order to get the answers to my various questions. Please forgive me if I have said anything wrong or incorrect about that, but this is my experience to this point, and this is what some Somali people around me have explained to me so far. So my basic idea is to be able to send my e-mail questions to more than 1 person (to a couple of people who are from different places in Somalia). That way, I can be sure to get the answer (that only a person from the North might be aware of, or only an answer that a person from the South might be aware of). That is why it is not practical to ask people in person in my city because it takes too much time running around trying to get different responses from different people with different dialects if the first person I ask does not know the answer perhaps due to the fact that this person is not from a certain region where a certain word is not even used (and this word just happens to be the word that I'm asking for the meaning of).
-=-=-=-=-=-


-=-=-=-=-=-
"Why don't you just go to one of those Somali web sites and get grammar books and stuff?"

This is also not enough. I have already bought some English-Somali dictionaries, and I have access to Somali grammar books. But there are some questions that you need to ask others. For example, here is one question that you might receive from me: in a Somali text that I was reading, I saw this sentence, <<Hadda waa nin weyn >> . . I already knew the meanings of the individual words, "Hadda" = "Now / just now" <><> "waa nin" = "he's a man / it's a man" <><> "weyn" = "big". But I'm almost sure, based on the context in which this word appeared that the author was NOT talking about a BIG man, like a giant. I was thinking perhaps "weyn" was being used in the sense "adult" or "older / old man". But I was not sure. This was an example where I really needed a Somali person to let me type out this sentence to him / her in an e-mail (as well as the sentence before and after it), and then to have that helper simply explain the following information: "WEYNcan also mean 'such and such' and that in this sentence where the word WEYN is used, it means 'such and such'." -- Because I don't have the experience of hearing the language spoken in context (because I can't understand Somali spoken fluently yet), I sometimes need the help of a person who has heard these words used in various ways, and who is able to give an easy 3 second answer off the top of his / her head because it's his / her native language, whereas I can not do that.

There is another reason why I need more than 1 helper. Because these questions pop up often when I do my readings in Somali. I want more than 1 helper because I DON’T want to burden and overload a small number of helpers with my questions in e-mails every 2 days. That is not polite, and it is inappropriate. So, I’m going to get enough helpers to that I can divide up my questions among various people. That way, my MANY questions are being answered, but each individual is only answering about 1 e-mail every 3 weeks. And each e-mail only takes about 10 minutes or less to answer the questions. After all, if a person is kind enough to offer his / her help, then the least I can do is keep my questions to a limit for that person.
-=-=-=-=-=-=


-=-=-=-=-=-
And the last question that I've gotten a lot of times is, "Hey man, you are Somali, why don't you just admit it! I don't believe you!"

No, I am not Somali. I am American. I cannot prove it unless you live in my city and meet me.
-=-=-=-=-=-

Well, I think that is about it. Once again, I apologize if this message is inappropriate for this area of the forums.

If any person is willing to help me, I WOULD VERY MUCH SO appreciate it. Basically, I need a person who speaks both Somali and English fluently, and who is also able to read the Somali language.

And by the way, please keep in mind that if you wish to respond to me about my message, you will have to e-mail me, because most likely, I will NOT return to see what messages are posted in this forums in response to what you have just read.

My e-mail is as follows…

gateway388@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARDHEER

Unrecorded Date
waa la yaab!war yaa ninkan noo so dirsasay.kuwii af soomaliga yaqaanay aan tabar u la'nahay macdallaahi axadkaan oo kale.
xarfaaneey waxaan idinka codsanayaa in la ila socodsiiyo abaarihii waddanka ka dhacay.aniga waxaa iigu danbaysay iyadoo haddana roob lagu mashaqeeyey oo macaawinadii ayna weli gaarin.fadlan qofkii intaa ka badan hayow ii soo gudbi adiga oo ku mahadsan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.