site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaynu khayaaliga isugu maaweelinaa??????????

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Maxaynu khayaaliga isugu maaweelinaa??????????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Waad salaamantihiin dhamaan intiina wanaaga raadisa.
Beryahan waxaa laga bixi waayey, anaagaa wanaagsan iyo reer hebel baa liita iyo wax la mid ah.
Anigu ••••••• baan ahay, nimanka aan asxaabta nahay ee nafta aan isku hurro ee marka dhibaato isoo gaadho aan hiil ka doonaa waa ••••••(ilaahay baa igu og in aanan been sheegeyn), waxaan rafiiq uga dhigtayna waa daacadnimada dhabta ka ah ee aan ka arkay. markaa qabiil walba dad wanaagsan iyo dad xunba waa leeyahay.
In Somalida badankeedu ay qabiilkooda uun raacaan waxaa sabab u ah, waxaa inaga dhaadhacsan in qabiilada kale aan la aamini karin oo ay shisheeye yihiin, tanina waxay keenaysaa in ruuxu ku koobnaado qabiilkiisa keliya kiisa xun iyo kooda wanaagsanba.
Waxaa caado fayow ah in ruuxu dadka xun ee tolkiisa ah iyo kuwa qabiil kale ahba uu ka fogaado, isla markaana dadka wanwaaagsana ee qabiilkiisa iyo qabiiloooyinka kale ahba uu la dhaqmo, markaa dabeecada ah reer hebel waa xun yihiin waa inaga baaba aysaa.
Hadaad u fiirsato waxa qabiilooyinku isku hayaan shanta dhaban baad gacmaha saaraysaa, tusaale: mid baa ku leh , reer hebel col baan nahayoo beri bay dagaal nagaga baxeen, ama mag bay nala bixin waayeen, ama caaqilkayaga islaantiisa walaakeed inankiisa tagsi uu lahaa bay naga dhaceen iyo wax la mid ah.
Sow ma aragno in khayrkeen(faceen)ay ka fekerayaan xidiga mars ma lagu noolaan karaa, inagana masaalkeenu waa: markii Ilaahay shimbiraha abuuray iyo iloo iminka wiiq wiiq wiiq uun bay leeyihiin oo wax iska bedelay majiraan.

ILAAHAY WAX HA IN GARANSIIYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CLINTON

Unrecorded Date
YOU..AHAHA SUCK MY D.
QAAD BAAD MALAHA KASOO DHERGTAY.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.