site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XUQUUQDA QOFKA SOOMAALIYEED WAA MA GUURAAN!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): XUQUUQDA QOFKA SOOMAALIYEED WAA MA GUURAAN!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Fadlan ii dul qaado oo walaalow qadari rayiga kale oo qadaf iyo meel ka dhac iska dhawr. Waa dood cilmiyeed iyo qof iyo aragtidiisi.

Saddex qodob ayaan soo bandhigayaa in la faaqido, la rogrogo, la cilmiyeeyo, la darso oo la lafaguro ee ha naga hagran rayi iyo aqoon wixii ilaahay hibo kuu siiyay.

Waa dan walaaltinimo iyo raadin QARAN IYO QAWMIYAD Soomaaliyeed ee qaybtaada qaado. Ma dalkiinii oo maqan baa ninna ERAY u tuurayn!

1- MIDNIMADDA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADIS.

2- XUQUUQDA QOFKA SOOMAALIYEED WAA MA GUURAAN.

3- HOGGAANKA IYO HANAANKA DAWLADNIMO WAA RABITAANKA BULSHADA SOOMAALIYEED AY KU MUUJIYEEN AFTI GUUD.

Doodda ka furan golahan waxay ku wajahan tahay qodobka koowaad.

XUQUUQDA QOFKA SOOMAALIYEED WAA MA GUURAAN!

Haddii ay suurta gal noqoto oo aad ka qayb qaadato gogasha ay fidasay Dawlad Jabuuti ee lagu faaqidayo sidii dib loogu dhisi lahaa QARAN iyo QAWMIYAD Soomaaliyeed:

1- ma ku adkaysan lahayd qodobkan?

2- Maxaad ku fasiri lahayd QOFKA SOOMAALIYEED?

3- Sideed u aragtaa macnaha XUQUUQDA?

Qodobada kale doodda waxaa u furan gole kale ee soo booqo oo Mudane iyo Marwooyinow mudan qadarin iyo gacaltooyo raagtay aynu wada raadino MAANDEEQ.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aeeykum


SHIRKU MA BAHDEEYBAA??

Waxay ila tahay in soomaalidu ku maah maahdo hubsimo halbaa lasiis taa.waxaan uula jeedaa hadii shirku yahay mid bahdeey maskax dooda kasoo fulay oo aan ula jeedo soomali (bahdu maha reer qansax iyo qurac ee waa bahweenta soomaaliyeed.) waxaan oran lahaa aynu taageero oo doorano nin xun iyo dowlad xun dhisideed.qofkasta oo soomaaliyeed waxa uu xaq uleeyahay in uu tixgaliyo dadkiisa iyo dalkiisa isna latix galiyo.ani ahaan waan ku qanacsanahay ninka uugu liita uugu danbi badan uugu madax adag in loo magacaabo madax wax maa mula.shardi waa in uu yahay soomaali,muslim.markaa hadii aan qof xun sida aydaku u arkaanba aan rabo, mid fiican oo wadani ah hadaan helo maxaad u maleeynee.!! waxaa ii daran oo kaliya in shirka sheeydaan wato oo ah noocaan aan inala nooca aheen ee leh indhaha buluuga ee ilaahnimada sheegta.kaas aan kaxoroow no soomaali waa hooyo ubadkeed ee.sxb hubso in caqligu cagli soomaali kayimid yahay iyo inkale? markaa ma qurxoona inaan wax walba ka hadalo.waa kabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

gurey1 gacaliye su'aashu ma aha taageero shirka Jabuuti iyo diidmadiisa.

Kaba dhig in "bahdeen" wadato kana dhig in lagu qabanayo beerihii Janaale ama buurahii Ceeri Gaab ama dhahoo ban cidla ah oo Gayiga Soomaaliyeed ku yaal miyayna ahayn su'aashani mid taagan had walba.

Hadda bal mar kale gacaliyow gurey1now isku day in aad u daadagto murtida kugu raagtay.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
KU:walaalkiin


Xaguun labada daarod kudaran haysxakamin meel ee


Asalaamu Aleeykum


waxaan sxb ku oran lahaa mar waxaad kahad laysaa shirka jabuuti,waxaana daliil uah,hadalkaagan kor kuxusan sida(hadii aad ka qeeyb qaadato shirka jabuuti maku adkeeysan laheed...)


hadana waxaad leedahay arinta jabuuti diidmo iyo jeelmo makhuseeyso arintaani,waxaana daliil u ah hadalkaagan ah (su,aashu maha taageero shirka jabuuti iyo diidmadiisa)

hadaba gaba gabadii iyo gunaanadkii brother mawaxaad kahad leeysaa 1)in arimahan lagu doonayo qaranimada soomaaliyeed ee jabuuti wado aan fikir kadhiibano.

2)mawaxaad kahadleeysaa si ahaanba raadin qaranimadeenii ama bahdeen.

3)ma waxaad kahad leeysaa xuquuqda qofka soomaaliga ahi uu ka mudan yahay dadkiisa iyo dalkiisa.

sxb xaguun labada daarod ku daran hays xakabin meel ee.waa kabaxay mahad sanid brother

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.