site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Horta Ilaa goorma ayaa soomaalidu Qabyaaladda ku dhaqmayeen!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Horta Ilaa goorma ayaa soomaalidu Qabyaaladda ku dhaqmayeen!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaangoow

Unrecorded Date
Asalaama alykum

Walaalayaal salaantaas ka gadaal , waxaan is weydiiya in badan su'aal ah Dadka la yiraahdo soomaali ilaa iyo goorma ayay qabyaaladda iskula dhaqmayeen . Ilaa weligey waxaan maqlaay qabiilkaasi dad maaha , kaas baa ka wanaagsan ,qabiil hebel waa nasab dhiman iyo waxyaalo kale oo ka sii foolxun.
Marka waxaan idin weydiiyay marna weligeen Qabyaalad la'aan ma iskula dhaqanay? ilaa goorma ayay arrintani soo jirtay? maxaana sababy in qabiil uu qabiil kale yiraahdo inagaa ka dadnimo fiican isagiiyo wuxuu dhaamo ayan jirin?

Waxaan jeclaan lahaa inaad fikradihiina ka dhiibataan arrintan aniga iyo sidaan filayo soomaalikaleba wereerisay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kissima

Unrecorded Date
Illaa maalintaan dhashay waa wadeen,

sorry, that was a joke,
Somalidu maadaama aysan lahayn luqad qoran oo taariikh la tix raaco leh, way adag tahay inaan go'aamino waqtiga ay bilaabatay qabyaaladda iyo ku dhaqankeeda.

Qodobka labaad oo ah anaa kaa nasabsan ayaa waxay ku timid, maadaama aysan xadaaradi jirin, ayaa ninkii ka baxa wixii caadada ahaa wuxuu noqon jiray qof ka takooran dadka intiisa kale. Somalidu waxay ahaayeen xoolo dhaqato markaa haddii aad la timaado wax arrinkaa ka duwan waxaad tahay qof ka tagay nasabkiisii, tusaale haddii aad la timaado xirfad, kabo tolid, ama bir tumid, waxaad tahay qof fallaagoobay oo tolkiis wax aysan ab iyo isir u lahayn la yimid, taas ayaa waxay keenaysaa in lagu takooro, magacna laguu sameeyo.

Aqoontaydu waa iga intaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNE

Unrecorded Date
ILAA INTII SOOMALIDA LA UUMEY, WEY JIRTAY WEYNA JIRAY SIDAY U MUUQATO MUDO KALE OO BADAN NASIIB DARO.

MIDA KALE WAXA IYANA CAJIIB AH MARKAY NOQOTO DIIN IYO TOL WAXA LAYSKU RAACA WIXII TOLKU GO'AAMIYEEN!!

TUSAALE AHAAN HADAAD WADAAD MASJID-JAAMAC TUJIYA DADKA, WEYDIISO WUXUU KUU SHEEGAYAA INAY TAHAY QALAD IN LAYS YASO, HADIISE AAD TIDHAAHDID MAXAAD U GUURSEN WEYDEY GABADH AH DADKA LA YASO, WAAYI MAAYO QIIL UU KU MAR MARSIIYOODO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

basir abdi.

Unrecorded Date
Yawmal qiyaamo xataa qabiil iney u feylaan baan ka baqayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
DHamaan waan idin salaamay walaaleey iyo walaale akhristoow.hadaan intaa kagudbo.
Adamaha in uu isqabyaaladeeyo ookalo maseeyro waawax soojiray ilaa aboonaa aadam,waana dhaqanka basharka ama dadka aadamaha ah.ujeedaduna waxaa weeye waxan anaa ku haboon iyo anaa kaaga haboon,ee in ay aadame islayihiin iskuma diidana.laakiin akhristoow waxaa jira arin adamaha isku sii diraysa oo yaa wada taas waxaa wada SHEEYDAANKA INDHAHA BULUUGA AH LEH EE TIMAHA CAD EE CADAAN ISU YAQAAN ADAMAHA INTIISA KALANA ADOON UU LEEYAHAY U YAQAAN.tusaale Soomaalida ineey ninka farsamada yaqaan kafaanaan asagaa kadanbeeyay.ineey bada kafaanaan asagaa kadan beeyay.ineey dhahaan yanyada iyo mooska gooryaan eey keenaan ee kacarar asagaakadan beeyay.in qabiil qabiilka kale ka caqlibadan yahay asagaa kadanbeeyay oo aysan adame isla aheen.xintanka adamaha kadhexeeyo lee soomaali kadhexeen jiree colaadaan iyo kala fogaan shahaan asagaa keenay dalkeena.hadana car haynaga dhexbaxo car waayo waaa sheeydaan arlada fasaadiyay.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
ogoow
NINKA CAD ama SHEEYDAANKU,waxa uudalkeena guumaysanayay oo uu caadi udaganaa 100 sano.kafakar muxuu intaa qabanayay? waxa uu inabaday sida aan nahay maanta,waxa uuna intaa inaga dilayay maskaxda jirkana waajiray laakiin ma badneen marka loo eego african ka kale.ugaaska ama garaadka ama malaaqa ama boqorka ama suldaanka ama imaamka soomaaliyeed waxa uusiin jiray qori ayadoon la aqoon qori markaasu dhihi jiray intakale waa adoontaa.markaasaa reer reer laysugu duuli jiray.qofka soomaaliga ah waa ladili jiray haduu qabiil sheegan waayo.baar kuraaja dalsuud ee xamarku yaal waxaa ku qornaan jirtay NIN MADOOW WAAKA MABNUUC.kii lagu arko waxaa lagu dhufan jiray boqol jeedal.waydiiya dadka hada wali nool ee soomalida ah ee la karbaashay anigu gaar ahaan qaar baan caadi ula kulmay.colaada dhexdeena ah dhibmalaha waxaana ka heshiinkaraa ookaliya markaan ogaano cadawgeena.soomaali waa dadka aduunka isugu jecel isugu qadarin badan ee hooyo ubedkeed ah ee walaalayaal shaydaanka aan kaxoroowno.ufiirsada hada oo udanbeeysa shirkan soomalidu isugu imaaneeyso wuu dhexfadhiyaa war ileen balaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Jiilkan, kan gurguuranay, kan Caloosha lagu wado kan uusi dhalidoono, kan ku sii xigi, kan kasii dambeyn iyo waligeed way socon, maxaan kaloo kuu sheegaa hadaba.

Fiiro Gaar ah........waa siday ilatahay iyo goor dambe

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.