site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADIS!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADIS!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Fadlan ii dul qaado oo walaalow qadari rayiga kale oo qadaf iyo meel ka dhac iska dhawr. Waa dood cilmiyeed iyo qof iyo aragtidiisi.

Saddex qodob ayaan soo bandhigayaa in la faaqido, la rogrogo, la cilmiyeeyo, la darso oo la lafaguro ee ha naga hagran rayi iyo aqoon wixii ilaahay hibo kuu siiyay.

Waa dan walaaltinimo iyo raadin QARAN IYO QAWMIYAD Soomaaliyeed ee qaybtaada qaado. Ma dalkiinii oo maqan baa ninna ERAY u tuurayn!

1- MIDNIMADDA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADIS.

2- XUQUUQDA QOFKA SOOMAALIYEED WAA MA GUURAAN.

3- HOGGAANKA IYO HANAANKA DAWLADNIMO WAA RABITAANKA BULSHADA SOOMAALIYEED AY KU MUUJIYEEN AFTI GUUD.

Doodda ka furan golahan waxay ku wajahan tahay qodobka koowaad.

MA KULA TAHAY IN MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED TAHAY MUQADIS?

Haddii ay suurta gal noqoto oo aad ka qayb qaadato gogasha ay fidasay Dawlad Jabuuti ee lagu faaqidayo sidii dib loogu dhisi lahaa QARAN iyo QAWMIYAD Soomaaliyeed:

1- ma ku adkaysan lahayd qodobkan?

2- Maxaad ku fasiri lahayd GAYIGA SOOMAALIYEED?

3- Ma is qaadan karaan gobalysi iyo murtida qodabkan? Mase waa kaaf iyo kala dheeri?

Qodobka kale doodda waxaa u furan gole kale ee soo booqo oo Mudane iyo Marwooyinow mudan qadarin iyo gacaltooyo raagtay aynu wada raadino MAANDEEQ.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Inana Libaax sanka taabte

Unrecorded Date
Horta Tuulo buuryo qab iyo Gaalkacayo soo midee nacasyahaw hinaasuhu hayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qooleey shinbir

Unrecorded Date
walaalkiin,

midnimada umada soomaaliyeed muqadikeeda iyo muqadis la'aanteeda micno masamaynayso waqtigan xaadirka ah why? because micnaheeda ayaa nagu yar!
saaxiib quebec iyo kanada waa hal wadan maxaa isku haya waa cadaalad sinaan iyo wax wada qabsasho laakiin sidoo kale suudaan north iyo south maxaa isku haya waa reality laakiin soomaaliya north west aniga ahaantayda waa dad dulman oo aad loo dulmay inta shacab ladulmikaro 40 sano oo sudbursi,dhaqaale curyaamin,oppresion,intimidation,subversion and disturuction baa lagu haayey marka macnaheed muqadiska aad sheegayso? of course soomaali oo dhan baa dhibaato soo gaartay but we don't have to mixed different cases as well as myth and reality.

peace.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

qooleey shinbir waa runtaayo labo qodob oo aad qortay boqolkiiba boqol ayaan qirayaa in ay dhab tahay.

Waa tan horee waxaa tiri "MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQUDAS" micnaheeda ayaa nagu yar.

Waa tan kalee gocosho iyo nin godob tirsanaya oo aan loo garaabayn baynu HADDA wada nahay. Hase yeeshee gaf iyo gardayo badan baa lagu falay walaalaheena WAQOOYI.

qooleey shinbirow walaal ma utin joogta ah iyo bishamahoon cunnaan dan moodnaa? Ma walaal adaa ii leh iyo adaa ii leh bay dani noogu jirtaa?

Mise kharaarkaynu liqnaa oo walaalaynu nahay waynu isu catawnaa, isu garaabnaa, gacal iyo gacal isu noqonaa?

Hadana waa runtaaye sow ma aha in aynu raadino, raacdayno, barano oo barno macnaha MUQADAS sidaa tiri weeye garashadiisu nagu yar tahay?

Hadda aynu dib ugu noqono mar kale qooleey shinbirow oo aynu isku daynu in aan qeexno oo macno u yeelno dabadeedna isku raacno murtida

MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQUDAS!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina Libaax sanka taabte

Unrecorded Date
To Walaalkiin.

INTAAD WELI AAMINSANTAHAY ERAYADDA AY ISTICMAALI JIREEN KELI TALISKII OO IMINKA AFRIKA KA SII DHAMAANAYA....Haygu soo waalan, Riyuhu haday dib leeyihiin tooday ku qarsan lahaayeen

Horta hanoo ducayn, aakhirona hanna damiinan, munaafaqada yar ee caantaynka ah igala tag, muqadasnimadana futada iska geli.
haday midnimo wax taray qaxootii maan ahaadeen maanta.
marka hore bal adigu cagaha isku soo taag, markaa hayno ahaato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ina Libaax sanka taabte garabkaaga Ilaahay Ha Galo.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina libaax sanka taabte

Unrecorded Date
Garabkaaga adna walaal ALLAH HA GALO,

ILAAHOW NOO NAXARIISO, OO NAGA XOREE CAQLIGA KELI TALISNIMADDA IYO SIDAAN WAA AHAAN JIRAY, OO NAGA XOREE JAHLIGA SI'AANU ISUGU GAROWNO.

ILAAHOW NOO NAXARIISO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YAABSAN

Unrecorded Date
MIDNAMADA TEE MUQDAS AH TAN SOMALI IYO ZONE 5 NFD SOMALILAND ,DJIBOUTI MISE TAN SOMALIA IYO SOMALILAND OO KALIYE

BAL II SHEEG TEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina maroodi wado ka ceshe

Unrecorded Date
To Yaabsane
Midna muqadas ma'ha waxa keliya oo muqadas ah diinta islaamka.
Nacas Nacas dhalay waxaa adigana maskaxda kaaga jira caqliqii Guul-wadayaasha, oo waxa dabadda kaa jaray Siyaad Bare.
Waxaynu ku jiraa Qarnigii 21aad cidina cid ma badowsankarto, mana afduubi karto ee duli yahaw toos.
Hadii kale halkaaga huuradda la yuurur.
Ina libaax sanka taabte halkaa ka wad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qooleey shinbir

Unrecorded Date
kuligiin,

walaalayaal si dood leh aanu umurano oo wixii aanu isku diidno yaan isku cayn oo jahil yaanu noqon sababtoo ah cay iyo aflagaado wax ma siyaadinayso aniga ahaan tayda waxaan u fasiranayaa qofkii caytama qof aan awood wada xaajood ama debate samayn karin. Meeshaan waa forums not a ring

thanks for your colloboration.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Unrecorded Date
hi
Maxaa horta somalida eeysan udoodi karin si caadi ah qof haduu fikrad keeno, ceey aa loogu jawaabaa,
ninka page ka furay Rayi buu keenay lakin intii aad fikradiina kadhiiban laheedeen rayigiisa sax iyo qalad waxuu yahayba, Futada iska geli intee looga hadlaa, midkaan oo libaax san kataabte isku sheegaa mukulaalne san makataaba kartid ee hadaa dood taqaan keen hadii kale iska aamus ee ceyda jooji.

Aniga fikrad ahaanteeyda hadii aan wax kasheego Midnimada somaliyeed waa mid soomaali oo dhan utaala, lakin waan jecelahay inaan arko somali mideesan oo si cadaalada ah uwada nool.

cafis all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADIS!

Taariikhda qoran waxay sheegaysaa in Geeska Afrika ay ab iyo isir degi jireen dad loo yaqaan Soomaali. Macnaha ereyga "Soomaali" laga dooday la iskuna raaci waa! Halkanna hadda ugama hadlayno macnaha Soomaali.

Qoraaladii hore waxay sheegayaan in dadku Soomaalidu ahaayeen xoolo raacato reer guuraa ah oo hadba meeshii biyo iyo baad leh xoolahooda u rara. Haddii daruurta hoortay haqab tiri karto beesha goobtaa isugu timid gablay shimbir, shirib, saar iyo dhaantaa la boodi jiray. Haddiise baadku yaraado oo ay oomano noqoto waranle iyo ninkii cudud roon baa reerka u hari jiray.

Waxay kaloo taariikhdu sheegtaa in gayiga Soomaaliyeed aysan ka jirin dawlad, maamul, hoggaan iyo hab mideeya ee deegaan walba inta degan lahaayeen xukun hoosaad iyo saldanooyin qaarkood quwad badan oo ciidan iyo dhaqaale sidii tii Awdal lahaayeen.

Soomaaliga degan cirifka badda cas iyo kan ku nool xeebaha bad weynta Indiya iyo kuwa goofafka, ceelasha iyo hawd ku nool ma la hayn xiriir mideeya ama ay ku hirtaan bay taariikhdu sheegtaa.

Gumaystihii reer Yurub ee Barliin ku shiray 1884 ayaa kala qaybsaday Gayiga Soomaaliyeed. Sidaas bay ku timid baa la yiri Xiddiga Shanta GEES leh. Waxay tilmaamaysaa baa naloo sheegay shanta qaybood ee gumaystuhu gayiga Soomaaliyeed u qaybiyay. Jabuuti (Cafar iyo Ciise), Somaliland, Somalia, Ogaden (Soomaali Galbeed) iyo NFD.

"Inaan dagaal ku galo oo dhiig ku qubo ayaan ku dhaaranay" siday Baxsan ku heestay.

Markii ugu horaysay taariikhda qoran ayay shanta qaybood ee gaalku gayiga Soomaaliyeed u kala qaybiyay kiciyay dareenka dadka Soomaalida ah ayaa la yiri. Markuusuu Qasin Hilowle ku luqeeyay "Soomaaliyey Toosa" Abwaano kalana ku duceeyeen "Dadkan dhawaaqaya dalkiisa doonaya hadday u dhiidhiyeen Allahayow U dhiib!"

Afartan sano ayay hadda soo jirtay Soomaalida cusub oo hal maamul hoos timaadda. Labaatankii sano ee ugu dambeeyay midiyo iyo ablay ayay isu siteen oo gawrac ugu jiideen wiilkii hana qaadaba.

Waxaan hadda u joognaa in dib loogu noqday saldanooyinkii iyo xukun hoosaadkii ka jiri jiray Gayiga Soomaaliyeed xiligii Ibnu Batuuta iyo Xabshadsuud ee ma lagu nabad geli oo dhiigga qubanaya ma ku joogsan?

Dar xumada iyo silica na haysta ma uga baxaynaa GOBALAYSI?

Toddobo Imaaradood oo marka kuligood la isku daro ka yar Awdal haddii ay ku heshiiyeen dawlad midaysan, Soomaaliyeey gacalow maxaan ku diidaynaa in aan ku dayano oo sidaa lagu dhawro MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED?

Qolo walba iyo deegaan walbana adkeeyo maamul hoosaad u gooni ah oo ka madax banaan maamul dhexe iyo keligii taliye iyo qayb ama gobol mid kale maquuniyo?

Dooddu waa raadinta micnaha iyo isla meel dhigga murtida ku jirta

MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADAS!

Ee walaalow adoo mudan qadarin caqligaaga hadal waana ceebe ha caytamin oo ka dhiibo rayigaaga:

1- Ma ku adkaysan lahayd qodobkan?

2- Maxaad ku fasiri lahayd GAYIGA SOOMAALIYEED?

3- Ma is qaadan karaan gobalysi iyo murtida qodabkan? Mase waa kaaf iyo kala dheeri?


Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHALUU MARAY

Unrecorded Date
To Walaalkin
Siilka Hooyadda baa muqadas ah


WAXA KELIYA OO MUQADAS AH DIINTA ISLAAMKA, BARO XAARLE WAAXID.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
SHALUU
Sheela kaa soo dhacday, waa maxay diintana waad ka hadleysaa hooyooyinkana waad caayeysaa,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Yeeysan meel xun gaarin, ppl topic-gan waanu joojiney, iyadooy ugu wacantahay iyadoo laga cabsi qabo in dadka qaadhkii ay gadoodaan, iyadooy ugu wacantahay afaaro qabiil/wuxuushnimo/iyo siyaasad nacalad ku taalo
owgood.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Unrecorded Date
To CiiseRoodhi

SXB caynkaas aad sheegtay weeye, halkaana halagu xidho.

Ninkii sii wadaana isagaa cirka roob ku og.
Soomalidda ayaa hore u tidhi "dhidarku haduu xabaalo qodo wuxuu u dhaadhacaa waa qudhun"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Culumo

Unrecorded Date
Shalu maray, lagu mar. Diin maxaad adiga ka taqaan , bal fiir sida uu hadashey. Taas baa cadeeneyso inuu Walaalkiin ka aqoon badan yahay Diin iyo mid kale ba. Ninyahow baro habbka loo doodo, hooyooyinka nabad gali. Koley halkaan waxaad ku ceebaysa tii ku dashay oo aan aqlaaq ku soo barin.
Yaab, haddi qof ka figrad duwan yahay ma in la caaytamaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
HADAGAALAMINA WAXAYNU NAHAY HOOYO UBEDKEED EE.

KU:Walaalkiin

Asalaamu Aleeykum brothers and sisters


Waxaan jeclaan lahaa inaan laga bixin moowduucaan.waxa kale oo aan mahad u celinaya ninka qoray moow duucaan oo taabtay taariikhdii soomaaliya.waxay aniga ilatahay in aan ku dagaalano wadajirka umada soomaaliyeed.inaan kadagaalano goboleeysi.anoo kaduulaya fiiriya maanta aduunka bahwalbaa waataa israacday EUROPE aa udanbeeysay.xiligaan aduunkii cid walbaa israaceeyso miyaan hada koow kala yaacnaa?muraadkeeyga fog waa soomaali oo israacda oo hal ah kadibna africa oo dhan baan hal karabaa.mahurdo waan soo jeedaa marnaba ma ogoli in lakala qeeybiyo midnimada umada soomaaliyeed.ee malaayiin hooyo iyo aabe noo ah ay usoo dhinteen maanta ma ogoli guumeysi iyo mid kabaha usida.waa kabaxay.diintu madii dana in aad jeclaato dalkaada iyo dadkaaga.jahligu waa meeshiisa.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin Isaaqa ah

Unrecorded Date
Gurey sidaas aad u hadlaysid waa macquul saaxiib oo waxaad tidhi waan jeclaan lahaa wadajirka umadeena, laakiin ninka sheekada bilaabay sidaas umuu hadlin ee wuxuu yidhi waa muqadas,Diinta muslimka uun baa ah muqadas.
Midnimadu waa hadii wanaag la'isku afgarto iyo heshiis, kuwii kalena way caytameen nasiib daro
maanta sidaad ogtahay nina nin kama xoog weyna umana hanjabi karo.
Hadii walawayntu isa soo dhisaan waa suurto gal in wado hadal yimaado kaasoo ku xidhan danta labada umadood.
Waxaase waxa ka horeeya in marka hore walaalahayaga walawayntu toobad keenaan oo iyagu horta soo midoobaan, kadibna laysu soo boholyoobo
Intaas ayaa caqligaygu ku egyahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

burcaawi

Unrecorded Date
bismila: waad salaamantihiin dhamaantiin
gaar ahaan walaalkiin waa ninka mowduuca furaye.

inkastoo meelaha qaar markaan akhriyey aan is idhi waxba haku darsan haddana dad badan oo laga faa,iidaysan karo dhinac maskaxeed iyo dhandoodeedba ayaa bogan ka qayb qaatay.

balmarka hore haddaan isku dayo inaan ka jawaabo su.aasha ah midnimada soomaaliyeed ma muqadasbaa? jawaabtu waxay tahay haa. waayo mar haddaanu jirin dadka soomaaliyeed dhul iyo xuduudo ay dhigteen ama alle usameeyey waa muqadas inay mid ahaadaan sikale hadaan usheego muddo laga joogo 109 soomaaliya waxay ahayd hal wadan oo caasimadeeduna waxay ahayd magaalada layiraahdo harar waxaanay ka tirsanayd dawladii islaamka ahayd ee uu nibigeenu naxariis iyo nabad gelyo aale korkiisa ha ka yeelee ka aasaasay magaalada madiina.raintu si kastaba ha ahaatee runtii waxa wax lala yaabo ah ninka aaminsan xadadkan uu gumaystuhu jeexay. qaarkood waxaan hubaa haddii aanaynu inagu soo gaarin in aabayaasheen ahaayeen kuwii lagu jeexayey. maxaa yeelay muddada oo dhawayd awgeed tusaale ahaan xadkan kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta soomaaliya waxaa la sameeyey 1954 waa lix sanno ka hor dawladnimadii soomaaliya. sideedaba soomaalidu markay isu faanayaan waxay yiraahdaan iniga oo reer hebel ah oo farahaa leh miyaanay ka fiicnayn inuu isticmaalo faraha soomaaliyeed oo dhan.
haddaan intaa kusoo geba gebeeyo waxaan hubaa inaan soomaaliya meel ka latagayn waligeed si kasta oogumaystuhu isugu dayo inuu maangaabka uga dhaadhiciyo waxa layiraahdo gobolaysiga.

wasaalam calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabyaaye

Unrecorded Date
Nabad

Midnimada somalia ma muqdasbaa? waa qosol ku jab.

Soomali waa dad isku ab iyo isri dhow oo inay isku duubni u wajahaan nolosha waa lagama maarmaan laakiin xaqiiqda somalia ka dhacday ama maanta taal taas way ka duwan tahay.

1. waa maxay waddan? waa maxay Calan? waa maxay dawladnimo?waa maxay WADAJIR , sideese lagu gaadhaa?
Sheekadu hadday afka tahay ee aanay uurka jirin oo ficilkeenu ka marag kicin waa ina-wax-kama-jiraan.
Haddaad adhi weere dhexgeliso oo hadana tidhaahdo waa in adhigu wada joogaa miyaanay cajab ahayn?
Gobanimadu waa geed hadhweyn bay soomadu tidhaahdaa ee ninka gudin ku jaray ee haddana leh muxuu geedku isu taagi waayey miyaanay Cajab kale ahayn?
Ma maqasheen hasha geela cuntee cabaadda? Ragga maanta soomali halkay joogto kala geeyey ee misna ku afgobaadsanaya Midnimo aanay furfurkeeda mooyee xarkaheeda xirin miyaanay cajab kale ahayn?

Somali hadday North iyo south, east iyo west ay noqoto hal midbaa xaqiiq ah oo waa tan wada dhalashada. Haddii deeegaanada somalida qaarkood dan moodaan inay gooni isu taagaan oo gaar isu MAAMULAAN ma la yaabbaa? taas somalinimo cidna ka saari mayso ee waa is aammin la'aan ay rag sababeen.
Dhibaatada GOOSIGA woqooyiga oo rag aan garanayaa buunbuuniyaan kana dhigaan inay tahay DHIBAATADA SOMALI haysata been bay ku sheegeen waxayna wadaan kala dillaalkii iyo danseeggii na soo daashadey oo dan ka raac buu mudan yahay.

SUAASHA MEESHA TAAL ee u baahnayd in ninka meesha furay ka hadlaa waxay ahayd MAXAA SABABAY midnimada kala daadatay ee uu na lee yahay waa MUQADAS? Dadka loo golleeyahay miyaanay ahayn kuwii xiiso, kalgacal,iyo waddan iyo walaal jaceyl dartii SHURUUD LA'AAN la soo midoobey walaalahoodii KOONFURTA? Maxaa keenay inay wadiiqada ay sahansadeen qaadaan?

MIDNIMO iskama timaaddo waxay u baahan tahay faham. Tiirar bay leedahay ee ma udbihii baa loo siibey, maxaa keenay Goonigooni iyo kala goosiga.

Midnimadau waa sida silsilada oo kale oo haddii ay furfurato waxaa habboon in laga hadlo sidii laysugu celin lahaa ee Hadal afka baarkiis ah oo la yidhaahdo Silsiladdu is haysigeedu waa mUqaddas (MIDNIMO waa Muqadas)meel na geyn meyso.

anigu waxan la soo taaganahay Midnimo ma xuma laakiin waqtigeedii ma joogno oo jeer la illaawo wixii dhacay Kuwii tafaraaruqa keenayna mudankooda la marsiiyo waxba hagaagi maayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

MIDNIMADDA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADIS!

Horta iyo horraan ba kuma doodin in MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED TAHAY MUQADIS ee waxaan waydiiyay IN AY TAHAY MUQADIS iyo in kale.

Haddana waa tu kalee waxaan codsaday in aad qeexdo walaalkayow sida aad u aragto macnaha GAYIGA SOOMAALIYEED!

Waa aqoon korosi iyo dararin maskax gu hore hortii gurtaye waxaan ku waydiiyay gacaliyow sidaa u aragto in ay is qaadan karaan GOBALAYSI iyo MIDNIMO!

Aan ku celiyee walaalow iyo walaaley bal isku day in aad soo ban dhigto sidaad u aragto in ay tahay jawaabta su'aalaha kor ku qoran.

Haddii ay ku dhibo oo aad qoonsato raali ahow oo reerkeega dhaqo.

Haddii aad hayso rayi dad iyo dal ba dan noo ah bal nala qaybso adduunku wuu gaaban yahay intaadan dhanka kale nooga xijaaban.

Mar kale raali noqo qofkaan cagta hoosteeda uga joogsadayow!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qooleey shinbir

Unrecorded Date
walaalkiin,

anigu maxamed ahaan hadaan ka hadlo arinta heer waqooyiga,waxay ila tahay hadii dhowr arimood lasameeyo in ay meesha imankarto midnimo ama unity

1-In hasha maandeeq loo qaybsado 50/50
2-in nimanka dowlada kamid ah monitor lagu sameeyo
gaar ahaan wasiir ilaa dibutaati ama mudane si
aysan ugu talax tegin awooda lagu amaansady
3-in warlord iyo nimankii xubnaha ka ahaa
dowladihii 1960-91 laga mamnuuco maalmul
danbe
4-in nimankii saraakiisha sare ahaa ee umada
soomaaliyeed dhiigooda cabay qabiilkuu rabo
ha ahaadee maxkamad lasoo taago.
5-in nidaam loosameeyo dhaqaalaha iyo
beeccmushtarka gobolkasta.

sidaas ayeey midnimo ka dhalan kartaa aaminnimona
ku imaan kartaa

peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

why

Unrecorded Date
qof walba waxa ku xumaaday markii ay somaliland dib ula noqotay madaxbanaanideeda maxaa ugu hadli weynay tan jabuuti iyo tan ethopia iyo tan kenya misa somaliyeey somaliland oo kaliya ayaad jeceshihiin taas waa cadaalad daro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Salaamad dabadeed,

waxaan u arkaa in ninka furay bogga ee WALAALKIIN loola dhaqmay si aad u xun isaguse ku dulqaatay aniguna waxaan ugu hayaa middaas weji (credit).
Anigu fikraddeydu waxay tahay in Soomaaliya wada jirkeedu yahay MUQADIS ninkii garanaya ayeyna u tahay ninkii aan garanaynna uma aha.
Haddii aan taabto taariikh yar oo ragii Soomaaliyeed ee dhabta ahaa ka tageen waxaa ka mid ah:
1-C/llaahi Suldaan Timo Cadde, wuxuu yidhi:

dugsi maleh qabyaaladi
waxay dumiso mooyaane
bal inay dalfoof tahay
caqlliga doonni laga saaray
wixii soo daashaday ayey
weli degelsanaysaaye
dul iyo hoosba waan ugu dhigee
waa dix dhagaxeede
anuunbaa danqanayee
dheguhu uma daloolaane....

2- Xaaji Aaden Af-Qallooc:

Zeben tegay mid soo socda
iyo saaka mid la joogo
saddexdaas xaal ayaa adduun
mid uun lagu sifeeyaaye
soo noqod maleh wixii shalay
saadufay ee tagaye
berri iyo saadembena
waa sed kaa maqane
waxay taladu kuu suubantahay
subaxaad joogtaaye.


3- Seyid Maxammed C/lle Xassan

dadow maqal dabuubtaan ku idhi
ama dan ha uyeelan
ama dhaxa daboodiba jiryaye
doxorku yeelkiisa
nin ragay dardaaran u tahaye
doqon ha moogaado
waa idin dilaayaa kufriga
aad u debcaysaane
marka hore dabkuu idinka dhigi
dumar sidiisiiye
marka xiga dabaqad ayuu
idin dareensiine
marka xiga dalkuu idinku odhan
duunyo dhaafsada'e
marka xiga dushuu idinka raran
sida dameeriiye....
mar haddaan dushii Adari iyo
Iimey dacal dhaafay
maxaad igaga digataan
berruu siin lasoo degiye.


Soomaaliya waa waddan ayaan daran dadnna aan ahaysan.
Inkastoo nin ka mid ah akhyaarta boggan ka jawaabtay taabtay, haddana waxaan isku deyaya inaan sii bal ballaadhiyo arrin yar.
Keddib rogmashadii ama burburkii Soviet-kii hore (U.S.S.R.), waxaa adduunku ukala baxay laba qaybood: kuwo aad u ballaadhay dhaqaale ahaan, cilmi ahaan, mujtamac ahaan, iyo waddan ahaanba waxaana ka mid ahaa waddamadii xulufadii NATO, iyo kuwo baaba'ay waddan ahaan, dhaqaale ahaan,mujtamac ahaan, iyo cilmi ahaanba.
Waddmada intaas siyaabood ee aan soo sheegay u dhismay waxaa ka mid ah:
1- Germany,
2- Yemen,
3- China,
4- Panama
5- Chad
6- Argentia
7- South Africa,

iyo waddamo kale oo badan.

Waddamada baaba'ay waxaa ka mid ah,
1-Soomaaliya,
2-Rduwanda,
3-Burund,
4-Yuguslavia,
5-Ciraq,
6-Afganistan,
7-Angola,
8-Sair,
9-Sera Leon
10-Chichnia,

iyo kuwo kale oo badan.

Waxaan shaki ka taagnnayn in dhibaatada ummad kasta haysata ay abuurto inteeda badan iyada lafteedu.
Iyadoo adduunkii sidaas u midaysan yahay oo uu qaarad ahaan isu soo dhawaanayo ayey Soomaaliduna leedahay maxaa la yidhi iyaa qaad mayaallaa heblaayaa sidaas lahayd hebel ayaa sidaas lahaa, iyo sheekeeyin aa nin maskax lahayni wakhtiga iskaga qaado.
Muqaddas: asalkeedu (root) wuxuu yahay carabi, haddii aynnu Soomaali u rognno waxay noqonaysaa wax la sharfay ama la karaameeyey, haddii aan khaldanahay ha la iga qabto fadllan, markaa ninka yidhi waar midnnimada Soomaalidu waa la karaameeyey uma arko inuu wax dhimay laakiin waxaa wax dhimay ninka caytamay iyo ninka aan fahmin kelmadda ee hadana jaahilnnimadiisa odhan kari waayey waar kelmadda noo fasir, ninka qoray!
Doqontu ayaa layidhi waxay leedahay laba iyo toban indhood(12), mid (1) waxay iskaga eegtaa dhagxaanta iyo waxa dhibaatada runta ah u keenaya iyo meesha ay marayso, kow iyo tobanka(11) kale waxay ku eegtaa qofka sokeeyeheeda ah ee la dhashay ee ay ximinayso, Soomaalidu markaas waa sidaas.
Diinta islaamka nimanka ku gabbanaya waxaan leeyahay ogow inay diintu saartay xoogga wada jirka oo ay ceebaysay kala tagga, haddii aad doonayso inaad ogaato middaas akhrri suuradda ANFAAL layidhaaho, keddib markaad fahanto iyadoon caadifad jaahilnnimo kugu jirin fekrradaada dhiibo.

Maanta cidina cid ma khasbbayso laakiin danta ayaa nin walba khasbbaysa.
Ilaa xilli dambe, salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

INA LIBAAX SANKA TAABTE

Unrecorded Date
SOMALILAND HAS NOTHING TO DO WITH UGLY MAJEERTEEN.
MAYLA SOCOTAA ENOUGH ENT.

NINKA BAYJKA FURAYNA WAA MUNAAFAQ MAJEERTEEN, MAYLA SOCOTAA MIDNIMADA KELIYA EE MUQADSKA AHI WAA DIINTA ISLAAMKA, TAN SOOMAALIDA WAA HADAYNU DOONO OO KELIYA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Unrecorded Date
To Inta caytamaysa, waa laga fiicanyahay cayda iyo in la isku xad gudbo.

Midnimadda Somalia hore umay dhicin oo mar kasta Gobolada qaar baa ka maqnaa, labada midoobayna fa'ido kumay midoobin ee khasaare uun bay keentay iyo qaxa maanta taagan, calaa kuli xaal wax muqadas ahi ma jiraan.
wada jirka umaduna wuxuu ku iman karaa rabitaanka umadda, ee ha la dhowro markii ay timaado.
hadii aan si'fiican aqoon la su weydaarsanayn min fadlak yaan la doodin.
Somaliduna kuma fiicna mawduucan oo kale inay ka doodo sababtoo ah waxa qaada caadifiyad xun.
Raali ahaada hadaan hadalka idunku badiyey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

"MUQADAS"

Ereyga macnihiisu waa sida uu taabtay walaalkeen enough Intelligent.

Aniguse waxaan ula jeeday macnaha ah MA GUURAAN, MUHIIM, LAMA HURAAN, HABBOON, DAN, QAALI.

Waxaase dhib ka joogaa haddii caqligii loo diiday in uu guto hawshiisii oo caadifad, nin tooxsi, nin jeclaysi, nacayb, xiiso, shaki iyo Ilaahay Ka Magane xaasidnimo ay la wareegtay dareenkeenii.

Su'aashu waxay ahayd ujeedadeedu bal haddii Soomaaliyeey ehel iyo qaroobo aynu isu diidnay. Mar haddii aynu ogaanay in QABYAALAD qurun iyo kala gayn mooyee ayna qiimo kale lahayn.

Haddii aynu diidnay in aynu ku heshiino sidii hasha loo qaybsan lahaa oo aynu isku raacnay in aadan i xukumin anna aanan ku xukumin dad iyo duunyana dayacnay.

MA LAGA YAABAA IN AYNU MURTI U YEELNO WAXA AYNU ISKU DIIDANAHAY!

Soomaali : Adiga iyo aniga midna dan uma hayo
Muslim : Adiga iyo aniguba kuma dhaqmin
Af (Luqad): Maba is af garan karno cay mooyee
Deegaan : Guri iyo geedba gubnay

DIINTA Islaamku waa MUQADIS marka la daryeelo oo la ixtiraamo oo ay muhiim iyo lama huraan noqoto in aad ka danqato oo ay ku dhibto dhibaatada iyo dar xumada iyo silaca haysta qofka MUSLIMKA ah gaar ahaan EHELKAAGA.

Dhiiggiina, Xilihiina iyo Xoolihiinu waa idinka xaaraan buu na yiri Suubanoow Rasuulkii Ilaahay Sallalaahu Calayhi Wa Sallim.

Adoo raali ah walaalow ogow ma ihi weligayna ma noqon ab iyo isirna uma lihi oo abtirsiinyaday ma gasho MAJEERTEEN. Waxaanse ahay adoon miskiin ah oo walaalkiin Soomaaliyeed ee Muslimka ahaa raadinaya ee meel uu joogo ma taqaanaa?

HADDA IYO DAN waa su'aal ee haddii aad garaad u leedahay bal ka jawaab adoo mudan oo raali ah:

MIDNIMADA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADIS!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fardoowso fara dheer

Unrecorded Date
to dhamaan
soomaali ayaan la kala qadqaadin soomaali waa mid kaliya maanta kuwa qabiilka ku fikiraaya somali ha aadeen!!!! jaawwwwwwwwwwww

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali wayn

Unrecorded Date
Mahadsanid Brother walaalkiin.
Figradayda:Midnimada Qarankeenu waa muqadas!!!

dadka diidan waa dad qabiil indho tiray, aqooontuna ku yartahay, ee iyaguba waa somaliye dantooda aysan aqoon. Soomaali in la qaybiyo yaa faa'iido ugu jirtaa cadowgeeda maahane?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

badawi

Unrecorded Date
DADKA MIDNIMADA SOOMAALIYEED MARKA LAGA HADLO CAYTAMAYA HALA yaabinina qaswul-fikir baa galay oo miskaxday ka gumaysan yihiine.

MIDNIMADA GEYIGEENU WAA MUQADAS!
Taliskii hore hadduu yirina wuu ku saxsanaa.
Dadkaan soomaali rabin hanaga guuraan DHULKEENUSE WAA 'IN-DIVISIBLE'....

Salaamulaahi calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

majeerteen edbiye

Unrecorded Date
ala maxaa majeerteen uraya meesha niyada isu dhisaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hilaac

Unrecorded Date
waxaan ka hadlayaa aniga qodobka aad tidhi dawlad soomaaliyeed waxay ku xidhan tahay rabitaanka dadka oo afti guud loo qaado.
waad ku mahadsantahay inaaad sidaa tidhaahdo laakiin maxaa loo heli waayey.
maxaad uga hadli weydey waa qodobka ugu muhiimsan qodobadaada waa ka horeeyaaa qodobka ah (MIDNIMO).
hadii aanu rabitaan jirin oo aanay umada soomaaliyeed cod mideysan isugu raacin dawlad loo dhanyahay midnimada soomaaliyeed maaha muqadas ee waa maqaarsaar,mala awaal iyo riyo aan dhacay.
runahaana waxaan ahay dadka ka soo horjeeda midnimo waxa la yidhaahdo, rayigayfuna waxa weeye midnimow magacaa be xaalku waa gobolaysi, ee halayska daayo qayla dhaanta oo nin waliba gobolkuu u dhashay haka qaybqaato ibu dhiskiisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

hilaac wax aan ku diido rayigaaga ma arko. Qodobada aan isku dayay in rayi laga wada dhiibtana ma aha keligood su'aalaha taagan ee qof walba iyo garaadkiisa wuxuu u baahan yahay in uu jawaab u helo arrimo kale.

Waa dhab iyo xaqiiqo jirto in rabitaanka bulshadu yahay waxa ugu horeeya in la helo intaan loo gudbin hawl kale.

Haddii bulshada laga qaado rabitaanka waxay noqonaysaa KELIGII taliya in uu majaraha taladaan mar kale gacanta ku dhigo. Meel fogba ha aadin, waxaad fiirisaa waxa maanta ka jira Xamar iyo PUNTILAND oo rabitaanka bulshada iyo kan qabqablayaashu is diidan yihiin.

Waxaan kaloon kugu raacayaa in MIDNIMADA ay ka horayso in beesha deegaan wadaagtaa marka hore iyadu heshiiso oo MIDOWDO.

Waxaanse u baah nahay in aad ii balbalaariso oo far waaweyn iigu qorto waxa aad ula jeeddo:

"nin waliba gobolkuu u dhashay haka qaybqaato ibu dhiskiisa"

Ma waxaad leedahay haddii aad Hargayso ku dhalatay adigu shakhsi ahaan baad xaq u leedahay in aad ka qayb qaadato dib u dhiskeeda?

Mise waxaad ula jeedaa meesha dadka aad ku ABTIRSATO ay degan yihiin aad oo adoo Hargaysa ku dhashay baad ku noqon Baydhabo oo dad aad isku QABIIL tihiin degan yahay?

hilaac waxaan sugaa waa jawaabtaada.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum
GEEDO SARE WAABKA LAGA ROON

Waxaa sharaf ween ii ah inaan rayiga laqeeybsado walaalaheey soomaaliyeed ee aan wadaagno NASAB oo ah xididka laga soofarcamay,DIIN oo ah tan islaamka,DAGAAN oo ah 5 somaaliya ee 2 maqantahay.

waxa aan filayaa arimaha walaalkeen soo bandhigay ee ah MIDNIMADA SOMALIA WAA "MUQADAS" in aad moodo in aan dadku fahmin u jeedada fog ee kadan beeysa.sabab ta hadaba ay tani kudhacday ayaa waxay tahay shacabkeena soomaaliyeed oo ay inaga maqantahay arimo nolosha aadamaha aas aas uah ama bahwalba u ah aas aas qof walbaa fahmo.waxa haboon in aynu garano meesha arintu iska qabsan ladahay oo dadku lamidoobi waayeen!!! markaa kadib ayaan ugudbeeynaa xal raadin.waxaa larabaa in qofwalbaa garto,dareemo,dhiigiisa iyo lafahiisa ay kugororto sidan soo socota.


1.inaad is ogaato yaatahay adigu nasab ahaan?
2.wadankee baad ku leedahay dunidaan ween?
3.diinteed haysataa?
4.waa kuma cadawgaaga fog?

jawaab
1.waxaatahay african,hadii hoosloo baahdo waxa tahay bahweenta soomaliyeed.
2.waxaad leedahay qarada africa,hadii kala qoqob larabo waxaad leedahay geeska africa gaar ahaan dhulka soomalia.
3.waxaa tahay islaam
4.cadawgaaga fog waa indho BILIIL ama ninka cad oo asagu isu yaqaana SAREEYE ama ilaah ee adamaha noocyada ay yihiin u yaqaan ADOON UULEEYAHAY.

Waxaan filayaa anoon kabixin moowduucaan in qofwalbaa rumeeyo qodobadaa kadib aan ugudubno wixii kale ee hawl iyo midnimo ah.aas aaska oo khariban ama aan dhisneen geedo sare waabka laga roon.waad kumahad santahay akhriskaaga bogaan.waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

v makaariyoos

Unrecorded Date
dhamaan,

dee waynu garanaynaa faaiidada qaranimada soomaaliyeed laakiinse waxaa jira is aamin daro iyo raga la doonayo in lala xaajoodo waa dad iyagaba qaranimada daaqad ka tuuray.hadaba sideen kii shalay dhibaatooyinka chronicga ku noqday wadan ka dhaliyey aan ula xaajoodaa? mise waxaad i leedahay indha isqaboo qar iska tuur? dadka odhanaya diidmada somaliland waa mid qabiil ku salaysan waxan odhan lahaa arintan qabiil wayka wayntahay meel fog in wax laga eegana waa lagama maar maan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kacaan

Unrecorded Date
Hilaac: MAGAC BINI'AADAMNA MALIHID, CAQLI BINI'AADAMNA MALIHID.
Go to school and learn what unity means.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Midnimada dhulka Somaliyeed waa daruuri. nicmo Ilaahay weeye kol haday iminka sadex qaybood xor yihiin(woqooyiga Somaliya, koonfurta Somaliya iyo Jabuuti). Insha Allaah way dhamaan doonaan dhibaatooyinka dalkii hada ka jiraa, ee arinta hawsheedu inagu culus tahay waa xoraynta dhulka tigraaygu hada gumaysto iyo ka washaysigu (kiinyaatigu) isticmaarsado.
Islaanimadeena, haybadeena, quwadeena iyo laandheeranimadeena waxaa hiil u ah midowga Somali oo dhan.
Shakhsi kasta oo gobalaysi ku qanacsan waxaa uurkiisa ka buuxa mililkii qabyaalada, qabyaalada natiijadeedana isu sheegi mayno.
Goboladii maamul hoosaad samaystay iyo kuwa doonaya inay samaystaan(qolo ama degaan haisku raaceene) wax dhib ah ma laha inta laga helayo dawlad Somaliyeed oo wadaag ah, laakiin dadka ku faraxsan in dalku ahaado gobolo gooni gooni ah oo mid waliba calan gaar ah leeyahay, ha ogaadeen in habkani yaahy ka keliya ee aynu ku sinji guurayno, aynuna la mid noqon doono hindida cas cas(cali beysteenka), aborjiiniska iyo jibsiga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S.M.S

Unrecorded Date
Waar waa yaab!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Intaad leedihiin midnimada Soomaaliyadeed waa "muqada", ma is waydiiseen cida ay u tahay muqadas. Xaqiiqdu waxa weeye kuwa ku dooda arrintaas waxay ku jiraan hurdo aad u dheer oo aan katoos laheyn, dadka arrintaa ku doodaana waa kuwa gobaladoodii ay gubanayaan ee xal u waayey mooriyaanka iyo warlods kataliya gobaladooda, kuwaasi xaqiiqdii waa kuwa ka xun jiritaanka,horumarka iyo xasiloonida Somaliland.

Maxey idiinkaga dhagtey "Muqadis" Waar ma nin reerkiisii gubanayo ayaa jecel horumarka kuwa kale. Runtu waxa ay tahay waddaad iyo waranleba waxa idiin cutami waayey oo aad ka xuntihiin jiritaanka Somaaliland.

Waar ordo aa hadey tahay dhamaan qabiilada gabaldoodii hagaajinkari waayoow isku taga oo kawada xaala waxa idiin dana iyo waxa "Muqadaska" idiin ah.

Somaaliland waxay muujisay dulqaad dheeraad ah oo ay samreysey mudo kabadan 28 sanadood, imikana waxba idiinkama baahna oo xad ay jaamacado sameysato ayey gaadhey waana galad Eebe barina diyaarado ayaa ku soo xiga ee idinku isu habar wacda mooriyaanka waxa idikala gudboon ka tashada.

Raali hala kala ahaado, wanaag ayaan Rabbi idiinka baryeynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Unrecorded Date
My dear fellow Somalis for those of you who are still wondering what is wrong with "Seccesionist's" brain please check the following writing and if you are wise enough or old enough or understanding enough to digest this play you might just understand "Meesha sartu ka qudhunsantahay" and why the gap between those who advocate PanSomalism and Seccesionists is getting bigger and bigger all the time. Please read with an open mind and it might enlighten you forever..................................

Waxaan jeclaa, oo Soomaali dhammaanteed la-jecelahay, oo Ismaaciil Cumar Geelle inuu garto la-jecelahay, in garta sideeda loo naqo, godob-gelinna laga rabo.

Somaliland iyo Soomaaliya waxay dalqaddii koowaad is-fureen 1961kii, dalqaddii labaadna 1969kii, dalqaddii saddexaadna 1991kii. Haddii kolkaas Ismaaciil dani-ka-hayso dumaasha Soomaaliweyn oo u muuqata imika inay koora-ka-furad taagantahay, waa inuu u marayaa jidka toosan....

Loogamase fadhiyo Ismaaciil inuu cadhada kud-dishu xambaarsantahay kulasoo galgasho Somaliland.

Waa digniin "GAAS-DHEGOOLE" ninkii garanayaa garanayee, nacasna looga warramimaayo.....


******** Gufo "" Curatay 20 March 2000""""""""

In-dhowayd gobaaday sidii; Gabay la'ii diidye
Gaagaxay haddaan waayo badan; Geydhanaan jiraye'
Gudintayda iyo daabku way; Kala gaboobeene
Gugii hore tiskaan gooyaybaa; Gurada ii yaalle
Xeradaba gufays laguma darin; Gawrihii dhacaye
Afsaartiyo miscirirtaan gudbaa;Goobta weli yaalle
Gaangaambi mayraca inaan; Maqasha goobyaalo
Ama tulud gugii hore dhashiyo; Gaadho rimaydiisa
Ama reerka taladiisa guud; Gooyo sahankeeda
Gawaan aan xariiqiyo fadhiga; Waw guddoonsade
Araar gocashadeediyo ma-rabin; Maanso gelisteede
Hayeeshee gugii reerku degay; Gegidan uu yaallo
Gufaa iga dhinayd-oon-lahaa; Goordambaad jariye
Bal-aan maanta goynteeda dayo;Guullow waa mahade''

Gobannimada Somaliland; Geellow waa Jidibe'
Waa gumuc-rasaasiyo madfaca; Gooya meel-adage'
Waa Geed-macaan oo ku baxay; Dhiigga-geesiga'e
Waa galaca-waagiyo-iftiin; Gaar-usoo-baxaye'
Waa Geydho oo noo irmaan; Gu'iyo Jiilaale'
Gallad weeye Eebbiyo(SWT)xurmada;Aadmi loo galo'e
Waa gelengel buuxdiyo xareed; Geeswalbow-fidiye'
Waa guri hadhkiisiyo dugsiga; Geye ku eertaaye'
Waa gaawe xoorkiisa mudhay; Ubadku gooshtaaye'

Inkastay guhaad soo martiyo; Gurintir jiilaalba
Inkastay gunaad ciil-ku-baxay;Dhaax lagibingaashay
Inkastoo gafane nuugayoo; Shilincas giirgiirtay
Inkastay gudoodiga qarsoon; Geeswalbow orodday
Inkastay nin geerida la-jecel;Gacal sabaan moodday
Inkastoo gun lagu soo sidkoo; Gocor halaanbeeyay

Maandeeq guddoonkay fadhido; Golahan loo deyray
Gibishaa qurxoon-iyo kebdaha; Geesta kaga xeeran
Xinjir geesi-iyo-bay-ku-timi; Gabanno dhiigoode
Gantaal iyo rasaasbaa rugtaa; Geydho soo furaye

Maantana intuu gurigayaga; Kuray ka geeraaro
Ama gabadh timaa loo dabaa; Gelin ka jaanqaaddo
Goblan maaha nimankii madfaca; Gaaddadow dhigaye

Inkastoo garaad-xume fikrado;Gudubsan tooctoocsho
Inkastoo gadh-liitiyo sacsaca; Shilimmo loo gooyo
Inkastuu cadaawuhu guntado; Gacal-nimaad moodday
Inkastoo nin garabkaaga jiray;Midabka good yeesho
Gobannimada Somaliland; Guushan iyo deeqdu
Gini kuma-baxdiyo sooryo aan; Gaadhin meel sare'e
Geesoole-mooyee haddii; Aar-u-galo raarta
Carab-guudxun-mooyee haddii; Halaq gondaa jiifo
Gaal-taladi-mooyee haddii; Hororna soo guuxo
Giir kama-kacoo Heego waa; Geed-ku-baxay dhiige'
Waa guri samaa loo unkoo; Xaasid waw gubane'
Gardarriyo is-yeelyeel ninkii; Godob la doondoona
Geyigay ku nooshahay ninkii; Xumo kuusoo gaacsha
Gashi hore ninkii uga qabee; Weliba soo guuxa
Ninkay garasho ugu laabantee; Sida dhallaan guuxa
Taariikhda guunka ah ninkii; Geeska-mara saaka
Ninkii gubana soo liqay tun hore;Garabna doonaaya
Gebagebada mooyee ninkaan; Garan sabaalaaba
Gaashaanka loo tumay xornimo;Geydhka lagu meershay
Ninkay guuldarriyo hedi waddow; Soo gal xeradeeda
Haddii kale dantaadana ka garo; Godobna haw iilan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Unrecorded Date
War nimanka doonaya inay wadanka qaybiyaanow soconmayso. Somaliyi waa somali, somaliyana somali baa leh. Horta yaa xaq uleh inuu wadanka kala gooyo?. Somaliland-tan ad sheegaysiin (kolay waa iska qabiil oo waan is ognahay e)yaa somalia ka gown kara? ma qabiil? Ma shakhsi? ma group?.
War lan-lankiina maahee qabyaalad hoosaadka naga daaya.

Dhulka inta hartay(woqooyi iyo koofur) somali buu ka dhexeeyaa, inta maqanna waajib baa naga saaran inaan doono. Meeqa kun oo daraawiish ah baa ku dhimatay inay woqooyiga xoreeyaan("Berbera baladkaygi weeyaanoo, Nin beeja qabaa ma baariyo"). War qofkaan somalia jeclaynow dhulku guuri mayee adigu bax.

Somalia somali baa leh!!!!!!
salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAADOOW

Unrecorded Date
comande,

saxiiboow waqooyi markii ay 1960 ay southka ku darsanaysay ma cidbaa sanka haysay maxayse isugu darsadeen shuruud la'aan? xaqirida iyo been isu sheegu waa jaahilnimo ee runta u dhaadhac caadifada aad ogtahay anigana ogahay yey kula tegin! dagaalka daraawiishtana meeqo isxaaq ah oo shixiri kamid yahay baa ku jirtay? imisa shaqsiyaad ah oo isxaaq ah baa wadani layaqaano ahaa? mana iswaydiisay waxaa ku kalifay goosashadan ay ku hadaaqayaan? be a realistic and civilized.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Kolkii laga hadlaba Somalinimo caado ayay noqotay in dad lasoo boodaan Somaliland waa wadan gaar ah, waa nabad, horumar bay gaadhay iwm.
Marka hadalada diblomaasiyada laga tago, woqooyiga galbeed ee Somaliya waxaa ka jira maamul goboleedkii lagu sugayey dawlada Somaliya loo samaynayo maustaqbalka hadii Ilaahay yidhaahdo.
Markastoo Hargeysa, Burco, Garoowe, Marka, Xamar iyo dhamaan qaybaha kale ee ay Somalidu ku nooshahay uu Ilaahay u nicmeeyo waa arin farxad mudan.
Ilaahay inagama dhigo kuwa ku farxa masiibada soo gaadha degaan ka mid ah dhulaka Somalidu degto, ninka dhibkaa walaahiis soo gaadhay ku farxayana waa xaasid isla markaana raadinaya dano aduunyo inuu gaadho.
Aan yara dhirindhiriyee bani aadanka oo u kala baxa sidatan:
-Bani Aadan
-Qoom
-Shacab
-Qabiil.
Hadab farqiga keli ah ee dadkeena u dhexeeeyaa waa qabiilka kaasoo qudhiisu aan xuduud uu ku istaago lahayn oo soconaya illaa ilma adeerta.
Hadaba waxaynu dhawr dawladood u kala noqono miyaa jirta aan ka ahyn in koonfurna uu talyaanigu haysttay, woqooyiga Somaliyana ingiriisku uu haystay.
Cidii raali ku ah in mar labaad lasoo celiyo xuduudkii talyaaniga iyo ingiriisku ay ku kala horjoogsadeen umad aan sinaba u kala duwanayn, waa dad aaminsan in imaatinkii isticmaarka loo baahnaa si uu shanta Somaliyeed u kala qaybiyo.
Mahad Ilaahay baa iska leh maadaama shacabkii lakala gooyey ay 01 07 1960 iska dhex qaadeen oodii dhex taaley.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Unrecorded Date
Mudane Waranle iyo martida kale ee duddadan ka dhiibanaysa doodahooda Soomaaliweyn-hirgelinteedow horta waxaan jeclaan-lahaa inaad magacyadiinna hooyo iyo aabbe idiinla bexeen qorataan. Taasi waa iga talo. Tu kalena waa iga tusaale........

Soomaaliweyn iyo dhisitaankeedu caaddifad iyo qarka-haysasho hore ugumay dhalan imikana ku dhalanmayso.

Intiinna israaca Soomaaliweyn jecelow waxaan idin soo dhexdhigay su'aal aan horena ugu dhiibay in kale oo aad isku fikrad tihiin jawaabteediinna aanan weli helin.

Su'aashaasu waxa weeye marka laga hadlayo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed kala dhexmartay maxay qolyaha qaddiyadda Soomaaliweyn heerayadeeda sidaa u yidhaahdaan "Sagaalkii sannadood ee ummadda Soomaaliyeed dhibaatadu haysatay, ama sagaalkii sannadood ee dhiigga Soomaalidu isku daadanayay??????

Waa taariikhdee tan aad tirsataan? 1990? 1991? ama hee? intii hogga Xamar laysugu soo galay?

Waxa halkaas iiga soo baxday inaynaan isku Soomaali ka-hadlayn. Marka laga reebo dadka ku dhintay dagaalada dhexmaray ciidankii Siyaad Barre watay iyo jabhadihii kasoo horjeeday waxa jira kumannaan qof oo Soomaaliyeed oo degaamada Soomaaliyeed afartooda rukun lagu bireeyay.

Qaarbaa boqol-boqol laysugu xidhay. Sagaal, toban, kow iyo toban, laba iyo toban, saddex iyo toban, afar iyo toban iyo shan iyo toban sannadoodba way ka horraysay taariikhda cawadarantaasi dhacday?

Inta uunka lagu uummayahay; Aakhirkiyo shiiga
Haddii inan-ka-hadho waa midaan; Cidi illaawayne
..................Cabdi Baraar

Dhiillada ninka gabaygan tiriyay ka hadlayaa waa tii loo geystay qabiilka Majeerteen oo aynu wada ogsoonnahay inaan sagaal sano kasoo wareegin. Maxaynu ku sheegnaa iyaga dhimashadoodii? Dhiig mahbar oo daatay? Dad dawlad afka la-galay?

Waxay iigu muuqataa in baroorta maanta Soomaaliweyn loo qabaa tahay tii Yaxaasku noolaha uu afka kusii wado uga tibiqsiinjiray tahay.

Dhankale aan idinka tusaaleeyo. 1990kii markii hadhaagii ciidamadii Afweyne ka ambabaxayeen Somaliland waxay dhammaantood dhabbada saareen laamiga isku-xidha Somaliland iyo Soomaaliya, su'aashu waxay tahay xaggay ku socdeen?

Miyaanay ciidammo Soomaaliweyn sidii lagu sheegay ahayn? Haddii xitaa dagaalku sidii ay ku wadeen uu u dhiciwaayay miyaanay dalkan ay joogeen aanu ahayn kii ay dirayska u qaateen? Ruuxwaliba jawaabta si haw fasirto xaqiiqduse waxay tahay may ahayn ciidan Soomaaliyeed, dalkii Soomaaliyeed ee ay u dhaarteenna may joogin. Waxay joogeen dal shisheeye, waa sida ay isu arkayeen, u dhaqmeen, una ambabaxeen. Qaddiyadda Soomaaliweyna waxay ahayd mid aan dhuux lahayn oo dhexda ka-daloosha, sida ay maantaba dhexda uga daloosho.

Waa dhab in 1960kii reer waqooyigu shuruud la'aan ugu raaceen walaalahoodii Koonfureed, waxay taasi ahayd kalgacal midnimo Soomaaliyeed reer Waqooyi u qabeen, waxayse arrini ku dhacday su'aasha maanta layla hortaaganyahay oo ah "Miyaannu lixdankii idin soo khasabnay?". Haddii caqligii Soomaaliweyn ee aan usoo hiloobay, ee hagardaamadu iga gaadhay, maantana ka sidaas u hadlaya yahay, "Mar i dage alla ha-dago, laba goor i dagana, alle aniga hay dago".

Waxaan filayaa inta arrintu taagantahay "Anigu taftayda dabka qabsaday uun-baan ku warhelay ee wixii hore daratiyo kud weydii" sheekadu way inaga laalaadsantahay.

Somaliland derisnimo, wadashaqayn, istaakulayn, isgacanqabasho iyo wax-isu-hurid walaaltinnimo way soo dhowaynaysaa, waa marka weliba hagardaamo badan iyo qadaf xoog leh oo meesha ka dhacay aan dib u liqo, haddiise arrintuba tahay "Muqaddis, Ma-kala-go'do, Qabiili baad tahay, Dadkaad kala dishaa, 1991 baan ku arkay adigoo dab sita, waxaan filayaa in Somaliland iyo shacbigeedu muxibada ay u hayaan deriskooda dib uga fekeraan oo arrintaba lagu dayo tixdii abwaanka "Deris iyo walaalaynu-nahay; Lagala soo daalye".....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
C.C.Cige
Somaliya meel ay noqotaba in dhibaatooyin ka dhaceen muran kama taagna.
Waxaase mushkilad weyn ah hadii layidhaahdo wax alaale wixii dalka ka dhacay miis korkii hala keeno oo hala xisaabiyo, taas macnaheedu waxay tahay yaanba weligeed la heshiin.
Aadanuh inta fikirkoodu bed qabo, wixii dhibaato ah ee dunida kusoo mara deris bay u noqotaa oo inaanay kol dambe soo marin bay ku dadaalaan, inagana maxaa xigmadaa inaga qadiyey.
Dhibaatada ay Somali is gaadhsiisayna maaha tii caalamka ugu horeysey, ugu weyneyd isla markaana ugu dambeysey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
I'll try my best not to influence by personal opinions. I will analyze this issue from broad perspective view. I will not go into details why did this catastrophe happen to us. But discuss the current issues and its impact on Somali people and how decisions made today by Somali elders can effect us in future. We all agree that there is no Somali political leader in this world who is educated up to the international standards. They have no idea where the world is heading today. There is no Sultan, Ugaas or Imam who knows anything whatsoever. I will illustrate you some facts I assume you will make your conclusions here:
North:

Egal spent 6 years in jail during Siad Bare goverment. During the patriotic SNM war against the savage regime of Siad bare, Egal an interview given to the BBC said "SNM waa tuugo magaalo soo gashey, jabhad maaha sidaa daraateed waa in laga nadiifiyaa wadanka", paradoxically, that man came to be president of Somaliland. What is going here? Are we sleeping? Will in west someone that said such comments against his own people likely to be the president? Yet, when he came to be the prime minister of Somalia 1967, one of the ministries of Hussien (previous) government was accuse of spying against the interest of Somalia and Egal sentenced him to life in prison. Paradoxically, this man is one of the ministries in Somaliland today. What is going on? Hello wake up? President Clinton was born when Egal became politician up today he has done nothing good for us. Is he going to do something now, 50 years later? In north there is no any other man than Egal? Who chose him as president? Probably Somali Elders who knew or have any idea where we are today. This is just one example thousands can be recalled.

South:

Ali mahdi hotel manager, wants to be president of Somalia
Sudi Yalaxow the most notorious guy wants to be president of Somalia
Bood have psychological problem, wants to be president of Somalia
Aato a driver, he wants to be president of Somalia
Abdulaahi Yusuf left school in grade 6, wants to be president of Somalia
Gabyow who said "hargeysa is Ogadenland live front of the cameras" wants to be president of Somalia.
Aidid, use to sell ice creams in states before joining US army, his dad said be next president of Somalia still dreaming.

Well guys and many more, "MIDNIMADA SOMALIYEED MUQADAS MIYAA?" I personally don't think anything is MUQADAS here until such people are alive because the longer they exist the more time we will spent living outside and more time we will spent writing such topics in the internet.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
I'll try my best not to influence by personal opinions. I will analyze this issue from broad perspective view. I will not go into details why did this catastrophe happen to us. But discuss the current issues and its impact on Somali people and how decisions made today by Somali elders can effect us in future. We all agree that there is no Somali political leader in this world who is educated up to the international standards. They have no idea where the world is heading today. There is no Sultan, Ugaas or Imam who knows anything whatsoever. I will illustrate you some facts I assume you will make your conclusions here:
North:

Egal spent 6 years in jail during Siad Bare goverment. During the patriotic SNM war against the savage regime of Siad bare, Egal an interview given to the BBC said "SNM waa tuugo magaalo soo gashey, jabhad maaha sidaa daraateed waa in laga nadiifiyaa wadanka", paradoxically, that man came to be president of Somaliland. What is going here? Are we sleeping? Will in west someone that said such comments against his own people likely to be the president? Yet, when he came to be the prime minister of Somalia 1967, one of the ministries of Hussien (previous) government was accuse of spying against the interest of Somalia and Egal sentenced him to life in prison. Paradoxically, this man is one of the ministries in Somaliland today. What is going on? Hello wake up? President Clinton was born when Egal became politician up today he has done nothing good for us. Is he going to do something now, 50 years later? In north there is no any other man than Egal? Who chose him as president? Probably Somali Elders who knew or have any idea where we are today. This is just one example thousands can be recalled.

South:

Ali mahdi hotel manager, wants to be president of Somalia
Sudi Yalaxow the most notorious guy wants to be president of Somalia
Bood have psychological problem, wants to be president of Somalia
Aato a driver, he wants to be president of Somalia
Abdulaahi Yusuf left school in grade 6, wants to be president of Somalia
Gabyow who said "hargeysa is Ogadenland live front of the cameras" wants to be president of Somalia.
Aidid, use to sell ice creams in states before joining US army, his dad said be next president of Somalia still dreaming.

Well guys and many more, "MIDNIMADA SOMALIYEED MUQADAS MIYAA?" I personally don't think anything is MUQADAS here until such people are alive because the longer they exist the more time we will spent living outside and more time we will spent writing such topics in the internet.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
To C.C.Cige
Dhibaatada Somalia soo martay hayska noocyo badnaatee laakiin mida inta badan laga hadlo ee uguna weyn waxay bilaabantay markii inqilaabkii dhicisoobay ee dhacay 1979 dabadii iyo illaa maanta. Qabiil walba mida isaga u darnayd buu u arkaa inay ahyd dhibaatada Somalia ugu weyneyd hase ahaatee waa dhibaatooyin cid ka badbaadey ay iskaba yarayd.Kalgacalka ay walaalaha gobolada woqooyi ay gobolada koonfureed maamulka ula dhisteen bay gobolada koonfureedna kalgacal kaasoo kale ah walaalahooda kale u hayeen.
Ciidamada kasoo baxay gobolada woqooyi ee dhinaca bariga dalka soo aaday kadib markii dawladii Siyaad ay dhacday, ciidamadaasi ma aanay ahayn ciidamadii xooga dalka Somaliyeed ee waxay ahaayeen ciidamadii xooga xukunka Maxamed Siyad Bare.
Mar hadii ay dawladii ciidankaas wadatay ay dhacday, waxa dantu u geysey inay aadaan meeshii ay ku nabad geli karayeen, taasoo ahayd goboladii markaa aan ciidankaas dagaal kula jirin, markaa bixintaanka ciidamadan uma ahan daliil inay wadan aanay lahayn ay xoog ku joogeen oo ay usoo baxsadeen dalkoodii hooyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Unrecorded Date
aniga waxaan ahay nin u dhashay somali texgelinaya in somalilnad ay xaq u leedahy in ay ka tashato aayaheeda hadii runta laga hadlo in mar kale somaliland iyo somali isku darsanto waa arin aan laga yaabin in ay dhacdo in this life or another life dhibaatdaa somaliyana waxaa keenay isku darkii labada dal

hadaba marba haday midnimo tahy mid aan la sugayna maxaa haboon waxaa haboon in aan wadankeena somaliya ka fekirno oo aan ku dayano aan weydiisan caawimaad

hadaan u saa laabto shirka ka socda jabuuti waa iga su'aalee suldaamo iyo waxii ka soo hary ale uma naxariistihii maxamed siyaad bare ay dowlad ay sameeyaan in ay wadnka xulkumi karta waad riyooneysaa oo once for all isticmaal caqligaaga

shirkaan wax dhalin doonaa dagaalkii ugu weynaa ee taariiqda somalida ka dhacay kasoo gaari doona from kismaayo ilaa bosaaso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

edleh@hotmail.com

Unrecorded Date
Ku: Waranle iyo bahda kale....

Codsi Mar-labaad: Haddii mawduucani sida hadalkiinna ka muuqata miisaan idiinla-leeyahay kasoo baxa Kaynta dhexdeeda oo magacyadiinna ku dhawaaqa sidaan hore idiinku sheegay....

Imikana dantay hadal:

Waranle horta halkii sartu ka-qudhunsanayd baad sartay, ciidanka waqooyiga ka ambabaxay ma ahayn ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed???? Very interesting proposition:-)

Bal ka-warran haddaan ku idhaahdo dhammaan inta ku bahowda midnimo-doonka Soomaaliweyn waxay rumaysanyihiin lidka ra'yigan aad keentay oo waxay u arkaan in ciidankaasi yahay kii xoogga dalka Soomaaliyeed ee Alle-haw-naxariistee uu C.A.Askari u tirinayay:-

Waxaan ahay askari
Amarkii la'ii diro
Anigu waan addeecaa
Ujeeddadaydu waa
Ayaamaha dagaalka(Read this line with interest)
Cadow inaan eryaa(And this one as well)

Arligayga afarta gees(And this one)
Ummaddayda idilkeed(And this one as well)
Waw adeegayaa..........................

Waxaan qabaa wuxuu ahaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed oo aan biyo-ismarin. Waxaase xaqiiqdu tahay dalka loo abuuray ayaanu u arkayn kan uu joogay.

Haddaad dhega-nuugsato Waranlow inta maanta kula fikrad ahi waxay boqolkiiba shan iyo sagaashan rumaysanyihiin in dawladdii iyo qaranimadii Soomaaliyeed ay dumiyeen jabhadihii ku kacay Siyaad Barre, taas macnaheedu waxay tahay raggii laamiga dheer taangiyada dib-ula-soo noqday waa difaacayaashii u dambeeyay Soomaaliweyn...

Waa fikrad halkaan taaganahay aad uga soo horjeedda. Bal u fiirso Waranlow miisaankan hoos ku qoran:-

Hadraawi: Pro-nationalist from the North... speaking the atrocities committed by the Somali National Army against civilians in Mudug region

Hubka mudug ku talaxtegay
Hiiraan gondaha dhigay
Allaylehe hubsiimiyo
Haki buu u baahnaa

Cabdiqays: Pro-Independent from the North speaking about the war between SNM and the Somali National Army....................

Dhulaan ceel-lahayn-baan
Dhaankii u rarayaa
Adna dhool-guyaadiyo
Dhibicdii ma-hayside
Dhacar baad ku nooshahay
Dhankaan anigu kaa xigo
Dharka lama yaqaannee
Dhuu baannu xidhannaa
Adna dhogorta xoolaha
Maryo waad ka dhigataa
Buuraha dhexdoodiyo
Dhagax baan ku seexdaa
Adna wax-ima dhaantide
Dhulka hoos-u-qodan-iyo
Dhufays baad u hoyataa
Dalkan kala dhaqaaqiyo
Labadeennan kala dheer
Yaysu soo dhoweeya

Markaad adigu dhimataa
Naftu iga dhaqaaqdaa
Markaad adigu dheregtaa
Dhibaatadu i deysaa
Dheehaaga wacan baan
Aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii aad reebtaa
Dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhowaadana
Waad iga dhaqaaqdaa
Anna kuma dhegaystee
Anoon dhuumanayn baan
Dhegaha kaa furaystaa
Dhaadhaan haddaan ahay
Adna dhoohanaad tahay...............

Pro-Somali-weyn Poet: This is about the war between the residents of Burao

Isaaqa is-laayay Ilaysku-miyaa
Burcaa ololaysa iftiinku miyaa

C.C.Cige: Extremely pro-Independent activist, my poem "Guuldarro" in which you can view in "The Mandeqnet Webpage" is about the Ethiopian incursion in the river regions of Somalia.....

Ruuxii caqli ku laabanyahay wuxuu kala soo bixikaraa tusaalayaashan iyo qaar kale oo haddaan tiriyo aan cidi ka geyoonayn in fikradda Soomaaliweyn iyo xubbiga laabgaraaca ah "Dhulku waa dhulqudha, dadkuna way israacayaan" uu yahay mid lafo iyo seedaba la'.

Sidaan ku muujiyay tixda "Guuldarro", anigoo dhiig iyo maalba ku difaacaya jiritaanka Somaliland ayaan haddana haddii Soomaalida kale ha-ahaadeen Soomaaliya, NFD, K5 ama DJibouti la-garabtaaganahay hiil iyo hoo waxaan hedinkaro..

Waxa xusid mudan wakhtiyo aan ku qoray Internet tixo difaacaya ama ka tarjumaya jiritaanka Somaliland dhammaan inta u doodda fikradda Soomaaliweyn waxay samada igaga soo saydhiyeen nacdal aan biyaysnayn, markaan tiriyay tixda "Guuldarro"-na dadkii laftoodii ayaan ammaan iyo taariikh meel laga gelayo igula soo gaadhay. Maxaa markaas halkaas iiga soo baxay?

Waxa iiga soo baxay:-
Mabda' aan lahayn dhuux
Madax aan fekerikarin
Muhmal dar-ay-run-moodeen...........

Gebagebada sheekada waxaan ku gunaanadayaa labadii muddaharaad ee ka-kala-dhacay Boosaaso iyo Baydhaba, hadda bal-qabsoo waa laba magaalo oo labaduba hormuud u ah midnimada muqaddaska ah ee Soomaaliweyn, midkiinna ma-xusuustaa wixii muddaharaadadaasi ku saabsanaayeen?

Shirkii Qaahira lagu soo gooyay. Waxay magaalo-ba magaalada kale ku eedaynaysay inay iyadu tahay tan qaabbilikarta shirweyne Soomaaliyeed ????

I am impressed.

Thank you and may God bless all

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoogsade

Unrecorded Date
Horta abtigay Cawad waa abwaan weyn hadal qiyaasanna wuu soo bandhigay. Laakiin arrinta ugu muhiimsan ee "MUQADIS"ka ahee shaqada u baahani waa inaan dalka dhaqaalihiisa dhidibo adag u dhigno meel walbaba koonfur ilaa woqooyi. Hadday taasii suurowdo wax kastaba xal waa loo heli karaa waana laga xaajoon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Unrecorded Date
Alla maxaa daba dhilif cabaad kabaxaya...

War soomaaliya qaysami mayso Illaa yawmul qayaame
Calankaa qodka dheer iyo Quraankaa ka dhexeeya
Shantuna waa isku qows.
Ee caada qaate qudhmuunoow
Weligaaba qalaad..........

War nimankan Magaca soomaalidana sheeganaya Mabdi'ii gumaysigana watoow Waxaydin u xiiqin:
1- Nin dhulka caasiyey oo traitor noqday dhulka
haduu suu rabo ka yeeli karo, Ingiriis iyo Talyaani baan soomaaliya maalin cad ka dhoofeen.
2- Waxba haku beer luxawsanina Dawladii siyaad
Barre baa reer Waqooyi Galbeed cadaadisay oo
dadku dabda'iina dalka lagu qaybinayo ayey
taageerayaan. Siyaad iyo Dawladiisiiba way
dhinteen, soomaaliyase soomaali oo dhan baa
leh ee Siyaad Barre ma lahayn.

3-Reer woqooyi iyo reer koofurba soomaalidu waa
wadaniyiin diyaar bayna u yihiin inay
qarankoodii soo ceshadaan marka marxaladan laga
gudbo....EE traitor ma dhulkaad geli marka
gaadh-hayuhu waajibkiisa guto, sadexdii
maqnayd ciilka uu ka qabona kugu wayraxo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Dadka Somaliyeed inuu colaad iyo cadawnimo dhexdiisa ah isu qaado waxaa ka dambeeyey Siyaad, Ilaahay baana xukunkiisa cadaalada ah ku qaadayee.
Jabhadii kasoo horjeestayna(waaxay doonaanba ha kala aaminsanaadeene, oo siday doonaanba ha u kala dhaqmeene) waa kuwii odayga riday.
Jabhaduna xal maanay keenin aan ka ahayn qaskii dhacay ee weli iminka taagan.
Shirarka Qahira iyo meelo kalaba lagu qabtay ee lagu heshiin waayeyna, awalba dad aan heshiis ahayn, una diyaar ahayn baa la isugu keenay.
Hadii la helo dawlad Somaliyeed oo loo wada dhan yahay, cadaaladna ku dhaqmaysa, maxaa kala goa loo doonayaa illayn Somalidu cadaalad daradii bay ka gilgilataye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S . S

Unrecorded Date
To: komaande & Iyo dhamaan Reer hurdo weyne

Alow nacas barqo hurdo seexdey oo sahadanbe soo baraarugey ma tahay!!!!!!!!!!!!!!!!
OO hadii Soomaaliland idin diido maxeydun sameyn, malaha qori caaradii, taana waa u diyaar ee dibjirayahow dhoohani danihiina ku toosa, iley soomaaliland go'daye. Jacaylku khasab ma aha samir baase idiin banaan dadaalna waa idila da', calaacalna waxma ma taro, cayina reeban, catowna waxba iga ma qaado.
Halkaasaanan idinkaga hadhey oo u daayey hadal akhyaartii caanka aheyd ee gabyi jirtey.

Cabdilaahi nooloow oo iilka laguu nuur, aduunkana adkoow oo haku dhowro Eebahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Unrecorded Date
To: Komaande

Magacyahow ammaanada
Asalkiisu soo lumay
Ashkataan qabaayoo
Nafta aad eryaysee
Eedaadinaysee
Sida aaran-dubatada
Ay solay ku saartee
Anshaxeeda gadatee
Asalkeeda bi'isee
Bal ayaandarraanteed
Weli kugu irmaan-baan
Afhayeen u qorayaa
Ashkatada ma-yeeshaa???
Garta oofinteediyo
Arrinkii rag-kala-gala
Ma ajalin-taqaannaa???
Mise OHO-Danlaad-tahay??????

Komaande ruuxaaga naanaystan la-baxay, misna "Traitor" cid kale ku sheegaya miyaan dhegihiisu/heedu is-maqlayn.

Waxaan ka xumahay nafta kugu jirta. Labadeennana kii dhuuniraac iyo dabadhilif ah waxa laga garanayaa adeegsiga naanaysaha iyo magacyada...

Is-daba-qabo!!!!!

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilka case

Unrecorded Date
CABDILAHI CIYE iyo SS-TIISA:

Horta marka hore ha xanaaqina forums weeye meeshu e.
Mida labaad waxaad u caraysan tihiin oo u diriraysaan soo in soomaalida la qaybiyo maaha?. Waxaan idin leeyahay nin wadani ah oo in wadankiisa la qaybiyo raba ma jiro aduunka. Marka komaande iyo dadka la mida ha ku xanaaqina haday yiraahaan dalkayga qaybin uma ogoli. EE adinku noo sheega waxa aad ku jeclaateen inaad qayb qaybisiin dhulkiina hooyo.

Qof dadkiisa iyo dalkiisa qaybinayaa sadex uun baan u arkaa inuu u sameeyey:
1-In lagu qasbay.
2-In uu kursi u dagaalamayo oo uu rabo meel uu
madax weyne ka noqdo.
3-In uu jaajuus yahay oo cadaw u adeegayo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.